Macallinkii I-aad
Saadiq
Enow
Tukuhu waa xayawaankaas madow oo kamid ah
haadda buubta ee codka qallafsan ka yeero. Nolosha
aadamiga oo bilow ah ayaa Eebe inoo adeejiyay
Tukaha si uu u buuxiyo kaalin macallinimo tii ugu
horeysay. Markaasi waxay ahayd markii ay ilmo
Aadam is laayeen oo
Qaabiil uu gardarro
ku dilay walaalkiis Haabiil.
Nolosha oo cusbeyd iyo khibrad yaraan awgeed ayuu
wiilka wax dilay u haleeli waayay qaab uu ku
asturo meydka walaalkiis. Naxariista Eebe iyo
fadligiisa ayaa ahaatay in loo adeejiyo macallin
ka khibrad roon ee bara cashar kamid ah kuwii ugu
milgaha cuslaa oo aadamigu uu helay xilligaas
qallafsan. Aayadda 31-aad,
suuradda Al-Maa'ida
ayuu Eebe inoogu soo tebinayaa sheekadaas isaga oo
leh ereyo la macna ah sidan :''
Dabadeed, Eebe wuxuu u
bixiyay Tuke dhulka faganaya, si uu u tusiyo siduu
u astuturi lahaa meydka walaalkiis. Markaasuu yiri
: Shalaytadeyay, miyaan ka caajisay inaan noqdo
mid sida Tukahan, oo aan asturo meydka walaalkay.
Wuxuuna kamid noqday kuwa qoomameeya ''.
Si loo rumeeyo jiritaanka iyo keli ahaanshaha
Eebe, dadka qaar waxaa ku filan in ay helaan aayad
keliya oo kamid ah aayadaha Quraanka. Halka kuwo
kale ay u baahan yihiin wax aayad ka badan.
Qaarkoodna haddii kitaabka oo dhan lagu wada
akhriyo, qalbigooda nasiib uma yeeshaan in uu ku
waansoobo.
Aayad kasta oo kitaabka muqadaska ah ku qoran,
sideeda ayay aayad u tahay, xataa haddii, si
kumeel gaar ah, loogu eego aragti ka madax-bannaan
aayadaha kale.
Tilmaamta ay aayaddu farta inoogu fiiqayso oo
ah Tukaha, waxay tahay mid cajiib ah. Waayo Tukaha
waa xayawaan dhagar badan, balse waxa duula oo
dhan ayuu u xis iyo kas badan yahay. Garashada
Tukaha waxaa kamid ah in uu aaso meydkiisa isaga
oo xushmeynaya jirka shimbirkaas la tolka ah ee ka
baxay qoyska. Wuxuu ka ilaalinayaa in eeyan haadda
kale fagan korkiisa, isla markaas wasakhda ayuu ka
dhowrayaa cimilada. Aqoonyahannada arinkaa u
kuurgala, waxay sugeen in Tukuhu uu meydka u qodo
qabri lamid ah midka ay dadku isu qodaan. Si uu
godka uga dhigo mid dheer ayuu wuxuu ku faagaa
cidiyaha iyo afka.
Waxaa maanta la yaqaan in kabadan 35 jaad oo
Tuke ah, kuwaas oo dhamaantood ka tirsan bahda loo
yaqaan Corvus.
Daba-gal ay sameeyeen dad aqoonyahanno ah ayaa
lagu ogaaday in Tukuhu uu yahay midka ugu caqliga
badan uguna dhagarta badan haadda. Arinkaasina
waxay ku cilleeyeen in uu yahay midka haadda
duusha (inta la ogyahay waa 10.000 oo jaad) ugu
maskax weyn, marka miisaanka jirka iyo kan
maskaxda leysu eego.
Waxaa Tukaha ka muuqda arimo tilmaamaya
caqli-badidiisa sida garashada, haleelidda,
xasuusta, awoodda xiriirka, ogaal is-gaarsiinta,
falanqeynta dhibaatooyinka, dhisidda bulsho
habeysan, howl-wadaaga ay kamidka tahay
ugaarsashada, difaaca, xanaaneynta ubadka,
cayaaraha, dhismaha aqallada. Waxaa kale oo intaa
u dheer rabitaanka uu u qabo in uu wax cusub arko,
taxadar iyo digtoonina ay weheliyaan. Wuxuu isku
deyaa in uu la macaamilo qofka uu yaqaan iyo midka
qariibka ku ah.
Soomaalidu goor hore ayay garteen in Tukuhu uu
yahay haad garasho wanaagsan. Sheekooyinka ay reer
miyigeenu isu tebiyaan waxaa kamid ah midan :
Tuke iyo Xuunsho ayaa sheekaystay oo iswediiyay
goorta ay gartaan khatarta uu ku soo wado qofka ay
ka digtoonyihiin. Xuunshadii baa waxay tiri : (Anigu
waxaan wax gartaa marka dhagaxa laysoo qaato).
