Laba
bilood ka hor madax-bannaanidii Jabuuti, dowladda
Itoobiya ayaa waxay ku soo gufeysay xuduudda dheer
oo ay Jabuuti la lahayd laba guuto oo ka tirsan
ciidamadeeda qalabka sida. Soomaalida ayaa arrintaas
waxay kaga jawaabeen, in ay iyaguna fariisiyaan
xuduudda ay la leeyihiin Jabuuti guuto ciidanka
XD ah. Waxaa odey ka ahaa Gaashaanle
Maxamad Maxamuud (Geel-qaad).
Halka Itoobiya ay ka cabsi qabtay in Jabuuti iyo
Soomaaliay ay ku midoobaan dowlad qura, Soomaalidu
waxay u baqayeen madax-bannaanida gobolka. Geel-qaad
iyo ciidankiisii halkaas ayay fadhiyeen illaa
uu ka bilowday dagaalkii weynaa ee Ogaadeenya,
markaas oo guutadu ay ka dagaal gashay aagga degmada
Dirir-dhabe. (Waraysi
aanu la yeelanay Jeneraal Maxamad Maxamuud Geel-qaad.
12/ 6- 2004-tii. Rayaad. Boqortooyada Sacuudiga).
Bishii
mey 1977-kii, waxaa Jabuuti laga qaaday afti loogu
codeynayay madax-bannaanida gobolka. Dad-weynihii
ka qeyb-qaatay aftidaas, ayaa intoodii badnayd
waxay codkoodii u bixiyeen in gobolku helo madax-bannaani.
Markii ay muuqatay diidmada caalamiga ah ee lagaga
soo hor-jeedo in Jabuuti eeyan la midoobin Soomaaliya,
JDS waxay go'aansatay in ay gaabiso codkeedii
ahaa midnimadai Jabuuti. Laakiin marna kuma eeyan
dhawaaqin wax tanaasul ah. Ereyga diblomaasiyadeed
oo dowladdu ay amrkaas adeegsanaysay waxay ahayd,
aaya ka-taliska Jabuuti. Waxaa xusid mudan in
aftida horteed, dowladda Soomaaliyeed ay bixisay
lacag dhowr boqol oo kun oo doollar ah. Lacagtaas
oo loo dhiibay danjirihii Soomaaliyeed ee fadhiyay
Baariis ayaa waxaa loo qeybiyay xubno kamid ahaa
barlamaanka Faransiiska, kuwaas oo dadaal ku bixiyay
madax-bannaanida Jabuuti. (Wareysi
aanu la yeelaney Danjire Cabduaahi Xasan Maxamuud,
Qaahira, 5/ 10- 2004).
Sidaas
baa waxaa ku dhashay Jamhuuriyadda Jabuuti, markay
taariikhdu ahayd 27/ 6- 1977-kii. Waxaa halkaas
ka curtay gobol saddexaad oo kamid ah gobolladii
shanta ahaa oo ay Soomaalidu ku han-weynaayeen
in ay arkaan iyaga oo madax-bannaan, kaas oo yeeshay
barlamaan iyo calan u gaar ah. Waxaa madaxweyne
ka noqday mudane Xasan
Guuleed Abtidoon. Soomaali meel kasta oo
ay joogeen waa ay u riyaaqeen arintaas. Farxadda
ay ku soo dhoweeyeen guushan ay dadkii gobolka
gaareen, waa mid ka turjumeysa dareenkii hagaagsanaa
oo ay bulshadu lahayd. Gobol farxaddiis, waxay
farxad u ahayd dhamaan gobollada Soomaalidu degaan.
Gobol guushiis, waxay guul u ahayd dhamaan gobollada
kale. Ma jirin mua'sasad dowladeed iyo mid madax-bannaan
ee Soomaaliyeed, illaa subaxdaas waxaa ka dhacay
khudbado iyo hadallo bogaadin ah oo ay dadku is-dhaafsanayeen.
Gobolku,
markii uu qaatay madax-bannaanida, wuxuu xubin
ka noqoday golayaasha caalamiga ah iyo kuwa goboleed.
Labadii qodob oo ay Soomaaliya qaadday ee ahaa
aqoonyahannada lagu gufeeyay gobolka iyo dadaalkii
lagu bixiyay in dalku xubin ka noqdo Jaamacadda
Carabta, waxay ahayd siyaasad hagaagsan oo Jabuuti
ka ilaalisay in ay baylah u noqoto maamulka Itoobiya.
