MudugOnline

Asalaamu caleykum waraxmatullaah. Farriintii lixaad ee Taariikhdii fartii Cismaaniyada 30/ 10- 1969-kii, Saraakiishii G. S. ee K. wexey soo saareen bayaan ey ugu magac dareen Axdigii Kacaanka, kaas oo ka koobnaa 13 qodob oo tilmaamayey siyaasaddooda dibadda iyo gudaha. Waxaa kamid ahaa qodob ey ku tilmaamayeen la dagaalanka aqoon darrida iyo qorista xuruuf af-soomaaligu leeyahay. Markii ey 15-bilood jirsatey dowladdii Kacaanka aheyd wexey qaaddey tallaabadii ugu horreysey oo ey ku tiigsaneysey xuruufta af-soomaaliga. Bishii janaweri 1971-kii ayaa saraakiishu wexey magacaabeen guddi cusub. Guddigaas oo ahaa kii afaraad oo loo magacaabo xuruufta muddadii la heystey madax bannaanida, wexey muhimaddiisu aheyd in uu soo habeeyo kana soo shaqeeyo arrimahan hoos ku xusan : 1- In ey qoraan buugaag wax loogadhigo caruurta dugsiyada hoose dhigta. 2- In ey qoraan naxwaha af-soomaaligu leeyahay. 3- In ey u howl galaan sidey u soo saari lahaayeen qaamuus af-soomaali ah oo ka kooban 10.000 oo erey. Sida muuqata, xubnaha guddiga lagama codsan in ey iyagu doortaan xuruuftii lagu qori lahaa af-soomaaliga, maxaa yeeley G.S. ee K. ayaa guddoonsadey in ey siyaasadeeyaan goŽaanka lagu gaarayo doorashada xuruufta af-soomaaliga, si iyaga oo keliy ey u yeeshaan guddoonka.

Haddii ey taasi hirgashona waxaa muuqata in jeneraal Siyaad uu noqonayo ninka keliya oo goŽaanka xuruufta yeelan doona. Inbadan oo kamid ah raggii luqadaha xuruufta u doodi jirey waxaa lagu soo darey guddigii. Waxaa raggaas kamid ahaa : 1- Yaasiin Cismaan Keenadiid, wuxuuna guddiga kaŽahaa xubin firfircoon. Yaasiin xuruufta Cismaanyada ee uu u doodayey waxaa dhigey aabihiis Cismaan Yuusuf, isaga ayuuna ka bartey. Yaasiin isaga oo kaashanaya aqoontiisa ayuu habeeyey kaddib markii uu diraasaad ku sameeyey af- soomaaliga. Yaasiin oo aqoon sare u lahaa culuumta aasaasiga u ah afafka, wuxuu guddiga u noqdey macallin ey ka casharro qaataan. 2- Xirsi Magan Ciise oo si xoog ah ugu doodi jirey Cismaaniyada, xilligaasna hayey dugsi uu maamule kaŽahaa oo lagu baranayey xuruufta Cismaaniyada. 3- Xuseen shiikh Axmad Kadare oo isna fartii uu soo bandhigey sanadihii 1961-kii iyo 1966-kiiba ey guddiyadii ku qiimeeyeen in ey tahay mid la qaadan karo. 4- Ibraahim Xaashi Maxamuud oo hoggaaminayey ragga udoodayey xuruufta carabiga ah, isna xubin buu guddiga kaŽahaa, wuxuuse la shaqeeyey lix bilood oo keliya, dabadeed waa uu dhintey. 5- Muuse Xaaji Ismaaiil Galaal oo xilligaas ahaa ninka ugu cod-dheer ragga u dooda xuruufta laatiinka qudhiisu waa la magacaabey, laakiin xanuun hayey dhowr bilood awgiis baa wuxuu dhaawacay firfircoonidiisii iyo niyadii wanaagsaneyd ee uu howsha u haayey. 6- Shire Jaamac Axmad oo ahaa ninka fartiisa laatiinka ah la doortey sanadihii 1961-kii iyo 1966-kii, isagu kuma uusan jirin guddiga markii hore, mardambe buuse ku soo biiri doonaa. 7- Axamad Cali Abokor oo la dhashey Ismaaciil Cali Abokor (sarkaal ka tirsan G.S. ee K.) wuxuu ahaa xubin ku cusub howsha, isaga ayaana guddoomiye looga dhigey guddiga. Ragga ka jooga guddigii 1961-kii wexey ka xumaadeen qaabka guddiga cusub lagu doortey. Waxyaabaha ey dhaliilayeenna waxaa kamid ahaa iyada oo guddiga lagu soo darey rag aanan aqoon iyo khibrad toonna howshan u laheyn.

