|Home| |Islam| |Qoraalo| |Contact Us |Suugaan|
Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Kulan cilmiyeed lagu soo gabagabeeyay magaalada Boosaaso

Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Boosaaso Kulan cilmiyeedkii seddexaad ee lagu qabtay masjidka Al-Rowda oo halkudhegisu ahaa (CAQIIDADA ISLAAMKA), wuxuuna socday muddadii u dhaxeysay 11-23 Rabiic Al Awal 1426 oo waafaqsan 21/04-02/05/2005.

Ujeedooyinka loo qabtay kulan cilmiyeedkaan waxaa ka mid ah: In dadweynaha loo soo bandhigo caqiidada toosan, lagana soxo khaladaadka dadka qaarkiis ka galay, In la dareensiiyo bulshada ahmiyadda caqiidadu u leedahay iyo dhibaatada ka imaanaysa haddii laga bayro, In dadkeennu yeeshaan awood ay isaga difaaci karaan duullaanada ku wajahan caqiidadooda, In dadweynaha la dareensiiyo in caqiidadu tahay aasaaska diinta.

Waxaa ka qaybqaatay jeedinta duruusta iyo ka jawaabista su’aalihii dadweynaha culimo Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin :

Sh. C/qaadir Nuur Faarax.
Sh. C/laahi Cali xaashi
Sh. Daahir Aw Cabdi yuunus
Sh. Axmed Xaaji C/ramaan.
Sh. C/qaadir Maxamed Cabddalla.
Sh. C/naasir Xaaji Axmed.

Duruustii halkaa laga soo jeediyay waxaa ka mid ahaa: Ahmiyadda caqiidada islaamka, Sifooyinka Ahlu sunnah waljamaaca, In Alle kaliya la caabudo, Sifooyinka iyo magacyada Alle, In Nabiga la raaco bidcadana laga fogaado, Xiriirka ka dhexeeya muslimiinta iyo kan kala dhexeeya gaalada, isku xukunka sharciga Alle I.W.M.

Waxaa duruusta garab socday su’aalo ay ka jawaabayeen culimadu, seminaar diini ah oo la siiyay haweenka iyo muxaadarooyin kale oo ay ka jeediyeen meelo ka mid ah magaalada.

Waxaa xusid mudan in kulan cilmiyeedekaan intii uu socday ay si toos ah u baahinayeen idaacadaha SBC, Midnimo iyo STN ee magaalada Boosaaso , waxaana laga dhagaysanayay magaalooyinka Boosaaso, Qardho, Garoowe, Laag iyo Galgala. Waxaa kale oo magaalooyinka qaarkood loogu gudbinayay taleefoonka, sida magaalada Carmo iyo waliba taarka oo loogu xidhiidhinayay magaalada Qandala. Duruusta iyo fataawada waxaa lagu duubayay maqal iyo muuqaalba. Dadka dibaduhuna waxay kala socdeen aaladda internetka.

Kulan cilmiyeedkaan waxay dadweynuhu uga faa’iidaysteen si weyn meel kasta oo ay joogaanba, waxaana la rajaynayaa in si ballaaran loo faafiyo duruustii iyo fataawadii laga duubay.

Xafladdii xiritaanka waxaa hadallo kookooban ka soo jeediyay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha diinta DGP Axmed Cali, guddoomiyaha jaamacadda bariga Afrika Sh. C/qaadir Max’ed C/laahi, Sh. Max’ed Idriis, Sh. C/qaadir Nuur Faarax, Suldaan C/salaam Suldaan Max’ud, ugu dambayntiina Sh. Fu’aad Max’ud Xaaji Nuur ayaa xafladdaas ka akhriyay baaq culimadu u soo jeediyeen bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta.

Xafiiska dacwada iyo tarbiyada

dacwah@hotmail.com


Baaq ka soo Baxay kulan cilmiyeedkii Boosaaso

Waxaannu ugu baaqaynaa bulshada soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta arrimahan soo socda:

1. In la barto caqiidada toosan ee Islaamka, maadaama ay tahay tan lagu badbaadayo Adduun iyo Aakhiraba, lagana digtoonaado waxyaabaha dhaawici kara.

