 |
|
Dr
Enow
|
Saraakiishii hoggaaminayay kacaankii
Itoobiya, xilliga ay dadkooda xasuuqayeen, kacaanka
Soomaaliyeed wuxuu ahaa mid uga agab iyo arxan roonaa
dadkiisa. Waxaa jiray arimo kacaanka Soomaalida
gacan ku siiyay xasilloonidii wanaagsanayd ee uu dalku
ku sugnaa bilowgii maamulkiisa. Arimahaas kuwooda
ugu milga cuslaa waxay ahaayeen mashaariic dalka laga
fuliyay oo isugu jirey kuwo lagu hor marinayo
dhaqaalaha iyo kuwo dhisme-hoosaad ah oo dowladaha
deeqda bixiya ay horay ugu deeqeen dowladdii rayidka
ahayd. Waxaa arinkaa weheliyay dhallinyaro boqollaal
ah, oo bilowgii sanadihii 1970-aadkii, dalka ku soo
laabtay kadib markii ay waxbarasho ku soo dhameysteen
dalal shisheeye. Dhallinyaradaas oo ahaa kuwo hanaqaaday
xilligii gobanimo-doonka ayaa badankoodu waxay ahaayeen
kuwo ku ababisnaa waddaniyad aanan barax lahayn. Markii
ay gacanta ku dhigeen mashaariicdii dalka ka socday,
waxaa u suurogashay in badankoodu ay si hufan u fuliyaan
howlihii loo xil saaray ee la xiriiray hor u marinta
dalka.
Arrimahaasi
waxay sababeen in saraakiishii kacaanka Soomaaliyeed
ay ka badbaadaan mucaarado ku soo deg-degta dowladdii
ay dhiseen. Inkasta oo badankood eeyan xabsiyada ku
daahin, misana odeyaashii siyaasiyiinta ahaa ee xilka
ka soo qabtay dowladihii rayidka ahaa, dhamaantood
xabsiga ayaa ladhigay. Qaar kamid ah raggaas, markii
la soo daayay, dalka dibaddiisa ayay u baxsadeen.
Waxaa kale oo jiray odeyaal uu hoggaamiyihii kacaanka
si toos ah ugu sheegay in ay dalka ka dhoofaan si
aanan loo dhibaatayn. Waxaa kamid ahaa nin la yiraahdo
Cali
Barre Jaamac (Ciddi
Libaax). Waxaa
shaqadii laga eryay agaasimayaal badan oo xilal ka
hayay mu´asasaadka dowladda, dabadeed waxaa halkoodii
lagu buuxiyay dhallinyaro aqoonyahanno ah laakiin
lagu xushay kacaannimo. Ciidamada qudhooda kama eeyan
badbaadin siyaasaddii fara-gelinta ee lagu shaandheynayay
masuuliintii wax ka hoggaaminayay mu’asasaddii ciidanka.
Baraarug
la’aanta shacabka ayaa waxay abuurtay jawi xasillooni
iyo nabad buuxda oo aysan wax fadqalalo ah wehelin.
Shacbiga
Soomaaliyeed intiisa badan wuxuu ku qancay
siyaasaddii kacaanka. Wax dowladda mucaarad ku ah
oo la tilmaami karo ma jirin. Bal waxaa sumcadda dowladda
kor u sii qaaday mashaariic xilligaas la fuliyay oo
ay ka mid ahaayeen in lala wareego oo dhamaan ilihii
dhaqaalaha oo ay dadka shisheeyaha ah lahaayeen, qoristii alif-ba’da
af-soomaaliga iyo ololihii waxbarashada reer miyiga
oo uu ka oday ahaa Gaashaanle
Cabdirisaaq Maxamad Abuukar, mashruucii abaartii Daba Dheer
ee sida hagaagsan loo fuliyay, taas oo uu ka oday
ahaa Gaashaanle
Dhexe Abshir Kaahiye, mashruucii kordhinta wax soo
saarka beeraha ee la oran jiray " Crush program
" ee uu ka oday ahaa Cabdiqaasim
Salaad Xasan.
Hor u kacaasi wuxuu sababay in
sanadkii 1974-kii Soomaaliya ay mar qura bixiso lacagihii
amaahda ahayd oo bangiga dunida uu ku lahaa. Wasiirkii
dhaqaalaha Dr.
