Guutada
uu Cali-baadiye
hor-kacay, waxay kamid ahayd ciidan gaas ah oo
afar guuto ka kooban, kuwaas oo lagu diyaariyay
xero ku tiil meel u dhow degmada Luuq.
Xubnaha ciidankaasi waxay u dhasheen qowmiyadaha Oromada ah oo ku
nool koonfurta Itoobiya iyo beelaha Soomaaliyeed
ee halkaas kula dhaqan. Xoogga
halkaas lagu hayay, ururintiisu waxay bilaabatay
intaanan la dhisin golihii dhexe ee jabhadda Soomaali
Abboo, bartamihii sanadkii 1976-kii. Ciidankaas
oo tiradoodu ay dhamayd 8.500 oo nin, waxaa soo ururiyay raggii madaxda ka ahaa jabhaddii Soomaali
Abboo oo dowladda Soomaaliyeed ay u dirtay in
ay gudaha ka keenaan dhallinyaradii diriri lahayd.
Tababarkooda waxaa odey ka ahaa
sarkaal ka soo baxsaday ciidamada Itoobiya oo
magaciisa la yiraahdo G/ Dh. Selaesse Boqow Jilow. Isaga
oo darajadiisu tahay gaashaanle ayuu Soomaaliya
isu soo dhiibay. Dabadeed Soomaalida ayaa hal darajo u kordhisay oo u dhiibtay xilka
tababaridda cidanka jabhadda Soomaali Abboo.
Sarkaalkan oo dhalashadiisu ay ahayd Booran, waxay
meel wax ku soo wada barteen hoggaamiyihii Itoobiya
Mengistu Xayle Mariam, kaas oo ay is yiqiineen tan iyo
shan jirkoodii.
Boqow
Jilow gaaska uu hayay waxaa lagu magacaabi
jirey LIIBAAN. Guutada 1-aad ee
gaaska waxaa odey ka ahaa nin
la yiraahdo Taakalo, oo u dhashay reeraha Guji. Ciidankan
ayaa dhamaantiis waxay ahaayeen kuwo u dhashay
beeshaas. Magaca guutadada waxaa la oran
jirey DAHABLEY. Guutada 2-aad
oo ciidanka waxay u dhasheen beesha Caruusha,
waxaa odey u ahaa Waaqow
Guuto, oo ahaa guddoomiyii jabhaddii Soomaali
Abboo. Waxaa guutadan la oran jirey GANAALE. Guutada
3-aad waxaa la oran
jirey DIRE. Waxay ahaayeen Soomaali, beesha Garre.
Odey waxaa u ahaa Xasan
Goorow oo isagu beesha u ahaa odey-dhaqameed.
Guutada 4-aad waxay la magac ahayd gaaska, oo
waxaa la oran jirey LIIBAAN. Ciidankeeda
oo soomaali soocan ahaa, waxaa ku urursanaa rag
u dhashay beelaha Dagoodiye iyo Mareexaan. Waxaa
odey u ahaa Maxamad Xaaji
oo u dhashay Dagoodiye, kana mid ahaa odeyaasha
beesha. Gaaskan, inkasta oo uu sitay magac jabhadeed,
misana sida jabhaddii Soomaali Galbeed, ayaa waxaa
looga talinayay wasaaraddii Gaashaan-dhigga ee
Soomaaliya.
Gaashaanle
Cali-baadiye, ciidan ah guuto isku dhafan
oo gaaskan laga soo ururiyay ayaa loo dhiibay
si uu uga qeyb-qaato dab-shidkii dagaalka.
G/ S. Maxamad Cumar Jees oo isagu ahaa sarkaalka ay dowladda
Soomaaliyeed u xil-saartay maareynta gulufyada
lagu bixinayo dagaalka, ayaa Cali-baadiye
ku wareejiyay ciidankii iyo waajibaadkii
la doonayay in uu fuliyo. Sarkaal
la yiraahdo Ciise Cabaade
oo ku magac-dheeraa Ciise-keyse, ayaa isna jirey oo loo xil-saarey in uu
Cali-baadiye la amba-bixiyo ciidanka, kaas oo la socday
illaa ay ciidanku gaareen Beled-xaawo.
Guutadan waxay qaadatay magacii
gaaska ee ahaa Liibaan.
Cali-baadiye,
intuusan ka bixin Xamar, wuxuu la kulmay madaxweyne
Maxamad Siyaad.
Wuxuu ula tegay qorshe ku saabsan waddadii uu
ciidanka sii marin lahaa.
