MudugOnline

Asalaamu Caleykum Waraxmatullaah. Farriintii toddobaad ee Taariikhdii fartii Cismaaniyada Golihii Sare ee Kacaanku wuxuu si cad u muujiyey in ey iyagu leeyihiin doorashada xuruufta af-soomaaliga lagu qori lahaa. Aqoonyahannadii soomaaliyeed, ee howshan soo wadey illaa iyo xilligii dagaalkii labaad ee dunida, waxaa laga xayuubiyey wixii talo ahaa oo ey ku lahaayeen doorashada xuruufta. Weliba intaa loogama harine, maamulkii ciidamadu wexey bililiqeysteen natiijadii ey aqoonyahannadu ka diyaariyeen diraasaadkii ey muddada dheer ku howlanaayeen. Xubnihii guddiga intoodii aanan arrinkaasi ku qancin, waxaa kale oo intaa u weheliyey handadaad iyo afxumi uga imanayey xagga maamulka. Labo sabab ayaa jirey oo uu hoggaankii maamulkii Kacaanku uu falka noocaas ah u sameynayey. Midi wexey aheyd arrin muuqata oo la wada garanayey, taas oo aheyd in la soo af-jaro khilaafka aragtiyeed oo muddada dheer ka taagnaa xulashada xuruufta af-soomaaliga. Arrinka labaad wuxuu ahaa in maamulka Kacaanku ey mahad ka raacdo howshan taariikhiga ah oo raggaas aanu ka soo sheekeyney uu cimrig! ! oodii intiisii badneyd kaga baxay diraasaad iyo diyaarin ey ku xaqiijinayeen himiladaas qiimaha badan. Taasina wexey kamid aheyd mashaariicdii ey dadweynaha soomaaliyeed iskood uga mira dhaliyeen, mahaddeediina uu taliskii jeneraal Siyaad sida fudud ula wareegey. Hoggaankii Kacaanka, wuxuu si qarsoodi ah u goŽaansadey in xuruufta uu u doorayo qoraalka af-soomaaliga ey ahaadaan xuruufta laatiinka ah.

Wuxuu kale oo goŽaansadey in ey qarsoodi ahaato goorta ey shaaca ka qaadayaan xuruufta ey doorteen. Sababta ugu weynna wexey aheyd in ey ka fogaadaan in ey dood ka furanto howshan dabadeedna ey soo baxaan xoogag ka hor yimaada. Sidaa darteed baa xubno guddigii kamid ah si qarsoon ula shaqeynayeen xubno kamid ah maamulkii dowladda oo ku howlanaa diyaarinta xuruufta. Sanad-guuradii 3-aad ee afgembigii ciidamada, goor ey barqadii tahay, bartamihii damaashaadkii lagu maamuusayey 21-kii bishii oktoobar, dhawaaqa durbaankii ey ciidamadu ku gaardinayeen iyo sawaxankii ka yeerayey dadweynihii tirada badnaa ee isugu yimid treebuunkii Xamar, buuqaas dhexdiisii baa waxaa dhacdey in Hellikobtarro ey ciidamadu lahaayeen ey dadkii soo dulmaraan, dabadeedna ey soo daadiyaan waraaqo af-soomaali ku qoran oo midabyo kala duwan leh. Dadku markii ey arkeen waraaqaha soo qubanaya oo ey dabeyshu firdhineyso waa ey ku yaaceen iyaga oo xiiseynaya waxa ey yihiin. Markii ey waraaqihii soo gaareen gacmihii dadweynaha, qof walba wuxuu isku deyey in uu akhriyo, waase ku adkaatey akhriskeedii. Dad yar oo horey ula socdey dhaqdhaqaaqan xuruufta lagu raadinayey ayaa wexey garteen in ey tani tahay fartii af-soomaaliga lagu qori lahaa oo uu goŽaankeedii dhacay. Waxaana markiiba u muuqatey ninkii waxgaranayey in ey dowladdu qaadatey xuruufta laatiinka. Halkaas bey sar! ! aakiishii dalka u talinayey wexey ku soo gabagabeeyeen dhaqdhaqaaqii uu bilaabey Shiikh Yuusuf Al-kowneyn oo ey soomaalidu ku raadinayeen xuruufta, Yaasiin Cismaan iyo raggiisiina ey wax badan u hureen in la xaqiijiyo iyaga oo marna baadigoobkan dhinac wadey dhaqdhaqaaqii lagu baadigoobayey madax bannaanidii, markalena ka dhex dagaallamayey maamullo kala duwan hoostood. Isla maalintaas duhurnimadii, barnaamijkii ka bixi jirey Raadiyo Muqdishow, waxaa dadweynihii ey ka dhegeysteen khudbaddii uu jeneraal Maxamad Siyaad u jeediyey dadweynaha munaasabadaas iyda ah darteed.