Ayaamo
ka hor inteeyan Jabuuti qaadan madax-bannaanida,
waxaa jirey wufuud ay dowladda Soomaaliyeed u
diraytay dibadda, kuwaas oo ay ku xoojinaysay
dagaalka ka socday Ogaadeenya. 16/ 6- 1977-kii,
waxaa Xamar ka baxay wafdi ka kooban lix xildhibaan
oo saddex ay ka mid ahaayeen golaha dhexe ee XHKS,
saddexda kalena ay ahaayeen saraakiil ka tirsan
XDS. Wafdigan oo uu hoggaaminayay G/ S. Cabdirisaaq Maxamad Abuukar, ayaa waxay
soo mareen afar dal oo Carbeed. Masar, Tuunis,
Jasaa'ir iyo Marooko. Wafdigu wuxuu ahaa ceelalyo
laga hormariyay wafdi ah madaxdii jabhadda, kuwaas
oo dowladahaas ka helay oggolaansho ah in ay soo
booqdaan dhulkooda.
G/
S. Cabdirisaaq Maxamad Abuukar,
ayaa markuu soo laabtay war-bixin tifaf-tiran
siiyay madaxii jabhadda WSLF. Ujeeddadu waxay
ahayd in uusan is-khilaafin warka uu wafdigan
gaarsiiyay madaxda dowladaha ay booqdeen, iyo
warka ay sidaan wafdiga jabhadda. Waxaa jirey
waraaq uu madax-weynaha qoray oo wafdiga Soomaaliyeed
ay horey u sii qaadeen, taas oo ku socotay madaxweynayaashii
Carabta. Waxaa weheliyay waraaq kale oo lagu dalbanayay
hub. Waxaa xusid mudan, in waraaqda dalabka hubka
ay ahayd mid laga sawiray tii ay jabhaddu diyaarsatay.
Khaladkaasi wuxuu ahaa mid ka imanayay dhanka
madaxweynaha, oo isagu ahaa nin aanan lagu hadal
celin, xataa haddii uu falku u muuqdo mid khaldan.
Sidaas baa G/ S.
Cabdirisaaq, uu ugu yimid Guddoomiye
Cabdullaahi Xasan. Labada nin ayaa markaas
ku heshiiyay in ay mideeyaan waraaqihii ay kala
siteen.
Cabdirisaaq
Maxamad Abokor, markii uu la kulmay guddoomiyaha
jabhadda, war-bixintii uu siiyay waxaa kamid ahaa
sheeko uu kala kulmay Tuunis. Isaga oo arintaa
ka waramaya wuxuu yiri :
"
Markaanu Tuunis gaarnay, madaxdii dowladda
waxay isku deyeen in ay naga hor is-taagaan inaan
la kulano madaxweynihii dalka Xabiib Burqiiba. Annagu ma aanan garan sababta, sidaa
waanu ku adkeysanay dalabkeena ahaa kulanka madaxweynaha.
Waayo waxaanu wadnay waraaq isaga ku socotay oo
uu GMaxamad Siyaad
soo qorey. Laakiin xaqiiqadu waxay ahayd in uu
xanuunsanaa. Da'diisa oo weynaatay darteed ayuu
wuxuu lumiyay xasuustii. Isagu maahayn mid wax
kala ogaa ....................................
". (Wareysi aanu la yeelaney Danjire Cabduaahi Xasan Maxamuud, Qaahira, 5/ 10-
2004).
Waa
ay kulmeen isaga oo garabka laga hayo. Wafdigii
Soomaaliyeed, markii ay gudbiyeen dhambaalkii,
waxay bilaabeen in ay ka sheekeeyaan taariikhda
gobolka iyo ayaan-darridii gumeysigu baday. Dabadeed
waxay u gudbiyeen codsigoodii ahaa in dalka Tuunis
uu u fidiyo wixii taageero siyaasadeed iyo qalab
ciidan ah oo ay awoodaan. Markaas baa halkii madaxweynaha
laga sugayay in uu bixiyo jawaab quman, ayuu isaga
oo su'aalaya Tuunisiyiintii ka ag-dhowaa, wuxuu
yiri : " Horta kuwan sow Xabashi maahan
? ". Markaasaa rag kamid ah wafdigii
Soomaalida, inta ay qosol is-celin waayeen, af-laba
ka yeereen. Sawirkaasi wuxuu inoo waxyoonayaa
muuqaalka ay leedahay mu'asasaadka buka ee looga
taliyo, in badan oo kamid ah ummadaha adduunka
saddexaad. Cabdirisaaq Maxamad Abokor, markuu arintaan ka sheekeynayay,
wuxuu doonayay in uu Cabdullaahi
Xasan u tilmaamo waxa ka horeeya, si uu
barnaamijka ugu darsado. (Isla marjicii hore).