Fadhiyadii u horreeyey oo ey guddigu galaan, aad baa looga doodey aragtiyaalkii kala duwanaa oo horey u jirey. Waxaase jirey qaar kamid ah raggii howshan muddada ku soo jirey in ey fadhiyada marka leysugu yimaado ey aamusi jireen. Sababtuna wexey aheyd iyaga oo fahamsanaa in dowladdan cusubi, sidii kuwii ka horreeyey, ey dooneyso in ey gool siyaasadeed ku gaarto magacaabidda guddigan. Arrintaasna waxaa ka marag ah in guddiga loo diidey in ey ka doodaan fartii lagu qori lahaa af-soomaaliga. Waxaa iyaguna jirey rag guddiga kamid ah oo qabey in goŽaanka lagu dooranayo xuruufta ey dowladdu yeelato, raggaasina wexey ahaayeen ragga u doodayey laatiinka. Waxaa la oran karaa wexey filayeen in goŽaanka dowladdu uu u hiilinayo aragtidoodii aheyd doorashada xuruufta laatiinka. Muuse X. Ismaaciil oo isagu kamid ahaa ragga mar-walba bareerahooda cadeysan jirey, waraaq uu u qorey guddoomiyihii guddiga ayuu ku muujiyey raŽyigiisa ah in dowladda ey yeelato goŽaanka xuruufta af-soom! ! aaliga. Qoraalkii Muuse waxaa kamid ahaa sidatan : " ............ . Aniga oo tixraacaya dhibaatooyinka lagala kulmey qorista af-soomaaliga, in xilligaan la magacaabo guddi sideenaas oo kale ah, waa arrin aanan munaasib aheyn sababtan hoos ku xusan awgeed : Diraasadka lagu baarayey in la helo far lagu qoro af-soomaaliga wexey qaadatey 50 sanadood. Dariiqaas dheer ee la soo marey, natiijadiisii wexey noqotey in ey soo baxaan 30 qoraal oo nadaamkoodu kala duwan yahay, kuwaas oo ey soo bandhigeen guddiyadii ey dowladuhu dooran jireen iyo shakhsiyaad Soomaali ah ……… . Waa ey wanaagsanaan laheyd in 30-koodaas lagala soo haro afar oo keliyah, dabadeedna afartaas diraasaad lagu sameeyo. Arrintaasi baahideeda waa mid iska cad. Intaasi dabadeed waxaa imanaya waajibkii dowladda saarnaa. Kaas oo ah in ey soo gabagabeyso howshan oo ey iyadu doorato xuruuftii ey dhaqan gelin laheyd. Haddaba yaanan kubadda gadaal loo celin iyo halkey beri hore tiil.

