Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii XXVI-aad

 

Dagaalladii ay jabhaduhu qaadeen wuxuu diirimaad ku kordhiyay xiriiradii ka dhexeeyay dowladihii hanti-wadaagga ahaa. Iyaga oo ka jawaabaya calaacalka Itoobiya baa diblomaasiyaddii dowladahaasi waxay bilawday dhaqaaqilyo araareyn oo ay la soo beegsadaan Soomaaliya. Soofyeetiga oo u weynaa ayaa wuxuu bilaabey howlo xog-raadis ah oo ku wajahan xurgufta ka bilaabatay Ogaadeenya. Guddigii siyaasadda xisbigii shuuciga ee Midowga Soofyeeti, wuxuu faray wasaaraddiisii dibadda in ay soo diyaariyaan war-bixin ku saabsan xiisadda ka taagan geeska Afrika. Fadhi kamid ah fadhiyadii toddobaadlaha ahaa oo guddigii siyaasadda uu lahaa 2/ 2- 1977-kii, ayay wasaaraddu ugu soo bandhigtay war-bixin kooban oo la xiriira ogaallada xiisadda. Waxaa kamid ahaa :

" Soomaaliya waxay sheeganaysaa dhul aad u ballaaran oo ay Itoobiya leedahay, waa Ogaadeenya. Waxaa dhab ah in ay halkaas ku nool yihiin dad tiro badan oo Soomaali ah (qiyaas hal melyan). Itoobiya ayaa gebi ahaan diiddan sheegashada JDS ee dhulka. Waxay ku salaynayaan arintaas in xuduudda Itoobiya iyo Soomaaliya lagu xariiqay heshiisyo caalami ah, gaar ahaan waxaa jira heshiis ah in xuduudda labada dal laga yeelo meel ka caaggan ciidamada. Heshiiskaas waxaa kala saxiixday Itoobiya iyo Talyaaniga sanadkii 1908-dii. Itoobiyaanku waxaa kale oo ay tilmaamayaan qodobka ay ku heshiiyeen xubnaha OAU-da, kaas oo lagu gaaray magaalada Qaahira sanadkii 1964-kii. Qodobku wuxuu sheegayaa in dowladaha Afrikaanka ah dhamaantood ay oggolaadaan xuduudaha jirey markii ay madax-bannaanida qaateen. ...................... . Annaga oo tix-raacayna ogaallo lagu kalsoon yahay, Soomaalidu weli waxay Ogaadeenya ka wadaan dhaqdhaqaaq ciidan. Waxay gobolka u gudbiyeen ciidamo ay hoggaaminayaan saraakiil Soomaali ah ". (Third African Department, Soviet Foreign Ministry. Information Report on Somalia - Ethiopia Territorial Disputes. 2 February 1977).

War-bixintaas guracan oo ay qaadanayaan masuuliyiintii ka talinayay dowladdii dunida ugu xoogga weyneed, ayaa waxaa laga garanayaa go'doonka ay ku sugan tahay qadiyadda ay Soomaalidu wataan. Heshiiska la xusay oo qarnigii tegey bilowgiisii ay kala saxiixdeen Talyaaniga iyo Itoobiya, waa mid aanan loo qaban karin Soomaalida. Waayo dhulka la xariiqay Soomaali baa leh. Labada dowladood oo xariiqda ku heshiiyay waxay ahaayeen laba xoog oo boob iyo gumeysi u socda. Xariiqdii ay sameeyeen kuma eeyan jaan-goyn wax cadaalad ah. Dadkii dhulka lahaana lama eeyan tashan markii ay xariiqda sameynayeen. Sidaa darteed buusan heshiisku u ahayn mid qanciyay dadkii dhulka lahaa. Taasina waxay diideysaa in heshiiskaas uu ugudbo heer caalami .Haddiise ay jirto gardarro garab og, horey ayay Soomaalidu uga maahmaaheen inaanan laga bogsoon.

