Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

dastuurkii cusbaa oo ay ansixiyeen ergooyinkii Soomaalidu

Mbagathi, Nairobi, (AllPuntland)- Gudoomiyaha shirka Somalida uga socda Kenya ahna ergayga Kenya Kiblagat ayaa rasmiyan shaaca uga qaaday caawa in ergooyinka Somlaidu ay ansixiyeen dastuurka cusub ee Somalida cusub.

Dhamaaan ergooyinkii waa wada joogeen, waxaana qiyaastii la bixiyey ay ahayd 97% ergooyinku in ay wada oggolaadeen dastuurka oo hortooda laga akhrinayey dhowr saacadood, si loo wada fahmo.

Aakhirkii waxaa bilowday sacab iyo is-gacan qaad ergooyinka dhexdooda ah iyo guddiga farsamada iyo xubnaha beesha caalamka ee wax ka soo waday shirka ilaa bilowgii.

Isla markiiba waxaa casuumad casho ah ergooyinka ku casumay Kiplagat oo madasha shirka kaga dhawaaqay in talaabadani soo af-jartay wajigii 2 aad, laga bilaabo waqtigaasna wuxuu ku dhawaaqay inuu furay wajigii 3 aad ee soo xulashada ergooyinka beelaha ee soo dhisi doona barlamaanka cusub.

Intii aanu shirku bilaaban ayaa Madaxweynihii DKMG ah / Kooxda Carta ee waqtigeedu dhacay oo axadii dib ugu noqday Nairobi uu codsaday in 2 ilaa 3 cisho la siiyo si uu isha u mariyo qoraalka u dambeeya ee dastuurka cusub, waxaase gaashaanka ku dhuftay ergooyinka Somalida oo uu codsigaas horkeenay gudoomiyaha Shirka Kiplagat, madaxda ergooyinka ayaa shalay ku heshiiyeen dastuurka.

Waxay sheegeen in aan qof iyo laba dambe shirku dib loogu dhigin, mid ka mid ah ergooyinka ayaa sheegay in wafdiga Cabdiqaasim ay Nairobi joogaan, shirkuna Nairobi ka socdo, sidaa darteed aysan caqliga gali karin halkii uu shirka ka imaan lahaa inuu dhowr maalmood kale sii qabsado oo uu waqtiga sii lumiyo.

Saaka dhowr jeer ayaa wufuud kala duwan oo IGAD iyo EU (Midowga Yurub) ay u tageen Cabdiqaasim si loo oggoleysiiyo inuu shirkii galabnimada ka qayb galo, waase uu ku gacan-sayray.

Markii uu soo baxay warkaas uu ku dhawaaqay Kiplagat ee ahaa in shirku ansixiyey dastuurka cusub ayaa kooxdii C/qaasim waxay galeen markiiba lixdii maqribnimo ee saacadda Nairobi shir deg deg ah.

Sida wararkii u dambeeyey caawa ay sheegeen wuxuu shir jara'id ku qabtay Cabqaasim hotelka uu degan yahay ee Nairobi ku yaal, isagoo cabasho xoog leh ku muujiyey sida uu u rabay shirka inuu uga qayb galo, oo uu raaciyey in aan loogu garaabin taas ee IGAD iyo kooxo yari ay isaga wateen hawshii Soomaali oo dhan ka dhaxaysay.

Wuxuuna sida lagu wado ku dhawaaqay inuusan shuqul ku lahayn shirkaas caawa laga bilaabo, waxaana la filayaa berri taladada inuu ama Xamar aado ama dalka Kenya sii joogo ilaa laga gaarayo fadhiga golaha loo dhan yahay ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa oo uu dadaal ugu jiro inuu magaca Somaliya kaga qaybgalo.

AllPuntland


Gudoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Puntland oo ku tilmaamay hogaamiyaasha Muqdisho kuwo aan miisaan lahayn

Garoowe , [MOL] 15 September 2003- Gudoomiye ku-xigeenka baarlamaanka puntland Axmed Maxamed kulan oo u waramayay Radio Midnimo ayaa sheegay in lagu heshiiyey shirkii qodabadii la isku haystay ka dib markii ay shir wada galeen qaar ka mida hogaamiyaasha Siyaasada.

Mar wax laga waydiiyey in ay jiraan qaar ka maqan oo muqdisho shir ka wada sida Muuse Suudi ayuu ku tilmaamay raga muqdisho joogaa misaan kuma laha siyaasada soomaaliya waayo waa rag dabada haysta midnimada ummadda waana laga tashanayaa hadii aysan imaan shirka.

Mr Kulan oo ah gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee baarlamaanka puntland ayaa inta badan ah nin ay waraysiyo ka qaado idaacada Midnimo waraysiyadaas oo inta badan ku saabsan shirka Somalida uga socda wadanka Keenya una muuqda xiligaan nin difaacaya qodobadii lagu heshiiyey waxuuna sheegay in aan puntland shirka ka soo baxayn ilaa lasoo gabagobeeyo.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com


Taliskii Ciidanka Daraawiishta oo Maanta Garoowe u guuray

Garoowe , [MOL] 15 September 2003- Waxaa maanta ka guuray xeradii xogoble ee magaalada Qardho cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta puntland iyagoo ku sii jeeda xerada 54-aad ee duleedka garoowe.

Waxaa ciidamadaasi hor kacaayey taliyaha ciidankaasi Col C/laahi mire carays.

Guurititaanka ciidamada ee magaalada garoowe ayaa lagu micneeyay arimo la xiriira hawl ciidanka gaar u ah.

Sarkaal u hadlay daraawiishta oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa isagu ku macneeyey in ay ciidamadu xoog saari doonaan ka hor taga ciidamo ay xuudadaha soo dhoobtay Soomaaliland mase jirto wax cadayn u ah warkaasu uu sheegay sarkaalku oo ka soo baxay taliska ciidanka.

Wali lama oga sababya Dawlada SOmaliland ay ciidankeeda u soo dhoobtay xuduudka labadda Gobol.

Weriye c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com

 


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.