Dagaalladii
ay jabhaduhu qaadeen wuxuu diirimaad ku kordhiyay
xiriiradii ka dhexeeyay dowladihii hanti-wadaagga
ahaa. Iyaga oo ka jawaabaya calaacalka Itoobiya
baa diblomaasiyaddii dowladahaasi waxay bilawday
dhaqaaqilyo araareyn oo ay la soo beegsadaan Soomaaliya.
Soofyeetiga oo u weynaa ayaa wuxuu bilaabey howlo
xog-raadis ah oo ku wajahan xurgufta ka bilaabatay
Ogaadeenya. Guddigii siyaasadda xisbigii shuuciga
ee Midowga Soofyeeti, wuxuu faray wasaaraddiisii
dibadda in ay soo diyaariyaan war-bixin ku saabsan
xiisadda ka taagan geeska Afrika. Fadhi kamid
ah fadhiyadii toddobaadlaha ahaa oo guddigii siyaasadda
uu lahaa 2/ 2- 1977-kii, ayay wasaaraddu ugu soo
bandhigtay war-bixin kooban oo la xiriira ogaallada
xiisadda. Waxaa kamid ahaa :
"
Soomaaliya waxay sheeganaysaa dhul aad u ballaaran
oo ay Itoobiya leedahay, waa Ogaadeenya. Waxaa
dhab ah in ay halkaas ku nool yihiin dad tiro
badan oo Soomaali ah (qiyaas hal melyan). Itoobiya
ayaa gebi ahaan diiddan sheegashada JDS ee dhulka.
Waxay ku salaynayaan arintaas in xuduudda Itoobiya
iyo Soomaaliya lagu xariiqay heshiisyo caalami
ah, gaar ahaan waxaa jira heshiis ah in xuduudda
labada dal laga yeelo meel ka caaggan ciidamada.
Heshiiskaas waxaa kala saxiixday Itoobiya iyo
Talyaaniga sanadkii 1908-dii. Itoobiyaanku waxaa
kale oo ay tilmaamayaan qodobka ay ku heshiiyeen
xubnaha OAU-da, kaas oo lagu gaaray magaalada
Qaahira sanadkii 1964-kii. Qodobku wuxuu sheegayaa
in dowladaha Afrikaanka ah dhamaantood ay oggolaadaan
xuduudaha jirey markii ay madax-bannaanida qaateen.
...................... . Annaga oo tix-raacayna
ogaallo lagu kalsoon yahay, Soomaalidu weli waxay
Ogaadeenya ka wadaan dhaqdhaqaaq ciidan. Waxay
gobolka u gudbiyeen ciidamo ay hoggaaminayaan
saraakiil Soomaali ah ". (Third
African Department, Soviet Foreign Ministry. Information
Report on Somalia - Ethiopia Territorial Disputes.
2 February 1977).
War-bixintaas
guracan oo ay qaadanayaan masuuliyiintii ka talinayay
dowladdii dunida ugu xoogga weyneed, ayaa waxaa
laga garanayaa go'doonka ay ku sugan tahay qadiyadda
ay Soomaalidu wataan. Heshiiska la xusay oo qarnigii
tegey bilowgiisii ay kala saxiixdeen Talyaaniga
iyo Itoobiya, waa mid aanan loo qaban karin Soomaalida.
Waayo dhulka la xariiqay Soomaali baa leh. Labada
dowladood oo xariiqda ku heshiiyay waxay ahaayeen
laba xoog oo boob iyo gumeysi u socda. Xariiqdii
ay sameeyeen kuma eeyan jaan-goyn wax cadaalad
ah. Dadkii dhulka lahaana lama eeyan tashan markii
ay xariiqda sameynayeen. Sidaa darteed buusan
heshiisku u ahayn mid qanciyay dadkii dhulka lahaa.
Taasina waxay diideysaa in heshiiskaas uu ugudbo
heer caalami .Haddiise ay jirto gardarro garab
og, horey ayay Soomaalidu uga maahmaaheen inaanan
laga bogsoon.
