Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Ma dhabaa in Shirka la hakinayo 3 todobaad

Nairobi, (AllPuntland)- Kulan shalay dhexmaray hogaamiyayaasha Siyaasada ee Somalida iyo wakiilada dawladaha daneeya arinta Somaliya ayaan lagu guulaysan in lagu qanciyo madaxda Somalida ee shirka joogta in shirka dib loo dhigo mudo 3 todobaad ah si loogu qanciyo raga shirka ka baxay in lagu soo celiyo shirka.

Soo jeedinta dib u dhigida shirka oo ka timid wakiilada dawladaha Masar iyo Talyaaniga ayaa madaxda Somalidu ku tilmaameen mid shirka lagu carqaladaynayo iyagoo sheegay in dhowr jeer oo hore shirka loo hakiyay raga ka baxay taasi oo ayan suuro galin in la keeno, waxay soo jeediyeen in shirku wato hawshiisa dawladaha daneeya arimaha Somaliyana ay doonaan ragaas kana soo qaybgaliyaan marxalada shirku uu haatan marayo.

AllPuntland


DKMG dhinaca Xassan Abshir oo qoraal soo saartay

Nayrobi, [MOL] 1 October 2003- DKMG ee Carta dhinaca Hasan Abshir ayaa maanta qoraal soo gaarsiiyay Mr Kibligat oo ah shir gudoonka shirka. qoraalkaas ayaa Hasan Abshir iyo Cabdalla Deeroow kaga jawaabayeen mawqofkooda shirka iyo siday u arkaan qorshe cusub oo ay soo jeediyeen Dawladaha Masar iyo Talyaaniga oo ka mida wakiilada Dawladaha Daneeya arimaha Somaliya iyo qaabka uu u socdo shirku. Xasan Abshir iyo Deerow oo si hoose la sheegay inay ula shireen wakiilada dawlada Masar, Talyaaniga iyo Jabuuti ayaa qoraalkooda ku sheegay:

  • inay taageersan yihiin in shirka la hakiyo mudo 3 asbuuc ah si dib loogu soo celiyo shirka siyaasiyiita Muqdishu ee ka baxay.
  • In Dawlada Jabuuti laga qanciyo waxyaabaha ay ka tabanayaan habsocodka shirka
  • In hogaamiyaasha Somalida la isku geeyo meel gooniya oo ay si toosa ugu wada hadlaan.

Qodobadaas ayaa intoodi badani khilaafsan waxii ay isku afgarteen hogaamiyaasha siyasada Somalida ee shirka.

Waxay kaloo Hasan Abshir iyo Deeroow u sheegeen shirgudoonka:

  • Haddii ay soo noqdaan hogaamiyaasha Muqdishu ee shirka ka baxay ayna ku doodaan inay rabaan in wax laga badalo dastuurkii la ansixiyay in ay si qayaxan u sheegeen qodobada ay rabaan in wax laga badelo, wakiilada beesha caalamkuna noqdaan dhexdhexaadiyaal waxii la isku diido, lana ogolaan marmarsiiyo lagu daahinayo shirka si shirku u burburo.
  • haddii hakintaas ka dib ay hogaamiyaasha Muqdishu imaanwaayaan shirka waa inaan lagu marmarsiyoon inaan shirka loo dhamayn, wakiilada caalamkuna ay siiyaan taageeradooda shirka marba haddii la isku dayay in wax walba loo sameeyo raga diidan shirka.

Waxaa qoraalkaas ku saxiixnaa:

Hassan Abshir Farah, Prime Minister :____________________________

Abdalla Deerow Isaaq, Speaker :____________________________

Abukar Abdi Osman, member of the LC :____________________________

Abdulaziz M. Qaridi, member of the LC :____________________________

Omar Sh. Abdi, member of the LC :____________________________

Abdinasir H. Shirwa, member of the LC :____________________________

Mohamed M. Burale, member of the LC :____________________________

CC: Members of the IPF and other international community at the Conference
CC: IGAD Frontline States

Mudugonline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.