|
Sam Voron iyo Cabdikariin Nuur Maxamuud “Cirfe”:
Laba nin oo abaal weyn gashaday reer Puntland.
“Abaal nin galaa badan, nin gudaase
yar”...
 |
|
Cabdulqaadir
M. Wacays
|
“Halkani waa Raadiyaha Gaalkacyo, Puntland….this is Radio
Galkayo, Puntland” ayaan maqlay goor barqo ah abbaarihii
8:00dii barqannimo anigoo sii gelaya dukaan yar oo lagu
iibiyo dharka iyo cadarka, islamarkaana ay bunka ka cabbaan
inta badan dhallinyarada reer Gaalkacyo kuwooda bun-cabka
ah. Codka aan maqlay wuxuu ahaa cod qof ajnabi ah oo kasoo
baxayey raadiyow yar oo uu gacanta ku haystay wiil dhallinyaro
ah oo dhex fadhiyey sandaqad yar oo aan ka fogeyn dukaankaas.
Waan qoslay, waayo waxaan gartay codka qofkaas ajnabiga
ah ee xiriirinaya idaacadda….wuxuu ahaa qof si talantaalli
ah u adeegsanayey afafka Soomaaliga iyo Ingiriisiga…haa
…waan gartay…wuxuu ahaa nin aan aad isu naqaannay, hase
yeeshee ay isugu keen dambeysay siddeed sano ka-hor….wuxuu
ahaa codkii Sam Voron..
 |
|
Sam
Voron oo dhex fadhiya raadiyaha Gaalkacyo
|
Maalintaas
waxay aniga ii ahayd maalin farxadeed, waayo qorshaha
joogitaankayga Gaalkacyo waxaa ka mid ahaa in aan wax
ka qoro sooyaalka taariikheed ee raadiyaha Gaalkacyo.
Joogitaanka uu Sam Voron joogay Gaalkacyo waxay iigu muuqatay
fursad qaali ah oo aan xog sugan ku heli karey. Sidaas
daraadeed, waxaan durba goostay in aan salaan iyo xog-wareysi
ugu tago Sam Voron. Waxaan dabadeed si deg deg ah u dalbaday
bunkii aan soo doontay.
Hilow
iyo xiiso badan oo aan u qabay la-kulanka Sam Voron dartiis,
waxaa ila dheeraatay muddadii yareyd ee uu dalabku iga
maqnaa, markiise la ii keenay, intaan si fudud uga laacay
baan abbaaray xarunta raadiyaha Gaalkacyo. Ilaaladii joogtay
albaabka hore ee dhismaha raadiyaha oo aan si fiican isu
naqaannay ayaa si xushmad leh iigu sheegay in Sam Voron
uusan xilligaas joogin, iyagoo intaas iigu daray inuu
goor dhow aaday hoteelka uu deggan yahay oo sida ay ii
sheegeen dhabarka ku hayey dhismaha idaacadda. Markaan
galay hoteelkii la ii tilmaamay baan durba gadaashayda
ka maqlay “ Hi Wa’ays….Haye Wacays...”..Wuxuu ahaa Sam
Voron…ninkii aan raadinayey…bud-dhigihii raadiyaha Gaalkacyo…
 |
|
C/karin
N. M. Cirfe
|
Barxad
yar oo ku dhex taallay isla hoteelka ayaan aniga iyo Sam
Voron dhigannay laba kursi, waxaanan dalbannay cabitaan
qabow. Is-nabdaadin iyo is-wareysi gaaban kaddib, waxaan
Sam Voron uga warramay ujeeddada socodkayga, waxaanan
ka codsaday inuu iiga warramo sooyaalka taariikheed ee
raadiyaha Gaalkacyo, gaar ahaan qaabkii ay isaga ugu abuurantay
iyo cidda ku dhalisay dhidbidda raadiyaha Gaalkacyo. Waxaan
dabadeed wareysi kaas la mid ah ugu tagey Cabdikariin
Nuur Maxamuud “Cirfe” oo ahaa maskaxdii ka dambeysay abuurmidda
raadiyaha Gaalkacyo. Nasiib wanaag, Cabdikariin qudhiisa
wuxuu xilligaas ku sugnaa magaalada Gaalkacyo.
MAALMIHII
UGU HORREEYEY…
Kaddib
qaran-jabkii Soomaaliya, waxaa dalka ka billowday dagaal
sokeeye oo saameeyey guud ahaan dhinacyada kala duwan
ee nolosha ummadda Soomaaliyeed. Inkastoo ay dagaalladaasi
ku koobnaayeen qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya, misana
hay’adaha warbaahinta caalamiga ah, oo xilligaas si joogto
ah u baahinayey xasuuqii, boobkii, iyo gumaadkii ka socday
dalka, waxay Soomaaliya ka bixinayeen sawirro si qaldan
loo xardhay oo muujinayey in dalka Soomaaliya oo dhan
uu dabku ka hurayo, aysanna jirin xitaa tuulo yar oo ka
badbaadday aafadii dagaalka sokeeye. Dhambaalladii ay
warbaahinta caalamiga ahi tabinayeen waxay kaloo muujinayeen
in dhammaan ummadda Soomaaliyeed ay birta is wada saareen,
dhiigguna uu qulqulayo dariiqyada dalka oo dhan.
