Onkod,
Hillaac iyo Biriq
Saadiq
Enow
Aadamigu, taariikh
hore ayuu bilaabay in uu xiiseeyo muuqaalada qurxoon
oo ay dabiicaddu soo bandhigto, gaar ahaan kuwooda
qallafsan ee layaabka leh. Onkodka,
Hillaaca iyo Biriqda oo kamid ah muuqaaladaas ayaa
waxay yihiin fal-gallo dusheena ka dhaca ee inoo
tebinaya cashar soo noq-noqasho badan ee muddo uu
aadamigu ku wareersanaa macnahooda. Ilbaxnimooyinkii
hore, gaar ahaan kuwooda uu ku badnaa ictiqaadka
khuraafiga ah ayaa waxay dadaal u galeen in ay ogaadaan
sirta ku dheehan muuqaaladaan. Dadkaasi waxay reebeen
raadad tilmaamaya sida ay dadkoodii isugu taxalujiyeen
in ay wax ka sheegaan dhacdooyinkaas cajiibka ah
ee dusheena ka muuqda.
Dhawaaqa culus ee
argagaxa leh ee uu Onkodku leeyahay, waa arin ku
mataanan danabyada Hillaaca ee kaaha xoogan uu
weheliyo ee sida kediska ah u muuqanaya kuna
libdhaysa. Biriqda oo ah mataanka saddexaad ayaa
mararka qaar sababta in ay noole dhulka ku
tukubaya galaafato oo geeridiisa ay sabab u noqto.
Dhacdooyinkaa isku qoofalan oo aanan kala harin,
waxay yimaadaan iyaga oo si saddexley ah u wada
socda. Cabsida ay ku abuuraan nafta noolaleyda
ayaa waxay tahay midda sababtay in bulshooyinka ay
kamidka yihiin Giriigii hore ay mala-awaalaan
khuraafiyad ku saleysan ictiqaadkoodii kharibnaa.
Waxay rumeysnaayeen in muuqaaladaas ay yihiin kuwo
uu ka danbeeyo boqorka Eebayaasha oo carooda, kaas
oo magaciisa ay u yiqiineen ZEUS.
Muuqaalladan saddexda ah waxay ku sheegeen in ay
yihiin hubka boqor ZEUS uu adeegsado markuu
dirirayo.
Diinta Islaamka, waxay
saldhig u noqotay ilbaxnimada aadamiga iyo
aqoontan casriga ah ee lagu gaaray hor u kaca
cajiibka badan ee aadamiga casrigan nool uu ku
faano. Goor hore ayay diintayadu beenisay aragtida
khuraafiga ah ee laga rumeysnaa muuqaalada
dabiicadda. Quraanku wuxuu mar walba ishaaraa in
loo kuur-galo muuqaallada dabiicadda, iyada oo
laga kororsanayo aqoon ictiqaadeed iyo mid
nololeed. Quraanku wuxuu saddexdan dhacdo ku
tilmaamaay in ay yihiin muuqaal dabiici ah ee
aanan dhaafsiisnayn abuuraleyda hilanka culus ee
inoo kordhinaya garaad iyo wacyi aanu u kaashano
wejiyada nolosha iyo qawaaniinteeda, hadba intii
itaalkayagu gaari karo.
Suuradda Al-Baqara,
aayadda 19-aad
si doqon-magarato ah ayay inoogu tilmaamtay
dhacdooyinkaa mataanaha ah.
Aayaddu
waxay leedahay ereyo macnahoodu yahay :
"
Ama (lamid
ah) wax dusha ka soo da'aya oo dhexdiisu ay
ahaatay mugdiyaalo iyo Onkod iyo Hillaac, kaas oo
ay dhegaha faraha ka gashtaan Biriqda dhacaysa
darteed iyaga oo geeri ka baqaya. Eebena waa mid
koobay gaalada
"
Dadaalka uu aadamigu
u galay in uu wax kaga ogaado nolosha iyo
asraarteeda ayaa waxay saamaxday in xilligan danbe
la fahmo in muuqaalladaasi eeyan ahayn sidii
khuraafiga ahaa oo ay u haysteen dadyowgii hore.
Balse guud ahaan ay waafaqsan yihiin tilmaanta uu
Quraanku ka bixiyay. Waxay yihiin kuwo ka dhasha
tamarta nool ee ka unkanta fal-gallada walxaha
kiimikada ah ee hawada ku dheehan, kuwaas oo
dabadeed raad ku yeesha canaasirta brootiinada ah
iyo dhismaha unugyada isku dhafan ee dhulka ka
yeela degaan ay ka suurowdo nolol.
