Dagaalkii
Ogaadeenya
Casharkii
XIII-aad
 |
|
Dr
Enow
|
Xilligaas,
siyaasadaha Carri-edeg ee geeska Afrika la ciiray,
waxaa kale oo dacal ka taagnaa dalka Masar oo
weligiis masaalix istraateeji ah ka laa degaanka
geeska. Xiisaha taariikheed kasokow, Masaaridu
waxay Soomaaliya u arkayeen meel saldhig u ah
nabadgelyada iyo xasilloonida dalkooda. Badda
Cas oo ah mid miisaan culus ku leh isu socodka
dadyowga ku dhaqan dunida ayaa waxay tahay mid
si gaar ah u xiriirisa Soomaaliya iyo Masar. Taariikhda
aadanaha laguma hayo bad ka dagaalo badan badda
Cas. (halkaan
ka eeg Map-ka Badda Cas) Taasna waxaa
u sabab ah xiriirka ay ka dhex sameyso badweynta
Hindiya iyo badda Dhexe oo labaduba yihiin kuwo
ku yaal meel xudun u ah qaaradaha dhulka.
Siyaasadaha
casriga ah, badda Cas waxay urursatay maasaalix
kala duwan oo ay ku daneeyaan dowladaha waaweyn.
Waa bad kulansatay dano dhaqaale, dano siyaasad,
dano ciidan iyo dano istraateejiyad.
Badda Cas
waxaa la deris ah dadyow kala aaminsan diimaha la
soo dejiyay ee saddexda ah (Islaam, Masiixiyad iyo
Yuhuudiyad). Waxaa xilligaas xeebo ku lahaa toban
dowladoodoo kala siyaasado ah. Waxay ahaayeen
Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya, Suudaan, Masar, Israa段il,
Jordan, Sacuudi, Yamanta Waqooyi iyo Yamanta Koonfureed.
Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay baddaas ku leedahay
xeeb dhererkeedu ka badan yahay 600 km. Soomaaliya
waxay wakhtigaas waxay ahayd midda ugu xoog weyneed
dowladaha xukuma albaabka koonfureed ee badda Cas,
kaas oo ku xiriiriya badweynta Hindiya. Masar ayaa
iyana xukunta biya-mareenka Suweys ee ku yaal albaabka
waqooyi ee badda Cas, kaas oo ku xiriiriya badda
Dhexe.
Waxaa kale
oo jira in inta badan biyaha webiga Niil, oo saldhig
u ah nolosha Masar, ay ka soo hoobtaan buuraha ku
yaal galbeedka Itoobiya. Masaaridu waxay garanayaan
in siyaasadda Soomaaliya ay si toos ah raad ugu
yeelan karto adeegsiga biya-mareenka Suweys iyo
xakameynta biyaha macaan ee ku yaacaya dhulkooda.
Sidaa darteed, siyaasadda dowladda Masar oo ku salaysan
ilaalada maslaxaddeeda ayaa waxay ahayd mid ka dhex
muuqatay marxaladihii kala duwanaa oo ay Soomaalidu
la mareen qadiyaddooda. Masaaridu waxay markaas
siteen anshax diblomaasiyadeed oo miisaaman, kaas
oo ay ku ilaashaneyeen danaha ay ka lahaayeen labada
dowlad ee muranku dhex yiil (Soomaaliya & Itoobiya).
Yoolka ay tooganayeen wuxuu ahaa in Ruushka laga
dheereeyo geeska Afrika, Itoobiyana laga yeelo dowlad
taag-daran oo aan si buuxda uga faa段ideysan karin
ila-biyoodka ay dul-joogto.
Dowladda Israa段il
ayaa qudheedu, xilligaas xiiso gaar ah u qabtay
guud ahaan qaaradda Afrika, kaas oo isugu jirey
qodob siyaasadeed, qodob dhaqaale iyo qodob istraateejiyadeed.
Qodobka ugu horeeya ee siyaasadda, wuxuu ahaa mid
ay ku daba taagneyd in ay ka baxdo ciriiriga ay
geliyeen dowladaha carbeed, si markaas ay u hesho
saaxiibo u cududeeya marka leysugu yimaado golayaasha
caalamiga ah. Siyaasi u dhashay dalka Israa段il
ayaa arintaas xusay mar uu qoray sidan :
"
Dowladda Israa'iil, qaaradda Afrika kama ay
heyso howlo sama-fal ah. Bal maslaxadda saldhigga
ah oo ay leedahay waxaa weeye in ay jebiso cuna-qabateynta
dowladaha carabta, in ay ballaariso xiriirkeeda
dowliga ah iyo in ay hesho dowlado xushmad ku leh
carabta dhexdeeda, kuwaas oo Israa'iil uga ergeeya
carabta, wakhtigii ay haboonaato ". (Al-Siyaasa
Al-Dowliya. Tirsiga 54-aad. p. 52).
