|Home| |Islam| |Qoraalo| |Contact Us |Suugaan|
Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii XXVIII-aad

Dr Enow

15/ 3- 1977-kii, goor ay arooryadii tahay ayaa wafdigii Kuuba uu ka dhoofay Xamar, iyaga oo markaas ku jeeda Itoobiya. Waxaa xusid mudan, booqashada uu wafdigan ku tegay Itoobiya in eeyan ahayn mid rasmi ah sida booqashadii Xamar oo kale. Balse ay ahayd mid qarsoon oo sir ah. Sababta ugu weyn waxay ahayd diblomaasiyadda Kuuba oo ka sarriiganeysay in ay markiiba caalamka u muujiso taageero ay la garab taagan tahay hannaan ay farihiisa ka qoyan yihiin xinjiro dhiig ah. Islamarkaas, dalka uu wafdigu ku socday maahayn mid xasilloon oo naftooda ayay xataa u baqayeen. Sidaa darteed ayay booqashadan ku ahayd mid qarsoodi ah. Taasi waxay keentay in uusan wafdigu helin soo dhoweyn lamid ah maamuuskii ay Xamar kala kulmeen.

Wafdigii Kuuba, markii ay ka soo degeen gegida dayuuradaha ee Addis-ababa, waxaa loo gudbiyay aqalkii la oran jiray Imperial Palace ee uu lahaa boqor Xayle Selaesse. Labada hoggaamiye, Mangistu iyo Castro kama eeyan raagin in markiiba ay halkaas fadhi ku qaataan ay isku dhaafsadaan ogaallada la xiriira xaaladda gurracan ee uu geeska Afrika ku sugan yahay. Castro oo ahaa madaxweynihii ugu horeeyay ee booqda Itoobiya muddadii uu Mengistu la wareegay talada, ayaa wuxuu ahaa nin ay soo direen Ruushka oo xambaarsanaa risaalad lagu badbaadinayo Itoobiya. Socdaalkaan dabadiis, Castro wuxuu isu soo maray Yamanta Joonfureed, Jarmalka Bari iyo Ruushka. Warbixin uu siiyay qaar kamid ah madaxdaas, isaga oo uga waramaya booqashadii uu ku tegay Addis ayuu yiri :

" Itoobiyaanku, qeyb ciidan ah ayay keeneen goobtii fadhiga, aniguna waxaan watay koox ciidan ah oo ila socday. Maalintii aan imid waxaa jirey warar sheegaya isku-dey af-genbi, waxbase ma dhicin. Waxaa nafteydii raad ku yeeshay in halkaas uu ka jiro kacaan dhab ah. .................................... Waxaa jira halgan ay wadaan dabaqad qalbi adag (oo hanti-wadaag ah). Guud ahaan hoggaanku wuxuu ku fekerayaa in uu abuuro xisbi (hanti-wadaag ah). Waxaa jira kooxo ka haray xoogaggii burjuwaasiyadda ahaa. Dhaq-dhaqaaq xoog badan oo goosasho doonaya ayaa ka abuurmay Eriteriya . Kaas oo taakulada ka hela Suudaan. Islamarkaas Soomaaliya ayaa sheeganaysa 50 % dhulka Itoobiya. Muddo 500 oo sanadood ah, xuduuddaas waa lagu dagaalamayay ". (Minutes of Conversation between Comrade Erich Honecker and Comrade Fidel Castro. House of the Central Committee. East-Berlin, Sunday, 3 April 1977).

Faallo dheer oo F. Castro uu kaga waramayo booqashadiisii Itoobiya, ayuu wuxuu ku amaanay Mengistu. Wuxuu ku tilmaamay in uu yahay aqoonyahan xil-kas ah, kaas oo xikmaddiisa ku muujiyay dhacdadii 3-dii febraweri. Waxaa xusid mudan in dhacdadaasi ay ahayd middii lagu laayay saraakiisha. Castro wuxuu xusay in arintaasi ay ahayd go'aan adag oo gebi ahaan is-beddel ku keenay geeddi-socodkii siyaasadda dalka, taas oo aanan suuragal ahayn dhacdadan horteed. Waxyaabaha kale oo Mengistu iyo Castro ay ka wada hadleen waxaa kamid ahayd baahida ay Itoobiya u qabto taageero xagga ciidanka ah. Ugu danbeyntii, hoggaamiyihii Kuuba, ayaa Mengistu weydiiyay in uu diyaar u yahay in Maxamad Siyaad uu kula kulmo magaalada Cadan. Inkasta oo xaaladda Itoobiya ay cakireyd, misana sida uu Mengistu sheegay, majirin cabsi laga qabay in dalka uu ka dhoco af-gembi muddada uu maqan yahay. Sidaa darteed ayuu Mengistu ku aqbalay in uu Cadan ku qaabilo madaxweyne Maxamad Siyaad. Hoggaamiyaha Kuuba aqbalaadda Mengistu ku tilmaamay in uu doonayay in uu dhegihiisa ku dhegeysto dhulka ay Soomaalidu ku sheeganayaan. Laakiin Castro wuxuu moogaa in Mengistu uu yahay sarkaal muddo badan ka soo shaqeeyay gobolka Ogaadeenya oo si wanaagsan u garanaya xaqa ay Soomaalidu u leeyihiin gobolkan.