Wararkaas
naxdinta lahaa ee ay warbaahinta caalamiga ahi sida joogtada
ah uga soo dirayeen Soomaaliya, waxay saamaynta ugu ballaaran
ku yeesheen Soomaalidii qurba-joogga ahayd oo wararkaas
ka qaaday jaha-wareer, welwel, iyo uur-ku-taallo, islamarkaana
waayey ilo kale oo dhab-ka-hadal ah oo ay kala socdaan
ayaandarradii ku habsatay dalkoodii hooyo.
Cabdikariin
Nuur Maxamuud “Cirfe”, oo xilligaas degganaa dalka Australia,
gaar ahaan magaalada Melbourne oo uu ka baran jirey cilmiga
electronics-ka, islamarkaana xiriir joogteysan la lahaa
Soomaaliya, ayaa ka mid ahaa qurba-jooggii Soomaaliyeed
ee sida weyn uga qiirooday wararkaas aan isu dheellitirnayn
ee ay warbaahinta caalamiga ahi sida joogtada ah uga soo
sheegayeen Soomaaliya. Cabdikariin waxaa yaab iyo amankaag
ku noqday sababta warbaahinta caalamiga ahi ay mar kasta
isaga indha-tirayeen in ay jiraan dadyow iyo gobollo Soomaaliyeed
oo ka badbaaday dagaallada sokeeye. Gobollada ka badbaaday
dagaallada sokeeye ee uu Cabdikariin madaxa ku hayey waxaa
ka mid ahaa gobolladii laysku oran jirey Waqooyi-bari
Soomaaliya, haatanse la baxay Puntland. Cabdikariin Nuur
wuxuu aaminsanaa in waxa keliya oo ay gobolladaas u baahnaayeen
ay ahayd in lagu dhiirrigeliyo, laguna taageero sidii
ay ugu fara-adaygi lahaayeen nabadda iyo xasilloonida
ka jirtey deegaannadooda.
AMBAQAADKII
KOOWAAD…
Bartamihii
sanadkii 1992kii, Cabdikariin Nuur Maxamuud “cirfe”, isagoo
ka duulaya fikirka ah in baahi weyn oo deg deg ah loo
qabo adkaynta nabaddii ka jirtey gobollada Waqooyi-bari
Soomaaliya, iyo in ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba
la dareensiiyo in ay jiraan dadyow nabadda jecel iyo deegaanno
xasilloon, wuxuu is tusay in sida keliya ee baahidaas
loo dabooli karo ay tahay in la helo Raadiyow madax bannaan
oo laga dhiso gobollada Waqooyi-bari Soomaaliya.
Cabdikariin
Nuur wuxuu islamarkiiba u hawl galay hirgalinta fikirkaas,
wuxuuna dadaalkiisa ku billaabay sahan la xiriira qalabka
idaacadaha iyo qiimeyntooda, iyo in uu la xiriiro shaqsiyaad
uu ku tuhmayey in ay talooyin muhiim ah ku biirin karayeen
hindisihiisa cusub.
Isla bartamihii
sanadkii 1992kii, shaqsiyaadkii uu Cabdikariin Nuur la
xiriiray isagoo xog iyo talo-doon ah waxaa ugu horreeyey
Maxamed Abshir Waldo oo degganaa magaalada Nayroobi ee
dalka Kiinya, islamarkaana ahaa wakiilka Nayroobi ee guddigii
la oran jirey Relief and Rehabilitation Commision (RRC)
oo jabhaddii SSDF u qaabilsanaa xiriirinta iyo fududeynta
hawlihii ay hay’adaha caalamiga ah ee samafalku ka wadeen
gobollada Waqooyi-bari Soomaaliya. Cabdikariin wuxuu Waldo
kala kulmay soo dhoweyn, dhiirrigelin iyo ballanqaaad
ah inuu intii karaankiisa ah la garabgeli doono hirgalinta
hindisahaas isaga ah, wuxuuna ku adkeeyey in uusan ka
harin kana caajisin ka-mira-dhalinta hawshaas.
Dhiirrigalintii
Maxamed Abshir Waldo kaddib, wuxuu Cabdikariin sii kordhiyey
xawaarihii uu ku socday sahankii uu ugu jirey helitaanka
qalab idaacadeed. Dabayaaqadii Bishii Nofembar sanadkii
1992kii, maalin maalmaha ka mid ah, Cabdikariin oo daawanaya
dukaan lagu iibiyo qalabka electronics-ka oo ku yaalla
magaalada Melbourne, laguna magacaabo “Dick Smith electronics”,
waxaa u yimid ninkii dukaanka iibinayey, wuxuuna ku yiri
“sidee kuu caawiyaa?..”.
Cabdikariin
wuxuu ugu jawaabay “ waad mahadsan tahay, qalabkan baan
daawanayey, hase ahaatee waxaan raadinayey qalab idaacadeed
iyo meel aan ka heli karo…haddaad iga caawiso waan kaaga
mahadcelin lahaa…”.
