|
Geeridu
Miyaa la UUmey
Saadiq
Enow
Geerida waa dhacdo ku timaadda
noolaleyda oo idil. Waxay soo
gaba-gabeysaa sadkii uu nooluhu ku lahaa
nolosha adduunka. Geeridu waa mid bar-bar
socota nolosha, oo nolol la'aanteed geeri
ma jidheen. Waxay dheelli-tirtaa sii
socodsiinta nolosha dhulka korkiisa.
Duruus aragtiyeed iyo mid camali ah ayaa
laga dhaxlaa.
Waa xikmad cajiib ah, waxay bixisaa
cashar lama ilaawaan ah oo wax ku qaadasho
mudan. Waxay weji qura u yeeshaa aadamiga.
Gaar ahaan kuwa hantidooda, nasabkooda,
saldanaddoodaa, caafimaadkooda iyo
da'yaridooda ay qooqiso ayay falalkooda
xad u yeeshaa. Waa dhacdo tilmaan u ah
sinnaanta aadamiga, oo ruux ka badbaadi
kara uusan jirin. Allaha janno iyo raxmad
ka waraabiyee,
Cismaan Yuusuf Keenadiid, isaga oo
ina tusaaleynaya qaanuunkaas xagga Eebe
aanu kaga xukmannahay, iyo qofka caqliga
lihi in uu yahay midka keliya ee wax ku
qaata, ayuu tix qiimi badan ka tiriyay oo
yiri :
Caqli-gaabku waw bogahayaa cayshadda
adduune
Cilladihiisu waa moog yihiyo
cudurradiisiiye
Caaqilkaa hammiyayee isagu wow calool
samiye
Ciriiriga qubuurtiyo dadkaa ciidda lagu
aasi
Wadkan caarran iyo geeridaan cidiba
dhaafeynin
Waa xaal cajaa'ibahe sow kuma ciraab
qaadan
Aragtiyaal kala duwan ayuu aadanuhu ka
qabaa geerida. Aqoonyahannada casriga ah,
waxay ku qeexaan in geeridu ay tahay
jirkii oo gaaraya heer uu ku xasilo. Waxaa
markaas ay howl-gab ku imanayaa xubnaha
milgaha culus oo uu nooluhu u kaashado
nolosha. Xubnahaasi kuwooda ugu hilan
culus waa maskaxda iyo wadnaha.
Labadan xubnood, jirka noolaha waxay u
hayaan xilal culus oo ay ugu adeegayaan
xubnaha jirka intooda kale iyo unugyadooda.
Wadnaha oo ka masuul ah miikaanikada lagu
gaadiido raashinka iyo hawada ay unugyadu
u baahan yihiin, ayaa howl-gabkiisu wuxuu
sababayaa geeri deg-deg badan oo ku
timaadda jirka. Laakiin haddii ay maskaxdu
nooshahay, waa suuragal in miikaanikadii
wadnaha ay dib u bilaabato oo uu
howshiisii halkii ka sii wato.
Sidaa darteed baa howl-gabkan loogu
magacaabay clinical death. Maskaxda
waa xubinta ugu hilan culus jirka. Xilka
ay jirka u hayso waa hannaan fiisiko ah oo
qallafsan, kaas oo ay ku dheelli-tirto
awaamirta iyo dhacaamada uu jirku ku
shaqeeyo. Hannaankaas waxaa lagu
magacaabaa neuro-hormonal system.
Markii ay maskaxdu howl-gab noqoto, waa
marka ay xubnihii nooluhu ay si buuxda u
fariistaan oo eeyan suurogal ahayn in ay
nolosha ku soo noqdaan. Geeridaan waxaa
loo yaqaan biological death.
Markaasi waa xilliga ay nafta ka baxdo
jirka.