2. Dhawridda iyo qabsashada Xadiiska Rasuulka ( NNKH), lagana difaaco cid kasta oo duullaan ku ah.

3. Barashada, ku dhaqanka iyo faafinta Diinta Islaamka iyadoo loo hurayo naf iyo maalba taas oo ah xil saaran qof walba oo Muslim ah, sidaa darteed waa in qof walba uu qaataa kaalintiisa ku beegan ha ahaato Culimada, Maamulka, Oday dhaqameedyada, Ganacsatada, Aqoonyahanka, Haweeynka iyo Dhalinyarada.

4. Maadaama ummada soomaaliyeed tahay muslim boqolkiiba boqol 100% laguma dhex faafin karo diimo iyo mabaadi’ aan ahayn islaamka.

5. Waxaan ugu yeeraynaa masuuliyiinta Soomaaliyeed inay u tanaasulaan danta guud ee dalka iyo dadka, ayna ka fogaadaan wax kasta oo dhaawacaya diinta, qaranimada, midnimada iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed, isla markaasna ay qiimeeyaan baahida bulshadu u qabto dawlad. Annaga oo xasuusinayna in mashaakilka ina haysta lagu xallin karo shareecada islaamka oo kaliya .

6. Bulshada soomaaliyeed waxay soo martay waqti dheer oo ay ku jirtay burbur , dagaallo sokeeye iyo duruufo adag oo dhamaan saameeyay, hadaba waxaa waajib ah inay si dhab ah u walaaloobaan, isgacan qabtaan, isuna naxariistaan.

7. Manaahijta Waxbarashada Dalku waa in ay noqoto mid tayaysan, kana tarjumaysa Diinta iyo baahida bulshada Soomaaliyeed, lagana ilaaliyo faragalinta, dibindaabyada iyo marinhabaabinta ay ku hayaan Shisheeyuhu.

8. Warbaahinta Soomaaliyeed waa inay u adeegto danaha Bulshada, kana tarjumto Diinteenna iyo Dhaqankeenna suubban, isla markaana ay ka fogaato baahinta wax kasta oo wax yeelaya Umadda Diinteeda, dadnimadeeda, akhlaaqdeeda iyo wadajirkeedaba.

9. Waa in mudnaanta koowaad la siiyo ilaalinta iyo horumarinta qoyska, lagana hortago khatarta ku wajahan haweenka iyo da’yarta, isla markaana loo hawlgalo xallinta mashaakilkooda, korna loo qaado aqoontooda iyo wacyigooda.

10. Waa in bulshada soomaaliyeed ay iska kaashato hirgalinta mashaariicda danta guud iyo horumarinta adeegyada bulshada sida:- dhismaha iyo dayactirka masaajidda, wadooyinka, garoomada, isbitaalada, dakadaha, jaamacadaha I.W.M. taas oo ciddii ka qayb-qaadata u noqonaysa sadaqo ajar joogta ah leh.

11. Waxaan bogaadinaynaa mashruuca dhismaha garoonka diyaaradaha Boosaaso annaga oo bulshada ugu baaqayna meel ay joogtaba dibad iyo gudo inay ka qayb qaataan fulintiisa.

12. Waa in dadka soomaliyeed ee u qaxay dalalka gaalada ay ku soo laabtaan dhulkooda, si ay uga badbaadaan iyaga iyo ubadkooduba khatarta haysata diintooda, waana in maamullada iyo shacabku iska kaashadaan sidii loogu diyaarin lahaa dadkaas jawi ku dhiirigaliya inay soo noqdaan.

13. Waa in la joojiyo dagaallada sokeeye ee ka dhex aloosan bulshada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, khilaafaadkoodana ay ku xalliyaan shareecada Islaamka, arintaana waa inay ka qayb qaataan culimada iyo waxgaradku .

14. Joojinta iyo ka fogaanshaha Cudurada bulshada ee ragaadiyay dadkeenna sida qabyaaladda , gobolaysiga, Dulmiga, musuqmaasuqa I.W.M.

15. Waa in ay iska kaashadaan maamullada iyo dadwaynuhu sidii dalka looga ciribtiri lahaa munkaraadka kala duwan sida: filimada xunxun, faaxishada, dhaqamada xunxun, burcadnimada, jidgooyada, dilka, afduubka, iyo maandooriyayaasha (qaadka, xashiishada, khamriga, sigaarka I.W.M) kuwaas oo khalkhal galinaya degenaanshaha iyo dhaqanka suubban ee ummadda.