Qodobka dhaqaalaha,
waxay doonayeen in ay soo jiitaan seyladaha ballaaran
oo ay qaaraddu leedahay, maadaama ganacsigoodii
uu u gudbi waayay seyladihii carbeed. Sidaa darteed
waxay si sahlan ugu guuleysteen in ay Afrika la
yeeshaan dhaqdhaqaaq ganacsi oo ay qaaradda ugu
dhoofiyaan waxyaabaha ay wershadaha Israa段il soo
saaraan. Waxaa kale oo ay diraan rag isugu jira
khubaro iyo farsamo-yaqaano, si ay u kaalmeeyaan
daowladaha ay xiriirka la yeesheen. Islamarkaas
Israa段iliyiintu waxay Afrika ka soo dhoofsadaan
hantida ceyriin oo ay qaaraddu hodan ku tahay ee
sicirka jaban.
Qodobka
istraateejiyadda ah ayaa wuxuu ahaa danta ugu hilan
cusleyd, welina ugu hilan culus. Wuxuu ahaa mid
si xoogan ay ugu xireen nabadgelyada iyo xasilloonida
dalkooda. Israa段iliyiintu waxaa u muuqatay, ciidan
xoogan oo laga abuuro degaanka badda Cas, haba laga
gacan sareeyee, in ay ku gaari karaan hadaf u saldhig
ah nabadgelyada dalkooda. Ahmiyadda ay biyaha badda
Cas u lahayd jiritaanka dowladda Israa段il waxaa
si wanaagsan uga faalooday qoraal uu dhigay abaanduulihii
ciidamada Israa段il Jeneraal
Shaloom Aara段il,
bilowgii sanadkii 1974-kii. Jananku wuxuu qoray
sidan :
"
Wax baneynaya ma jiraan in aanu ka gaabsano ka-hadalka
baahida aanu u qabno in badda Cas ay ahaato meel
madax-bannaan. Halkaas
waxaa inoo soo mara macaadinta aanu u baahanahay.
Waxaa kale oo mara ganacsiga aanu la leenahay bariga
fog, Awstraaliya iyo bariga Afrika. Badda Cas waa
meel ay waxyeelo u geystaan isbedellada lama filaanka
ah, sida markii biya-mareenka Suweys uu ka hakaday
adeegii isu socodka ganacsiga. .......... .
Iskudeyga degaanka
ee laynagu ciriiri gelinayo, ........ waxaanu kaga
gudbi karnaa awooda teknolojiyadeed ee aanu leenahay,
taas oo aanu ku higsan karno in aanu ahaano cunsur
bad-maax ah ee ku gacan sareeya adeegsiga biyaha
badda Cas. Baddatan oo waagii hore ahayd meel ay
Israa'iil ku liidatay, waxaa suurogal ah in ay noqoto
goob Israa'iil looga danbeeyo xilliyada dagaalka.
........ ".
(Ibid.
p. 52-53).
Sidaas baa Israa段il waxay goor hore ku dhaqaaqday
tallaabooyin kala duwan oo ay ku ilaashaneyso masaalixda
ay ka leedahay Afrika iyo badda Cas. Geeska Afrika
oo ahayd halka ugu milgaha culus oo ay daneynayeen
ayaa islamarkaas wuxuu ahaa degaan daaqad ah oo
ay kaga tallaabsato sidii ay u haleeli lahayd masaalixdaas
kaga xiran qaaradda. Dowladda Itoobiya waxay noqotay
fure ay Israa段iliyiintu gacan ku dhigeen. Waxay
markiiba murashax u noqotay saaxiibka istraateejiga
ah oo Israa'iil ay dooratay. Inkasta oo xiriirkoodu
uu ku bilowday qarsoodi, misana waxay noqdeen laba
dowladood oo isqaatay. Waxaa arintaas wax ka qorey
Gold
Ma'ir
oo bilowgii iyo bartamihii 1970-aadkii ahayd raii痴ul-wasaare
dowladda Israa段il.
"
Xiriirka Israa段il iyo Itoobiya wuxuu ku bilowday
si sir ah. Waxay safaarad inoo soo direen sanadkii
1961-kii. Dagaalkii 1956-kii ayaa wuxuu dhexdayada
ka furey irido ciriiri ahaa. Markaas dabadeed ayaa
maraakiibta Israa段il iyo dayuuradeheeda waxay awoodeen
in ay dhisaan buundo ganacsi ee inoo dhexeeya. Isla
markaas waxaanu u qabanay wixii hor u marin ah oo
aanu awoodney ....... " (Saadiq
Cabdoh. Qoraal uu ku difaacay shahaado PhD oo uu
ugu magac daray Koonfurta Yaman iyo Geeska Afrika,
Jaamacadda Qaahira, 2004. s. 103).
