Bishii
lixaad (juun) ee sanadka, waxay bilaabatay iyada
oo ay cirka isku shareertay weeraradii ay ciidamadii
jabhadda la beeganayeen fariisimaha ciidamada
Itoobiya iyo taakuladooda. Marka laga reebo degmooyinka
waaweyn ee gobolka, ciidamada jabhaddu waxay ku
guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan, inta badan,
degmooyinkii yar-yaraa iyo dhulkii baadiyaha ahaa,
gaar ahaan dhulka xuddunta ah. Islamarkaa waxay
hakad geliyeen dhamaan waddooyinkii ay taakulada
u soo maraysay ciidanka Itoobiya ee ku sugan gobolka.
Markaas waxaa bilaabatay dareenka ah in weerar
lagu qaado ciidamada ku haray dhufeesyada. Axmad Shiikh Cabdi oo ka war-bixiyay xaaladdii xilligaas
wuxuu yiri :
"
Inkasta oo cadowgu uu ku hubeysnaa qalab
adag, islamarkaa uu isu diyaariyay in ciidan Soomaaliyeed
eeyan jebin difaacyada uu ka sameystay Ogaadeenya,
misana ciidanka jabhaddu waxay rumeysnaayeen in
qoriga iyo bambooyinka ay wateen ay kaga saari
karaan dhufeysyada adag. Waana ay kaga saareen.
Dhibaatada keliya oo xilligaas ciidanka jabhadda
haysatay waxay ahayd dayuuradaha cirka ka soo
weerarayay oo eeyan u haysan hub ay isaga difaacaan
". (Wareysi
aanu la yeelanay G/ S. Axmad Shiikh Cabdi, 30/
7- 2003).
Ciidankii
Itoobiya wuxuu markaa ku haray degmooyinka waaweyn
oo difaaca adag leh. Isla-xilligaas waxaa socday
weeraradii ay wadeen guutadii ka soo tallawday
waqooyiga ee uu hoggaaminayay Yuusuf
Dheere. Waxay ku sii sikanayeen dhulka
looga taliyo degmooyinka Harar iyo Dirir-dhabe.
Isla bishii juun waxaa Itoobiya ku baxay ciidan
hor leh oo tiradiisu ay gaarayso 2.000 oo nin.
Ciidankan oo ahaa guutadii saddexaad ee iyaga
oo jabhad ah ku baxa Itoobiya ayaa wuxuu ahaa
mid loogu tala-galay in ay buuxiyaan meelihii
ay soo baneeyeen ciidankii Duufaan oo ahayd gobollada
koonfureed ee Itoobiya. Badabkoodu waxay ahaayeen
Soomaali Abboo. Waxaa hoggaaminayay Gaashaanle Cabdirisaaq Shiikh Cismaan (Cali-baadiye). Isagu wuxuu xilligaas macallin ka ahaa
kuliyaddii layli-saraakiisha oo la oran jirey
Jaalle Siyaad. (Kala soco casharka soo socda).
Xilligaas,
ciidamadii Duufaan, iyaga oo sita himmad aad u
sareysa ayay ku faafeen bartamaha gobolka. Wakhtigu
wuxuu ahaa xilli doog iyo barwaaqo ah. Dadka iyo
xoolaha halkaa ka cabayay aad bay u tira badnaayeen.
Dalag badan ayaa baxay oo mirahoodii la gurtay.
Reer miyigii Soomaaliyeed, waxaa u fududaatay
in ay gacan siiyaan ciidamadii dagaalamayay. Madaxdii
Duufaan baa markaas waxay qaadeen tallaabo ay
ku dhisayaan maamulladii ka talin lahaa degmooyinkii
ay ka kiciyeen ciidamada Itoobiya. Ujeeddadu waxay
ahayd in la helo kala-danbayn. Arintaasi waxay
abuurtay tuhunkii ugu horeeyay oo soo kala dhex-gala
qaar kamid ah saraakiishii howl-wadeennada ka
ahaa aagagga hore ee dagaalka iyo hoggaankii dowladda
Sooaaliyeed. Taliyihii ciidamada Duufaan oo arintaa
ka waramaya wuxuu yiri :
"
Baahi ayaa timid ah in gobolkii laga dhiso
guddiyo maamuleed. Degmooyinkii iyo tuulooyinkii
aanu gacanta ku dhignay, waxaa horey uga jirey
maamullo ay Itoobiya lahayd. Waxay la bur-bureen
ciidamadoodii halkaa laga kiciyay. Markaas degmooyinkii
laguma noolaan karin haddeeyan jirin maamul iyo
kala danbeyn. Ma jirin wax ay dowladda Soomaaliyeed
na soo fartay oo la xiriira dhismaha maamullada.
