![]()
Asalaamu caleykum waraxmatullaah. 1956-kii Yaasiin waxaa uu aadey dalka talyaaniga. Wuxuu u baxay in uu soo barto culuumta luqadaha (philology, philosophy, litarature iyo linguistic), kamana uusan harin in uu ka qeybqaato doodihii dalka ka socdey, iyi in uu dhiirri geliyo in soomaalida ey yeelato far u gaar ah. Waxyaabaha uu Yaasiin dadka bari jirey waxaa kamid ahaa in luqadda iyo dhaqanku ey yihiin hal shey oo aanan 2 loo kala qaadi karin, dadkuna hadduusan luqad laheyn uusan jiri kareynin. Wuxuu akhriyi jirey muxaadarooyin uu ku sharxayo in luqaddu ey tahay xoog jira oo eeyan bulshadu ka maarmi karin. Waxaa jirey qoraallo badan iyo maqaalaad soo bixi jirey xilligaas, wexeyna ku soo bixi jireen af-talyaani. Yaasiin wuxuu kamid ahaa raggii maqaalladaas wax ku lahaa, wuxuuna marwalba u doodayey af-soomaali qoran oo ka xor ah laatiin iyo carabi. Waxaa kale oo ai aad ah wax u soo qori jirey niman ayidsanaa in afka carabiga uu noqdo kan dalka Soomaaliya looga shaqeeyo (afka qaranka). 28/1-1957-kii nin la yiraahdo Siidoow Rooble Cismaan baa maqaal ku soo qorey (Corriere della Somalia), wuxuu sheegey qodobbo uu ku muujinayo in af carabigu uu yahay mid ka muhimsan farta Cismaaniyada. Qodobbada uu soo qorey wexey ahaayeen : 1- dhammaan dadka soomaalida ahi, in yar mooyee af carabiga waa ey ku hadlaan. 2- af carabiga in laqaato waa goŽaan dhacay oo golaha degaanku (territoria council) uu horey u gaarey. 3- waxaa jira lahjado kala duwan oo af-soomaali ah, gobol walbana wuxuu hormarinayaa lajaddiisa in ey noqoto tan qoran oo Soomaaliya lagaga shaqeeyo, arrintaasina waa mid eeyan gobollada soomaaliyeed weligood heshiis ka gaareyn. Xilligaas dadweynaha soomaaliyeed badankood waxna ma akhriyi karin waxna ma qori karin, aad beyna ugu wareereen doodaha noocakan ah.
Waraaqo badan oo lagu dhiibanayo fikrado ku saabsan qorista af-soomaaliga ayaa wexey soo gaari jireen xafiiska maamulka wargeyska laŽoranjirey (Corrieire della Somalia) oo afka talyaaniga ku soo bixi jirey. Dadka aaraada dhiibanayey intooda badan wexey ku talinayeen in soomaalida loo dooro xuruuf ey afkooda ku qortaan. Dadkaasi meeyan arkeyn in ey kala qiimo weyntahay xuruuftan lakala dooranayo. Bal taladoodu wexey ku koobneyd in far qoran lahelo uun. Wexey arkayeen in far la yeeshaa in ey ka fiicantahay in far laŽaan laŽahaado oo luqad ajnabi wax lagu barto siyaasaddii dalkana lagu maamulo. Dadkaas raŽyi kama eeyan dhiiban jirin tey iyagu u arkayeen in la qaato. Ragga wax soo qori jirey qaarkood wexey qabeen in eeyan soomaalidu isu imaan karin inta uu jiro khilaafkan ka taagan qorista af-soomaaliga. Kuwo kale waxaa ey arkayeen in af-soomaaligu uu yahy midka qura oo soomaalida isku haya. Waxaa raggaas kamid ahaa nin la yiraahdo Axmad Caato oo maqaal soo qorey 21/1-1957-kii. Caato wuxuu maqaalkiisaas ku yiri " soomaalida waxaa isku haya af-soomaaliga, waana af-soomaaliga midka ey afrikaanka intiisa kale kaga duwan yihiin, sidaa darteed waa inaan caruurtayada, xaasaskayaga iyo dadweynahagayaba barnaa af-soomaaliga ". Dadkaasi wexey ka murugeysnaayeen ardada soomaaliyeed ee baranayey taariikho iyo dhaqammo ummado shisheeye ey leeyihiin, koodiina eeyan waxba ka aqoonin. 23/1-1957-kii Xuseen Cabdi (Farmashiye) wuxuu soo qorey maqaal uu ku leeyahay " soomaalida wexey ka tirtirmeysaa dunida ". 5/2-1957-kii Cabdi Aadan Abtidoon wuxuu isna soo qorey " dadku haddeeyan aqoon buuxda u laheyn afkooda, sey xornimo buuxda ku gaaraan waa adagtahay, dadkaasina manoqdaan kuwo la tartama dadyowga ilbaxay ee dunida ku nool ". Ninkaasi wuxuu ka digey luqadaha ajnabiga, wuxuuna yiri " soomaalidu waa in eeyan isku khaldin diinta iyo afka dalka looga shaqeynayo ". 5/2-1957-kii, Cabdullaahi Suldaan Axmad wuxuu soo koobey jahwareerka ka taagan wax ka qabadka howshan woxuuna yiri " arrinta muhiimka ah oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto wexey tahay in howshan la bilaabo " .
