|Home| |Islam| |Qoraalo| |Contact Us |Suugaan|
Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii XXXII-aad

Dr Enow

 

Bishii lixaad (juun) ee sanadka, waxay bilaabatay iyada oo ay cirka isku shareertay weeraradii ay ciidamadii jabhadda la beeganayeen fariisimaha ciidamada Itoobiya iyo taakuladooda. Marka laga reebo degmooyinka waaweyn ee gobolka, ciidamada jabhaddu waxay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan, inta badan, degmooyinkii yar-yaraa iyo dhulkii baadiyaha ahaa, gaar ahaan dhulka xuddunta ah. Islamarkaa waxay hakad geliyeen dhamaan waddooyinkii ay taakulada u soo maraysay ciidanka Itoobiya ee ku sugan gobolka. Markaas waxaa bilaabatay dareenka ah in weerar lagu qaado ciidamada ku haray dhufeesyada. Axmad Shiikh Cabdi oo ka war-bixiyay xaaladdii xilligaas wuxuu yiri :

" Inkasta oo cadowgu uu ku hubeysnaa qalab adag, islamarkaa uu isu diyaariyay in ciidan Soomaaliyeed eeyan jebin difaacyada uu ka sameystay Ogaadeenya, misana ciidanka jabhaddu waxay rumeysnaayeen in qoriga iyo bambooyinka ay wateen ay kaga saari karaan dhufeysyada adag. Waana ay kaga saareen. Dhibaatada keliya oo xilligaas ciidanka jabhadda haysatay waxay ahayd dayuuradaha cirka ka soo weerarayay oo eeyan u haysan hub ay isaga difaacaan ". (Wareysi aanu la yeelanay G/ S. Axmad Shiikh Cabdi, 30/ 7- 2003).

Ciidankii Itoobiya wuxuu markaa ku haray degmooyinka waaweyn oo difaaca adag leh. Isla-xilligaas waxaa socday weeraradii ay wadeen guutadii ka soo tallawday waqooyiga ee uu hoggaaminayay Yuusuf Dheere. Waxay ku sii sikanayeen dhulka looga taliyo degmooyinka Harar iyo Dirir-dhabe. Isla bishii juun waxaa Itoobiya ku baxay ciidan hor leh oo tiradiisu ay gaarayso 2.000 oo nin. Ciidankan oo ahaa guutadii saddexaad ee iyaga oo jabhad ah ku baxa Itoobiya ayaa wuxuu ahaa mid loogu tala-galay in ay buuxiyaan meelihii ay soo baneeyeen ciidankii Duufaan oo ahayd gobollada koonfureed ee Itoobiya. Badabkoodu waxay ahaayeen Soomaali Abboo. Waxaa hoggaaminayay Gaashaanle Cabdirisaaq Shiikh Cismaan (Cali-baadiye). Isagu wuxuu xilligaas macallin ka ahaa kuliyaddii layli-saraakiisha oo la oran jirey Jaalle Siyaad. (Kala soco casharka soo socda).

Xilligaas, ciidamadii Duufaan, iyaga oo sita himmad aad u sareysa ayay ku faafeen bartamaha gobolka. Wakhtigu wuxuu ahaa xilli doog iyo barwaaqo ah. Dadka iyo xoolaha halkaa ka cabayay aad bay u tira badnaayeen. Dalag badan ayaa baxay oo mirahoodii la gurtay. Reer miyigii Soomaaliyeed, waxaa u fududaatay in ay gacan siiyaan ciidamadii dagaalamayay. Madaxdii Duufaan baa markaas waxay qaadeen tallaabo ay ku dhisayaan maamulladii ka talin lahaa degmooyinkii ay ka kiciyeen ciidamada Itoobiya. Ujeeddadu waxay ahayd in la helo kala-danbayn. Arintaasi waxay abuurtay tuhunkii ugu horeeyay oo soo kala dhex-gala qaar kamid ah saraakiishii howl-wadeennada ka ahaa aagagga hore ee dagaalka iyo hoggaankii dowladda Sooaaliyeed. Taliyihii ciidamada Duufaan oo arintaa ka waramaya wuxuu yiri :