Annaga qudheenu qorshaha nooguma jirin. Laakiin
markaanu baahideedii aragnay baanu dhisnay. Guddiyada
la dhisay qaar baa iskood u sameysmay oo dadkii
degaanka ay iska dhex doorteen raggii matali lahaa,
iyada oo ciidankii jabhadda eeyan weli soo gaarin
halkaa.Waxaa bilaabatay in la ururiyo lacago cashuur
ah, taas oo laga qaado ganacsatada ku nool degmooyinkii
la xoreeyay. Waxaa kale oo dhaqaale laga qaadi
jirey baabuurta socotada ah iyo reer miyiga. Degmada
Garbo oo aan markaa anigu fadhiyay , cashuurtii
laga ururshay waxay gaadhay saddex melyan oo Sh.So.
". (Wareysi aanu la yeelanay G/ S. Axmad Shiikh Cabdi, 30/ 7- 2003).
Hoggaamiyihii
Duufaan, Axmad Shiikh
Cabdi, marka uu maamullada ka dhisayay
dhulka uu qabtay, wuxuu adeegsaday nin odey ah
oo degaanka caan ka ah. Ninkaasi waxaa la yiraahdaa
Shiikh Maxamad Xikam.
Waa nin leh tilmaamo wanaagsan, geesi run-sheege
ah, shiikh aqoon diineed leh oo caadil ah, ka
dhashay qabiilo weyn (reer Cabdulle - reer Ugaas
Kooshin). Waa odey beeleed, aqoon u leh dhaqanka.
Isaga oo nin yar ah ayaa waxaa u yeeran jirey
Xayle Selaesse
iyo raggii madaxda ka ahaa degmooyinka gobolka.
Shiikhan oo ah nin hadalkiisu ay u dhega-nugul
yihiin beelaha halkaa ku dhaqan, ayaa door wanaagsan
ka qaatay in ay dadkii degaanka is abaabulaan
si eeyan kala-danbeyntii u lumin.
Tallaabada
lagu dhisay maamullada degmooyinka, waxaa dhibsaday
madaxdii dowladdii Soomaaliyeed. Inkasta oo nadaamka
siyaasadeed ee dalka lagu hoggaaminayay uu ahaa
keligi-talis, misana shiddo kale waxaa ahaa rag
af-miishaarro ah oo ka dallaali jirey wararka
ay u gudbiyaan madaxda dalka. Sida ay maah-maahdii
Soomaaliyeed sheegtay : Geed waliba in gubta
ayaa hoos taal, xilligaas waxaa bulshada dhexdeeda
ku xoogoobay canaasir ay beel waliba lahayd oo
shiddo la dhinac taagnaa beesha ay ka dhasheen
iyo Soomaalida kale. Canaasirtaa ayaa dowladda
ugu dhowaan jirey hadallo been-abuur ah oo ay
ka sameyaan hadba qofka ay is leeyihiin warkiisa
waa uu gadmayaa. Been-abuur badan ayaa laga gudbiyay
raggii naftooda-hurayaasha ahaa ee dagaalka ku
jirey iyo madaxdoodii, kaas oo noqday mashruuc
ay ku baratamaan raggaas dallaaleyda ah. Axmad
Shiikh oo arintaa ka waramaya wuxuu yiri
:
"
Waxaa jirey saraakiil Soomaaliyeed oo inoogu
iman jirey kormeer, kuwaas oo qiimeyn jirey guulaha
ay soo hoyaan ciidanka jabhadda. Iyagu waxay inoogu
iman jireen xeryihii ay jabhadiintu fadhiyeen.
