|Home| |Islam| |Qoraalo| |Contact Us |Suugaan|
Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii XXXXI-aad

Dr Enow

Dagaal adag oo saddex cisho socday ayaa wuxuu suurogeliyay in ciidamadii Soomaaliyeed, ay dhowr jeer magaaladii galaan. Ugu danbeyntii dhinac ayay ka qabsadeen, intii kalena waxay noqotay meelo u furan oo wax ka hor-taagan aysan jirin. Taliska ciidankii cadowga, waxaa ku adkaatay in uu degmadii difaacdaan. Markaasuu dowladdiisii ka dalbaday xoog u cududeeya oo ay isaga caabiyaan weerarka Soomaalida. Madaxdii Addis-ababa baa markaas waxay amreen ciidamo fadhiyay Harar oo loogu talagalay taakulada degmada Jig-jiga in ay soo dhaqaaqaan. Ciidankii Harar oo guuto ku dhowaa ayaa soo baxay. Waxaa ciidanka weheliyay Taangiyo iyo qoryo culus oo noocoodu yahay BRDM. Ciidankan oo maalintii afaraad soo gaaray goobihii dagaalka, waxay foodda is dareen Soomaalidii  saddexda cisho dagaalamayay. Waxaa xusid mudan in ciidankii Soomaalida ee dagaalka bilaabay eeyan wax taakulo ah ka soo gaarin talsikoodii. 

Dagaal culus oo rogaal celis ah ayaa qabsaday ciidamadii Soomaaliyeed. Ciidankan cusub oo weerarka soo qaaday wuxuu markaas ahaa mid aanan horey u dagaalamin. Inkasta oo ciidamada Soomaaliyeed ay ahaayeen kuwo daalan, dhaawacuna ku badan yahay, misana waa ay u dhabar adeygeen weerarkii ciidankii cusbaa. Dagaalkii wuxuu noqday mid ka kulul kii markii hore laysku rifay. Askartii ka timid Harar, waxay goobihii dagaalka ka muujiyeen geesinimo la mid ah tii ay Soomaalidu ku dirirayeen. Waxaa laga sheekeeyaa, sarkaal Itoobiyaan ah oo la yiraahdo L./ Xiddigle Mitiku, kaas oo taangi ay Soomaalidu leedahay dusha ka fuulay si uu u gubo. Laakiin xabad ayaa ku dhacday intuusan taangigii gubin. (The Ethiopia-Somali War of 1977, Revisted. The International Journal of Afrcan Historical Studys. Gebru Tareke. Vol. 33. No. 3. 2000. p. 645).

Waxaa kale oo ciidankii Itoobiya tabar u yeelay weerarkii xagga hawada oo ay soo qaadeen duuliyayaashii Itoobiya iyo kuwii la soo kireystay. Dayuuradaha cadowga ayaa waxay ahaayeen kuwo ka soo kacayay saldhigga Debre-Zeit. Masaafo 400 km ah ayay u jirtay goobaha dagaalku ka socday. Waxaa si buuxda ula shaqeynayay raadaarkii Jig-jiga yiil. Maalintii afaraad ee dagaalka, Soomaalidii waxaa laga qabsaday xaggii hawada. Arintaasi culeys ayay ku keentay ciidamadii dhulka ka dirirayay ee Soomaaliyeed. Waxay ahayd xilli ay dayuuradihii Soomaaliyeed soo dhaqaaqi waayeen. Waxaa arintaas ka darayd, markii ciidankii Soomaalida amar lagu siiyay in ay dib u soo baxaan, iyada oo dagaalkii uusan joogsan. Markaasaa ciidankii cadowga iyo dayuuradahoodii waxay dhul iyo cir ka ugaarteen ciidamadii Soomaaliyeed oo dib u soo noqnayay iyo qalabkoodii. Waxaa halkaas Soomaalidii ka soo gaaray khasaaro aanan yarayn oo uu cadowgu qiray. Dhimashada badan ee heshay askartii iyo saraakiishii Soomaaliyeed waxaa u weheliyay in laga gubay 16 taangi oo ah nooca T-55, hal BM-13, dhowr baabuur oo kuwa gaadiidka ah iyo dhowr madaafiic. (The Ethiopia-Somali War of 1977, Revisted. The International Journal of Afrcan Historical Studys. Gebru Tareke. Vol. 33. No. 3. 2000. p. 645).

