Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya

Casharkii II-aad

Dr Enow

Dagaalkii Qaboobaa, ummado badan ayuu dhibaato u geystay, isaga oo ku keenay dhaawacyo culus hannaankii nololeed iyo kii dhaqan-dhaqaale oo ay hiddaha u lahaayeen. Taasina waxay ka dambeysay dowladihii tabarta yaraa ee madax-bannaanida qaatay ayaa siyaasad ahaan waxay u diidanaayeen dowladihii gumeysatada, iyagoo u janjeersaday aragtidii dowladihii reer bariga. Isla markaas dhaqaale ahaan waxay ku xiraayeen dowladaha reer galbeedka.

Mid kamid ah sababihii ugu horeeyay is-diidkii siyaasadeed ee ka dhex-dhacay xoogaggii xulufada ahaa ee ku adkaaday dagaal-weynihii dunid ee labaad (1939-1945), waxaa kamid ahaa isku-qabsigii ka talinta dhulalkii uu Talyaanigu ku haysatay dul-maamulka (Soomaaliya, Eriteriya iyo Liibiya).

Liibiya markii ay xoriyad heshay, Eriteriya waxaa federaal lagala dhigay maamulkii Itoobiya oo uu Xayle Selaese boqorka ka ahaa. Soomaaliya waxay noqotay meel kale oo muran xoogan ka dhex abuurta siyaasaddii ay ku wada socdeen dowladihii xulufada ahaa. Ingiriiska oo markaas gacanta ku hayay dhamaan gobolladii Soomaaliyeed, marka laga reebo, ayaa wuxuu soo bandhigay taladiisii ahayd in isaga faraha looga qaado maamulka gobolladan, dabadeedna uu gaarsiiyo dowladnimo buuxda.

Faransiiska oo markaas Jabuuti gacanta ku hayay ayaa qaatay aragti ah in talada Soomaaliya la hoos geeyo Qaramada Midoobay Q. M. Soofyeetiga, wuxuu raacay taladii Faransiiska, wuxuuse ku darsaday in muddadaas la sameeyo maamul daakhili ah oo Soomaalidu ay iyaga is-maamulaan. Mareekanka ayaa markaas soo bandhigay talo ah in gobollada koonfureed iyo kuwa bariga iyo bartamaha loo celiyo Talyaanigii laga qabsaday. Sababtu waxay ahayd hiilo uu u geysanayay Talyaaniga si xisbigii dalka qabtay dagaalkii kadib oo ahaa Christian Democratic uu u helo qaab uu ku hanto maamulka dalkiisa.

Waxaa kale oo jiray dhambaal uu xambaarsanaa goŽaanka Mareekanka, kaas oo ah in Ingiriisku garto in uu dhamaadey xilligii uu siyaasadda dunida ka ahaa kabiir wax yeeriya. Mareekankana uu safka hore kaga jiro dowladaha kala wareegaya xilkaas. Sidaas ayay Soomaaliya waxay kaga mid noqotay dhibanayaashii ugu horeeyay ee uu Dagaalkii Qaboobaa ku reebay raad xoog badan. Gobolkan Ogaadeenya ayaa wuxuu yahay mid si toos ah iyo si dadbanba uu u dhaawacay dagaalkaas. Ayaan darrada aanu la wadaagno dad-yowga dhlkooda laysku haystay waxaa inoo dheer, dowladihii xulufada oo dhamaantood u janjeeray hiilka Xabashida. Waxaa taas ka culus hiilada ay ka heleen caqliga Soomaaliyeed ee guracan ee aanan qaan-gaarin. Caqliga ku dabran is eegasho gudaheena ah iyo u adeeg dan gaar ah. Qoraalladeenaan hore waxaanu wax kaga xuseynaa ummadihii uu gaaray dhimbilihii dagaalkaas iyo is maan-dhaafyadii uu ku reebay dowladihii adkaaday.