Dabadeed dowladda Soomaaliya ayay ku celin jireen
qiimeyntooda. Waxaa kale oo jirey rag ciidan ah
oo la socday jabhadda. Kuwaasi waxaa laga soo
diray xafiiskii nabad-sugidda. Raggaas ayaa si
toos ah war-bixin u siin jirey xafiiskaas. Qaarkood,
dagaalkii baa ka dhab noqday oo waa ay ka xiriir
furteen xafiiskii laga soo diray. Waxaa kale oo
jirey odeyaal iyo saraakiil sare oo u dhashay
gobolka, kuwaas oo Xamar ku qaadan jirey mushahar
siyaado ah. Waxay xiriir la lahaayeen xafiiskii
madaxweynaha. Waxay halkaas u gudbin jireen warar
la xiriira xaaladda jabhadda. Waa raggan danbe
kuwa dhaawacayada u geystay howlihii lagu xoreynayay
gobolka ". (Wareysi
aanu la yeelanay G/ S. Axmad Shiikh Cabdi, 30/
7- 2003).
Sida
laga bartay ogaallada taariikhda, halgan kasta
markuu hana-qaado wuxuu yeeshaa dulaaleetiyo dabar
ku noqda habsamidii uu ku bilowday. Taasina waxay
kaga timaaddaa xubnaha jabhadda oo aanan markoodii
horeba isku ujeeddo ahayn. Halgamada furan, oo
ah kuwa ay jabhaduhu wadaan, waxay yeeshaan fagaare
u bannaan in uu qof kasta ka qeyb-qaato. Sidaa
darteed waxaa goob isugu yimaada dad daacad ah
oo eeyan jirin wax u weheliya guusha qadiyadda
loo dirirayo, iyo dad danaystayaal ah oo caloosha
ku sita ujeeddo ka sokeysa qadiyadda loo dirirayo.
Inta la fara-maran yahay dadkaasi waxay u muuqdaan
kuwo isku dan ah. Laakiin markii guul yar la gaaro
waa ay kala soocmayaan. Kii danta lahaa ayaa markiiba
muuqanaya. Taasina waxay ka dhalataa dadaalka
gurracan ee uu u gelayo in uu isagu gurto mirihii
la helay. Arintaasi waa caado ay halgamada jabhaduhu
leeyihiin, waana arintaas meesha ay ka baxday
ooraahda caalamiga ah ee oraneysa : Nin caqli
weyn baa halgan hal-abuura, nin nafti-hure ah
baa u howl-gala, nin tuug ah baa miraha gurta.
Raggii
canaasirta dallaalayda waxay ku guuleysteen in
ay Maxamad Siyaad ku qanciyaan hadalkii ay ka sheegayeen
dhaqdhaqaaqa dagaalka iyo raggiisa. Madaxweynuhuna,
caashaqa uu u qabay in aanan talada lala wadaagin
ayaa ka indha tirey ogaalka xaqiiqada. Arintaasi
waa muraayad laga daawan karo hiddo siyaasadeedkii
dalka yiil xilligaas. Inkasta oo kaankarada ay
bulshadu la bur-burtay ay tahay mid uga timid
falalkii ay ku kacayeen ragga dallaaleyda ah,
oo reer walba lahaa, misana waxaa ayaan darro
ah in aragtidoodii ay weli ka shaqeyneeso dalka.
Bal foofkeedii uu gaaray reer miyigii aanu u baxsan
jirney, ee inoo hayay hiddaha wanaagsan.
Aragtida
ah in Ogaadeenya ay Soomaaliya ka madax-bannaanaato,
waxay ahayd mid ay qabeen rag tira yar oo aanan
matali kareyn mowjaddii xoogga lahayd oo dad-weynuhu
ku doonayeen midnimada Soomaali-weyn. Waana arintaas
midda ay jabhadiintu u dagaalamayeen. Waana arintaas
midda ay gacanta kaga heleen reer miyigii degaanka.