Ninkii
dukaanka iibinayey wuxuu Cabdikariin weydiiyey dalka uu
ka yimid, wuxuuna u sheegay inuu ka yimid Soomaaliya,
dabadeedna ninkii intuu hal cabbaar ah aamusay buu ku
warceliyey “ Haa…haa…Soomaaliya sow maaha dalka ay haatan
dagaalladu ka socdaan...,”, wuxuuna intaas raaciyey “
waxaa jira nin la yiraahdo Sam Voron oo deggan magaalada
Sydney..ninkaas waa nin caawiya goobaha ay ka jiraan dhibaatooyinka
aadaminimo…wuxuu ku caawiyaa qalab idaacadeed iyo weliba
aqoontiisa farsamo ee dhismaha idaacadaha…Soomaaliya xitaa
wuu hadal hayey….fadlan ninkaas la xiriir…”.
Wada-sheekeysigaas
gaaban kaddib, ninkii dukaanka iibinayey wuxuu Cabdikariin
u qoray cinwaannada uu kala xiriiri karey Sam Voron, isagoo
islamarkaana ka qortay magaciisa iyo cinwaannadiisa.
AMBAQAADKII
LABAAD…
Cabdikariin
Nuur oo ay maalintaas u ahayd maalin farxadeed, wuxuu
islamarkii uu gurigiisii tagey talefoon u diray Sam Voron.
Nasiib wanaag, waxaa la hadlay isla ninkii uu raadinayey
ee ahaa Sam Voron oo ku yiri “ ma Cabdi baa? ”, taasoo
Cabdikariin u muujisay in dukaanlihii uu durba soo wargeliyey
Sam Voron. Is-nabdaadin iyo is-barasho gaaban kaddib,
Cabdikariin wuxuu si kooban Sam Voron ugaga warramay sababtii
uu usoo wacay, wuxuuna warbixin kooban ka siiyey dalka
Soomaaliya iyo xaaladda uu ku sugan yahay. Ugu dambeyntii,
Cabdikariin iyo Sam Voron waxay ku heshiiyeen in ay iska
warqabaan, xiriirkoodana joogteeyaan.
Maalintaas
wixii ka dambeeyey, Cabdikariin Nuur wuxuu xiriir joogteysan
oo xagga talefoonka ah la samaynayey Sam Voron oo ay kala
joogeen laba magaalo oo aad u kala fog (Sydney iyo Melbourne).
Muddo shan bilood ah toddobaadkiiba mar ama laba jeer
bay Cabdikariin iyo Sam Voron ku wada hadli jireen talefoonka.
Cabdikariin wuxuu Sam Voron uga warrami jirey qaranjabkii
ku dhacay Soomaaliya, burburkii asiibay dowladdii jirtey,
xaaladda colaadeed ee taagan, iyo sida ay u burbureen
dhammaan hay’adihii adeeg-bixinta ee dowliga ahaa iyo
kuwii gaarka loo lahaa. Wuxuu kaloo u sharxi jirey baahida
weyn ee loo qabo in Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada
xasilloon sida gobollada Waqooyi-bari, la geeyo Raadiyow
madaxbannaan oo gacan ka geysta baadigoobkii billowga
ahaa ee ay ummadda Soomaaliyeed ugu jirtay dib-u-heshiin
iyo nabad dib uga dhalata Soomaaliya. Cabdikariin wuxuu
si joogto ah Sam Voron ugu gudbin jiray qoraallo fara
badan oo afafka ingiriisiga iyo Soomaaligaba ku qoran,
kuwaasoo ka hadlayey xaaladda nololeed, nabadgelyo, iyo
dhaqaale ee gobollada Waqooyi-bari Soomaaliya.
Mr. Sam
Voron oo ah farsamayaqaan ay xirfaddiisu tahay farsamada
xagga raadiyayaasha iyo dhismaha idaacadaha, wuxuu sanadkii
1991kii caawiyey bulsho dhibaateysan oo ku noolayd jasiiradda
Bougaineville oo ay xilligaas ka jirtey xaalad colaadeed
oo la mid ahayd xaaladda Soomaaliya. Jasiiradda Bougaineville
waxay ka mid tahay dalka Papua New Guinea oo dhanka Bari
deris kala ah dalweynaha Australia. Jasiiraddan waxaa
muddo 10 sano ah ka socday dagaal sokeeye oo sababay burbur
naf iyo maalba leh. Sam Voron wuxuu reer Bougaineville
ugu deeqay qalab idaacadeed oo suurtagaliyey in halkaas
laga dhidbo Raadiyow la magac baxay “Raadiyaha xorta ah
ee Bougaineville”, kaasoo siyaabo kala duwan u caawiyey
reer Bougaineville.
Sidaas
awgeed, maadaama Sam Voron uu horay usoo caawiyey deegaanno
kale oo ay ragaadiyeen mid la mid ah xaaladdii murugsanayd
ee ka aloosnayd Soomaaliya, waxay taasi u sahashay in
uu si fudud u fahmo islamarkaana uu u rumaysto wararkii
naxdinta lahaa ee uu Cabdikariin talefoonka ugu sheegayey
muddo shan bilood ah iyagoo aan xitaa mar keliya is arag.
Ugu dambayntii, Sam Voron wuxuu Cabdikariin u ballan qaaday
in intii karaankiisa ah uu u hawlgeli doono teegeero-u-raadinta
hindisihiisa cusub.
