Sheeko Jacayl ah Nabar aan
Dawoobeyn
W.Q.
Cabdulqaadir M. Wacays
Naba“……Haba baran lahaayaa, Ha u bixin lahaayaa, Iminkoon besteey ahay,
Baroor miyaa wax ii qaban….. ”...
(luuqdii: Khadiijo Foodeey Nuur)
Qaybtii
1aad
Waxay
ahayd goor maqrib ah oo ay isu diyaarineysey in ay
aaddo golaha Internetka oo ay beryahaas si weyn ugu
waalnayd. Waxay khadka MSN-ka kula ballansanayd wiil
ay wada socdeen oo degganaa magaalada Minneapolis
ee dalka Mareykanka.
Markey timid golihii internetka, waxay durba gashay
khadkii MSN-ka oo uu kusii sugayey saaxiibkeed. Markey
cabbaar fadhidey bay si kedis ah u eegtay saacaddii
ugu xirnayd gacanta midig. Waa 10:00 fiidnimo. Waxay
fadhidey muddo seddex saac ah, waxayse iyada la ahayd
in ay fadhidey daqiiqado. Intey sadarkii ugu dambeeyey
ee nabadgalyeynta ahaa u qortay saaxiibkeed bay kursigii
ay ku fadhidey ka kacday iyadoo degdegsan. Xogaadii
lacagta ahaa ee lagu yeeshay intey iska bixisay bay
albaabka ka baxday.
Habeenkaas aad bay ugu daahday golaha Internetka.
Waa goor dambe!!. Magaaladu waa Gaalkacyo, ma aha
Garoowe, mana aha Boosaaso. Waa magaalo yar oo ay
wada deggan yihiin beelo Soomaaliyeed oo aan colna
ahayn, nabadna ahayn, balse si dadban isugu waafaqsan
in aan magaalada mar kale lagu kala guurin xitaa haddii
ay isaga dhimato boqollaad wiil. Welwel iyo cabsi
ayaa ku beermay. Waxay ka welwelsaneyd hooyadeed oo
ay hubtey in ay habeenkaas ku xanaaqi doonto. Goor
hore ayaa la kala xerooday, dad tiro yar ayaana waddooyinka
socdey. Hooyo qayladeeda waxba iga dhibi maysee, mar
uun yaa gurigii nabad igu geeya, intey hoosta iska
tiri bay cagta saartay waddadii ay u mari jirtey gurigooda.
Belaayo buulkaagaa laga galaa…
Idman waxay ahayd qiyaastii gabar 30-jir ah. Waxay
ahayd gabar qurux badan oo ka mid ah gabdhaha laga
tilmaamo magaalada Gaalkacyo, waxaase iyada intaas
u dheeraa furfurnaan iyo dabeecad-wanaag ay kaga soocnayd
gabdhaha kale. Nin kasta wuxuu niyadda ka jeclaa in
ay mar uun la hadasho, shar iyo khayr wuxuu kala kulmaba.
Ninka ay dusha ka salaanto ama ay wax yar isla taagto
waxaa loo arkayey nin ragga kale wax dheer. Magaciisu
Daqiiqado gudahood ayuu ku faafayey magaalada oo dhan.
Quruxdu dhib uun bay kaala maqan tahay, bay hooyadeed
ka maqli jirtey. Waxaa sida daadkii ugu soo qulqulayey
codsiyo kala duwan oo loogu soo gudbinayey xagga taleefanka,
internetka, iyo warqado. Codsiyadaas waxay isugu jireen
run iyo been, dhab iyo dhalanteed, sheeko dheer iyo
mid gaaban, qiyaali iyo dhab-ka-hadal, guurdoon iyo
gaabsidoon. Hase yeeshee dheg jalaq uma aysan siin
jirin. Gabar meeli u caddahay meeli ka madow. Meel
kale ayaa balag looga lulayey. Nin kale bay duntu
ugu xirnayd. Markiise xaalkeeda la bixin kari waayey,
nin kasta candhuuftiisii buu dib u liqay. Ha ku daalin
jeedaal, indho sooma jiidaan qalbi kaa janjeeree.
Idman lix bilood ka-hor bay khadka MSN-ka ee internetka
isku barteen wiil la yiraahdo Shirwac oo degganaa
magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka. Cidna isma
barin. Si fudud bay isku barteen. Dhambaal uu Shirwac
qof kale u dirayey ayaa si qalad ah ugu soo dhacay
sanduuqeeda dhambaallada. Waxay u dirtay dhambaal
ay ugu sheegtay in uu soo qaldamay. Kaddibna, wuxuu
usoo diray dhambaal mahadcelin ah. Sidaas ayey Idman
iyo Shirwac isbarashadoodu ku billaabatay. Dabadeed,
waxay isdhaafsadeen dhambaallo kala duwan oo ugu dambeyntii
suurtagaliyey in ay qalinka ku wada duugaan heshiis
wada-socod saaxiibtinimo.
Afartii toddobaad ee ugu horreysey isbarashadooda,
Idman waxay iyada ka ahayd maaweelo, dhereg-dhacsi,
sheeko qiyaali ah, iyo waqti-isku-dhaafis. Waxaa maskaxdeeda
ka daadegiwaayey sida looga miradhalin karo xiriir
saaxiibtinimo oo u dhexeeya laba qof oo kala jooga
Gaalkacyo iyo Minneapolis. Waxay nafteeda ku qancin
kari weyday sida ay isu jeclaan karayaan laba qof
oo aan is aqoon, ama aan fool-ka-fool isusoo hor fariisan.
Waxaa dhalanteed la ahayd in la isku jeclaan karo
waraaqo la isu diro, MSN-ka oo lagu wada sheekeysto,
iyo taleefanka oo la iska maqlo.
Laakiin, xaaladdu mar dhexe bay si kedis ah isu beddeshey.
Idman waxaa saamayn weyn ku yeeshay sheekadii MSN-ka,
waraaqihii, iyo sawirradii ka dambeeyey ee ay isdhaafsadeen
iyada iyo Shirwac. Waxaa laabteeda ku dhacday dhibic
jacayl. Waxaa ku dhacay is-beddel baaxad weyn oo saameeyey
nolosheeda. Waxay jacayl ugub ah u qaadday wiil aysan
weli fool-ka-fool isu arag, oo aysan xitaa codkiisa
maqal. Waase adduun iyo xaalkiis. Cimrigaagoo dheeraaday,
geel dhalaayana waa ku tusaa...
Idman iyadoo socodka boobaysa bay dhinac martay barxadda
weyn ee kasoo horjeedda guriga madaxtooyada oo loo
yiqiin ‘Quraca’. Habeenkaas wuxuu u ahaa habeenkii
ugu horreeyey oo ay tagto golaha Internetka. Maalin
kasta laba jeer bay tegi jirtey. Weligeed habeen ma
aysan tegin. Markey barxaddii dhaaftay bay dhinaca
midig u leexatay. Tolow dukaankii habaryar masii martaa
bay is-weydiisey, waxayse islamarkiiba is xusuusisey
in ay tahay xilli dambe oo goor hore dukaanka la xiray.
Markey socotay in cabbaar ah oo ay usoo dhowaatay
gurigoodii bay maqashay dhawaaqa rasaas la is-weydaarsanayo.
Dhegeheedu kuma cusbayn maqalka guuxa rasaasta. Hebeen
iyo maalin bay maqli jirtey. Dhegba jalaq uma aysan
siinine socodkeedii bay iska sii wadatay illaa ay
ka gashay albaabka gurigooda oo uu ku sugayey wiil
yaroo walaalkeed ah.
“Naa heedhe, miyaadan bani’aadam ahayn. Waa maxay
goorta aad socoto?” bay ka horkeentay hooyadeed oo
neef weyni kasoo booddey markey aragtay gabadheedii
oo nabad-qab kusoo hoyatey. “Naa miyaadan maqleyn
waxa rasaas dhacaya?” bay u raacisay iyadoo weli usii
dhegataageysey rasaasta xooggan ee la is-weydaarsanayey.
“Hooyo, internetka ayaan kusoo daahay. Sahro iyo muxibbadii
aan ilmo-adeerka ahayn ee Mareykanka joogay baan wada
sheekeysaneyney,” Bay cudurdaar ka dhigatay.
“Internet...aa…Alla internet iyo adigaanba isku kiin
nacay. Internet uun bay sheegtaa. Maalintii baa la
isku ogaaye, haddana ma habeen baad ku darsatay. Wallee
waxaad soo waddo iyo webiga yaa weyn dheh?...Internet…Internet…Naa
naag weyn baad tahaye wax iskula har,” bay hooyadeed
ku canaanatay.
“Ee hooyo waa maxay waxaas oo rasaas ah. Yaa caawa
is galay?” bay hooyadeed ka horgeysey. Idman sheekadaas
ma aysan ahayn mid ku cusub ee waxay rabtay uun in
ay beddesho mawduuca sheekada si ay isaga weeciso
canaanta kulul ee hooyadeed kaga imanaysey. Idman
aroor kasta markuu waagu beryo waxa ugu horreeya oo
ay dhegaheedu maqlaan waxay ahaayeen: ‘Dhowr qof ayaa
xalay la dilay, kuwo kalena waa dhaawac. Hebel xalay
ayaa aano-qabiil loo dilay. Tuugo hubeysan ayaa xalay
u dhacay guryo badan, kuwo kalena waxay baarteen dad
magaalada ku daahay. Laba nin oo xalay intey dayoobeen
u gudbay xaafadda Baraxleey ayaa saakayto meydadkoodii
qashin-qubka lasoo dhigay!!’
“Garan mayo, waase iska-hor-imaad xoogan. Berrito
ayaan kala ogaan doonnaa, haddii Eebbe idmo,” intey
Nuuro ugu jawaabtey gabadheedii bay gashay qolkeedii
jiifka.