Labadii socdaal oo hoggaamiyaha Kuuba uu ku tegay Xamar iyo Addis waxaa ka dhashay fadhigii Xiddigta Cas oo Cadan ay isku arkeen madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya. Fadhigaas oo dhacay habeenimadii u dhexeysay 16-kii iyo 17-kii bishii maarso 1977-kii, ayaa isna ahaa mid aanan rasmi ahayn oo ku dhacay qarsoodisir. Waxaa kale oo magaalada Cadan isugu tegay wafdigii Kuuba. Wufuudaas saddexda ah, mid walba waxaa hor kacayay hoggaamiyihii dowladda dalkaa ka dhisan, kuwaas oo ahaa Maxamad Siyaad, Mengistu X. Mariyam iyo Fidel Castro. Madaxdaas ayaa ku kulmay fadhi ay dhamaantood goob-joogayaal ka ahaayeen. Waxaa ku weheliyay madaxweynihii Yamanta Koonfureed Saalim Rubeyc iyo Cabdi-fataas Ismaaciil oo isna ahaa madaxa hoggaanka ideyoloojiyada xisbigii shuuciga ahaa ee ka talinayay dalka martida loo yahay. Hoggaamiye kasta waxaa la socday masuuliin kamid ah dowladdiisa.

Mengistu ayaa isaga oo wiil baari ah ka qeyb-galay shirkii. Isagu maahayn nin madax-bannaan oo diidi karay talooyinka loo soo jeediyo. Dahnka kale madaxweyne Siyaad ayaa u muuqdey in uu degaanka ka yahay waayeel, islamarkaas haysta dowlad ay dadkeedu iyo mu’asassdkeedu si wanaagsan u urursan yihiin. Taasi waxay ahayd qodob ku kordhinayay miisaan. Sidaa darteed maahayn nin si sahlan wax loogu yeerin karay. Dooddii fiidnimadii bilaabatay, waxay ku kala kaceen sagaalkii subaxnimo.

Madaxweyne Maxamad Siyaad oo ahaa ninka ay wax ka maqnaayeen ayaa hadalka bilaabay. Wuxuu goobtii ka sheegay taariikhda dheer ee gobolka Ogaadeenya uu leeyahay iyo sida gumeystayaashii reer Yurub ay ugu gabood faleen xudduudihii ay Soomaalida u sameeyeen. Wuxuu tilmaamay in ay gumeystayaashu u hiiliyeen hannaan embriyaaliyad ah oo dhul uusan lahayn ku fidiyay maamulkiisii. Mengistu oo ahaa ninka ugu dhallinyaraa madaxda halkaas isugu timid, xukunkana ku qabsaday qaab la jaad ah falalka ka dhex dhaca kooxaha maafiyada ah, ayaa wuxuu ku hadlay ereyo laga dhadhansanayo biseyl siyaasadeed. Hadalladiisa waxay ka turjumayeen xaaladda liidatay oo uu maamulkiisa ku sugnaa. Isaga oo xambaarsan aragti shuuciyadeed ayuu ku celceliyay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay wada-shaqeyn yeeshaan, iskana kaashadaan xoogagga dib u socodka ah iyo emberiyaaliyadda caalamiga. Wuxuu isu muujiyay nin tag-daran oo tuugtamaya. Wafdigii Soomaalida ma eeyan garowsan hadalkii Mengistu, bal waxaa ay soo bandhigeen waraaqo taariikhi ah oo muujinaya heshiisyadii lagu dhisay xuduudda Soomaaliya ay la leedahay Itoobiya. Waxaa heshiisyadaas galay Faransiiska iyo toobiya (Jabuuti), Ingiriiska iyo Faransiiska (Jabuuti iyo gobolka waqooyi-galbeed), Itoobiya iyo Ingiriiska (xuduudda gobollada waqooyi), Talyaaniga iyo Itoobiya (gobollada nartamaha iyo koonfurta), Ingiriiska iyo Talyaaniga (waqooyiga bar iyo waqooyi galbeed). (Waxaan ka soo xiganay Jeneraal Ibraahim Aadan Maxamad - Doolaal, Dubai, 10/ 4- 2004).