Waxaa
kale oo war-bixinta lagu xusay in xiisadda dhex
taal labada dal ay sii murgeyso marka Jabuuti
ay qaadato madax-bannaanida iyo in Soomaalidu
ay adduunka ka doonayso saaxiibo la fahma qadiyaddooda.
Qoraalkii arintaa waxaa kamid ah sidan :
"
Xiriirka labada dal wuxuu noqonayaa mid aad u
sii murga, sababtuna waa Jabuuti. Faransiiska
wuxuu goostay ballanqaad ah in uu sanadkan gudihiisa
uu madax-bannaani siiyo. Dhanka Itoobiya, markii
si dhab ah wax loo eego, gobolkan wuxuu u leeyahay
dano nololeed. Jabuuti waxaa ku dhamaada waddada
tariinka ee ka soo bilaabata Addis-ababa. Halkaasi
waxay saldhig u tahay ganacsiga dibadda ee Itoobiya.
Dhulkaas oo loo yaqaan FTAI (Dhulka Faransiiska
ee Cafarta iyo Ciisaha), iyaguna ay ku magacaabaan
Franch Somali-land (Soomaalidii Faransa), waa
mid kamid ah shanta qeybood ee Soomaali weyn.
Dhab ahaan dadka halkaa ku nool badankoodu waxay
ka soo jeedaan qabaa'il la xiriira Soomaalia.
............................. . Dowladda Soomaaliyeed
waxay hadda waddaa dicaayad ka dhan ah Itoobiya.
Ujeeddadu waa in ay hesho a ". (Third
African Department, Soviet Foreign Ministry. Information
Report on Somalia - Ethiopia Territorial Disputes.
2 February 1977. Somalia's Territorial Disagreement's
with Etiopia and The Position of The USSR. Brief
Information).
Waxaa
kale oo ay warbixintaas ku sheegeen in Soomaaliya
ay waddo dacaayad xoog badan oo Itoobiya ka dhan
ah, taas oo heer caalami ah. Ujeeddada, waxay
ku tilmaameen in Soomaaliya ay dooneyso dowladu
ku taageera mowqifka ay ka taagan yihiin qadiyaddan,
taasina waxay dhalinyasaa xiriir ka dhex abuurma
Soomaaliya iyo xoogaggii imberiyaaliyadda ahaa.
Waxay tusaale u soo qaateen, Jemeraal
Maxamad Cali Samatar oo booqasho ku sii
maray dowladaha Hanti-wadaagga ah ee Yurubta bari
markii uu booqanayay Kuuba. Wada-hadalkii uu jeneraalka
Soomaaliyeed la yeeshay madaxdii dowladahaas,
wuxuu ku soo qaaday qadiyadda Ogaadeenya. Waxaa
kale oo ay sheegeen in Soomaaliya ay ku sikaneyso
dalalka Carabta, si ay taageero ugu hesho sheegashadeeda
Ogaadeenya.
23/
2- 1977-kii, Madaxweyne
Maxamad Siyaad wuxuu xafiiskiisa kula kulmay
danjirihii Ruushka C.V.
Samonov. Dood dheer oo dhex-martay labada
nin ayuu Madaxweynihii Soomaaliya uu ku diidey
in Soomaaliya ay sabab u tahay dabka ka baxaya
Iootbiya. Maxamad Siyaad
waxaa kale oo danjiraha uu u sheegey in
uu si xooggan u qiimeynayo is-beddelka hor u socodka
ah ee Itoobiya ka dhacay. Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay
taageerada dowladaha hanti-wadaagga ah ay u fidinayaan
Itoobiya in ay tahay mid caddaalad ah oo islamarkaas
loo baahan yahay. Hadalladii madaxweynaha waxaa
kamid ahaa :
"
Waanu fahmeynaa in Midowga Soofyeeti uu isku deyayo
in Itoobiya uu ka dhigo dal xasilloon islamarkaana
ah mid ku socda waddada hantiwadaagga ah. Hadafkaas
dowladda Soofyeetiga ay ka leedahay degaanka wuxuu
waafaqayaa maslaxadda Soomaaliya. Jamhuuriyadda
Demoqraadiga Soomaaliya, maslaxaddeedu waa in
ay leedahay deris hanti-wadaag ah, ee maahan deris
hanti-goosi ah. ...................... . Mengistu
maahan nin ku taagan mabaadiida hanti-wadaagga
ah marka la'eego heerka qowmiyadeed ee mabda'a.