Kuwa qaba aragtida Alle-inkirka ah,
waxay geerida ku tilmaamaan in ay tahay
dhamaadkii nolosha noolaha. Waxay isku
qanciyaan in wax walba ay leeyihiin tamar
ay ku shaqeeyaan, geeriduna ay tahay
tamartaas oo dhamaanaysa. Waxay ku
sheekeeyaan in eeyan jirin nolol ka
danbeysa noloshan hore. Noloshuna ay tahay
hal nolol oo bilow iyo dhamaad leh.
Aragtidaas oo aanan dhaafsiisnayn fikrad
dad hindiseen oo eeyan wehelin wax xujo
ah, ayaa qarnigii tegay aadamiga ku
keentay jah-wareer badan oo eeyan horey u
arag. Iyada oo markeedii horeba ahayd
aragti soo dhoweyn ka heshay dadka
maan-gaabka ah, ayaa waxay la tabar
yareysay bur-burkii ku yimid nadaamkii
shuuciyadda caalamiga ee laga quudinayay
aqalkii casaa (Krimilliinka). Sheekadoodii
waxay soo gaba-gabowday markii la bur-buriyay
gidaarkii Berliin.
Diinta Islaamku, sida diimaha kale ee
kor ka yimid, waxay tilmaantay in geeridu
ay tahay marxalad kala guur ah, taas oo
nooluhu, gaar ahaan aadanaha, ku meel- iyo
xaalad-beddelanayo. Taasina waxay
dhacaysaa markii naftii oo awalba keli
ahaan laysu siiyay, keli ahaan loo ceshado,
iyada oo aanan cidna lagala
tashan.Quraanku wuxuu si qayaxan u sheegay
in wax walba oo inoo muuqda iyo wax badan
oo aanan inoo muuqan ay yimiin abuuraley
ku yimid farsamo iyo xikmad Eebe la keli
yahay. Falkayaga, fekerkayaga iyo
hadalkayaga intuba waxay kamid yihiin
abuuraleyda Eebe. Bal noloshayada iyo
geeridayada ayaa kamid ah abuurka Eebe.
Haddaba, in la fahmo in nolosha la
abuuray, waa arin sahlan oo miraheedii baa
qof walba arkayaa. Laakiin fahamka ah in
geerida la abuuray, maahayn arrin aadamigu
uu garan karayay. Bal xataa inuu ku fekero
ayaa adkayd. Quraanka oo ah hoygii
ilbaxnimada, goor hore ayuu bilaabay in uu
danqiyo fekerka aqoonyahannada iyo u
kuur-galkooda wejiyada ay leedahay cmilada
nolosha. Suuradda
Al-Mulk,
aayadeheeda 1-aad iyo
2-aad, Eebe wuxuu inoogu sheegayaa
hadal lagu qeexay in geerida la uumey,
sida noloshaba loo uumey. Waxaa kale oo
aayaduhu inoo sheegeen axadka ka danbeeya
falkaas qallafsan in uu yahay Eebaha isaga
oo keliya yeeshay mulkiga uunka. Aayaduhu
waxay leeyihiin hadal macnihiisu yahay
sidan :
" Waxaa
barakadiisu badatay Eebaha ay gacantiisu
ku jirto saldanadda, kaas oo wax walba
awooda. (Eeebaha) kii weeye abuurey
geerida iyo nolosha, si uu (dadow) idiin
jarribo ................. ".
Cajaa'ibaadka ay ereyadan xambaarsan
yihiin waa laba arimood. Midka hore waa
abuurka geerida. Kan kalena waa ereyga
geeri oo laga horeysiiyay nolosha.
Labadaba waxaa inoo fasiraya hadal laga
wariyay suubanihii
Maxamad ahaa, shacni iyo nabadgelyo
dushiisa ha ahaate. Waxaa sii muujiyay
natiijooyin laga dhaxlay dadaal ay galeen
aqoonyahanno kala duwan oo xiiseeyay
muuqaallo la xiriira howshan.