Idman waa sidii ay rabtaye intey cashadii loo dhigay
si tartiib ah daaradda guriga ugu cuntay bay iyadana
qolkeedii abbaartay. Maba aysan nasanine, waxay durba
billowday diyaargarow xooggan. Intey mayratay bay
dhar cusub xiratay sidii tiiyoo ay u socoto xaflad
aroos ama sidii gabar aroosad ah oo weli ku jirta
bishii malabka oo isu diyaarinaysa mataankeedii oo
aan xaafadda ka fogeyn. Boorso yar oo ay ugu jireen
uunsi iyo barafuunno kala duwan bay soo dhoweysatey.
Idman ma aysan ahayn aroosad, umana aysan socon xaflad
aroos ee waxay isu diyaarineysey la-sheekeysiga gacaliyaheed
Shirwac oo ay habeenkaas ku ballansanaayeen in markii
ugu horreysey ay taleefanka ku wada hadlaan. Waxay
isu diyaarisay sidii tiiyoo uu taleefanka ka dhex
arkayo quruxdeeda ama ka dhex urinayo udgoonkeeda.
Waxay illowdey in codkiisa wax dhaafsiisan aysan maqli
doonin, aragtina warkeedba daa. Si kasta arrintu ha
ahaatee, waxay iyada u ahayd habeen xusid iyo xusuusba
mudan.
Goor ay tahay saqdii dhexe bay maqashay dhawaaqa taleefanka.
Intey kursigii ay ku fadhidey kasoo booddey bay daaradda
guriga abbaartay. Nasiibdarro, taleefanka qolka lama
aysan soo geli karin. Wuxuu ku rakibnaa daaradda guriga
iyadoo sidaas loo yeelay in isticmaalkiisa loo sinnaado
oo aan qof qurihi qolkiisa ku xiran.
“Hallow....waa qofma?” bay weydiisey iyadoo uu codkeedu
gariirayo, baqdinina ay ka muuqato. Waa ay hubtey
in dhawaaqa taleefanku ahaa mid dibadeed. Magaalada
Gaalkacyo dhawaaqa taleefannada dibedda laga soo diro
iyo kuwa gudaha waa ay kala duwan yihiin, waxayse
iyadu rabtey uun in ay ogaato qofka la hadlaya qofka
uu yahay.
“Xabiibi, waa Shirwac. Iska warran? Sow Idman maaha?”
ayuu Shirwac si dhiirranaan leh ugu jawaabey.
“Nabad…Nabad…Xabiibi…Waa Idman,” intey tiri bay dhinacyadeeda
eegtay sidii tiiyoo ay dad kale dhageysanayaan. Illeyn
farxadi waa naxdin. Mar kale bay misana geesaheeda
eegtay. Waxba ma aysan arkin. Daaradda gurigu waaba
mugdi. Keligeed uun baa dhex yuururtey. Saacado kahor
ayey korontadii magaaladu tagtay. Ciil-qab xagga korantada
ah ayey magaaladu la ooyeysey.
“Idman, xabiibi, waan ku faraxsanahay in caawa markii
iigu horreysey aan codkaaga maqlo…,” buu Shirwac sheekadii
ku furay isagoo taas dhiirrigalin uga dhigaya Idman
oo uu codkeeda ka dareemay xishood iyo firkanax.
“Aniguna sidoo kale…,” bay ku jawaabtey iyadoo ay
weli naxdini ka muuqato, codkeeduna uu weli gariirayo
sidii qof ay koronto qabsatay. Idman waxay ahayd gabdhaha
aadka ugu dhiirran ku-sheekeysiga taleefannada. Waxay
awoodi jirtey in waxay doonto ay ku sheegto taleefanka.
Waxay ahayd gabdhaha ka baqa shukaansiga fool-ka-foolka
ah, balse ku dhiirran kan taleefanka. Laakiin, waxay
wiilal dhaaxaa taleefanka been ugu sheegto, kuwo kalena
caloosha kasoo riddaba, caawa iyada ayey haysataa,
oo waatan dhuunteedu uu hadalka kasoo bixi la’yahay.
“Idman, xabiibi, maqalka codkaagu wuxuu igu sii kordhiyey
jacaylkii aan kuu qabey, waxaan Eebe ka baryayaa inuu
noo suurtageliyo in aan is aragno…,” buu mar kale
ku yiri.
“Xabiibi, shirwac, aniguna sidoo kale, waanse is arki
doonnaa haddii Eebbe isu keen qoray,” bay si dhiirran
ku tiri iyadoo aad mooddo in markan uu xishoodku kasii
ba’ayo.
“I love you…Waan ku jeclahay, Idman,” buu ku yiri
intuu codkiisii hoos u dhigay sidii qof ilmaynaya.
“I love you too…Aniguna waan ku jeclahay, Shirwac,”
bay ku tiri. Idman intey is celin kari weydey bay
is-aragtay iyadoo ilmaynaysa. Waxay qaadi kari weydey
oo jirkeeda gilgiley culeyska erayga ugu xoogga badan
erayada oo dhan ee ah ‘Waan ku jeclahay’. Inkastoo
aysan ahayn markii ugu horreysey ee lagu yiraahdo
‘Waan ku jeclahay’, misana waxay ahayd markii ugu
horreysey nolosheeda ee ay si dhab ah u rumeysatay
in la jecel yahay!!!.
Idman iyo Shirwac habeenkaas waxay taleefanka ku wada
hadlayeen muddo afar saac ah. Idman Waxay keligeed
yuururtey daaradda guriga oo mugdi ahayd. Gurigoodu
wuxuu ku yiil xaafadda Garsoor oo caan ku ahayd kaneecada.
Dad badan ayaa xaafaddaas uga guurey kaneeco darteed.
Idman habeenkaas waxay wehel u noqotay kaneecadii
xaafadda Garsoor ee albaabada iyo daaqadaha laga soo
xirtay. Kaneeco tira badan oo sidii Ayaxii raxan-raxan
u socota ayaa cuneysey meel kastoo jirkeeda ka mid
ah. Laakiin iyadu ma aysan dareemeyn xanuunka kaneecadaas
jiigga ka jaqaysey, waayo waxaa ruxayey oo illowsiinayey
dareen kaloo ka xoog weyn.
Hooyadeed oo aadaankii koowaad ee salaadda subax ku
toostay, intey albaabkii qolkeeda iska furtay bay
dibedda usoo baxday. Waxay daaradda guriga ku aragtay
gabadheedii oo keligeed dhex yuururta, taleefankana
dhegta ku haysa. Idman wax shanqar ah ma aysan dareemin.
Xitaa furitaanka albaabka iyo dhaqdhaaqa hooyadeed
ma aysan maqal. Waxay ahayd maqane-jooge. Qolfoofteeda
uun baa daaradda dhex fadhidey mooyee niyaddeedu meel
kale bay ka heeseysay. Waxay dhex dabbaalanaysey hirar
ay rogayeen mawjado xoog badan. Dareenkeedu wuxuu
Miniyaabolis kula caweynayey gacaliyaheed.
Nuuro intey gabadheedii usoo dhowaatey iyadoo yaabban
oo cabbaar dhageysatey erayadii afkeeda kasoo baxayey
bay kaga nixisay: “Hooyo, sidaan waa doqonnimo, orod
oo seexo, maxay tahay ‘Adigaan ifka kuugu jeclahay’,
naa wax iskula har, waxaanse ka baqayaa in mar kale
jacayl aan jirin laguugu luggooyo oo aad dabin kale
lugaha la gasho. Wacad Alla, qof waalan baad u egtahay…Naa
orod oo seexo…”
Idman intey sheekadii taleefanka si deggan usoo gabagabeysey
bay qolkeedii gashay iyadoo aan hooyadeed u jawaabin.
Habeenkaas waxay u ahayd habeen farxadeed. Ma aysan
seexan. Sariirta uun bay ku galgalaneysey. Qaybta
xusuus-dhowrka maskaxdeeda ayaa kolba ugu soo celcelineysey
sheekadii dheereyd ee dhex martay iyada iyo Shirwac,
waxaana daqiiqadba daqiiqadda ka dambeysa kusii kordhayey
jacaylkii ay u qabtay. Erayadii jacaylku ka da’ayey
oo ay is dhaafsanayeen ayaa ku reebay xusuus aan marna
guuri doonin. Idman iyo Shirwac waxay habeenkaas ku
heshiiyeen in habeen kasta ay taleefanka ku wada hadlaan.
Aroortii waagu markuu beryey bay indhaha is gelisey.
Hase yeeshee, wax yar kaddib waxay indhaha ku kala
qaadday goor barqo ah hooyadeed oo dul taagan iyadoo
leh: “Naa, hurdada ka kacoo quraaco, anigu ma garanayo
danta aad leedahay, dan baadse leedahay, runtaase
laysugu tegayaa, habeen kasta taleefan baa lagu dhafrayaa.
Allow sahal amuuraha.”. Idman iyo hooyadeed aad bay
isu jeclaayeen, mararka qaarkoodna waxayba u sheekeysan
jireen sidii laba gabdhood oo saaxiibbo ah. Sidaas
darteed, Idman inta badan waxba kama soo qaadi jirin
erayada ay hooyadeed kula kaftanto, waxayna qabtay
kalsooni buuxda oo ah in rabitaankeeda aysan marna
caqabad ku noqon doonin.
“Haye
hooyo, haye hooyo macaan,” bay ku jawaabtay intey
jiifka ka kacday oo sariirta ku fariisatay iyadoo
weli hurdeysan. Waxay eegtay saacaddii u xirnayd.
Waa 10:00kii barqanimo. Intey maryaheedii haabhaabatay
bay suuliga gashay. Wax yar kaddib bay usoo baxday
daaradda guriga oo ay fadhiyeen hooyadeed iyo gabar
walaasheed ah.
“Hooyo, rasaastii tirada badnayd ee xalay la is-weydaarsanayey
maxay noqotay,” bay hooyadeed weydiisay intey isasoo
hordhigtay quraacdii loo dhigay.
“Hooyo, waxaa la yiri, labadii reerood ee maalmahanba
isku dilayey koofurta Gaalkacyo ayaa xalay mar kale
is miray. Waxaa la leeyahay, afar qof ayaa labada
dhinac isaga dhintay.”
Idman iyo hooyadeed in cabbaar ah bay sheekeysanayeen.