Wafdiga Itoobiya iyo hoggaamiyahooda lama eeyan iman madasha wax ay ku caddeynayaan in dhulkan lagu haysto uu yahay dhul Itoobiya leedahay. Sidaa darted ayuu Mengistu u ciirsaday in lagu daayo mabaadiida Hanti-wadaagga ah oo uu u adeegayo. Si uu u soo jiito caadifadda xubnihii fadhiga isugu yimid, wuxuu isu muujiyay nin baahi-badan qaba oo kaalmo ka raba maamullada hanti-wadaagga ah.

Maxamad Siyaad ayaa diiday wax dhaafsiisan in Itoobiya ay ciidamadeeda kala baxdo gobolka, oo ay siiso madax-bannaanidii ay ka mahoobiday. Arintaas ayuu shardi kaga dhigay hagaajinta xiriirka labada dowladood. Waxaa kale oo uu ka shanqariyay, dowladaha hanti-wadaagga ah haddii eeyan gacan ku siin Soomaaliya qadiyaddoodan, in markaas ay gacan weydiisanayaan dowladaha Carabta ah iyo reer galbeedka. Cabdi-fataax Ismaaciil oo dhowr jeer si gurracan u hadlay ayaa bilaabay in uu soo dhex-galo hadalka, isaga oo weeraraya Soomaalida. Waa markaas marka uu Maxamad Siyaad leeyahay : " War idinkuna illeen waad hadashaan ".

 

Raggii la socdey wafdigii Maxamad Siyaad waxaa laga wariyay in F. Castro habeenkaas dhowr jeer uu jilibka dhulka dhigey caro uu mowqifka Soomaalida ka qaadey awgeed. Ugu dambeyntii, markii leys mari waayay, madaxweynihii Yamanta koonfureed Saalim Al-Rubeyc ayaa talo soo jeediyay ah in la dhiso guddi ka kooban afarta dal ee fadhigan isugu yimid. Muhimadda guddigaasina uu yahay in ay sii daba-galaan xal u raadinta khilaafka dhuleed ee dhex-yaal Soomaaliya iyo Itoobiya. Taasna Maxamad Siyaad ayaa diidey.

F. Castro, wuxuu aad uga didey madax adeyga madaxweynaha Soomaaliya. Arintaas ayaa waxay sababtay nac gaar ah oo uu u qaaday Maxamad Siyaad iyo maamulkiisii. Fadhigaas dabadiis wuxuu bilaabay in uu xumeeyo shakhsyaddii Maxamad Siyaad, isaga oo islamarkaas si xooggan, Mengistu ugu raadiyay taageero loogu hiiliyo. War-bixintii Castro waxaa kamid ahaa sidan :

" Waxaan u gartay Siyaad Barre in uu yahay nin xag-jir ah. Xag-jirnimadu waa qodobka ugu hilan culus xaggiisa. Hanti-wadaaggu waa arrin isaga ka dheer oo u yeeleysa soo-jiidasho. Wuxuu hub ka helaa dowladaha hanti-wadaagga ah. Aragtidiisa hanti-wadaagga ahna wuxuu ku hantay dad-weynaha. Xisbigana waa mid uu ku doonayo taageero shakhsiyadeed. Arintiisu layaab bay leedahay oo waa maamul ay rag ciidan ah hoggaaminayaan, kuwaas oo ku tababartay dugsiyadii gumeysiga. .................................. Siyaad Barre,wuxuu u hadlaa sidii nin xikmad badan oo kale. Wuxuu maleynayaa in uu isagu yahay xikmaddii fadhiga. Isagu waa uu ka duwan yahay hoggaamiyayaal siyaasadeed oo badan oo aan aqaan. Madaxweynaha Masar Anwar Al-Sadaat, madaxweynaha Aljeeriya Hawaari Bomedyan, madaxweynaha Mosambiik Samoro Machel, kan Angoola Agostiino Neeto, iyo qaar kale oo badan, kuwaas oo leh tilmaan adag. Iyagu waa ay ka duwan yihiin. Qofku waa uu la hadli karey, wax bey dhegeystaan, mana eeyan lahayn isla-weyni. Talyaaniga iyo Ingiriiska ayaa jeneraal ka dhigay, wax walbana si hagaagsan ayay ugu socdaan. Waa nin naftiisa aad iyo aad ugu qanacsan. ................................... Isagu waa hanti-wadaagyahanka u weyn. Hanti-wadaaggiisa cod-karnimada ah waa mid doobba-dhacsaday. Ma jirin toban erey oo uu yiri oo ka marnaa ereyga hanti-wadaag. Qaabkaas ayuu ku bilaabay ereyadii fadhiga ee uu kula hadlayay Mengistu. Wuxuu bilaabay isaga oo wafdiga Itoobiya siinaya cashar, isla markaas Mengistu ka dalbanaya in uu sameeyo sidii Leenin oo kale. Wuxuu yiri : Ka dheerow inaad la socoto Itoobiyaankii Imberiyaaliga ahaa. ............................... ."  (Minutes of the Conversation between Comrade Erich Honecker and Comrade Fidel Castro. Sunday, 3 April 1977. House of the Central Committee).