Waxaa
jira arimo isku khasbaya wada socodka labada dowladood.
Kasokow cabsida ay labada dowladood ka qabaan bulshada
ballaaran ee Carabta ah ee ku hareereysan, waxaa
jira aragti diineed oo saldhig u ah heshiiskooda.
Itoobiya waa dalka keliya ee Afrikada madow oo ay
ku nool yihiin qoysas Yahuud ah (Falaasha). Dadka
xukunka hayana waxaa u diin ah mad-habta Orthodox-ka
oo haysta kitaabkii hore old testament. Sidaa
darteed in Israa段il ay la yeelato Itoobiya xiriir
gaar ah, wuxuu ka yareynayaa culeyska kaga imanayay
dhanka Carabta. Islamarkaas badda Cas oo taariikh
ahaan ahayd balli carbeed, waxay noqoneysaa meel
weligeed lala wadaago, maadaama Israa段il iyo itoobiya
ay wax ku leeyihiin xeebaheeda. Sidaas baa Addis-ababa
waxay ku noqotay, marka laga reebo degmada New
York, magaalo ay ku nool yihiin diblomaasiyiinta
Israa'iil ee ugu badan.
Xiriirka labadan dowladood ayaa bilowday bilowgii
sanadihii 1950-aadkii. Si degdeg leh ayuu u kobcay
isaga oo saameeyay dhamaan wejiyada nolosha, haba
ugu cuslaatee tababarrada aqooneed iyo ganacsiga.
Waxaanse cidna ka dahsooneyn in meesha ugu milgaha
culus ay ahayd tababarka ciidamada, gaar ahaan manhajka
ciidameed ee lagu caabinayay jabhadihii ku kacsanaa
Itoobiya oo ay dhulkooda mahoobidey (Ogaadeenya
iyo Ereteriya).
Dowladda Jarmalka-Bari ayaa iyaduna ku soo deg-degtay
in ay xiriir la sameysato maamulkii kacaanka Soomaaliya.
Jarmalka-Bari wuxuu markaa doonayay in uu ka baxo
ciriiriga siyaasadeed ee kaga imanayay dowladdii
la oran jirey Jarmalka-Galbeed. Waxaa jirey in dowladda
isbahaysiga ah ee Jarmalka-Galbeed uu kala dirirayay
Jarmalka-Bari in ay aqoonsi ka hesho dunida. Waayo
waxay u arkeen in dalku yahay gobol uu Ruushku ka
boobay iyaga.
Xiriirkii ugu
horeeyay ee Jarmalka-Bari uu la yeesho dowlad Afrikaan
ah wuxuu dhexmaray iyaga iyo Masar sanadihii 1960-aad.
Taasi uma saamixin in uu u soo tallaabo Afrikada
saxaraha ka hooseeya. Soomaaliya oo ahayd dowladdii
ugu horeysay oo Afrikaan ah oo xiriir la yeelata
ayaa waxay u noqotay daaqad uu ka galo Afrika. Sanadkii
1971-kii ayuu bilowday xiriirka Soomaaliya iyo Jarmalka-Bari.
Waxay markiiba bilaabeen in ay kacaankii Soomaalida
u fidiso taageero kala duwan oo ay ugu cusleyd xagga
ciidamada. Jarmalka-Bari wuxuu ka qeybqaatay dhismihii
ciidamadii nabad-sugidda ee Soomaaliya. Wuxuu siiyey
deeq waxbarasho oo isugu jira mid rayid iyo mid
ciidan. Wuxuu dhisey xabsiyadii ay Soomaalidu wada
maqleen ee 20-jirow iyo Laanta-buure, isga oo islamarkaa
u fidiyay tababarro saraakiishii ciidankii asluubta
ee xabsiyada ilaalada ka ahaa.
Shanta
qaaradood waxa ka riday qeyladiyo buuqa
Qunbuladihiyo sawaariikhda iyo qaraxa naabaalka
Waxa qamarka guud iyo hawada qalabka loo saaray
Waa quud nin haystiyo mid raba inuu ka qaataaye
Ama qaab gumeysigu bartiyo waa ququbo riixe
Annagana markii nala qabsaday waa qoraal dhigane
(Dhoodaan).
Dr.
Saadiq Enow
enow2@hotmail.com