|
||
| Dagaalkii Ogaadeenya
Dr. Saadiq Enow Horudhac:
Dr. Cumar Cabdi Barre Dagaalkii Ogaadeenya, waa casharro taxane ah oo ina tusaya, guud ahaan, nuxur xambaarsan taxanihii xiriir-siyaasadeed ee aduunka marar iyo meelo kala duwan, ka qaybgalayaashoodii iyo qaybo ka mid ah mirihii ka soo baxay taxnaanta xiriirka aadami ee shaqadaani ka hadlayso. Casharradu waxay tilmaan ka bixinayaan dhacdooyinkii milgaha cuslaa ee qarnigii tegey, gaar ahaan sanadihii 40-kii, 50-kii, 60-kii, iyo 70-kii. Sidoo kale waxay xusayaan soo-ifbixii ururadii siyaasadeed, dhaqaale, ciidan, dhanqan iyo sabababihii ay ku soo ifbaxeen, meelihii ay ka askunmeen, ujeedooyinkoodii iyo heer-himiladeedkii ay lahaayeen. Siyaasadaha carri-edeg, istraateejiyada kala duwan iyo tubta diblomaasiyadeed oo dowladuhu kala doorteen. Si gaar ah, casharradu waxay u xambaarsan yihiin dhismo aragti laga marin-seegey iyo dhimanaansho buro laga ilduufay. Waxay leeyihiin nuxur dedan, ujeeddo soo-saar iftiimeed, iyo soo-bandhigyo badan oo wax ku ool ah. Waxay inoo soo bandhigayaan mashaqooyinkii ka unkamay dhulkii laga fara-maroorsaday beelaha Soomaaliyeed ee xoolo-dhaqatada ah. Waxay taabanayaan ogaallada ciidameed, kuwa siyaasadeed iyo kuwa istraateeji. Biya-dhaca casharradan waa soo gudbin muuqaalladii uu lahaa Dagaalkii Ogaadeenya ee weynaa kaas oo Soomaalidu ay ku doonayeen in ay dib usoo ceshadaan urursanaanta bulshadooda gumeysigu kala baahiyey. Waa casharro inoo keydinaya tamar iyo garasho aanu ku haleelno waxaanu lahayn iyo waxaanu isu ahayn, si aanu u ilaashano dhaqankii hufnaa ee isku kaaya hayay iyo isla-weynidii lagu yiqiin awoowayaal. Si aanan loo ilaawin hantida milgoon ee inagaga maqan gacanta ummadaha shisheeye, si eeyn uga tirtirmin xusuusta taariikhda, geesiyaashii Soomaaliyeed ee qaaliga iyo raqiiskaba u huray difaaca madax-bannaanida dadkooda, si facaha cusub loogu bidhaansho ahaansheheenii hore iyo lahaansheheena. Casharradan waxaanu ka heleynaa sidii ay dadkayagu uga gudbeen xuduuddii lagu dhisay gardarro garab og xilli aanu ku sugnayn gaajo guri og. Casharradu waa fal ugub ah iyo geesinimo ku-dayasho leh, taas oo siiwadid mudan. Iyada oo ay jidho in xilliga qoraalkaani uu ku soo beegmay, mar Soomaaliya ay lumisay is-maamulkeedii qaranimo, ayay taasi waxay horjoogsi ku noqotay, aqoonyahanka iyo howsha cilmi-baarista ah ee uu bilaabay. Ninkii waddadaan maray waa u muuqataa raadinta ilo xogeed, dhib iyo khatarta ay leedahay. Sidoo kale darsashada, kala miirka, doorashada iyo adeegsiga xogta la uruursho waa howl culus. Waxaase ka culus soo dibad-dhigga iyo gaarsiinta akhriyaha. Qoruhu wuxuu meelo badan oo qaraalkaan kamid ah inoogu soo bandhigay meerisyo ka mid ah, suugaanta hal abuurka soomaaliyeed, taas oo sahleysa is afgarasho dhex-marta qoraha iyo akhristaha ee la xiriirta dhaqanka iyo ilbaximada ku salaysan waddanimada. Waxay kaloo leedahay dhan isbarasho, kaydin iyo faafin dhaqan qaab qoraal. Qoruhu dhankale wuxuu xoog saaray in akhriyaha uu la qaybsado xogtiisa muuqaal (masawir). Meelo kala duwan qoraalkaan waxaa lagu soo bandhigay kaartooyin (maps) iyo masawiro kala duwan oo xiriir la leh qoraalkaan. Taasina waa shay kale oo shaqadaan miisaankeeda culays qiimo leh u yeelay. Magaca ay casharradu wataan (Ogaadeenya) oo ah mid ku sitkan magac-beeleed, wuxuu yahay mid xambaarsan gocasho, irdho, diidmo iyo odoros dhiilo qowmiyadeed. Marka aanu ka beeg-qaadanno aqoonta af-baradka (Phylology), ereyga magacani waa khaldanyahay. Tusaale ahaan /Ogaa/deen/ya/, micne soojireen ah kuma yeelanayo af-soomaaliga. Waayo ereygu markii cilmi ahaan loogu kuurgalo, af ahaan baa khaladkiisu soo baxayaa. Arrin kale waa micnaha (de facto) ereyga (Ogaadeenya) loo adeegsado hadda dibad iyoGudaba, arintaas uga hadlimayno halkaan. Dr.Cumar Cabdi Barre Kala
soco Mudugonline.com casharadaas qiimaha leh ee Taariikhiga
ah.
Wixii
tafaasiil ah, dhiiri galin, aaraah iyo dhaliilba fadlan
la xiriir qoraaga.
Qore:Saadiq
Enowdr_saadiq@hotmail.com) Casharo
Kale
|
||
| contact: webmaster@mudugonline.com |