Muddo
shan bilood ah buu Cabdikariin Jawaab ka dhowrayey Sam
Voron. Nasiibdarro, albaab kasta oo uu Sam Voron gargaraacayba
waa uu kusoo oodmay, waxayna mar kasta jawaabta la siinayey
ahayd “ Maya…maya…Soomaaliya waa dal waalan ee naga daa..”
Sam Voron,
markuu ka quustay mira-dhalka taageeradii uu u raadinayey
hindisihii Cabdikariin, iyadoo islamarkaana maalinba maalinta
ka dambeysa ay sii kordhaysay danaynta iyo muhimadda uu
siinayey hindisahan, wuxuu ugu dambayntii iskiis u go’aansaday
inuu jeebkiisa ku tashado. Sam Voron wuxuu xilligaas gacanta
ku hayey hal war-laliye oo keliya, wuxuuna jeebkiisa ka
iibiyey qalabkii kale ee muhiimka u ahaa dhismaha raadiyow
shaqayn kara. Intaas dabadeed, Sam Voron wuxuu goostay
inuu Soomaaliya qalabkaas geeyo.
Maadaama
Cabdikariin Nuur iyo Sam Voron ay kala degganaayeen laba
magaalo (Sydney iyo Melbourne) oo isu jira 700km, waxay
labadooduba ula muuqatay waqti-dhumis iyo kharash kaloo
dheeraad ah in ay isugu yimaadaan mid ka mid ah magaalooyinkaas
si ay halkaas isaga raacaan. Sidaas awgeed, waxay ku ballameen
in ay isugu yimaadaan magaalada Singabuur ee dalka Singabuur,
si ay halkaas uga sii ambaqaadaan socdaalkoodii ku jihaysnaa
dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolladii xilligaas la isku
oran jirey Waqooyi-bari Soomaaliya, haatanse la baxay
Puntland.
Jaaliyadda
Waqooyi-bari Soomaaliya ee magaalada Melbourne ayaa qayb
ka qaatay soo-ambabixinta Sam Voron iyo Cabdikariin Nuur,
iyo qalabkii idaacadeed ee ay wadeen, waxayna bixiyeen
tikidhka diyaaradda ee Cabdikariin iyo kharashka miisaanka
qalabka, halka Sam Voron uu isagu iska bixiyey tikidhka
diyaaradda. Shirkadda diyaaradaha ee Singabuur Airline
ayaa iyaduna samaysay qiima-dhin xagga miisaanka qalabka
ah maadaama qalabkaasi ahaa deeq samafal ah.
Sam Voron
isagoo dhoollacadaynaya, kuna faraxsan guusha uu kasoo
hooyey isku-daygiisii aadaminimo, kaasoo la oran karo
wuxuu ahaa “jar-iska-tuur”, ayaa ugu yiri “ Weligey noloshayda
ma aanan arag qof Soomaali ah…..Cabdikariin Nuur xitaa
waxaan ku kulannay magaalada Singabuur, wuxuuna ahaa qofkii
ugu horreeyey oo Soomaali ah oo aan noloshayda la kulmo
amaba aan arko..”.
Cabdikariin
Nuur oo isaguna dhankiisa iiga warramayey qaabkii uu u
dhacay is-araggoodii ugu horreeyey ee garoonka diyaaradaha
Singabuur ayaa igu yiri: 7dii Luulyo 1993kii baan aniga
iyo Sam Voron kasoo kala dhoofnay magaalooyinka Sydney
iyo Melbourne, waxayna ballantayadu ahayd in aan ku kulanno
garoonka diyaaraha Singabuur. Maadaama aniga iyo isaga
aynaan horay isu arag, waxaan samaysannay baaq aan isku
afgaranno. Waxaan Sam Voron u sheegay in aan ahay nin
Soomaali ah oo dhererkiisu yahay meel dhexaad, islamarkaana
aan soo xiran doono surwaal iyo jaakad midabkoodu yahay
midabka dambaska, isaguna wuxuu igu yiri, aniguna surwaal
madow oo jiinis ah iyo koofiyad baan soo xiran doonaa.
Waxaan kaloon ku heshiinnay in labadeennuba aan madaxa
gacanta saaranno si aan isu aqoonsanno. Anigu nus saac
baan Sam Voron garoonka uga soo horreeyey, waxayna ahayd
ballantu in aan ku kulanno goobta boorsooyinka laga qaato.
Anigoo boorsooyinkaygii urursaday islamarkaana dul taagan
bay timid diyaaraddii uu Sam Voron la socday, waxaana
durba ii muuqday Sam Voron oo madaxa gacanta ku haya.
Waan gartay in ninkaasi yahay Sam Voron, markaas baannu
is niri “ ma tahay Sam iyo adiguna ma tahay Cabdi…?..
Cabdikariin
iyo Sam Voron waxay dabadeed u gudbeen faras-magaalaha
Singabuur, halkaasoo uu Sam Voron kasoo iibiyey qalab
kaloo dheeraad ah oo uu u baahnaa raadiyowga cusub ee
la dhisi doono. Muddo habeen iyo maalin ah bay magaalada
Singabuur joogeen, dabadeedna waxay usoo gudbeen magaalada
Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta oo ay yimaadeen 9kii
Luulyo, 1993kii, halkaasoo ay iyana joogeen 10kii iyo
11kii isla bishaas, waxayna magaalada Boosaaso kasoo degeen
12kii luulyo, 1993.