Hadaladiisiina waxaa kamid ahaa : " ...... . Manoqonkarno kuwo xagga fikradda xor kaŽah, kuwo xagga akhlaaqda xor kaŽah iyo kuwo qaabka nolosha xor kaŽah inta qaarkaya ey ku xiranyihiin oo ey qiimeynayaan siyaasad iyo bulsho eynaan waxba la qeybsankareynin. FaaŽiido uma ey laha dhaqankayaga iyo caadadadeenuba markii ey caruurtayadu u fekerayaan qaab ama nooc aanan wax macna ah innaga inoogu fadhin. Waa inaannu mar qura waajahnaa oo aannu xal u helnaa suŽaasha ku saabsan xuruufta afkayaga hooyo, taas oo markaad taariikhdiisa gadaal u raacdo u noqonaya aasaaskayaga. Dadkayagii hore wexey afka innagu soo gaarsiiyeen dhaxal qaali ah kaas oo aanu isku ilaalineyno loona baahan yahay in la horumariyo. Imberiyaaliyadda iyo isticmaarka baa ina badey inaannu qeybsanaanno. Wexey iska horgeeyeen soomaalidii, wexey iska horgeeyeen xuruuftii, waxey iska horgeeyeen qabiilladii. Hadaanu horey u lahaan laheyn luqad qoran taasi ma dhacdeen. ………… . Waxaad ogtihiin inaannu 1971-kii magacawney guddi khaas ah, kaas oo soo diyaarinayey wax walba oo loo baahanyahay si iskuulaadkayaga af-soomaali wax loogu dhigo, iyo in ey soo ururiyaan waxkasta oo la xiriira taariikhdayada iyo suugaantayada. Guddigaasi wexey soo gabagabeeyeen howshoodii qeybtii u horreysey, waxeyna ku soo wareejiyeen wasaaradda waxbarashada waxyaabahii ey diraasaadka ku sameeyeen iyo buugaagtii ey qoreenba. Sidaa darteed baan anigu ku faraxsanahay in aan halkan ka sheego, aniga oo tix raacaya hadafkii ugu horreeyey ee kacaanka, kaas oo wakhti badan ey dadweynahayagu sugayeen . …………. . Afkii soomaaliga waa uu hirgaley laga bilaabo maanta, waana luqadda qura ee dalka lagaga shaqeynayo. Kadib markii si taxadar ku jiro loo diraaseeyey ayaa waxaa la doortey xuruufta laatiinka in ey noqdaan xuruufta af-soomaaliga. …….. . " Dawn 22/ 10- 1972-kii GoŽaankan ey dowladdu fulisey wuxuu ahaa mid guddiga intiisii badneyd ku cusub (markii laga reebo xubnihii sida gaarka ah ula shaqeenayey maamulka).

Guddigu wexey ka war heleen goŽaan dhacay, howshii ey guddiga u ahaayeenna wexey ku dhmaatey in ey marti ka noqdaan, oo iyaga iyo shacabkii isku ugu baraarugaan natiijadii soo baxdey. Meel ey wax ka qaban karaan lama joogo, goŽaankii waa dhacay, dowladda la hoos joogaana waa mid gacan adag wax ku maamusha. Arrimahaasi wexey keeneen, raggii Cismaaniyada u doodayey oo diyaarintii howshan xooggeeda lahaa ey garan waayaan meel ey wax ka qabtaan. Dowladdu, inkasta oo ey aheyd mid uu ciidan hoggaaminayo, misana goŽaankan ey qaadatey ma noqon mid lala aamuso, wexeyna la kulantey doodo adag, waraaqo badan baa waxaa lagu soo direy cinwaanka wargeyska Dawn, taas oo looga dacwoonayo in xuruuftan la doortey eeyan aheyn kuwo haboon iyo in ey nuqsaan badani jirto. Nin kamid ah ragga wax soo qorey oo la yiraahdo Muuse Bashiir wuxuu sheegey inkasta oo uu ku farxsanyahay goŽaankan oo muddo dheer la sugayey, misana in ey jiraan talooyin kale oo wax lagu dhisi kari lahaa haddii ey fikraddu xor tahay, wuxuuna soo qorey : " ....... . Xaqiiqdu wexey tahay in luqadaha kale ey leeyihiin nuqsaanta ey taayadu leedahay, taasina sabab uma noqon karto in sidaas lagu cafiyo si dhammeystirkeeda muhimadda ey leedahay aanan looŽ arag. " Dawn 22/10-1972-kii Wadaaddadii xiisad xoog badan ayey muujiyeen markii uu soo baxay goŽaankii xuruufta laatiinka. Xoghayihii wasaaradda waxbarashada, Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamad Abuukar, wuxuu ku dadaaley in uu si xikmad leh u qanciyo wadaaddada, waana uu ku guuleysetey kaddib markii uu fadhiyo badan la qaatey. Waxyaabaha uu xogheyuhu xujada ka dhigtey oo uu wadaaddada ku yiri waxaa kamid ahaa in eeyan wadaaddadu wax diidmo ah marna eeyan ka muujin marka reer miyiga soomaaliyeed ey geelooda ku qoranayaan calaamadda istallaabta ah oo u dhiganta xarafka (X) iyaga oo ujeeddo kale aanan ka laheyn in ey xoolaha ku calaamadeystaan mooyee.

