Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Madaxweynaha Puntland iyo hay'ada SOFIHA oo iska kaashanaya dhisida Taalo nabadeed
C/laahi Yuusuf oo xariga ka iaraya mashruuca
Madaxweynaha oo gacan qaadaya masuuliyiin
Madaxweynahaiyi iyo Cadde oo warbixin wada dhagaysanaya
Madaxweynaha oo qodboynaya
Agaasimaha Hay'ada SOFIHA C/raxmaan Budul
sawiradaan waxaa qaadayay Weriyaha Mudugonline C/risaaq SH.aduun
Bosaaso, [MOL] 19 October 2003- Waxaa todobaadkii hore ku kala saxiixday magaalada Boosaaso in la dhiso taalo nabadeed oo lagu magaacaabo budul taalo. Waxaa dhismha Taaladaas iska kaashanaya hay'ada SOFIHA iyo maamulka puntland taaladaas oo xasuus looga dhigayo heshiiskii Taariikha ahaa ee ay gaareen Dawlad goboleedka Puntland iyo Mucaaradkii Puntland ee uu hogaaminayay Jan. Cadde Muuse ayaa sharaf ahaan loogu magac daray agaasimaha Hay'ada SOFIHA C/raxmaan Budul.

Saxiixaan lagu dhisaayo taalada ayaa waxaa saxiixay madaxweynaha puntland Cabdulaahi Yuusuf. Hay'ada SOFIHA oo ayaa ah mid inta badan isku hawsha hawlaha nabada iskuna xiriirisa arimaha nabada. Agaasimaha hay'adaasi C/raxmaan Budul ayaa ah nin inta badan u olaoleeya arimaha nabada qeyb weyna ka soo qaatay heshiiskii Puntland.

Dhinac kale waxaa kulan gaar ah ku yeeshay habeen hore huteelka International Vilage madaxa UNDP somaliya iyo agaasimaha hay'adaasi oo ay kaga wada hadleen taabo gelinta nabada iyo sidii hay'adu uga qayb qaadan lahayd arimaha nabada soomaaliya oo dhan iyadoo ka raacaysa ama ka duulaysa hadafka nabada.

Hay'adaan aqoon dheer u leh hawlaha nabada iyo kalsooni dhisida ayaa wax weyn ka qaban karta arimaha nabada ee Soomaaliya iyo sidoo nabad waarta loo heli lahaa.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Hadyadii Garaadsame.
Warbixin dheer oo ku saabsan Shirka Kenya oo sanad jirsaday
Qaybtiii 2-aad

Wajiyadii shirka loo qaybiyay.

WQ. Maxamed Deeq C/qaadir

hirka ayaa la qorsheeyay in loo qaybiyo saddex waji oo isdaba yaal ah; saddexdaas waji ayaa sidii markii hore loo qorsheeyay waxa ay ahayd si ka duwan sida markii danbe loo fuliyay. Qorshaha hore waxa uu dhigayay in marka saddexda mid ka mid ah dhamaado in shirka hakad la galiyo, ergooyinkuna dalka dib ugu laabtaan muddo kadibna furitaanka wajiga xigga in la isugu soo laabto, markii danbana qorshahaas waxaa loo badalay in shirka wakhtigiisa la dheereeyo laakiin la joojiyo ku laabashada ergooyinka ee dalka, arrintan danbe waxaa u sabab ahaa laba arrimood oo midda hore ahayd codsiyo ay Soomaalidu ku dalbanaysay in hakadyada shirka iyo ku laabashada dalka la joojiyo, taasoo ay ku macneeyeen in ay shirka fashil u keeni karto, halka dhinaca kalana beesha caalamka ee shirka kaalmaynayay iyo guddiga farsamada IGAD ay qorshaha dib ugu noqoshada dalku ay aad kor ugu qaadayso dhaqaalaha shirku u baahan yahay, is badalka labadan qorshe ayaa lagu macnayn karaa in ay sabab u tahay jiitanka shirka.


Wajiga 1aad;

Wajiga koowaad wuxuu ahaa qaybtii ugu horaysay ee shirka loogu saldhigayay, wajigan waxaa loogu talo galay in lagu dhiso aasaaska shirka, wuxuu gogolxaar u ahaa wajiga 2aad ee ka danbeeya, wajigan ayaa waxa isagana saldhig u ahaa xogihii ay soo uruuriyeen guddigii xaqiiqa raadinta IGAD ee aan qaybtii koowaad ee qoraalkan uga soo hadalay, hase ahaatee wajigan waxaa shirka galay qalooc fara badan oo ka kala yimid; Masuuliyad daro ka timid gudoomiyihii shirka ee hore, danaha iyo qorshayaasha caalamka iyo loolan ka dhexeeyay Soomaalida.