Waxay sheekada ku maaweelineysey hooyadeed. Waxay
ka warwareegeysey in xaaladdeeda cusub ee beryahan
wax laga weydiiyo. Markey quraacdii dhammaysatay intey
istaagtey bay qolkeedii gashay.
Qaybtii 2aad
“Naa heedhe, sheekadaas waa la innooga daran yahaye,
maxaa cusub, adiga iyo Shirwac xaggee wax idiin marayaan?”
bay Hodon lasoo boodday markey iyada iyo saaxiibteed
Idman cabbaar ku fogaadeen sheekooyin kale oo ku saabsanaa
gabdho iyo wiilal ay asaxaab ahaayeen. Hodon iyo Idman
waxay ahaayeen saaxiibbo isku dhaarta. Waxay ahaayeen
sheeko-wadaag hoose oo xanta isku qarsada, taladuna
ka dhaxayso.
“Xalay, Shirwac baan taleefanka ku wada hadalnay,”
bay Idman ugu bishaareysay saaxiibteed iyadoo wejigeedu
farxad la iftiimayo.
“Warka isiihee…Si fiican ma u sheekeysateen?” Bay
weydiisey.
“Haaheey. Afar saac baan wada hadleynay. Waaba la
igu dul addimay. Runtii aad baan codkiisa iyo sheekadiisaba
uga helay. Waa sidaan ku qiyaasayey. Waa nin caqli
badan, cod macaan oo baarri ah. Run ahaantii, jacaylkii
aan u qabey aad buu iigu sii kordhay.”
“Waan ku faraxsanahay. Hadda maxaad ku heshiiseen?.”
“Waxaan ku heshiinnay in uu Gaalkacyo yimaado oo aan
isku mehersanno, kaddibna aan Dubai ku aqal galno,
halkaasna aan iska sii joogo inta uu ii samaynayo
sharcigii aan Mareykanka ku tegi lahaa.”
Hodon waxaa xusuusteeda mar qura kusoo maaxdey sheekooyin
badan oo noocan oo kale ah oo ugu dambeyntii ku dhammaaday
guuldarro iyo luggooyo. Waxay soo xusuusatay gabdho
iyo wiilal badan oo inta lagu beerdulucsaday ‘Waan
ku jeclahay’ iyo ‘waan ku dhoofsanayaa’, meel cidla’
ah looga dhaqaaqay kaddib markii laga gaarey dantii
gaabnayd ee laga lahaa. Waxaa horteeda kusoo sawirmay
gabdho iyo wiilal badan oo inta lagu yiri ‘Nayroobi
ama Addisababa imaada si aan idiinkaga dhoofinno’,
dabadeedna looga baxay ballantii, kaddibna markey
gaajoodeen ay dantu badday in ay jirkooda iibsadaan
si ay u noolaadaan. Armey saaxiibtaa ku dhacdaa dabinnadaas,
bay Hodon niyadda iska tiri. “Idmaneey, ma hubtaa
in uu Shirwac ku jecel yahay?” bay Hodon saaxiibteed
kaga nixisay iyadoo si toos ah indhaheeda u eegaysa.
“Maxaad ka waddaa?” bay Idman lasoo boodday iyadoo
naxsan. Malaha Hodon xog dheeraad ah oo ku saabsan
Shirwac bay heshay, bay niyadda iska tiri.
“Wax kale ma aha ee waxaan ka baqayaa inuu ninkaas
meel cidla’ ah kaaga dhaqaaqo, hadhowna aan weyno
meel aan u raadinno. Waxaan ka baqayaa inuu is yiraahdo
‘Waa gabar Soomaaliya joogta ee uga faa’iideyso Mareykanka
ayaan ku geynayaa’. Waad la socotaa in gabdho iyo
wiilal badan sidaas lagu lug-gooyey.”
“Abbaayo, waan hubaa inuu i jecel yahay. Sababtoo
ah hadduusan i jecleyn waxaasoo waqti iyo kharash
ah iskama dhumiyeen. Mareykankaba gabdho Soomaaliyeed
waa ay joogaan. Waan hubaa inuu i jecel yahay. Waan
hubaa in ay dhab ka tahay. Waan hubaa in uusan cidla’
iiga dhaqaaqayn…”
“Waa war fiican. Goormuu imanayaa?.”
“Laba toddobaad kaddib.”
“Hooyo ma u sheegtay?.”
“Maya, weli uma aanan sheegin, toddobaad kaddib baan
rabaa in aan u sheego, laakiin xaggeeda wax welwel
ah kama qabo. Aabbe isagana sidoo kale baan filayaa.”
Idman iyo Hodon sheekadu aad bay isugu bixi jirtey.
Mararka qaarkood, maalin dhan bay wada joogi jireen.
Laakiin maalintaas iyagoo aan weli kala sheeko bogan
bay Hodon maqashay guuxa baabuurkii walaalkeed oo
albaabka kasii baxaya. Intey Idman xaggeeda eegtay
bay ku tiri: “Maad baabuurka abboowe Mahdi sii raacdid
mar haddaadan ila qadeyneyn?.”
“Waan jeclaan lahaa in aan kula qadeeyo oo aan kula
sii joogo, waxaanse kusii cararayaa gurigii oo ay
hawl badani ii taallo,” bay Idman ku cudurdaaratay.
Hodon intey istaagtey oo dibedda u baxday bay walaalkeed
ku tiri: “Abboowe, wax yar sug aad Idman gurigeeda
kusii tuurtide”. Dabadeed, Idman intey dibedda usoo
baxday oo ay Hodon is macasalaameeyeen bay kursiga
hore ee baabuurka fariisatay.
Idman waxay baabuurkii kaga degtey gurigooda hortiisa
iyadoo uu dareenkeedu kacsan yahay. Intey guriga gashay
bay toos qolkeedii u abbaartay iyadoo aan meel kale
ku leexan. Idman dareen cusub ayaa kusoo kordhay.
Iftiinkii rajada mustaqbalkeeda ee tan iyo xalay u
bidhaamayey ayey daruur weyni ka qarisay. Hadalkii
saxiibteed Hodon ee ahaa ‘Ma hubtaa inuu ku jecel
yahay…Armuu meel cidla’ ah kaaga dhaqaaqaa oo hadhowna
aan weynaa meel aan u raadinno’ ayaa ku dhaliyey dareen
cusub oo cabsi iyo welwel badan. Intey hor istaagtay
muraayad weyn oo qolkeeda dhex tiil sidii tiiyoo sawir
laga qaadayo bay billowday in ay muraayadda iska dhex
daawato. Idman intii ay muraayadda iska dhex daawaneysey
waxaa iskumar xusuusteeda ku kulmay sheekooyinkii
nolosheeda; Maalmihii farxadda iyo kuwii murugada.
Dabadeed, waxay billowday in ay is-barbardhigto waayaheedii
Mombaasa, Nayroobi, iyo haatan oo ay joogto magaalada
Gaalkacyo.
Waxaa horyimid berri-samaadkii Mombaasa iyo jacaylkii
ku helay carruurnimada, iyo weliba guuldarradii uu
ku dhammaaday. Wiil yar oo hal mar uun ku yiri ‘Abbaayo
waan ku jeclahay’ bay maryaha u dhigatay, nafteedii
oo dhanna u hibeysey. Waxayba ku sigatay in ay cidlo
kula go’doonto, laakiin hooyadeed oo karti naagnimo
u dhalatay ayaa ka badbaadisey godkii ay ku dhici
lahayd. Wiilkii ay jeclaatay, kaddib markey hooyadeed
wareysatay, wuxuu xitaa garan waayey magaciisa oo
seddexan iyo inuu aabihiis nool yahay iyo in kale.
Caku iyo caruurnimo… Maansha la yiri caruurnimo waa
cadaw laga koro.
Waxay misana is horkeentay sheekooyinkii qiyaaliga
ku dhisnaa ee waayaheedii magaalada Nayroobi iyo xaafaddii
Islii: Waan kaa helay…Adigaan ifka kuugu jeclahay…Ma
isguursannaa mise waan wada noolaannaa…Sidaad jeceshahayba
waan kula jeclahay…Caawa hebel iyo heblaayaa is aroosaya…Waxaan
ka imid Mareykanka…I am sorry I mean habeen hore ayaan
ka imid Kanada…Anigana Yurub…Ima taaqaanid miyaa…Anigu
waan ku garanayaa…Tilmaan ayaan ku socdaa…Lambarka
taleefankaaga xitaa waan hayaa…Ammaantaadaa qurbaha
igu soo gaartay…Waxaan leeyahay baasaboorka weyn…Weliba
naag ayaa ii qoran…Si fudud baan kugu dhoofin karaa,
laakiin taas waxaa ka horreysa in aan marka hore isfahamno…Bal
horta wacdarahaaga wax iga tus…Halkan baan ku aqal
galeynaa, kaddibna waan kuusoo dacwoonayaa…Waa iska
lix bilood, lixdaas biloodna anigaa kusoo masruufaya…War
heedhe ma adaaba war haya…Xaaskaagii iyo caruurtaadii
Nayroobi joogay baan soo arkay…Reer ba’aw yaa ku leh…Hee
maxaa tiri…Itoobiyaan aa…Ma nin Itoobiyaan ah bay
kula nooshahay masruufka aan iyada iyo caruurtayda
u diro…Yaah…Maxaa tiri…Xaaskaagii joogay Nayroobi
ee aad afarta sano soo moogeyd uur bay leedahay aa…Oo
yaa uureeyey?...Ma jin baa uureeyey…Bal adba!!!
Adduunyooy xaalkaa ba’, mindhaa la ima dago mar kale,
bay Idman hoosta iska tiri. Maalmahaasna maalmo xusuus
badan dheh. Maxaa la isa siray. Maxaa gabdho la luggooyey,
maxaase rag badan murugo iyo uurxumo lagu beeray.