Ciidamadii Soomaaliyeed waxaa halkaas ka soo gaaray khasaaro aanan la dhayalsan karin. Ciidamo badan ayaa ku ruux-baxay dagaalkaas. Saraakiisha goobtaas ku shahiiday waxaa kamid ahaa Gaashaanle Wardheere (Murursade). Isagu wuxuu ahaa sarkaalkii hoggaaminayay ciidanka taangiyada. Waxaa kale oo kamid ahaa Gaashaanle Siciid Cabdulqaadir (Majeerteen) iyo Gaashaanle Siciid Cabdullaahi (Ciidagale), iyagu waxay kamid ahaayeen saraakiishii ciidanka cagta. Waa goob kale oo kamid ah goobaha badan oo taariikhda dagaalkan uu xambaarsan yahay. Waa goob mudan in Soomaalidu ay ka cashar qaataan oo ay ku fahmaan qadiyadda sharafta badan oo ay wiilahssasi ku baxeen. Iyaga oo hor kacaya ciidamo garabka isku haya, ka caafimaad qaba xumaanta iyo fitnada  shaacday goor danbe, ayay ku shahiideen doonka taariikhiga ah, xoreynta dalka iyo dadka maqan.

Haddaan dib ugu laabano guul-darrada ka timid weerarkan, waa arin mudan in loo kuurgalo si loo hubsado khasaaraha baaxadda weyn ee xilligaas ciidanka soo gaaray iyo meesha uu salka ku leeyahay. Sababo aanan haboonayn ayaa jirey oo kallifay khasaaraha maantaas dhacay. Sababahaasi waxay ahaayeen kuwo laga gaashaaman karay, laakiin lama yeelin. Waxaa jirey saraakiil dhallinyaro ah oo ciidanka la socday, kuwaas oo isku deyay in ay ka hadlaan khaladka dhacay. Laakiin iyaga oo aanan soo gaarin xuduuddii dalka ayaa la tooktay. Magacyadooda iyo tiradooda midna weli maanan helin. Saraakiisha xog-ogaalka u ah arintan, iyaga oo ka cabsanaya xasaasiyadda ay leedahay darteed, ayay diideen in ay ka war-bixiyaan dhacdadan.

Inkasta oo ay rag badan ka nool yihiin saraakiishii qorshaha dagaalkan dejiyay iyo kuwii wax ka hoggaaminayay, misana waa ay adkaatay in si daacad looga sheekeeyo dagaalkan taariikhiga ah. Nasiib wanaag waxaa ah in saraakiishii hoggaaminayay ciidamadii cadowga, qoraalladii ay ka diyaariyeen dagaalkaas ayay ku xuseen sababihii ay Soomaalidu ku jabeen. Intaa ay sheegeen ayaa nooga filan tab-maamulka lagu hoggaaminayay ciidamadii weeraray Dirir-dhabe. Saraakiishii Itoobiya oo weerarkaas ka qeyb-qaatay waxay sheegeen in kahasaaraha soo gaaray ciidamada Soomaalida ay ahayd mid la xiriirtay, taaktikada lagu maareynayay dagaalka, taas oo ay ku tilmaameen in ay ahayd mid liidatay. Gebru Tareke, oo soo wareystay qaar kamid ah saraakiishii iyo saraakiil-xigeenadii Itoobiya oo goobataas ka dagaalamay, wuxuu qorey sidan :

" Soomaalidu waxay ku jabeen iyaga oo khalad ka galay taaktikadii dagaalka. Teknikadoodii, dagaalka kama eeyan qeyb-gelin illaa ay ciidamadii Itoobiya ay si wanaagsan isu soo ururiyeen, markaas oociidankii Itoobiya  ay soo qaadeen dagaal rogaal-celis ah. Waxaa iyadana liidatay xiriirka ka dhexeeyay ciidanka dhulka, taangiyada iyo dayuuradaha Soomaalida. Maahayn oo keliya ciidan cag oo tira yar, laakiin waxaa kale oo jirtay,  in ciidankii lagu soo xoojin lahaa uu soo gaaray xilligii ay jabeen. Waa ay iska caddahay in dhayalka intaa le'eg uu sababay jabkooda ". (The Ethiopia-Somali War of 1977, Revisted. The International Journal of Afrcan Historical Studys. Gebru Tareke. Vol. 33. No. 3. 2000. p. 645).