Inooma muuqato sabab kale oo aanan ka aheyn in goŽaan la gaaro ……… Looma baahna in diraasaad kale la sameeyo ……… Dhibaatada xalkeedii weli lama hayo. " Muuse wuxuu waraaqdan qorey 6/6-1971-kii. Fiiri National Language Commission. Guddoomiaha guddiga Axmad Cali Abokor, isagu wuxuu mar waliba xusi jirey dhibaatooyinka taariikheed ee laga soo marey baadigoobka xuruufta. Mar uu arrintaas wax ka sheegey wuxuu yiri : " ...... . Nasiibka uu afkayagii yeeshey baa wuxuu yahay in uu noqdey kubbad dhextiil baarlamaankii iyo dowladii, dadweynuhuna firimbiga ayey u hayeen. Maamulkii jirey musuqmaasuqii baa intuu ka xoog batey wuxuu gaarey in af-soomaaligii la rafaadsho, dabadeedna uu noqdo wax dhintey sidiis oo kale. " National Language Commission, Report, p. 2 . Axmad Cali Abokor wuxuu doonayey oo uu ku dadaalayey in howsha guddiga ey socoto. Taasina waa uu ku guuleystey. Dhowrkii bilood ee ugu horreeyey, guddigu wexey soo saareen afar buug oo laga barto af-soomaaliga, lix buug oo ah xisaab iyo culuum (science), labo buug oo iyana ah joqoraafi iyo taariikh, iyo hal buug oo qaamuus soomaali ah, kaas oo ey ku qorantahay 10.000 xaraf. Xarfahaasi waana la guuriyey waana la qeexey. Guddigu wuxuu isu qeybiyey guddi-hoosaadyo ka dooda caqabooyinka kala duwa ee hor taagan howlaha guddiga kuwaas oo kala ah luqadda, xisaabta, culuumta, joqoraafiga, taariikhda, qaamuuska iyo ereybixinta cilmiga ah. Guddi-hoosaadyadu waxaa mid walba la siiyey xorriyad buuxda oo howshiisa ku saabsan si uu ula kaashado qof-kasta oo ey is yiraahdaan waxbuu idin ku kordhinayaa , iyo buug-kasta oo ey filayaan in ey kaashan karaan. Waxaa kale oo la siiyey jadwal ey ku shaqeeyaan si ey muddo xaddidan u soo! ! gabagabeeyaan howshooda. Fadhiyada guddigu wexey ka dhici jireen qol ey ka caariyeesteen wasaaraddii waxbarashada, halkaas oo ey kulamadooda ku qabsan jireen. Guddiga oo ku khasbanaa in ey luqad ajnabi wax ku qortaan, wexey isku af-garteen in ey howlahooda u kaashadaan afka Ingiriisiga.

Sida dhabta ah guddiga bilowgii fadhiyadiisa waa uu iska fogeeyey xarfaha laatiinka ah. Sida lagu soo warramey, guddigu waxyaabo badan ayey ku qorteen farta Cismaaniyada. Laakiin 21-kii buug ee uu guddigu soo saarey dhamaadkii sanadkii 1-aad oo ey jireen, wexey ku soo baxeen xuruufta laatiin. Taasina wexey ka dambeysey kadib markii ey guddigii dhex timid siyaasaddii jajuubka aheyd oo ey ciidamadu ku maamulayeen dalka. Guddoomiyaha guddiga Axmad Cali Abokor, isaga oo magaca guddiga ku hadlaya, mar uu arrintaas wax ka sheegey wuxuu yiri : "In far qura la doortaa, taas oo ah farta Romaanka ah waa mid uu gudoonsadey guddiga ……… taasaana haboon ". National Language Commission, Report, p. 9 . Waxaa in la xuso mudan in intaanan guddigan cusubi loo xil saarin howlaha lagu baadi goobayo xuruufta ey G.S. ee K. qaadeen tallaabooyin ey ku muujinayaan wejiga ey yeelan doonto siyaasadda dowladdan cusub. Tallaabooyinkaas waxaa kamid ahaa : 1- 10/ 1- 1970-kii waxaa laŽaasaasey maxkamaddii badbaadada. 2- 15/ 2- 1970-kii waxaa laŽaasaasey ciidamadii nabad-sugidda. 3- 27/ 4- 1970-kii waxaa si foolxun gurigiisii loogala baxay ku xigeenkii hoggaamiyihii Kacaanka jeneraal Jaamac Cali Qoorsheel. 4- 10/ 9- 1970-kii waxaa la soo saarey xeer ka kooban 26 qodob oo ciqaab ah, kuwaas oo ey ugu sarreysey dil toogasho ah, ugun hooseyso xabsi daaŽin. 5- Bishii may 1971-kii waxaa xabsiga loo taxaabey saddex sarkaal oo labo kamid ah ey ka tirsanaa G.S. ee K. iyaga oo lagu tuhmey af-gembi, kaddibna dil baa lagu xukumey, waana la toogtey. Arrimahaasi, guud ahaan wexey raad ku yeesheen noloshii bulshada soomaaliyeed, gaar ahaanna doodihii dhexmarayey xubnaha guddiga iyo howlihii ey wadeen. Ragga dowladda hoggaaminayey wexey ahaayeen rag ciidamo ah, wexey la yimaadeen nadaam ka duwan kii dowladihii rayidka ahaa. Taasi wexey ka muuqatey xataa xiriirkii ey dowladdu la laheyd guddigii la magacaabey. Sidaa darteed buu guddigu u noqon waayey mid madax bannaan, balse wuxuu ahaa mid si dadban u hoos imanayey dowladda. Xubno ka tirsan G.S. ee K. ayaa si joogto ah u soo booqanayeen fadhiga guddiga. Bishii febraayo 1971-kii, xogheyihii waxbarashada gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar (Majeerteen) baa wuxuu soo booqdey guddigii, hadalladuu kula hadleyna waxaa kamid ahaa : " ......... . MaŽaan doonayo in aan idin ku adkeeyo muhimadda ey leedahay in golaha sare ee kacaanka ey dusha saartaan arrintan aad wadaan, iyaga oo wax walba u huraya qarankooda, taas oo idinka qudhiinnu aad masuuliyadeedii qaadeen ……… . Waxaa maanta macquul ah in la gudagalo si xal loogu helo suŽaasha ku saabsan luqadda qaranka soomaaliyeed. Arrin ka gedisan howsha sidii ey ku socotey baan idin tusaaleynayaa, wexeyna tahay in tabarta meel laŽ isugu geeyo oo aannu diyaarinno waxkasta oo qalab laŽadeegsado ah inta eeyan soo bixin fartii qorneyd. Arrinta cusubi taas weeye, in la fuliyana wakhtigeedii baa lajoogaa. .......... ". Fiiri (National Language Commission, Report .) Jeneraal Maxamad Siyaad, qudhiisu inbadan ayuu la kulmey guddiga howshan wadey. Bishii apriil 1971-kii, jeneraalku wuxuu guddiga dhammaantood uu ku casumey halkii uu degganaa (saldhiggii Aviazione) si uu ugu muujiyo ujeeddada uu ka leeyahay howshan. Xilligaasna wuxuu ahaa mar ey xukuumadatan cusubi ey dadweynihii cabsi ku ridey oo ey gacan adag wax ku maamuleysey. Dhan kale dadweynuhu wuxuu si xoog leh u soo dhoweeyey axdiyadii uu Kacaanku soo saarey, taageero buuxdana waa ey isla garab taageen. Labadaas arrimood baa maamulkii Kacaanka wexey siiyeen fursad ey ku xiraan, eryaan ama dilaan qofkasta oo ey u arkaan in uu cadow ku yahay siyaasadooda, iyada oo aanan loo aaba yeeleyn hadduu yahay siyaasi, ardey, wadaad ama reer miyi. Isku si baa dhammaantood loola dhaqmayey marba haddey qabaan aragti ka soo horjeeda maamulka dowladda.