26/
7- 1977-kii, waxaa Xamar ka baxay wafdi uu hoggaaminayay
guddoomiyihii WSLF Cabdullaahi
Xasan Maxamuud. Waxaa weheliyay rag ay
kamid ahaayeen Cabdi Naasir
Shiikh Aadan iyo Waaqow
Guuto. Socdaalka wafdigan wuxuu ahaa kii
ugu horeeyay oo madaxda labada jabhad ay dibadda
ugu soo baxaan, tan iyo intii la dhisay golayaashoodii
dhexe. Wafdigu waxay soo booqdeen qaar kamid ah
waddamadii ay soo mareen wafdigii ka horeeyay.
Dowladahan ay booqdeen ayaa waxay gaarsiiyeen
war-bixin ku saabsan dagaalladii jabhadadha, iyaga
oo islamarkaa u gudbinayay codsi ku saabsan dalab
ah taageero siyaasadeed iyo mid qalab. Dalkii
ugu horeeyay oo ay booqdeen wuxuu ahaa Masar.
Cabdullaahi
Xasan wuxuu ahaa nin wax ku bartay dalka
Masar. Wuxuu ka baxay jaamacadda Qaahira. Waaguu
ardayga ahaa, wuxuu ahaa nin fir-fircoon. Wuxuu
guddoomiye ka noqday ururkii ay lahaayeen ardayda
Soomaaliyeed ee Masar ka dhisnaa. Taasi waxay
siisay fursad ay isku bartaan dhallinyaradii reer
Masar ee xilligas ka shaqeynayay xafiisyadii dowladda
u qaabilsanaa xiriirada bulshada. Xilliga uu wafdigan
yimd Masar, waxaa dalka ka madax ahaa, dhallinyaradii
ay ardaynimadii is-yiqiineen. Jamciyadda Masar
ee xiriirka Afrika ayaa markaas waxay qorsheysay
in ay abaabusho xaflad lagu maamuusayo madax-bannaanida
Jabuuti. Xilmi Al-Shacraawi oo ahaa madaxii jamciyadda ayaa taleefan
kula soo hadlay Cabdullaahi
Xasan oo ay horey isu yiqiineen. Wuxuu
ku yiri :
"
Waan maqlay inaad timid adigoo hoggaaminaya
wafdi jabhadeed. Waxaan doonayaa inaan kugu casumo
xaflad lagu maamuusayo madaxbannaanida Jabuuti.
Waan la socdaa in aad kamid ahayd ardeydii Soomaaliyeed
oo Qaahira lagu xir-xirey 1966-kii, markii ay
ku bannaan-baxeen danjirihii Faransiiska. Haddaba
Jabuutidii waagaa laguu xirey, kaalay oo maanta
ka hadal xafladdan lagu maamuusayo madax-bannaanideeda
". (Isla marjicii
hore).
Xafladdii
maamuuska oo lagu qabtay hodheelka Sharaton, ayaa
waxaa ka soo qeyb-galey masuuliin ka socday dowladda
Masar iyo danjirayaal isugu jira Carab iyo Afrikaan.
Raggii habeenkaas khudbadaha ka jeediyay xafladda
waxaa kamid ahaa Cabdullaahi
Xasan. Ereyadii uu ku hadlay waxaa kamid
ahaa :
"
Waxaa jidha maah-maah carbeed oo oraneysa,
ma habaabo xaq uu ninkii lahaa daba taagan yahay.
................................... . Jeneral Charles de Gaulle, waa ninkaas sankiisii dheeraa
intuu kor u taagay, Jabuuti kaga khudbeeyay :
Gobanimadu dhayal laguma helo ee dhiig bay u baahan
tahay. Kibirkii sanka ka saarraa waa uu beenoobay,
shacabkii Jabuutina waakaa xoriyad ku naaloonaya.
Mahaddaas Eebaa leh. Dabadeed geesiyaashii u hurey
wax kasta oo qaali ah baa leh. ....................................
". (Isla marjicii
hore).
La
sinaade qeyrkood haday seben u liiteene
Sidig
bow dhashiyo dowladnimo suudi loo maraye
Samhariiradii
iyo ka baxe salowgi naareede
Saamigii
walaalkaa heliyo sadada uu haysto
Si
loo deyoba sharaftiisu waa sararahaagiiye
Seeddiyo
laftay kabantay iyo saabka feeraha’e
Sar-sarkii
dalooliyo nuskii saaray laamaha’e
Hadba
saanta meel inaad dhigtoo socoto weeyaane
Ma
sal-gaarin saaxiibayaal seerahaan rabaye
Safarka
iyo geeddigu dhul kale how socdaal tago’e
Sunniyo
waajib ciiddaada waa inaadan sii deyne
War
Soomaali waa maqan tahaye seexashada diida (Cali
Cilmi Af-yare).