Sarkaal sare ee Soomaaliyeed oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa inoo sheegay laba qodob oo kale, kuwaas oo kamid ahaa sababta guul-darada keentay. Isagu wuxuu  xusay in ciidanka ay hoggaaminayeen saraakiil aqoontoodu eeyan ahayn dagaal-barad (field officer), bal darajo sare ee ciidan ku qaatay aqoon la xiriirta maamul xafiiseed (staff officer). Qodob kale waa iyada oo barta taliska ay wax badan ka danbeysay aagagga ay ciidamadu ka dagaalamayeen.

Nin kale oo Itoobiyaan ah oo la yiraahdo Gilkes, ayaa isna arintan wax ka tilmaamay. Isagu wuxuu sheegay in Dirir-dhabe eeyan bad-baadin oo keliya difaaca ciidankii dhulka iyo kuwii cirka ee Itoobiya. Laakiin ay jirtay sabab kale oo degmada ka difaacday in eeyan ku dhicin gacanta Soomaalida. Waxay ahayd go'aanka dib u gurashada ah oo hoggaanka Soomaalida uu amray ciidankiisii, iyada oo degmadii ay hortooda tahay una furantahay ciidankooda. (Fiiri : Revolution and Milletery Strategy. Addis-ababa. By Gilkes. 1986. p. 724).  

Ciidamadii Soomaaliyeed ee ka dagaalamayay aagagga kala duwan ee gobolka,  kuma eeyan niyad jabin khasaaraha ka soo gaaray ciidankoodii, weerarkii Dirir-dhabe. Sababtu waxay ahayd guulaha ay ciidamada Soomaaliyeed ka gaarayeen aagagga kale ayaa u dheeli-tiray. Kulmiskii ka dagaalamayay gobollada Baali iyo Siidaamo, wuxuu xilligaas ku faafay tuulooyinkii iyo degmooyinkii labadaa gobol. War ay jabhadda WSLF ka sii daysay Xamar ayaa sheegayay in labadii toddobaad ee danbe ee bishii agosto, khasaaraha la gaarsiiyay ciidamadii cadowga ay le'deen askar tiradoodu ka badan tahay 2.000 oo nin. (Waxaan ka soo xiganay wargeyska Xiddigta Oktoobet. Tirsigiisii soo baxay 4/ 9- 1977-kii. Muqdishow - Soomaaliya).

Waxaa kale oo niyadda ciidamada Soomaaliyeed kor u qaadayay, howl-gal ciidameed oo ay ku guda jireen kulmiskii ahaa Gaadda-weyne oo loo diyaarinayay weerarka Jig-jiga. Sida aanu soo xusnay, agagaarka Tog-wajaale ayaa waxaa laysugu keenay qeybo kamid ah ciidamadii ka soo dagaalamay Godey, Qabrri-dahare, War-dheer iyo Dhagax-buur. Xataa kulmiskii Dirir-dhabe ee soo jabay ciidan baa laga soo qaaday. Waxaa lagu xoojinayay ciidamo halkaas horey u joogay. Taliskii ciidamada Itoobiya, dhankooda waxay ku tala-gashay inaanan Jig-jiga laga qabsan, kharaj kasta ha baxee. Sidaa darteed aad bay u soo xoojiyeen saldhigyadii ciidamadooda ay ku lahaayeen agagaarka Jig-jiga. Soomaaliduna arintaa si wanaagsan ayay ula socdeen. Waxaa intaa dheeraa tobograafiyada uu dhulku u sameysan yahay oo ahayd mid u hiilineysay ciidamada Itoobiya.  Jeneraal Maxamad Cali Samantar oo arintaa ka hadlaya wuxuu yiri :

" Jig-jiga waxay ahayd dhul leh dhufeys dabiici ah. Ciidan adagna waa uu joogay. Waxaa degmada fadhiyay ciidamada Itoobiya kuwii ugu tayada wanaagsanaa. Qalab dagaal oo culusna waa uu yiilay.  Markuu dagaalku bilaabanayay, Ogaadeenya waxaa ku sugnaa saddex urur oo taangiyo ah, kuwaas oo ay lahaayeen ciidamadii Itoobiya. Halkii urur wuxuu ahaa 35 taangi. Laba urur oo kamid ahaa waxay fadhiyeen Jig-jiga. Hal urur oo keliya ayaa gobolka intiisa kale ku firirsanaa. Dagaalkii Jig-jiga  wuxuu ahaa mid aanan sahlanayn, hase-yeeshee waa lagu guuleystay  " (Waxaan ka soo xiganay wareysi aanu la yeelanay Jeneraal Maxamad Cali Samantar. 9/ 5- 2004.  Filadelfia - USA).

