![]()
Farriintii shanaad ee taariikhdii Fartii Cismaaniyada Madax bannaanidii iyo israacii labadii gobol ee Soomaaliya dabadeed, culeyska dowladda ka heystey xagga qoraal laŽaanta iyo isticmaalka afafka ajnabiga ah ee maamulkii dowliga, maaheyn mid ka fudud dhibaatooyinkii dhaqaale ama siyaasadeed ee ragga maamulka hayey ey la kulmayeen. Shaqaalihii cusbaa ee dowladda ee ka socdey gobolada waqooyi markii ey Xamar yimaadeen dhibaatada ugu weyneed oo ey la kulmeen wexey aheyd afkii Talyaaniga oo lagaga hadlayey xafiisyadii dowladda. Shaqaalaha reer koonfur arrinku xaggooda waa uu ka sahlanaa waayo Ingiriiska waxbey ka yiqiineen. Waxaa kale oo jirey in 3 luqadood ey dalka ka ahaayeen kuwo caadi uga sheqeeya (Ingiriis, Talyaani iyo Carabi). Dowladduna maŽeeyan laheyn kawaadir loo diyaariyey in ey afafkaas ku shaqeeyaan.
Waxaa xafiis walba looga baahdey turjumaanno badan oo luqadahaas kala duwan ku shaqeeya, kuwaas oo mushahar badan qaata. Waddankuna faqri buu ahaa oo maŽuusan awoodin dhaqaalaha intaa leŽeg in uu ku bixiyo howlaha turjum! ! aadda. Dowladdu waa ey u muuqatey baahida xoogga leh ee jirtey, misana waxba ugama suurta gelin dadaalkii ey ka muujisey xagga xulashada xuruufta. Sanadkii 1967-kii, Shire Jaamac, kaddib markii uu dhiirri gelin ka heley guddigii UNESCO, wuxuu soo saarey buuggiisii uu ku magacaabey (Iftiinka - Aqoonta). Buuggaas oo ku soo baxay xuruuf laatiin ah, safxaddiisa ugu horreysa waxaa ku yiil xuruufta af-soomaaliga ee maanta qoran (B T J X .......). Shan xaraf oo kuwaas kamid ah waxaa ku hor qorraa xuruuf carabi ah oo muujinayey dhawaaqa xarafku leeyahay. Shanta xaraf oo uu Shre dhawaaqooda beddeley wexey ahaayeen (X, Kh, Dh, C iyo Q). Muhimadda buugga Shire maaheyn waxa ku qorraa oo ahaa sheekooyinkii Wiil-Waal, bal wexey aheyd buugga oo ahaa bayaan lagu muujinayey in xuruufta laatiinku ey soo jareen masaafo xoog badan, boos adagna ey ka joogaan loollankii ey kula jireen xarfaha kale. Kooxdii u ololeynayey xuruufta carabiga oo ey wadaaddadu hor boodayeen oo horey uga careysnaa imaatinkii guddigii UNESCO iyo waxa ka soo yeerey howlahoodii ayaa buugga Shire aad uga caroodey, wexeyna la soo baxeen halheyskoodii xoogga badnaa oo ey kula dirirayeen xuruufta laatiinka iyo raggda, kaas oo ahaa (laatiin waa laa diin), kaas oo ka dhigan in laatiinku uu la micne yahay diin laŽaan. Waxaa in la xuso mudan halka ey xuruufta laatiinka ka joogtey bulshada soomaaliyeed dhexdeeda 30 sano ka hor xilliga uu Shire buugga qorayo. Waxaa dhacdey sanadkii 1938-kii in maamulkii Ingiriiska ee fadhiyey waqooyiga Soomaaliya uu isku deyey in uu qoro af-soomaali.