Doorashadii dowladdii daakhiliga ee 1956-kii kadib waxaa bilaabatey in farta laatiinka ey soo xoogoowdo, tirada dadka raacsanna waa ey kordheysey wixii xilligaas ka dambeeyey, waxaa la tuhunsan yahay in uu maamulku raad ku lahaa dareenkaas kordhayey ee u janjeera xuruufta laatiinka. Iyada oo ey taasi jirtey baa misana sanooyinkaas daakhiliga la heystey laatiinka marna uusan gaarin in uu dood kula tartamo labadii aragti ee uu looltanku ka dhexeeyey (farta Cismaaniyada iyo afka carabiga). 6/3-1957-kii, Shiikh Maxamad Cumar Cabdi oo ahaa wakiil ka tirsan golaha fulinta ee dowladda baa wuxuu waraaq u qorey wargeyska (Corriere della Somalia), wuxuuna kala hadley in ey af-soomaali wargeyska ku soo saaraan, xuruufta laatiinkana ey adeegsadaan. Shiikhu waxaa kale oo uu sheegey in afka carabigu uu yahay mid quruxoon, laakiin soomaalida carabiga taqaan waxaa kabadan soomaalida talyaaniga taqaan. Sidaa darteed baa haddii laatiin wax lagu qoro loo fahmikaraa, dad badan oo akhrista wargeyskana loo helayaa. Arrintaasuna wexey u muuqataa mid laga badbadinayo. 20/3-1957-kii Abokor shiikh Maxamad (Food-cadde) oo isna la haya laatiinka ayaa qorey " soomaalida carabiga taqaan waa ey yartahay, farta laatiinkana waa mid caalamka laga wadayaqaan, si loobartona waa fududdahay, qalabkii loo adeegsan lahaana xafiisyadey yaalliin, sidaa darteed doorashada wanaagsan wexey tahay in aanu farta laatiinka ah eynu doorannaa ". Isla sanadkaas 1957-kii, Sire Jaamac Axmad ayaa ka soo laabtey Qaahira oo uu muddo laba sanadood ah uu waxbarasho ugu maqnaa. Soo noqodka Shire wexey ku beegantey iyada oo doodaha suuqa yaal ey aheyd qorista far soomaaliga. Shire wuxuu markiiba qorey bayaankiisii u horreeyey ee uu ku muujinayey in uu ayidsanyahay xuruufta laatiinka ah. Halkaas buuna ku xoojiyey raggii qabey aragtida ah in af-soomaaliga lagu qoro xuruufta laatiinka. Sidaasna wuxuu markiiba ku muujiyey maqaalaadkii uu ku soo qorey wargeyskii (Corriere della Somalia). 16/3-1957-kii, maqaal uu Shire qorey buu ku yiri " ciilka aannu u qabno reer galbeedka macnaheedu maaha in aannu necebnahay dhaqankooda, waayo dhaqanka iyo siyaasaddu wexey kala yihiin 2 shey ". Shire wuxuu ku tilmaamey xuruufta laatiinka ah sida korontada oo kale " maŽ inkiri karno faaŽiidada ey korontadu leedahay annaga oo sabab uga dhigeyna in ey galbeed inooga timid ". Tilmaan ahaan buu wuxuu u soo qaatey dalal aanan reer galbeed aheyn misana farta laatiinka isticmaala sida Turkiya iyo Indooniisiya. Shire wuxuu ku soo celceliyey in xuruufta laatiinku ey yihiin wax uu dad sameeyey, diin ahaanna uma khaldana in laŽisticmaalo. Xilligaas waxaa jirey dad tiro yar oo iyagu qabey in afka talyaaniga uu noqdo luqadda qaranka, xuruufta carabigana loo adeegsado qorista af-soomaaliga.