Weyrax ayuu
ahaa ninkii iridaha u xiray xafiiskii IMF-ta
(Internationa Monetory Found) ay ku lahayd
Xamar. Taasina waxay ka danbeysay markii uu 40 melyan
oo doolar oo Soomaaliya lagu lahaa uu wasiirku u shubay.
(Waxaan
ka soo xiganay Dr. Maxamad Yuusuf Weyrax, Boosaaso,
11/ 12- 2000).
Dowladdu waxay dhistay mu’asasaad
shaqo u abuura dadweynaha. Waxaa kamid ahaa wakaaladdii
ENC (Ente Nazionzle Comerce) ee raashinka
dibadda ka keeni jirtay odayna uu kaahaa Jeneraal
Jaamac Aw-Muuse iyo wakaaladdii ADC (Agency
Devolopment Commerce) ee gacanta ku qabatay wixii
beeraha dalka ka soo go’ayay, odayna uu ka ahaa G/Dh.
Maxamad Cali Shire. Waxaa
kale oo intaas weheliyay baraarujintii iyo wacyi-gelintii
joogtada ahayd oo ay wadeen shaqaalihii wasaaradda
war-faafinta, halkaas oo uu wasiir ka ahaa sarkaal
ka tirsanaa golihii sare ee Kacaanka (G/Dh.
Ismaaciil Cali Abokor). Sidaas
baa dowladdii kaga nabad gashay shiqaaq siyaasadeed
ee kaga yimaada gudaha dalka.
1974-kii, waxaa la abuuray xafiiskii
la oranjiray PRO Xafiiska Xiriirka Dad-weynaha (Public
Relation Office) oo oday looga dhigay sarkaal
dhallinyaro ah oo la yiraahdo Dhamme
Jaamac Cali Jaamac. Xafiisku wuxuu ahaa midka ka
danbeeyay abaabulkii dad-weynaha iyo dhismayaashii
ururada bulshada. Heer degmo iyo heer xaafadeed, xafiisku
wuxuu dalka ka dhisay guddiyo shaqaale, dhallinyaro,
hooyooyin, guul-wadayaal iwm. Xoogaggaas ayaa laf
dhabar u noqday hirgelinta siyaasaddii kacaanka. Waxaa
kale oo ururadan ay gacan ka geysteen howlo badan
oo aanan wax kharaj ah dowladda kaga bixin, kuwaas
oo dhamaantood lagu fuliyay mashruuc lagu magacaabay
Iskaa Wax u Qabso.
Siyaasadda dibadda qudheeda, dowladdii Soomaaliya
waxay xilligaas ka soo hoyday guulo muuqda oo
dowladdii kacaanka iyo shacabkeeduba uu ku faani karo.
Dhacdooyinka la tilmaami karo oo aanu ku sharfanayn
waxaa ka mid ahaa :
1972-kii, Soomaaliya waxaa ay ku guuleysatay in ay
heshiis ka dhex abuurto labada dal Ugaandha iyo Tansaaniya
oo labadooda madaxweyne uu dhex yiil khilaaf adag.
1973-kii, waxaa Xamar yimid Jeneraal
Iidi Amiin Dada
(Madaxweynihii dalka Ugaandha) iyo Jeneraal
Jacfar Maxamad Al-Numeyri (Madaxweynihii dalka Suudaan),
iyaguna halkaas ayaa lagu heshiisiiyay. Isla sanadkaas
Soomaaliya waxaa ay xubin ka noqotay Jaamacadda dowladaha
Carabta, iyada oo matasha dowladda qura oo aanan afka
carabiga ku hadlin, xubina ka ah ururka. Fir-fircoonidii
siyaasadeed oo Soomaaliya ay sanadahaas muujisay ayaa
waxay gayeysiiyay in dalkeena loo aqoonsado midka
u kala dab-qaadi kara dowladaha Islaamka ah iyo waddadamada
Afrikada madow ee koonfurta saxaraha.
Shir-weynihii madaxda dowladaha
Afrika ee Xamar lagu qabtay 1974-kii ayaa qudhiisu
kamid ah munaasabadaha wanaaga ku kordhiyay wejigii
ay lahayd siyaasaddii
dibadda ee Soomaaliya. Arintaas waxaa laga dhaxlay
in Jeneraal
Maxamad Siyaad uu si toos ah uga qayb-qaato fadhiyo
caalami ah iyo gobol. Waxaa kamid ah kal-fadhigii
J.Q. ka Dh. ee shan sanadeedka ahaa. Fadhiyadii dhex-maray
dowladda Portuguese oo dhinac ah iyo dowladihii
ay gumeysan jirtay Angoola iyo Mosambiik. Fadhiyadaasi
waa kuwii loogu gogol-xaarayay madax-bannaanida dalalkaas
Afrikaanka ah.