Iyaga oo wegen ah ayay bartamihii bishii agosto 1977-kii, waxay ku dhaqaaqeen dhankii Jig-jiga. Sida u caado ahayd, ciidamada Itoobiya, waxay lahaayeen dhufeesyo dhowr ah oo ay difaac kaga jireen, kuwaas oo ka sokeeyay magaalada. Buuraha lagu magacaabo Kaaraa-mardha oo degmada ka shisheeya ayaa ciidanka xooggiisii fadhiyay. Wixii sahay ah oo ay u baahnaan lahaayeen, halkaas ayay ugu dhamayd.

Ciidanka dalka Masar waxay ku faanaan in ay ka tallaabeen dhufeyskii Parlief Line, oo ciidamada Ruushka waxay ku faanaan in ay jebiyeen khadkii ay Jarmalku ka dhisteen degmada Volgo-garad, oo ciidamadii xulufada waxay iyaguna ku faanaan in ay jebiyeen dhufeyskii Normandie. Haddii qaranimadii Soomaaliyeed ay ka hartay wax hambo le'eg, waxaa dagaaladaas aanu xusnay dhiggooda ah oo mudan in Soomaalidu ay ku faanaan, sida ay ciidankoodu uga gudbeen Jig-jiga iyo Kaaraa-mardha. Iyada oo sheekooyinka Dagaalkii Ogaadeenya ay tahay hanti dhaxl-gal ah oo ay umaddu leedahay, ayaa si gaar ah, dagaalkii Jig-jiga wuxuu yahay mid loo qiimayay heer caalami. Waa ay haboonaan lahayd in si buuxda looga sheekeeyo si ay u dhaxlaan facaha ayaan-darradu heshay ee ku garaadsaday Soomaalidan lumisay qadarintii ummadeed iyo tii aadaminimo ee la il-daran dac-darrada, saboolnimada iyo colaadda sokeeye.

Dagaalka ka dhacay magaaladan iyo buuraha ka dambeeya, wuxuu ahaa dagaalkii ugu cuslaa oo ay labada ciidan isku arkaan. Bal waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay dagaalka ugu qallafsan ee soo maray taariikhda qaaradda Afrika. Wuxuu ahaa dagaal ay isku tijaabiyeen askariga Soomaaliyeed iyo askariga Itoobiya. Maamulkii Itoobiya wuxuu ku soo ururshay degmadan ciidankii uu ugu tala-galay in ay difaacaan gebi ahaan gobolka Ogaadeenya. Laakiin waxaa qorshahoodii beeniyay ciidamo u hinqaday xilkii ummadeed, kana run sheegay.

Jeneraal Yuusuf Axmad Salxaan, oo ahaa hoggaamiyihii ciidamada Soomaaliyeed, wuxuu ka sheekeeyay, in uu u doortay barta hoggaanka weerarka, meel la yiraahdo Haadow, oo Jig-jiga u jirta 7 km. Taasina waxay ka danbeysay markii uu sahan ku kormeeray dhulka ku hareeraysan fariisimaha cadowga. Ciidanka Itoobiya, saldhigga ugu weyn oo ay degmada ku lahaayeen wuxuu ku yiil meel magaalada 2 km. ka baxsan oo dhanka buurta Garab-case ka xigtay. Godad dhufeesyo ah ayay ciidamadu ku jireen. Dhibaatada Soomaalida markasta haysatay waxay ahayd ciidankooda iyo qalabka ay wateen oo ahaa mid meel bannaan ka soo weerartamaya. Saraakiisha hor kacayay ciidamada Soomaaliyeed, waxay ogaayeen in ay wax badan hurayaan haddii ay doonayaan in ay ka guuleystaan cadowgan ku weegaaran magaalada iyo buuraheeda. Waayo hanka ay ku socdeen wuxuu ahaa mid ka sareeyay Jig-jiga oo la xoreeyo. Bal waxay doonayeen in ay gobolka gebi ahaan ka kiciyaan cadowga ku haysta xaq-darada.

