Kitaabka Quraanka ah waa kitaabka ugu
qiimaha badan oo dhulka guudkiisa laga
akhristo. Tirada uu ku xigsaday in uu
yahay qoraalka ugu badan oo la daabaco,
wuxuu ku darsaday tayada aqooneed oo
uu xambaarsan yahay. Inkasta oo uusan
wax walba inoo fasirin, misana wax
walba oo ama aragto ah (theory)
ama gacan ka-qabad ah (practical),
wuxuu ka sheegay aqoon saldhig ah. Waa
kitaab hooyo u ah dhamaan wax kasta oo
la qoro iyo jaad walba oo ogaallo ah
oo laga faaloodo. Sidii uu uga
yaabiyay carabtii reer miyiga ahaa ee
uu ku soo dhex degay, ayaa wuxuu uga
yaabiyay fac walba oo xilli walba iyo
meel walba jooga. Taasi waxay
aamusinaysaa Eebe inkirayaasha diiday
aragtida dib-abuurka iyo xisaabta
danbe oo uu kitaabku ka waramayo.
Qof
diidi kara ma jiro in shalay eber la
ahaa iyo in maanta la yahay wax jira.
Sidoo kale in la dhimanayo baanan la
inkiri karin. Laakiin waxaa hadal ka
yimaadaa nolosha danbe iyo dib-abuurka.
Waxaa jira saddex qodob oo saldhig u
ah caqiidada uu Quraanku ina barayo.
Waxay yihiin rumeynta Eebe, rumeynta
risaaladiisa iyo rumeynta dib-abuurka.
Bulshadii reer Qureysh oo Maka ku
noolaa, markiiba waa ay ka dideen
aragtidan uu la yimid wiilkoodii
runlowga ahaa oo ay ka rumeysteen wax
walba oo kale. Waayeelkii reerkaasi,
waxay xoogga saareen in caqiidadaasi
ay beeniyaan oo ay ka dhigaan mid
aanan ka hir-gelin bulshada dhexdeeda.
Dib-abuurka oo ay hadal badan ka
keeneen, baa waxay xujo ka dhigteen,
sidee qof baaba'ay oo ciidoobay loo
soo celin karaa. Gaalka la yiraahdo
Ubaya binu Khalaf,
ayaa kamid ahaa raga u ololeeyay
beenidda aragtidan iyo ninkeedii (waa
suubanihii, shacni iyo nabadgelyo
dushiisa ha ahaatee). Isagu, maalin
buu wuxuu soo qaaday lafo neef ari ah
oo inta ay baaliyoobeen boor noqday.
Boorkii buu wuxuu indhaha kaga afuufay
suubanihii, markaas buu ku yiri : Ma
lafahab baaba'ay buu Eebahaag dib u
soo nooleynayaa !?. Suubanihii (shacni
iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee)
baa markaas u jawaabay oo yir : Haa,
adigana waa uu ku soo noolaynayaa,
waana uu ku cadaabayaa. Waxaa
halkaas ku soo degay aayado Quraan ah
oo Eebe uu ku xoojinayo risaaladiisa
iyo nebiga uu doortay.
Aayadaha
77-79,
suuradda
Yaasiin
oo ka jawaabaya hadalkii gaalka, waxay
sheegeen ereyo macnahoodu yihiin sida
:
"War
dadki sow ma arkaan, in aanu ka
buurnay dhibac, markaas waaba isagoo
dood cad (la soo taagan). Wuxuu inoo
soo qaatay maah-maah, isaga oo ilowsan
abuurkiisii, wuxuu yiri : yaa soo
noolaynaya lafo baaliyoobay. Waxaad ku
tiraahdaa, waxaa soo nooleynaya kii
markoodii horeba uumay, isagu waa mid
abuur walba u ogaal badan
"
Eebe-inkirayaashu waa dad dood gaaban
oo aanan dhacdooyinka raad-raacin.
Arigti hoose iyo weel maran bay la
meereysanayaan. Sida khamriga iyo
doroogada loo qabto ayaa maskaxdooda
waxaa cudur ku noqday oo ay qabatay
aragti jahli ku dhisan. Iyagu waxeeyan
ka fekerin, Eebaha markii horeba uumay
in uu yahay awood-badane aqoon-badane
itaal-badane xikmad-badane aanan wax
ka qarsoon jirin. Goortuu doono soo
celinaya, qaabkuu doono u uumaya,
siduu doono u abaal marinaya.