Waxaa kale oo war-bixinta lagu xusay in xiisadda dhex taal labada dal ay sii murgeyso marka Jabuuti ay qaadato madax-bannaanida iyo in Soomaalidu ay adduunka ka doonayso saaxiibo la fahma qadiyaddooda. Qoraalkii arintaa waxaa kamid ah sidan :

" Xiriirka labada dal wuxuu noqonayaa mid aad u sii murga, sababtuna waa Jabuuti. Faransiiska wuxuu goostay ballanqaad ah in uu sanadkan gudihiisa uu madax-bannaani siiyo. Dhanka Itoobiya, markii si dhab ah wax loo eego, gobolkan wuxuu u leeyahay dano nololeed. Jabuuti waxaa ku dhamaada waddada tariinka ee ka soo bilaabata Addis-ababa. Halkaasi waxay saldhig u tahay ganacsiga dibadda ee Itoobiya. Dhulkaas oo loo yaqaan FTAI (Dhulka Faransiiska ee Cafarta iyo Ciisaha), iyaguna ay ku magacaabaan Franch Somali-land (Soomaalidii Faransa), waa mid kamid ah shanta qeybood ee Soomaali weyn. Dhab ahaan dadka halkaa ku nool badankoodu waxay ka soo jeedaan qabaa'il la xiriira Soomaalia. ............................. . Dowladda Soomaaliyeed waxay hadda waddaa dicaayad ka dhan ah Itoobiya. Ujeeddadu waa in ay hesho a ". (Third African Department, Soviet Foreign Ministry. Information Report on Somalia - Ethiopia Territorial Disputes. 2 February 1977. Somalia's Territorial Disagreement's with Etiopia and The Position of The USSR. Brief Information).

Waxaa kale oo ay warbixintaas ku sheegeen in Soomaaliya ay waddo dacaayad xoog badan oo Itoobiya ka dhan ah, taas oo heer caalami ah. Ujeeddada, waxay ku tilmaameen in Soomaaliya ay dooneyso dowladu ku taageera mowqifka ay ka taagan yihiin qadiyaddan, taasina waxay dhalinyasaa xiriir ka dhex abuurma Soomaaliya iyo xoogaggii imberiyaaliyadda ahaa. Waxay tusaale u soo qaateen, Jemeraal Maxamad Cali Samatar oo booqasho ku sii maray dowladaha Hanti-wadaagga ah ee Yurubta bari markii uu booqanayay Kuuba. Wada-hadalkii uu jeneraalka Soomaaliyeed la yeeshay madaxdii dowladahaas, wuxuu ku soo qaaday qadiyadda Ogaadeenya. Waxaa kale oo ay sheegeen in Soomaaliya ay ku sikaneyso dalalka Carabta, si ay taageero ugu hesho sheegashadeeda Ogaadeenya.

23/ 2- 1977-kii, Madaxweyne Maxamad Siyaad wuxuu xafiiskiisa kula kulmay danjirihii Ruushka C.V. Samonov. Dood dheer oo dhex-martay labada nin ayuu Madaxweynihii Soomaaliya uu ku diidey in Soomaaliya ay sabab u tahay dabka ka baxaya Iootbiya. Maxamad Siyaad waxaa kale oo danjiraha uu u sheegey in uu si xooggan u qiimeynayo is-beddelka hor u socodka ah ee Itoobiya ka dhacay. Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay taageerada dowladaha hanti-wadaagga ah ay u fidinayaan Itoobiya in ay tahay mid caddaalad ah oo islamarkaas loo baahan yahay. Hadalladii madaxweynaha waxaa kamid ahaa :