Mashaariicdii lagu kobcinayay ciidamada
Soomaaliyeed ayaa iyagana dhankooda si xowli-orod
leh looga hirgelinayay dalka. Dowladdii Midowga Soofyeeti
oo horay u ballan-qaaday in ay Soomaaliya gacan ka
siiso xagga dhismaha ciidamada, waxay bilowday in
ay wax ka qabato heshiisyadii ay Soomaalidu la saxiixdeen
markii wasiirkoodii difaaca uu yimid Xamar (1972).
Howlo taxnaa oo loogu talagalay ciidamada ayuu Ruushku
xilligaas ka fuliyay Soomaaliya. Waxaa kamid ahaa
dhismo xarumo shidaal, dhismo xarumo talis iyo bakhaaro
dhulka hoostiisa ah oo muddo dheer keydiya rasaasta.
Waxaa kale oo uu bilaabay in uu
dhiso xeryo ay ciidamadu degaan, dekado iyo garoomo
ay dayuuraduhu soo caga dhigtaan. Wuxuu bilaabay dhismaha
kuliyaddii tababarka ee layli-saraakiil oo laoran
jiray (Jaalle Siyaad). Wuxuu kor u qaaday ardaydii
uu ciidan ahaan u qaadi jirey ee uu dalkiisa ku soo
tababari jirey, isaga oo islamarkaas kordhiyay tiradii
iyo tayadii qalabkii uu ciidamada siin jirey.
Bartamihii sanadkii 1973-kii,
Soofyeetigu waxay qaadeen laba guuto oo kamid ah ciidamadii
xooga dalka Soomaaliyeed. Ujeeddadu waxay ahayd in
ay soo qaataan tababar is-wata oo ku saabsan adeegsiga
qalabka difaaca cirka (raadaar iyo gantaallo). Waxaa
xusid mudan in ciidankaasi uu ahaa kuwii lagu bilaabay
dhismaha ciidanka difaaca circa ee Soomaaliya. Gaashaanle
Maxamad Shiikh Cismaan (Cirro) iyo Gaashaanle
Axmad Maxamad Shiikh (Neero) ayay ahaayeen labadii hoggaamiye
ee labada guuto. Laba sano dabadeed ciidankaasi dalka
ayay ku soo laabteen. Labadii sarkaal ayaa halkaas
ku helay darajada Gaashaale
/ dhexe. Islamarkaas waxaa ay la yimaadeen qalabkii
iyo hubkii ciidanka difaaca circka, kuwaas oo qeybna
ay ka soo degeen dekadda Xamar qeyb kalena dekadda
Berbera. (Waxaan
ka soo xiganay Jeneraal Ibraahim Aadan Maxamad - Doolaal,
Dubai, 10/ 4- 2004).
Tallaabsigaa
hor u kaca ah, wuxuu mar kasta bulshada ku abuurayay
hiyi-kac ay ku higsanaysay in dhulalka Soomaaliya
ka maqan ay xoroobaan. Wuxuu ahaa mid danqinayay niyadii
ay Soomaalidu u hayeen in ay dhabowdo rajada taariikhiga
ah oo uu shacabku ku mideysnaa ee ah soo hoyashada
baadida qiimiga leh ee agtooda lagu haysto. Abwaan
Cali
Cilmi (Afyare)
ayaa xilligaas tiriyay gabeygiisii ahaa Qabyo. Waxaa
kamid ahaa tix uu G. S. ee K. ku xasuusinayo qadiyadda
Soomaaliyeed. Abwaanku wuxuu yiri :
Waa golon-gollaan niman haday xil
u go’doomaane
Gabalkiin cayilay baan arkaa
gaajo ku
adeega
Sidii qaansadii godan ahayd wada
galluubnaada
Garbihiina caaryada ku taal gaashi
ha ahaato
Gawaarida cad iyo dumarka yaan
damac idiin geynin
Jeer ay guryaha soo galaan gaarka
lagu ooday
Shimbir garab la’ iyo beynu nahay
deero gees jabane
Guutooyinkaas inaga maqan geliya laabtiina
Dabayaaqadii sanadkii 1974-kii,
waxaa Soomaaliya booqasho ku yimid madaxweynihii dowladdii
Soofyeetiga Nikolai
I. Podgorny. Xilligaas
waxay ahayd mar uu Soofyeetigu ka raali noqday hayaanka
siyaasadeed ee kacaanka Soomaaliya. Madaxweyne
N.