Laakiin dallaaleydii Xamar fadhiday ayaa cayiliyay
si ay ugu beeso-qaataan. Been-abuurka ay sameeyeen
ayaa markuu wax badan soo noq-noqday wuxuu tuhun
xooggan ku tallaalay madaxdii Soomaalida. Tuhunkaasi
cirka isku shareeray markii ay soo dhowaatay madax-bannaanidii
Jabuuti. Waxaa la sawiray in jabhadiintu ay Jabuuti
la sameysteen xiriir-hoosaad ay ku doonayaan in
ay la midoobaan gobolkaas. Dabadeed halkaas ay
ka dhistaan laba gobol oo kale oo uu ka dhexeeyo
maamul jamhuuriyadeed, kuwaas oo ka madax-bannaan
maamulka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya.
"
Been-abuurkii iyo dicaayaddii la faafiyay darteed,
ayaa dowladdii Soomaaliyeed waxaa ku abuurmay
shaki weyn. Shir baa Xamar lagu qabtay, lagu guddoonsaday
in odeyaal badan oo u dhashay gobolka loo diro
degmooyinka ay jabhaddu maamusho. Iyaga oo qeybo
ah ayaa qeyb kasta waxaa loo direy degaanka ay
ku nool yihiin jifiyadii ay u dhasheen. Waxaa
la soo faray, in ay goosashada ka hor-tagaan oo
degmo kasta odeyadeeda fadhi gaar ah la qaataan.
U sheegaan in jabhaddu ay ahayd ciidan qaran,
oo ka tirsanaa Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Laakiin
ay dhacday khiyaano. Nimankan jabhadda madaxda
u ah, waxay doonayaan in ay gobolka gooyaan. Sidaa
darteed waa in odey walba uu raggiisa kala soo
baxaa ciidanka jabhadda. Dabadeed, isagu madax
u noqdaa. Markaas dowladda ayaa kaalmo ku siinaysa
arintaa ". (Wareysi
aanu la yeelanay G/ S. Axmad Shiikh Cabdi, 30/
7- 2003).
Odeyada
la direy oo fariintii qaaday waxaa kamid ah Ugaas Aadan Xaddiis, Cabdullaahi
Sacdi, Cali Yaasiin,
Xaaji Cabdiraxmaan Barkhadle ikk. Sida uu inoo sheegay
Suldaan Maxamad Xaaji
Siraaji, odeyadan waa cuqaashii degaanka.
Iyagu kamid maahayn ragga dhagar-qabayaasha ah
ee halganka dhaawacay. Nimankaa af-miishaarrada
ahaa waxay isugu jireen saraakiil ciidan iyo odeyaal.
Waanu ka gaabsanaynaa in aanu xusno magacyadooda.
Waxaa iyana jirey odeyaal Xamar ku sugnaa oo iyagu
ku dadaalay in ay ka hor-tagaan been-abuurka la
faafinayo. Waxaa kamid ahaa Suldaan
Turki Xuseen Xayle, Cali
Muuse, Cabdi Soofe ikk. Rag ay kamid yihiin odeyadan, waxay
ka xumaadeen tallaabada ay dowladda qaaday oo
ah in ay odeyaal u dirto gobolka. Iyagu waa ay
diideen in ay kamid noqdaan ragga baxaya. Waxay
damceen in ay la hadlaan madaxweyne Maxamad
Siyaad oo ay u sheegaan in wararka loo
keenayo ay been yihiin, xaqiiqaduna ay sidaas
ka duwan tahay. Madaxweynuhu ma uusan rumeysan
hadalkii odeyadaas wanaag-doonka ahaa. Fadhi ay
isku arkeen ayuu madaxweynuhu ka yiri ooraahdii
caanka baxday ee ahayd :
Dheri
aan anigu kariyay, cid kale cuni mayso.
Xilligaas
Hoggaamiyayaasha labada jabhadood (Galbeed iyo
Abboo) iyo xubnaha golayaashooduba, waxaa laga
mamnuucay in ay wax xiriir ah la yeeshaan nadaam
matalaya dowlad ama urur shisheeye ah. Xataa looma
oggolayn in ay la kulmaan wariyayaasha dalalka
shisheeye u fadhiyay Xamar. Waxaa jirey cadaadis
gaar ah oo saarnaa xubnaha WSLF, kaas oo aanan
saarneyn xubnihii Soomaali Abboo. Arintaas waxaa
u sabab ahaa kala duwanaanshaha baraarugga siyaasadeed
ee labada shacab. Halka ay xubnaha golihii dhexe
ee Abboo, wax ka hoggaaminayeen ururada ka dagaalamayay
Baali iyo Siidaamo, xubnaha golihii dhexe ee WSLF,
looma oggolayn in ay Xamar ka baxaan.