" Waanu fahmeynaa in Midowga Soofyeeti uu isku deyayo in Itoobiya uu ka dhigo dal xasilloon islamarkaana ah mid ku socda waddada hantiwadaagga ah. Hadafkaas dowladda Soofyeetiga ay ka leedahay degaanka wuxuu waafaqayaa maslaxadda Soomaaliya. Jamhuuriyadda Demoqraadiga Soomaaliya, maslaxaddeedu waa in ay leedahay deris hanti-wadaag ah, ee maahan deris hanti-goosi ah. ...................... . Mengistu maahan nin ku taagan mabaadiida hanti-wadaagga ah marka la'eego heerka qowmiyadeed ee mabda'a. Waa in uu siiyaa xaqa ay u leeyihiin aaya ka-taliska ummadaha ku nool Ogaadeenya oo ay Soomaalidu kamid yihiin, iyo weliba dadka reer Eriteriya. Waa arrin muhiim ah in Mengistu uu hadda xal u raadiyo dhibaatada dhulka laysku haysto, ama uu bixiyaa ballan-qaadyo tilmaamaya in uu diyaar u yahay in mustaqbalka uu su'aashaas xal hagaagsan ka gaarayo ". (Sedret. Copy No. C.V. SAMONOV Orig. No. 101, 11 March 1977, Notice from Conversation with President D.R. of S. Mhammed Siad Barre).

Mar danjiruhu uu su'aal weydiiyey ku saabsan hadalkii uu Axmad Suleymaan ka sheegey Suudaan oo ahaa in xarunta OAU-da laga raro Itoobiya, madaxweynaha Soomaaliyeed wuxuu ku sheegey in arintaasi ay tahay ra'yi uu wasiirku la gaar yahay. Waxa ooraahda ballaariyeyna ay yihiin warbaahinta Suudaan. Waxaa kale oo uu tilmaamay kacdoonka Itoobiya ka jira ee lagu diidan yahay maamulka, in uusan ahayn mid Soomaaliya laga taageerayo. Bal uu yahay mid taakuladiisa ay ka imanayso dalalka Suudaan, Masar iyo Keenya.

Maxamad Siyaad wuxuu beeniyey, in xuduudda Ogaadeenya ay ka dagaalamayaan jabhadiin lagu tababaray Soomaaliya oo ay weheliyaan kooxo kamid ah ciidamada rigliga ah ee XDS. Hadalladii madaxweynaha waxaa kamid ahaa sidan :

" Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, uma socoto in ay dagaal ku bilowdo Itoobiya. Dagaalka ceynkaas ah waa mid bur-burinaya labada dal. Dowladaha embriyaaliyadda ah oo keliya iyo Carabta dib u socodka ah ayaa ka faa'iidaya dagaalka. Si wanaagsan ayaanu arintaa u garaneynaa. ...................... . Inkastoose aanu taageereyno halganka lagu mideynayo ciidda hooyo. Dadka ku nool Ogaadeenya waa walaalahaya. Hoggaamiye ahaan, ma diidi karo haddii dadkeygu ay kaalmo i weydiistaan ". (Sedret. Copy No. C.V. SAMONOV Orig. No. 101, 11 March 1977, Notice from Conversation with President D.R. of S. Mhammed Siad Barre).

Ugu danbeyntii madaxweyne Siyaad wuxuu danjiraha uga mahad celiyay mashaariic dhismo-hoosaad ah dalkiisu uu ka wado Soomaaliya. Waxaa kamid ahaa dhismaha garoonka dayuuradaha ee Berbera, biya-xireenka Faanoole iyo kalluumeysiga. Wuxuu u gudbiyay dowladda USSR codsi ah in ay kordhiyaan tirada ardeyda reer Jabuuti oo magaca Soomaaliyeed lagu siinayo deeqda wax-barasho sanad-dugsiyeedka soo socda.