Haddaba mexey wadaaddadu dood uga keenaan markii ey soomaalidu waraaqaha ku qortaan isla xarafkii iyaga oo ey ujeeddadu tahay calaamad wax lagu fahmo. Maqaaladii ugu waaweynaa ee ku soo bixi jirey wargeyska Dawn wexey isku deyeen in ey doodda xoogeeda yareeyaan kaddib markii uu maamulkii codsadey in doodaha la yareeyo. Markaas kaddib ayaa doodihii lagu soo gudbin jirey wargeyska wexey ahaayeen kuwo si ayidaad leh u hadla, waxaana kamid ahaa qoraal cinwaankiisu ahaa " Xuruuf lagu dirirsanyahay, oo misana inoo carfaya. " Wargeyskaas oo af-ingiriis ku soo bixi jirey waxaa loo bedeley mid ku soo baxa af-soomaali, magaciisiina waxaa loo beddeley Xiddigta Oktoobar, kaas oo subax walba soo bixi jirey, afka dowladdana ku hadli jirey, wejigiisa horena waxaa ku oolli jirey sawirka jeneraal Siyaad, waxaa ku dhinac tiil erey ah (Tusaalooyinka Madaxweynaha), halkaas oo lagu soo bandhigi jirey wax kamid ah ereyadii jeneraalka. Xuruuftan la doortey waa tii uu Shire Jaamac lahaa, diidmadii ka timidna waa laga xoog batey. Hirgelinteediina, dowladda wax kharaj ah oo saaŽidah oo uga baxay majirin, waayo makiinadihii iyo madbacadihii ey heesatey uun bey ku howlgashey. Markiibana dowladdu wexey soo saartey goŽaan ey shaqaalaheeda fareyso in waraaqaha yaalla xafiisyada dowladda dhammaantood lagu Qoro af-soomaali muddo 3 bilood ah. Caqabadaha arrintaan lagala kulmey waxaa u weynaa erey bixinno oo aanan horey u jirin. Haddii aannu wax yar dib u jalleecno howshan la soo af-jarey wexey aheyd howl taariikh aqoon iyo halgan xambaarsan, taas oo aananka xiisad yareyn dhacdooyinka qiimaha leh ee laga sheekeeyo oo ku saabsan dalka iyo dadka soomaaliyeed, waxaana lagu soo koobi karaa sidatan hoos ku xusan : Qarnigii 13-aad bartamihiisii ayuu Shiikh Yuusuf bin Axmad Alkowneyn oo loo yiqiin (Aw Barkhadle) uu bilaabey in uu xuruufta Afka carabiga ku qoro af-soomaali, isaga oo u adeegsanayey qaab uu ardeyda soomaalida ugu sahlo akhriska iyo qorista quraanka oo af-carabi ku qoran.