Waa in uu siiyaa xaqa ay u leeyihiin aaya ka-taliska
ummadaha ku nool Ogaadeenya oo ay Soomaalidu kamid
yihiin, iyo weliba dadka reer Eriteriya. Waa arrin
muhiim ah in Mengistu
uu hadda xal u raadiyo dhibaatada dhulka laysku
haysto, ama uu bixiyaa ballan-qaadyo tilmaamaya
in uu diyaar u yahay in mustaqbalka uu su'aashaas
xal hagaagsan ka gaarayo ". (Sedret.
Copy No. C.V. SAMONOV Orig. No. 101, 11 March
1977, Notice from Conversation with President
D.R. of S. Mhammed Siad Barre).
Mar
danjiruhu uu su'aal weydiiyey ku saabsan hadalkii
uu Axmad Suleymaan ka
sheegey Suudaan oo ahaa in xarunta OAU-da laga
raro Itoobiya, madaxweynaha Soomaaliyeed wuxuu
ku sheegey in arintaasi ay tahay ra'yi uu wasiirku
la gaar yahay. Waxa ooraahda ballaariyeyna ay
yihiin warbaahinta Suudaan. Waxaa kale oo uu tilmaamay
kacdoonka Itoobiya ka jira ee lagu diidan yahay
maamulka, in uusan ahayn mid Soomaaliya laga taageerayo.
Bal uu yahay mid taakuladiisa ay ka imanayso dalalka
Suudaan, Masar iyo Keenya.
Maxamad
Siyaad wuxuu beeniyey, in xuduudda Ogaadeenya
ay ka dagaalamayaan jabhadiin lagu tababaray Soomaaliya
oo ay weheliyaan kooxo kamid ah ciidamada rigliga
ah ee XDS. Hadalladii madaxweynaha waxaa kamid
ahaa sidan :
"
Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, uma socoto
in ay dagaal ku bilowdo Itoobiya. Dagaalka ceynkaas
ah waa mid bur-burinaya labada dal. Dowladaha
embriyaaliyadda ah oo keliya iyo Carabta dib u
socodka ah ayaa ka faa'iidaya dagaalka. Si wanaagsan
ayaanu arintaa u garaneynaa. ......................
. Inkastoose aanu taageereyno halganka lagu mideynayo
ciidda hooyo. Dadka ku nool Ogaadeenya waa walaalahaya.
Hoggaamiye ahaan, ma diidi karo haddii dadkeygu
ay kaalmo i weydiistaan ". (Sedret.
Copy No. C.V. SAMONOV Orig. No. 101, 11 March
1977, Notice from Conversation with President
D.R. of S. Mhammed Siad Barre).
Ugu
danbeyntii madaxweyne Siyaad
wuxuu danjiraha uga mahad celiyay mashaariic dhismo-hoosaad
ah dalkiisu uu ka wado Soomaaliya. Waxaa kamid
ahaa dhismaha garoonka dayuuradaha ee Berbera,
biya-xireenka Faanoole iyo kalluumeysiga. Wuxuu
u gudbiyay dowladda USSR codsi ah in ay kordhiyaan
tirada ardeyda reer Jabuuti oo magaca Soomaaliyeed
lagu siinayo deeqda wax-barasho sanad-dugsiyeedka
soo socda.
Waxaa
xigay socdaallo is-daba joog ah oo Xamar iyo Addis-ababa
ay ku booqdeen madax ka socota dowlado hanti-wadaag
ah. Booqashooyinkaas oo isugu jirey kuwo rasmi
ah iyo kuwo aanan rasmi ahayn, waxaa safka hore
kaga jirey dowladda Jarmalka-Bari iyo Kuuba. Labadii
maalmood ee ku beegneyd 31-kii janaweri iyo 1-dii
febraweri 1977-kii, waxaa Xamar yimid wafdi sare
oo ka socda dowladdii la oran jirey Jarmalka-Bari.