Labadii
maalmood ee ay Sam iyo Cabdikariin joogeen Dubai, waxaa
si diirran usoo dhoweeyey jaaliyadda Waqooyi-bari Soomaaliya.
Shirkadda Daallo Airline oo waayadaas ahayd shirkadda
keliya ee gobollada Waqooyi-bari ka shaqayn jirtey ayaa
gacan weyn ka geysatay safarkoodii Boosaaso. Dadaal ballaaran
oo ay sameeyeen jaaliyadda Waqooyi-bari ee Dubai ayaa
suurtagaliyey in Daalo Airlines ay u samayso qiimo-dhimis
xagga tikidhada ah, iyo in ay lacag la’aan ugu qaaddo
qalabkii ay wateen.
SOCDAALKII
GOBOLLADA WAQOOYI-BARI SOOMAALIYA…
12kii
Luulyo sanadkii 1993kii bay Cabdikariin Nuur Maxamuud
iyo Sam Voron waxay ka soo degeen garoonka diyaaradaha
ee magaalada Boosaaso. Jabhadda SSDF ayaa xilligaas gacanta
ku haysay gobollada Waqooyi-bari Soomaaliya. Tan iyo billowgii
dagaalladii sokeeye, magaalada Boosaaso ayaa ahayd xarunta
siyaasadda iyo ganacsigaba, halka magaalada Gaalkacyo
ay ka ahayd goob colaadeed oo ay ku hardamayeen ciidamada
SSDF iyo kuwii jabhaddii USC. Hase yeeshee, nasiib wanaag,
imaatinka Cabdikariin iyo Sam Voron waxay kusoo beegantay
iyadoo muddo bil ah ka-hor ay jabhadahaas iyo jabhaddii
SNDU kala saxiixdeen heshiis nabadeed, kaasoo uu biyo-dhiciisu
ahaa in beelihii soomaaliyeed ee deegaankaas ku wada noolaan
jiray ay nabad kusoo wada degaan magaalada Gaalkacyo.
Cabdikariin
iyo Sam Voron waxay degeen hoteelkii la oran jiray “Gacayte”
oo xilligaas ahaa hoteelka ugu wanaagsan magaalada Boosaaso,
waxayna islamarkiiba la gataati-dheceen daal fara badan.
Sidaas daraadeed, Cabdikariin iyo Sam Voron maalintaas
wax hawl ah ma aysan qabin, hase yeeshee subaxnimadii
dambe waxaa hoteelka ugu yimid rag maqlay imaatinkooda
iyo hawsha ay u socdeen, waxaana raggaas ka mid ahaa Md.
Jaamac Cali Jaamac oo xilligaas ahaa ku-simaha guddoomiyaha
jabhadda SSDF, iyo Md. Cabdullaahi Boqor Muuse oo isaguna
ka mid ahaa madaxda sare ee isla jabhaddaas. Cabdikariin
iyo Sam Voron waxay labadaas mas’uul uga warrameen hawshii
ay u socdeen, waxayna intaas u raaciyeen in ay u baahan
yihiin gaadiid ay ku sahmiyaan goobta ugu habboon ee laga
dhisi karo idaacad madax bannaan. Sida uu Cabdikariin
ii sheegay, labadan mas’uul si fiican bay u soo dhoweeyeen,
islamarkaana uga dhagaysteen warbixintii ay siiyeen, hase
yeeshee dib dambe uguma aysan soo noqon.
Sidoo
kale, Cabdikariin iyo Sam Voron waxaa hoteelka ku soo
booqday rag kale oo isugu jiray madax, dhallinyaro, iyo
waxgaradba, waxaana ka mid ahaa madaxweynaha Dowlad-Goboleedka
Puntland Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo xillgaas ahaa
guddoomiyaha Guddiga Xaaladda Degdegga ah ee jabhadda
SSDF. Inkastoo uu muddo dheer maqli jiray magaciisa iyo
warar isaga ku saabsan, misana Cabdikariin waxay u ahayd
markii ugu horreysay noloshiisa ee uu arko Md. Cabdullaahi
Yuusuf. Maadaama uu kulankaas ahaa kulan gaaban oo hordhac
ah, Md Cabdullaahi Yuusuf wuxuu Cabdikariin iyo Sam Voron
kula ballamay in maalintaas maalintii xigtay ay ugu yimaadaan
guriga uu ka degganaa magaalada Boosaaso, si ay uga wada
hadlaan qorshaha hawgalkooda iyo weliba tas-hiilaadka
ay u baahan yihiin.
