Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

FAALLO: HUWANTII XOOGGA KU HAYSATAY JUBBADA HOOSE OO SOO GEBAGABEEYEY SHIR GUNTI-GIIJIS AH OO UGA SOCDAY KISMAAYO
Sarkaal ka tirsan xafiiska nabadsugidda Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Rolf Helmrich ayaa ka dhex muuqday qabanqaabada iyo talo-siinta shirkaas

Wakiillo ka socday Isbahaysiga Dooxada Jubba iyo kooxda Carta ayaa shalay magaalada Kismaayo kusoo gunaanaday shir muddo 25 maalmood ah halkaas uga socday, kaasoo, sida ay xaqiijiyeen wararka Kismaayo kasoo baxay, ay huwantu kaga wada hadlayeen qodobbo ay ka mid ahaayeen: sidii laysugu diyaarin lahaa weerar la sheegay in uu deegaankaas kusoo qaadi doono Generaal Moorgan iyo ciidamo tira badan oo ay wehliyaan dadkii deegaanka lahaa; sidii loo taageeri lahaa, loogana qaybgeli lahaa shirka dib-u-heshiisiinta ee uu hoggaamiyaha kooxda Carta doonayo in lagu qabto dalka gudihiisa; iyo sidii gacan loogu siin lahaa kooxda Carta iyo hoggaamiyayaasha siyaasadda Muqdisho fashilinta shirka dib-u-heshiisiinta qaran ee haatan ka socda magaalada Nayroobi ee dalka Keenya.

Shirkan waxaa ka qeyb galay ergooyin labada dhinac ka kala tirsan oo ay kala hoggaaminayeen guddoomiyaha isbahaysiga Dooxada Jubba, Colonel Barre Aadan Shire (Hiiraale) iyo wasiirka Jaaliyadaha iyo Arrimaha Qaxootiga ee kooxda Carta, Cali Xaaji Maxamuud Shire (Cali Baashi).

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Huwantu yeeshaan shirar caynkanoo kale ah, hase yeshee wuxuu midkan kuwoodii hore kaga duwan yahay, iyagoo faafiyey warar sheegayey in shirkaas uu ahaa “shir dib-u-heshiisiineed oo u dhexeeyey beelaha Hartiga iyo isbahaysiga Dooxada Jubba”, taasoo haba yaraatee aysan waxba ka jirin. Sida la wada ogyahayna magaalada Kismaayo waxaa ku sugan dad Harti ah oo u badan haween iyo caruur, iyadoo odayaashii Harti ee reer Waamoodka ahaa ee ay taladu ka go’day ay haatan si ku meelgaar ah usii joogaan deegaanno ay ka mid tahay Puntland. Ma aha wax lala yaabo in beelaha Mareexaan iyo Harti ay ka wada hadlaan arrinta magaalada Kismaayo iyo guud ahaan mustaqbalka Dooxada Jubba, waxayse is weydiintu tahay beelaha Harti ma waxay arrimahaas kala hadlayaan beesha Habargidir ee doolaalada ku joogta deegaankoodii. Wararka been-abuurka ah ee ay Huwantu faafiyeen waxay kaloo intaas raaciyeen in ergada Hartiga uu hogaaminayey wasiirka Jaaliyadaha iyo Arrimaha Qaxootiga ee kooxda Carta, Cali Xaaji Maxamuud Shire (Cali Baashi), taasoo iyana ah wax lagu qoslo in wasiir ka tirsan Huwanta deegaankaas xoogga ku haysata uu hoggaamiyo ergo ka socota beelaha Harti.

Isbahaysiga Dooxada Jubba oo ka kooban beelaha Mareexaan iyo Habargidir waxay muddo ka badan shan sano xoog ku haysteen gobolka Jubbada Hoose, iyagoo barakiciyey dadweynihii deegaannadaas u dhashay, islamarkaana boobay wixii hanti ah oo ay haystay. Waxaa intaas xaalufka iyo baabi’inta ay ku hayaan deegaankii Dooxada Jubba. Waxaa si joogto ah loo jaraa dhirta qoyan, iyadoo dhowr markab oo dhuxul ah ay bil kasta dekedda Kismaayo laga dhoofiyaa, taasoo Kismaayo ka dhigaysa dekedda dhuxusha ugu badani ay ka dhoofto Soomaaliya.

Guddoomiyaha isbahaysiga BBCdu u bixisay Dooxada Jubba, Colonel Barre Aadan Shire Hiiraale wuxuu ka mid ahaa qabqablayaashii ka qayb galay shirka qaran ee dalka Keenya, hase yeeshee ayaamo kaddib ayuu isaga soo tegey, isagoo diiday inuu dib ugu noqdo. Barre Hiiraale waxaa u caddaatay in haddii uu shirka sii joogo uu ku qasbanaan doono inuu dharaar cad ka huleelo dhulka barwaaqada badan ee uu xoogga ku haysto, islamarkaana lagu sandulleyn doono inuu dib usoo celiyo hantidii uu reer Kismaayo ka boobay. Barre Hiiraale wuxuu qaadan kari waayey inuu ka guuro daarta quruxda badan ee uu ka deggan yahay magaalada Kismaayo. Waxaa u dhadhami weyday in dadkii qoxootiga ahaa ee uu gobolka Gedo kasoo raray ay banneeyaan guryaha daaraha ah ee ay sida fudud isaga galeen. Barre Hiiraale waxay taladu la dhaafi kari weyday inuu ka qayb galo shirqool kasta ee lagu minjaxaabinayo shirweynaha qaran ee ka socda Nayroobi.

