![]()
Asalaamu caleykum waraxmatullah. Waa farriintii saddexaad ee Halgankii Yaasiin Cismaan iyo fartii Cismaaniyada. Arrin xusid mudan baa wexey tahay in Cismaan Yuusuf Keenadiid uu la dhashey Suldaan Cali Yuusuf Keenadiid (Suldaankii Hobyo). Markii uu allifayey fartan wuxuu ku noolaa gobolka Mudug. Taas oo sababtey in ey raggii ugu horeeyey oo risaaladiisa farta ah qaada in ey noqdaan dhallinyaro reer Mudug ah gaar ahaan beelaha Daaroodka ah (waa intaan magucu dayoobin), kuwaas oo intey barteen ku dadaaley in ey dadkana baraan. Magaalada Xamar waxaa u gudbiyey dhallinyaro askar u ahaa maamulladii gumeysiga iyo dhallinyaradii u ehelka ahaa odeyadii hoggaanka u hayey labadii saldanad ee ka dhisnaa Majeertiinya (Boqor Cismaan iyo Suldaan Cali Yuusuf) oo gumeysigii uu Xamar soo dejiyey. Sanadkii 1955-kii, maamulkii Talyaaniga ee gobollada koonfureed ka jirey iyo kii Ingiriiska ee ka jirey gobollada waqooyi wexey abaabuleen shir ey ka soo qeybgaleen guddiyo ka socda labada gobol.
Shirku wuxuu ka dhacay magaalada Xamar. Waxaana looga wada hadlayey in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii loo heli lahaa xuruuf mid ah oo lagu qoro af-soomaaliga, taas oo u gogol-xaareysa in haddii labada gobol ey midoobaan iyo haddii ey labo maamul ahaadaanba u noqota far ey isticmaalaan. Guddiga ka socdey koonfur oo martida loo ahaa waxaa odey ka ahaa Yaasiin Cismaan, guddiga waqooyigana Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal. Yaasiin waxaa kale oo uu odey ka ahaa socodsiinta shirka. Inkastoo aanan lagu heshiin fartii la dooran lahaa, misana waxaa leys tusiyey in ey ahmiyadda ey leedahay in la helo far lagu qoro af-soomaaliga. Arrin xusid mudan baa wexey tahay in guddigii ka socdey waqooyiga oo uu hoggaaminayey Muuse X. Ismaaciil Galaal ey ayideen in farta Cismaaniyada ey munaasib ku tahay in dadka soomaaliyeed looga dhigo far ey wax ku qortaan. Waxaase dhacdey in uusan shirkii wax natiijo leh ka soo bixin, waayo heshiis buuxa lagama gaarin arrinkii. Meeshana kama maqneyn jallaafada maamulladii gumeysiga.
Sidaas baa ardadii waqooyiguna sidoodii waxbarashadii lagu baranayey afka Ingiriiska ugu socotey kuwii koonfureedna talyaanig. Xilligaas weli fikradda ah in la midoobo majirin, kulankuna waxa qura oo uu ku saabsanaa wuxuu ahaa in fikrad laga helo qaabkii loo heli lahaa far mid ah. Xubnaha shirkaas ka soo qeybgaleyna dhammaantood waxaa u muuqatey maadaama soomaalida afkooda uu mid yahay, fartooduna in ey mid ahaataa. 1/ 7- 1960-kii, labo gobol oo Soomaaliya kamid ah ayaa guddoonsadey in ey si wada jir ah u dhistaan maamul ey ku magacaabeen (Jamhuuriyadda Soomaaliya) oo ey caasimad u tahay magaalada Xamar. Si weyn ayey soomaalidu meel ey joogeenba ugu farxeen arrinkaas. Waxaase halkaas ku hakadey doodihii xoogganaa oo socdey sanadihii 1950-aadkii ee la xiriirey qoraalka af-soomaaliga. Sababtuna wexey aheyd iyada oo ey soomaalidu is tusiyey : 1- Wax kasta oo isbeddel ah in uu dhaawac u geysan karo madax bannaanida dalka. 2- GoŽaan qaadashada ku saabsan qorista af-soomaaliga wuxuu ku wanaag- sanyahay in dib loo dhigo, si markii uu maamulkan cusub caga dhigto uu u ula wareego xilka ku saabsan baadi goobka xarfaha af-soomaaliga. Dowladda dhankeed waxaa ka jirey arrin labadaas qodob ka culus oo shiiqisey xiisaddii taagneyd ee loollanka xuruufta. Arrintaasi wexey aheyd manhajkii siyaasadda dibadda oo ey dowladdu qaadatey. Siyaasaddaasi wexey aheyd tii ku wajahneyd xoreynta gobollada saddexda ah ee Soomaaliya ka maqnaa, kuwaas oo kala ah Jabuuti, Ogaadeenya iyo N. F. D.).Waxaa waxbadan isdhimey xowligii ey howshu ku socotey.