Sarkaalkan wuxuu doortay in
xuduudda Keenya uu la galo ciidanka. Dabadeed
uu halkaas uga tallaabo Itoobiya. Isga
oo arinkaa ka waramaya, Cali-baadiye wuxuu yiri :
"
Anigaa iska lahaa talada
lagu galay xuduudda Keenya. Waxaa ila
ogaa oo keliya madaxweyne Maxamad Siyaad Barre. Taasna waxaa kallifay,
ciidamo iga horeeyay oo waddadaa maray ayaa qaarkood
jidka loo galay oo si xun loogu gumaaday. Anigu
inaan halkaas marin baan
go'aansaday. Markaan dejiyay qorshihii socodka
aan ku marayo xuduudda Keenya, madaxweynaha ayaan
u tegay si aan ula socodsiiyo qorshahayga. Waxaa
ku iri : Halkaas baan marayaa. Waxaa aniga layga yaqaan inaan
ciidanka geliyo gudaha Itoobiya, waana uu iga
aqbalay. Xataa saraakiisha iiga
hooseeyay ciidanka, waxaan la socodsiiyay markii
aan ciidanka dhaqaajiyay
". (Wareysi aanu la yeelanay Cali-baadiye.
28/ 3- 1977-kii.
Soomaaliya. Gaalkacayo).
20/
6- 1977-kii ayay ciidankii bilaabeen in ay ka
dhaqaaqaan tuulada Geed-weyne oo u dhexeysa Doolow
iyo Luuq. Gaashaanle Cali-baadiye wuxuu halkaas ka kaxaystay ciidan
tiradoodu ay ka dhaafsiisnayd 1.500 oo nin.
Waxaa u rarnaa awr 50 gaarayay oo ay sahayda u saareyd. Raadiyo rakaal ahna waa ay siteen. Ciidanku,
socodkii horeba waxay afka saareen waddada aadda
Ceel-waaq. Waa ay ku raad gadanayeen oo isha cadowga ayay kaga gabbanayeen.
Markay marayeen meel magaalada
Beled-xaawo u jidha 7 km. oo dhanka koonfureed
ah, ayay u leexdeen dhanka xuduudda Keenya.
Toos bay markaa uga tallaabeen xuduudda. Waxaa
ciidanka caado u ahayd in ay habeenkii socdaan,
maalinnimadiina, difaac adag xirtaan.
22/
6- 1977-kii ayay ahayd markay gudbeen xuduudda
Keenya. Dowladdii
Keenya waxay ogaatay ciidankan xooggan oo gudaha
u soo galay. Waxay markiiba
kaga jawaabeen in ay soo diraan koox ka tirsan
ciidamadeeda sida aadka ah u tababaran ay ugu
talagaleen laalada xuduudda. Ciidankaas
oo tiradoodu ay ahayd 150 nin,
waxay foodda is-dareen kooxo kamid ah kooxihii
difaaca ee ciidamadii jabhadda. Meesha
laysku helay waxaa la yiraahdaa Jirma, waxay Mandheera
u jirtaa 25 km. oo gudaha Keenya ah. Labadii
kooxood markii ay is qaabileen, dagaal wacdaro
leh ayaa lagaga yaabsaday ciidamadii Keenya. Dharbaaxada
loo geystay ciidankii soo duulay waxaa laga garan
karaa 137-ka qori, nooca faalka ah oo ay jabhaddu
goobtii ka urursatay. Sida
uu Cali-baadiye inoo sheegay, ciidankii Sawaaxiliga, waxaa
nolol ku baxsaday tiro aanan ka badnayn toban
askari.
Arintaan
waxay mudan tahay in lagu hakado oo laga cashar
qaato. Xilligaas,
sida ay u kala sareysay tayada labada kooxood
oo diriray ayaa waxaa u kala sareeyay tayada labada
shacab iyo labada dowlad. Waxay
ahayd xilli ay Soomaali jaho keliya u jeedday.
Wanaaguna mid buu u ahaa oo wanaag buu ahaa, xumuhuna
mid buu u ahaa oo xumo ayuu ahaa. Iyada oo ay
jirtay goldaloolo siyaasadeed, iyada oo ay jirtay
taageero la'aan caalami ah, misana niyad-wanaagsan
oo ay ka mideysnaayeen wiilka jooga Hargeysa iyo
kan jooga Beydhabo, ayay
ahayd halka ay tamarta ka helayeen naftooda hurayaasha
u is-taagay in ay soo dhiciyaan qadiyadda ummadeed.
