Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

RIYAALOW NINKAAD KABO KA TOLANAYSID KABIHIISAA LA EEGAA...
W/Q:Jama Olol

Markii Madaxweynaha Somaliland Mr.Daahir Rayaale Kaahin laga cayrsaday Laascaanood kal hore mudo dheer ayey ku qaadatay inuu naxdin gooyo oo dib u soo jeesto, hada oo abaaro sanad ku dhowaad laga joogo ayuu markii canaantii dadka Somaliland dhegahiisa ka badatay oo uu u adkaysan kari waayey iyana soo giirteen wuxuu Laascaanood u dirsaday Fuaad Aadan Cade oo ah Wasiirkiisa Reer miyiga si uu u dhexdhexaadiyo ama isugu soo jiido Riyaale iyo Reer Sool Sanaag iyo Cayn.

Waa kuma Fuaad Aadan Cade:

Fuaad aadan Cade wuxuu ku dhashay Degmada Xuddun ee Gobolka Sool marka taariikhdiisii hore dib loo raaco waa dadka awooda u leh inuu dhibaato iyo colaad abuuro laakiin aan awoodi karin inuu wanaag iyo isusoo dhowaansho dhaliyo inagoo tusaale u soo qaadanayna isagoo ka mid ahaa ragii abuuray colaadii sokeeye ee dhexmartay Dhulbahante iyo Habarjeclo xiligii Dawladii Siyaad Barre jirtay, colaadahaas oo khasaarihii ugu weynaa isaga laftiisa soo gaarsiiyey ka dib markay ku dhinteen 5 walaalihiis ah, inuu colaadaas abuuro waxaa gun looga dhigaa inay fuaad ku kaliftay qandaraas dawladii Soomaaliyeed ka siisay shirkadii shiidaalka ka baadhaysay Gobolka Sool ee Conoco, oo lagu xidhay inuu ka abaalgudo. Maaha nin kalsooni badan ka haysta Beesha dhexdeeda loona soo joogsanayo, waxaana weli la xasuusanyahay dhibaatooyinkii hore ee uu wax ka abuuray.

Rayaale Ma u Fulin Karaa Shaqada uu u Dirsaday:


Shaqada iyo baahida Rayaale uga baahan yahay Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn Fuaad uma fulin karo waayo waxa keliya ee xal lagu gaadhi karaa waa is afgarad ka dhexdhaca dadka degaamadaa ku nool iyo Somaliland taasina waxay u baahantahay in la helo waxyaalo badan iyo dad aqoon u leh dhexdhexaadinta iyo wanaag abuurista Beeshuna ku kalsoontahay iyo dadka oo rabitaankooda ku doorta ka mid noqoshada Somaliland. Shaqadan qabashadeeda Fuaad aqoon uma leh mana awoodi karo waxaa kale oo intaas u sii dheer kalsooni xumada Beeshu ka qabto oo aan loo soo joogsanayn.Riyaale wuxu dirsaday nimaan isaga waxba dhaamin. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa NINKAAD KABO KA TOLANAYSID KABIHIISAA LA EEGAA

Rayaale 5 sano ma dhameysanayaa isagoo aan wax ka qaban Sool, Sanaag, Cayn:

Shacabka Somaliland ee Rayaale doortay ma aqbalayaan in Rayaale kursiga iska fadhiyo isagoo aan waxba qaban ama soo jiidan Goboladan oo iminka Puntland ka tirsan maamulka puntland ka jiro, Rayaalena ma leh awood siyaasadeed iyo aragtiyo uu wax ku soo jiidan karo ama hawshan wax kaga qabto, waana mid ka baaxad weyn oo uu waxba ka qaban kariwaayey Ina Cigaal oo isaga ka horeeyey kana khabiirsanaa xirfado badan iyo aqoon dheeraadana lahaa. Hadii uu is yiraahdo xoog isticmaal waxay isu bedelaysaa Qabiil ama Puntland iyo Somaliland taasoo khatar gelinaysa gooni isu taaga iyo aqoonsiga Somaliland raadsato Daahir Rayaalena maaha nin la tartami kara C/laahi Yuusuf sidaasdarteed waxay keeni kartaa in Rayaale lagu kaco oo kalsoonida lagala noqdo isagoo aan dhamaysan waqtigii la doortay waxaana imanaysa waqti aanay dadku u adkaysan karayn aamusnaanta. Riyaale, marka loo sii fiirsado waxaa kuu muuqanaysaa in Rayaale mustaqbalkiisu ku xidhan yahay Sool Sanaag iyo Cayn taasoo ah nin af libaax hilbo kala baxaya.

Jama Olol.

olol2@hotmail.com


Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Mudugonline
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Mudugonline.
Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.