Dood dheer oo leysku mari waayay dabadeed, madaxweyne ku-xigeenka Kuuba Carlos Rafael Rodriguez ayaa wuxuu soo jeediyay, guddi nabad-raadin ah loo daayo in ay xal ka gaaraan sidii loo xasilin lahaa arimaha murugsan ee leysku maan-dhaafsan yahay. Xubnaha guddigana laga xulo Soomaaliya, Itoobiya iyo Yamanta Koonfureed. Ra'yigaas waxaa diiday Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxaa jirey xilli la lahaa nasasho oo F. Castro uu damcay in uu ka faa'iideysto. Wuxuu isku deyay, labada hoggaamiye ee muranku ka dhexeeyay, in uu midba si gaar ah ula yeesho wada-hadal. Mengistu oo aanan marna ka hakan in uu diidmo ka hor-keeno dalabaadka Soomaalida ayaa muujiyay meesha fog oo uu ka taagan yahay in uu dhulka Soomaaliyeed ka kaco. Hoggaamiyaha Kuuba ayaa markaas u yimid madaxweynaha Soomaaliya oo weydiiyay in ay dhab ka tahay oo uu doonayo xal nabad ah. Maxamad Siyaad ayaa ugu jawaabay in Mengistu uu yahay ninka mudan in la weydiiyo su'aashan. Wuxuu hadalkiisii raaciyay :

" Mengistu, dhab ahaan waa nin qallafsan, kaas oo qaatay beeg qallafsan. Haddaba muxuu u awoodi la'yahay in uu go'aan ka gaaro xuquuqdan qallafsan ee meeshan inoo taal oo uu u diidayaa in uu hadda xalliyo ". (Isla marjicii hore).

Fidel Castro, talo ayaa ku caddaatay. Waa u muuqatay in qadiyadda laysku hayaa eeyan ahayn mid lagu xallin karo aragti siyaasadeed ee afka laga sheegto oo lagu doonayo masaalix gaaban. Dhul iyo ummad baa barkeed maqan yahay oo boob lagu haystaa. Laakiin, intii uu aamusi lahaa, sida uu isaguba sheegay, wuxuu door biday in uu Maxamad Siyaad la hadlo. Wuxuu u sheegay in Itoobiya uu ka curtay kacaan dhab ah. In saddexdii bishii tagtay (waa markii la dilay saraakiisha) ay ahayd xilli ay siyaasadda Itoobiya kala guurtay. Wuxuu tilmaamay in madax adeyga Soomaalida uu khatar ku yahay labada kacaan ee Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo xataa maamulka ciriiriga ku jira ee ka dhisan Yamanta Koonfureed. Waxaa hadalkiisii kamid ahaa :

" Siyaasaddan aad waddaan, waa mid dhaawacaysa xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dowladaha hanti-wadaagga ah. Taasina waxay geysaneysaa curyaamid ku timaada kacaanka Soomaaliya " (Isla marjicii hore).

Dabadeed Castro ayaa ka codsaday Maxamad Siyaad iyo madaxdii kale oo Soomaaliyeed in ay eegaan xilka saaran iyo dareenka masuuliyadda taariikheed. Wuxuu sheegay, inkasta oo uu wal-wal qabo, misana in uusan fileyn, murankan u dhexeeya labada dal sabab u noqon dagaal ka dhex dhaca labada shacab. Maxaa yeelay buu yiri, dagaalku wuxuu dabada ku wataa waxyaabo adag. Markaas baa Maxamad Siyaad wuxuu sheegay in uusan doonayn in uu dagaal qaado iyo in uusan diyaar u ahayn in dowladaha hanti-wadaagga ah uu xiriirkooda jaro, haddiiba ay iyagu dhowrayaan xiriirka ay Soomaaliya la leeyihiin.

