Halgankii
Yaasiin Cismaan ee fartii Cismaaniyada
Sanadkii 1920-kii ayuu
Cismaan Yuusuf Keenadiid ku guuleystey in uu allifo xuruuf loo
adeegsado qoraalka af-soomaaliga.Xuruuftaasi waa midda
keliya ee taariikhda lagu hayo oo nin Soomaali ah uu leeyahay.
Hortiis waxaa af-soomaaliga qori jirey, dadkana bari jirey
Shiikh Yuusuf Al-kowneyn, Xaaji Cali Majeerteen iyo Shiikh Awees.
Saddexdaas ninba wexey qoraalkooda u adeegsanayeen
xuruufta
carabiga. Waxaa in laxuso mudan xilliga uu Cismaan Yuusuf fartaas
qorayey oo ahaa xilli aanan u sahlaneyn nin dhallinyaro ah oo soomaali
ah in uu fikradda noocaas ah intuu helo. Haddii uu
fikraddii heleyna, in dadaal intaas leŽeg uu ku bixiyo si
uu dadkiisa ugu helo xuruuf ey afkooda ku qortaan.
Fartaasi waa xuruufta
loo yaqaan Cismaaniya, waxaana loogu
magac darey magaciisa ah Cismaan. Fartaasi wexey tahay mid ku haboon
codka luqadda soomaaliga (phenologicaly). Isticmaalkeeduna wuxuu aad u
soo shaac baxay dagaalkii labaad kadib, markaas oo ey soomaalidu ku keydsadeen
qoraallo muhiim ah (taariikh iyo dhaqan) iyo akhbaar badan. Fartaani wexey
soomaalidu u sahashey in ey ku urursadaan suugaan badan oo taariikhi
ah sida gabeyadii la tiriyey xilligii uu socdey halgankii Daraawiishta
iyo silsiladihii gabeyadii GUBA. Waxaa kale oo fartaani ey ka soo qeyb
qaadatey halgankii gobannimo doonka oo aasaaskii Leegada waxaa wax lagu
qoran jirey fartan Cismaaniyada.
Martino Morelo oo nin talyaani
ah, wuxuu buugiisa (Il Somalo della Somalia) ku sheegey in qoraalka
Cismaaniyada uu yahay mid munaasib ku ah af-soomaaliga markii laga
eego meelo dhowr ah, matalan xuruufta uu af-soomaaliga u baahanyahay
oo laga wada helayo, ku dhawaaqista xuruufta, shaqalladeeda iyo shibanayaasheeduba.
B. W. Andrezejewiski oo ah luqadyahan (linguist) una dhashey Ingiriis,
wuxuu Martino Moreno ku raacey aragtiduu kaqabo farta Cismaaniyada.
Sidaan soo sheegney, fartaasi wexey
soo shaac-baxdey iyada oo lagu jiro halgan gobanimo doon ah, wexeyna markiiba
ku faaftey dhallinyaradii Leegada aheyd dhexdooda, wexey noqotey xuruuf
ey halgankooda u adeegsadaan. I. M. Lewis oo arrintaas qiimeynaya waxuu
yiri " Cismaaniyadu wexey u shaqeysey sidii shey wax kala sifeeya
(catalist) wexeyna xafidey waxii ugu qiimo badnaa ee dhaqan ahaa ee uu
afka soomaaligu lahaa ". Hadalkaas wuxuu Lewis ku qorey buugiisa la yiraahdo
(Modern history of Somalia).
Xirsi Magan Ciise oo kamid ah ragga
afhayeenada u ah farta Cismaaniyada, mar uu ardey ka ahaa jaamacadda kolombiya
(Colombia university) ee dalka Mareekanka, halkaas oo uu ka qaatey shahaadada
(bachelorŽs) sanadihii kontonaadkii, wuxuu ka sheekeeyey, mar ey jaamacadda
dhiganayeen in subax uu macaallin u soo galey galaaskii, markaasuu wuxuu
ku yiri ardadii : qof walba hasoo istaago oo sabuuradda ha ku qoro afkiisa
sida ey ku noqoneyso (good morning). Xirsi wuxuu yiri waxaa fasalka fadhiya
ardey ka kala yimid Carab, Jabaan, Hindi iyo kuwo ka yimid Ugaandha. Ardadii
mid walba waa uu istaagey oo fartiisii buu wuxuu ku qorey (Subax wanaagsan)
aniguna waxaan ku qorey fartii Cismaaniyada. Ardadii kayimid dalka Ugaandha
waa eey qori waayeen oo maŽeeyan qabin far qoran oo ey isticmaali kareen.