Madaxda
ay Masar kula kulmeen waxaa ugu weynaa ra'iisul-wasaarihii
dowladda Dr. Fu'aad
Muxyadiin, kaas oo aad ula caadifooday
war-bixintii ay wafdigu ka siiyeen xaaladda dagaalka.
Markii loo dhameeyay khabarkii la siiyay, Ra'iisul-wasaaruhu
waa uu ilmeeyay farxad darteed, marakaasuu madaxdii
la joogtay ku yiri waa in aad gacan siisaan dadkaa
walaalihiin ah ee dagaalku haysto. Kaalmada markaas
ay jabhaddu ka heshay Masar waxay ahayd mid rayid
ah. Waxaa kamid ahaa lebis jabhadeed, kabo, dhar
hurdo, funaanado dhaxameed, maryo badan oo bafto
cad ah, taas oo loo qeybiyay dadkii reer miyiga
ahaa. Waxaa kaloo ay Masaaridu bixiyeen dawooyin
badan.
Dalkii
labaad oo ay u gudbaan wuxuu ahaa Tuunis. Waxay
u martiyeen dowladdii dalkaas oo iyaduna si wanaagsan
loogu soo dhoweeyay. Wafadigu waa ay ogaayeen
xaaladda madaxweyne Xabiib
Burqiiba, sidaa darteed ma eeyan codsan
in ay la kulmaan. Waraaqdii ay u wadeen waxay
ugu dhiibeen madaxdii ay is arkeen. Wafdigu waxay
kulmeen ra'iisul-wasaarihii Tuunis
Al-Haadi Nuweyrah iyo wasiirkii dibadda
Xabiib Burqiiba (Wiilka).
Madaxdii Tuunis waxay u sheegeen jabhadda in eeyan
haysan wax tabar ah oo ay ku taageeraan. Laakiin
waxay ballan-qaad ka bixiyeen in ay qadiyadda
ka taageerayaan maxfallada caalamiga ah.
Xilligaas
waxaa cakirraa xiriirka dowladaha Carbeed ee galbeedka
Afrika. Sidaa darteed, wafdigii jabhadda oo markaa
ku socday dalka Marooko, waxaa ku adkaaday in
ay helaan dayuurad Carbeed oo si toos ah u aadaysa
halkaas. Markay dhowr maalmood hakadeen, waxay
u tageen safaaraddii Talyaaniga. Cabdullaahi Xasan, oo arintan ka waramay wuxuu yiri :
"
Markii aanu isu sheegnay, waa ay noo joogsadeen.
Inkasta oo uusan nala socon nin af-talyaaniga
yaqaan, misana waxay inoo muujiyeen xushmad weyn
iyo qaddarin. Qunsulkii safaaradda baa ina soo
dhoweeyay oo markiiba u yeertay nin turjumaan
ah. Inaan quraacano ayuu nagu khasbay. Markaan
uga waranay xaaladdayada, wuxuu inoo sheegay in
beri subax ay imanayso dayuurad ay leedahay shirkadda
dayuuradaha ee Talyaaniga (Alla Italia), taas
oo u socota Marooko. Wuxuu inoo ballan-qaday in
uu fadhi naga siinayo ". (Isla marjicii hore).
Hakadkii
ku yimid socdaalkii wafdiga, wuxuu khalal geliyay
wakhtigii laga sugayay in ay Marooko yimaadaan.
Iyaga oo aanan la ogeyn ayay galeen dalka Marooko
oo waxay ka degeen magaalada Kaasa-blanka. Xilligaas
waxaa jirey af-duubyo dayuuradeed oo Falastiiniyiintu
ay ka wadeen dunida. Sidaa darteed, dowladda Marooko
waxay guddoomisay in dayuuradaha ganacsiga ee
dalkeeda ku socda ay ka degaan magaalada Kaasa-blanka,
kuwa wufuudda sidana magaalada Rabaad. Sidaas
buu wafdigii wuxuu uga degay Kaasa-blanka oo aanan
laga sugayn.
