15/ 3- 1977-kii, goor ay
arooryadii tahay ayaa wafdigii Kuuba uu ka dhoofay
Xamar, iyaga oo markaas ku jeeda Itoobiya. Waxaa
xusid mudan, booqashada uu wafdigan ku tegay
Itoobiya in eeyan ahayn mid rasmi ah sida
booqashadii Xamar oo kale. Balse ay ahayd mid
qarsoon oo sir ah. Sababta ugu weyn waxay ahayd
diblomaasiyadda Kuuba oo ka sarriiganeysay in ay
markiiba caalamka u muujiso taageero ay la garab
taagan tahay hannaan ay farihiisa ka qoyan yihiin
xinjiro dhiig ah. Islamarkaas, dalka uu wafdigu ku
socday maahayn mid xasilloon oo naftooda ayay
xataa u baqayeen. Sidaa darteed ayay booqashadan
ku ahayd mid qarsoodi ah. Taasi waxay keentay in
uusan wafdigu helin soo dhoweyn lamid ah
maamuuskii ay Xamar kala kulmeen.
Wafdigii Kuuba, markii ay ka soo
degeen gegida dayuuradaha ee Addis-ababa, waxaa
loo gudbiyay aqalkii la oran jiray Imperial
Palace ee uu lahaa boqor
Xayle Selaesse. Labada hoggaamiye,
Mangistu iyo
Castro kama eeyan
raagin in markiiba ay halkaas fadhi ku qaataan ay
isku dhaafsadaan ogaallada la xiriira xaaladda
gurracan ee uu geeska Afrika ku sugan yahay.
Castro oo ahaa
madaxweynihii ugu horeeyay ee booqda Itoobiya
muddadii uu Mengistu
la wareegay talada, ayaa wuxuu ahaa nin ay soo
direen Ruushka oo xambaarsanaa risaalad lagu
badbaadinayo Itoobiya. Socdaalkaan dabadiis,
Castro wuxuu isu soo maray Yamanta Joonfureed,
Jarmalka Bari iyo Ruushka. Warbixin uu siiyay qaar
kamid ah madaxdaas, isaga oo uga waramaya
booqashadii uu ku tegay Addis ayuu yiri :
" Itoobiyaanku, qeyb ciidan ah
ayay keeneen goobtii fadhiga, aniguna waxaan watay
koox ciidan ah oo ila socday. Maalintii aan imid
waxaa jirey warar sheegaya isku-dey af-genbi,
waxbase ma dhicin. Waxaa nafteydii raad ku yeeshay
in halkaas uu ka jiro kacaan dhab ah.
.................................... Waxaa jira
halgan ay wadaan dabaqad qalbi adag (oo
hanti-wadaag ah). Guud ahaan hoggaanku wuxuu ku
fekerayaa in uu abuuro xisbi (hanti-wadaag ah).
Waxaa jira kooxo ka haray xoogaggii
burjuwaasiyadda ahaa. Dhaq-dhaqaaq xoog badan oo
goosasho doonaya ayaa ka abuurmay Eriteriya . Kaas
oo taakulada ka hela Suudaan. Islamarkaas
Soomaaliya ayaa sheeganaysa 50 % dhulka Itoobiya.
Muddo 500 oo sanadood ah, xuduuddaas waa lagu
dagaalamayay ". (Minutes
of Conversation between Comrade Erich Honecker and
Comrade Fidel Castro. House of the Central
Committee. East-Berlin, Sunday, 3 April 1977).
Faallo dheer oo
F. Castro uu kaga
waramayo booqashadiisii Itoobiya, ayuu wuxuu ku
amaanay Mengistu.
Wuxuu ku tilmaamay in uu yahay aqoonyahan xil-kas
ah, kaas oo xikmaddiisa ku muujiyay dhacdadii
3-dii febraweri. Waxaa xusid mudan in dhacdadaasi
ay ahayd middii lagu laayay saraakiisha.