Wafdigaas waxaa hor kacayay nin la yiraahdo Warner
Lambarz oo ahaa wasiirka nabad-sugidda,
kana mid ahaa guddigii siyaasadda xisbigii ka
talinayey dalka SED (Scialist Unity Party of East
Germany). Ragga uu hor kacayay waxay ahaayeen
Kurt Tidke, Ebrehard
Heidrich iyo Freidel
Trappen, kuwaas oo dhamaantood masuuliyad
sare u hayay xisbigii dalka ka talinayay.
Fadhigoodii
ugu horeeyey waxay la qaateen madax ka socotay
dowladdii Soomaaliya iyo madax kle oo xubno ka
ahaa XHKS. Fadhiga waxaa goob-joogayaal ka ahaa
dhamaan danjirayaasha dalalka hanti-wadaagga ah.
Danjirihii Ruushka C.V.
Samonov ayaa si gaar ah ugu sheegay madaxa
wafdiga Jarmalka in Hoggaamiyaha Xisbiga Shuuciga
ee Midowga Soofyeeti L.
I. Brezhnev uu bilowgii bisha janaweri
u soo direy dhambaal Madaxwene Siyaad,
kaas oo uu kaga hadlayay in uu ka fogaado khilaaf
ciidameed ee dhex-mara Soomaaliya iyo Itoobiya.
Madaxa wafdiga Jarmalka Lamberz, waxaa u muuqatay
in madaxda Soomaaliya ay ku adag tahay in ay ballan-qaad
bixiyaan ay ku qaboojinayaan xiisadda ka bilaabatay
geeska Afrika. Sidaa darteed buu ka gaabsaday
in uu wax taageero ah u fidiyo Soomaaliya iyo
xisbigii talada u hayay. Wuxuu xisbiyiinta Soomaaliyeed
u caddeeyeen, marka hore in ay muhim tahay in
labada xisbi ay ku heshiiyaan qaabka wada shaqeynta
siyaasadeed ee mabaadiida ku dhisan.
Dabadeed
fadhi gaar ah ayay la qaateen madaxweynihii Soomaaliya.
Raggii martida ahaa ayaa madaxweyne Siyaad
u gudbiyay dhambaal ay ka sideen hoggaamiyahoodii
Eric Honecker. Madaxweynaha
iyo wafdigu markii ay isu mahad celiyeen, waxay
is dhaafsadeen arimo la xiriira labada xisbi iyo
guud ahaan geedi socodka caalamiga ah iyo midka
goboleed ee aragtida hanti-wadaagga. Wafdigii
Jarmalka ayaa bilaabay in ay soo hadal qaadaan
khilaafka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Madaxweyne Maxamad Siyaad
oo arintaa uga jawaabaya wuxuu tilmaamay meesha
uu ka taagan yahay dhibaatada dhex taal Soomaaliya
iyo Itoobiya. Madaxweynuhu wuxuu caddeeyay baahida
loo qabo in si nabad ah lagu xalliyo khilaafka.
Islamarkaas wuxuu eedeyn dusha ka saarey maamulka
Itoobiya ka dhisan oo uu ku tilmaamey mid ah haraagii
rijiimkii boqortooyada.
W.
Lamberz ayaa fadhigaas ugu sheegey madaxweynaha
Soomaaliyeed in ay muhiim tahay in ay is af-gartaan
xoogagga hor u socodka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya,
ayna ka fogaadaan in ay imberiyaaliyaddu ka dhex
macaashto khilaafkooda. Maxamad
Siyaad wuxuu isna u sheegey wafdigii in
uu diyaar u yahay in uu si wanaagsan u diraaseeyo
xaaladda hoggaanka Itoobya, iyo in uu xataa la
xiriiro Mengistu.