16. Waxaan si gaar ah u dhiirrigalinaynaa la shayqaynta iyo maalgalinta hay’adaha samafaridda iyo xumaan-reebka ee ka jira dalka.

17. In la joojiyo lana celiyo dadka shisheeyaha ah ee sida xad dhaafka ah ugu soo qulqulaya dalkeenna kuwaas oo ummadda ku haya dhibaato diimeed, caafimaad, degaameed, dhaqan, dhaqaale, nabadgalyo, akhlaaqeed iwm.

18. Waxaan si adag uga digaynaa sunta khatarta ah ee lagu aasayo xeebaha iyo gayiga soomaaliyeed, waana in loo guntado sidii arrintaa looga hortagi lahaa, lalana xisaabtamo cid kasta oo arintaa ku lug yeelata.

19. Waa in si adag oo wadajir ah looga hortago xaalufinta ba’an ee lagu hayo khayraadka badda iyo barriga.

20. Waxaan shacabka soomaaliyeed guud ahaan ku waaninaynaa inay ka waantoobaan tahriibta badaha iyo saxaaraha ee ay ku hoobteen, waana in maamullada dalku arintaa si adag wax uga qabtaan.

21. Waxaan ugu yeeraynaa dawladaha carbeed in ay ka qaadaan xayiraadda ay ku soo rogeen xoolaha Soomaalida, taas oo dhibaato weyn u gaysatay dhaqaalaha dadweynaha oo horayba u tabaalaysnaa.

22. Waxaan muslimiinta caalamka ugu yeeraynaa in ay ku midoobaan kitaabka Alle, iskuna xukumaan sharcigiisa, ayna tuuraan qawaaniinta dadku sameeyeen, waana inay si wadajir ah uga hortagaan duulaamada milatari, dhaqaale, siyasadeed, maskaxeed iyo dhaqameed ee kaga imaanaya cadawgooda.

23. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dawladaha iyo shucuubta muslimiinta ah in ay isgarab taagaan walaalahooda dulman meel kasta oo ay joogaanba, ayna ku baraarugaan waxna ka qabtaan khatarta ku wajahan masjidka barakaysan ee Al-Aqsaa.

24. Waxaan si gaar ah u adkaynaynaa ilaalinta iyo sugidda nabadgalyada labada Xaram ee Makka iyo Madiino iyadoo la dhawrayo xurmada Ilaahay ku gaar yeelay

25. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dawladaha iyo shucuubta muslimiinta ah inay ka digtoonaadaan kana hortagaan fitnada iyo dagaallada dhexdooda ah.

26. Waxaan ugu yeeraynaa dhammaan bulshooyinka caalamka in ay soo galaan diinta islaamka oo ah diinta kaliya ee xaqa ah laguna badbaadayo adduun iyo aakhiro.

27. Gabagabadii waxaan ugu baaqaynaa culimada xambaarasan dhaxalkii Nabiyada inay iska ilaaliyaan khilaafaadka, ayna si wadajir ah ugu dhaqaaqaan fidinta diinta iyo badbaadinta ummadda.

Allaah ayaa mahad leh

Culimada soo saartay baaqa:

1. Sheekh C/Qaadir Nuur Faarax ______________________
2. Sheekh C/Laahi Cali Xaashi ______________________
3. Sheekh C/Naasir Xaji Axmed ______________________
4. Sheekh Daahir Aw Cabdi ______________________
5. Sheekh Axmed-Daahir Xasan ______________________
6. Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusf ______________________
7. Prof. Dr. C/Qaadir Maxamed C/Laahi _____________________
8. Prof. Dr. Axmed Xaaji C/Raxmaan ______________________
9. Sheekh Bashiir Jaamac Kitte ______________________
10. Sheekh Maxamed Idriis ______________________
11. Prof. Maxamed Cali Faarax ______________________
12. Sheekh Axmed Cabdi Aadam ______________________
13. Sheekh Xasan Maxmed Ibraahim ______________________
14. Sheekh Axmed C/Samad ______________________

Boosaaso 23/03/1426 - 02/05/2005
Mudugonline.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.