Misana maamulkii dowladda indhaha kama uusan laaban howlihii la xiriirey xuruufta. Bishii saddexaad xorriyaddii kadib, xukuumaddii cusbeyd wexey magacowdey guddi ku sameeya baaritaan habka ugu wanaagsan ee lagu heli lahaa qoraal far soomaali ah. Wasiirkii waxbarashada Cali Garaad Jaamac wuxuu magacaabey guddi 9 nin ka kooban. Inkasta oo uu Cali Garaad u janjeerey xuruufta carabiga misana guddiga uu doortey wuxuu ka xushey aqoon, khibrad, iyaga oo kala matalayey lahjadaha kala duwan ee uu af-soomaaligu leeyahay iyo aaraaŽda kala duwan oo ey kooxihii jirey kala qabeen. Waxaa guddigaas odey kaŽahaa Yaasiin Cismaan, wexyna ey ka koobnaayeen 8 xubnood. Waxaa kamid ahaa : Yaasiin Cismaan K. (Majeewrteen). Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal.(Habar-Yoonis). Ibraahin Xaashi Maxamuud. (Ogaadeen). Shire Jaamac Axmad. (Mareexaa). Xuseen shiikh Axmad Kaddare. (Abgaal). Xilka raggaasi la saarey wuxuu ahaa in ey baaritaan ku sameeyaan habka ugu wanaagsan oo af-soomaaliga loo qorikaro, iyaga oo fiiro gaar ah siinaya qaab kasta oo ey luqadi leedahay, gaar ahaan dhinaca farsamada. Xilka la saareyna waxaa kamid ahaa iyada oo la farey in ey howlahooda soo gabagabeeyaan oo ey dowladda u soo gudbiyaan ugu danbeyn bisha maarso sanadka 1961-kii. Howl culus bey guddigii qabteen, markii ey soo gabagabeeyeen howshoodii wexey soo bandhigeen 9 far oo kala duwan oo leh 17 hakad oo u baahatey in howl saaŽd ah laga qabto. 16 hakadyadaas kamid ah wexey ka taagnaayeen xagga farsamada dhawaaqidda (phonetic technical) sidii leysu waafajin lahaa qorista iyo ku dhawaaqidda xarafka, sida ey noqon karaan shaqallada ku dhawaaqistooda (shaqallada dhaadheer iyo kuwa gaagaaban), dhowr jeer malla adeegsan karaa, ma jiraan ereyo adag, ma looheli karaa makiinado qoris oo loo adeegsado xuruufta leysla doorto, qiimaha makiinadahaasi mayihiin kuwo ey dowladdu dhaqaale ahaan awooddo. Hal hakad baa wuxuu ahaa siyaasad (xuruufta la doortey ma noqonayaan kuwo ey soomaalidu ku midowdo ?).