Tukihiina wuxuu ku jawaabay : (Xuunshoy,
dhimatay haddiiba aadan wax garan illaa aad aragto
dhagaxa oo laguu soo qaadanayo. Anigu waxaan wax
gartaa marka labada qof ay is dhugtaan).
Waxaa kale oo Soomaalidu ay si wanaagsan u
ogaadeen in Tukuhu uu yahay haad
isku si u cunta hilibka iyo miraha.
Sheeko-xariiradeenii waxaa kamid ahaa mar ay bah-weynta
haadda isugu yimaadeen shir iyaga oo ka tashanay
waxa ay cunayaan. Dood badan dabadeed waxay
talo-saarteen Tukihii in uu u guddoonsho arinka.
Markaas buu yir : '' Haad, wixii aniga iga weyn
waxaan u jideeyay in ay hilbaha cunaan. Wixii iga
yarna waxaan u jideeyay in ay miraha cunaan
''.
Isaga isma sheegin qolo uu raacay. Sidaa
darteed ayuu hilbahana la cunaa kuwa ka waaweyn,
mirahana la cunaa kuwa ka yar-yar. Hambeyn
la'aanta iyo dhagarta darteed ayaa dad badani, oo
Soomaalidu ay kamid yihiin, ay ku naceen Tukaha oo
uu agtooda uga noqday tilmaam xambaarsan bacownimo.
Waxaase jirta in uu qeyb lixaad leh ka qaato
nadaafada cimilada iyo isu dheeli-tirka nolosha.
Sanad walba Tukuhu wuxuu dilaa oo cunaa xasharaad
dadka iyo dhirta dhib ku haya, kuwaas oo
miisaankoodu uu gaarayo kumanyaal tan.
Tukuhu wuxuu kamid yahay bah-weynta haadda ah
ee laysku yiraahdo Class
Aves, kuwaas oo la gaar ah jaadka
baalasha jirkoodu huwan yahayee sita qalab tiro ah
ee ka shaqeeya dheeli-tirka kuleylka gudaha iyo
midka dibadda. Baalasha ayaa waxay fuliyaan in ay
hawada ku keydiyaan gudaha. Taasi waxay ka
qeyb-qaadataa sugnaanta kuleylka jirkiisa ee aanan
marna isbeddelin. Isla markaas waxay fududeysaa in
uu dhib la'aan hawada u mushaaxo. Iyada oo ay
jirto in haadda oo idil ay ku tilmaaman yihiin
araga tiirada fog ee loo hibeeyay ayaa Tukuhu si
gaar ah ay uga muuqataa tilmaamtaas. Meelo fog oo
kore ayuu awoodaa in uu ka bidhaansado cayayaan
dhulka korkiisa ama dhirta dushooda dul tukubaya,
markaas buu ugaartaa.
Marka dib loo eego cimriga uu Tukuhu soo jiray,
waxaa mudan in la xuso inta ay haaddu soo jirtay
oo ah muddo lagu qiyaasay 150 melyan oo sano.
Haadda kuwooda hadda nala nool ayaa cimrigoodu
yahay 60 melyan oo sano. Waxaa halkaas ku cad in
abuurka Tukuhu uu ka horeeyay abuurka aadamaha,
ugu yaraan) muddo ka badan 55 melyan oo sano.
Sidaa darteed buu hibada uu ka helay xagga Eebe
wuxuu ku muteestay in uu noqdo macallinkii ugu
hureeyay ee aadamiga.
Tukaha waxaa uu haadda dheeryahay awoodda uu u
leeyahay in uu si dhakhso badan wax uga beddelo
qalabka uu wax ku haleelo. Taasina waa ilhaam loo
waxyoodo qalbigiisa (instinct).
Wuxuu markaas si urursan u waajahaa arinkii uu
doonayay (orientation).
Waxay is-baraan urursanaan iyo isku xiraansho (learning
by association). Waxay is baraan in ay
walxaha kala soocaan (learning
by discrimination). Waxay is baraan
qiimeynta khaladka iyo saxa (learning
by trial and error). Waxay is baraan
qaabkii ay u xalliyi lahaayeen dhibaatooyinka (learning
by problem - solving) iyo in la
miinguursho xasuusta (memory
imprinting). Waxay is baraan in ay la
fal-galaan cimilada teeda wanaagsan (effect
of the species - typical enviroment).
Sidaas bay u muuqataa in Tukuhu uu leeyahay
caqli, xasuus, awood haleelid iyo wacyi uu ku
hagaagsado dhaqankiisa bulshadeed iyaga oo is-kaashanaya
isla markaasna uu ka dhexeeyo loolan iyo is
rog-rog ay nolosha u kaashanayaan. Waxaa kale oo
ay leeyihiin qalab xiriir ee sare (excellent
communication skills). Tusaale xiriir
cod, xiriir dhawaaq abuur, xiriir maqal, xiriir
arag, xiriir wax-tilmaan iyo xiriir isu digid oo
lays dhaafsado.