Maamulku Wuxuu doortey in xuruufta uu wax ku qorayo ey noqdaan kuwa laatiinka ah, waxeyna mashruucoodii ku tijaabiyeen dugsiyadii hoose ee magaalada Burco. Arrintaasi dadweynihii reer Burcood aad bey uga dagaalameen. IskahorŽimaadyo baa magaaladii ka dhacay, waxaa ku dhintey 3 qof oo soomaali ah. Ingiriiskii wuxuu markiiba goŽaan ku gaarey in uu fartii joojiyo, isaga oo ka baqaya in ey bilaabato dhaqdhaqaaq lamid ah kii daraawiishtii oo kale, kaas oo sidan oo kale ku bilowdey. Dabayaaqadii sanadihii 1960-aadkii wexey aheyd xilli uu urukii S.Y.L. sii dhimanayey, sababtuna wexey aheyd khilaafaadka qabyaaladeed oo gudaheeda ka taagnaa. Ururku wuxu lumiyey kalsoonidii dadweynaha. Laakiin maadaama uu noqdey urur ballaaran, raadkiisii weli waxbaa ka jirey. 15/ 5- 1969-kii xaflad lagu maamuusayey sanad guuradii 25-aad oo ka soo wareegatey markii laŽaasaasey ururka baa waxaa lagu qabtey xaruntii dhexe ee ururka. Waxaa halkaas ka hadley xogheyihii guud ee uruka Cali Maxamd Hiraabe. Xogheyuhu isaga oo ka hadlaya qorista af-soomaaliga wuxuu yiri : " Dhibaatada ku saabsan in la helo xuruuf af-soomaaliga lagu qoro waa mid loo baahanyahay inaannu qaabilno annagoo dhan ., waana in xal aannu u helnaa .., caruurta dugsiyada hoose dhigtaa waa in la baraa afkooda hooyo, mana aha in naftooda lagu xiriiriyo luqado ajnabi ah ".
Sidaasna waxaa lagu soo qorey wargeyska (Somali News) ee soo baxay 17/5-1969. Waxaa jirey rag lahaa goŽaanka kama dambeysta ah oo lagu soo bandhigi lahaa xuruufta loo doorayo af-soomaaliga. Raggaasi wexey ahaayeen ragga hoggaaminayey axsaabtii siyaasadeed ee xilligaas jirey. Doorashadii la qabtey bilowgii sanadkii 1969-kii dabadeed, raŽiisul wasaarihii dalka Maxamad I. Cigaal wuxuu soo bandhigey (waa markii ugu horeysey oo uu xarakadan ka soo qeyb galo) barnaamijkiisa cusub oo ku wajahan qorista af-soomaaliga. Waxaa wargeyska dalka lagu soo qorey barnaamijkii dowladdii Cigaal. Hadalladii laga soo qorey waxaa kamid ahaa maqaal ku soo baxay wargeyskii Somali news 20/ 6- 1969-kii. Qoraalkaasi waxaa kamid ahaa : " Dowladeydu wexey ku dadaaleysaa in ey siiso dareen kii ugu weynaa howl kasta ee ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha hortaagan qorista afka soomaaliga ". Mar wax laga weydiiyey raŽiisulwasaaraha, sababta uu hadda ka hor uga hadli waayey oo uu talada wax ugu darsan waayey, wuxuu ku jawaabey : " Intii hore, iima eeyan muuqan wax ubaahnaa in talo lagu darsado ".
Baaqii uu Cigaal soo saarey, dowladdii si wanaagsan bey u soo dhoweysey. Tabardarrada ey dowladdii soomaaliyeed awoodi weydey in ey afkeedii qoraal u sameyso, baa fannaaniintii soomaaliyeed wexey bilaabeen in ey riwaayad majaajillo ah ey arrintan ka sameeyaan. Riwaayadaasi waxaa dalka laga dhigey bishii september, hal bil kahor intuusan afgembigii ciidamada dhicin. Dowladdu, iyada oo tix raaceysa barnaamijkii raŽiisul wasaaraha bey wexey si xoog leh u xustey munaasabadda maalinta qorista iyo akhriska (international literacy day), qoraallo badan bey dalka gobolladiisa u kala dirtey. HeyŽadihii dowladda waxaa la farey in ey la dagaalamaan qoris- iyo akhris laŽaanta. Waxaa laŽabaabuley mashruuc ey dowladdu ku magacaawdey " Iskaa wax u qabso, kaas oo ku wajahnaa la dagaalanka jahliga. Waxaase dowladdu eeyan xaddidin (maadaama eeyan jirin xuruuf soomaali ah) luqad dadka la barai lahaa si ey wax u akhriyaan waxna u qoraan. Waayo waxaa lagu khasbanaa in jahliga lagula diriro luqad ajnabi ah. Wasiirkii wasaaradda waxbarashada Aadan Isxaaq Axmad (Gadubiirsey), wuxuu kamid ahaa ragga qabey in xuruuf la helo, laakiin maŽuusan kala fadileyn xuruufihii leysku hayey. Wasiirka, isaga oo arkayey in dhibaato adagi ey hor taagan tahay barnaamijkan dowliga ah, wuxuu shaqaalihiisii farey in ey iyagu ku dadaalaan! ! in ey xushaan luqad ajnabi oo lagula diriro qoris- iyo akhris laŽaanta, inta lagu heshiinayo xuruuftii af-soomaaliga lagu qori lahaa. Doodihii ayaa mar kale cirka isku shareerey. Sheeko-suuqeedyadii iyo wargesyadiiba waxaa ka dhex muuqdey xiisad kulul oo ka duwan kuwii hrey u jirey. Waxaa si xoog leh u soo if baxeysey baahidii ey bulshadu u qabtey qoraalkii afkeeda. Markasta oo uu kordho fahamka baahida xuruufta, waxaa sii fogaanayey xal u helisteeda. Waayo xruufaha loollanka ku jira mid baa si wanaagsan isu diyaarisey lagumase dhaco in raggeeda gacan lagu siiyo.