" Baahi ayaa timid ah in gobolkii laga dhiso guddiyo maamuleed. Degmooyinkii iyo tuulooyinkii aanu gacanta ku dhignay, waxaa horey uga jirey maamullo ay Itoobiya lahayd. Waxay la bur-bureen ciidamadoodii halkaa laga kiciyay. Markaas degmooyinkii laguma noolaan karin haddeeyan jirin maamul iyo kala danbeyn. Ma jirin wax ay dowladda Soomaaliyeed na soo fartay oo la xiriira dhismaha maamullada. Annaga qudheenu qorshaha nooguma jirin. Laakiin markaanu baahideedii aragnay baanu dhisnay. Guddiyada la dhisay qaar baa iskood u sameysmay oo dadkii degaanka ay iska dhex doorteen raggii matali lahaa, iyada oo ciidankii jabhadda eeyan weli soo gaarin halkaa.Waxaa bilaabatay in la ururiyo lacago cashuur ah, taas oo laga qaado ganacsatada ku nool degmooyinkii la xoreeyay. Waxaa kale oo dhaqaale laga qaadi jirey baabuurta socotada ah iyo reer miyiga. Degmada Garbo oo aan markaa anigu fadhiyay , cashuurtii laga ururshay waxay gaadhay saddex melyan oo Sh.So. ". (Wareysi aanu la yeelanay G/ S. Axmad Shiikh Cabdi, 30/ 7- 2003).

Hoggaamiyihii Duufaan, Axmad Shiikh Cabdi, marka uu maamullada ka dhisayay dhulka uu qabtay, wuxuu adeegsaday nin odey ah oo degaanka caan ka ah. Ninkaasi waxaa la yiraahdaa Shiikh Maxamad Xikam. Waa nin leh tilmaamo wanaagsan, geesi run-sheege ah, shiikh aqoon diineed leh oo caadil ah, ka dhashay qabiilo weyn (reer Cabdulle - reer Ugaas Kooshin). Waa odey beeleed, aqoon u leh dhaqanka. Isaga oo nin yar ah ayaa waxaa u yeeran jirey Xayle Selaesse iyo raggii madaxda ka ahaa degmooyinka gobolka. Shiikhan oo ah nin hadalkiisu ay u dhega-nugul yihiin beelaha halkaa ku dhaqan, ayaa door wanaagsan ka qaatay in ay dadkii degaanka is abaabulaan si eeyan kala-danbeyntii u lumin.

Tallaabada lagu dhisay maamullada degmooyinka, waxaa dhibsaday madaxdii dowladdii Soomaaliyeed. Inkasta oo nadaamka siyaasadeed ee dalka lagu hoggaaminayay uu ahaa keligi-talis, misana shiddo kale waxaa ahaa rag af-miishaarro ah oo ka dallaali jirey wararka ay u gudbiyaan madaxda dalka. Sida ay maah-maahdii Soomaaliyeed sheegtay : Geed waliba in gubta ayaa hoos taal, xilligaas waxaa bulshada dhexdeeda ku xoogoobay canaasir ay beel waliba lahayd oo shiddo la dhinac taagnaa beesha ay ka dhasheen iyo Soomaalida kale. Canaasirtaa ayaa dowladda ugu dhowaan jirey hadallo been-abuur ah oo ay ka sameyaan hadba qofka ay is leeyihiin warkiisa waa uu gadmayaa. Been-abuur badan ayaa laga gudbiyay raggii naftooda-hurayaasha ahaa ee dagaalka ku jirey iyo madaxdoodii, kaas oo noqday mashruuc ay ku baratamaan raggaas dallaaleyda ah. Axmad Shiikh oo arintaa ka waramaya wuxuu yiri :