Halkaas ardadii ka timid Ugaandha wexey dareemeen in ey ardada kale ka
hooseeyaan. David D. Laitin oo nin Mareekan ah in muddo ahna af-soomaaliga
diraasaad ku hayey wuxuu tilmaamayaa in waxa khasbayey dhallinyaradii
u doodayey farta Cismaaiyada ey aheyd (sida sheekada Xirsi Magan
ka muuqata) iyaga oo doonayey in ey muujiyaan in ey soomaalidu yihiin
ummad jirta oo ummadaha kale dhinac taagan. Run ahaantiina xilligeedii
waa ey ka dhigtey ummad jirta.
Dhibaatada ugu weyneed
oo ey farta Cismaaniyada la kulantey wexey aheyd dhaqan -qabiileedka soomaaliyeed
oo wax walba la saaro misaan qabiil. Fartii ayaa miisaan qabiil la saarey,
markaasaa ninkii qorey wuxuu yeeshey abtirsiinyo reereed.
Halkaas baa qaar kamid ah siyaasiyiintii soomaaliyeed wexey u arkeen
in fartaan ey tahay xuruuf reer leeyahay. Cismaan Yuusuf, qabiilkiisa
oo Cimaan Maxamuud ah. Halkaas baa waxaa laga heley iin uu ninkii doonaya
kala diriro farta. Iintuna waa iyada oo loo nisbeeyo magacii Cismaanya
qabiilka Cismaan Maxamuud. Dicaayadda noocaas ahi wexey fududeysey
in ey abuuranto mucaarado xoog leh oo diiddan xuruuftii Cismaaniyada.
Waxaa kale oo abuurmey rag dhallinyaro ah oo ey ku abuurantey in iyaguna
ey sameystaan xuruuf si ey ula loolantamaan fartan keligeed suuqa taal.Waxaase
dhab ah in xuruuftii Cismaaniyada, iyada oo mucaaradkeedu uu aad
u xooggan yahay in ey goysey masaafo dheer oo ey ku dhowaatey in ey qaramowdo.
Dhibaato kale oo fartaas hor istaagtey baa iyana jirtey oo wexey aheyd
dareen xagga diinta ka socdey oo xoog lahaa, kaas oo raadinayey in af-soomaaliga
lagu qoro xuruufta carabiga.
Dabayaaqadii sanadihii kontonaadkii
waxaa soo xoogoobey raggii u ololeynayey in af-soomaaliga lagu qoro
xuruufta laatiinka. Waxaa raŽyigaas difaacayey ragaqoonyahanno ah
iyo kuwo kale oo kamid ahaa raggii halgankii Leegada wax kaga jirey. Wexeyna
u arkeen labo sababoodba in loo qaato xuruufta laatiinka ah. Iyada oo
aanan tabar dhaqaale looheyn in la helo madbacado iyo makiinado qora xuruufta
Cismaaniyada iyo iyada oo eeyan jirin qabiil si gaar ah u sheegan kara
xuruufta laatiinka. Waxaa raggaas markii dambe hormood u ahaa Muuse Xaaji
Ismaaciil Galaal. Muuse markiisii hore wuxuu ahaa ragga diidan xuruufta
laatiinka ah. 1954-kii mar uu London wax ku baranayey wuxuu soo saari
jirey qoraallo af-soomaali ah oo ku bixi jirey xuruuf carabi ah. Muuse
wuxuu hadda kahor yiri : " xuruufta laatiinka wexey innagu dhex abuureysaa
dhaqan ku saleysan dabaqad, taasina waa mid u adeegeysa dabaqadda aqoonta
leh oo keliya iyo dadka tirada yar oo xukunka haya. Arrintaasina wexey
mustaqbalka sababeysaa aayatiinxumi ku timaada soomaalida ". Waxaa iyana
jirtey mashruuc ey heyŽadda UNESCO waddey oo soo shaac baxay sanadkii
1966-kii oo ey rabtey in ey xuruuf laatiin ah u sameyso af-soomaaliga,
waase socon waayey.