Aayadda
4-aad,
suuradda
Qaaf
ayaa kamid ah aayadaha sida kooban ula
hadlaya kuwaas maanka yar, iyada oo
islamarkaa inoo bidhaaminaysa xaqiiq
cilmi ah oo qarniyo badan dabadeed wax
laga ogaaday.
Aayaddu
waxay leedahay ereyo macnahoodu yihiin
sedan :
"
Xaqiiqadii waanu og-nahay waxa dhulku
cunayo oo jirkooda kamid ah,
aktayadana waxaa ahaaday kitaab
ilaashan (oo wax walba lagu dhowray)
"
Aayaddu
waxay xambaarsan tahay aqoon inoo
tilmaamaysa in qofka dhinta, jirkiisu
uu dib ugu laabanayo walxihii
markiisii hore laga unkay ee ahaa ciid
iyo biyo. Waxaa kale oo ereyada
aayadda ku dahsoon in ay jiraan walax
aanan baaba'ayn oo ka haraya jirka.
Aayaddu markay leedahay (waxa
dhulku cunayo oo jirkooda kamid ah),
waxaa laga fahmayaa in ay jiraan wax
uusan dhulku cuneyn oo jirkeena kamid
ah. Haraagaasi aanan baaba'aynin,
waxaa inooga waramay macallinkii
aadamiga, suubanihii
Maxamad
ahaa (shacni iyo nabadgelyo dushiisa
ha ahaatee). Isaga oo aadamiga ka
waraabinaya galalkiisii xareedda ahaa
ayuu suubanihii (sh.n.d.a.) wuxuu yiri
:
"
Qof walba oo ina Aadan ah waxaa cunaya
ciidda, marka laga reebo daba-gibinta.
Iyada ayaa laga uumay, iyada ayaana
laga rakibayaa
"
Daba-gibin (coccyx), waa laf
yar oo ka mid ah lafaha taxan ee
laf-dhabarta ay ka koobam tahay. Iyadu
waxay ku taal meesha ugu hooseysa
laf-dhabarta. Waa laf yar oo dhowr
gabal ah (3-5), laakiin is-haysata.
Qarniyadii
danbe, dadaal dheeraad ah oo aadamigu
la yimid ayaa lagu ogaaday asraar ku
dahsoon lafta daba-gibinta. Natiijadii
la helay, waxay noqotay mid muujisay
aragtidii ay aayaddu la timid,
xadiiskana laynoogu tilmaamay.
Aqoonyahankii ugu horeeyay oo
daba-gibinta u kuur-gala, wuxuu ahaa
nin u dhashay dalka Jarmalka. Waxaa la
oran
jirey
Hans Spemann.
Bilowgii sanadihii 30-aadkii, qarnigii
tegay, isaga iyo koox la shaqeeneysay,
waxay raad-raac ku sameeyeen
daba-gibin uu leeyahay xayawaan
beri-biyood ah. Iyagu, ukun dheddig ee
xayawaankaasi leeyahay ayay ku
tallaaleen unug lab ka yimid.
Natiijadii bacriminta waxaa ka
abuurmay unugtii laga dhalanayay ee
dheehnayd. Markay tarantay, waxaa
bilowgiiba u muuqday labada dabaq ee
ah dabaqadda kore (epiplast)
iyo dabaqadda hoose (hypoplast).
Marka hore, labada dabaqadood waa isku
muuqaal. Kala duwannshahooda wuxuu
bilaabanayaa markii ay soo if-baxdo
dun yar oo ka soo muuqanaysa dusha
dabaqadda sare. Duntaas wuxuu ku
magacaabay (The primary or
Primitive Streak).
Goor danbe, duntaasi waxaa ka
sameysmay guntan ay ku magacaabeen (The
primary or Primitive Knot).
Aqoonyahannadaasi waxay heleen in
dunta bilowga ah ee ka unkamaysa
dabaqadda sare, in ay tahay meesha
habeenaysa tallaalka xubnaha uu jirka
dhallaanka yeelan doono dhamaantood.
Kooxdu waxay heshay in guntigaas yar
uu yahay meesha habeeneysa abuurka
xubnaha dhallaanka. Tiro kamid ah
unugyada dabaqa sare ayaa iyaguna
bilaabaya in ay ku soo sikadaan
guntiga dunta. Iyagu waxay ku
maashoonayaan guntigii, markaas waxaa
sameysmaya muuqaalka xubintii ay noqon
lahaayeen. Dabadeed waxay aadayaan
meel u go'an, halkaas oo xubintii ay
ku dhamaysanayso koritaankeeda.