Si kasta ha ahaadaane hawlaha ugu muhiimsanaa ee qaybtan shirka ayaa waxaa ka mid ahaa;
Halkaan ka akhri warbixinta oo oo dhamaystiran.


Madaxweyne xigaha Puntland oo la waraystay

Garoowe, (AllPuntland)- Garoowe, (AllPuntland)- Madaxweyne xigeenka DGPL Maxamed Cabdi xaashi oo maanta waraysi ay la yeelatay idaacada Midnimo ayay wax ka weydiisay halka uu marayo khilaafkii xubnaha dowladda u dhexeeyey wuxuuna sheegay in wax iska jiraan, balse ay ku mashquulsan yihiin Madaxweynaha iyo xubnihii la socday, wuxuuna intaas ku daray in aysan noqoneyn wax faraha ka baxa ee ay ku filnaan doonaan.


Waxaan kaloo weydiinay in ay jiraan wax uu shakhsi ahaan ka tabanayo dhinaca Madaxweynaha, wuxuuna ku jawaabay “Boqolkiiba Boqol Ilaah ayaa ceen ka saliim ah laakiin wax aan hadda anigu kuu sheegayaa ma jiraan”

Labadii Maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Madaxweyne ku xigeenku uusan tegin xafiiskiisa, arrintaas oo aanu wax ka weydiinay ayuu kaga jawaabay in uusan wax kale uga maqneyn ee uu xanuunsanayey.

Maxamed Cabdi Xaashi; Ku xigeenka Madaxweynaha DGPL oo aanu wax ka weydiinay sababta Guddiga xalinta khilaafaadku wax u soo saari la’yihiin maadaama ay la wada kulmeen dhamaan dhinacyada is hayey ayuu kaga jawaabay

“Waxaan qabaa in la weydiiyo Madaxweynaha ama Cadde Muuse”

Waxaa jiray khilaaf la sheegay in uu u dhexeeyey Madaxweyne ku xigeenka iyo Wasiirka Maaliyada, kaasoo dad badani rumeysan yihiin in uu udub dhexaad u yahay khilaafka Puntland ka taagan, hase yeeshee Md. Xaashi oo aanu arrintaas wax ka weydiinay ayaa kuadkeysatay in aysan jirin oo been tahay, wuxuu kaloo sheegay in Wasiirka Maaliyada uu yahay nin warqad yar lagu magacaabay, warqad yarna lagu eryi karo, balse uusan weligiis isagu ku doodin in la eryo, wuxuuse qiray Madaxweyne ku xiguhu in uu sheegay in aysan wada shaqeyn karin.

Gobolka Sool ayaa waxaa jira muran siyaasadeed oo Maamulada Puntland iyo Somaliland ku muransan yihiin, hase yeeshee Maxamed Cabdi Xaashi; Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ku tilmaamay mid iyadu burbursan, qas oo keliyana sameyn kara, dadka Sool ku dhaqanina ay yihiin Wadaniyiin.


Wasiirka Maaliyada Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo waraysi aanu kula yeelanay Garoowe ayaa sheegay in Gobolka Sool shaqaalihii u joogay Wasaaradaas la soo xabadeeyey, iyaguna aysan maamulin gobolkaas, laakiin Maxdaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa isagu sheegay in markii ugu horeysay hadalkaas uu yahay, wuxuu kaloo intaas ku daray in ay iska dhici karto dad hawshii ay qaban lahaayeen aan qaban oo gaabinaya, laakiin uusan maqlin xabad shaqaale lala dhacay, uuna u maleynayo war xan ah oo la iska wad wado.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa dacwad ka qoray Madaxweyne ku xigeenka, hase yeeshee Md. Xaashi oo aanu arrinkaas wax ka weydiinay ayaa sheegay in marka loo yeero uu ka jawaabi doono, uuna yahay dacwad suge.

Khilaafka madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa wararka badankood sheegayaan in uu ka soo jeedo Maxkamad Dastuuri ah oo la dhisi lahaa oo ay isku afgaran waayeen, iyadoo Madaxweyne ku xigeenku uu soo xulay rag Maxkamadaas ka hawl geli lahaa, arrintaas ayaan wax ka weydiinay Madaxweyne ku xigaha wuxuuna qiray in hadda ka hor ay Puntland qarka u saarantay burbur, haddise waagaas ay jiri laheyd Maxkamada Dastuuri ahi uu fikriyan qabay in xabadii lagu xisaabtamay aan lagu xisaabtameen ee Maxkamadu go’aan gaari laheyd, welina uu sidaas aaminsan yahay. Md. Xaashi wuxuu kaloo sheegay in ay jiraan rag uu Maxkamadaas u magacaabay, kuwo kale oo dhowaan la magacaabay, balse uu isagu kuwa danbe ka aamusay.

AllPuntland


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.