Bartamihii sanadkii 1948-kii, waxaa dhimbil muran keentay ay ka shidantay magaalada Berliin. Dowladdii Soofyeetiga ayaa xayiraad ku soo rogtay gaadiidkii dhulka ee u kala shaqaynayay gobolladii Jarmalka Galbeed iyo xaafadihii galbeedka kaga yiil degmada Berliin. Waxaa xusid mudan magaalada Berliin, inkasta oo afartii xoog ee adkaaday ay wada galeen, misana ay bartamaha kaga tiil dhulkii ay ciidamada Soofyeetiga qabsadeen. Taasi waxay magaaladii ka dhigtay jasiirad ku dhextaal bad-weyn ciidamadii casaa ah. Xiriirkii oo xumaaday darteed, Soofyeetiga waxay maamulkii xulifada oo reer gelbeedka ahaa ka reebeen in ay xagga dhulka ugu kala gooshaan degmada iyo gobolladii ay haysteen.

27/ 6- 1948-kii ayay xayiraadaasi bilaabatay. Arintaasi waxay ka danbeysay markii ay dowladihii reer galbeedka ahaa damceen in ay Jarmalka u sameeyaan lacago mid ah. Soofyeetiga ayaa markiiba lacag u soo daabacay degaankii uu isagu maamulayay ee ku yiil dhanka bari. Taasina wuxuu uga dan lahaa in kala gooynta Jarmalka ay noqoto qadiyad aanan dood gelin.

Dhibaatada xayiraadda waxay socotay tan iyo 1/ 5- 1949-kii. Soofyeetiga ayaa markaas doonayay in uu dagaal maskaxeed ku qaado reer galbeedka. Wuxuu bedelay muuqaalkii ay lahaayeen xaafadahii magaalada Berliin. Wuxuu dhisay derbi weyn oo taagiisu yahay 4 m. oo magaalada kala teeda. Dhanka bari waxay noqotay meel uu fadhiyo maamlkii isaga la xulufada ahaa. Dhanka galbeed oo ay ku noolaayeen dad laba melyan gaaraya, ayaa muddadaas laga quudinayay xagga hawada. Muddadii ay xayiraadu taagnayd, daqiiqad walba dayuurad xamuul ah ayaa soo caga-dhiganeysay gegida dayuuradaha ee Berliin. . (Swedish National Encyclopedia. 1993. Vol. 2, p. 467).

Dowladihii reer galbeedka waxay xayiraadan kaga jawaabeen in sanadkii xigay ay Jarmalka ka dhisaan dowlad isu-tag ah oo ka kooban gobolladii ay kala haysteen. Waxaa halkaas ku baxay magaca Dowladda Federaaliga ah ee Jarmalka. Isla sanadkaas waxaa la dhisay is-bahaysiga ciidameed ee North Atlantic Treaty Organisation NATO.

Sanadkaas waxaa dhacay kacdoonkii degmada Parag oo markaas ahayd magaaol-madaxdii dalkii la oran jiray Tjeckoslovakia. Dad-weynaha kacdoonkaas dhigay waxay diidanaayeen maamulkii shuuciga ahaa ee halkaas ka dhisnaa. Waxaase cadaadiyay ciidamadii Soofyeetiga oo si toos ah ugu soo hiiliyay maamul ay dhiseen rag shuuciyiin ahaa. Dad gaaraya 100.000 ayaa loo taxaabay xabsiyada iyo shaqooyinka culus. Isla markaas dowladdii Soofyeetigu waxay bilawday in ay bariga Yurub ka dhisto dowlado sita magac dimoqraadiyadeed oo hal xisbi u taliyo.

Dhismaha is-bahaysiga NATO, Soofyeetigu waxay kaga jawaabeen, in gobolkii ay ka haysteen Jarmalka ay ka dhisaan dowladdii la oran jiray Dowaladda Jarmalka Dimoqraadiga. Waxaa kale oo ay dhiseen is-bahaysigii dhaqaalaha oo la oran jiray COMECON (The Council of Mutual Economic Cooperaion), kaas oo ku dhisnaa wax is-dhaafsi iyo qeybsi wax soo-saar.

Sanadkii 1955-kii, dowladdii Is-bahaysiga ee Jarmalkii galbeed, waxay ku biirtay is-bahaysigii ciidamada ee NATO. Soofyeetiga ayaa arintan kaga jawaabay in uu dhiso is-bahaysigii ciidameed ee dowladihii reer bariga oo la oran jiray WARSZAWA. Waxaa halkaas ka abuurmay labo xulufo oo haysta hub halis ah, kuwaas oo Yurub bartamaheeda degay, isla markaasna aragtidooda siyaasadeed ay is diidan tahay.