Qaar
kamid ah odeyadii loo direy Ogaadeenya, markii
ay gobolkii tageen, waxay la kulmeen Shiikh
Maxamad Xikam. Waxay soo gaarsiiyeen dhambaal
ay ka sideen madaxweyne Maxamad
Siyaad. Waxaa ku qornaa in odeygu uu 1000
wiil ka soo ururiyo reerkiisa. Dabadeed dowladda
ay siinayso hub iyo lacag. Isla markaa uu Axmad Shiikh ka eryo degmada Garbo. Markaasna dowladdu
ay shiikha siiso darajo. Shiikhu si buuxda ayuu
ugu qanacsanaa halganka markaas socday iyo hoggaanka
Axmad Shiikh. Wuxuu
arkayay hadallada af-miishaarnimada ah in eeyan
maslaxad u ahayn halganka iyo dowladda Soomaaliyeed
midkoodna. Sidaa darteed waa uu ku gacan-seyray
qodobadii loola yimid. Jawaabtii Shiikha
Maxamad Xikam waxay ahayd sidan :
"
Nimanyohow isla-yaaba oo xishooda !. Annagu
waxaanu wadno waa wanaag iyo midnimo Soomaaliyeed.
Iska daaya xumaanta iyo hadallada ay af-miishaariintu
fidinayaan ". (Wareysi
aanu la yeelanay G/ S. Axmad Shiikh Cabdi, 30/
7- 2003).
Shiikh
Maxamad, warkii la soo gaarsiiyay iyo waraaqdii
looga keenay madaxweynaha, wuxuu u geeyay Axmad Shiikh. Wuxuu kaloo u sheegay mowqifka uu ka is-taagay farriintii
la soo gaarsiiyay. Arimahaasi waxay sii kordhiyeen
tuhunkii dowladdu ay ka qabtay horseedayaasha
halganka. Iyada oo tuhunkaasi taagan yahay, ayaa
bilowgii bishii julay, waxaa bilowday dagaalkii
ay ciidamada Soomaaliyeed sida tooska ah uga qeyb-qaateen.
Markaas ayaa khilaafkii sii ballaartay oo gaaray
in Shiikh Maxamad
iyo Axmad Shiikh inta
la qabto loo taxaabo xabsigii Labaatan jirow,
iyada oo dagaalkii marayo meeshii ugu kharaareyd.
Qodobkan
ayaa wuxuu furey dulaaleetiyada ku lammaanaa dagaalka.
Xilligaas loo hayaamayay in Soomaali ay dhiig
badan u qubto xoriyadda dhulkeeda iyo midnimada
shacabkeeda, waxaa jirey nadaam ay ku hareereysan
yihiin maan-gaabyo macaan-jecel ah. Raggaasi maahayn
kuwo ka korran hal-abuurka dibin-daabyada ay ku
doonayeen in ay dowladda kaga helaan darajo iyo
lacag. Waxay ahaayeen gafanayaal aanan ka talin
karin qadiyadaha filka weyn ee la xiriira masiirka
ummadeed iyo facaheeda. Inkasta oo maamulkii jirey
uu la bur-buray tala-xumidii dallaaleydaa, misana
in badan oo iyagii ah baa maanta ku lebisan jubado
iyo dhuun-ceejiye ay ka muuqato arrad dhaqan iyo
mid aqoon.
Umuuro
is-tusahayaa khalqigu oofso leeyahaye
Nin
walibana aashaa ebyuu uurka ku hayaaye
Ilaahayna
sida uu wax oran aadanuhu mooge
Aqoon
yarina Soomaali bay iil ka dhaadhicine
Arrin-xumo
ninkeedii intuu eedayaa badane
Asbaab
ay dhigeen buu ku yimid amarka haystaaye (Cismaan
Yuusuf Keenadiid).
Waa
socotaa.... Gadaal
ugu noqo casharadii hore