Maxay gabdho dhaaxaa sidii shimbirihii ugu hoobteen
dabinno loo dhigay. Maxaa gabdho dhaaxaa lagaga faa’iideystay
xanuunka buufiska oo ay la jahawareersanaayeen, kaasoo
dawada keliya ee uu leeyahay ay tahay ‘dhoofka’. Maxaa
gabdho badan inta caloosha loo buuxiyey looga dhaqaaqay
dariiqyada Nayroobi, kaddibna Yurub iyo Mareykanka
laga beegsaday, dib dambena aan loola soo hadlin.
Kuwii warqadahooda furriinka loo soo diray ayaaba
nasiib leh…
Magaalada Gaalkacyo iyada warkeedba daa. Meel aan
rag joogin bay Idman ugu xisaabnayd. Aan ku guursado
waxaan ahayn ma yaqaanniin, bay oran jirtey mar kasta
oo lasoo hadalqaado sheekooyinka Gaalkacyo. Sow in
marka hore la is barto maaha, bay ku doodi jirtey.
Waxaase dooddaas barbar tiil, maxaan iska baranaynaa,
sow ina hebel oo reer hebel ah ma tihid, aniguna ina
hebel oo reer hebel ah ma ahi, sheekaduba halkaas
bay ku dhan tahay, ma war kalaa ka nool. Nimanka reer
baadiyaha ah ee Gaalkacyo dhooban maxay ii sheegayaan,
bay isku qancin jirtay. Nin Mudug ku dhashay Ilaahaw
wax ha iigu darin, bay ku ducaysan jirtey.
Kaddib markey dulmar gaaban ku samaysay waayaheedii
nolosha, waxay misana mar kale qiimeyn kula dhaqaaqday
muuqaalkii jirkeeda, waayaheeda cusub, iyo nolosha
mustaqbalkeeda dambe. Waqtigu waa is gurayaa. Maalinba
maalin bay kusii amaahinaysaa. Shalay maanta maaha.
Berrito waa maalin kale oo sha’nigeeda wadata. Muuqaalkeedii
quruxda badnaa wuu isasii beddelayaa. Midabkeedu wuu
sii qayirmayaa. Jirkeedu wuu sii jilcayaa. Naasaheedii
sida gantaalka u taagnaan jirey, intey itaalbeeleen
bay xundhurteeda sii haabanayaan. Idman inkastoo uusan
dadaal ku yarayn, waxay misana mar kale isku guubaabisay
in uusan fadhi meel u oollin. Alleylehe, kii aan sugayey
haddaan hayaa, waase haddii aan calaf isku leennahay,
bay niyadda isugu dhistay. Mar uun aniga iyo Shirwac
ma isasoo hor fariisan doonnaa, bay niyadda iska tiri.
Ilaahow ha i dilin anigoon Shirwac laabta ku qaban
ama ugu yaraan taaban meel uun jirkiisa ka mid ah,
bay ku ducaysatay.
Ugu dambeyn, Idman intey muraayaddii ka hordhaqaaqday
iyadoo isku qanacsan bay dharkii iska beddeshay, dabadeedna
sariirteeda fuushay. Waxay islamarkiiba barkinta hoosteeda
kala soo baxday sawirrradii Shirwac oo ahaa wehelka
keliya ee ay lahayn, nafteedana ku samirsiin jirtey.
Qaybtii
3aad
Idman iyo Shirwac waxay caadeysteen in ay habeen kasta
dhowr saacadood taleefanka ku wada hadlaan. Sheekadoodu
waxay billaaban jirtey saqda dhexe habeenkii markey
dhammaan reerku kala seexdaan, waqtigaas oo ahaa waqtiga
keliya ee ay Idman si xorriyad leh ula sheekeysan
kartey gacaliyaheed Shirwac. Sidaas awgeed, habeen
kasta waxay ku dhafri jirtey taleefanka. Habeen- dhafarkeedu
ma ahayn mid qarsoomi karey. Qof kastoo suuliga usii
socda wuxuu kusii marayey daaradda guriga iyadoo dhegta
ku haysa taleefanka. Hab-dhaqankaas cusub ee ay Idman
lasoo baxday wuxuu amankaag iyo walaac ku abuuray
hooyadeed oo ka welwelsaneyd aayaha gabadheeda.
Subax subaxyada ka mid ah bay Idman iyo hooyadeed
isku keliyeysteen daaradda guriga. Nuuro waxay subaxaas
go’aansatay in ay gabadheeda hoos ahaan u weydiiso
sababta ay habeen kasta taleefanka ugu dhafarto iyo
dadka ay la sheekeysato.
“Hooyo, waa maxay dhaqankan xun ee aad lasoo baxday?
Waa maxay taleefankan aad habeen kasta ku dhafreyso?”
bay Nuuro gabadheeda weydiisay.
Idman intey wax yar aamustay bay go’aan degdeg ah
qaadatay. Waxay talo ku dhammaysatay in ay hooyadeed
u sheegto sida ay wax u jiraan maadaama lasoo gaarey
muddadii ay ugu talagashay in ay hooyadeed ku wargeliso.
Maalintii uu Shirwac iman lahaa Gaalkacyo waxaaba
ka harsanayd lix maalmood.
“Hooyo, waa wiil aan wada soconno oo Mareykanka jooga,”
bay Idman ku billowday sheekada iyadoo aysan ka muuqan
wax baqdin ah haba yaraatee. Idman waxay hooyadeed
ku qabtay kalsooni badan oo ah in qorshaheeda aysan
marna caqabad ku noqon doonin.
“Oo sidee u wada socotaan wiil Mareykanka jooga, goormaadse
is barateen?.”
“Waxaan is-barannay lix bilood ka-hor. Waxaan isku
barannay khadka MSN-ka ee Internetka, waxaanan ugu
dambeyn ku heshiinnay in aan is guursanno.”
“Oo maxaad ka waddaa khadka MSN-ka ee Internetka?”
bay Nuuro gabadheeda weydiisey iyadoo yaab iyo ammankaag
dhabannada haysata. Nuuro wararka internetka wax badan
kalama aysan socon. Waxay maqli jirtey uun in waraaqaha
lagu dirsado. Waxay u haysatey wax aan dhaafsiisnayn
boosto casri ah oo degdeg badan. Hase yeeshee, waxay
liqi kari weyday in Internetka dhexdiisa la isku shukaansado,
la isku jeclaado, kaddibna guur lagu heshiiyo.
“Hooyo, si kale oo aad ku fahmi karto haddii aan kuugu
sheego, waxaan iska barannay hawada u dhaxaysa Mareykanka
iyo Gaalkacyo…Weli fool-ka-fool iskuma aynaan arag.”
“Waa yaabka yaabkiis. Oo maandheey, qof aadan weligaa
arag sidee baad u aamintay, ama ku sheekeysateen,
amaba ugu heshiiseen guur? Oo illeyn Internetkan baas
ee aad saacad kasta kusii socoto nin baa kaaga baaqayey.”
Idman intey istaagtey oo qolkeedii gashay bay soo
qaadday sawirradii Shirwac si ay hooyadeed u tusto.
Intey sawirradii kala bixisay bay hooyadeed ku tiri
“Hooyo, waa wiilkan…Shirwac ayaa la dhahaa.”
Nuuro intey sawirradii indhaha marisay bay gabadheedii
ku tiri “Aad is guursataan ma xumee, maxaad ku heshiiseen?.”
“Waxaan ku heshiinnay inuu reerkayaga iga soo doonto
oo uu Gaalkacyo yimaado si aan isu mehersanno, kaddibna
aan magaalada Dubai ku aqal galno, halkaasna aan iska
sii joogo inta uu iiga samaynayo sharcigii aan Mareykanka
ku tegi lahaa. Hadal iyo dhammaantiis, lix maalmood
kaddib buu Gaalkacyo imanayaa.”
“Ee horta waxaan ku weydiiyey, yuu yahay ninkani,
hooyo?.”
“Wuxuu igu yiri: ‘reer Qansax baan ahay’ laakiin…”
“Haddaadba ka dadhay. Oo maandheey, reer Qansaxna
yey galaan, wacad-Allaanan weligeey maqal,” intey
Nuuro lasoo boodday bay intaas raacisay “Naa hooy…Naa
hooy…Waa gabadhaadan jinku durbaanka u tumayo…War
fiican ma kuu sheegaa…Reer Qurac iyo reer Qansax anigu
kala garan maayee, naa cagaha dhulka dhig baan ku
iri. Ma maantaad damacday in aad noo soo qariso belaayo
aan la aqoon oo nasab-dhiman ah…Reer Qansax aa…Iska
daa in aan arko ee xitaa weligey sheeko kuma maqal,”
bay Nuuro ka horgeysay gabadheedii oo aan hadalkaba
dhammayn, waxayna intaas u raacisay “Naa haddaad calafdoon
tahay, boqollaal gayaankaa ah oo misana wada ilma-adeertaa
ah oo ku wada doonaya ayaa Gaalkacyo dhooban.”
“Hooyo, berdo anigu, reer Qansax ha ahaado ama reer
Qurac ha ahaado, nasab-dhiman ha ahaado ama nasab
ha ahaado, anigu isagaan jeclahay, weligeyna waan
jeclaan doonaa…Aniga iyo isagana wed uun baa na kala
wadi kara,” bay Idman si murugo leh ugu jawaabtey
hooyadeed iyadoo ilmada indhaheeda ka da’aysey intey
dhabannadeeda soo dulmaraan ku hoorayey labadeeda
naas dhexdooda. Waxay u muuqatey sidii qof laga horjoogsadey
jannadii oo loogu bishaareeyey iyadoo nool. Intey
qawsaha ruugtay iyadoo uu hadalku si dirqi ah uga
soo baxayo dhuunteeda bay intaas u raacisay “Hooyo,
Shirwac wax kastoo uu ahaado waan ku jeclahay. Anigu
reer Qansax iyo reer Qurac midna ma jecli ee isagaan
jeclahay. Teeda kale, anigu ma ahi calafdoon ama guurdoon
ee waxaan ahay mustaqbaldoon. Waxaan doonayaa qof
aan isla qaybsanno nolosha shar iyo khayrba. Waxaan
doonayaa nolol-wada-qaybsi ku dhisan is-aamin iyo
isku-kalsooni oo keliya…oo keliya…oo keliya. Qofka
keliya ee intaas oo dhan aan ka heli karo waa qofka
aan is-jecel nahay, waa qof aanan ku calman shuruudo
ka baxsan qofnimadiisa, qofkaasina waa Shirwac.”