Waxaa xigay socdaallo is-daba joog ah oo Xamar iyo Addis-ababa ay ku booqdeen madax ka socota dowlado hanti-wadaag ah. Booqashooyinkaas oo isugu jirey kuwo rasmi ah iyo kuwo aanan rasmi ahayn, waxaa safka hore kaga jirey dowladda Jarmalka-Bari iyo Kuuba. Labadii maalmood ee ku beegneyd 31-kii janaweri iyo 1-dii febraweri 1977-kii, waxaa Xamar yimid wafdi sare oo ka socda dowladdii la oran jirey Jarmalka-Bari. Wafdigaas waxaa hor kacayay nin la yiraahdo Warner Lambarz oo ahaa wasiirka nabad-sugidda, kana mid ahaa guddigii siyaasadda xisbigii ka talinayey dalka SED (Scialist Unity Party of East Germany). Ragga uu hor kacayay waxay ahaayeen Kurt Tidke, Ebrehard Heidrich iyo Freidel Trappen, kuwaas oo dhamaantood masuuliyad sare u hayay xisbigii dalka ka talinayay.

Fadhigoodii ugu horeeyey waxay la qaateen madax ka socotay dowladdii Soomaaliya iyo madax kle oo xubno ka ahaa XHKS. Fadhiga waxaa goob-joogayaal ka ahaa dhamaan danjirayaasha dalalka hanti-wadaagga ah. Danjirihii Ruushka C.V. Samonov ayaa si gaar ah ugu sheegay madaxa wafdiga Jarmalka in Hoggaamiyaha Xisbiga Shuuciga ee Midowga Soofyeeti L. I. Brezhnev uu bilowgii bisha janaweri u soo direy dhambaal Madaxwene Siyaad, kaas oo uu kaga hadlayay in uu ka fogaado khilaaf ciidameed ee dhex-mara Soomaaliya iyo Itoobiya. Madaxa wafdiga Jarmalka Lamberz, waxaa u muuqatay in madaxda Soomaaliya ay ku adag tahay in ay ballan-qaad bixiyaan ay ku qaboojinayaan xiisadda ka bilaabatay geeska Afrika. Sidaa darteed buu ka gaabsaday in uu wax taageero ah u fidiyo Soomaaliya iyo xisbigii talada u hayay. Wuxuu xisbiyiinta Soomaaliyeed u caddeeyeen, marka hore in ay muhim tahay in labada xisbi ay ku heshiiyaan qaabka wada shaqeynta siyaasadeed ee mabaadiida ku dhisan.

Dabadeed fadhi gaar ah ayay la qaateen madaxweynihii Soomaaliya. Raggii martida ahaa ayaa madaxweyne Siyaad u gudbiyay dhambaal ay ka sideen hoggaamiyahoodii Eric Honecker. Madaxweynaha iyo wafdigu markii ay isu mahad celiyeen, waxay is dhaafsadeen arimo la xiriira labada xisbi iyo guud ahaan geedi socodka caalamiga ah iyo midka goboleed ee aragtida hanti-wadaagga. Wafdigii Jarmalka ayaa bilaabay in ay soo hadal qaadaan khilaafka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Madaxweyne Maxamad Siyaad oo arintaa uga jawaabaya wuxuu tilmaamay meesha uu ka taagan yahay dhibaatada dhex taal Soomaaliya iyo Itoobiya. Madaxweynuhu wuxuu caddeeyay baahida loo qabo in si nabad ah lagu xalliyo khilaafka. Islamarkaas wuxuu eedeyn dusha ka saarey maamulka Itoobiya ka dhisan oo uu ku tilmaamey mid ah haraagii rijiimkii boqortooyada.

W. Lamberz ayaa fadhigaas ugu sheegey madaxweynaha Soomaaliyeed in ay muhiim tahay in ay is af-gartaan xoogagga hor u socodka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, ayna ka fogaadaan in ay imberiyaaliyaddu ka dhex macaashto khilaafkooda. Maxamad Siyaad wuxuu isna u sheegey wafdigii in uu diyaar u yahay in uu si wanaagsan u diraaseeyo xaaladda hoggaanka Itoobya, iyo in uu xataa la xiriiro Mengistu.