Xuruufta carabiga soomaalida
badankood waa ey yiqiineen, wexeyna ka baran jireen dugsiyada quraanka
caruurnimadooda sida dhaqanku yahay. Waxaase dadka soomaalida ahi dhib
ku ah afka carabiga. Intaanan dowladaha khaliijka loo shaqa tegin lama
aqoon carabiga. Waxaa kale oo jirey, xataa hadduu qofku yaqaan xuruufta
carabiga waxaanan u sahlaneyn in uu af-soomaali ku akhriyo xuruuftaas.
Midda keliya oo uu carabigu kaga sito labada xuruuf oo kale wexey aheyd,
carabigu markiiba wuxuu markiiba heli karey dad qaada oo dadka bara iyo
kuwo soo dhoweeya ee barta, waayo diin ayaa laga raadinayey. Mana eeyan
jirin reero sheegan karey iyo kuwo reer ku ximiya midkoodna. Xoogga ugu
weyn ee fikraddan wadey wexey ahaayeen odeyaal ganacsato ah oo bariga-dhexe
ku xirraa. Odeyaashaa waxaa laŽoranjirey xaajiyaal, waxaana kamid ahaa
Xaaji Yuusuf Cigaal, Xaaji Diiriye, Xaaji Cabdiraxmaan Garyare,
Xaaji Maxamuud Cabdulle Dirir. Raggaasi oo rag xoolo iska leh ahaa, dhinacooda
ayey ka cadaadinayeen maamulkii Leegada (SYL) in uu qaato farta carabiga.
Xoog kale baa isna jirey oo arkayey in farta carabigu tahay waddada isku
kaaya xireysa bulshooyinka carbeed, kuwaas oo aanu u baahannahay inaan
gacan ka helno si aanu uga kaashanno dagaalka aanu kula jirno cadowga
soojireenka ah ey soomaalidu leedahay, cadowgaasina waa Itoobiya. Waayo
Itoobiya marwalba wexey gacan kaheshaa dunida masiixiyadda. Wadaaddadu
wexey ahaayeen kuwa mideynayey xoogaggaas rabey carabiga.
Dagaalkii 2-aad markuu
dhammaadey baa J. Q. K. Wexey guddoonsatey in Soomaaliya la siiyo istiqlaal,
muddo 10 sanadood ahna loo diyaariyo in ey iyadu is maamusho. Talyaanigii
wuxuu ku guuleystey in uu isagu noqdo dowladdii adduun weynaha wakiil
uga noqon laheyd Soomaaliya 10-kaas sanadood. Muddadaas 10-ka
sano ah baa waxaa dalka ka dhismey muŽasasaadyo siyaasadeed (political
institutions)
oo madax bannaan, kuwaasoo ku tartamayey ka qeybqaadashada dowladdan cusub
iyo isu diyaarinta dowladda xorta ah ee imandoonta. Waxaa xilligaas aasaasmey
xoog dhexe ee siyaasadeed (dowlad), waana markii ugu horreysey taariikhda
soomaalida oo la heley nadaam noocaas ah. Maamulkii Talyaaniga ee halkaasi
ka jirey wuxuu ku dadaaley in xuruufta carabiga iyo tan Cismaaniyada eeyan
noqon kuwo af-soomaaliga lagu qoro. Sanadkii 1949-kii wargeys Xamar
ka soo bixi jirey oo la yiraahdo (Nuovo Giornale) baa wuxuu soo qorey
maqaal uu cinwaan uga dhigey (Il problema della lingua Somala). Ninka
qorey waa uu is qariyey wuxuuna maqaalkaas kaga cabanayey faragelinta
uu Talyaaniga ku hayo qorista farta af-soomaaliga. Wuxuu qoraagu codsadey
in dadka soomaalida ah loo daayo howlaha la xiriira afkooda hooyo iyo
qoristiisa. Talyaaniga oo arrintaas ey ku weyneed marna kama uusan harin
in uu talo ku yeesho howshan, wuxuuna dhisey guddi howshan diyaariya kuna
xiran isaga. Dhismaha guddigan wuxuu dhacay intaanan la dhisin golihii
degaanka (Territorial Council), si uusan goluhu wax raŽyi ah ugu yeelan
guddiga far-soomaaliga.
