|
Bosaaso,
[MOL] 27 September 2003- Madaxweynaha Maamul Goboleedka
Puntland Cabdulaahi Yuusuf ayaa maanta duhurkii ka soo
degay goroonka Konoko ee magaala madaxda Puntland ee Garoowe.
Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Konooko si
diiran ugu soo dhaweeyay wafti uu hogaaminayay Madaxweyne
ku xigeenka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi iyo gudoomiyaha
Baarlamaanka.
Madaxweynaha
ayaa waftigiisa waxaa ka mid ahaa Gen. Cadde Muuse, wasiirka
wasaarada xiriirka Caalamiga Xasan Ahmed Jaamac[daafeedow],
wasiirka dhaqan celinta Cabdi CAbdulle Siciid (Jiniboqor),
gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntland Xasan Daahir
Afqurac iyo Xildhibaan Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) iyo
rag kale oo isugu jiray siyaasiyiin iyo waxgarad reer
Puntland ah.
Madaxweynaha
oo hogaaminayay waftiga Puntland shirka Mbagaathi uga
qayb galayay ayaa la sheegay inuu safar gaaban ku soo
gaaray Puntland taas lagu macneeyay in muddadii sharciga
2 bilood ee uu wadanka dibada uga maqnaan karay ka dhamaatay
iyo talo aruursi ku saabsan shirka dib u heshiisiinta.
Waftiga madaxweynaha ayaa la filayaa inay joogi doonaan
mudo ka yar toddobaad Puntland iyagoo dib ugu noqon doona
madasha uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta markii safarkoodu
u dhamaado.
Weriye
c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Wafti
uu hogaaaminayo gudoomiyaha gobolka Bari oo u kicitimay
Garoowe
Bosaaso,
[MOL] 27 September 2003- Waxaa
caawa ka socdaalay magaalada Boosaaso wafti balaaran oo
uu horkaacayo gudoomiyaha gobolka Barii Xaaji Bakiin.
Waftiga gudoomiyaha oo ka kooban 60 qof oo isugu jira
masuuliyiin ka tirsan maamaulka Puntland, Fanaaniin, suxufiyiin
iyo aqoonyahano ayaa waxay kulan la yeelan doonaan Madaxweynaha
Puntland oo isla maanta Garoowe ku soo nqoday.
Booqashada
gudoomiyaha ayaa lagu micneeyay kala warqaadasho iyo in
gudoomiyu la kulmo Madaxweynaha oo intii Sanad ku dhaw
ka qeyb galayay shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee
ka socda wadanka Kenya.
Weriye
c/risaaq Sheekhaduun
Mudugonline.com
Xaaji
Bakiin oo ka hadlay dagaalka ay kula jiraan tahriibayaasha
Boosaaso,
(AllPuntland)- Guddoomiyaha gobolka Bari Ibraahim Cartan
Ismaaciil (Xaaji Bakiin) ayaa maanta ka warbixiyay halka
uu maraayo ololihii loogu magac daray qab qabashada
Tahriibta.
Xaaji
Bakiin waxa uu sheegay in uu halkii ugu sareeyay uu marayo
ololaha lagu qab qabanayo tahriibta iyo sidoo kale dadka
tuugta ah.
Waxaa
uu sheegay in boolisku gobolka Bari ay qab qabteen dad
gaaraya 90 qof oo 50 ka mid ah ay ahaayeen dad doonayay
inay naftooda ku biimeeyaan xeebaha dalka Yaman halka
40 kalana ay ahaayeen tuug iyo danbiilayaal kaleeto oo
laga soo qab qabtay xaafadaha magaalada Boosaaso.
Booliska
gobolka Bari ayuu Xaaji Bakiin sheegay inay baadigoob
ugu jiraan dadka u adeega tahriibayaasha ciddii lagu qabtana
sharciga la marin doono.
Tahriibta
ayaan ayadu ahayn mid maamulka gobolka Bari iyo dawlada
Puntland-ba kaliya wax ka qaban karaayaan taasi oo ay
ugu wacan tahay dadka doonaya inay tahriibaan oo dhib
walba u mara sidii ay mar xeebaha Bari uga ambo bixi lahaayeen.
Xeebata
mareero oo maalmahaan saxaafaddu afka ku haysay inay tahay
meesha ay dadka tahriibaa ka baxaan ayaa warar lagu kalsoon
yahay ay sheegayaa inay dadkaasi si dhuumaalaysi ay oo
kali kali ah ay uga dhoofaan goobo kala duwan oo ka mid
ah badda cas.
AllPuntland
Madaxda
Somalida ee shirka dib u heshiisiinta oo sheegay inay
ku qanacsan yihiin sida shirku u socdo.
Nayroobi,
[MOL] 27 September 2003- War
ay maanta ka soo saareen madaxda Somalida ee shirka dib
u heshiisiinta ayna ku muujinayeen aragtidooda ku aadan
habsimi u socodka shirka dib u heshiisinta ayay qoraal ay
u gudbiyeen shirgudoonka Mr Kiplagat ku sheegeen inay ku qanacsan yihiin sida
iminka uu u socdo shirka dib u heshiisiinta. Hogaamiyaasha
ayaa sheegay inay uga mahad celinayaan gudoomiyaha shir
gudoonka Mr Kiblagat oo ay uga mahadceliyeen dadaalkiisa
nabad raadinta ee shirka dib u heshiisiinta.
Hogaamiyaasha
ayaa sheegay inaysan waxba ka qabin dadaal kasta oo lagu
soo celinayo hogaamiyaasha shirka ka maqan balse aan marna
la hakin shirka oo hadda gaba gaba ah.
hogaamiyaasha
ayaa u sheegay shir gudoonka in shirkaani yahay shir Somali
loo qabto kii ugu dheeraa inta uu socday iyo tirada hogaamiyaasha
ka soo qayb galay inuu yahay shirkii ugu badnaa. waxay
sheegeen in Somaali oo dhan ku dhan tahay shirkaan ayna
ku dhan yihiin TNG, SRRC, G8, Puntland and madaxda bulshada
rayidka ah.
Shirka
Somalida oo hadda ka socday wadanka Kenya muddo 11 bilood
ah ayaa waxaa qarashkiisa bixinayay wadamada Yurub iyo
Amerika. Wadanka Maraykan ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen
laba cisho ka hor waxay ku sheegeen sida ay ugu faraxsan
yihiin guusha uu gaaray shirku markii lagu heshiiyay dastuurkii
qaranka iyo guud ahaan illaa hadda horumarka ay sameeyeen
hogaamiyaasha Somalida ee shirka jooga. dhanka Kale wadanka
Jabuuti ayaa maanta sheegtay inaysan ku qanacsanyn sida
shirku u socdo iyagoo arintaas u gudbiyay wadamada Igad
ee maamulaya habsami u socodka shirka.
Mudugonline.com
|