Aadamigu muddo 100
sano dhaafsiisan ayuu dadaal xoogan ugu jirey in
uu helo ogaallada muuqaalladan. Laakiin illaa iyo
hadda aad baa looga fog yahay aqoonta iyo
asraarta dahsoon oo ay dhacdadan saddexleyda ah
leedahay. Xoogaaga yar ee ogaallada ah ee la helay
waxay tilmaamayaan in daruuraha madow oo ay biyuhu
cusleeyaan ee la yiraahdo Cumulonimbus ay
yihiin astaamaha soo hor-kaca Onkodka, Hillaaca
iyo Biriqda. Sida qaalibka ah, daruuratan waxay
tahay mid diyaar u ah in ay daadiso biyaha
ceelka-geeye.
Quraanka wuxuu si
gaar ah farta inoogu fiiqay daruurtan
Cumulonimbus ee diyaarisa cimilada ay ka
unkamaan dabiicaddan saddexleyda ah.
Suuradda Al-Racad,
aayadaha 12-aad,
waxay nagula hadlaysaa ereyo macnahoodu yihiin
sidan :
"
Isaga
(Eebe)
weeye midka idin tusinaya Hillaaca, cabsi iyo
damac gelin (darteed), Wuxuuna unkaa darruurta
culus. Onkodkuna wuxuu ku tasbiixsadaa
mahad-celintiisa, Malaa'igtana cabsidiisa
".
Onkodku
wuxuu dhashaa markii hawo kulul oo sidata dhado
(biyo) ay inta dhulka ka kacdo ay kor aado.
Masaafo dhulka u jirta 2 - 8 km. oo kor ah ayaa
hawadii kululeyd waxay kula kulmeysaa daruurtii
madoobeyd oo gudaheedu uu ceegaago biyo badan oo
aad qabow. Hawadii kululeyd kor bay weli u sii
kacaysaa iyada oo xambaarsan daruurihii qaboobaa.
Barta taabashada hawada kulul iyo daruurta qabow,
waxaa si tartiib ah, laakiin hubaal ah, uga
dhalanaya biyo adag (baraf). Markii ay daruurtu
cuslaato, barafkii ayaa isaga oo dhibco ah, roob
oo kale u soo qubanaya. Barafka soo hoobanaya
ayaa wuxuu ku socdaa xowli-roor u dhigma 500 – 800
km / saacaddiiba. Waddada ayuu wuxuu kula kulmayaa
hawadii kululeyd ee dhadada lahayd. Xowliga ay
dhibcaha barafka ah ku socdaan iyo farqiga (kuleyl
iyo qabaow) ee u dhexeeya jirka barafka iyo
walxaha ay sii jiirayaan ayaa waxaa ka unkama
is-xoqid xoog leh oo dhex mara hawada kulul ee kor
u socota iyo dhibcaha qaboow ee hoobanaya.
Waxaa halkaas ka abuurma shixnad xoog leh oo
koronto ah. Markaas baa dabaqadda hoose ee
daruurtii qaboobayd waxay heleysaa shixnad dhiman
( - ), dabaqaddeeda korena shixnad dhan ( +).
Shixnadahaas
korontada ah ayaa xoogeeda iyo qulqulkeeduba si
tartiib ah u kordhayaan illaa ay ku faafto hawada
daruurta ku meereysan illaa ay dhulka dushiisa soo
gaarto. Waa marka keliya oo ay muuqanayso xiriir
toos ah oo dhex-mara daruuraha iyo dhulka. Waxaa
libdhaya awoodii ay hawadu u lahayd in ay
daruuraha ka ilaaliso in ay dhulka la xiriiraan.
Xilliga uu xiriirkaa abuurmo, waa xilliga lala
kulmo waxa ay Soomaalidu tiraahdo Hillaac, kaas oo
leh socod jahadiisu ay kala duwan tahay. Mararka
qaar wuxuu isaga gooshaa daruuraha dhexdooda. Mar
kale wuxuu ka yimaadaa daruuraha isaga oo dhulka
u soo jeeda. Marna wuxuu ka kacaa dhulka, isaga oo
kor u socota.
Sida caadada ah,
daruurta uu Hillaacu ka dhasho waxay nooshahay
muddo ah ˝ - 1 saac. Hillaaca qudhiisu wuxuu
nolosha ku sugan yahay muddo intaa lamid ah. Marar
baa waxaa dhaca in ay abuurmaan meelo dhowr xarun
ah oo ay ka unkamaan tamarta Hillaac. Markaas,
cimriga Hillaaca wuxuu gaarayaa saacado. Hillaaca
caadiga ah ballaciisu wuxuu gaaraa dhowr km.
Dhererkiisuna 5 - 10 km.