Soddonkii sano ee qarnigii tegay ugu
danbeeyay, dadaal dheeri ah ayuu aadanuhu
ku bixiyay in uu wax ka ogaado asraarta
qarsoon ee ku hareereysan abuurka geerida
iyo nolosha. Maaddada dhaxal curiyaha ee
loo yaqaan DNA ayaa daaha ka qaaday arrimo
badan oo la xiriira asraartaas. Waxaa si
wanaagsan loo xaqiiqsaday in ilmuhu ka
abuurmaan isu tagga unugga biyaha ee labka
iyo midka ukunta ee dheddigga. Labadaas
unug markay keliyaale yihiin, mid waliba
wuxuu sitaa tiro dhiman oo kromosoomo ah.
Kiiba waxaa la socda 23 xabbadood. Markii
ay isu tagaan ayaa kromosoom waliba uu la
mataanoobaya midkii uu isku lammaanin
lahaa. Waxaa halkaas ka dhismaya tiro 46
kromosoom oo aadamiga u calaamad ah.
Islamarkaas iyaga ayaa inoo ilaaliya
tilmaamaha aanu kaga duwannahay
abuuraleyda kale oo ay garashadu u hilan
culus tahay. Natiijo laga helay
ogaalladaas baa waxay tahay, in aadamigu
uu dhaxal u yeeshay hiddo loo diyaariyay
inteeyan ilmuhu soo muuqan.
Aqoonyahankii ugu horeeyay ee arintaas
tilmaamay wuxuu ahaa macallinkii aadanaha,
suubanihii Maxamad
ahaa, (sh.n.d.a). Imaamka la
yiraahdo Muslim
baa wuxuu inoo soo miinguurshay
hadal laga wariyay suubane
Maxamad (sh.n.d.a.).
Hadalkaas wuxuu suubanuhu sheegay qarnigii
toddobaad c.d. Saxaabiga warinaya oo ah
Cabdullaahi binu
Mascuud (Eebe ha ka raali ahaadee),
ayaa wuxuu yiri, suubanihii wuxuu yiri :
" Midkiinu, waxaa
abuurkiisa lagu kulminayaa caloosha
hooyadiis afartan maalmood. Markaasuu
wuxuu ahaanayaa xinjir intaas in le'eg.
Dabadeed wuxuu ahaanayaa cad hilib ah
intaas in le'eg. Dabadeed malag ayaa loo
soo dirayaa oo la farayaa in uu ku afuufo
naftii. Waxaa kaloo la faraa in uu qoro
afar (waxyaabood) risiqiisa, ajashiisa,
camalkiisa, shaqi iyo siciid midkuu yahay
".
Sida uu cilmiga la helay u xaqiijiyay
hadalkan laga soo wariyay run-badanihii
warkiisa la rumeyn jirey, ayaa waxaa loo
xaqiijiyay in geeridu ay tahay abuur ku
rakiban unug kasta oo jirka noolaha ku
dhisan, taas oo si xeel-dheer loogu
hagaajiyay. Arintaasina waa mid la
bilaabanaysa xuubka uu ka sameysmayo
muuqaalka dhallaanka, intaanan la gaarin
xilliga naf-afuufka. Hadalka suubanaha
waxaa ku cad in geerida dhallaanka iyo
noloshiisaba la qorayo kaddib markii nafta
lagu afuufo, laakiin ay horey u
qeexnaayeen. Waa halkaas meesha uu salka
ku hayo tafsiirka ereyga abuurka geerida
oo aayaddu ay ka horeysiisay ereyga
abuurka nolosha.
1971-kii, aqoonyahan u dhashay dalka
Ruushka oo la yiraahdo
Olenikov ayaa
wuxuu sheegay in ay jirto aalad wax
cayinta oo fasireysa unugyada ka baxa
hannaanka kala googo'a caadiga ah, kuwaas
oo markaas sababa abuurka unugyada
kaankarada ee sida khariban u tarma. Waxaa
xusid mudan in unugyada khariban ay yihiin
kuwo howl-gab ku keena xubintooda iyo
xubnaha kale ee jirka. Waana kuwa sababa
geerida noolaha.