Ku-xigeenka Barre Hiiraale ayaa isaguna indhowaalaba joogay magaalada Muqdisho, si uu isbahaysigooda wakiil ugaga noqdo shirarka qabqablayaasha Muqdisho iyo kooxda Carta kaga tashanayaan qaabkii loo xagal daacin lahaa shirka qaran ee Nayroobi.

Isbahaysiga Dooxada Jubba waxaa indhowaalaba welwel iyo walaac ku hayey wararka sheegaya in Genaraal Moorgan iyo ciidan xoog badan ay Kismaayo kusoo fool leeyihiin. Waxaan haddaba wax lala yaabo ahayn in Huwantii xoogga ku haysatay Dooxada Jubba ay dhankooda iska diyaariyaan, si ay mar kale ugu jilib dhigaan weerar kale oo kaga yimaada dhanka Generaal Moorgan.

Si kastaba arrintu ha ahaayee, waxaa wax laga argagaxo ah in Qaramada Midoobay ay lug weyn ku lahayd diyaarinta iyo hagidda shirkaas aan kor kaga soo hadalnay ee ay isbahaysiga Dooxada Jubba iyo kooxda Carta kaga arrinsanayeen qodobada aan kor kusoo sheegnay oo dhammaantoodba xambaarsan ujeeddooyin qurracan oo ka dhan ah soo afjaridda dhibaatada Soomaaliya. Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan nabadsugidda uu shirkaas abaabulay, islamarkaana uu dhaqaale ku bixiyey. Sarkaal ka tirsan xafiiskaas oo lagu magacaabo Rolf Helmrich, kaasoo horey looga soo cayriyey Puntland, ayaa ka dhex muuqday qabanqaabada iyo talo-siinta shrikaas.

Wafdi uu hogaaminayey Mr. Maxwell Gaylard oo ah madaxa UNDP, ahna Xiriiriyaha Qaramada Midoobay ee hawlaha aadaminimo ee Soomaaliya ayaa bartamihii bishii Febraayo booqday magaalada Kismaayo. Calum Mclean oo wafdigaas afhayeen u ah ayaa IRIN u sheegay 21kii Febraayo in ay Kismaayo kula kulmeen madaxda isbahaysiga Dooxada Jubba, oo uu sheegay “in ay ka taliyaan deegaankaas”, wuxuuna intaas raaciyey in dhaammaan shirarkii ay la yeesheen isbahaysiga Dooxada Jubba “ay uga soo baxday isbahaysiga Dooxada Jubba uu haatan awood u leeyahay inuu sugo heerka ammaan ee suurtagelin karta in la kordhiyo hawlaha UN-ka iyo NGO-yada caalamiga ah ee deegaankaas ”. Hadalkan ayaa nuxurkiisu yahay in xafiisyo waaweyn ay UN-ku ka furan doonaan Kismaayo, tallaabadaas oo dadkweynaha deegaankaas xoogga looga haysto u arka mid lagu dhiirrigelinayo, loogu xalaaleynayo isbahaysiga Dooxada Jubba haysashada deegaankaas, dadkii lahaa ay dibedda qoxooti ku yihiin.

Waxaa haddaba la yaab leh sababta ay UN-ku tallaabadaas u qaadeen iyagoo ogsoon: in isbahaysiga Dooxada Jubba uu yahay isbahaysi xaaraan ku dhisan oo xoog ku haysta gobolka Jubbada Hoose; in isbahaysigaas uusan wakiil ka ahayn shacabka gobolkaas; in dadkii deegaankaas lahaa ay gobolka ka qaxeen marka laga reebo xoogaa haween iyo caruur ah; in Barre Hiiraale uu kasoo baxay shirka qaran ee Nayroobi ka socda, diidayna inuu ku noqdo, haatanna uu ka shaqaynayo sidii uu u fashilin lahaa;

Dhanka kale, waxaa iyana wax lala yaabo ah in Janeraal Moorgan oo haatan ku sugan Puntland uusan haba yaraatee wax war ah kasoo saarin shirkan ay dabada ka riixayaan UN-ka ee isbahaysiga Dooxada Jubba iyo kooxda Carta ugu dhammaaday magaalada Kismaayo. Sidoo kale Dowladda Puntland, qaar ahaan kuwaaso ku sugan madasha shirka Nayroobi ayaan illaa iyo haatan wax war ah kasoo saarin arrintaan.

WQ. Muxsin Yasin
Muxsin2001@hotmail.com



Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001


Mudugonline.com keeping you Informed.