Intuusan
Hillaacu abuurmin, waxaa daruurta dhexdeeda ka
muuqanaya kanaalo yar-yar oo wax badan ka yar kuwa
muuqanaya marka uu Hillaacu dhasho. Waxaa lagu
qiyaasaa in ballacoodu uu le’eg yahay far-yarada
gacanta. Dhererka kanaaladan ayaa waxay gaaraan 5
- 10 km. Abuurka waddooyinka kannaaladan waa mid
marxalado ah. Waxaa marba fidaya dherer gaaraya 30
m. Kanaaladu maahan kuwo toosan. Balse waxay
leeyihiin muuqaal sig-saag ah oo Hillaacu uu caan
ku yahay. Markii ay kannaaladu diyaar noqdaan,
waxaa bilaabanaya dab-shidka shixnaddii waalidka
ahayd oo ay ka kacayeen faracyada Hillaaca. Taas
oo tamarteeda uu markiiba ku qul-qulayo
kannaaladii diyaarka ahaa. Xowliga uu Hilaacu ku
socdo waa 30.000 km / il-biriqsi. Xowligaasi wuxuu
u dhigmaa 1 / 10
socodka iftiinka.
Qul-qulka tamarta
wuxuu ka imanayaa xarun ciriir badan oo aanan
toosnayn. Islamarkaas wuxuu ku yaacayaa waddooyin
ciriiri badan oo qaab sig-saag leh. Muddada u
dhexeysa tamarta kala googo’an ee kaahyada
Hillaaca waa 10 il-biriqsi. Sidaas darteed baanu u
aragnaa ifka Hillaaca in uu yahay mid goo-go’an ee
aanan xiriirin. Markaas uu Hillaacu ifayo, bu’da
isha Pupilla ayaa weynaata iyada oo iska
difaacaysa nuurkaas xooga badan. Hillaaca
habeenkii muuqda ayaa wuxuu yahay mid indhaha
halis u keeni kara.
Waxaa jira laba jaad
oo Hillaac ah. Mid wuxuu xambaarsan yahay
korontada shixnadda dhiman ( - ), taas oo ka
dhalata dabaqadda hoose ee daruurta culus.
Hillaacan markii uu soo dego, dhulka ayuu ka
qaataa shixnad dhan ( + ), taas oo uu kor la aado.
Xooga labada shixnad oo isu dheeli-tiran ayaa
Hillaaca waxay ka dhigtaa mid caadi ah. Hillaaca
jaadka labaad waa mid aanan caadi ahayn, marar
ayuu muuqdaa. Wuxuu ka soo degaa daruurta dusheeda,
gaar ahaan saqafka degaanka biyaha qabow. Wuxuu
sitaa shixnad dhan ( + ). Markii uu soo gaaro
dabaqaddii hoose ee daruurta ee lahayd shixnadda
dhiman ( - ) ayuu ifayaa. Shixnadda dhan ( + )
waxay ka xoog badan tahay midda dhiman ( - ).
Sidaa darteed baa Hillaacan wuxuu ku faafaa dhul
aad u ballaaran.
Codka Onkodka wuxuu
ka dhashaa is-xoqa hawada sida xoogan ugu yaacda
kanaalada sig-saaga ah iyo gidaarada daruurta oo
kanaaladu ka sameysan yihiin. Waxaa halkaas ka
dhasha cadaadis xoog weyn. Iyada oo ay ku xiran
tahay hadba meesha uu qofku ka taagan yahay
xarunta uu Onkodka ka soo fulayo, ayaa waxaa jira
labo jaad oo cod ah oo uu Onkodku leeyahay. Marka
uu qofku taagan yahay meel ku beegan xarunta uu
codku ka abuurmayo hosteeda waxaa la maqlayaa
dhawaaq lamid ah xabadaha ka dhaca qori AK ah.
Markase laga taagan yahay meel ka dheer xarunta
codka, waxaa la maqlayaa codka weyn ee diryaama oo
Onkogka lagu yaqaan.
Dabka
ka dhasha xooga korontada ee uu Hillaacu unko, waa
mid xoog badan. Sidaa darteed qul-qulka dabkaasi
waa mid dhex mari kara jirka dadka iyo xoolaha,
dhirta iyo walxaha kale ee muuqda. Marka uu
dabkaasi dhasho, bilowga horeba kuleylkiisu wuxuu
dhanyahay 30.000 oo degree (Celsius).
Kuleylkaasi wuxuu shidan yahay wakhti muddadiisu
tahay 1 / 100.000 il-biriqsi. Markii lays bar-bardhigo
xooga kuleylka iyo muddada yar ee uu shidan yahay,
aragti ahaan, waxaa la helayaa in dabka Biriqdu uu
yahay mid ka kulul dabka ka huraya qoraxda
guudkeeda. Muuqaalkan oo aanan dhaafsiisnayn
falalka uu Eebe weyne gudoonsaday in ay kamid
noqoto qawaaniinta ay noloshu ku joogto ayaa waxaa
inoo tilmaamay
Suuradda Al-Racad,
aayadaha 13-aad.
Aayaddu waxay leedahay ereyo macnahoodu yihiin
sidan :
"
(Eebe)
Wuxuu diraa Biriqyaalka, markaas buu haleeshiiyaa
cidii uu doono .......
"
Eebow
ceeb-li'idaadaa badan, aqoon aanu leenahay
majirto, midda aad adigu na bartay mooyee, waana
adiga midka aqoonta u leh waxkasta oo inaga
dahsoon.
Saadiq
Enow