Bilowgii sanadkii 1950-kii, Mareekanku wuxuu heshiis la dhigtay Jabaan. Heshiiskaas waxaa ku xusan in Mareekanku ka helo dhulka Jabaan saldhigyo ciidameed oo uu muddo dheer fadhiyo. Taasi waxay ka caraysiisay dowladihii shuuciga ahaa, gaar ahaan Soofyeetiga iyo Shiinaha. Dabadeed iyada oo aanan wax sabab ah oo horaysay eeyan jirin, ayaa dowladda Waqooyiga Kuuriya ay bartamihii sanadkaas, ku duushay Kuriyada koonfureed. Markaas dowladda Waqooyiga Kuuriya waxay sheegatay in iyada lagu soo duulay, runtuse waxay ahayd in Soofyeetiga iyo Shiinuhu ay gadaal ka taagnaayeen iyaga oo kaga jawaabayay heshiiskii Jabaan.

Markiiba, dowladaha Mareekanka iyo Ingiriiska ayaa si buuxda ugu hiiliyay Kuuriyada Koonfureed oo ciidamo u diray, iyaga oo weliba ogolaansho ka haysta Q. M. Markaas waxaa bilowday in Dagaalkii Qaboobaa uu ka soo wareego Yurub, isaga oo u soo tallaabay dowladihii ku yiil bariga fog.

Inkasta oo goor danbe ay kala furteen, misana xiriirkii ku dhisnaa aragtida shuuciyadda ah ee dhex-maray Soofyeetiga iyo Shiinaha ayaa culays ku kordhiyay miisaankii ay lahayd dowladda Soofyeetiga. Taas ayaa ka danbeysay in Shiinaha ay ku fekeraan fara-gelinta siyaasadda dowladaha la deriska ah. Taasi waxay sabab u ahayd dagaalkii Kuuriya iyo kii goor danbe ka dhacay Fyetnaam.

Dagaalkii Kuuriya dabadeed, waxaa bilaabatay in labadii xoog ay qolo waliba adduunka kale ka raadsato xulufo ay is bahaystaan. Mareekanka oo loolankan bilaabay wuxuu saaxiibo ka raadsaday waddamada ku yaal bariga fog. Sanadkii 1954-kii waxaa magaalo-madaxda Filibiin (Maniila) lagu saxiixday heshiiskii la magac baxay SEATO (South East Asia Treaty Organisation). Dowladaha ku bahoobay heshiiskan waxay ahaayeen Mareekan, Ingiriis, Faransiis, New Zeeland, Bakistaan, Awstreeliya, Taylaand iyo Filibiin. Sanadkii 1955-kii waxaa kale oo la dhisay is-bahaysigii Baqdaad oo ay bilaabeen Turkiya iyo Ciraaq. Waxaa goor danbe ku soo biiray Bakistaan, Iiraan iyo Ingiriis. Labadaas is-bahaysi waxay ka dhan ahaayeen Shuuciyadda.

Kadib markii ciidamada Soofyeetiga ay ku guuleysteen in ay dhisaan gantaallada qaaradaha isaga tallaaba, kaas oo gaari kara dhulka Mareekanka, waxaa bilaabatay in labada dal ay kala cabsadaan. Waxay hakad badan geliyeen hanjabaad ay is-dhaafsan jireen, taas oo dhalin kartay in ay dagaal furan isaga hor yimaadaan. Labada maamul waxaa u muuqatay in uusan midkoodna bad-baadeyn haddii ay diriraan. Muddadii uu socday D. Q., marna labadaas xoog dagaal furan isagama hor iman. Waxaase jirtay in uu mid walba taageerayay dhinac kamid ah dagaalladii dunida ka socday, iyadoo kan kalena uu dhinaca kale la safnaa. Taageerada dowladahaasi waxay isugu jirtay bixin jaadad kala duwan oo hub ah, kaalmo dhaqaale iyo waxbarasho aqoonta kala duwan ee ciidamada.

Soofyeetiga oo markaas dareensanaa in reer galbeedku eeyan weli aqoonsan awooddiisa ayaa isna dhankiisa dadaal ka muujiyay sidii uu raad siyaasadeed ugu yeelan lahaa siyaasadda dowladaha aduunka saddexaad. Taasi waxay kaliftay afgembiyadii ciidamada ee ka dhacay waddamada Carabta iyo qaaradda Afrika, kuwaas oo hir-gelintooda ay ku beegnayd sanadihii 50-aadkii iyo 60-aadkii.