Waxa ugu horeeya oo guntiga ka
abuurmaya waxaa weeye unugyada
dareenka, kaas oo dhisaya xididdadii
dareen-sidayaasha dhallaanka. Taasina
waxay dhamaanaysaa markii ay tiro
unugyo ah oo ka yimid dabaqaddii sare
ay soo dhex maraan guntigii.
Aqoonyahanka
Hans Spemann
iyo koox la shaqeyneesay, waxay la
fajaceen in xubnaha abuurmaya ay
dhamaantood yihiin kuwo ka soo
unkamaya unugyo u gudbay gudaha
guntiga oo inta dib uga soo baxa, si
madax bannaan dibadda ugu tarmaya.
Sidaa darteed, dunta iyo guntigeeda
waxay ku magacaabeen habeeyaha hore
The Primary Organizer.
Si looga daba tago asraarta ku dheehan
habeeyahan, sanadkii 1931-kii,
Spemann
iyo raggiisii waxay u kuur-galeen
duntii iyo guntigeedii. Ukun bacriman
oo uu leeyahay xayawaan beri-biyood ah
ayay ka gooyeen guntigii. Waxay ku
rakibeen ukun uu leeyahay xayawaan
kale. Natiijadii waxay noqotay in ay
si caadi ah u shaqeeyaan oo xubnihii
cusbaa ay unkamaan. Sanadkii 1932-kii,
kooxdii mar kale ayay guntigii ka soo
jareen ukun bacriman. Dabadeed biyo
aad u kulul ayay ku karkariyeen si ay
u gabaan. Waxay la kulmeen arin ka
fajicisay. Waxay ahayd, in wax is-beddel
ah uusan ku dhicin. Arintaasi waxay
ogaadeen markii guntigii gubtay ay ku
tallaaleen unug kale oo ay natiijadii
noqotay in uu howshiisii caadi u wato
oo uu dhiso xubnihii dhallaanka cusub.
Sanadkii
1935-kii,
Hans Spemann,
howshaas uu ka ogaaday habeeyahay hore
(The Primary Organizer), wuxuu
ku helay biladda abaal-marinta ee heer
cari-edeg, taas oo loo yaqaan Nobel
Prize. Waxaa kale oo abaalkaas uu
ku helay ogaalka uu xusay in
guntigaasi oo ah midka soo saara
xubnaha noolaha dhallaanka, in uusan
ahayn mid baaba'aya, bal uu yahay mid
weligiis jiraya. Ninkaasi aqoonyahanka
ah, ogaalka uu inoo sheegay oo uu ku
helay qaddarinta caalamiga ah,
suubanihii
Maxamad
ahaa (sh.n.d.a.) ayaa iyada oo
tifaf-tiran inoo wariyay 13 qarni
horteed. Adeegihii Eebe, suubane
Maxamad binu Cabdullaahi,
maahayn nin ogaallada uu sheegayay ku
doonayay Nobel Prise, bal waxaa
laga reebay in uu dadka abaal kaga
helo gudbinta risaaladan. Qarniyo
badan horteed, intuusan
Hans Spemann,
soo bandhigin natiijadii howsha uu
qabtay, bal aani isla ila eegno ooraah
kale oo laga wariyay nebigeenii. Mar
kale suubanihii (sh.n.d.a.) wuxuu yiri
:
"
Qofka waxaa gudihiisa ku jira laf
eeyan ciiddu cuneynin weligeed. Iyada
ayaa laga rakibayaa maalinta joogsiga
". Waxay yiraahdeen, laftee weeye
adeegihii Eebow ?. Wuxuu yiri "
Daba-gibinta
". Xadiiskan iyo kii ka horeeyay,
waxaa warinaya saxaabiga la yiraahdo
Abuu Hureyra.
Imaam
Muslim
ayaa isna kitaabkiisa ku sax yeelay.