Castro wuxuu xusay in
arintaasi ay ahayd go'aan adag oo gebi ahaan is-beddel
ku keenay geeddi-socodkii siyaasadda dalka, taas
oo aanan suuragal ahayn dhacdadan horteed.
Waxyaabaha kale oo Mengistu
iyo Castro ay
ka wada hadleen waxaa kamid ahayd baahida ay
Itoobiya u qabto taageero xagga ciidanka ah. Ugu
danbeyntii, hoggaamiyihii Kuuba, ayaa
Mengistu weydiiyay in
uu diyaar u yahay in Maxamad
Siyaad uu kula kulmo magaalada Cadan.
Inkasta oo xaaladda Itoobiya ay cakireyd, misana
sida uu Mengistu
sheegay, majirin cabsi laga qabay in dalka uu ka
dhoco af-gembi muddada uu maqan yahay. Sidaa
darteed ayuu Mengistu
ku aqbalay in uu Cadan ku qaabilo madaxweyne
Maxamad Siyaad.
Hoggaamiyaha Kuuba aqbalaadda
Mengistu ku tilmaamay
in uu doonayay in uu dhegihiisa ku dhegeysto
dhulka ay Soomaalidu ku sheeganayaan. Laakiin
Castro wuxuu moogaa
in Mengistu uu yahay
sarkaal muddo badan ka soo shaqeeyay gobolka
Ogaadeenya oo si wanaagsan u garanaya xaqa ay
Soomaalidu u leeyihiin gobolkan.
Labadii socdaal oo hoggaamiyaha
Kuuba uu ku tegay Xamar iyo Addis waxaa ka dhashay
fadhigii Xiddigta Cas oo Cadan ay isku arkeen
madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya. Fadhigaas oo
dhacay habeenimadii u dhexeysay 16-kii iyo 17-kii
bishii maarso 1977-kii, ayaa isna ahaa mid aanan
rasmi ahayn oo ku dhacay qarsoodisir. Waxaa kale
oo magaalada Cadan isugu tegay wafdigii Kuuba.
Wufuudaas saddexda ah, mid walba waxaa hor kacayay
hoggaamiyihii dowladda dalkaa ka dhisan, kuwaas oo
ahaa Maxamad Siyaad,
Mengistu X. Mariyam
iyo Fidel Castro.
Madaxdaas ayaa ku kulmay fadhi ay dhamaantood
goob-joogayaal ka ahaayeen. Waxaa ku weheliyay
madaxweynihii Yamanta Koonfureed
Saalim Rubeyc iyo
Cabdi-fataas Ismaaciil
oo isna ahaa madaxa hoggaanka
ideyoloojiyada xisbigii shuuciga ahaa ee ka
talinayay dalka martida loo yahay. Hoggaamiye
kasta waxaa la socday masuuliin kamid ah
dowladdiisa.
Mengistu
ayaa isaga oo wiil
baari ah ka qeyb-galay shirkii. Isagu maahayn nin
madax-bannaan oo diidi karay talooyinka loo soo
jeediyo. Dahnka kale madaxweyne
Siyaad ayaa u muuqdey
in uu degaanka ka yahay waayeel, islamarkaas
haysta dowlad ay dadkeedu iyo mu’asassdkeedu si
wanaagsan u urursan yihiin. Taasi waxay ahayd
qodob ku kordhinayay miisaan. Sidaa darteed
maahayn nin si sahlan wax loogu yeerin karay.
Dooddii fiidnimadii bilaabatay, waxay ku kala
kaceen sagaalkii subaxnimo.
Madaxweyne Maxamad Siyaad
oo ahaa ninka ay wax ka maqnaayeen ayaa hadalka
bilaabay. Wuxuu goobtii ka sheegay taariikhda
dheer ee gobolka Ogaadeenya uu leeyahay iyo sida
gumeystayaashii reer Yurub ay ugu gabood faleen
xudduudihii ay Soomaalida u sameeyeen. Wuxuu
tilmaamay in ay gumeystayaashu u hiiliyeen hannaan
embriyaaliyad ah oo dhul uusan lahayn ku fidiyay
maamulkiisii.