Cabdikariin
iyo Sam Voron markey tageen guriga Md. Cabdullaahi Yuusuf
maalintii lala ballamay, waxay la kulmeen soo-dhoweyn
diirran iyo dareen farxadeed oo muujinayey sida ay madaxda
jabhadda SSDF uga go’an tahay baritaaridda iyo garabgalka
dadaal kasta oo ku wajahan horumarinta reer Waqooyi-bari
Soomaaliya. Xog-warran dheer oo ku saabsan ujeeddada socodkooda
iyo muhimadda ay yeelan karto idaacad madax bannaan oo
laga dhidbo gobollada Waqooyi-bari Soomaaliya, Cabdikariin
Nuur iyo Sam Voron waxay u sheegeen Md. Cabdullaaahi Yuusuf
in dhaqaajinta hawlgalkooda uu u xanniban yahay gaadiid
la’aan, si ay marka hore u dhamaystiraan wejigii koowaad
ee hawlgalkooda oo ahaa sahminta goobta ugu habboon ee
laga dhidbi karo raadiyow madax bannaan. Md. Cabdullaahi
Yuusuf oo si weyn ugu riyaaqay dadaalka weyn ee ay sameeyeen
Cabdikariin iyo Sam Voron, wuxuu u ballan qaaday in sida
ugu dhaqsaha badan uu ugu diyaarin doono dhammaan tas-hiilaadka
ay u baahan yihiin. Sida Cabdikariin iyo Sam Voron ii
xaqiijiyeen, Md. Cabdullaahi Yuusuf waa uu ka dhabeeyey
ballanqaadkaas.
Mar aan
Cabdikariin iyo Sam Voron weydiiyey bal in ay jirtay goob
ay madaxa kusii hayeen in raadiyowgan laga dhiso ka-hor
intii aysan iman magaalada Boosaaso, waxay labaduba ii
xaqiijiyeen in haba yaraatee aysan jirin goob si gaar
ah ugu calaamadaysnayd oo ay madaxa ku hayeen. Sam Voron
ayaa wuxuu intaas ii raaciyey in markey Boosaaso yimaadeen
uu Cabdikariin dhowr jeer ku yiri “ Sam, adiga ayaa xulaya
magaalada iyo goobta ku habboon in idaacadan laga dhiso.”.
Sam Voron
iyo Cabdikariin Nuur waxay magaalada Boosaaso ka ambabaxeen
16kii Luulyo 1993kii, si ay halkaas uga sii ambaqaadaan
hawlgalkoodii ku beegnaa sahminta magaalada iyo goobta
ugu habboon ee laga dhisi karey raadiyow madaxbannaan.
Shuruudaha gundhigga u ah sahankaas waxay ahaayeen kuwo
farsamo, sidaas awgeed, hawsha xulidda waxaa si gaar ah
ugu xilsaarnaa Sam Voron, halka Cabdikariin Nuur kaalintiisu
ay ku koobnayd fududaynta iyo sahlidda habsami-u-socodka
hawlgalkaas.
DHIDBIDDII
RAADIYAHA GAALKACYO…
Cabdikariin
iyo Sam Voron waxay soo gaareen magaalada Gaalkacyo 17kii
Luulyo, 1993, kaddib markii ay soo mareen dhammaan degmooyinka
waaweyn ee ku teedsan waddada dheer ee isku xirta Gaalkacyo
iyo Boosaaso. Guddoomiyihii xilligaas ee gobolka Mudug,
marxuum Cabdiraxmaan Cali Biixi, ayaa halkaas ugu soo
dhoweeyey si aan qoraal iyo hadal midna lagu cabbiri karin,
wuxuuna dejiyey hoy uu horay ugu sii diyaariyey, isagoo
islamarkaana ku wareejiyey gaadiid ay ku shaqaystaan.
Sida ay
ii sheegeen Cabdikariin Nuur iyo Sam Voron, marxuum Cabdiraxmaan
Cali Biixi wuxuu ahaa nin si weyn u doonayey in magaalada
Gaalkacyo ay ku guuleysato sahankii lagu xulayey magaalada
iyo goobtii laga dhisi lahaa idaacadda cusub. Marxuum
Biixi, isagoo maanka ku hayey marxaladdii adkayd ee uu
ku sugnaa gobolka Mudug iyo baahida degdegga ah ee loo
qabay idaacad madax bannaan oo gacan ka geysata xoojinta
heshiiskii nabadda ee ay bil ka-hor kala qorteen beelihii
Soomaaliyeed ee gobolkaas wada degi jiray, waxaa isaga
ka go’nayd in uu qaado tallaabo kasta ee uu gobolkaas
ku heli karey raadiyowgaas.
Imaatinka
Sam Voron iyo Cabdikariin Nuur ee magaalada Gaalkacyo
waxay ku soo beegantay iyadoo ay maalmahaas uun magaaladu
kasoo kabanaysay burburkii kasoo gaaray dagaalladii sokeeye.
Inkastoo qoysaskii magaalada horay uga qaxay ay si tartiib
tartiib ah dib ugu soo gurya-noqonayeen magaalada Gaalkacyo,
misana marna ma aysan jirin kalsooni dhab ah oo ay reer
Gaalkacyoodku qabeen, sidaas awgeed, qoysas badan ayaan
durba kusoo dhiirran in ay dib ugu soo laabtaan guryahoodii.
Tusaale ahaan, horraantii bishii Ogoosto, sanadkii 1993kii,
waxaa magaalada Gaalkacyo degganaa dad aad u tiro yar
oo aan ka badnayn 300 oo qof.
