Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii IV-aad 
Dr Enow

Xilligii ay is-weydaaranayeen toban-sanadeedkii qarnigii tegay ee 60-aadkii iyo 70-aadkii, degaamada bariga fog iyo bariga dhexe ayaa waxay ahaayeen goobo ay ka shidnaayeen hurka D. Q. Waxaa dib u guranayay cuntubyadii ciidamada dalalkii wax gumeysanayay ee ku sugnaa dalalkii la gumeysanayay. Waxaa arintaa weheliyay cadaawad kordheysay oo dadyowga dunida saddexaad ay u qaadeen dalalkii gumeysatada ahaa, iyaga oo isla markaas siyaasaddoodii ku sidkay dalalkii Shuuciyadda ahaa. Taasi waxay abuurtay dareen xambaarsan cabsi xoog leh oo dowladaha reer galbeedka kaga imanayay foofka aragtida shuuciyadda.

Waxaa xilligaas ololay dagaallo qaan-gaar ah, kuwaas oo kulaalkii dab-shidkooda laga dareemay dunida dacalladeeda. Dagaalka Fiyetnaam ayaa wuxuu kamid yahay kuwa ugu hilan culus raaca taariikheed ee D. Q. Curashadiisa waxaa u sabab ahaa aragtida dhaxal-wareega iyo damaca gumeysiga wejiga cusub oo ay dowladaha emberiyaaliyadda ahi isku weydaaranayeen dhulalkii ay boobka ku haysteen. Faransiiska oo Fiyetnaam gumeysanayay qeybtii hore ee qarnigaas, ayaa u adkeysan waayay dagaallo mitid ah oo ay dadka reer Fiyetnaam ku doonayeen madax-bannaani siyaasadeed. Dhaqdhaqaaqa gobanimo-doonka ahi, wuxuu ka helayay xoogagga Soofiyeetiga & Shiinaha.

Dagaalladaii Fiyetnaamku ay ku qaadeen maamulkii gumeysiga ee Faransiiska, wuxuu soo gabagaboobay 20/ 7-1954-kii, markaas oo ciidamadii dhaqdhaqaaqii Viet-congo ay qabsadeen sal-dhiggii ugu weynaa oo ay ciidamada Faransiisku ka dhiseen dalka Fiyetnaam. Degmada la yiraahdo Dien Bien Phu ee ku taal gobolka waqooyi bari ayuu saldhiggu ku yiil, waxayna ugu tala galeen in ay hor istaagaan taageerada ciidan oo dagaalyahannadu ay kala soo tallaabayaan  xuduudda ay Shiinaha la leeyihiin. Sideedii sano ee ugu danbeeyay,  gulufyadii colaadeed oo ay dagaalyahannadu qaadeen waxay ciidamada Faransiiska kaga dileen rag tiradoodu gaarayso 75.000. Markay taariikhdu ahayd 7/ 5-1954-kii saldhigii Dien Bien Phu wuxuu gacanta u galay dagaalyahannadii reer Fiyetnaam. (Fall, Bernard B. Street Without Joy. 3-rd Harrisburg : The Telegraph Press, 1963).

Ho Chi Minh

Arintaasi waxay dhalisay in dalka Fiyetnaam uu u qeybsamo laba gobol. Gobolka waqooyi oo ay magaalo madax u tahayd Haanooy, dagaalyahannadu waxay ka dhiseen maamul shuuci ah, waxaa  madaxweyne u noqday hoggaamiyihii jabhadda Ho Chi Minh. Gobolka koonfureed oo ay magaalo madax u noqotay Saygoon waxay ku hartay gacanta Faransiiska, waxaana laga dhisay maamul daba-dhilif ah, waxaana madax ka noqday nin la yiraahdo Bao Dai.