Nuuro gabadheeda aad bay u jeclayd. Dhibcihii illinta
ahaa ee indhaheeda ka da’ayey waxay ku noqdeen sidii
dhimbilo dab ah oo gubayey xubin kasta oo jirkeeda
ka mid ah. Dhanka kale, shakigii ay ka qabtey haybta
Shirwac waxaa qafiifiyey dhiirranaanta Shirwac iyo
ballanqaadkii uu gabadheeda u sameeyey ee ahaa intuu
Gaalkacyo yimaado inuu reerkeeda ka doonanayo. Nin
aan is hubin miyaa dhiirrranaantaas yeelan kara, bay
Nuuro iskula hadashay. Intey is-hayn kari weydey bay
ku calaacashay “Hooyo, waxaad jeceshahayba waan kula
jeclahay waxay doonaan ka ahaadeene. Marna rabitaankaaga
caqabad kuma noqon doono, hase yeeshee sida aad la
socoto aabahaa waad ogtahay oo waa nin kulul oo qabyaaladdu
lafaha ka gashay. Sidoo kale, odayaasha reerkeenna
waa niman dhib badan. Hooyo, waxaan ka baqayaa in
aan ceebowno oo guurkaagu uu halkaas ku fashilmo,
waxaan ka baqayaa in ninkaasi noqdo nasab-dhiman oo
aan reerka dhexdiisa ku ceebowno ee maxaa talo ah?.”
“Hooyo, dooqayga anigaa u madax bannaan, odayaasha
reerkeenna marti uguma ahi. Teeda kale, waxaan awoodaa
in aan hawshayda qabsado anigoon cidna la socodsiin.
Xushmad aan idin xushmadeynayo baan Shirwac ugu qasbay
in uu reerkayga iga soo doonto, meherkeenuna uu Gaalkacyo
ka dhaco. Aabbo wuxuu la yimaado baan wax kula qaybsanayaa,
odayaasha reerka ee aad sheegtayna shaqo kuma aan
lihi…Shirwac waa aniga, aniguna waa Shirwac.”
“Hooyo, sidaad jeceshahay baan kula jeclahay…ee hadda
xaggee hawsha ka billownaa illeyn waqti baa inna haya
e?” bay Nuuro gabadheeda weydiisey iyadoo ka welwelsan
mushkiladda cusub ee reerka kusoo wajahan.
“Maya…Hooyo…Hadda wax abaabul ah la samayn mayo…Maalintuu
Shirwac yimaado ayaan qabanqaabada xafladda billaabaynaa,”
bay Idman ku jawaabtey iyadoo daqiiqadba daqiiqadda
ka dambeysa uu kusii kordhayey welwelka cusub ee ka
dhashay hubaal la’aanta haybta qabiil ee gacaliyaheed
Shirwac. Sidaas darteed, waxay goosatay in aan wax
tallaabo ah la qaadin illaa uu Shirwac ka imaanayo
Gaalkacyo. Idman waa ay u fududayd in isla habeenkaasba
ay Shirwac weydiiso haybtiisa qabiil oo faahfaahsan,
waxaase u muuqan kari weydey sabab ku kallifi karta
in ay su’aashaas weydiiso. Hor iyo horraanba waxaa
iyada ka go’nayd in ay Shirwac ku raacdo wax kastoo
uu yahayba.
“Oo sow in aabbo loo cid diro maaha?.”
“Maya…Markuu Shirwac yimaado ayaa loo cid diraynaa.”
“Oo waa maxay…Maxaynu qarsanaynaa?.”
“Waxba qarsanmayno, laakiin, hooyo, ma doonayo in
uu cadawgaygu iga faa’iideysto. Ma doonayo in mustaqbalkayga
jidgooyo loo dhigto. Waxaan rabaa in wax kasta ay
ku dhacaan si lama-filaan ah.”
“Waa hagaag...Hooyo…Sidaad jeceshahayba waan kula
jeclahay.”
Qaybtii
4aad
Taleefanka gurigiisu waa uu iska dhacayaa sidii tiiyoo
cidla’ looga guurey. Dhambaalladii tirada badnaa ee
ay u dirtay wax jawaab ah kama hayso. Maxaa wiilkii
qabsaday, ma ku nacay, ma la isku kiin diray, ballantii
miyuu kaaga baxay, ma nool yahay, ma dhintay, ma xanuunsaday,
mise si kalaa wax u jiraan bay iskula hadashay. Idman
seddexdii maalmood ee ugu dambeysey wax war ah kama
aysan helin gacaliyaheed Shirwac. Waxay xitaa ka weydey
khadkii MSN-ka ee Internetka iyo dhambaalladii qoraalka
ahaa ee ay is dhaafsan jireen, taleefanna warkiisba
daa.
Sida ay ku ballameen, laba cisho ayaa ka harsanayd
maalintii uu iman lahaa magaalada Gaalkacyo. Waqtigu
waa is gurayaa. Sida uu u sheegay jadwalkiisu wuxuu
ahaa in uu berrito kasoo dhoofo dalka Mareykanka,
maalinta xigtana uu kasoo dego garoonka diyaaradaha
Gaalkacyo isagoo soo maraya magaalada Dubai. Idman
waxay la noqotay sidii tiiyoo uu cirku kusoo dumay,
dhulkuna la go’ay. Meel ay joogto bay kala garan weydey,
ma dhulkii baa, ma cirkii baa, mise waa meel dhexe.
Jiif iyo joogba waa diiddey.
Doqoneey dabkaa ba’, waaya’aragnimo la’aaneey ba’,
hadduu i bari lahaa mid ka mid ah saaxiibadiis, haddii
aan maanta garanayo qof aan xaaladdiisa ka waraysto,
sow arrintaydu dhinac uma dhacdeen? Sow walaacaygu
meel ma yeesheen? Sow farxad ama naxdin mid uun wehel
uma ahaadeen, doqoneey dabkaa ba’, bay Idman isku
canaanatay iyadoo ay taladu ku ciirsan tahay. Markey
cabbaar joogtaba intey barkinta hoosteeda kala soo
baxdo sawirradii Shirwac bay ku dhaygagtaa sidii tiiyoo
aysan horay u arkin. Marmarka qaarkoodna, dhambaalladii
ugu dambeeyey ee baafinta ahaa ee ay u dirtay bay
dib u aqrineysey iyadoo niyadda iska leh ‘Armaad u
qortay hadallo qaldan oo ka careysiiyey’. Ugu dambeyn,
intey dhambaalkii ugu dambeeyey ee ay u dirtay lasoo
baxday bay aqris ku billowday.
Gacaliye,
Gacaliye,
ku aaway? Intee kugu xisaabiyaa? Ma i nacday? Mise
waad ii xanaaqsan tahay? Waan yaabbanahay!!
Gacaliye, warkaaga waan waayey. Ma caafimaad qabtaa?
Ma nooshahay?. Fadlan waan ku baryayaa ee aan war
kaa helo. Gacaliye, aad ayaan u welwelsanahay. Fadlannnnnnnnnnnnn...Gacaliye,
aan war kaa helo...
Anigu
weli sidii ayaan kuu jeclahay...Jacayl aan salguureyn
adduun iyo aakhiraba...Xusuustaydu waa adiga...Rajadaydu
waa adiga…Weligeey kuma halmaami doono...waqti kasta
iyo goob kasta...
Gacaladaa
Idman
Gaalkacyo.
Markey
dhammaysay aqrinta dhambaalkaas, islamarkaana ku qanacday
qaabkii ay u qortay, intey sariirta cabbaar kolba
dhinac isugu rogrogtey bay misana is-tustay in ay
ka wardoonto golihii internetka bal inuu Shirwac wax
uun jawaab ah usoo diray iyo in kale. Waxay nafteeda
ku dhiirrigelisey in aysan marna calaamadaha quusta
isu sawirin tan iyo inta ay kasoo taabanayso xeerada
salkeeda. Intey labisatey bay albaabka guriga ka baxday.
Cabbaar markey socotey bay lugaha qaadi kari weydey.
Waxay dareentay tabardarro iyo madax wareer. Intey
gawsaha qaniintey, labada lugoodna dhulka ku adkaysatay
bay si tartiib ah u luudday.
Markey gaartey golihii internetka intey kursi bannaanaa
cabbaar ku nasatay bay dul fariisatey mid ka mid ah
kombuyuutarradii golaha yiil. Ugu horreyn, waxay gashay
khadkii MSN-ka ee Internetka. Nasiibdarro, Shirwac
kuma uusan jirin. Dabadeed, waxay furtay sanduuqeedii
dhambaallada. Waxay indhaheedu qabteen dhambaal cusub
oo isla galabta kusoo dhacay. Indhaheedii bay rumaysan
kari weydey. Ma dhab baa, ma dhalanteed baa, mise
iyadaa is moodsiisey. Illeyn farxadi waa naxdin. Waxaa
dhambaalka soo diray gacaliyeed Shirwac. Waa dhambaal
ku taariikhaysan in isla galabta lasoo diray. Intey
dhambaalkii si halhaleel ah ku furtay bay aqris ku
boobtay iyadoo aad mooddo in jannadii loogu bishaareeyey.
Wax kastaba ha dheceene, mar haddii uu soo jawaabay
waa Ilaah mahaddiis,” bay niyaddeedii kacsanayd ku
qaboojisey.
Gacaliso,
Salaan dabadeed, waan caafimaad qabaa. Waan ka xumahay
in aad igu jahawareertay. Waan dareemi karaa welwelka
iyo walaaca ay kugu beertay war la’aantaydu. Galabta
ayaan helay dhammaan dhambaalladii aad ii soo dirtay.
Gacaliso, seddexdii cisho ee aan kala war la’ayn waxaan
ku xirnaa saldhigga booliiska ee magaaladan aan degganahay.