Taasina wexey aheyd Cismaaniyada. 16/9-1969, wargeyska Somali news ayaa wuxuu soo bandhigey maqaal uu ku qorey sidatan : " Maqnaanshaha xuruuf afka hooyo lagu qoro, wexey sababtey in ey suurto geli weydo mashruuca la dagaalanka jahliga (oo ey dowladdu watey). Waxbarashada guud ee dugsiyaduna noqonmeyso mid hagaagsan inta afka hooyo loo helayo qoraal. Ololaha jahliga lagu qaadayona sikasta oo loo xoojiyo waa mid lagu fashilmayo, wax soosaarkiisana nafac yeelan maayo, natiijaduna waa mid uu waqtigu nooga jawaabi doono. Qof qaangaar ah in la baro sida loo qoro ama loo akhriyo luqad ajnabi ah waa arrin u baahan wakhti badan iyo dadaal siyaado ah. Dad badan baa wexey la yaaban yihiin mexey dowladdu u yeelan weydey xuruuf ey afkeeda hooyo ku qorato ? Xaqiiqduse wexey tahay in caqabadda hortaagan qorista af-soomaaliga ey taahay dadweynaha soomaaliyeed oo hortaagan fartey dowladdu dooranlaheyd, oo af-soomaaliga lagu qori lahaa. Markasta oo howshan la soo qaado oo ey rag ajnabi ah oo howsha wax kawada yimaadaan, dadweynaha markiiba wexey u qeybsamayaan kooxo. Qeyb wexey muujineysaa in ey taageerayaan farta ey soomaalidu qorteen, iyaga oo ka raacaya heybadda soomaalidu leedahay (prestige reasons) oo laŽilaaliyo, kuwo kale wexey ayidayaan carabiga, iyaga oo u xilanaya diinta (religion reasons), kuwo kale wexey u doodayeen laatiinka sabab dhaqaale awgeed (economic reasons). Waxaanu rajeeneynaa dowladdu in ey jebiso caqabadaas hortaagan sidaanu u heli laheyn far qoran inteeyan arrintu daah noqon ". Qoraalladii wakhtigaas ku soo bixi jirey safxadaha wargeesyada, waxaa barbar socdey dareen xoog leh oo ka imanayey dadweynaha, kaas oo la moodo in uu ka xamaasad badnaa kii Xamar ka jirey sanadihii 1950-aadkii. 4-tii sano ee dowlad-hoosaadka la heystey iyo 6-dii sanaddood oo ka horreeyey, dooddu waa ey furneyd.Waxaa xilligaas ka dambeeyey 9 sanadood oo ey talineysey dowladdii barlamaaniga aheyd, taas oo iyaduna oggoleyd in si xor ah loo hadlo oo qofka aanan lacadaadin raŽyi uu qabo awgiis.