Mengistu
oo ahaa ninka ugu dhallinyaraa madaxda
halkaas isugu timid, xukunkana ku qabsaday qaab la
jaad ah falalka ka dhex dhaca kooxaha maafiyada
ah, ayaa wuxuu ku hadlay ereyo laga dhadhansanayo
biseyl siyaasadeed. Hadalladiisa waxay ka
turjumayeen xaaladda liidatay oo uu maamulkiisa ku
sugnaa. Isaga oo xambaarsan aragti shuuciyadeed
ayuu ku celceliyay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay
wada-shaqeyn yeeshaan, iskana kaashadaan xoogagga
dib u socodka ah iyo emberiyaaliyadda caalamiga.
Wuxuu isu muujiyay nin tag-daran oo tuugtamaya.
Wafdigii Soomaalida ma eeyan garowsan hadalkii
Mengistu, bal waxaa
ay soo bandhigeen waraaqo taariikhi ah oo
muujinaya heshiisyadii lagu dhisay xuduudda
Soomaaliya ay la leedahay Itoobiya. Waxaa
heshiisyadaas galay Faransiiska iyo toobiya (Jabuuti),
Ingiriiska iyo Faransiiska (Jabuuti iyo gobolka
waqooyi-galbeed), Itoobiya iyo Ingiriiska (xuduudda
gobollada waqooyi), Talyaaniga iyo Itoobiya (gobollada
nartamaha iyo koonfurta), Ingiriiska iyo
Talyaaniga (waqooyiga bar iyo waqooyi galbeed). (
Waxaan
ka soo xiganay Jeneraal Ibraahim Aadan Maxamad -
Doolaal, Dubai, 10/ 4- 2004).
Wafdiga Itoobiya iyo
hoggaamiyahooda lama eeyan iman madasha wax ay ku
caddeynayaan in dhulkan lagu haysto uu yahay dhul
Itoobiya leedahay. Sidaa darted ayuu
Mengistu u ciirsaday
in lagu daayo mabaadiida Hanti-wadaagga ah oo uu u
adeegayo. Si uu u soo jiito caadifadda xubnihii
fadhiga isugu yimid, wuxuu isu muujiyay nin
baahi-badan qaba oo kaalmo ka raba maamullada
hanti-wadaagga ah.
Maxamad
Siyaad ayaa diiday wax dhaafsiisan in
Itoobiya ay ciidamadeeda kala baxdo gobolka, oo ay
siiso madax-bannaanidii ay ka mahoobiday. Arintaas
ayuu shardi kaga dhigay hagaajinta xiriirka labada
dowladood. Waxaa kale oo uu ka shanqariyay,
dowladaha hanti-wadaagga ah haddii eeyan gacan ku
siin Soomaaliya qadiyaddoodan, in markaas ay gacan
weydiisanayaan dowladaha Carabta ah iyo reer
galbeedka. Cabdi-fataax
Ismaaciil oo dhowr jeer si gurracan u
hadlay ayaa bilaabay in uu soo dhex-galo hadalka,
isaga oo weeraraya Soomaalida. Waa markaas marka
uu Maxamad Siyaad
leeyahay : " War idinkuna illeen waad hadashaan
".
Raggii la socdey wafdigii
Maxamad Siyaad waxaa
laga wariyay in F. Castro
habeenkaas dhowr jeer uu jilibka dhulka
dhigey caro uu mowqifka Soomaalida ka qaadey
awgeed. Ugu dambeyntii, markii leys mari waayay,
madaxweynihii Yamanta koonfureed
Saalim Al-Rubeyc ayaa
talo soo jeediyay ah in la dhiso guddi ka kooban
afarta dal ee fadhigan isugu yimid. Muhimadda
guddigaasina uu yahay in ay sii daba-galaan xal u
raadinta khilaafka dhuleed ee dhex-yaal Soomaaliya
iyo Itoobiya. Taasna Maxamad
Siyaad ayaa diidey.