Sanadkii 2003-dii, iyada oo laga joogo
muddo ka badan 70 sanadood, ogaalkii
uu soo bandhigay
Spemann
dabadeed,
Dr. Cismaan Jeylaani
oo ah aqoonyahan u dhashay dalka Yaman
ayaa tijaabo cusub ku sameeyay
daba-gibinta. Isagu wuxuu soo ururiyay
lafo daba-gibin ah oo ay leeyihiin
shan neef oo ari ah. Lafihii ayuu
wuxuu ku gubay bastoolad uu afkeeda ka
baxayo gaas dab ah oo aad u kulul,
kaas oo lamid ah dabka alxanka. Muddo
10 daqiiqadood ah oo aanan hakad
lahayn ayuu lafihii, mid waliba
gaarkeed u gubay, illaa ay gebi ahaan
dhuxuloobeen. Dabadeed waxaa lafihii
qaaday aqoonyahanno ka tirsan
jaamacadda Sanca oo ku takhasusay
dunta xubnaha lafaha (skelet tissue).
Kadib markii ay u kuur-galeen lafihii
gubtay, waxay sheegeen in duntii
lafahan eeyan wax is-beddel ah ku
dhicin.
Markii aanu eegno xiriirka ka dhexeeya
abuurka hore ee aadamiga iyo
daba-gibinta, waxaanu heleynaa in
abuurka uu ka bilaabanayo kulanka
labada unug ee labka iyo dheddigga.
Waxaa halkaas ka abuurmaya ukun
bacriman Fertilized Ovarum.
Dabadeed waxaa ku bilaabanaya in
unuggii ukuntu uu si laba-jibbaaran u
tarmo oo uu noqdo unugyo lagu
magacaabo Blastomers. Afar
maalmood dabadeed, unugyadii waxay
noqonayaan wax kuusan oo la yiraahdo
Morula, taas oo u muuqaal eg
kubbad. Dhererka labadeeda dhibic ee
iska soo hor-jeeda waa 1/4 mm. Muddo
toddobaad ah ayay howshaas soconaysaa.
Habeenka toddobaad, iyada oo
adeegsanaysa qaar kamid ah unugyadii
sameysmay, kubaddii waxay ku
libdheysaa gidaarka ilma-galeenka
hooyada. Waxay markaas la xiriiraysaa
unugyo halkaas ku sugayay. Wada-jir
waxay sameynayaan tallaal xiriirsha
abuurkii cusbaa iyo hoygii uu martida
ku ahaa. Waxaa markaas u bilaabanaya
in uu helo xididdo yar-yar oo uu
dhiigga hooyada ka qaato. Dabadeed
gidaarkii wuu ka soo baxayaa oo wuxuu
isu beddelayaa cad yar oo hilib ah oo
ka lusha gidaarka ilma-galeenka. Waxaa
ku hareereysan xinjir dhiig ah.
Quraanka ayaa marxaladdaas wuxuu ku
magacaabay Calaqa. Majiro
erey-aqooneed kaga haboon magacaas uu
Quraanku u bixiyay cadka xilligaas
abuurmay.
Habeenka 15-aad ee taariikhda abuurkan,
dabaqaddii sare dushaeeda waxaa ka soo
muuqanaya unugyo isku soo ururaya oo
dhisaya khad dheer. Waxay ka
cayilayaan madaxa.
Halkaas waa meesha lagu magacaabo
guntanka bilowga ah ama guntanka hore.
Islamrkaa guntanka dushiisa waxaa ka
muuqanaya god yar oo si tartiib ah u
weynaanaya.
Waxaa la
yiraahdaa Primitive Pit.
Habeenka 16-aad,
waxaa bilaabanaya, dabaqii sare in uu
labo dabaq noqdo. Mid gudaha ah iyo
mid dibadda ah.
Qiyaastii
habeenka 21-aad
ee tallaalka, bartamaha dabaqadda
dhexe waa ay cayileysaa. Unugyo badan
ayaa ka abuurmaya. Meeshaas oo lagu
magacaabo Somatis, ayaa
dhankeeda kore oo madaxa ku beegan,
waxaa ka muuqanaya abuur xubno
lamaanayaal ah. Marxaladdaas waa
xilliga uu Quraanku ku magacaabay (Mudqa).
Dhererka abuurkan ma dhaafsiisna 2.5
mm. Dabadeed, bartamihii ay unugyadu
ku badanayeen labadeeda dhinac waxaa
ka bilaabanaya abuurkii xubnaha
lamaanan ee dhallaanka, illaa tirada
xubnaha lamaanayaasha ah ay gaaraan
45. Markaas muuqaalka dhallaanka wuxuu
noqonayaa mid lagu matalo cad yar oo
hilib la calaliyay ah.