Habeenkii isugu keen dambeysey ayaa askar booliis
ahi gurigayga iga kaxaysteen. Waxay igu qaldeen nin
dambiile ah oo ay ku raadjoogeen. Hase yeeshee, baaritaan
dheer kaddib, waxaa u caddaatay in aanan ahayn ninka
ay doonayeen. Gacaliso, muddadii aan xirnaa, xitaa
waxaa la ii diiday in aan taleefan dirsado.
Gacaliso, waan ka xumahay dhibaatadii ku gaartey maalmihii
aan xirnaa. Waan hubaa in aad dareemi karto in aniguba
dhibaato taas la mid ah aan la ildarnaa.
Gacaliso, waxaan ku tasbiixsadaa magacaaga shanta
xaraf ka kooban...Waxaad tahay iftiinkii naftayda...Aayihii
noloshayda...Ilbiriqsi kasta waxaa i hor imaanaya
muqaalkaaga...Codkaagu waa sahayda safarka dheer ee
aan ugu jiro hanashadaada...Sideen kuu halmaamaa!!!
Gacaliso,
waxaad tahay hoggaankii noloshayda...Farxaddii naftayda...Waxaan
kuu hayaa jacayl aan
dhammaanayn...Mid aan gaagaxayn...Mid ila noolaan
doona inta aan dunida joogo...Mid ila geli doona iilka...Gacaliso
sideen kuu halmaamaa!!!
Gacaliso, caawa xilligeennii ayaan kula soo hadli
doonaa, waxaanse kuugu sii bishaareynayaa in berrito
aan kasoo dhoofi doono Mareykanka, Dubai ayaan habeennimadii
seexan doonaa, maalinta xigtana waan kula joogaa.
Gacaliyahaa
Shirwac
Minneapolis, USA
Tiro
ka toban jeer bay Idman dhambaalkii aqrisay. Illeyn
farxadi waa naxdin. Intey compuyuutarkii iska xirtay
bay gurigoodii abbaartay. Markan socodku dhib kuma
hayo. Tallaabadii ay la kufaa-kacaysey haatan waxay
isu beddeshey rucle-orod. Lugihii ay qaadi kari la’ayd
haatan iyagaaba tallaabada hoosta ka boobaya. Sidii
baabuur xakamaha goostay bay is-qaban kari weydey.
Markey gashay albaabkii gurigooda iyadoo aan meel
kale ku leexan intey taleefanka ku boodday bay wacday
saaxiibteed Hodon. Warkii farxadda lahaa ee kusoo
kordhay bay duuduub ugu dhiibtey. Wixii caawa soo
kordhana waaba loo wada joogaa, bay intaas ugu dartay.
Waa innoo berrito iyo is-arag xiiso leh baa lagu ballamay.
Markey taleefanka dhigtay intey cashaysay bay qolkeedii
gashay. Waxay ahayd goor fiid ah. walaalaheed qolka
fadhiga bay filim ku daawanayeen. Caawa waa habeenkii
ugu dambeeyey oo iyada iyo Shirwac ay wada hadlaan.
Waxaa xigi doona kulan fool-ka-fool ah oo ay berri
dambe ku kulmi doonaan garoonka diyaarada Gaalkacyo.
Qiyaastii laba ama seddex maalmood kaddibna, waxay
marwo u noqon doontaa Gacaliyeed Shirwac. Ilaahow,
riyadaas ii rumee, intey niyadda iska tiri bay sariirta
kortay. Sawirradii Shirwac intey barkinta hoosteeda
kala soo baxday bay daawasho kula dhaqaaqday…
Iyadoo weli dhex dabbaalanaysa bedweynta fekerka iyo
isla-hadalka, marmarna ku hafanaysa mawjadaheeda waaweyn
ee ka kooban farxadda iyo naxdinta, bay maqashay dhawaaqa
taleefanka. Intey sariirtii si halhaleel ah uga soo
boodday bay daaraddii guriga usoo baxday. Waxay eegtay
saacaddeedii, mise waaba saqdii dhexe. Waxay ku boodday
taleefankii.
“Hallow...xabiibi…iska warran? Sidee tahay?.”“Nabad...Qalbi…I
am fine...I really missed you so much...Caafimaadka
ka warran?.”
“Adiga uun baa iga maqan.”
“Anigu berri dambe waan kula joogaa haddii Alle idmo,”
intuu yiri isagoo qoslaya qosol farxadeed buu yiri
“Ma heshay dhambaalkaygii?”
“Haa...xabiibi…Isla galabta ayaan helay...Waan ka
xumahay xarigga laguu geystay.”
“Micno malaha...xabiibi,” intuu yiri buu inteysan
hadlin u daba dhigay “Xabiibi, waan ka xumay, kulama
sii hadli karo, laba saac kaddib waxaan aadayaa garoonka
diyaaradaha. Haddii ay suurtagal ii noqoto waxaan
kaasoo wici doonaa garoonka diyaaradaha Dubai, otherwise
waa innoo berri dambe duhurradii iyo garoonka diyaaradaha
Gaalkacyo…”
“Haye, habiibi...Eebbe haku nabad keeno...Nabadeey…I
love you.”“I
love you too…bye.”
Qaybtii
5aad
Idman intey goor hore toostay bay is-diyaarin iyo
is-qurxin iskula dhaqaaqday. Waa maalintii uu gacaliyaheed
Shirwac iman lahaa Gaalkacyo. Kala doorashada dharkii
ay xiran lahayd ayaa waqti dheer ku qaadatay, ugu
dambeyntiise intey mid uun isaga nasiibsatay bay daaradda
guriga usoo baxday. Waxay ahayd goor barqo ah oo ku
beegan qiyaastii 9:00 aroornimo. Islamarkiiba, waxaa
albaabka kasoo gashay saaxiibteed Hodon oo ay xilligaas
ballansanaayeen.
Ugu horreyn, waxay taleefan u direen xafiiska Daalo-airline
ee Gaalkacyo si ay u hubiyaan waqtiga ay diyaaraddu
imanayso, waxaana loo sheegay in 12:00 duhurnimo ay
soo cagadhigan doonto garoonka Gaalkacyo. Dabadeed,
intey dibedda usoo baxeen bay raaceen taksi ay Hodon
horay usoo kireysey oo guriga hortiisa ku sugayey.
Idman iyo Hodon inteysan ku leexan waddada tagta garoonka
diyaaradaha, waxay sii mareen hoteel Maanyafuulka
oo ay qol ugasii qabteen Shirwac. Hoteello fara badan
oo ka tayo fiican hoteelkaas ayaa magaalada ku yiil.
Weliba ayaamahaas hoteello qurux badan oo casri ah
ayaa magaalada si xad-dhaaf ah ugu soo kordhayey.
Idman inkastoo ay niyadda ka jecleyd in ay gacaliyaheed
dejiso mid ka mid ah hoteelladaas casriga ah, misana
waxay dhinacna u dhaafi kari weydey taladii hooyadeed
Nuuro oo aaminsanayd in xulashada hoteelka uu qofku
degayo ay ku xiran tahay haybtiisa qabiil ama tan
qofka uu martida u yahay, iyadoo taasna sabab uga
dhigaysa in xeer-hoosaadka magaalada ee aan la shaacin
uu dhigayey in reer kasta ay iyagu mas’uul ka yihiin
ammaankooda iyo kan martidoodaba. Sidaas darteed,
reerkii aan hoteel ku lahayn magaalada waxay ka dhignaayeen
reer hoogay oo ba’ay.
Garoonka diyaaraduhu in cabbaar ah ayuu u jirey bartamaha
magaalada. Waxay mareen waddada tooska ah ee tagta
garoonka. Markey dhaafeen qabuuraha Cirjiife bay kusoo
bexeen niman hubeysan oo taagtaagan meel aan sidaas
uga sii fogeyn. Intey qoryihii ay wateen kusoo fiiqeen
bay ku amreen in ay istaagaan. Darawalkii taksiga
intuu baabuurkii joojiyey buu nimankii gacanta u haadiyey.
Markey hubsadeen qofka uu yahay bay ugu baaqeen dhoollacaddeyn
u dhiganta ‘Waa lagu aqoonsaday ee soo dhaaf’. Darawalkii
intuu baabuurkiisii mootaystay buu socodkiisii sii
watay.
Wax yar kaddib bay yimaadeen garoonkii diyaaradaha.
Waxaa fadhiyey seddex diyaaradood oo kuwa Qaadka keena
ah. Waxaa kaloo fadhidey diyaarad kale oo shixnad
hilib Ari ah u qaadeysey magaalada Dubai. Dad fara
badan ayaa garoonka dhex hoganayey. Garoonku ma lahayn
meel loogu talagalay in ay sii fariistaan rakaabka
diyaaradaha raacayey, kuwa kasoo degayey, iyo asaxaabtoodaba.
Fallaaraha cadceedda ayaa sidii roobkii ugu soo da’ayey.
Geedaha hoostooda ayaa naf la bidayey.
Idman iyo Hodon markey cabbaar meelaha marmareen intey
daaleen bay geed weyn hoostiisa iska fariisteen. Daqiiqado
yar ayaaba ka harsanaa waqtigii ay iman lahayd diyaaraddii
siddey gacaliyaheed. Wax yar markey fadhiyeenba waxay
maqleen guux diyaaradeed. Dadweynihii goobta joogey
ee iyaguna diyaaraddaas sugayey ayaa durba billaabay
in ay u dareeraan goobtii ay diyaaraddu ku soo degi
lahayn. Idman farxad iyo naxdin wada socda ayaa mar
qura wada saaqay xubnaha jirkeeda. Jirkaa dubaaxiyey,
markaasaa xaadduna istaagtey. Farxad darteed ilmo
ayaa indhaheeda kasoo daadatay.
Diyaaraddii intey laba jeer garoonka ku dul wareegtey
bay si tartiib ah u soo cagadhigatay. Dadkiiyoo dhan
waxay is hordhoobeen diyaaradda albaabkeeda. Idman
iyo Hodon waxay ka mid ahaayeen dadkaas albaabka hor
dhooban. Wax yar kaddib ayaa albaabkii la furay. Rakaabkii
ayaa billaabay in ay diyaaradda mid mid uga soo degtaan.