G/ S. Axmad Suleymaan Cabdalla ayaa maantii labaad casho-sharaf u sameeyey wafdiga. Cashadaas oo ka dhacdey Jubba. Kaddib markii la casheeyey ayaa Axmad Suleymaan (Dafle) uu madaxdii halkaas fadhidey iyo xubnihii wafdiga uu ka codsadey in ay isaga tagaan isaga iyo W. Lamberz. Waxaa xusid mudan in labada nin uu ka dhexeeyay xiriir gaar ah oo howleed. Waayo labaduba waxay kamid ahaayeen guddigii siyaasadda ee labada xisbi. Islamarkaas waxay hoggaaminayeen xafiiskii looga talinayay ciidamada nabad-sugidda ee labada dal. W. Lamberz, wuxuu ahaa ninkan af-ingiriiska si wanaagsan u yiqiin. Taasi waxay sahashay in isaga iyo Axmad Suleymaan Dafle aanan loo kala turjumin. Saacado badan ayay ka doodeen qadiyadda Ogaadeenya. Axmad Suleymaan oo ku dadaalay in uu qanciyo masuulkan martida u ah ayaa ka sheekeeyay sida ay Soomaalida ugu dulman yihiin qadiyaddan. Wuxuu ka waraney qaabkii uu gumeysigu u qeybiyay Soomaalida iyada oo aanan loo aaba yeelin masaalixdooda. Nasiib darro, Lamberz wuxuu ahaa nin xambaarsan ragti ah in Soomaaliya ay culeyska ka deyso Itoobiya, waayo waxaa ka curtey dowlad hantiwadaag ah. Dafle wuxuu ku adkeystay in nadaamka Itoobiya ka dhisan uusan ahayn mid hanti-wadaag ah, bal uu yahay saraakiil ku loolamaya talada dalka. Dafle wuxuu si wanaagsan ula socday xaaladda ay ku sugan yihiin saraakiisha Dergo. Lamberz iyo wafdigii uu hor kacayay, iyaga oo aanan ku qanacsaneyn mowqifka Soomaalida ayay Xamar ka laabteen. Warner Lambarz oo fadhigaas wax ka qorey ayaa hadalkii madaxweyne Siyaad wuxuu ku tilmaamey mid is-burinaya. Qoraal uu wasiirka Jarmalka ka diyaariyay fadhigaas ayaa waxaa ku qornaa sidan :

" Dabiicadda uu kacaanka Itoobiya leeyahay iyo hor u marka halkaas ka socda ayuu madaxdooda ku tilmaamay niman sahyuuniyad ah iyo in xoogaggii hor u socodka ahaa la laayey, kuwaas oo ay kamid ahaayeen raggii

aaminsanaa mabaadiida Maarkisiyadda-Leeniniyadda ah ". (SECRET, 1 Attachment to no. 122. 18 February 1977. Transilated from German, Repport concerning a trip to the Democratic Republic of Somalia by delegation from the CC CED from 31 January - 1 February 1977).

Samaan iyo heshiis iyo haddaan sulux layeeleynin

Xaqa lama saluugee haddii samada loo tuurey

Sasab iyo luggooyiyo haddaan siri dhamaaneynin

Hanti-wadaag silloon ee dal kale saarey gogoshiisa

Sogordaha gumeysiga sirgaxan sun iyo waabaayo

Ma oggoli sikiin dalab leh iyo saawa-saawaha’e

Sandulle iyo xoog laga teg iyo salabka ii qaade

Sinnaan baa dhacdiyo qoolka oo la iska siibaaye

Soo dhaafyay aadmigu halkaad weli sugeyseene

Soofkaaga bahalkii cuniyo subagga dhiiggaaga

Salsalooyey geed dheer intuu saaro jeenyaha’e

Haddaan la sarin maashu waa inay siyaadaaye

Annaguna sarriig iyo dul-qaad samirrey dhowr goore

Sudda hoose iyo waa runtii waxan sugeynaaye (Cali Cilmi Af-yare)

Saadiq Enow


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.