F. Castro,
wuxuu aad uga didey madax adeyga madaxweynaha
Soomaaliya. Arintaas ayaa waxay sababtay nac gaar
ah oo uu u qaaday Maxamad
Siyaad iyo maamulkiisii. Fadhigaas dabadiis
wuxuu bilaabay in uu xumeeyo shakhsyaddii
Maxamad Siyaad, isaga
oo islamarkaas si xooggan,
Mengistu ugu raadiyay taageero loogu
hiiliyo. War-bixintii Castro
waxaa kamid ahaa sidan :
" Waxaan u gartay
Siyaad Barre in uu
yahay nin xag-jir ah. Xag-jirnimadu waa qodobka
ugu hilan culus xaggiisa. Hanti-wadaaggu waa arrin
isaga ka dheer oo u yeeleysa soo-jiidasho. Wuxuu
hub ka helaa dowladaha hanti-wadaagga ah.
Aragtidiisa hanti-wadaagga ahna wuxuu ku hantay
dad-weynaha. Xisbigana waa mid uu ku doonayo
taageero shakhsiyadeed. Arintiisu layaab bay
leedahay oo waa maamul ay rag ciidan ah
hoggaaminayaan, kuwaas oo ku tababartay dugsiyadii
gumeysiga. ..................................
Siyaad Barre,wuxuu u
hadlaa sidii nin xikmad badan oo kale. Wuxuu
maleynayaa in uu isagu yahay xikmaddii fadhiga.
Isagu waa uu ka duwan yahay hoggaamiyayaal
siyaasadeed oo badan oo aan aqaan. Madaxweynaha
Masar Anwar Al-Sadaat,
madaxweynaha Aljeeriya
Hawaari Bomedyan, madaxweynaha Mosambiik
Samoro Machel, kan Angoola
Agostiino Neeto, iyo
qaar kale oo badan, kuwaas oo leh tilmaan adag.
Iyagu waa ay ka duwan yihiin. Qofku waa uu la
hadli karey, wax bey dhegeystaan, mana eeyan
lahayn isla-weyni. Talyaaniga iyo Ingiriiska ayaa
jeneraal ka dhigay, wax walbana si hagaagsan ayay
ugu socdaan. Waa nin naftiisa aad iyo aad ugu
qanacsan.
................................... Isagu waa
hanti-wadaagyahanka u weyn. Hanti-wadaaggiisa cod-karnimada
ah waa mid doobba-dhacsaday.
Ma jirin toban erey oo uu yiri oo ka marnaa ereyga
hanti-wadaag. Qaabkaas ayuu ku bilaabay ereyadii
fadhiga ee uu kula hadlayay
Mengistu. Wuxuu bilaabay isaga oo wafdiga
Itoobiya siinaya cashar, isla markaas
Mengistu ka dalbanaya
in uu sameeyo sidii Leenin
oo kale. Wuxuu yiri : Ka dheerow inaad la
socoto Itoobiyaankii Imberiyaaliga ahaa.
............................... ." (Minutes
of the Conversation between Comrade Erich Honecker
and Comrade Fidel Castro. Sunday, 3 April 1977.
House of the Central Committee).
Dood dheer oo leysku mari waayay
dabadeed, madaxweyne ku-xigeenka Kuuba
Carlos Rafael Rodriguez
ayaa wuxuu soo jeediyay, guddi nabad-raadin ah loo
daayo in ay xal ka gaaraan sidii loo xasilin lahaa
arimaha murugsan ee leysku maan-dhaafsan yahay.
Xubnaha guddigana laga xulo Soomaaliya, Itoobiya
iyo Yamanta Koonfureed. Ra'yigaas waxaa diiday
Soomaaliya iyo Itoobiya.