Fursadahaas maŽeeyan noqon kuwo u xaara waddada si uu af-soomaaligu u helo xuruuf lagu qoro. Nasiib darrada heysatey dadweynaha maaheyn, keliya, xuruufta maqan oo ey qoraalka ugu raadinayeen afkooda hooyo, balse waxaa taas uga darreyd ragga ku jirey golaha shacabka (parlament) oo badankood aaney wax aqoon ah u lahayn(in yar mooyee) arrimaha lagu baadi goobayo qoraalka afka. Arrinka ey u doodayaanna in yar baa ka garanayey dariiqa saxa ah oo in la qaado ey mudneyd. In xuruuf la doorto waa arrin aad u sahlan, laakiin dadku maŽeeyan garaneyn in arrinku uusan intaa ku ekaaneyn ee loo baahanayo aqoon iyo howl-gal diraasaad adag leh, kuwaas oo aanan laga maarmeyn si loogu caga dhigo xuruufta la qaatey. Yaasiin Cismaan wuxuu ahaa ninka ugu aqoon badnaa raggii guddiyadii saddexda ahaa ee xuruufta loo sameeyey sanadihii 1955-kii. 1961-kii iyo 1966-kii. Aqoonta Yaasiin sidaan soo sheegney wexey aheyd (philology, philosophy, litarature iyo linguistic). Mid kasta oo aqoontaas ah wexey ku saacideysey horumarinta xuruufta uu calanka u sidey iyo sidii ey ula fal geli laheyd afka soomaaliga. Dadweynuhuse maŽeeyan la fahmin qaabkii looga faaŽiideysan lahaa arrintaas. In kasta oo ey xuruuftu loollan ku jireen misana mid waliba waxaa jirey arrin hakineysey oo ka hor taagneyd in ey ku hana qaaddo bulshada dhexdeeda. Xuruufta carabiga waxa is hortaagey wuxuu ahaa dadka u doodayey oo intooda badan jahli ku sugnaa, intooda wax tiqiinna si wanaagsan uma diyaarin howsheeda. Laatiinka waxaa is hor taagey wuxuu ahaa wadaaddada oo u arkayey gaalnimo in xuruufta gaalada la qaato. Cismaaniyadana waxaa hor taagnaa rag ku diiddanaa in ey tahay xuruuf reer (qabiil) leeyahay. Maxamad I. Cigaal, labadii dowlad oo ka horreeyey wexey ku guuleysteen in ey guddi u sameeyaan baadi goobkii loogu jirey xuruufta af-soomaaliga.
Isaguse kuma uusan guuleysan in uu guddi u sameeyo. Sababtu wexey aheyd dhacdadii lagu diley madaxweynihii Cabdirashiid C. Sharmaarke markii ey taariikhdu aheyd 16/10-1969-kii isaga oo kormeer ku tegey magaalada Laas-caanood. 5 cisho dabadeed, habeennimadii 21/ 10- 1969-kii waxaa af-gembi kula wareegey taladii dalka jeneraal Maxamad Siyaad, isaga oo ey la shaqeynayeen saddex korneel oo kala ah Cali Mataan Xaashi, Salaad Gabeyre Kediye iyo Maxamad Cali Samatar. Arrin in la xuso mudan baa wexey tahay, jeneraal Siyaad waxaa af-gembiga ku weheliyey saddex jeneraal oo kale(Sarreeye Gaas Jaamac Cali Qoorsheel, Sareeye Guuto Maxamad Ceynaanshe Guuleed iyo Sarreeye Guuto Xuseen Kulmiye Afrax). Saddexda jananba waxaa af-gembiga loo war geliyey xilli uu Siyaad dalkii qabsadey. Waxaanu arrinkaas u xuseynaa in laŽogaado in habeenkaas uu ahaa habeen taariikheed oo Soomaaliya ku ahaa xilli kala guur. Waxaa Soomaaliya ka bilaabatey qaab-nololeed eeyan horey u arag, dibna aanan u dhici doonin (Ilaah idanki), taas oo ah hal nin oo dalka u taliya. Hal nin wax walba ey taladiisu ka goŽaan. Kaasina waa hal nin oo la yiraahdo jeneraal Maxamad Siyaad. Waxaa halkaas ku dhamaadey doodihii furnaa oo ey shacabku ku muujinayeen waxyaabaha ey tabanyeen oo ey kamid aheyd xuruuftii lagu qori lahaa af-soomaaliga. Waxaana bilowmey xilli uu maamul gacan adagi taliyo, dadweynihiina wexey u ekaadeen af-sallax ku dheg.
Wasalaamu caleykum waraxmatullah Waxaa qorey Saadiq Enow Waa socotaa.....
Contact: webmaster@mudugonline.com