" Waxaa jirey saraakiil Soomaaliyeed oo inoogu iman jirey kormeer, kuwaas oo qiimeyn jirey guulaha ay soo hoyaan ciidanka jabhadda. Iyagu waxay inoogu iman jireen xeryihii ay jabhadiintu fadhiyeen. Dabadeed dowladda Soomaaliya ayay ku celin jireen qiimeyntooda. Waxaa kale oo jirey rag ciidan ah oo la socday jabhadda. Kuwaasi waxaa laga soo diray xafiiskii nabad-sugidda. Raggaas ayaa si toos ah war-bixin u siin jirey xafiiskaas. Qaarkood, dagaalkii baa ka dhab noqday oo waa ay ka xiriir furteen xafiiskii laga soo diray. Waxaa kale oo jirey odeyaal iyo saraakiil sare oo u dhashay gobolka, kuwaas oo Xamar ku qaadan jirey mushahar siyaado ah. Waxay xiriir la lahaayeen xafiiskii madaxweynaha. Waxay halkaas u gudbin jireen warar la xiriira xaaladda jabhadda. Waa raggan danbe kuwa dhaawacayada u geystay howlihii lagu xoreynayay gobolka ". (Wareysi aanu la yeelanay G/ S. Axmad Shiikh Cabdi, 30/ 7- 2003).

Sida laga bartay ogaallada taariikhda, halgan kasta markuu hana-qaado wuxuu yeeshaa dulaaleetiyo dabar ku noqda habsamidii uu ku bilowday. Taasina waxay kaga timaaddaa xubnaha jabhadda oo aanan markoodii horeba isku ujeeddo ahayn. Halgamada furan, oo ah kuwa ay jabhaduhu wadaan, waxay yeeshaan fagaare u bannaan in uu qof kasta ka qeyb-qaato. Sidaa darteed waxaa goob isugu yimaada dad daacad ah oo eeyan jirin wax u weheliya guusha qadiyadda loo dirirayo, iyo dad danaystayaal ah oo caloosha ku sita ujeeddo ka sokeysa qadiyadda loo dirirayo. Inta la fara-maran yahay dadkaasi waxay u muuqdaan kuwo isku dan ah. Laakiin markii guul yar la gaaro waa ay kala soocmayaan. Kii danta lahaa ayaa markiiba muuqanaya. Taasina waxay ka dhalataa dadaalka gurracan ee uu u gelayo in uu isagu gurto mirihii la helay. Arintaasi waa caado ay halgamada jabhaduhu leeyihiin, waana arintaas meesha ay ka baxday ooraahda caalamiga ah ee oraneysa : Nin caqli weyn baa halgan hal-abuura, nin nafti-hure ah baa u howl-gala, nin tuug ah baa miraha gurta.

Raggii canaasirta dallaalayda waxay ku guuleysteen in ay Maxamad Siyaad ku qanciyaan hadalkii ay ka sheegayeen dhaqdhaqaaqa dagaalka iyo raggiisa. Madaxweynuhuna, caashaqa uu u qabay in aanan talada lala wadaagin ayaa ka indha tirey ogaalka xaqiiqada. Arintaasi waa muraayad laga daawan karo hiddo siyaasadeedkii dalka yiil xilligaas. Inkasta oo kaankarada ay bulshadu la bur-burtay ay tahay mid uga timid falalkii ay ku kacayeen ragga dallaaleyda ah, oo reer walba lahaa, misana waxaa ayaan darro ah in aragtidoodii ay weli ka shaqeyneeso dalka. Bal foofkeedii uu gaaray reer miyigii aanu u baxsan jirney, ee inoo hayay hiddaha wanaagsan.

Aragtida ah in Ogaadeenya ay Soomaaliya ka madax-bannaanaato, waxay ahayd mid ay qabeen rag tira yar oo aanan matali kareyn mowjaddii xoogga lahayd oo dad-weynuhu ku doonayeen midnimada Soomaali-weyn. Waana arintaas midda ay jabhadiintu u dagaalamayeen. Waana arintaas midda ay gacanta kaga heleen reer miyigii degaanka. Laakiin dallaaleydii Xamar fadhiday ayaa cayiliyay si ay ugu beeso-qaataan. Been-abuurka ay sameeyeen ayaa markuu wax badan soo noq-noqday wuxuu tuhun xooggan ku tallaalay madaxdii Soomaalida. Tuhunkaasi cirka isku shareeray markii ay soo dhowaatay madax-bannaanidii Jabuuti. Waxaa la sawiray in jabhadiintu ay Jabuuti la sameysteen xiriir-hoosaad ay ku doonayaan in ay la midoobaan gobolkaas. Dabadeed halkaas ay ka dhistaan laba gobol oo kale oo uu ka dhexeeyo maamul jamhuuriyadeed, kuwaas oo ka madax-bannaan maamulka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya.