Waxaa jirey xilli la lahaa nasasho
oo F. Castro uu
damcay in uu ka faa'iideysto. Wuxuu isku deyay,
labada hoggaamiye ee muranku ka dhexeeyay, in uu
midba si gaar ah ula yeesho wada-hadal.
Mengistu oo aanan
marna ka hakan in uu diidmo ka hor-keeno
dalabaadka Soomaalida ayaa muujiyay meesha fog oo
uu ka taagan yahay in uu dhulka Soomaaliyeed ka
kaco. Hoggaamiyaha Kuuba ayaa markaas u yimid
madaxweynaha Soomaaliya oo weydiiyay in ay dhab ka
tahay oo uu doonayo xal nabad ah.
Maxamad Siyaad ayaa
ugu jawaabay in Mengistu
uu yahay ninka mudan in la weydiiyo
su'aashan. Wuxuu hadalkiisii raaciyay :
"
Mengistu, dhab ahaan waa nin qallafsan,
kaas oo qaatay beeg qallafsan. Haddaba muxuu u
awoodi la'yahay in uu go'aan ka gaaro xuquuqdan
qallafsan ee meeshan inoo taal oo uu u diidayaa in
uu hadda xalliyo ". (Isla
marjicii hore).
Fidel Castro
, talo ayaa ku
caddaatay. Waa u muuqatay in qadiyadda laysku
hayaa eeyan ahayn mid lagu xallin karo aragti
siyaasadeed ee afka laga sheegto oo lagu doonayo
masaalix gaaban. Dhul iyo ummad baa barkeed maqan
yahay oo boob lagu haystaa. Laakiin, intii uu
aamusi lahaa, sida uu isaguba sheegay, wuxuu door
biday in uu
Maxamad Siyaad
la hadlo. Wuxuu u sheegay in Itoobiya uu ka curtay
kacaan dhab ah. In saddexdii bishii tagtay (waa
markii la dilay saraakiisha) ay ahayd xilli ay
siyaasadda Itoobiya kala guurtay. Wuxuu tilmaamay
in madax adeyga Soomaalida uu khatar ku yahay
labada kacaan ee Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo
xataa maamulka ciriiriga ku jira ee ka dhisan
Yamanta Koonfureed. Waxaa hadalkiisii kamid ahaa :
" Siyaasaddan aad waddaan, waa
mid dhaawacaysa xiriirka Soomaaliya ay la leedahay
dowladaha hanti-wadaagga ah. Taasina waxay
geysaneysaa curyaamid ku timaada kacaanka
Soomaaliya " (Isla
marjicii hore).
Dabadeed
Castro ayaa ka codsaday
Maxamad Siyaad iyo
madaxdii kale oo Soomaaliyeed in ay eegaan xilka
saaran iyo dareenka masuuliyadda taariikheed.
Wuxuu sheegay, inkasta oo uu wal-wal qabo, misana
in uusan fileyn, murankan u dhexeeya labada dal
sabab u noqon dagaal ka dhex dhaca labada shacab.
Maxaa yeelay buu yiri, dagaalku wuxuu dabada ku
wataa waxyaabo adag. Markaas baa
Maxamad Siyaad wuxuu
sheegay in uusan doonayn in uu dagaal qaado iyo in
uusan diyaar u ahayn in dowladaha hanti-wadaagga
ah uu xiriirkooda jaro, haddiiba ay iyagu
dhowrayaan xiriirka ay Soomaaliya la leeyihiin.
Shirkii waxaa lagu kala kacay
subaxnimadii markay saacaddu ahay 9:15, iyada oo
wax natiija ah oo ka soo baxay aysan jirin.
Madaxweynihii Yaman Saalim
Rubeyc ayaa wafdigii Soomaalida u soo
raacay gegidii ay ka soo dhoofayeen. Wuxuu ku
dadaalay in uu madaxweyne
Siyaad hakiyo oo uu ka helo tanaasul lagu
wada socdo. Taasna waa uu ku guul-dareystay.