Maamulkii waqooyiga Fiyetnaam kuma uusan qancin degaanka la qeybiyay. Wuxuu markiiba bilaabay in uu taageero u fidiyo jabhad ka curatay koonfurta Fiyetnaam oo u dagaalamaysa in ay soo ceshadaan midnimadii dalka Fiyitnaam. Faransiiska, niyad-jabkii ka raacay khasaarihii loogu geystay Dien Bien Phu waxaa u weheliyay dhaqaale xumi haysatay dalkiisa. Waxaa dhacday, dadkii ku noolaa magaalo-madaxda Baariis, in  safaf dhaadheer ay u galaan rootiga ay cunayee n. Dabadeed dowladdii Faransiiska waxay guddoonsatay in ay faraha kala baxdo colaadda qallafsan oo ay ka hurinaysay dalka Fiyetnaam.

Mareekanka oo isu arkay curadkii xoogagga embriyaaliga ah, isla markaasna xaq u leh in uu dhaxlo goobaha ay banneeyeen xoogagga gumeysiga gaboobay, ayaa bilaabay olole ciidan oo uu ku taageerayo dowladdii uu Faransiisku ka  dhisay koonfurta Fiyetnaam. Siyaasadda ay dowladda Mareekanku ka qaadatay degaanka indoo-shiina waxaa halheys u ahayd ka hor-tagga foofka shuuciyadda. aasi

Sanadkii 1961-kii, maamulkii Mareekanka oo uu madaxweynaha ka ahaa John F. Kennedy, wuxuu gudoonsaday in taageero hagar la'aan ah loo fidiyo dowladda koonfurta Fiyetnaam. Isla sanadkaas Mareekanku wuxuu siiyay dowladda koonfurta Fiyetnaam kaalmo dhaqaale oo dhan 136.000.000 oo doolar. Waxaa kale oo dowladda Saygoon ay Mareekanka ka heshay qalab ciidan oo qiimihiisu gaarayo 65.000.000 oo doolar. Dabayaaqadii sanadkaas, ciidamada Mareekanka ee ku sugnaa koonfurta Fiyetnaam waxay gaarayeen 3.200 oo nin. Bishii febraayo 1962, Mareekanku wuxuu dhisay gole uu ku magacaabay MACV (U.S. Militery Assistance Command Vietnam), kaas oo madax looga dhigay General Paul D. Harkins.

22/ 11-1963-kii, waxaa la toogtay madaxweynihii Mareekanka John F. Kennedy. Waxaa meeshiisii qabtay ku xigeenkiisii Lyndon B.  Johnson. Madaxweynahan cusubi kama uusan harin siyaasaddii baarqabnimada ahayd oo uu horseeday madaxweyne J. F. Kennedy. Bilowgii sanadkii 1964-kii, L. B. Johnson wuxuuu ansixiyay duulaamo ciidameed oo sir ah in Mareekanku ku qaado dowladda waqooyiga Fiyetnaam. Dagaalkii halkaas ka dhashay ayaa sanad kadib si bareer ah u bilowday. 8/ 3-1965-kii, Mareekanku wuxuu bilaabay in uu ciidamo ku soo dejiyo magaalada dekadda ah ee Da Nang. Markaas ayuu dagaalkii wuxuu isu beddelay mid dowli ah oo ka dhexeeya labada dowladood ee kala ah Mareekan iyo Fiyetnaam.

 Muddo shan sanadood ah ee xigay bombooyinka uu Mareekanku ku riday Fiyetnaam waxaa lagu qiyaasay 22 tan oo waxa qarxa ah meyl kasta ee afar-geesood ah oo kamid ah dhulka Fiyetnaam. Reer Fiyetnaam ayaa dagaalkaas waxay ku waayeen dad tiradoodu ay gaarayaan 2.600.000 oo qof.Gardaroy wax baad geysataa goor iyo ayaane