Aw-Barkhadle manhajkii waxbarasho oo uu dejiyey waa mid ku baahey geeska Afrika. Shiikhaasi waa ninka lahaa qaabkan ey soomaalida illaa iyo maanta caruurta u baraan higaadda carabiga ee ah (alif la kor dhebey alif la hoos dhebey .........). Shiikhu wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee barta cilmiga ku saabsan codeynta af-soomaaliga (Somalian Phonology) isagoo dabadeed ardeydiisa barayey. Qaabkii uu Shiikh Yuususf Al-kowneyn uu u qorey af-soomaaliga wuxuu noqdey mid caan baxay oo si xoog leh buu ugu faafey Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana loo yiqiin qoraalkii wadaaddada. Xaaji Cali Cabdiraxmaan (Majeerteen) ayaa isna bilowgii qarnigii 18-aad qori jirey af-soomaaliga. Xaajigu wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee af-soomaaligu qora. Xaajigu wuxuu raacey manhajkii Aw-Barkhadle. Xaajiga oo nin soomaali ah ahaa, ma heysan caqabaddii Aw-Barkhadle heysatey oo ahaa nin ajnabi ka ah afka soomaaliga. Xaaji Cali wuxuu allifi jirey qasiidooyin diini ah oo uu xuruufta carabiga ku qori jirey. Inkasta oo qoraalladii Xaaji Cali inteedii badneyd ey lumeen, misana waxaa la hubaa in uu ahaa macallin diinta ku faafin jirey gobollada koonfurta Soomaaliya, ardeydiisana uu bari jirey qaabka xuruufta carabiga loogu qoro af-soomaaliga. Shiikh Awees Xaaji Maxamad Al-Baraawiy (1847 - 1909) wuxuu ahaa ninkii saddexaad oo taariikhda lagu hayo oo dadka soomaalida ahi ku dhiirri geliya in ey afkooda ku qoraan xuruufta carabiga. Shiikh Awees oo u dhashey Tunni-Baraawe, wuxuu ahaa nin aftahan ah oo ku hadla saddex af (Soomaali, Carabi iyo Sawaaxili). sidaa darteed buu Shiikhu af-soomaaliga iyo afka Chi-miini oo kamid ah lahjadaha afka Sawaaxiliga, labaduba, wuxuu u sameeyey xuruuf carabi ah oo lagu qoro. Shiikh Awees wuxuu allifi jirey qasiidooyin nebi ammaan ah oo saddexda afba ah.

Qasiidooyinka af-soomaaliga ah wuxuu ku qorijirey xuruuf carabiyah . 1920-kii Cismaan Yuusuf Keenadiid (Majeerteen) wuxuu qorey xuruuf madax bannaan oo af-soomaaliga loo adeegsado. Xuruuftaasi waa ey ka duwaneyd xuruuftii carabiga raggii ka horeeyey ey adeegsan jireen. Dugsiyadii lagu baran jirey xuruuftii Cismaan Yuusuf wexey kaga duwanaayeen kuwii hore, xuruufta oo sideeda xiisad gaar ah u lahaa, oo fartan cusub ayaa xuruuf ahaan loo xiiseynayey, waxaana xuruuftan xambaarey rag iyagu bartey. 1935- Shiikh Maxamad Cabdi Miikaahiil (Isaaq) wuxuu qorey xuruuf carabi ah oo af-soomaaliga loo adeegsado. Shiikhu wuxuu wax ka bedeley fartii laŽoran- jirey "farta wadaaddada", wuxuuna soo saarey buug uu u bixiyey "Qawaaniinta cusub ee qorista af-soomaaliga". Shiikhu wuxuu buugiisaas ku ururiyey maahmaahyo soomaaliyeed, maansooyin ey kamid yihiin kuwii Sayid Maxamad C. Xasan. Raggan xuruufta af-carabiga wax ku qorey cilladda hortaagneyd wexey aheyd shaqallada oo ku yar af-carabiga markii loo eego af-soomaaliga, shiikh Maxamadna arrintii xal uma uusan helin oo wexey ku noqotey caqabad isaga iyo raggii ka horeeyeyba ey xal u waayeen. Sanadihii 30-aadkii iyo 40-aadkii Shiikh Jaamac Cumar Ciise iyo Yaasiin Cismaan Yuususf ayaa wexey ururin jireen suugaanadii soomaaliyeed oo ey kamid yihiin gabeyadii Sayid Maxamad C. Xasan. Shiikh Jaamacna wuxuu wax ku qoran jirey xuruufta carabiga, Yaasiin Cismaana xuruufta Cismaaniyada. 1952-kii Xuseen shiikh Kadare (Abgaal) wuxuu qorey xuruuf aad moodo in ey kahabeysanyihiin kuwii horey u qornaa, wuxuuna ku qorey laatiin. 1957-kii Ibraahim Xaashi (Ogaadeen) wuxuu soo saari jirey qoraallo af-soomaali ah oo uu ku qorey xuruuf carabi ah. Qoraallada Ibraahim, intooda badan, wexey ku saabsanaayeen wacyi gelinta bulshada. 1965-kii Shire Jaamac Axmad (Mareexaan) wuxuu qorey xuruuf laatiin ah, wuxuuna isticmaaley qawaaniintii uu dejiyey shiikh Maxamad Cabdi Miikaahiil. Shire wuxuu soo saarey buug yar oo uu ubixiyey "Iftiinka aqoonta" sanadkii 1967-kii, waxyaabaha ku qornaa waxaa kamid ahaa gabeyo uu isagu allifey. Sidaas buu Shire J. wuxuu kaga mid noqdey raggii u soo halgamey qorista af-soomaaliga. Shire wuxuu buugiisa ku qorey sidii raggii ka horreeyeyba maansooyin taariikhi ah, wuxuuse kaga duwanaa maanso walba wuxuu raaciyey sharra uu xuruufteeda adag ku micneynayo. Sidaa darteed baa buuggiisii waxaa qiimo gaara ah siiyey dadkii reer magaalka ahaa gaar ahaan dhallinyaradii. 1966-kii waxaa heyŽadda UNESCO ee J. Q. K. u qornaa 10 qoraallo ee kala duwan dhammaantoodna ey yihiin xuruuf af-soomaaligu leeyahay.

