Qowlaaba lay diri jirey
oon qaar ka layn jiraye
Maanatana ma naag qaawan baa layga aqabaan waayey?
Gumaysigii ka hor Somaalidu waxay ahayd reer reer ay Boqor,Garaad,
Suladaan Ugaas,Wabar,Malaaq,Islaaw.iwm ay u arrimiyaan,
reer kastaana dhul gaar ah ayuu lahaa oo loo aqooonsanaa
ciddii ku soo xad gudubtana geesahaa la is dari jirey.
markaa Gumaysataha ayaa carrigii soomaalidu tiil u googooyey
qaybahaa shanta ah ee aynu naqaan. cidna kala ma uu tashan
inta israacaysa oo ama Talyaani xukumayo ama Ingriis ama
Faransiis ee iyaga Gumaystaha ah ayaa somaalidii qabiil
qabiilka u kala tiil qaybsaday. markaa gumastuhu ma eegin
dadkaa ay kala qaybsanayaan wax xidhiidh ah ee ka dhaxeeya
ama cidda is raaci karta ee danohooda gaar ah ayey wateen.
sida Britishka oo doonayey xoolo uu u diro ciidamadiisii
Cadan joogey, wuxuu doortay intii markaa uu u rkayey in
uu xoolo badan ka heli karo.gumaysigiisii gobolada waqooyina
intaas ayuuba ku salaysnaa.
Tusaale ahaan qabaa'ilka Hartiga ah ee dhulkii Britishku
saamiga u helay ka mid noqday, ma jirin xidhiidh gaar
ah ee kala dhaxeeyey beelaha kale ee Isaaq. oo aan kala
dhexayn hartiga kale ee ka mid noqday dhulkii Talyaanigu
ku habsaday.
Inata la ogayahay waxaa ka dhaexeeyey in geela la kala
dhaco marka la is arkona la is dilo,kii ay maalintaa ku
jiiftana lagu wiirsado. waase la xididi jirey gabdhahana
ama la isu diidi jirey ama la isa siin jirey.
Taasina iyaga gaar uma ahayn ee waa mid somaalida hadba
inta ood wadagta ah ka dhaxaysay. guurkuna wuxuu ahaa
mid dhex-mara hadba cidda isu aragta in ay kuf isu yihiin.
tolnimaduse waxay ahayd mid xidhiidh adag leh oo aad ayey
u yarayd qabiilooyin isku hayb ah in ay is layaan. haddii
ay dhacdona kuwa kale ee la beesha ah ayaa kala dhicin
jirey. tusaale weligood Dhulbahante iyo Warsangeli ma
dagaallamain. balse Habarjeclo iyo Habaryoonis weligood
lama heshiin.
Markii ay gobanimada qaateen labadii u horreysay illeen
waa dad wada somali ah e waa kuwii samaystey Dawladdii
u horreysey ee Soomaliyeed.
dadweynaha labada dhinacba waxay doonayeen arrinka israaca
ah. intii weli gumaystaha ku sii hartayna waxay u arkayeen
dhulkoodii qayb ka mid ah oo gunnimadii ka baxady iyaguna
mar uun goor ay ahaataba ku darsami doonaan.
Intii gumastuhu dhulka joogay dad badan ayaa wax bartey,dhul
maray, ilbaxay oo dunida xaalkeeda la socon karayey kuwaas
ayaana hoggaanka noqday wixii markaa ka dambeeyey.
markaa ma ay suura gelayn in dib loogu habkii Boqor iyo
Garaad ee laga tegey iyo dhulkii reer reerka u kala xidhnaa
ee waxay qateen hab-maamulka dunida casriga ah.
waxayna isu arkayeen dad isku asal ah sidaa daraadeed
aan kala maarmin oo hal dawlad ah noqon kara.
Markaa waxaa inoo caddaanaysa in labadii lixdankii xorroobey
israacoodu uu ku yimid rabitaanka dadka halka qaybkii
gumaystuhu ahaa mid khasab ah een cidna wax la weydiin.
Haddaba haddii taasu jirto maxay dadka qaarkii qiil uga
dhigtaan Gumaysigii Ingriiska ayaa sidaas yidhi oo noo
qaybiyey.
Haddii Ingriis sidaas Khasab innku qaybshay sow innagu
ma dooran in aynu walaaleheen raacno. haddaba ninkii doonayaa
in uu israaca ka baxo waa dan iyo yeelkiis e, maa la iska
daayo dadka kale dhulkiisa sheegashadiisa sow tan la is
yaqaanney ma aha!!!!!
Waan yaabaa markaan maqlo dhulka Somaaliland ee In Rayaale
sheego.
marar badan ayaan ku arkay Joornaalka Jamhuuriye mid leh
maamulka Majeerteenya ama " Majeerteenku waa in ay
isku dirka ka daayaan dadka walaalaha ah ee somaliland.
WALAALO" weger?????????? allaah yey la qosla!!!!
waxaan idhaahdaa dadku miyey waalan yihiin ma dadkaanay
kala aqoon, dad aan wax garan miyey la hadlayaan?. ma
gumaysigii Ingriiskaa inna walaaleeyey?
intaas oo dhaammi iyadoo ay jrto bal haddana sheekadaan
eeg.