Xilligii sida xorta ah loo hadli jirey waa uu dhamaadey. Xubnaha guddigu runtii wexey ka baqayeen in ey talo ka dhiibtaan doodda lagaga wadahadlayo howlaha loo xil saarey. Waxaa bilaabatey xataa dhexdooda in ey kala baqaan oo ey iskula dhici waayaan in ey aragtiyaalka si xor ah isu weydaarsadaan. Ficilka uu madaxweynuhu qaadeyna wuxuu baabiŽiyey doodihii xorta ahaa iyo talooyinkii ey shakhsiyaadku ka dhiiban jireen ee ku wajahnaa qorista af-soomaaliga. Madxweynuhu wuxuu ku guuleystey in uu guddigii kala qeybiyo si ey isku khilaafaan dabadeedna muddo sanad ah kadib ey kala yaacaan. Markuu la kulmey wuxuu kuyiri : " ...... . Guusha ey guddigu gaareen waa mid aad u ballaaran, xaqiiqada jirtaase wexey tahay, heshiiska sida qoraalkiisa ku xusan, kuma eeysan jirin in aad ka doodaan suŽaasha ku saabsan xuruufta la qoridoono, ama waxkale oo geysan kara dhaawac. Waxaa si waadix ah loo fahmayaa in xuruufta af-soomaaliga lagu qori doono ey tahay mid Golaha Sare ee Kacaanku uu hirgelin doono inteeda dhiman. Sidaa darteed ragga guddiga Kamidka ah, gaar ahaan ragga taageersan qorista af-soomaaliga, wexey yihiin keyd, umana bannaana in ey wax howlgal ah ka sameeyaan meelaha ey dadweynaha isugu yimaadaan iyo meelaha kaleba, si eeyan u dhalan shaki ah in xuruuftii leysku hayey qaarna ey noqdaan kuwo brabogaando loo sameeyo qaar kalena ey u muuqdaan kuwo laga tago ." Fiiri ( National Language commission, Report, p. 10 . ) Halkaas waxaanu ka fahmeynaa culeyska guddiga ku yimid iyo xilka ey sideen suu u kala duwan yahay. Natiijadii ka soo baxey howlihii guddiga iyo kutubtii ey qoreen waxaa la wareegey dowladda, waxaana laga dhigey sir oo lama baahin.