Aragtiyada
siyaasadeed ee mucaaradka iyo mu'ayadka leh, waa
mid uu aadamigu ka siman yahay. Goor kasta waa
ay jidhay, meel kastana waxaa laga helayaa bulsho
mucaarad iyo mu'ayid leh. Laakiin in kubadda meel
loo wada laado ayaa lays dheer yahay. Casharka
qiimiga leh oo aanu dhacdadan ka helayno baa waxay
tahay, Gaashaanle Cali-baadiye,
isaga oo mucaarad ku ahaa rijiimkii markaas jirey,
ayuu misana naftiisii u huray qadiyaddii weyneed
ee umadda ka maqneyd. Midda bulshada ka maqan
oo ay mudnaantu tahay in la gartaa, taas weeye.
24/
6- 1977-kii, goor ay fiidkii tahay, ayaa ciidankii
waxay ku soo beegmeen degmada Raamo.
Magaalada bartankeedii ayay
socod ku mareen iyaga oo kooxo ah. Waxaa
jirey ciidan ku sugnaa xero magaalada ku tiil,
kuwaas oo aanan soo bixin. Goor
qeybo ciidankii ah ay magaalada dhex-marayaan,
ayaa ciidankii Keenya waxay kor u rideen ifiyaha
loo yaqaan bulla-leyr. Cali-baadiye
oo ka waramaya xaaladdii habeenkaas wuxuu yiri
:
"
Saacaddu waxay ahayd sagaalkii
fiidnimo. Annagoo magaaladii aan ka dhamaan, oo
qeyb naga mid ahi ay ka baxday, qeybina ay ku
harsan tahay ayaa keenyaatigii ay cirka u ganeen
bulla-layr farihii ka batay. Markaasaa
aaggii oo dhan wuxuu noqday maalin cad.
Ciidanka aan watay qaarkood, bulla-layrba markaasaa
ugu horeysay. Qaar badan oo
kamid ah waxay u yaaceen buur weyn oo dhinac kaga
taalay magaalada Raamo. Intayadii
kale markaan magaaladii ka dhamaanay baan koox
si deg-deg ah ugu dirya, si ay qoladaas habawday
dhinacayaga u soo mariyaan. Dhamaantaya
habeennimadii baanu isu nimid. Waagu
wuxuu noogu baryay meel aan ka fogeyn Raamo
". (Isla
marjicii hore).
Ciidankii
Keenya ee Raamo joogay, habeenkii bay fahmeen
xoogga meesha maraya. Isgaarsiin bay kula hadleen
taliskoodii. Waxay u sheegeen
xoogga maray degaanka. Markaasaa subaxdii
waxaa bilaabatay in ay dayuurado soo kiciyaan,
si ay hawada uga weeraraan ciidanka jabhadda.
Nasiib wanaag dayuuradahaas oo si talan-taalli ah isu weydaaranayay,
dabkoodii wuxuu ku qubtay goobo khaldan.
Waxay afka saareen buurtii ay xalay ku carareen kooxihii ka fiigey
bulla-leyrka. Waxaa halkaas
ku dhaqnaa beelo kamid ah Oromada la yiraahdo
Murille.
Beelahan
oo ah kuwo aad u taabacsanaa maamulka dowladda
Keenya, ayaa dayuuradihii weeraray degaanka waxay
u geysteen dhaawac xooggan. Waxaa duqeyntii looga laayay dad iyo xoolo. Goor ay galabnimadii tahay oo duqeyntii la joojiyay ayaa odeyadii
Murille u yimaadeen madaxdii ciidanka jabhadda.
Waxay uga warameen dhibkii ay
dayuuraduhu u geysteen dadkii iyo xoolihii.
Islamarkaa waxay muujiyeen in ay la caadifad yihiin Soomaalida iyo
halgankooda. Markuu gabbalkii dhacay, ciidankii
jabhadda, waxay bilaabeen socod intii ka deg-deg
badan, si aanay ciidan lug oo weerar ah u soo
gaarin.
"
Isla habeennimadaas waxaanu
gaarnay meel la yiraahdo Garsey oo Raamo u jirta
40 km. Geel baanu halkaa ku qalanay. Maalintii
meeshaas baanu joognay inta gabalku ka dhacayay.