Guddigu xilligaas masŽalad diinta xaggeeda ah iskuma uusan soo qaadin, waayo xuruuf la guddoominayey ma eeyan jirin. Waayu guddiga hal nin baa kaga jirey raggii carabiga u doodayey. Markii howshii la soo af jarey, guddigii wexey guddoonsadeen in ey dowladdu yeelato doorashada xarfaha af-soomaaliga. Haddii markaas uu wax dhib ah ka yimaadona, masuuliyaddeeda ey iyagu dusha u rogtaan. Halkaasna waxaa guddiga kaga wareegaya culeys badan oo la filayey in uu kaga iman karey xagga wadaaddada iyo xagga shacabkaba. In kasta oo natiijadii guddiga ey sidaas aheyd, misana goŽaankaasi maaheyn mid ey ku wada qanacsanaayeen. Intaanan goŽaanka loo gudbin dowladda, waxaa jirtey in labo xubnood oo muhiim oo iska casiley howshii, diideyna in ey saxiixaan howlihii la soo diyaariyey. Nin wuxuu ahaa Yaasiin Cismaan, ninka kalena wuxuu ahaa Ibraahim Xaashi. Labadaas nin wexey doonayeen in guddiga uu xaq u yeesho goŽaanka ku saabsan doorashada xarfaha la dooranayo. Wexey rumeesnaayeen in ey tahay fursad guddiga ka luntey haddiiba ey dowladda u bandhigaan natiijadii howlaha guddiga. Yaasiin Cismaan wuxuu ahaa ninka calanka Cismaaniyada sidey, Ibraahin Xaashina uu qabey aragtida xarfaha carabiga ah. Yaasiin wuxuu arkayey in haddii uu goŽaankan dhaafo guddiga ey arrintu isu beddeleyso siyaasad. Taasina si heshiis looga gaaro waa ey adag tahay oo waxaa duruus kaga filan sanadihii la soo dhaafey. Wuxuu arkayey in arrintu ey rabto aqoon iyo geesinimo goŽaan lagu gaaro, iyo iyada oo arrinka laga fogeeyo hinnaas. Sidaas baa saxiixii u dambeeyey ee waraaqaha lagu gudbinayey uusan Yaasiin uga qeyb qaadan (isaga iyo Ibraahim Xaashi). Markii waraaqihii la gudbinayey waxaa saxiixey 6 nin oo qura.
Cali Garaad markii uu heley waraaqihii ey guddigu soo diyaariyeen, markiiba wuxuu u sameeyey feel oo wuxuu la dusha ka saarey tiimbare ey ku qorantahay (confidential) oo lamacno ah waraaqahan waa sir, wuxuuna dhigey arkiifka wasaaradda waxbarashada. Qoraalladaasi oo aanan dowladdii marna la horkeenin wexey ahaayeen kuwo aanan marna la faafin. Wasiirku in uu dayaco wax ka qabadka arrintan waxaa sababtey iyada oo uu si aad ah ugu mashquulsanaa in ardeydii dugsiyada loo helo barnaamij waxbarasho iyo labadii gobol oo dhowaan israacey oo manhajyadooda waxbarasho la mideeyo. Arrintaasna waxaa u daliil ah, muddo gaaban kaddib markii uu wasiirku heley goŽaankii guddiga ayaa bishii november 1961-kii wuxuu soo saarey wareegto uu ku sharxayo qaabka ey u ekaan doonto siyaasadda waxbarasho ee dalka, taas oo sida uu sheegey ujeedada laga leeyahay ey tahay " in kor looqaado mustawaha nolosha ee dadweynaha iyo in loo howl galo in la ballaariyo suugaanta soomaaliyeed .. , in lagu guuleysto waxbarasha noocan ah waa mid aasaas uŽah qarannimada soomaaliyeed, waana mid leynagu garto dhalasho ahaan iyo diin ahaanba " Wasalaamu caleykum. Saadiq Enow.
Contact: webmaster@mudugonline.com