Talyaanigu wuxuu rabey in uu
abuuro luqad uu isagu saameyn ku leeyahay, taas oo looga shaqeeyo xafiisyada
dowladda, dugsiyadana lagu dhigto. Talyaaniga waxaa ka horyimid mucaarado
adag oo uu xooggeedu ka imanayey dhallinyaradii Leegada, kuwaas oo qodobadey
degsadeen kiisa 4-aad uu dhigayey in la dejiyo barnaamij lagu horu marinayo
afka soomaaliga iyo in farta Cismaaniyada loo qaato xuruuf lagu qoro af-
soomaaliga. Ragga qodobkaas fulintiisa ey Leegadu u xilsaaratey waxaa
odey u ahaa Yaasiin Cismaan Yuusuf. Yaasiin wuxuu ahaa ninka ka dambeeyey
siyaasaddii Leegada ee sanooyikaas hore qeybteedii ku wajahneyd qorista
af-soomaaliga.
Yaasiin wuxuu ku dhshey magaalada
Hobyo 1919-kii. Halkaas oo caruurnimadii uu ku bartey quraanka.
Magaalada Xamar wuxuu yimid markuu jirey 15 sano, markaas oo uu bilaabey
in uu barto carabiga iyo talyaaniga. Xilligii uu Ingiriisku dalka joogey
Yaasiin wuxuu bartey afka ingiriisiga. Xilliyadaas buu wuxuu u istaagey
in uu xoojiyo in farta Cismaaniyada ey ku faafto dalka. 1949-kii Yaasiin
wuxuu ahaa ninkii lahaa talooyinkii ey Leegada u kaalmeystey
xagga dhaqanka. Talooyinkaas waxaa kamid ahaa :
1 - in la baaro lana ururiyo dhammaan buugaagta ka hadlaya af-
soomaaliga, iyo in la badiyo lana faafiyo buugaagtaas.
2 - in diraaso lagu sameeyo sidii loo heli lahaa xuruuf soomaaliyeed
(far-soomaali) oo qoran.
3 - in afka soomaaliga loo isticmaalo xiriirrada bulsho ee kala duwan.
6 - buugaagta qiimaha leh oo ey dadyowga kale qoraan in lagu turjumo af-
soomaali.
9 - af-soomaaligu waa in lagu dhigaa dugsiyada dalka.
10- in la baadi goobo qalabkii loo adeegsanlahaa in lafaafiyo buugaag
af- soomaali ku
qoran.
Waxaa nasiib darro noqdey dhaqdhaqaaqii
uu Yaasiin bilaabey ee farta Cismaaniyada in uu dhexgaley loolankii Leegada
dhexdeeda ka socdey ee 2-da xoog (qabiil) dhexyiil, kuwaas oo ahaa (xoogga
Hawiye iyo xoogga Daarood). Xooggii Daaroodka wuxuu ku yaraa maamulkii
uu Talyaanigu sameeyey ee maxmiyadda ahaa, sidaa darteed buu wuxuu lumiyey
awoodii uu Leegada ku heystey. Bishii Meey 1949-kii Xaaji
Maxamad Xuseen baa waxaa loo doortey in uu Leegada odey (presedent) ka
noqdo. Xoghayena waxaa loo doortey Cabdullaahi Ciise. Xaaji Maxamad
Xuseen wuxuu u dhashey reer Xamar, Cabdullaahi Ciise isagu waa (Sacad
- Hawiye). 2-daas masuul midkoodna marabin farta Cismaaniyada in
ey noqoto mid soomaalidu ey wax ku qorato. Taasi wexey dhalisey isbeddel
xoog leh ee ku yimaada barnaamijkii Leegada ee ku wajahnaa qorista afka
soomaaliga. Xaaji Maxamad Xuseen oo 3 sanadood keliya ayuu hayey xafiiskii
maamulka Leegada, wuxuuna raad xoog leh ku yeeshey siyaasaddii qorists
af-soomaaliga. Xaaji Maxamad wuxuu watey aragti u janjeerta carabta (Naasiriya).