Fikrad ayaa la ii keenay oranaysa aan caawano
ku hoyano meesha, waayo cid na
daba socota ma jidho. Xuduuddii Itoobiya waxay noo jidhaa 10 km. Anigu waan ka cudur-daartay
in habeenkaas meeshaa lagu hoydo. Laakiin
saraakiishii ciidanka iiga hooseeyay ayaa waxay
isku raaceen taladii. Markii taladii la goostay ayaan ka digay in waabarigii weerar nagu
iman karo. Ciidankii
ayaan qaab difaac u habeeyay. Qeyb
waxaan u celiyay 7 km. oo gadaal ah. Waxaan
amar ku siiyay, haddii ay cadow arkaan in eeyan
la dagaalamin oo ay iska qariyaan illaa ay u soo
gudbaan xaggayaga. Ciidanka
intiisii kale, meel jiq ah ayaan ku habeeyay.
Goor ay saacaddu tahay labadii
duhurnimo ayaanu maqalnay gariirkii socodka ciidanka ". (Isla marjicii hore).
Dhaqdhaqaaqa
ciidanka Sawaaxiliga iyo tayadooda, waxaa jabhadda
la soo socodsiinayay beelhii Murille oo aad uga
caraysnaa dhibaatooyinkii ay dayuuradaha u geysteen.
Ciidanku wuxuu ahaa mid xooggan
oo aad u hubeysan. Waxay wateen ugu yaraan 10 ah gawaarida gaashaaman (Bee-Bee).
Waxay ku tala-galeen in ay ugaartaan
haraaga ciidanka jabhadda oo sida malohoodu ahaa
in dayuuradihii ay wiiqeen tabattoodii.
Markii ciidankii Sawaaxiliga ay soo dhaafeen kooxdii
jiidda hore la dhigay, waxay bilaabeen in ay rakibtaan
madaafiic ay siteen.
Ciidankii
iyo gawaaridoodii, markii ay la sinnaayeen aagaggii
danbe ee loo galay, ayaa Cali-baadiye
uu u baaqay si mar qura loo weeraro. Halkii baa
tacshiirad lagu boobay. Kooxdii jiidda hore joogtay,
iyaguna xaggoodii ayay dab-xir ka soo sameeyeen.
Wixii oo dhan halkii ayay ku
gubteen. Wax yar ayaa ka baxsaday. Ciidamadii jabhadda Abboo waxaa halkaas ku furteen 255 qori oo faal
ah. Soomaalida waxaa goobtaas kaga dhintay
hal sarkaal oo magaciisa la oran jirey Macallin Isaaq. Isagu wuxuu ahaa ninka
iska lahaa taladii lagu haray oo habeen labaad
goobtaas lagu seexday. Dagaalkaasi
wuxuu dhacay 26/ 6- 1977-kii. Isla habeenkaas ayay ciidankii u gudbeen xuduudda Itoobiya.
(Isla marjicii hore).
Kol
haddii dadkii guga u daŽay gamashi keynaanay
Waxaan
galo waxaan gudo haddii layla garan-waayay
Anna
inaan guntiga dhuujistaa igu gar weeyaane
Maxaa
golaha ceebeed i dhigay ma liŽi gaadiide
Gardarro
iyo is yeel-yeel ma jiro ruux ku gelayaaye
Ninna
uma gegsado leedda-fuul sida gamaankiiye
Gabashiyo
in-badan baan ku jirey inaan is-gaabshaaye
Garba-duub
maxaa ii xir-xiray gibilka maan tuuro
Maan
guusha Eebaa hayee nabadda geed saaro
Isagaa
i garab siine maan geesinimo yeesho
Giir-yaale
fulay baan ahaye gacanta maan qaado
Anba
gacashi laygama rabee maan afraha gooyo
Geeska
Afrika maan xumaan ugu garaar daayo
Intii
aniga lay kala gor-gorin
goolka maan dhaliyo (Dhoodaan).
Galabta
uu dagaalkaas dhacayo, habeenimadeedii ayay ciidamadii
jabhadda Soomaali Abboo, ay ka tallaabeen xuduudda
u dhexaysa Keenya iyo Itoobiya iyaga oo bad qaba.
Gaashaanle
Cali-baadiye wuxuu ku guuleystay qorshihiisii
socodka ciidanka oo uu Keenya la dhex mushaaxay.
Dabadeedna toddobaadkii ugu
horeeyayba wuxuu bilaabay in uu fuliyo waajibaadkii
la soo faray oo ahaa weeraro baraha degaanka oo
ay ciidamada Itoobiya ku lahaayeen fariisimaha.
