|
Mbagathi,
[MOL] 16 September 2003- Cawad
Axmed casharo oo maanta warsaxaafadeed siiyey idaacada
Radio Midnimo ayaa sheegay in heshiiskii shalay ee shirka
Somalida Kenya uga socda uu yahay mid sax ah oo gacmaha
Somali isku qabsatay isagoo ka hadlaaya heerkii shirku
soo maray waxuu sheegay iminka uu shirku taagan yahay
gabagabo iyo soo gunaanad.
Sidoo
kale mar uu sheegay raga ka soo horjeeda shirka in ay
joogeen ku xigeenadooda oo qofkii shirka diida waxuu yiri
waa laga saarayaa. Wasiirka oo arintaas ka sii hadlayaana
waxuu yiri qabqablayaasha diidan shirka waxaa laga joojin
doonaa safarada ay dibadaha ku tagaan waxaa kaloo laga
xayiri doonaa lacagaha sidii awalba lagu heshiiyay ay
wada saxiixeen dadka hadda diidan in hogaamiyihii ka horyimaada
shirka loo aqoonsado dagaal ooge Dawladaha aduunkuna si
mideysan xayiraad dhinac walba ah ugu soo rogaan.
Mar uu ka hadlay Cabdiqaasim oo ugu cadcad dadka diidan
shirka ayuu waxuu yiri wasiirku ninkaas hadduu wax qabanayo
3 sanno ayuu madaxnimo sheeganayay.
Mar
uu ka hadalaayey rajada ay ka qabaan Puntland tartanka
doorshada ayuu Cawad yiri waxaay helayaan waxii u qoran
sida shirku u socdo haddana waxuu yiri waa mid guulaysanaya.
Gabagabadii
ayuu shacabka reer Puntland ugu baaqay in ay adkeeyaan
nabada waxuu kaloo ka digay dadka tahriibka oo uu ku baaqay
in laga hortago.
Weriye
c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Magaalada
Carmo oo markii u horaysay yeelatay Hoteel jiif
Bosaaso,
[MOL] 16 September 2003- Waxaa xariga laga jaray Huteel
aad u bilicsan oo ku yaal degmada cusub ee Carmo. degmada
Carmo oo ah degmo ay dhawaanta asaseen dadka degaanka
reer bari waana degmada ugu bilicda roon degaamada putland
marka laga reebo Boosaso iyo Gaalkacyo.
Huteelka
laga furay halkaasi ayaa waxuu wax wayn ka tarayaa dadka
qariibka ku ah magaalada iyo dadka degaanka laftigiisa
oo u soo xagaa baxa magaalada.
Haweenayda
iska leh huteelkaasi Dr jamiilo siciid ayaa ka mida dadka
dibedaha ka yimid kuna nool dalka Sweden. madaxna ka ah
ha'ad fadhigeedu yahay magaaladan Bosaaso waana haweenaydii
fulisay hawshii ahayd in magaaladu hesho ceel biyo ah
oo hadda shaqeeya, magaaladuna markii hore ahayd oomasoore
aan lahayn biyo. dhinaca kale waxaa maaantay magaaladaas
ka da'ay roob xoog leh oo aad u qaboojiyay magaalada iyadoo
hadda lagu jiro xili xagaa ah oo kulayle ah. Maamulaha
huteelka Carmo Maxamed Waamo ayaa Mudugonline u sheegay
in ay sii kordhin doonaan hawlahooda isagoo sheegay inay
dhisi doonaan jardiinooyin lagu nasto iyo goobo laga cuno
cuntada fudud.
Weriye
c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Kooxo
Farsamo yaqaano iyo maamulka shirkada Golis oo gaaray
magaalada Ceerigaabo
Bosaaso,
[MOL] 16 September 2003- Waxaa magaalada Ceeri gaabo
ee caasimada gobolka sanaag gaaray kooxo ka socda shirkada
isgaarsiinta telefoonada Golis oo halkaasi ka soo furi
doona Isgaarsiinta telefoonada iyo Interneetka madaama
ay shirkadu horay
uga hirgelisay hawshaan oo kale meelo ka mida ah
gobolka sanaag.
Masuuliyiita
shirkadaasi ayaa asbuucaan bilaabay hawlo ay ku fududeynayaan
sidii dadka Bosaaso jooga ula hadli lahaayeen magaalooyin
ka mida Somaliland. arintaas oo qeyb ka ah olole ay
shirkadu ku doonayso inay Somaliya oo dhan garsiiso
aalada isigaarsiinta Casriga iyadoo u ogolaanaysa in
qofwalbaa si sahlan ula xiriiro eheladiisa meelkasta
oo ay joogto aduunka.
Gobolka
Bari ayaa waxaa shirkada wali u dhiman magaalooyinka
Caluula iyo Qandala oo kaliya waxayna shirkadu ku talo
jirtaa inay gaarto degmooyinka gobolada Puntland iyo
dhamaan Somaliya inteeda kale. Degmooyinka Caluula iyo
Qandala ayaa durba waxaa shirkadu soo dhamaysay sahan
ay ku eegayaan habka hawshaas lagu dhamaystiri karo
waxaana hadda la diyaarinayaa farsamo yaqaanadii hawshaas
soo dhamayn lahaa markay ka soo dhameeyaan hawlaha ay
hadda gacanta ku hayaan.
Weriye
c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Maraakiibta
jiriifka oo fara kulul ku haya xeebaha putland asbuucyadan
Bosaaso,
16 September (MOL) -Wararka
ka imaanaya degmooyinka xeebaha gobolka bari ayaa sheegaya
in asbuucaan ay maraakiib aad u tiro badani xaalufin
ku hayaan xeebaha degamooyinka caluula ilaa qandala.
maraakiibka shisheeyaha oo tiro badan kuwasoo ay saaran
yihiin rag soomaaliyeed oo sita hubka noocyada culus
ayaa waxii u soo dhawaada aan u aabo yeelayn.
kaluumaysatada ayaa soo sheegaya in maraakiitaasi ay
lug ku leeyihiin qaar ka mida masuuliyiita dawlada oo
sheer ku ah saamiga laga qaadaayo maraakiibtaasi si
ay sharci uga helaan xeebaha putland. wararka qaar ayaa
sheegaya in wasaarada kaluumaysigu aay maraakiibtaasi
qaar siisay ruqsooyin sida ay cadeeyeen qaar ka tirsan
kaluumyasatdu.
Weriye
c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
|