Wuxuu u safri jirey Qaahira, halkaas oo uu raadiyaha Qaahira ka sii deyn
jirey barnaamij ah dicaayadaha reer galbeedka. Dagaalkii uu Xaaji Maxamad
qaadey wuxuu Leegadii ku reebey 2 arrimood :
1 - In aan fartii Cismaaniyada loo aqoonsan xuruuf af-soomaaliga lagu
qoro.
2 - Af-soomaaliga in uusan noqon afka ey Leegada ku shaqeyneyso
(official language),bal uu af-carabigu noqdo afka rasmiga
ah.
Bishii abriil 1950-kii, waraaq (memorandum)
ka soo baxdey xafiiska maamulka Leegada wexey sheegeysey in ey soomaalidu
guddoonsadeen in afka carabigu uu noqdo afka Soomaaliya laga qoro, kaas
oo ey dadyowga kalena isku fahmaan (internatinal language) waraaqdaas
wexey ku socotey maamulihii talyaaniga oo magaciisa laŽoranjirey Fornari.
Waraaqdu wexey sheegeysey qodobadan hoos ku qoran :
1 - Xoghayaha guud ee ururka Leegada Cabdullaahi Ciise, dhowaan wuxuu
socdaallo
ku soo marey dalka oo dhan. Xoghayuhu wuxuu baarey
lahjadaha kala
duwan oo ey soomaalidu ku hadlaan, kamana uusan helin
mid laga cabbir-qaadan
karo si loogu qoro afka-soomaaliga.
2 - Afka carabiga oo ah mid ey xuruufttiisu aad u badantahay, waxaa
adag in af-soomaali lagu turjumo. Haddaba haddey soomaalidu
u
suurto-geliweydey in ey habeystaan afkoodii hooyo,
waxaa nala
haboonaatey in luqada carabiga ey noqto luqada
caamka ah, taas oo
soomaalida fursad u siineysa in ey is af-fahmaan dadyowga
dunida
kula nool. Waxaa kale oo afka carabigu u kexeynayaa
(oo uu
tusinayaa) dadka soomaalida ah badweyn dhaqan ah oo
aan xad laheyn.
Waxaa kale oo luqada carabiga aanu ka heleynaa iskaashi
dhaqan iyo
mid siyaasadeed oo aannu la yeelanno dalalka muslinka
ah ee aan
walaalaha nahay. Kuwaas oo aanu wada rumeysannahay
Ilaah keliya,
rasuulkiisa Maxamadah (s. c. w.) iyo kitaabka muqaddaska
ah ee
quraanka.
Arrintaasi wexey
baansiin kusii shubtey khilaafka aragtiyeed ee ka dhexeysey Xaaji M. Xuseen
iyo Yaasiin Cismaan. Waxii maalintaas ka dambeeyey wargeysyadu wexey soo
qori jireen maqaallo ey isaga soo horjeedaan ragga labada aragti kala
qaba. Xaaji M. Xuseen wuxuu mar walba sheegi jirey in afka carabiga uusan
aheyn mid ajnebi kuŽah dalka Soomaaliya, wuxuuna ku eedeyn jirey
Yaasiin in uu wato aragti reer Yurub Taasaana ka dambeysa fikradda daafaceysa
farta Cismaaniyada. ahna raggaas bey ka socotaa.