Bilowgii sanadihii 60-aadkii, Mareekanka ayaa bilaabay falal kuwaas lamid ah. Wuxuu la beegsanayay dowladaha u janjeera siyaasadda Hanti-wadaaga ah. Sanadkii 1963-kii, waxaa af-gembi ku dhacay dowladda Grenada. Sanadkii 1965-kii, waxaa la af-gembiyay dowladdii Domenika. Waxaa jiray af-gembi lala damacsanaa dowladda Kuuba sanadkii 1961-kii, kaas oo fashilmay. Af-gembiyadaas ayaa dhamaantood waxaa ka dambeeyay Mareekanka.

Geeridii Stalin dabadeed, xisbigii shuciga ahaa wuxuu hoggaamiye u doortay Nikita Khrshchev, kaas oo sanadkii 1956-kii ku dhawaaqay in hanti-wadaaga iyo hanti-goosigu ay wada noolaan karaan iyaga oo aanan wax dagaal ah dhex-marin. Taasina waxaa mahadeeda leh shuuciyadda oo yeelatay xoog aanan la dhayalsan karin. Taasi waxay neef ku afuuftay rajo ah in labada xoog ay wada shaqeyn dhex-marto. Waxaa kale oo jiray damac waalan oo labada xoog ay ku doonayeen in ay iyagu buuxiyaan meelihii ay baneeyeen quwadihii gaboobay (Ingiriis iyo Faransiis).

Dagaalkii biya-mareenka Suweys ayaa kamid ah dhacdooyinka uu reebay D. Q. hogaamiyihii dalka Masar Jamaal Cabdi Naasir, oo ku dhawaaqay in uu qarameeyay maamulka biya-mareenka Suweys. Dhacdadaas waxay ku beegneyd 26/ 7- 1956-kii.

Waxaa jiray shirkad Ingiriisku ah oo gacanta ku haysay maamulka biya-mareenka. Dowladdii Masar ayaa waxay eriday shaqaalihii shirkadda. Ingiriiska oo falkaas ka xumaaday ayaa duulaan ku soo qaaday Masar. Wuxuu horay u soo kaxaysaty Faransiiska oo ka xumaa taageerada ay Masaaridu siinayeen jabhaddii gobanimo-doonka ahayd ee JasaaŽir. Dowladda IsraaŽiil ayaa iyaduna is tusisay in ay fursadda ka faaŽiideysato si ay ugu wiiqdo awooda cadowgeeda la deriska ah midka ugu weyn.

Muddadii u dhexeysay 22-kii iyo 25-kii oktoober, waxaa socday duulimaad xagga cirka ah oo lagu duqeynayay degmooyin ku yaal waqooyiga Masar. 29/ 10- 1956-kii waxaa bilaabatay in ciidamada Ingiriiska ay qabsadaan degmooyinkii ku yiil daanka biya-mareenka oo ay ugu horeysay Bur-saciid. IsraaŽiil ayaa iyaduna dhl weyn ka qabsatay lama-degaanka Siinay.

Laba fikrad ayuu dagaalkaas soo kordhiyay. Mid waxay ahayd, madax-bannaanida la siiyay dowladaha aduunyada saddexaad in ay tahay mid siyaasadee oo eeyan ahayn mid dhaqaale. Haddiise ay doonayaan madax-bannaani dhaqaale waa in ay halgankii ay galeen mid lamid ah isu taagaa. Oo ay diyaar u ahaadaan dagaal furan oo ay la galaan dowladaha gumeysatada ah. Midda labaad waxay tahay quwadihii cusbaa (USA & USSR) oo isu diyaariyay in ay bedelaan kuwii gaboobay. Taasina waxaa tilaamay mowqifkii midka ahaa oo dowladaha Mareekanka iyo Soofyeetiga ay ka qaateen dagaalka biya-mareenka. Labadaas dowladood ayaa si buuxda ugu caga-jugleeyay Ingiriis iyo Faransiis. Waxay ku khasbeen in ay xushmeeyaan madax-bannaanida Masar, kana soo baxaan meelaha ay ciidamadooda geeyeen. Sidoo kale ayaa IsraaŽiilna looga saaray dhulkii ay boobtay ee lama degaanka Siinay.

waa socotaa ...........

Gadaal ugu noqo casharada

Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.