1970-kii Cumar aw Nuux wuxuu qorey buugga la yiraahdo (Somali Folklore). Cumar wuxuu buugaas ku ururiyey sheekooyinka ey soomaalida xayawaanaadka ka sameeyaan iyo suugaan (heeso iyo gabeyo). Maamulkii Kacaanka markii uu ku guuleytey in ey soo bandhigaan xuruuftii ey doorteen baa wexey ku dadaaleen in ey shiiqiyaan xuruuftii kale. Si ey taasi u hirgasho, maamulkii Kacaanka wuxuu guddoonsadey barnaamijkii ey ugu magac dareen (Ololihii la dagaalanka jahliga), kaas oo la fuliyey qeybtii dambe ee sanadkii 1974-kii. Barnaamijku wuxuu ahaa risaalad xuruuftan laatiinka ah lagu gaarsiinayo dhamaan bulsha-weynta soomaaliyeed. 1/ 8- 1974-kii ayuu barnaamijkaasi bilowdey, waxaana hoggaamiye kaŽahaa xoghayihii waxbarashada ee G. S. ee K. Cabdirisaaq Maxamad Abbokor. Cabdirisaaq wuxuu maalintaa ku khudbeeyey : " .... . Hadda waxaannu isu soo dhoweenynaa kala fogaanshihii miyiga iyo magaalada. Dhowaan majirayaan labo qeybood oo Soomaali ah (reer miyi iyo reer magaal), Soomaali mid ah baa jireysa.Taas oo ka mideysan ahdaafteeda iyo aragtideeda siyaasadeed. Hadda waxaanu isku deyeynaa in aannu howlihii dowladda ku ballaarinno dhulka baadiyaha ah, isla markaana waxaanu soomaaliyeeneynaa dadweynihii reer magaalka ahaa sida ardad, shaqaalaha iyo macallimiinta, si dabadeed ey xiriir ula yeeshaan xaqiiqada nolosha Soomaaliyeed. ........ " Fiiri : I Somalia . Bo Bjefvenstam. P. 52. Northern African Institut. 1982 . Uppsala - Sweden . Maalintaas baa waxaa la surey calankii ladagaallanka jahliga (qoris- iyo akhris laŽaanta), kaas oo ey ku sawirraayeen wiil iyo gabar dhallinyaro ah. Dadkii magaalada ku noolaa wexey oggolaadeen in caruurtoodii oo aanan weligood miyi arag ey diraan si ey barnaamijkaas uga qeyb qaataan. Reer miyiguna wexey oggolaadeen in ey soo dhoweeyaan dad eeyan weligood arag. Toddoba bilood ayuu qaatey socodsiintii barnaamijka. Ardeydii howsha fulinayey wexey muujiyeen dadaal iyo karti badan si ey ugu hiiliyaan dadkooda reer miyiga ah. Markii la soo gabagabeeyey howlihii wax barasho iyo tii caafimaad ee dhinac socotey, natiijooyinkii ka soo baxay markii la tiro koobey wexey ahaayeen sidatan : Intaanan ololaha laŽaadin, dadka Soomaalida ah intooda wax qori karey ama akhriyi, wexey bulshada ka dhammaayeen 5 %, markii uu barnaamijkii ololuhu dhammaadey tiradii wexey gaartey 60 %. Taasina waa tallaabo weyn markii laŽeego Soomaaliya oo kamid ah dalalka dunida kuwoodu ugu saboolsan. Waxaa laŽoran karaa in goŽaanka lagu qorey xuruufta af-soomaaliga uu yahay sheyga keliya ee umadda soomaaliyeed u noqdey dhaxal gal, markii laŽeego wixii lagala harey dowladdii jeneraal Siyaad.