Waxaa billaabatay soo dhoweyn, isku soo boodid, iyo
is-dhunkasho.
Idman iyadoo sugi kari la’ goorta uu Shirwac dibedda
usoo bixi doono bay albaabka diyaaradda heegan ku
ahayd. Intii aysan rakaabku billaabin in ay dibedda
usoo baxaan, waxaa iyada u qorsheysnayd in ay si caadi
ah Shirwac u gacanqaaddo, dhunkashadeedana gadaal
u dhigato. Hase yeeshee, markey aragtay dadkiiyoo
laabta intey isku wada qaadeen is wada dhunkanaya
bay iyaduna go’aansatay in ay sidaas oo kale yeesho.
Idman iyo hodon iyagoo weli hoos taagan albaabkii
diyaaradda ayaa waxaa soo baxay duuliyihii iyo ku-xigeenkiisii,
waxayna xireen albaabkii diyaaradda. Naxdin tii ugu
weyneyd ayaa Idman isugu timid. Iyadoo dhan baa gariirtey.
Intey cagaha ku taagnaan kari weydey bay saaxiibteed
Hodon cuskatay. Waxaa ku dhashay shaki ballaaran.
Daqiiqado kahor, indhaheedii farxadda la ilmaynayey
ayaa markanna billaabay in ay naxdin la ooyaan.
Intey is-hayn kari weydey bay iyadoo aan is ogeyn
duuliyihii weydiisey inuu rakaabku intaas ku egyahay
iyo in kale, wuxuuna u sheegay in uu rakaabku intaas
ku egyahay. Waxay misana weydiisey in uu diyaaradda
la socdey qof magaciisu yahay ‘Shirwac’ oo kasoo raacay
magaalada Dubai. Duuliyihii intuu isha mariyey warqado
uu gacanta ku hayey buu u sheegay in qof magacaas
leh uusan diyaaraddaba soo raacin. Idman dhulka iyo
cirkaa la wareegay, iyadoo aan kala ogeyn meel ay
joogto intey saaxiibteed cuskatay bay dhulka fariisatay.
Hodon intey saaxiibteed garabka qabatay bay u dhaqaaqeen
xaggaa iyo goobtii uu taksigu ku sugayey. Dabadeedna,
iyagoo luudaya oo cagaha jiidaya bay taksigii galeen.
Talaa ku ciirtay. Meel ay xaajada u dhaqaajiyaan bay
kala garan waayeen.
Idman iyo Hodon iyagoo cagajiid ah oo niyadjabsan
bay garoonkii kasoo dhaqaaqeen. Intii ay dhexda kusoo
jireen hal mar xitaa islama aysan hadlin. Waxaa dhuntay
farxaddii ay saakayto kusoo bexeen. Cabbaar kaddib
bay yimaadeen gurigii Idman. Hodon intey saaxiibteed
garabka qabatay bay tagsigii ka dejisey sidii qof
xanuunsan oo isbitaal laga keenay. Mar uun yaa qolkaygii
i geeya bay Idman ka joogtey. Iyadoo dharkeedii qabta
bay sariirteedii isku tuurtay. Hooyadeed oo daaradda
fadhidey ayaa qolkii kasoo daba gashay kaddib markey
dareentay in xaaladda gabdhuhu aysan caadi ahayn.
Balse Hodon ayaa si tartiib ah ugu sheegtay in wax
dhib ah uusan jirin oo aan ka ahayn in ay Shirwac
soo waayeen oo loo sheegay in uusan diyaaraddaba la
socon. Saaxiibtey waa ay yara niyad xumaatay, bay
intaas u raacisay.
“Idman, abbaayo, is deji, wax weyn ha u qaadan, qofku
waa bani’aadam, wax kastaa ku dhici kara, isagana
xaggiisa wax kastaa ka iman kara…Dad iyo duurba wax
aadan ka filanayn baa kaaga soo baxa…Wixii soo kordha
taleefanka ayaan ku wada xiriiri doonna...” bay Hodon
saaxiibteed ku tiri iyadoo albaabka kasii baxaysa.
Idman markey saaxiibteed ka tagtay waxaa kusii kordhay
welwelka iyo walbahaarkii ay kasoo qaadday garoonka
diyaaradaha. Dareen hor leh oo baqdin badan ayaa ku
dhashay. Erayadii ugu dambeeyey ee Hodon ee ahaa ‘Dad
iyo duurba wax aadan ka filanayn ayaa kaagasoo baxa’
ayaa uurkutaallo cusub ku beeray. Waxay ku noqdeen
sidii dhimbil dab ah oo gacanta loo geliyey. ‘Ma hubtaa
in uu ku jecel yahay…Waxaan ka baqayaa inuu meel cidla’
ah kaaga dhaqaaqo oo hadhowna aan weyno meel aan u
raadinno…Naa wax iskula har, waxaanse ka baqayaa in
mar kale jacayl aan jirin laguugu luggooyo oo aad
dabin kale lugaha la gasho’ erayadaas iyo kuwo kaloo
u dhigma oo ay horay ugu yiraahdeen saaxiibteed iyo
hooyadeed ayaa xusuusteeda dib ugu soo maaxday.
Oo haddiise uu baaqday muxuu iigu soo sheegi waayey?
Xitaa haddii uu ballantii ka baxay muxuu iiga qariyey?.
Abbaayo raalli ahaw oo keliya ayaa igu filnaan lahayd
inkastoo dhaawaca i gaari lahaa aanan marna ka bogsoodeen,
malaha waa uu i sirayey ee jacaylku dhab kama ahayn,
bay iskula hadashay. Tolow taleefan ma u dirtaa, bay
niyadda iska tiri, haddana waxay isku canaanatay in
aysan guuxeeda ka dheereyn oo illaa iyo caawa ay bal
isaga ka war sugto. Fiicnaan lahaydaa in aadamigu
ay is-uurdaalacan karaan, ma qof baa qof kale siri
lahaa oo been ku maaweelin lahaa, bay nafteeda ku
samirsiisay. Wadnahoo la kala waaxo, wixii ku jirana
la wadaago, Alla wanaagsanaan lahaydaa…
Iyadoo weli nafteeda la doodeysa bay maqashay dhawaaqa
taleefanka. Wuxuu ahaa taleefan dibadeed. Intey sariirtii
ka boodday bay u orodday daaradda guriga oo uu taleefanku
yiil.
“Halow,”bay ku tiri intey taleefankii dhegta saartay.
“Abbaayo, adiga Idman miyaa?” buu ku yiri qofkii taleefanka
soo diray.
“Haa, waa Idman ee adiga kee ahayd,” bay ugu jawaabtey.
Wuxuu ula muuqdey qof aysan is aqoon ama qof is qarinaya
oo codka bedeshey. Codka ay maqashay iska daa kii
gacaliyaheed Shirwac ee xitaa ma ahayn qof kaloo ay
codkiisa garanaysey. Malaha waa kuwii shukaansi-doonka
ahaa oo is qarin jirey ama waa kuwii intey marqaanka
iga dhex arkaan taleefannada igu soo waali jirey bay
hoosta iska tiri.
“Abbaayo, ma hubtaa in aad Idman tahay?” intuu qofkii
kusoo celiyey buu u raaciyey “I’m…Aniga magacayga
waxaa la i dhahaa…sorry yaah for my broken Somali…yaah…Andrew
Warsame…Waxaan kaasoo wacayaa Mareykanka. Waxaan ahay
Shirwac saaxiibkii…Adiga horta Shirwac ma taqaantaa?
farriin degdeg ah ayaan kaaga hayaa…Please are you
sure you are Idman?”
“Haa…Abboowe…Waa Idman…Shirwac is my love…Waa gacaliyahayga…,”
bay mar kale ugu celisey iyadoo la yaabban farriintaasi
waxa ay noqon doonto, waxaase u caddaatay in farriinta
soo socota ay ka timid Shirwac. Tolow Shirwac mar
kale ayaa la xiray oo sidaas buu ku baaqday miyuu
soo wadaa, mise Shirwac ballantii wuu kaaga baxay
ee gabaryahay tasho buu ku dhihi doonaa, bay hoosta
iska tiri. Haddii wiilka la xiray waaba wax la garan
karo, balse haddii uu ballantii iiga baxay muxuu la
baqayaa, muuse isagu afkiisa iga dhaho, bay iskula
doodday.
“Sister…I am so sorry, Shirwac could not make it…I
mean…Shirwac ma u noqon suurtagal inuu soo dhoofo…”
buu ninkii yiri.
“Oo Mareykankaba kama soo dhoofin miyaa?” bay ninkii
ka horgeysey isagoo aan hadalkiiba dhammayn.
“Maya…Abbaayo…Ani waxaan ka mid ahaa saaxiibadii garoonka
diyaaradaha u sagootiyey…Nasiibdarro, shil baabuur
ayaa dhacay…Ani iyo wiil kale dhaawac fudud ayaa nasoo
gaarey, isagana dhaawac culus ayaa madaxa ka gaarey”
buu ku yiri isagoo hadalka shigshigaya.
“Dhaawac aa…Shil baabuur aa...,” intey tiri bay iyadoo
ooyeysa u raacisay “Hadda, sidee buu yahay? Ma la
hadli karaa? Fadlan waan ku baryayaa ee ila hadalsii…Fadlan
waan ku baryayaa ee aan hal mar codkiisa maqlo.”
“Abbaayo, farriinta aan kaaga hayo aan kuu sheego.
Waa ballan aan isaga kasoo qaaday. Wuxuu iga codsaday
inaan kuu sheego ‘inuu ku jecel yahay, weligiisna
ku jeclaan doono’. Erayadii ugu dambeeyey ee uu ku
dhawaaqo waxay ahaayeen ‘Idman, I love you…Waan ku
jeclahay’,” intuu ninkii intaas ku yiri buu haddana
u raaciyey “Abbaayo, ma kula hadalsiin karo. Ani xitaa
lama hadli karo, sababtoo ah…”
“Fadlan waan ku baryayaa ee ila hadalsii…Hal mar aan
codkiisa maqlo” bay mar kale ninkii hadalka kaga dhexgashay
iyadoo ooyeysa oo aad mooddo in aysan dhegaheeduba
maqlayn warka uu ninku u sheegayey.