1985-kii, waxaa la helay aaladdii 14
sano horteed uu sheegay
Olinkev.
Taasi waxay tahay dhacaan (enzyme)
ku dhex jira bu'da unugga, kaas oo
abuuraya laba dabool oo ku gufeysmaya
dacallada walxaha ay la kulmaan. Laba
aqoonyahan oo lakala yiraahdo
Greider iyo
Blacbum ayaa
waxay ahaayeen ragga dadaalka ku bixiyay
arintaan. Dhacaankaas ay heleen waxay ku
magacaabeen (End Cap) ama (Talomore).
1986-kii, ninka la yiraahdo
Howard Cooke
wuxuu ogaadey dhacaankan wax gufeynaya in
uusan ahayn oo keliya mid hor is-taagaya
hannaanka kala go'a unugyada, balse uu si
ka-soo hor-jeed ah ula shaqeynayo unugga.
Markasta oo unuggu uu soo dhallinyaraado,
isaguna wuxuu ku sikanayaa in uu ka
shqeeyo gabowga unugga.
Aqoonyahannada u kuur-galay arintaan,
waxaa kale oo ay ogaadeen, daboolka
gufeynaya walxaha bu'da oo taranka ka
celinaya, in eeyan isku dherer ahayn,
markay la socdaan unugyada jirka
dhallinyarada iyo markay la socdaan
unugyada jirka waayeelka. Labada enzyme
waxaa dheer kuwa hor-taagan unugyada dadka
da'da weyn, kuwaas oo markii lays bar-bar
dhigo, dhowr jeer ka weyn kuwa weheliya
unugyada dhallinyarada. Sidaa darteed baa
enzyme-kan waxaa lagu magacaabaa
kuwii dheereynayay cimriga (longivity
meter).
1989-kii, aqoonyahan la yiraahdo
Morin baa
wuxuu helay xiriirka tooska ah ee ka
dhexeeya gabowga iyo dhacaanka ah
Telomeraze Enzyme ee unugyada noolaha.
Waxaa kale oo ninkan uu ogaadey in
dhacaankaasi uu yahay mid aad u fir-fircoon
marka ay abuurmayaan unugyada kaankarada.
Garashadaasi waxay door ka cayaartay in
lagu guuleysto in la hakiyo deg-degta ay
ku kala go'ayeen unugyada kaankarada.
Taasina waxay dhacdaa markii la hakiyo
fir-fircoonida dhacaankan. Sugnaanta
aragtida ay aayadda ina siisay oo ah
abuurka geerida in uu yahay mid la dhasha
abuurka nolosha, waxaa ilmaamaya howlaha
ka socda unugyada nool gudahooda. Waxay
mar keliya ka shaqeynayaan noloshii unugga,
iyagoo islamarkaa u daadaheynaya dhankii
geerida. Cudurrada, gabowga iyo sababaha
kale oo loo dhinto intuba waxay kamid
yihiin ogaallada ay unugyadu jirka u soo
gudbinayaan, kuwaas oo soo xaddidaya
taranka unugyada, islamarkaa xaddidaya
cimrigii noolaha.
Unuggu markii uu lumiyo dheelli-tirkii
uu ku qeybsamayay, wuxuu luminayaa qaar
kamid ah brootiinadii ku dhismayay
gudihiisa oo dheelli-tirka shaqada wax ka
hayay. Markaas waxaa bilaabanaya in
unuggii uu aad u cayilo dabadeedna uu
dillaaco. Walxihii gudihiisa ku jirey ayaa
waxay ku qubanayaan jirkii hareerihiisa
ahaa.