Taasina waxaa ka markhaati ah in soomaalidu ey xuruuftan u adeegsadaan waxkasta oo qoraal ah. Haddiise dhan kale laŽeego waxaa muuqaneysa in haddii uu dalabku ahaa in xuruuf uun la qoro, qadiyaddatan wexey noqoneysaa mid aanan wax nuqsaan ah laheyn. Laakiin xuruuftu, sidooda uma eeyan ahan hadaf la tiigsado. Haddii ey sidaas tahay, maamulkii arrinkan guddoonshey lama eedeyn karo. Laakiin xuruuftu waa qalab loo adeegsado tacliin iyo kor u qaadista nolosha bulshada. Waxaanu soo aragney barnaamijkii Leegada ey ka damacsanaayeen xuruufta, kaas oo ey kamid ahaayeen in buugaagta qiimaha leh ee afafka ajaanibta ku qoran la soo turjumo iyo in la horumariyo waxbarashada ardeyda soomaaliyeed. Barnaamijka uu YaasiinCismaan iyo kooxdiisa ey wateen kaas buu ahaa, waxaa u weheliyey in af-soomaaliga qudhiisa la horumariyo. Intiiba ma dhicin, waxaa arrinkii lagu soo koobe! ! y xuruuf la qorey oo dadkii inta la barey laga dhaqaaqey. Bishii janeweri sanadkii 1981-kii, wariye u dhashey dalka Sweden oo la yiraahdo Bo Bjelfvenstam, wuxuu wareysi la yeeshey Cali Khaliif Galleyr oo xilligaas ahaa wasiirka warshadaha ee Soomaaliya. Waxyaabihii uu weydiiyey baa waxaa kamid ahaa. -Wariyihii : Soomaalida miyaa laŽoran karaa waa dad wax akhriya waxna qora ? -Wasiirkii : Arrintaasi sidaanu wax u rajeyneeney manoqon. Waa jirtaa in dad badan oo reer miyi ah ey barteen qorista iyo akhriska. Laakiin wixii ey barteen wax ey u isticmaalaan maŽeeyan jirin, mana jirin wax dambe oo ey akhriyaan waayo waxeeyan helin wax ey akhriyaan, sidaas bey wexey ku laabteen akhris laŽaantii iyo qoris laŽaantii. Tiradooda ma heyno laakiin waa ey badan yihiin. I Somalia. p. 130. Bo Bjelfvenstam, 1982. Sweden Degdegta arrinku ku socdey waxaa laga garan karaa in buuggii naxwaha ahaa oo la soo baxay xuruufta, saddex bilood dabadeed la soo ururiyey, kaddib markii khaladaad badan laga heley. Waxaa kale oo laga garan karaa in maalinta la soo bandhigayey xuruufta, uu wargeyskii ku soo baxay xuruuftii laatiinka aheyd, iyadoo uusan jirin qof akhriyi karey. Waxaa kale oo laga garan karaa dhallinyaro dugsi sare dhiganayey oo saddex bilood inta la xereeyey lagu yiri macallimiin af-soomaaliga dhiga ayaad tihiin. Waxaa intaasba ka darreyd, dadkii la barey B. T. J. oo isu qaatey in ey aqoon leeyihiin, dabadeedna xafiisyadii dowladda iska soo buuxshey oo si ey horey ugu socdaan ey shaqadoodii noqotey in ey wax jaajuusaan. Dad badan ayaa wexey aamin sanyihiin in burburka soomaalida ku yimid loo aaneyn karo xuruuftan iyo qaabkii loo adeegsadey. Xaqiiqaduna Ilaah baa og. Eebow dembaabaye adigu maqfiro hey diidin.

Wasalaamu Caleykum Waraxmatullaah. Saadiq Enow Waa dhamaatey.

Qaybihii kale


Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001