Muddada u dhexeysa toddobaadka 5-aad
iyo 8-aad ee cimriga dhallaanka, waxaa
soo if-baxaya abuurka lafaha. Dabadeed
hilib iyo harag ayaa dusha kaga
daboolmaya. Markaas, korkii dhallaanka
wuxuu noqonayaa laba gobol oo kala
muuqaal duwan. Waxay yihiin sidan :
1)
Gabalka hore oo lagu
magacaabo Sclerotome, waxaa
halkaas ka farcamaya lafta jeegada,
dhabarka iyo addimada. Lafaha wejiga,
labada daan iyo dhegta dhexe, waxay ka
farcamayaan meel la yiraahdo laabka
hunguriga.
2)
Gabalka danbe oo lagu
magacaabo Dermomyotome, wuxuu
noqonayaa laba qeybood oo ay ka kala
farcamaan hilibkii iyo haraggii.
Howlaha la xiriira dhamaystirka
abuurka dhallaanka, sawir u-yeelidda
iyo isu dheelli-tirka xubnihiisa, waa
kuwo soconaya illaa ilmuhu ay dhashaan.
Taas oo dibadda qudheeda aanan ahayn
mid ku hakanaysa, bal waa ay
soconaysaa illaa uu qofku dhinto.
Toddobaadka lixaad wixii ka danbeeya,
wixii abuurmay dushooda waxaa ka soo
baxaya kurtumo aad u yar-yar oo
matalaya addimadii iyo xubnihii
dibadda ka muuqanayay. Waxaa halkaas
ku urursan unugyo ka soo socdaalay
dabaqaddii dhexe. Dhamaantood waxaa
dusha kaga daboolan dabaqaddii sare ee
noqonaysay haraggii dhallaanka. Waxaa
kale oo unkamaya qolalkii wadnaha iyo
xididdada la xiriira, xididdadii
dareen-sidayaasha oo dhan, waddadii
dheef-shiidka, waddada kaadi-mareenta
iyo dhalmada iyo waddooyinkii kale ee
hannaanka jirka socodsiinayay.
Howshaasi waxay ku dhacaysaa si
maraaxil is daba-joog ah oo aad loo
habeeyay.
Howlaha dheelli-tirka abuurka xubnaha,
waxaa ka horeeyay uunka saldhig aad u
xakamaysan oo asaas u ah
socodsiintooda. Howlahaas lagu
abuurayo xubnaha dhallaanka, xilliga
ay ugu xasaasiyad badan yihiin, oo
noloshiisa ciriiri gelin kara waa
xilliga u dhexeeya labada toddobaad ee
4-aad iyo 8-aad.
Xilliyadaas hore waxaa soo if-baxaya
sawirkii lafaha wejiga, meeshii qoorta
iyo dhabarka ay ku dhici lahaayeen,
godadkii indhaha, dhegaha iyo afka.
Sidoo kale sankii ayaa muuqanaya.
Dabadeed kurtumada labada aadimood oo
kore baa soo horeynaya, kaddib labada
danbe ayaa ku xigaya. Waxaa
dheeraanaya xarigga sirta ah oo
dhallaanka uu kala xiriiro jirka
hooyada. Dabayaaqada toddobaadka
siddeedaad, xubin waliba waxaa u
unkamay abuurkii ay ka tallaalmi
lahayd. Wax walbana waxay fariisteen
halkii loogu tala-galay. Markaas baa
abuurkii cusbaa waxaa u bilaabanaya in
lagu magacaabo dhallaan (Embryo),
hooyadiina lagu magacaabo xaamilo (Fetus).
Labadaas magac waxay calan u yihiin
howsha qallafsan oo ku dhamaanaysa
dhalmo ilmo cusub oo xubnihiisu u dhan
yihiin, kaas oo dunida ku soo kordha.
Haddaanu
dib ugu laabano, doorka daba-gibinta
ay ka qaadato abuurka dhallaanka
aadamiga, waxay ka sii qallafsan tahay
ogaalladii
Hans Spemann
iyo kooxdiisii
lagu heley
ay ka dhaxleen tijaabooyinkii ay ku
sameeyeen xayawaanka. Daba-gibinta
aadamiga, waxay ka curanaysaa unugyada
dabaqa dhexe, kuwaas oo marka horeba
si la-yaab leh oo deg-deg badan u
tarmaya. Islamarkaa yeelanaya jaadad
iyo takhasusaad kala duwan. Taas
waxaan ula jeednaa, unugyadii baa
waxay dhalayaan unugyo aanan la jaad
ahayn oo ka abuur iyo farsamo duwan.