Inkasta oo sanad walba uu duulaanka Mareekanku sii xoogoobayay misana ciidamadiisa  ayaanan halkaas marna ka helin wax guul ah oo ay ku nastaan. Waxaa u weheliyay khasaaro joogto ah iyo sumcad xumi ka heshay fagaarihii leysaga hor yimid dhamaan. Hubkii cuslaa oo ay adeegsadeen iyo duqeyntii badneyd ee xagga cirka ma noqon kuwo u hiiliya damacii dowladda xooga weyn. Waxaa jiray arimo mudan in la xuso oo taageero u noqday ciidamada Fiyetnaam. Waxaa ugu weynaa niyadda birta ah iyo hanka gumeysi diidka ah oo ay dadka reer Fiyetnaam ku higsanayeen madax-bannaanida dalkooda iyo midnimada ciiddooda. Taas ayaa kaliftay in ay wax kasta oo qaali ah u huraan sidii ay isaga eryi lahaayeen shisheeyaha dibadda kaga yimid ee uu damucu caynaanka u hayo. Tageerada dowladda Shiinaha iyo cimilada qallafsan oo uu dhulka Fiyetnaam leeyahay ayaa iyana ahaa arimaha jallaafada ku hayay qorshe badan oo ay ciidamadii Mareekanku ka sameeyeen dagaalka Fiyetnaam. 

Arimahaas aanu xusnay ka sokow, culeys siyaasadeed ee maamulka Mareekanka kaga yimid dibadda iyo gudaha ayaa waxay soo gaba-gabeeyeen dagaalkii Fiyetnaam. Sanadkii 1973-kii, Mareekanku wuxuu joojiyay wixii taageero ciidan  ahaa oo uu  u fidinayay dowladda koonfurta Fiyetnaam. 1975-kii, dhamaan dhulkii koonfurta Fiyetnaam wuxuu gacanta u galay ciidamadii waqooyiga. Waxaa halkaas ka curtay dowladda Fiyetnaam.   

Khasaarihii Mareekanka kaga dhacay Fiyetnaam kadib, waxaa weheliyay is-beddel degaan siyaasadeed ee ku yimid qaar kamid ah dowladaha bariga-dhexe. Dowladda USSR oo la dhan ahayd dowladaha carabta dagaalka ay kula jireen dowladda Israa'iil, ayaa waxaa laga eryay Masar (1973) iyo Suudaan (1974). Markaas dabadeed, Geeska Afrika wuxuu noqday, fagaaro ay xoogagga waaweyni kaga cabir qaataan loolankooda kala durugsiga ah ee qaaradda Afrika. Taas ayay salka ku haysay mashaqooyinka qabsadey Geeska Afrika. Gaar ahaan, loolankaas wuxuu ka muuqday degaanka koonfurta Afrika ee uu ka socday halgan is-xoreyn ah. Dalalka Musambiig, Angoola, Namiibiya iyo sambaabwi ayaa xilligaas shidmay. Howlahaasi ayaa dhamaantood ahaa mirihii ka dhashay (guul iyo guuldaro) (USSR iyo USA) ee dagaaladii Indoojayna, Korea, Bariga-dhexe, Bartamaha Africa, Khatartii Kuba iyo meelihii kale oo labada xoog ee Galbeedka iyo Barigu ku hardameen  dagaalkooda istaraatajiyadeed. 

Gardaroy wax baad geysataa goor iyo ayaane

Gaf ayaad sameysaa bas iyo godobahaagiiye

Gashi aan yarayn baad qabtaa jeer lagaa gudoŽe

Waxaad goyso mooyee la waa nimaad gar-gaartaaye

Gurigii barwaaqeysan baad gubi taqaanaaye

Ruuxaad gar-qaadaa wallee guul ma xoogsadoŽe 

Adiga iyo geeridu dadkii waad gablamiseene

Adigoon gadaal uga harayn mid iska kaa giijay

Qofkii dabarti gees kaa marey wax u gaboobaane

Gaas baa u soo hara ninkii adiga kaa gudoŽe

Adoo gebi ka tuuruu arkaa kii garaad xumiye

Adaa gaambiyaan howl yaraan soo galaangalaŽe

Adigaa dhibaato u gadboo reer gadaafayaŽe

Adaa garab ku taagnow yiraa geesi baad tahaye

Gaasaar nin kale beertay baad guro tiraahdaaye 

Markaasuu gabrada kii lahaa gamaŽa diidaaye

Anaa geyigan lee iiga guur golol markuu sheegto

Anaa galabta jooguu yiraa gocondho sheydaane. Cabdullaahi Macallin (Dhoodaan).

 

waa socotaa ...........

Gadaal ugu noqo casharada

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.