Tukuhu waxaa kale oo uu leeyahay maxkamado ay
ku jaan-go'an yihiin cadaaladda bulshadeed ee
wehelisa fidrada uu Eebe ku tallaalay uunkiisa.
Mid kasta oo Tukaha kamid ah ee ka baxa
qawaaniinta ay bulshadu sargoosatay, wuxuu
mutaysanayaa ganaax. Dembiyada ciqaabta mudan
waxaa kamid ah in Tuke uu ku xad-gudbo Tuke kale
(mid lab ah ayaa faduulinaya mid dhedig ah, ama
mid ka da' yar). Waxaa kale oo ay isku ciqaabaan
haddii lagu xad-gudbo cush mid leeyahay ama
raashin mid meel dhigtay. Bulshadaasi, dembi kasta
waxay u sameysteen ciqaab gaar ah. Tusaale, haddii
Tuke weyni uu qaato raashin caruur leeyihiin,
ciqaabtiisa waa isaga oo baalasha laga rifo si uu
duulista uga hakado inta caruurta uu bililiqeystay
ay ka awoodayaan in ay duulaan. Tukihii isaga oo
dagaalamaya dumiya aqal reer Tuke ah leeyihiin,
waxaa lagu xukumayaa in keligiis uu reerkii u
dhiso aqal. Haddii fal kaas lamid ah uu soo
cel-celiyo, Tukahaasi waxaa lagu xukumayaa in uu
bulshada ka dhex baxo. Haddii mid lab ah uu
kufsado Tuke dhedig ah, kaas fal-xumida la yimid
waxaa lagu xukumayaa dil. Inta laysugu tago ayaa
afka
lagu mud-mudayaa illaa uu ka dhinto.
Sida caadada ah, maxkamadaha Tukuhu, waxay ka
dhacaan meel dhir badan dhexdeeda, ama dhul
bannaan oo cidla ah. Ujeeddaduna waa inaan laga
mashquulin fadhiga. Waxaa kulmaya guddiga
maxkamadda qaadaya. Midka denbiilaha ah meesha
ayaa lakeenaa, isaga oo si xoog badan loo
ilaalinayo. Inta dooddo socoto, madaxiisa hoos
ayuu u dhigaa, baalashana waa uu debciyaa, isaga
oo muujinaya in uu qirsan yahay denbiga loo haysto.
Haddii denbiilaha lagu xukumo dil, waxaa markiiba
ku soo boodaya koox kamid ah xubnihii fadhiga ka
soo qeyb gashay. Waa ay isugu tegayaan iyaga oo la
dhacaya afka iyo cidiyaha.
Markii ay jirkiisa jar-jaraan oo uu dhinto, ayay
qaadayaan oo ay geynayaan halkii ay qabriga uga
qodi lahaayeen, si ay u xushmeeyaan jirkiisa oo ay
u asturaan. Dabadeed qabri ayay u qodaan ku filan
muga jirkiisa, halkaas ayay ku aasaan.
Sidaas baa Tukuhu uu dhulka Eebe ugu oofiyaa
cadaaladdiisa, iyaga oo aanan eex iyo damac higsan.
Cadaaladdaas oo aadamigu uu awoodi la'yahay xilli
lagu faanayo ilbaxnimo, aqoon, hor u mar iyo
garaad sare. Cadaaladda Tukuhu maahan mid u
adeegta baahidooda iyo danaha gaarka oo ay xubnuhu
higsanayaan, balse waa mid dhaqan-galkeeda ay
dhaboodiso nafafyaalka muslimka ah iyo laab ku
tallaalan isu dhiibka arinka Eebe. Markaas baa
cadaaladdii waxay noqotay weji kamid ah
nolol-maalmeedkooda.
Aadamiguse waa abuurkaas cajiibka ah ee
damaciisa iyo dulmigiisa lala yaabay. Xilkii la
saaray iyo boqortooyadii laguaaminay waxaa ka
kexeeyay naf iyo hawo. Illaa uu isagu wax
sharciyeysto, oo uu nolosha u kaashado garaadkiisa
gaaban. Markaasuu ka dheeraaday cadaaladdii Eebe,
isaga oo doonaya in uu hal-abuuro cadaalad aanan
dheeli-tirayn ee la jaan-qaadda maslaxaddiisa
gaaban. Markaasuu naftiisii dulmiyay, dabadeedna
qeyrkiis ayuu dulan u geystay.
Qaabiil, aqoontii u muuqatay oo uu ka dhaxlay
Tukaha ayuu qaatay oo ku aasay meydkii walaalkiis.
Bulshada ilbaxa ah ee ka faa'iideysataa aqoonta ay
bixinayaan adeegayaasha Eebe, waxay mudan yihiin
in ay isu ururiyaan, cadaaladdana u oofiyaan sidaa
Tukaha laynoo soo diray uu isu ururiyay,
cadaaladdana u oofiyay.
Saadiq Enow