1999 ayaan Washington waxaan kaga qayb galey xaflad loo
sameeyey Madaxweynihii dhintay ee Cigaal(allah ha u naxariistee)
iyo wafti Somaliland ka yimid oo ay qaban qaabisay jaaliyadda
Somaliland.
Waan ka qayb galay xafladda anigoo casumaad ka helay saaxiibbo
aan lahaa oo iga codsaday bal in aan meesha tago.
madashii oo la fadhiyo oo la sugayo waftigii ayaa waxaa
u soo hormaray Qaybe oo nin dheer ah, dadkii ayaa waxay
u maleeyeen in uu Cigaal yahay malaha dadka qaar badan
oo Cigaal maqal ku ahaa ayaa waxaa loo sheegey in uu Cigaal
nin dheer yahay, inta dad badani istaageen ayay la sacbiyeen,
dabeed xidhiidhiyihii ayaa yidhi ma aha madaxweynihii
ee waa Qaybe .kolkaas mar qudh ah ayaa sacabkii la joojiyey.
oo la aamusay. qaar huuuuuuuuh yidhina waaban maqlayey.
Madaxweynihii kol dambe ayuu soo galay iyadoo ay la socdaan
xaaskiisii iyo Fagadhe oo ahaa wasiirkiisii arrimaha dibadda.waa
la fadhiistay,
Dabeed madaxweynihii khudbad dheer ayuu galay oo aan runtii
jecleystey. intuu warqad la soo baxay khudbad u diyaarsanayd
muu akhrine si niyadsami ah oo oday dhulkii ka yimid ayuu
u warramay. labada nin ee labada dhinac ka fadhiyey Qaybe
iyo fagadhena hadba mar ayey hadal u toosinayeen. dhulkii
ayuu sal iyo baadh ka warramay. markuu hadlakii dhammeeyeyna
dadweynihii ayaa su'aalo loo furay.
Oodda ayaa weydiimo laga qaaday, waxba la isulama hadhin.odayguna
geed ayuu dabada lagalay wuuna is difaacay.
iyadoo arrintu halkaa marayso ayaa nin istaagey wuxuu
madaxweynihii weydiiyey su'aal ahayd. " Madaxweyne
wax baan hor u marinayaa baad leedahay faqashna waad wadataa"(intuu
farta midba marku fiiqay labadii oday ee dhinacyada ka
fadhidey waa Qaybe iyo Fagadhe e).
Hal mar ayaa qosol gees ka gees jaanta la wadhay sacbna
lagu daray
Madaxwenihii ayaa dabeed si kulul ugu jawaabay ninkii
su'aasha weydiiyey wuxuuna ku yidhi waar nin yohow waad
jirrantahay e ilaahay ha ku daweeyo. dabeed ninkii ayaa
yidhi madaxweyne ma xanuunsani eh that is the reality.
mar labaad ayaa haddana dadweynihii sacab isku dareen.
taasu waxay kuu caadaynaysaa in dadweynuhu arrinkaa ninka
la qabaan sow ma aha?
Anigii meel aan joogo waan garan waayey waxaan jeclaystey
in kursigu dhulka igala hoos baxo. hareeraha ayaan eegay,
saaxiibkay ayaan eegay waxaanna ka dareemay in uu ka xun
yihiin wax meesha ka dhacay. haddaba bal malee Qaybe Iyo
Fagdhe waxa qalbigooda ku soo dhacay,malaha jeclayste
in aragoodaba la waayo. allaah maxaan ka xumaaday.
waxaan xusuustay Gabaygii ahaa
Cagtii joogsan weydaa mar bay ceeb la kulantaaye.
Sheekadaa aan goob joogga u ahaa kuwo ka daran ayaa la
sheegaa.
haddaba dadka walaalaha oo dantu ka wada dhaxaysaa waa
kuwee.
Waxaan aad uga xumaaday hanjaadda iska dhehda h ee ina
Rayaale
Runtiina ma aan jeclaysanayo in aan Reer Boorama oo Daahir
Rayaale ka dhashay wax ka sheego balse waxaan xusuusin
lahaa in uu isagu yahay kan ugu u gu horreeya ee dabka
la saarayo haddii Dawlad reer Sheekh Isxaaq leeyahay la
aqoonsado.
Haddii nin iyaga ka mid ahi noo hanjabo Jawaabtoodana
waan siin lahayn
balse waa tii Khaliif Sheekh jeer hore yidhi.
Ninakii debinka meegaaray ee Geri malaynaayey
sakaaradii majaha suratey baad maandhow ii tahaye.
Calaa kulli xaal nin walba dhulkisa ama futa biciid ha
ula baxo ama land kale ha ula baxee isagay waa hawl u
taalla eh iimmanka ha la isku sugo waxaan la helaynna
yaan la haybin dadka masaakiinta ah ee war moogta ama
aan xogagaalka ahaynna la soo lugoyn.
Hanjabaadda Rayaale miyaaney ahayn Sakaaro sow ima barato.
sow ma xusuusto fadalkuu tuuray malintii la soo luggooyey.
waddadii uu ku cararayna loo bixiyey Riyaale ku orod.oo
ilaa maanta loogu yeedho.
haddaba Wiilkan reer booramwo yaan lagu adeegsan reerkani
iyaba dhulkaan ma soo haweystaane.
Nabadey
Cawl mareero
cawl_mareero@hotmail.com