Markaasay geedi-socod gelayaan, ay ku
kala xigsanayaa gobollo (meelo) ay ku
talaalmayaan. Gobolladaas ay kala
degeen baa waxay ku abuurayaan tallaal
xubno kala duwan, kala muuqaal ah,
kala howl ah, qaarkood ay lamaanan
yihiin, qaarkoodna ay keli yihiin.
Xubnaha qaar baa xididdo u abuurmayaan,
kuwaas oo xubin walba gaarsiinaya
xariggii uu kala xiriiri lahaa. Waa
wadnaha iyo hannaanka dhiig-wareega (cadio
vascular system) iyo xarunta
hannaanka dareenka (central narv
system).
Toddobaadka afaraad, waxaa hakad ku
imanayaa xowli-orodkii ay unugyadu ku
tarmayeen iyo hayaankii ay ku meel
eeganayeen. Duntii bilowga
(The primary or Primitive Streak)
oo
iyadu ahayd midda saldhigga u ahayd
howlahan, waxaa ku bilaabanaya in
unugyadeedii ay dib u gurtaan oo ay
tiro yaraadaan. Waxaay ku dhowaanaysaa
in ay baaba'do oo ishu qaban weyso.
Waxay ku urureysaa meesha u danbeysa
ee laf-dhabarka (The
Sacro-coccygeal Region of the Embryon).
Aqoonyahannada u kuur-gala garashada
dhallaan-baradka Embryologist,
waxay maanta si wanaagsan u ogaadeen,
in daba-gibintu ay tahay xubin xagga
Eebe looga hibeeyay awood iyo tamar
aanan caadi ahayn. Waxay u kaashataa
abuurka dhamaan unugyada ay howlahoodu
kala duwan tahay oo jirkeenu ka kooban
yahay. Sidaa darteed baa duntan waxaa
lagu magacaabaa (Pleuro-potent
Primitive Streak Cells). Waxaa
halkaas ka cad awoodda uu Eebe siiyay
xubintaa daba-gibinta ah oo ay ku
yeelatay, Eebe idankiis, maamuuska
tallaalka abuurka hore.
Bandhiggan kooban, waxaanu ku fahamnay
in daba-gibintu ay tahay xubin aanan
weligeed baaba'aynin oo ka haraysa
jirka qofka meydka ah. Ciidda ayay
baaqi ku ahaan, si kasta oo ay lafuhu
u dhamaadaan oo ay asalkoodii (biyo
iyo ciid) ku laabtaan. Iyada ayaana
goor danbe laga abuurmayaa sida uu
Eebaha ceeb-li'ida badan u tilmaamay :
"
Xaqiiqadii waanu og-nahay waxa dhulku
cunayo oo jirkooda kamid ah,
aktayadana waxaa ahaaday kitaab
ilaashan (oo wax walba lagu dhowray)
"
Waa daba-gibintaas oo mar kale la
howl-geliyo. Wixii ku kordhay oo biyo
iyo canaasir ciidda ku jira ahaa,
sidii bay u diyaarsan yihiin oo qeyb
waliba meeshii ay aadday waa la og
yahay. Sidaas baa nuxurka jirka
aadamigu ay u tahay lafta daba-gibinta.
Iyada oo aadamiga uu mooganaan kaga
sugan yahay ayuu suubanuhu inoo
muujiyay arintaas. Taasina waa ogaal
uusan qof caadi sh heli karin, xilli
garasho xumidu ay caalamka dabooshay.
Waxaanu markhaati ka nahay in suubanow
Maxamad
(sh.n.d.a.) uu Nebi ahaa, xagga Eebe
looga waramayay. Waxaanu markhaati ka
nahay in diinta uu la yimid ay tahay
mid dhab ah oo hebeenkeedu u ifayo
sida maalinteeda. Waxaan markhaati ka
nahay wuxuu ku waramay oo dhan in ay
yihiin ogaallo sare oo nolosha
aadamiga ku kordhinaya wanaag iyo
baraare.
Tayteen
Allaa taajiroon tuna illoobeyne
Towfiiqda nimuu siiyaybaa tegi
sariirtiiye
Towxiidka iyo towbaddaa lagu
tacjiilaaye
Tacabka u badsada Aakhiraa loo
tukubayaaye
(Xaaji Cali Cabdiraxmaan).
Saadiq Enow