Sanadkii 1972-kii guddigii weli waa uu jirey, wax la hadli jireyse oo xagga dowladda ka socdey maŽeeyan jirin. Guddigu wexey is weydiin jireen howshoodii in ey intaas kuŽekeed iyo in kale. Golihii Sare ee Kacaanka mayeelin in ey guddigii si furan ula doodaan ama ey raŽyigooda u sheegaan. Waxaa leys weydiin karaa Golihii Sare mow dhamaayeen howshan. Runtu wexey tahay in jeneraal Maxamad Siyaad keligiis uu hoggaanka u hayey maamulkii dalka. Waxaanu soo aragney in soomaalidu ey shaki weyn ka qabeen xuruufta laatiinka. Waxaa jirtey in haddii xuruufta laatiinka ah la soo hadal-qaado, kooxda markiiba dhawaaqeeda la maqlayey ey ahaayeen wadaaddada. Dadka Soomaalida ahi waa dad aad u xushmeeya dadka diinta xambaarsan. Jeneraal Siyaad, arrintaasi wexey ku abuurtey cabsi uusan ka qabin kooxda Cismaaniyada raacsan. Waxaa jananka u muuqatey in wadaaddadu eeyan marna aamuseynin haddii uu laatiin doorto. Sidaa darteed buu qaar kamid ah xubnihii Golahiisii Sare u direy in ey booqasho ku kalabixiyaan qaar kamid ah dugsiyadii quraanka ee magaalada Xamar. Waxaa kale oo macallimiintii dugsiyada qouraanka loo furey seminaaro lagu wacyi gelinayo ujeeddada dowladda, isla markaasna lagu cabsi gelinayo si eeyan isugu deyin in ey dowladda ka hor yimaadaan, falkasta oo ey ku kacdo. Gaashaanle Cismaan Maxamad Jeelle oo kamid ahaa guddi laŽoran jirey (Ext! ! raordinary Commission) wuxuu ka hadli jirey seminaarada wadaaddada loo qabto. Bishii abriil 1972-kii, mar uu Jeelle la hadlayey koox wadaaddo ah oo meel seminaar loogu furey wuxuu ku yiri : " ...... . Waa in aad beddeshaan wejiga dugsiyada, waa in aad casriyeeysaan, waa in dugsiyada laga dhigo duruusta maaddiga ah waana inaad howlaha dowlada la socotaan ........ ". Waxaa laga soo xigtey wargeyska Dawn 16/ 4- 1972-kii Toddobaadkii xigey, sarkaal xiddigle ah oo la yiraahdo Ismaaciil Baaruud baa wuxuu la kulmey 24 macallin ee dugsi quraan. Wuxuu ku dhiirri geliyey in ey naftooda casriyeeyaan, caruurta ey hayaana u diyaariyaan sidii ey waxbarashadooda u sii kororsan lahaayeen. Labada kulanba waxaa lagu soo qorey wargeyskii Xamar ka soo bixi jirey ee afka dowladda ku hadli jirey DAWN.

Kulamadaas wexey ahaayeen sahan lagu eegayey bulshadii wadaaddada laŽoranjirey. Dowladduna wexey u muujisey signaal loo turjuman karo in eeyan wadaaddadu isku deyin in ey dowladda la loolantamaan goŽaan kasta oo ey gaarto. Waxaa kale oo ey u muujinayeen dowladihii jirey iyo tan farqiga u dhexeeya in uu yahay in ey midatan tahay dowlad ciidameed.

Wasalaamu caleykum waraxmatullaah. Saadiq Enow Waa socotaa....

 


Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001