Dadkaasi oo ahaa kuwo si toos ah gacan saar ula lahaa maamulkii gumeysiga. kamid meeyan aheyn xoogaggii ku hardamayey aragtida qorista af-soomaaliga oo aad bey tiradoodu u yareed. Afarta xoog oo waaweynaa wexey ahaayeen : 1- kooxda qabtey in Cismaaniyada ey noqoto xuruufta af-soomaaliga : kooxdaasi wexey ahaayeen dad ka tirsan dabaqaddii aqoonta laheyd oo garanayey waxa ey rabeen. 2- koox qabtey in carabigu noqdo luqadda qaranka, qorista af- soomaaligana loo adeegsado xuruufta carabiga : kooxdaasi wexey ahaayeen rag ganacsato ah oo gacan saar la lrh wadaaddada. 3- koox qabey in af-soomaaligu ahaado luqadda qaranka qoraalkana la qaato xuruufta laatiinka : kooxdaasi wexey ahaayeen rag aqoon yahanno ah oo qaarkood ey u shaqeynayeen maamulkii jirey, wexeyna isugu jireen qaar uu Talyaaniga daba taagnaa, qaar cismaaniyada qabiil u diiddanaa iyo qaar laatiinka ugu dhowaanayey ilbaxnimada reer galbeedka. 4- koox oranayey farkasta halagu qoree af-soomaaligu waa inuu noqdaa afka qaranka : kooxdaasi matalayeen dadweynihii ku jah wareerey murankii badnaa ee socdey. Loollan xoogg leh ayey kooxahaasi afarta ah galeen si ey koox walba teeda u meel-mariso. Kaddib markii murankii uu dhaliyey xiisad adag ayaa dowladdii wexey guddoonsatey in ey kaŽaamusto mowduucan. Dowladdu wexey istusisey sida ugu wanaagsan oo arrintan wax looga qaban karo in ey tahay inaan wax laga qaban. Wexey taas kaga gabbanayeen in aan loo arkin in ey kooxaha u kala hiilliyaan.
Arrin lala yaabo baa wexey tahay in xilliga ey doodaha noocaas ahi ka socdeen magaalo madaxdii Soomaaliya uu Cismaan Yuusuf Keenadiid noolaa oo uu weliba Xamar joogey. Iyada oo uu Cismaan Yuusuf uu kamid ahaa odeyaasha haddiiba af-soomaali la qorayo mudnaa in la tix geliyo oo talo iyo wax weydiinba loogu tago, misana fartiisii oo uu aqoontiisii ku saleeyey baa tiil oo taasna lama qiimeyn. Waxaa taas ka yaab badan in uu dhegaha ka fureystey doodahii socdey ee ku saab sanaa qorista af-soomaaliga, weligiis ka qeyb gelin, bal xilligaas oo ey bilaabatey in xubnihii Leegada ey qabiil u kala saftaan, Cismaan Yuusuf wuxuu kamid ahaa odeyadii sida caamka ah u guubaabin jirey dadweynaha soomaaliyeed iyo xubnihii Leegada oo wuxuu tusaaleyn jirey in eeyan iska dayicin madax bannaanidan wakhtigeedii uu soo durkayo. Taasna waxaa laga garan karaa suugaantii badneyd oo uu xilligaas tiriyey. Waxaan halkan ku soo bandhigeynaa mid kamid ah gabeyadii uu Cismaan Yuususf tiriyey xilligaas xasaasiga ahaa, si ey inoogu muuqato halka uu taagnaa iyo halka ey dadka qaarki geeyeen.
Istiqlaalki lagu taami jirey tiirki soo durugye Haddaan tabar uleenahay xornimo timi waraaqdeede Waataa talyaanigi sallimey tacabadii qaare Taxkuumadi mafududee haddaan taag u heli weyney Tiiraanyo ciil iyo haddeey taawo nagu reebtey Tadbiir xumo darteed xaal hadduu toosi kari waayey Towbaddiyo diintii haddii tiginka loo qaadey Tiirriga cad qaarkeen hadduu aabac u ahaadey Ajnabi aan tureynini hadduu ina taxaabaayo Tabcadiyo sirtiisii haddii taxadda loo waayey Sidee lacag kutacabtaa haddeey toogadeen noqotey Nin waliba tawaan iyo hadduu tiisa kuŽekaadey Xurmaa taqaddun keentee haddii leys tixgelin waayey Toltol iyo qabiilnimo haddii laŽina taabsiiyey Teersona ragaan baran haddii taladi loo dhiibey Taageerki leegada haddi leysku tuhumeystey Dadkii tuunsanaan jirey hadduu kala taggii joogo Tallaahidiyo dhaartii haddii leyska wada tuurey Tafaraaruqa kuwa inagu ridey toodi suubsadeŽe Tows aan baxeyn iyo bugteey nagu tallaaleene Tubtii inaga leexshiyo jidkii inagu toosnaaye Tashigiiba sida loo gafaan weli tebaayaaye Towfiiq manoqon wiilashii taajka looxiraye Tacaddi aan yareen baa ka dhacay tey ku kacayeene Ninkii tiro yar maalinkiisa waa lagu takooraaye Mareykaaniga nagu taagan baa taabey jahadiiye Amxaarona tahdiid iyo waxey tiri naloo sheegye Cadow soo tartamey oo cabsida loo tawaley ruuxa Laye tamashle uun bey hayaan tiilka madaxdiiye Dowlanimo tabtaa lagu dhaqaa tacaddi soow maaha
Wasalaamu caleykum waraxmatullah. waa socotaa Saadiq Enow
Contact: webmaster@mudugonline.com