Waxaa
xusid mudan in labadan dagaal oo guutada Liibaan
ay la gashay ciidamada Keenya ahaayeen kuwii taariikhda
ugu horeeyay uguna danbeeyay oo ay isaga hor yimaadaan
ciidamada labada dowladood (Soomaaliya iyo Keenya).
Soomaalidu waxay sheegtaan gobolka
waqooyi-bari ee Keenya. Dhulkaas
oo kamid ah shantii gobol ee dowladihii Soomaaliyeed
u qadiyadda ahaa, ayaa waxaa ku dhaqan beelo Soomaaliyeed
iyo kuwo Oromo ah oo la walaal ah qowmiyadda Soomaalida.
Siyaasadda dalka lagu hagayay, xilligii dowladihii
rayidka iyo middii ciidamada, ayaa markasta waxay
ka gaabsanaysay in weerar iyo xoog lagu doono
gobolkaas. Ujeeddadu waxay ahayd, iyada oo marka
hore la doonayay in Ogaadeenya xoogga la saaro,
oo aanan dhowr foronte laysku furin.
Laakiin
arintii dhacday baa xiisad ku kordhisay xiriirkii
labada dal. 29/ 6- 1977-kii, nin
u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Keenya,
wuxuu sheegay in ciidamo Soomaaliyeed ay ku soo
xad-gudbeen xuduudda dalkooda. Ninkaasi oo shir-jaraa'id
ka war-bixinayay, wuxuu xusay in ciidanka soo
galay xuduuddooda ay dhan yihiin 3.000 oo nin,
kuwaas oo ka tirsan XDS. Wuxuu
hadalkiisii raaciyay in ciidankaasi ay dagaallo
kedis ah ku soo qaadeen meelo kala duwan oo kamid
ah xuduudda u dhexeysa Keenya iyo Soomaaliya.
Waxaa xusid mudan in marka ay
Keenyaanku sii deynayaan warkan ay tahay xilli
ciidankii jabhadda ay u tallaabeen Itoobiya.
1/
7- 1977-kii, ayay JDS ka jawaabtay warkii ay sii
daayeen Keenyaanka. Nin
u hadlay wasaaraddii arrimaha dibadda ee Soomaaliya
ayaa ku tilmaamay warkii Keenya mid been-abuur
ah oo fidno looga dan leeyahay. Nikaasi
wuxuu yiri sidan :
"
Warka ka soo baxay Keenya oo sheegaya in 3.000
oo ka tirsan XDS ay ka gudbeen xuduudda u dhexeysa
Keenya iyo Soomaaliya, waa war aanan sal iyo baar
lahayn. Ma jiraan ciidan Soomaaliyeed
oo ku duulay ama damacsan in ay ku duulaan Keenya.
Meesha la sheegay in uu dagaalku
ka dhacay waxaa la yiraahdaa Raamo. Waxay
ku taalaa xuduudda u dhexeysa Keenya iyo Itoobiya.
Islamarkaa aad bay uga fog tahay xuduudda u dhexeysa
Soomaaliya iyo Keenya. Waa wax la yaab leh in
weerarka la sheegay oo dhacay isniintii ay bishu
ahayd 26-kii juun, uu noqdo mid la faafiyay maalintii
arbacada oo bishu ahayd 29-kii juun. Waxay taasi
tilmaan cad u tahay, in wararkan ay faafinayaan,
dad doonaya in ay xumeeyaan xiriirka in-dhowaalaba
soo wanaagsanaanayay ee ka dhexeeya Soomaaliya
iyo Keenya. Sida lawada ogsoon yahay gobol walba
oo Itoobiya kamid ah, waxaa gudahiisa ka taagan
dagaalo, kaas oo quruumaha la gumeysto ay ku doonayaan
xoriyaddooda. Keenya waxay dhowaan, dhowr jeer
qiratay in dalkeeda ay dhinaca Itoobiya ka soo
galeen dad qaxooti ah. Haddii ay arrimahaasi wax
ka jiraan, waxaa markaas suurooba in dagaalku
uu dhex-maray dadkaas iyo ciidamada Keenya
".
(Wargeyska
Xiddigta Oktoober. Tirsigiisa soo baxay 2/ 7- 1977-kii. Soomaaliya.
Muqdishow).
Saadiq
Enow
Waa
socotaa.... Gadaal
ugu noqo casharadii hore
Dr.
Saadiq Enow
enow2@hotmail.com