Sam Voron
isla maalintii uu yimid magaalada Gaalkacyo waxay indhihiisu
qabteen goobtii ugu habboonayd gobollada Waqooyi Bari
Soomaaliya oo raadiyow laga dhisi karey….waxay ahayd magaalada
Gaalkacyo, gaar ahaan gudaha saldhigga booliiska Gaalkacyo…waxaa
halkaas ka dhisnaa siin (tower) uu dhererkiisu yahay 30m.
Maadaama qalabka idaacaddu uu ahaa qalab kooban, waxaa
lagama maarmaan ahayd in la helo tas-hiilaad kale oo xoojin
kara masaafada iyo tayada war-laliyaha idaacadda. Guud
ahaan gobollada Waqooyi-bari ma aysan jirin degmo lahayd
siin (tower) uu dhererkiisu yahay 30m.
Sam voron
oo ahaa farsamayaqaankii raadiyowga dhisi lahaa, wuxuu
islamarkiiba u hawlgalay dhismihii idaacadda, diyaarintii
iyo tababarkii mutadawiciintii hawsheeda wadi lahaa.
Bulshada
Gaalkacyo oo uu hormuud u ahaa Guddoomiyihii xilligaas
ee gobolka Mudug, marxuum Cabdiraxmaan Cali Bixii, ayaa
kaalin weyn ka qaatay suurtagalinta dhismaha idaacadda;
bulshadu waxay ku deeqday goobtii raadiyowga laga dhisi
lahaa (laba qol oo ka mid ah dhismaha saldhigga Gaalkacyo);
dhaqaalihii lagu dayactiray labadaas qol oo si ba’an u
dayacnaa; kuraastii iyo miisaskii qolalkaas la dhigi lahaa;
shaqaale mutadawiciin ah; sugidda ammaanka raadiyowga;
siinkii (tower) ay idaacaddu isticmaali lahayd; shidaalka
dab-dhaliyaha idaaacadda oo ay ballan qaadeen ganacsatada
deegaanka; Marxuum Cabdiraxmaan Cali Biixi ayaa isaguna
raadiyowga ugu deeqay dab-dhaliye noociisu yahay Lister
Bitter 9KVA, 2 biston. Xilligaas matoor kaleba Gaalkacyo
ma oollin.
FURITAANKII
RAADIYAHA GAALKACYO…
18kii
Ogoosto, 1993kii ayaa si rasmi ah loo furay raadiyaha
Gaalkacyo. Munaasad lagu maamuusayey furitaanka raadiyowga,
waxaa kasoo qaybgalay islamarkaana ka hadlay Md. Cabdullaahi
Yuusuf oo xilligaas ahaa guddoomiyaha guddiga xaaladda
degdegga ah ee jabhaddii SSDF, Cali Ismaaciil Cabdi-giir
oo isaguna ahaa guddoomiyaha jabhaddii SNDU, iyo wakiil
ka socday jabhadda USC ee uu guddoomiyaha ka ahaa Gen.
Maxamed Faarax Caydiid. Sidoo kale, waxaa munaasabaddaas
goobjoog ka ahaa waxgaradka iyo odayaasha deegaanka. Munaasabaddan
waxay lahayd laba ujeeddo; Furitaanka idaacadda iyo wareejinta
idaacadda oo nimankii keenay ay ku wareejinayeen gacanta
bulshada.
Furitaanka
Raadiyaha Gaalkacyo wuxuu kusoo beegmay xilligii loogu
baahi badnaa. Waxaa raadiyaha la furay laba bilood kaddib
markii ay beelaha Soomaaliyeed ee gobolkaas wada deggan
kala qorteen heshiiskii nabadda ee 4tii Juun, 1993. Heshiiskaas
wuxuu dhigayey in nabad lagu wada noolaado, meelna looga
soo wada jeesto tallaabo kasta oo carqalad ku noqon karta
nabadda iyo xasilloonida deegaankaas.
Inkastoo
uu heshiiskaas ku yimid rabitaanka iyo taageerada beelaha
deegaankaas, misana ma sahlanayn in jabhadihii heshiiskaas
wada galay ay fuliyaan heshiiskaas nabadeed oo durba yeeshay
cadaw aad u fara badan, sababtoo ah jabhadahaasi ma aysan
lahayn awood dhaqaale iyo mid ciidan oo u suurtagalin
karey in ugu yaraan ay deegaankaas ka abuuraan hay’ado
sharci-fulineed oo qaabilsan dib-usoo-celinta iyo ilaalinta
nidaamka iyo kala dambaynta. Gorfeeyayaasha arrimaha gobolka
Mudug ayaa aaminsan in raadiyaha Gaalkacyo oo adeegsanaya
hirarka gaagaaban uu buuxiyey kaalintaas iyada ah.
Iyadoo
loo marayo dhabbaha wacyigelinta ee dhinacyada diinta,
barnaamijyada, wararka, iyo hal-abuurka suugaanta, raadiyaha
Gaalkacyo wuxuu suurtagaliyey in ay si sahlan isugu soo
dhowaadaan beelihii ay dirirtu kala geysay, iyadoo dhinaca
kalena uu jidbixiyeen u noqday abuurmidda jawi nabadeed
oo ku dhiirrigaliyey dad badan oo ka shakisnaa heshiiskaas
in ay si dhaqso ah dib ugu soo noqdaan guryahoodii. Raadiyaha
Gaalkacyo wuxuu kaloo diiradda saaray ka-digista iyo far-ku-fiiqidda
tallaabo kasta oo turunturro ku noqon kartey wada-noolaanshaha
beelihii nabadda ku heshiiyey.