Walxahaas qubtay waxay sababayaan in ay
kharibaan cimiladii jirka ay gaareen.
Unugyadii degaanka ka ag-dhowaa baa
markaas waxaa ka hallaabaya hannaankii
dheelli-tirka lahaa oo ay ku qaadanayeen
walxaha kiimikada ah iyo midkey qashinka
isaga saari jireen. Daboolka huwan unugga
ayaa hallaabaya. Howshan oo ku dhacda
farsamo sareysa oo layaab badan, ayaa
culimadu ay ku magacaabeen (PCD -
Programmed Cell Death). Magaca
Laatiinka ah oo ay leedahayna waa (Apoptosis).
Howshaas waa mid ka dhacda gudaha unugga.
Waxay jaan-gooyo ku sameysaa calafkii
jirka noolaha. Waana iyada midda jirka ku
sababta geerida.
Aqoonyahannadu, muuqaalkaas yaabka
badan waxay ka dhaxleen in ay ku
xeyraamaan. Qaar baa ku fogaaday
aragtiyaalka mala-awaalka ah oo waxay
tilmaamaan fikrado ay ku malaynayaan
umuuraha suuragalka ah oo ay arintanu
wadato. Waxay sheegaan in, xataa goortii
uu nooluhu dhimanayo iyo siduu u dhimanayo
ay ku qoran tahay ogaallada uu jirka nool
sito oo ku qoran maaddada dhaxal-curiyaha
la yiraahdo iyo dhacaamada ay walxaha
bu'da ku howl-galaan.
Waxaa jira qodobo culus oo raad ku leh
danqashada howshan. Culimadu waxay
qodobadaa ku magacaabeen (ALF -
Apoptosis Inducing Factors). Kooda ugu
culus waa maaddo brootiin ah oo la
sameysmaya, unugga dhallaanka ayaamaha ugu
horeeya ee uu abuurmo xuubka hore. Sidaas
baa abuurka geeridu ay ku tahay mid
wehelisa dhallaanka, goortii uu ku
tallaalmo caloosha hooyada. Taasina waa
qaanuun Eebaha boqorka ah uu ku xukumay
abuuraleyda uu isagu uumey, taas oo uusan
cidna kala tashan, una baahnayn in uu kala
tashado.
Kun iyo afar boqol oo sano horteed ayuu
Eebe inoogu soo dhiibay macallinkii
aadanaha, adeegihiisii
Maxamad ahaa
(sh.n.k.a), aayad si cilmiyeysan inoogu
tilmaameysa xukunkan. Majirin qof aadamiga
kamid ah oo tilmaami karay in geeridu ay
kamid tahay abuuraleyda, taas oo
farsamadeeda ay la bilaabanayso abuurka
jirka noolaha. Arintaas oo aadamigu uu
hadda garawsaday ayaa quraanku uu
xilligaas fog tilmaamay. Taasina waa qodob
lagu rumeeyo in ereyadan ay yihiin kuwo
aanan layska oran, bal ay xambaarsan
yihiin ogaallo uu wax ku qaato qofkii
qalbi leh. Waa quraanka aanu rumeynay,
hadalkii Eebeha aanu rumeynay, uu inoola
yimid suubanihii aanu rumeynay.
" Waxaa
barakadiisu badatay Eebaha ay gacantiisu
ku jirto saldanadda, kaas oo wax walba
awooda. (Eeebaha) kii weeye abuurey
geerida iyo nolosha, si uu (dadow) idiin
jarribo ................. ".
Eebbaa ku mahad leh nicmada nolosha iyo
midda islaamka. Eebbaa ku mahad leh
nicmada nebi Maxamad uu inooga dhigay
macallin ina soo gaarsiiya hadalkiisa.
Eebbaa mahad leh kan ina xisaabinaya
geerida kaddib, wanaaggana inoogu abaal
gudaya wanaag, xumaantana inagu ciqaabaya.
Saadiq Enow |