Abuu
Malxam Al-Calawi oo ahaa boqorka Marooko
ina adeerkiis, isla-markaana lahaa wargeys kamid
ah kuwa ugu codka dheer ee dalka, ayuu ahaa ninkii
ugu horeeyay ee ogaada in wafdigii la sugayay
uu ka soo degay magaalada Kaasa-blanka. Isagii
ayaa halkaas ka soo wacay oo ahaa ninkii ugu horeeyay
oo la kulma. Inkasta oo howshiisu ay ku ekeyd
wareysi iyo sawir-qaadasho, misana wuxuu xiriirshay
wafdigii iyo dowladdii. Dabadeed wafdigii waxay
u gudbeen magaalada Rabaad. Waxay halkaas kula
kulmeen wasiirkii dibadda Maxamad
buu-Sittah iyo laba wasiir oo kala ahaa
wasiirkii gudaha iyo kii war-faafinta. Wafdiga
waxay dowladdan ka dalbadeen hub iyo dawooyin.
Madaxdii dalka Marooko, wax hadal ah kama eeyan
soo celin dalabkii jabhadda.
Bal
waxay wareysteen goorta ay Xamar ku laabanayaan.
Wafdigii baa u sheegay in muddo labaatan maalmood
ah ay ku wareegayaan waddamo Carbeed. Markaasaa
madaxdii Marooko ay yiraahdeen sidan :
"
Annagu ma nihin dowlad hub soo saarta. Sidaa
darteed ha naga sugina hub wanaagsan oo aan idin
siino. Laakiin, waxa aanu hayno idin ka hagran
mayno, ee keena cinwaan aanu idiin kugu hagaajinno.
Waxaan rajeeneynaa inay Xamar idiin kaga horeeyaan
waxa aanu idin siinayno ". (Isla marjicii hore).
Cinwaanka
ay wafdigii jabhadda siiyeen madaxda ay la kulmeen,
wuxuu ahaa cinwaan uu lahaa nin la yiraahdo Axamad
Cabdi Shuuriye, oo isagu kamid ahaa golihii
dhexe ee jabhadda. Madaxdii Marooko taddobaad
ayay wafdigii dib u dhigeen si ay maamuusaan.
Hubka ay soo direen waxay ahaayeen 6.000 oo qoryaha
Rayfalka ah, kuwaas oo sancadoodu tahay Ingiriis,
600 oo baasuuke, sancadoodu tahay Baljiika, kuwaas
oo lagu burburiyo taangiyada. Miinooyin balaastik
dusha kaga huwan oo aan miino-baarku sheegi karin.
Iyo dawooyin badan.
Qalabkaas
ayaa dhamaantiis wuxuu Xamar gaaray intuusan wafdigii
dhameysan socdaalkii ay ku jireen.Dabadeed wafdigii
waxay u kaceen dalka Suuriya, iyaga oo sii raacay
dayuurad ay la socdeen macallimiin fasax ku socda.
Markay Dimashaq gaareen, waxaa lagu dejiyay hoteelka
Saraakiisha. Si wanaagsan ayaa halkaas loogu maamuusay.
Meelo taariikhi ah ayaa booqsaho ahaan loo geeyay
oo ay kamid ahayd buuraha Goolan. Madaxdii dalka
oo ay la kulmeen waxaa ugu weynaa Cabdi-raxmaan
Al-Khaliifaawi oo isagu ahaa ra'iisul-wasaarihii
dalka. Dowladdaasi waxaa laga helay hub isugu
jira qoryo AK ah iyo miinooyin. Markab ayay soo
saareen oo waxaa laga soo dejiyay dekadda Berbera.
Waxaa
kale oo wafdigii ay mareen Ciraaq waxay la kulmeen
Naciim Xaddaad oo ahaa ra'iisul-barlamaankii. Waxay ka
heleen lacag dhan 500.000 oo doollar ah. Dalka
Kuweyt waxay kula kulmeen Shiikh Sacad Saalim Al-Sabaax oo ah boqorka walaalkiis,
islamarkaana ah dhaxal-sugaha nadaamka boqortooyada.
Waxaa xusid mudan in amiirkan ay hooyadiis tahay
Amxaaro. Mar amiirku uu madaxii wafdiga hor-dhigay
su'aasha ah meesha uu ku eg-yahay dhulka ay jabhaddu
sheeganayso, ayuu Cabdullaahi
Xasan wuxuu ku jawaabay illaa webiga Hawaash.
Amiirkii inta kor u booday buu isaga oo dhawaaqaya
wuxuu yiri : Oo maxaa Itoobiya u haray oo aad
u reebteen. Markaasaa Cabdullaahi Xasan oo u jawaabaya yiri : " Soomaaliya
waa dal Islaam ah oo Carab ah, haddii ay dhulkeedii
xoreysato, maxaa khasaaro ah oo adiga kaa soo
gaaraya " .
(Isla marjicii hore).
Saadiq
Enow