G/
S. Axmad Suleymaan Cabdalla ayaa maantii
labaad casho-sharaf u sameeyey wafdiga. Cashadaas
oo ka dhacdey Jubba. Kaddib markii la casheeyey
ayaa Axmad Suleymaan (Dafle)
uu madaxdii halkaas fadhidey iyo xubnihii wafdiga
uu ka codsadey in ay isaga tagaan isaga iyo W.
Lamberz. Waxaa xusid mudan in labada nin
uu ka dhexeeyay xiriir gaar ah oo howleed. Waayo
labaduba waxay kamid ahaayeen guddigii siyaasadda
ee labada xisbi. Islamarkaas waxay hoggaaminayeen
xafiiskii looga talinayay ciidamada nabad-sugidda
ee labada dal. W. Lamberz,
wuxuu ahaa ninkan af-ingiriiska si wanaagsan u
yiqiin. Taasi waxay sahashay in isaga iyo Axmad
Suleymaan Dafle aanan loo kala turjumin.
Saacado badan ayay ka doodeen qadiyadda Ogaadeenya.
Axmad Suleymaan oo
ku dadaalay in uu qanciyo masuulkan martida u
ah ayaa ka sheekeeyay sida ay Soomaalida ugu dulman
yihiin qadiyaddan. Wuxuu ka waraney qaabkii uu
gumeysigu u qeybiyay Soomaalida iyada oo aanan
loo aaba yeelin masaalixdooda. Nasiib darro, Lamberz
wuxuu ahaa nin xambaarsan ragti ah in Soomaaliya
ay culeyska ka deyso Itoobiya, waayo waxaa ka
curtey dowlad hantiwadaag ah. Dafle
wuxuu ku adkeystay in nadaamka Itoobiya ka dhisan
uusan ahayn mid hanti-wadaag ah, bal uu yahay
saraakiil ku loolamaya talada dalka. Dafle
wuxuu si wanaagsan ula socday xaaladda ay ku sugan
yihiin saraakiisha Dergo. Lamberz iyo wafdigii
uu hor kacayay, iyaga oo aanan ku qanacsaneyn
mowqifka Soomaalida ayay Xamar ka laabteen. Warner
Lambarz oo fadhigaas wax ka qorey ayaa
hadalkii madaxweyne Siyaad
wuxuu ku tilmaamey mid is-burinaya. Qoraal uu
wasiirka Jarmalka ka diyaariyay fadhigaas ayaa
waxaa ku qornaa sidan :
"
Dabiicadda uu kacaanka Itoobiya leeyahay iyo hor
u marka halkaas ka socda ayuu madaxdooda ku tilmaamay
niman sahyuuniyad ah iyo in xoogaggii hor u socodka
ahaa la laayey, kuwaas oo ay kamid ahaayeen raggii
aaminsanaa
mabaadiida Maarkisiyadda-Leeniniyadda ah ".
(SECRET, 1 Attachment to
no. 122. 18 February 1977. Transilated from German,
Repport concerning a trip to the Democratic Republic
of Somalia by delegation from the CC CED from
31 January - 1 February 1977).
Samaan
iyo heshiis iyo haddaan sulux layeeleynin
Xaqa
lama saluugee haddii samada loo tuurey
Sasab
iyo luggooyiyo haddaan siri dhamaaneynin
Hanti-wadaag
silloon ee dal kale saarey gogoshiisa
Sogordaha
gumeysiga sirgaxan sun iyo waabaayo
Ma
oggoli sikiin dalab leh iyo saawa-saawaha’e
Sandulle
iyo xoog laga teg iyo salabka ii qaade
Sinnaan
baa dhacdiyo qoolka oo la iska siibaaye
Soo
dhaafyay aadmigu halkaad weli sugeyseene
Soofkaaga
bahalkii cuniyo subagga dhiiggaaga
Salsalooyey
geed dheer intuu saaro jeenyaha’e
Haddaan
la sarin maashu waa inay siyaadaaye
Annaguna
sarriig iyo dul-qaad samirrey dhowr goore
Sudda
hoose iyo waa runtii waxan sugeynaaye
(Cali Cilmi Af-yare)
Saadiq
Enow