" Been-abuurkii iyo dicaayaddii la faafiyay darteed, ayaa dowladdii Soomaaliyeed waxaa ku abuurmay shaki weyn. Shir baa Xamar lagu qabtay, lagu guddoonsaday in odeyaal badan oo u dhashay gobolka loo diro degmooyinka ay jabhaddu maamusho. Iyaga oo qeybo ah ayaa qeyb kasta waxaa loo direy degaanka ay ku nool yihiin jifiyadii ay u dhasheen. Waxaa la soo faray, in ay goosashada ka hor-tagaan oo degmo kasta odeyadeeda fadhi gaar ah la qaataan. U sheegaan in jabhaddu ay ahayd ciidan qaran, oo ka tirsanaa Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Laakiin ay dhacday khiyaano. Nimankan jabhadda madaxda u ah, waxay doonayaan in ay gobolka gooyaan. Sidaa darteed waa in odey walba uu raggiisa kala soo baxaa ciidanka jabhadda. Dabadeed, isagu madax u noqdaa. Markaas dowladda ayaa kaalmo ku siinaysa arintaa ". (Wareysi aanu la yeelanay G/ S. Axmad Shiikh Cabdi, 30/ 7- 2003).

Odeyada la direy oo fariintii qaaday waxaa kamid ah Ugaas Aadan Xaddiis, Cabdullaahi Sacdi, Cali Yaasiin, Xaaji Cabdiraxmaan Barkhadle ikk. Sida uu inoo sheegay Suldaan Maxamad Xaaji Siraaji, odeyadan waa cuqaashii degaanka. Iyagu kamid maahayn ragga dhagar-qabayaasha ah ee halganka dhaawacay. Nimankaa af-miishaarrada ahaa waxay isugu jireen saraakiil ciidan iyo odeyaal. Waanu ka gaabsanaynaa in aanu xusno magacyadooda. Waxaa iyana jirey odeyaal Xamar ku sugnaa oo iyagu ku dadaalay in ay ka hor-tagaan been-abuurka la faafinayo. Waxaa kamid ahaa Suldaan Turki Xuseen Xayle, Cali Muuse, Cabdi Soofe ikk. Rag ay kamid yihiin odeyadan, waxay ka xumaadeen tallaabada ay dowladda qaaday oo ah in ay odeyaal u dirto gobolka. Iyagu waa ay diideen in ay kamid noqdaan ragga baxaya. Waxay damceen in ay la hadlaan madaxweyne Maxamad Siyaad oo ay u sheegaan in wararka loo keenayo ay been yihiin, xaqiiqaduna ay sidaas ka duwan tahay. Madaxweynuhu ma uusan rumeysan hadalkii odeyadaas wanaag-doonka ahaa. Fadhi ay isku arkeen ayuu madaxweynuhu ka yiri ooraahdii caanka baxday ee ahayd :

Dheri aan anigu kariyay, cid kale cuni mayso.

Xilligaas Hoggaamiyayaasha labada jabhadood (Galbeed iyo Abboo) iyo xubnaha golayaashooduba, waxaa laga mamnuucay in ay wax xiriir ah la yeeshaan nadaam matalaya dowlad ama urur shisheeye ah. Xataa looma oggolayn in ay la kulmaan wariyayaasha dalalka shisheeye u fadhiyay Xamar. Waxaa jirey cadaadis gaar ah oo saarnaa xubnaha WSLF, kaas oo aanan saarneyn xubnihii Soomaali Abboo. Arintaas waxaa u sabab ahaa kala duwanaanshaha baraarugga siyaasadeed ee labada shacab. Halka ay xubnaha golihii dhexe ee Abboo, wax ka hoggaaminayeen ururada ka dagaalamayay Baali iyo Siidaamo, xubnaha golihii dhexe ee WSLF, looma oggolayn in ay Xamar ka baxaan.