Yaasiin isaga oo taas
ka jawaabaya wuxuu qoraalladiisa ku qori jirey in uu ogsoonyahay in luqadda
carabiga ey tahay luqaddii diinta Islaamka, Islaamkuna uu yahay diinta
ey dadka soomaalida ahi aaminsanyihiin, laakiin haddaan soomaali nahay
carabigu maahan luqadayadii koowaad, mana ahan afkayaga hooyo. Wargeys
Xamar kaas oo bixi jirey oo laŽoranjirey (Corriere della Somalia), iyada
oo hadalka Yaasiin dabataagan baa nin reeraha X.Maxamad ah wuxuu soo qorey
maqaal markey taariikhdu aheyd 20/6-1952-kii, kaas oo uu ku sheegayo
in rerka uu Xaaji M. Xuseen ka dhashey ey mararka qaar u arkaan af-soomaaligu
in uu agtooda ka yahay luqad ajnabi. 24/7-1952-kii golihii fulinta ee
Leegada wexey guddoonsadeen goŽaan ey faafiyeen oo ah " luqadda carabiga
waa luqadda dalkan waana luqadda ey Leegada ku shaqeyneyso waana luqadda
dadweynaha soomaaliyeed. Luqaddan carabiga ah Ilaah baa ina siiyey, waana
taanu ku dhexgeleyno dunida Islaamka ".
Buugga layiraahdo (politics,
Language and Thought) ee uu qorey D. D. Laitin wuxuu ku sheegey (safxadda
99-aad) in ey jirtey heshiis qarsoodi ah ee 1951-kii dhexmarey masuuliintii
Leegada iyo maamulkii Talyaaniga. Heshiisku wuxuu ahaa luqadaha dalka
lagaga shaqeeyo ey noqdaan Carabi iyo Talyaani. Halkaas waxaa ka muuqata,
carabiga loo doodayo in uu yahay oo keliya talyaaniga oo loo gogol-xaaro.
Waayo talyaaniga si toos ah loollanka uma soo geli karo oo waxaa loo arkaa
luqad isticmaar. Cismaaniyada oo aad u faafsaneydna habka keliya oo looga
hortegi karey waa iyada oo carabiga laqaato. Heshiiskaasi wuxuu si dhab
ah u wiiqey fartii Cismaaniyada.
Xilligaas 2 arrimood
baa isbiirsadey, midi waa ururada diiniga ah oo xoog lahaa, midda kalena
waa dowladda masaarida oo aad u xiiseeneesey in ey Soomaaliya noqoto dal
afka carabiga lagaga hadlo. J. Q. K. mar ey damacdey in ey horumariso
qorista
af-soomaaliga, nin masaarida u fadhiyey halkaas baa wuxuu sheegey in ey
tahay loofarnimo in luqad cusub loo raadiyo soomaalida. In laqaato luqadda
carabiga xilligaas raŽyi xoog leh buu ahaa. Waxaa kale oo xooganaa ururada
raŽyigan raacsanaa, wexeyna ahaayeen odeyadii leysku oranjirey xaajiyaal
iyo urur laŽoranjirey (Somalia Conference).
1952-kii Xaaji Maxamad
Xuseen wuxuu u safrey Qaahira. Jinaaxii reeraha Hawiye ee Leegada aad
buu u xoogoobey, doorashadii ey S. Y. L. gashey 1956-kii waxaa muuqatey
qolada codkoodu badnaa in ey iyagu ahaayeen. Doorashadaasna waa tii u
dambeysey ee uu talyaanigu dabadeed sallimi lahaa talada. Maamulkii talyaaniga
wuxuu Cabdullaahi Ciise u doortey raŽiisul wasaarihii ugu horreeyey taariikhda
oo ey dowlad soomaaliyeed yeelato. Aadan Cabdulle Cismaan wuxuu heley
doorashadii loogaley xafiiska Leegada. Halkaas waxaa maamulkii gacanta
ku dhigey siyaasiyiin katirsan beelaha Hawiye, talyaaniguna taas ayuu
fadilayey. Nin talyaani ah oo la yiraahdo (Castagno) oo arrintan wax ka
qorey wuxuu sheegey " markii uu ingiriisku ku guuleystey Soomaaliya wexey
muujiyeen in ey xiriir fiican la yeeshaan beelaha Daaroodka ah, halka
uu maamulkii talyaaniga ahmiyadda siiyey beelaha Hawiye"
(fiiri Castagno pp 523-22) .
