ASAASKII
XISBIGII LEEGADA (SYL) -
Qeybtii 2-aad
W.Q. Daahir Xaaji Cismaan oo ka mid
ah Asaasayaashii SYL
Dhismihii
Xisbiga
Sidaan qaybtii
hore ku xusay, waxaan isku helnay 13 dhalinyaro
ah oo nasiib u yeeshay inay noqdaan asaasayaashii Xisbiga
SYL. Haddaba, magacyadii dhallinyaradaasi waa kuwaan:
-
-
Xaaji
Maxamad Xuseen
-
Cabdulqaadir
Shiikh Sakhaawodiin
-
Khaliif
Huudow Macallin
-
Maxamad
Cismaan Baarbe.
-
Cismaan
Geedi Raage
-
Maxamad
Faarax Hilowle
-
Dheere
Xaaji Dheere
-
Sayidiin
Xirsi Nuur
-
Maxamad
Cabdalla Xayeesi
-
Maxamad
Cali Nuur
-
Cali
Xasan Maxamad "Verdura
-
Daahir
Xaaji Cismaan
|
|
Asaasayaashi Xisbiga
SYL waxaa manta ifka ku nool aniga oo ah Daahir Xaaji
Cismaan oo ku nool magaalada Ottawa, dalka Kanada oo
80 jir ah iyo Cali Maxamad Xasan "Verdura"
oo ku nool Qoryooley, Soomaaliya oo isaguna 80 jir ah.
Runahaan, Xisbiga SYL
waxaa dhisay oo dhidibada u aasay shacbiga Soomaaliyeed
oo naf iyo maalba u huray. Annagu waxaannu ahayn dhallinyaro
Ilaahay talada waafajiyey oo tillaabadii ugu horreeysay
qaaday.
Ugu horreeyntii, waxaan
qol, aannu ku shirno, ka kireeysannay waddada "via
Roma" ee Muqdisho. Shirar iyo tabaabusho ka bacdi,
waxaa la soo gaaray xilligii si rasmi ah loo furi lahaa,
loona diiwaangelin lahaa Xisbiga. Habeenkii taariikhdu
ahayd 15ka Maajo 1943, ayaa Yaasiin Xaaji Cismaan na
soo hordhigay barnaamijkii Xibiga oo ka kooban 13 qodob.
Qodobadaas waxaa ka mid ahaa intaan ka xusuusto:
-
In
loo halgamo, lana xaqiijiyo gobanimada iyo madaxbanaanida
ummadda Soomaaliyeed.
-
In
shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal maamulna la isugu
keeno.
-
In
xoog la saaro tacliinta, siiba in lagu dadaalo waxbarashada
dhallinyarada, iyadoo la aaminsanaa inaan horumar
iyo madaxbanaani la gaari Karin tacliin la'aanteed.
-
In
af Soomaaliga la qoro oo weliba la qaato farta
Cismaaniyada, iyadoo fartaas loo arkayey inay
tahay mid waddani ah.
-
In
shacabka lagu baraarujiyo halganka gobanimadoonka
iyo madaxbanaanida.
-
In
la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun ooy
ka mid yihiin qabyaaladda, quursiga, iskala takoorka
iwm.
Kuwaas ayey ahaayeen
qodobadii ugu muhimsanaa. Qodobada haray waxay badi
ku saabsanaayeen xeer-hoosaadka iyo maamulka Xisbiga.
Qodobada dhammaan waa la isku wada waafaqay.
Yaasiin wuxuu kaloo noo
soo jeediyey in la doorto Guddoomiye iyo Guddoomiye-xigeen.
Wuxuu ku taliyey in labadaas jago aan loo magacaabin
xubno ka soo jeeda qabaa'ilka waaweeyn si looga hortago
tartan iyo awood-sheegasho qabiil oo mustaqbalka wiiqda
xisbiga, halgankana curyaamisa. Iyadoo taladaas la tixgalinayo
waxaa la doortyay labadaan mudane:
-
Cabdulqaadir
Shiikh Sakhaawodiin - Guddoomiye
-
Xaaji
Maxamad Xuseen - Guddoomiye-xigeen
Yaasiin Xaaji Cismaan
isaga qudhiisa waxaa loo doortay Xoghaye Guud. Waxaa
kaloo la go'aansaday inaan durbadiiba la soo bandhigin
ulajeedada siyaasadeed ee Xisbiga ilaa iyo intuu ka
hanaqaadayo. Sidaas daradeed, waxaa Xisbiga loo bixiyey
magaca ah "Somali Youth Club" ama Naadiga
Dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa sidaas loo yeelay
in Maamulka Ingiriiska loo tuso Xisbiga inuu yahay naadi
dhallinyaro oo u go'an arrimaha bulshada iyo dhaqanka
si looga gaashaanto carqalad iyo tacaddi ka imaan kara
xaggiisa.
Subaxdii 15 Maajo 1943,
waxaa sharaf noo ahayd inaan tagno xafiiskii Dhiinsiga
Ingiriiska, annagoo wadana codsigii (petition) lagu
dalbayey ruqsada Naadiga. Codsiga waxaa u qadimay Dhiinsiga
mudane Cabdulqadir Shiikh Sakhaawodiin oo ah Guddomiyaha
Xisbiga.
Dhiinsigii Ingiriisku
markuu akhristay codsiga wuu yiri " Waa idiin oggolaaday
inaad Naadiga furataan, waayo annagu waxaan nahay Dawlad
Dimuqaraadi ah. Waxaanse idiinkaga digayaa inaad sameeysaan
haba yaraatee wax allaale iyo wixii dhibaato u keeni
kara amniga iyo xasillonida dalka iyadoo hadda lagu
jiro xilli dagaal oo xasaasi ah" Annaguna waxaan
niri hawraarsan.
Xagge wax ka bilaabi
doonnaa, mar haddii Xisbigii la furay?
Qeybta
3-aad u gudub
W.Q. Daahir Xaaji
Cismaan
(oo ka mid ah Asaasayaashii
SYL)
Waxaa
Tafatiray:
Mohamed Dalmar
Mudugonline.com
|