Wafdigii Soomaalida ayaa soo dhoofay, iyaga oo
aanan sugin quraacdii subaxaas loogu tala-galay. (Wareysi
aanu la yeelanay G/ Sare Cabdi-madoobe, Boosaaso,
9/ 11- 2000).
Fadhigaas ayaa wuxuu ahaa tallaabo
uu Soofyeetigu ku doonayay in uu Soomaaliya iyo
Itoobiya ka waaniyo muranka iyo is-xag-xagashada
ka dhexeeya. Iyo in ay si wada-jir ah u dhisaan
dowlad bah-wadaag Confederation ah, taas oo
ay ku weheliso dowaladdii Koonfrta Yaman.
Soofyeetiga ayaa markaas doonayay in uu halkaas ka
abuuro dowlad mug weyn oo shuuciyad ah, isaguna uu
la garab istaago hiillo dhaqaale iyo taageero
ciidan. Sidaasna uu wax kaga maamulo waddada ugu
milgaha culus oo uu ganacsiga dunida maro. Markii
shirka laga laabtay ayuu madaxweynihii Soomaaliya
M. Siyaad wuxuu ku
dhawaaqay in dhibaatada geeska Afrika, xalkeeda uu
ku xiran yahay dhibaatada Ogaadeenya oo la xalliyo.
(Robert F. Gorman,
Political Conflict on the Horn of Africa (New York
: Praeger Publishers 1981. p. 64).
Shirkii kadib, Soomaalidu waxay ku
tallaabsadeen in ay diraan wafdi ka socda XHKS,
kaas oo socdaal dheer ku soo booqday dhamaan
waddamada hanti-wadaagga ah ee Yurubta Bari.
Wafdigaas waxaa hoggaaminayay
G/ S.
Axmad Maxamuud Faarax oo xilligaas ahaa
odeyga hoggaanka ideolojiyada ee xisbiga.
Ujeeddada socdaalkooda waxay ahayd gudbin dacwad
ku lid ah dowladda Ruushka.
Wafdiga Soomaaliyeed, madaxdii ay la kulmeen waxay
u gudbiyeen in Soomaaliya laga gar-daran yahay.
In Ruushku uu ahaa dowlad muddo dheer Soomaaliya
ku taageereysay qadiyaddoodan.
Waxay u sharxeen dowladaha ay booqdeen xaqa uu
gobolkan u leeyahay in uu ka taliyo aayahiisa.
Waxaa xusid mudan in dowladda Rumeeniya ay ahayd
midda keliya oo Soomaalida la caadifad noqotay,
taas oo wafdiga u sheegtay in Soomaaliya laga gar-daran
yahay. (Waxaan
ka soo xiganay Jeneraal Ibraahim Aadan Maxamad -
Doolaal, Dubai, 10/ 4- 2004).
Umaddii xumaan laga badshee heeryo
lagu xiiro
Ee xasarad dhulkeedii Ibleys ugaga
xeydaanto
Ee xooliyo xalquunkeedi nacab xero
madoobeeyo
Ee xawada dhulkeediyo nimcada
xaaluf laga yeelo
Ee xaqir ihaanniyo gunnimo loo
xisdi idleeyo
Ee xakamo bir qoofal iyo xaskul
lagu jiido
Ee xuurta ciil iyo guhaad xaaxda
ka istaagto
Ee xiskiyo dareenkuba shidmoo
dhiigu xoro-shiilmo
Ee gaf iyo xad-dhaaf iyo dulmiga
sii xamili weydo
Xal kaloo u bannaan ma jiro aan
xarbad ahayne
Xusul-duubka orodkey gashee
dirirta loo xeyto
Xowliga ma gaabshaan jerdey guul
xasiliyaane
(Yuusuf
Maxamad Sugaal)
Saadiq Enow
Waa
socotaa.... Gadaal
ugu noqo casharadii hore