“Abbaayo. I am so sorry. Waan ka xumay, ma kula hadalsiin
karo. Allaha u naxariisto. Saacad kahor buu geeriyooday…”
buu si murugo leh ugu yiri.
Idman markey dhegaheedu ku dheceen eraygii ahaa ‘Wuu
geeriyooday’ bay af labadii dhawaaqday. Intey taleefankii
iska tuurtay bay dhulka isku dhufatay. Intey maryaha
tuurtay bay billowday in ay timaha iska rifto. Hooyadeed
iyo walaalaheed ayaa durba qolkeedii kusoo orday.
‘Alla hoogey oo ba’ayeey’ waxaan ahayn ayaa afkeeda
laga waayey. Waxay la collowday noloshii adduunka.
Waxay niyadda ka jecleysatay in ay iska dhimato. Waxaa
ka dhumay hankii iyo qabkii gabarnimo ee ay gabdhaha
kale kaga soocnayd.
Hooyadeed iyo walaalaheed markey ku noogeen celcelinteeda
bay taleefan u direen saaxiibteed Hodon. Deriskii
xaafadda oo dhan ayaa baroorteeda ku soo baxay, daaraddii
guriga bay durba soo buuxiyeen iyagoo la yaaban belaayada
kusoo boodday Idman oo ay ku yiqiineen degganaan iyo
dhib yaraan. Malaha Jin baa asiibay, bay qaarkood
hoosta ka lahaayeen, halka qaar kalena ay la ahayd
in laga raacay oo ay isha geliyeen nimanka tirada
badan ee had iyo goor ku gaafwareegi jirey.
Wax yar kaddib Hodon oo uu la socdo walaalkeed oo
takhtar ah ayaa gurigii soo galay. Hodon intey saaxiibteed
garabka qabatay oo maryaheedii ku celisay bay sariirteedii
ku seexisay. Dabadeed, takhtarkii ayaa ku muday cirbad
hurdo degdeg ah u keeneysa. Hodon intey saaxiibteed
dhinac seexatay bay weydiisey sida ay wax u dheceen,
kaddibna waxay warkii si tartiib ah ugu gudbisey hooyadeed.
Markey xaaladdu degtey bay deriskii xaafaddu guryahoodii
isaga laabteen iyagoo weli yaabban. Xaaladda cusub
ee kusoo korortay Idman waxaa la socdey Hodon iyo
hooyadeed oo keliya, waxayna labadooduba ku heshiiyeen
in aysan cid kale u sheegin.
Qaybtii
6aad
Muddo laba bilood ah bay ku jirtey xaalad u dhaxaysa
nolol iyo dhimasho. Caafimaadkeedii ayaa xumaaday.
Waxaa la huwiyey bustaha dhaxanta laga galo. Aabaheed
iyo walaasheed oo Dubai iyo Nayroobi kala joogey xitaa
waa loo yeeray si ay gunaanadkeeda goobjoog uga noqdaan.
Saaxiibteed Hodon iyo hooyadeed ayaa daqiiqad kasta
dultaagnaa. Maalin kasta waxaa la geynayey takhtar
cusub oo daawooyin hor leh usoo qorayey. Nasiibdarro,
dawooyinkii sida cuntada loogu dirqinayey waxba kama
aysan beddelin xaaladdeeda caafimaad.
Waxay ka go’day cuntadii. Muuqaalkeedii quruxda badnaa
wuxuu u ekaaday sidii geed dherey oo ay caleemuhu
ka daateen. Midabkeedii ayaa doorsoomay. Waxay u ekaatay
sidii qof uu xagaagii Boosaaso dillooday, wax uga
miciinana weydey. Qofkii laba bilood kahor aqoon jirey
wuxuu haatan ka shakinayaa in ay iyadii tahay iyo
in kale.
Waxay ka samirtay noloshii, waxayna niyadda ka jecleysatay
in ay iska dhimato. Daqiiqad kasta waxaa hor imaanayey
gacaliyaheed Shirwac oo ku leh ‘Adigaan ifka kuugu
jeclahay’. Inkastoo sawirradiisii iyo dhambaalladii
ay is dhaafsan jireen ay Hooyadeed iyo Hodon ka jeexjeexeen,
misana waxaa keydka xusuus-dhawrka maskaxdeeda ku
duubnaa eray kasta oo ay is yiraahdeen, waxaa ku keydsanaa
sawirradiisii, iyo dhambaalladii qoraalka ahaa ee
ay is dhaafsan jireen. Isagoo qoslaya oo ku leh ‘Idman,
waan ku jeclahay’ ayuu mar kasta horteeda kasoo muuqanayey.
Idman hooyadeed iyo saaxiibteed Hodonba waxay Idman
ku tijaabiyeen waddo kasta oo ay ku samirsiin karayeen.
Kor iyo hoos bay wax ugu sheegeen. Waxay xusuusiyeen
in nolosha adduunyadu tahay mid kooban, qof kastana
uu dhimanayo. Waxay uga sheekeeyeen sheekooyin la
mid ah tan iyada ku dhacday. Waxay kula taliyeen in
ay iska illowdo wixii dhacay, nolol cusubna billowdo.
Nasiibdarro, wax guul ah kama aysan gaarin. Idman
weli sideedii bay u tahay maqane-jooge, weli sideedii
bay iskula hadleysaa, weli sideedii bay hurdada uga
caagan tahay, weli sideedii bay cuntadu ugu dhadhami
la’dahay, weli sideedii bay hadalka uga maagan tahay,
weli sideedii bay sariirta ugu urursan tahay.
Idman cudurka hayey ma ahayn mid muuqda, wuxuuse ahaa
mid ka xanuun badan cudurrada muuqda. Waxay ka jirranayd
niyadda. Muraayaddii qalbiga ayaa jabtay, firirkeedii
ayaa ku faafayey xubnaha jirkeeda iyagoo sii dhex
marayey halbowleyaasha iyo xididdada yar yar ee dhiigga
qaada. Nabar aan dawoobeyn ayaa wadnaha kaga yiil.
Dhaawac aan la dhayi karin ayaa gaarey. Waxaa dhumay
hankii iyo qabkeedii qofnimo. Waxay aamintay in daaqadihii
mustaqbalkeedu ay soo xirmeen. Waxay rumaysatay in
ay nasiibdaran tahay. Waxay iska dhaadhicisay in aysan
weligeed heli doonin qof Shirwac oo kale ah, ama qof
Shirwac booskiisii u buuxin kara. Waxay isku qancisay
in fursad kale aysan u harin. Waxay is-moodsiisey
in aysan mar kale wax jeclaan karin.
Hooyadeed iyo saaxiibteed Hodon, markey talo iyo waano
kala quusteen Idman, waxay is-tuseen bal in ay dhinaca
diinta markan xal ka raadiyaan. Waxay u tageen mid
ka mid ah culimada ugu caansan Gaalkacyo, waxayna
si faahfaahsan ugaga warrameen saldhigga cudurka Idman
asiibay iyo xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan tahay.
Dabadeed, wuxuu wadaadkii u sheegay inuu Qur’aan ku
aqrin doono islamarkaana uu u jeedin doono waanooyin
kala duwan isagoo isticmaalaya Qur’aanka.
Muddo laba toddobaad ah ayaa Idman Qur’aan lagu aqrinayey.
Waxaa intaas u dheeraa, waanooyin diini ah oo Qur’aanka
barbar socdey, kuwaasoo mararka qaarkood Idman kaga
ilmaysiinayey. Ugu dambeyn, Idman waxaa ku beermay
baqdin iyo cabsi Eebbe, waxayna go’aansatay intey
samir Eebbe kaashato in ay is illowsiiso dhibkii ku
dhacay.
Muddo
gaaban kaddib, Idman waxay billowday nolosheedii caadiga
ahayd. Inkastoo xusuusteeda aysan marna ka saari karin
Shirwac, misana mar kastoo ay soo xusuusataba waxay
hoosta ka aqrisan jirtey aayado qur’aan ah oo uu wadaadkii
xafidsiiyey. Muuqaalkeedu si tartiib tartiib ah buu
usoo laabanayey. Farxaddeedii dhuntay bay baadigoob
u gashay. Waxay billowday in ay magaalada u baxdo
oo ay asaxaabteedii soo booqato.
Si kastabase arrintu ha ahaatee, Idman waxaa gaarey
jug weyn. Waxaa ku dhacay dhaawac aan bogsooneyn.
Waxaa wadnaha kaga yiil nabar aan marna dawoobeyn.
Dhammaad
Cabdulqaadir
Maxamed Wacays: Waa qoraa/suxufi madax bannaan. Wuxuu
horay u qoray buugaag sheekooyin ah, iyo maqaallo
kala duwan. Wuxuu xubin ka yahay naadiga SOMALI PEN
ee hal-abuurka iyo qorayaasha af-Soomaaliga ku hadla
ee naadi-weynaha PEN INTERNATIONAL.
Xusuus1: Xuquuqda daabacaadda waxay u dhawrsan tahay
qoraha sheekadan, waxaana wakiil uga ah bogga Mudugonline.
Waxaa reebban in sheekadan dib loo daabacdo ama laga
baahiyo idaacad iyadoo aan ogolaansho qoraal ah laga
helin qoraha.
Xusuus2:
Sheekadan waxaan xusuus uga dhigayaa sheeko-qorayaashii
aan asaxaabta ahayn, kuwaasoo tiro badnaa, balse ay
ka mid yihiin; Maxamed Cabdi Gurxan, Xuseen Sh. Biixi
Aadan, Cabdishakuur Mire Aadan, Cabdullaahi Cabdi
Xuseen ‘Heneri’, Aweys Xuseen ‘Shiino’, Maxamed Faarax
Duurgal, Maxamed Cabdiwaaxid, Cabdullaahi Busuri,
Cali Abshir ‘Cali Ganeey’, Axmed Cabdullaahi ‘Al-Axmed’.
WQ:
Cabdulqaadir M. Wacays
Email: cmwacays@yahoo.com