Guushii ey heleen
2-daas siyaasi wexey dhaawac weyn ku noqotey fartii Cismaaniyada. Markiiba
wexey fuliyeen guddoon ahaa in luqadda carabiga ey noqoto tan ugu xoog
badan dalka Soomaaliya. Waxaa kale oo ey guddoomiyeen in dadka xubnaha
kaŽah ururka Leegada in laga mamnuuco xuruuf kale in ey wax kuqoraan.
Taasi wexey muujisey isbedel ku yimid fikraddii hogaamiyayaashii ururkii
Leegada. GoŽaankaasi wuxuu dhaliyey, Cabdullaahi Ciise oo raŽiisul wasaare
ah sanadkii 1957-kii mar uu isku deyey in uu maqaalaad ku soo qoro
wargeys Xamar ka soo baxi jirey, maqaalaadkaasi wexey ku qornaayeen af-soomaali
wexeyna ku soo bexeen xuruuf laatiin ah, kadib markii uu 2 maqaal qorey
waxaa ka horyimid dadweynihii oo ku khasbey in uu joojiyo.
10-kii sano ee dowlad
hoosaadka la heystey, doodihii ugu waaweynaa ee dalka ka dhacayey wexey
ku saabsanaayeen qorista dejinta xuruuf af-soomaaliga lagu qoro iyo qaadashada
afka carabiga. Yaasiin Cismaan wuxuu marwalba sidey calanka Cismaaniyada.
Isku si buuna u difaaci jirey xilliyadii kala duwanaa ee la soo marey,
haddey ahaan laheyd bilowgii 50-aadkii ee uu maamulkii talyaaniga isballaarinayey
iyo haddey ahaan laheyd dorashadii 1956-kii wixii ka dambeeyey. 7/3-1952-kii
waxaa jirey maqaal uu Yaasiin ku qorey wargeyskii (Corriere della Somalia),
maqaalkiisaas wuxuu cinwaan uga dhigey " La nostra lingua modre " wuxuuna
ku caddeeyey in soomaalidu ey ummadaha kaga duwantahay iyaga oo ku hadla
luqad qura. Wuxuu isbarbar dhigey luqadaha ingiriiska, talyaaniga iyo
faransiiska si uu u muujiyo in lahjadaha af-soomaaligu ey yihiin luqad
mid ah ee aan weli kala farcamin. Wuxuu mataal u soo qaatey wadamo Islaam
ah sida Baakistaan, Iiraan iyo Indooniisiya, isaga oo muujinaya in aad
luqadaadii xafidan karto adiga oo luqadii diintaadana (carabiga) baranaya.
Wuxuu maqaalkiisii ku soo gabagabeeyey, caruurta oo yaraantooda
labaraa luqad ajnabi wexey la macna tahay adiga oo siiyey wax qiimaheedu
uu liito, markii loo eego barashada afkooda hooyo, taariikhdooda iyo halyeeyadooda.
Wuxuu tilmaamey in kuwan yaraantooda af-talyaaniga bartaa ey u arkaan
afkii soomaalida luqad ey ku hadlaan " dad aanan akhlaaq laheyn oo aanan
wanaagsaneyn ", kuwa carabiga bartaana ey u arkaan af-soomaaliga af ey
leeyihiin " dad diinta kadheer ee xagga Ilaahey dembiilayaal ka
ah ", kuwa ingiriisiga bartaana ey inoo arkaan " dad sabool ah ee hooseeya
". Sidaas buu Yaasiin wuxuu ku noqdey nin difaaca oo u dooda guud ahaan
af-soomaaliga, dareenkaasna wuxuu heley xilli uu af-soomaaligu u baahnaa
in laga difaaco luqado duulaan ku ahaa oo loo diyaariyey in ey booska
af-soomaaliga iyagu galaan. Waxaa luqadahaas safka hore kaga jirey carabiga
iyo talyaaniga, garaadka dadka soomaaliyeedna ma gaarsiisneen in ey arkaan
waxaan ku soo socda.
waa socotaa.
From Saadiq Enow.