Shirkii waxaa lagu kala kacay subaxnimadii markay saacaddu ahay 9:15, iyada oo wax natiija ah oo ka soo baxay aysan jirin. Madaxweynihii Yaman Saalim Rubeyc ayaa wafdigii Soomaalida u soo raacay gegidii ay ka soo dhoofayeen. Wuxuu ku dadaalay in uu madaxweyne Siyaad hakiyo oo uu ka helo tanaasul lagu wada socdo. Taasna waa uu ku guul-dareystay. Wafdigii Soomaalida ayaa soo dhoofay, iyaga oo aanan sugin quraacdii subaxaas loogu tala-galay. (Wareysi aanu la yeelanay G/ Sare Cabdi-madoobe, Boosaaso, 9/ 11- 2000).

Fadhigaas ayaa wuxuu ahaa tallaabo uu Soofyeetigu ku doonayay in uu Soomaaliya iyo Itoobiya ka waaniyo muranka iyo is-xag-xagashada ka dhexeeya. Iyo in ay si wada-jir ah u dhisaan dowlad bah-wadaag Confederation ah, taas oo ay ku weheliso dowaladdii Koonfrta Yaman. Soofyeetiga ayaa markaas doonayay in uu halkaas ka abuuro dowlad mug weyn oo shuuciyad ah, isaguna uu la garab istaago hiillo dhaqaale iyo taageero ciidan. Sidaasna uu wax kaga maamulo waddada ugu milgaha culus oo uu ganacsiga dunida maro. Markii shirka laga laabtay ayuu madaxweynihii Soomaaliya M. Siyaad wuxuu ku dhawaaqay in dhibaatada geeska Afrika, xalkeeda uu ku xiran yahay dhibaatada Ogaadeenya oo la xalliyo. (Robert F. Gorman, Political Conflict on the Horn of Africa (New York : Praeger Publishers 1981. p. 64).

Shirkii kadib, Soomaalidu waxay ku tallaabsadeen in ay diraan wafdi ka socda XHKS, kaas oo socdaal dheer ku soo booqday dhamaan waddamada hanti-wadaagga ah ee Yurubta Bari. Wafdigaas waxaa hoggaaminayay G/ S. Axmad Maxamuud Faarax oo xilligaas ahaa odeyga hoggaanka ideolojiyada ee xisbiga. Ujeeddada socdaalkooda waxay ahayd gudbin dacwad ku lid ah dowladda Ruushka. Wafdiga Soomaaliyeed, madaxdii ay la kulmeen waxay u gudbiyeen in Soomaaliya laga gar-daran yahay. In Ruushku uu ahaa dowlad muddo dheer Soomaaliya ku taageereysay qadiyaddoodan. Waxay u sharxeen dowladaha ay booqdeen xaqa uu gobolkan u leeyahay in uu ka taliyo aayahiisa. Waxaa xusid mudan in dowladda Rumeeniya ay ahayd midda keliya oo Soomaalida la caadifad noqotay, taas oo wafdiga u sheegtay in Soomaaliya laga gar-daran yahay. (Waxaan ka soo xiganay Jeneraal Ibraahim Aadan Maxamad - Doolaal, Dubai, 10/ 4- 2004).

Umaddii xumaan laga badshee heeryo lagu xiiro

Ee xasarad dhulkeedii Ibleys ugaga xeydaanto

Ee xooliyo xalquunkeedi nacab xero madoobeeyo

Ee xawada dhulkeediyo nimcada xaaluf laga yeelo

Ee xaqir ihaanniyo gunnimo loo xisdi idleeyo

Ee xakamo bir qoofal iyo xaskul lagu jiido

Ee xuurta ciil iyo guhaad xaaxda ka istaagto

Ee xiskiyo dareenkuba shidmoo dhiigu xoro-shiilmo

Ee gaf iyo xad-dhaaf iyo dulmiga sii xamili weydo

Xal kaloo u bannaan ma jiro aan xarbad ahayne

Xusul-duubka orodkey gashee dirirta loo xeyto

Xowliga ma gaabshaan jerdey guul xasiliyaane (Yuusuf Maxamad Sugaal)

Saadiq  Enow
 

Waa socotaa.... Gadaal ugu noqo casharadii hore

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.