Qaar kamid ah odeyadii loo direy Ogaadeenya, markii ay gobolkii tageen, waxay la kulmeen Shiikh Maxamad Xikam. Waxay soo gaarsiiyeen dhambaal ay ka sideen madaxweyne Maxamad Siyaad. Waxaa ku qornaa in odeygu uu 1000 wiil ka soo ururiyo reerkiisa. Dabadeed dowladda ay siinayso hub iyo lacag. Isla markaa uu Axmad Shiikh ka eryo degmada Garbo. Markaasna dowladdu ay shiikha siiso darajo. Shiikhu si buuxda ayuu ugu qanacsanaa halganka markaas socday iyo hoggaanka Axmad Shiikh. Wuxuu arkayay hadallada af-miishaarnimada ah in eeyan maslaxad u ahayn halganka iyo dowladda Soomaaliyeed midkoodna. Sidaa darteed waa uu ku gacan-seyray qodobadii loola yimid. Jawaabtii Shiikha Maxamad Xikam waxay ahayd sidan :

" Nimanyohow isla-yaaba oo xishooda !. Annagu waxaanu wadno waa wanaag iyo midnimo Soomaaliyeed. Iska daaya xumaanta iyo hadallada ay af-miishaariintu fidinayaan ". (Wareysi aanu la yeelanay G/ S. Axmad Shiikh Cabdi, 30/ 7- 2003).

Shiikh Maxamad, warkii la soo gaarsiiyay iyo waraaqdii looga keenay madaxweynaha, wuxuu u geeyay Axmad Shiikh. Wuxuu kaloo u sheegay mowqifka uu ka is-taagay farriintii la soo gaarsiiyay. Arimahaasi waxay sii kordhiyeen tuhunkii dowladdu ay ka qabtay horseedayaasha halganka. Iyada oo tuhunkaasi taagan yahay, ayaa bilowgii bishii julay, waxaa bilowday dagaalkii ay ciidamada Soomaaliyeed sida tooska ah uga qeyb-qaateen. Markaas ayaa khilaafkii sii ballaartay oo gaaray in Shiikh Maxamad iyo Axmad Shiikh inta la qabto loo taxaabo xabsigii Labaatan jirow, iyada oo dagaalkii marayo meeshii ugu kharaareyd.

Qodobkan ayaa wuxuu furey dulaaleetiyada ku lammaanaa dagaalka. Xilligaas loo hayaamayay in Soomaali ay dhiig badan u qubto xoriyadda dhulkeeda iyo midnimada shacabkeeda, waxaa jirey nadaam ay ku hareereysan yihiin maan-gaabyo macaan-jecel ah. Raggaasi maahayn kuwo ka korran hal-abuurka dibin-daabyada ay ku doonayeen in ay dowladda kaga helaan darajo iyo lacag. Waxay ahaayeen gafanayaal aanan ka talin karin qadiyadaha filka weyn ee la xiriira masiirka ummadeed iyo facaheeda. Inkasta oo maamulkii jirey uu la bur-buray tala-xumidii dallaaleydaa, misana in badan oo iyagii ah baa maanta ku lebisan jubado iyo dhuun-ceejiye ay ka muuqato arrad dhaqan iyo mid aqoon.

Umuuro is-tusahayaa khalqigu oofso leeyahaye

Nin walibana aashaa ebyuu uurka ku hayaaye

Ilaahayna sida uu wax oran aadanuhu mooge

Aqoon yarina Soomaali bay iil ka dhaadhicine

Arrin-xumo ninkeedii intuu eedayaa badane

Asbaab ay dhigeen buu ku yimid amarka haystaaye (Cismaan Yuusuf Keenadiid).

Waa socotaa.... Gadaal ugu noqo casharadii hore

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.