Ugu dambayntii,
xeeldheerayaasha iyo gorfeeyayaasha arrimaha gobolka Mudug
waxay isku raacsan yihiin in raadiyaha Gaalkacyo la’aantiis
uu heshiiskaas ku turunturroon lahaa shirqoollo fara badan
oo gudaha iyo dibeddaba laga soo maleegayey, si loo fashiliyo
heshiiskaas nabadeed oo noqday heshiiskii ugu horreeyey
oo ay beelo Soomaaliyeed wada gaareen iyadoo aysan u kala
dabqaadin, maalgelin, ama ku kala dhex jirin shaqsiyaad
ama hay’ado shisheeye.
GUNAANAD…
Cabdikariin
Nuur iyo Sam Voron intaas kagama aysan harin baritaaridda
raadiyaha Gaalkacyo, waxayna tan iyo xilligaas illaa iyo
haatan la daba joogaan taageero joogto ah oo u badan xagga
qalabka iyo farsamada. Labadooduba dhowr jeer bay Gaalkacyo
dib ugu soo laabteen, si ay u ebyaan hawlo xagga farsamada
iyo qalabka ah. Jaaliyadaha dibedda ee Waqooyi-bari Soomaaliya
(Puntland) ayaa iyaguna dhankooda ka muujiyey dadaallo
aan lasoo koobi karin oo dhammaantood ku aaddanaa kor-u-qaadidda
tirada iyo tayada qalabka iyo barnaamijyada idaacadda.
Waxqabadka
Cabdikariin Nuur Maxamuud “Cirfe” kuma koobna raadiyaha
Gaalkacyo oo keliya, wuxuuse horseed ka ahaa shirkaddii
“Ausoma” oo ahayd shirkaddii ugu horreysay oo suurtagalisay
in dadweynaha magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe ay helaan
adeeg talefoon iyo mid internet. Sidoo kale, Cabdikariin
Nuur wuxuu xilligan xubin firfircoon ka yahay shirkadda
biyaha Gaalkacyo iyo guddiga dhismaha waddada Wadaagsin
ee isku xirta Gaalkacyo iyo xeebta Garacad ee degmada
Jarriiban, iyadoo ay intaas u dheer tahay ku-gacansiinta
odayaasha iyo waxgaradka deegaanka xagga xallinta qilaafaadyada,
kuwaasoo haddii aan la xakamayn u xuubsiiban kara dhibaatooyin
sababa waxyeello naf iyo maalba leh.
Cabdikariin
Nuur wuxuu haatan si rasmi ah ugu soo guuray magaalada
Gaalkacyo, si uu ugu gacan bannaanaado dadaalka weyn ee
uu ugu jiro horumarinta iyo dhismaha dalka iyo dadka Puntland,
gaar ahaan gobolka Mudug.
Ugu dambayntii,
inkastoo aysan shaki ku jirin in guud ahaan reer Puntland
ay abaal weyn u hayaan Cabdikariin Nuur iyo Sam Voron
oo gurmad la taaban karo u fidiyey xilligii ay ugu baahi
badnaayeen, misana waxaan weli jirin falcelin rasmi ah
oo la taaban karo oo laga bixiyey abaalgashigaas isaga
ah. Sida ay qabaan gorfeeyayaasha arrimaha horumarinta
Puntland, waxaa lagama maarmaan ah in hoggaanka sare ee
Puntland, oo wakiil ka ah reer Puntland, uu si rasmi ah
uga falceliyo abaalkii ay labadaas nin gashadeen reer
Puntland, gaar ahaan Cabdikariin Nuur “Cirfe” oo tan iyo
1992kii illaa iyo haatan u taagan horumarinta dalkiisa
iyo dadkiisa. Waxaa hubaal ah in falcelinta caynkaas ah
ay dhiirrigalin u noqon lahayn shaqsi kasta oo u guntan
dhismaha dalkiisa iyo dadkiisa, dhanka kalena waxay beenin
lahayn hal-ku-dhegga beryahan caanbaxay ee ah “Puntland
waa laga shaqaystaa ee looma shaqeeyo”. Si kastaba
arrintu ha ahaatee, waxaa la hubaa in kala soocid la’aanta
qofka Puntland u shaqeeya iyo kan ka shaqaysta ay dhabbaha
u xaari doonto in la caadeysto hab-dhaqan xun oo ragaadin
doona dhismaha iyo horumarinta dalka iyo dadka Puntland…abaalse
nin galaa badan, nin gudaase yar…
..…Dhammaad…..
Xusuus:
Ujeeddada
Qoraalkan waxay ahayd oo keliya in lasoo bandhigo sooyaalkii
taariikheed ee raadiyaha Gaalkacyo tan iyo qabanqaabadiisii
hore illaa iyo maalintii sida rasmiga ah loo furay.
WQ: Cabdulqaadir
M. Wacays
Suxufi
madax bannaan, Garoowe, Puntland/Soomaaliya
Email:
cmwacays@yahoo.com
ama wacays2001@hotmail.com
|