I. Podgorny iyo hoggaamiyihii
Soomaaliyeed Jeneraal
Maxamad Siyaad waxay
kala saxiixdeen heshiis uu Soofyeetigu ku magacaabi
jirey saaxiibtinimo iyo
wax wada-qabsi. Soofyeetigu wuxuu heshiiska caynkan
ah la dhigan jirey dowladaha la xulafada ah iyo kuwa
uu ku kalsoonaado hannaankooda siyaasadeed. Xilligaas
Soomaaliya waxay ahayd dowladda keliya ee qaaradda
Afrika ku taal oo Soofyeetigu uu la lahaa heshiiska
caynkan ah. Horey Masar iyo Suudaan ayuu ula dhigtay,
waase uu ku fashilmay markii labada dalba laga soo
eryay khubaradiisii.
Qodobka ugu hilan cuslaa heshiiskaas
waa midka tilmaamayay in labada dal ay ka reeban tahay
in midkood uu heshiis la galo dal u cadow ah kan kale.
Waa qodobkaas midka abuuray khilaafka goor danbe ku
yimid xiriirkii ay labada maamul kala saxiixdeen.
Markaas oo Soofyeetigu uu la saftay maamulkii Itoobiya
ee Soomaaliya ay colaadu
ka dhexaysay. Caadada lagu yaqaan dowladaha xooga
weyn, iyaga ayaa ballanta dhiga, goortay rabaana waa
ay ka baxaan. Sida aanu casharrada danbe ku arki doono,
dowladdii Soofyeetiga ayaa Soomaaliya ku ballan-furtay
xilli baahi badan loo qabay in uu ku taagnaado heshiiskii
uu madaxweynahoodu saxiixay.
Heshiiskii dhexmaray Soomaalida
iyo Soofyeetiga, waxaa kale oo qodobadiisii kamid
ahaa in ciidamada Soofyeetigu ay adeegsan karaan dekadaha
Soomaaliya goortii ay doonaan. Shardiga keliya oo
lagu xiray wuxuu ahaa in ay soo war-geliyaan
markay imanayaan, ugu yaraan laba toddobaad ka hor.
Qodobkanna waxaa ka qeyliyay dowladdii
Mareekanka oo Soomaaliya ku tilmaamtay meel uu Soofyeetigu
ku yeeshay saldhig ciidameed. Xilligaas baa siyaasaddii
Soomaaliya waxaa u bilaabatay in ay dhex mushaaxdo
dagaalkii qaboobaa iyo haraatidii ay isku hayeen xoogagga
waaweyn ee dunida. Waxaa cagta la saaray khatar aanan
lagu baraarug-sanayn waxa ay sidato.
Sanadihii 1974-kii iyo 1975-kii,
abaar xoog weyn ayaa ku habsatay geeska Afrika. Abaartaas
oo ahayd middii soo af-jartay taariikhdii dowladdii
boqortooyada ee Itoobiya, dowladdii kacaanka ee Soomaaliya
waxaa ay ka heshay magac. Taasina waxaa ay ka danbeysay
gurmad daacad ah oo ay u fidisay dadkeedii tabaalaysnaa.
Dowladda Soofyeetiga ayaa
dhankeeda si hagar la’aan ah gacan uga geysatay barnaamij
lagu taakuleynayay dadkaa Soomaaliyeed oo ay wax yeellada
ka soo gaareen abaarta. Kasokow garoomada uu banneeyay
iyo dayuuradaha xamuulka ah oo uu ku daad-gureeyay
reer miyigii tabaaleysnaa iyo xoolahoodii, Soofyeetigu
waxay keeneen 300
oo gaari iyo raggii waday, kuwaas oo ka qeyb qaatay
rarkii iyo dejintii dadkaas. Markii ay howshii dhamaatayna,
gawaaridii wuxuu ku wareejiyay ciidamadii Soomaaliya.