" Qorshaha aanu Jig-jiga ku weerarnay wuxuu ahaa mid la xiriiray weerarka buuraha Kaaraa-mardha iyo degmada Harar. Sidaa darteed ayaa weerarka Jig-jiga iyo kuwii ka danbeeyay waxay ahaayeen qorshe mar qura la dejiyay, laakiin howl-galladooda ayaa kala horeeyay   " (Waxaanu ka soo xiganay wareysi aanu la yeelanay Jeneraal Yuusuf Axmad Salxaan. 20/ 4- 2004. Filadelfia - USA).

Ciidamada Soomaalidu waxay ka koobnaayeen shan guuto. Waxaa kala hoggaaminayay G/ Dh. Cabdiraxmaan Caare, G/ Dh. Cali Ismaaciil, G/ Dh. Xaashi Cal, G/ Dh. Jaamac Green, G/ Dh. Naaji Qaasim. Waxaa weheliyay guuto isugu jidhay taangiyo iyo gawaari gaashaaman. Kaddib markii ciidamadii Soomaaliyeed ay fariisteen goobihii ay weerarka ka bilaabi lahaayeen, ayaa dagaalkii wuxuu bilowday aroornimadii ay taariikhdu ahayd 24/ 8- 1977-kii. Wuxuu ku bilowday hubka jugta weyn ee ah madaafiic iyo dayuurado. Weerarkaasi wuxuu  bilowday, iyada oo ururadii ciidamada Soomaaliyeed, marka laga reebo intoodii kaydka ahayd, ay hor fadhiyeen dhufeesyadii degmada laga difaacayay. Dabadeed isla-maalintaas waxaa soo dhaqaaqay ciidan hal guuto ah oo uu hoggaaminayay Cali Ismaaciil. Ciidanka guutadan ayay ahaayeen kuwii bilaabay weerarka.

" Weerarkii hore ee Jig-jiga, waxaa ka qeyb-qaatay saddex guutooo dirarta  iyo laba guuto oo kayd ah.Waxaa weheliyay guuto qalabaysan. Guutada weerarka bilowday waxaa hoggaaminayay Cali Ismaaciil oo isagu ka soo weeraray magaalada dhanka Qabri-dahare. Waxaa dagaalka bilaabay labo urur oo kamid ahayd saddexda urur oo uu hoggaaminayay. Ururka saddexaad, gadaal ayuu ka socday. Dhanka buurta Garab-case ayay weerarka ka soo bilaabeen. Waxayna la soo beegteen saldhiggii ugu weynaa oo cadowga uu ka difaacayay  magaalada  " (Waxaanu ka soo xiganay wareysi aanu la yeelanay Jeneraal Yuusuf Axmad Salxaan. 20/ 4- 2004. Filadelfia - USA).

Qaab-dhismeedka dhulka ku hareereysan magaalada, wuxuu ahaa mid u hiilinayay ciidamada cadowga. Magaalada waxaa ka sokeeya dhul deexo ah oo bannaan oo aanan lahayn gabbaad. G/ S. Daahir Aadan (Indha-qarsho) oo arintaa ka waramaya wuxuu yiri :

" Meel 10 km inoo jidha ayuu cadowgu naga arkayay. Waayo dhulka ka sokeeya Jig-jiga waa dhul bannaan oo xilli-roobaadka lagu abuurto galley iyo masaggo. Dhir aanan ahayn geedahaas la beertay kuma yaaliin. Meel ku qarisa oo gabbaad ah malahan. Waxaa intaa dheer, maalintiina waa kuleyl daran, habeenkiina waa qabow siyaado ah. Cimilada caynkaas ah, ciidanka badidood uma diyaarsanayn ". (Waxaanu ka soo xiganay wareysi aanu la yeelanay G/ S. Daahir Aadan Indha-qarsho.9/ 5- 2004. Minneapolis - USA.).

Dagaalkaas bilowmay waxaa xigay dagaallo goo-goos ah oo ka bilowday aagaggii kale oo ay ciidamadu isku hor fadhiyeen. Saddex cisho ayay qaadatay in ciidamadii Itoobiya lagaga kiciyo dhufeesyadii hore oo ay difaaca kaga jireen. Markaasaa waxay difaac ka galeen dhufeesyo ka sokeeya magaalada. Guutadii qalabaysnayd ayaa markaas waxay bilaabeen in ay qaadaan weerar hujuum ah. Sidoo kale ciidankii cadowga ayaa iyaguna aagga  difaaca hore waxay soo dhigeen taangiyo iyo qalab kale oo culus. Waxaa halkaas ka dhacay dagaal lagu diriro taangiyo kii ugu weynaa ee soo mara taariikhda dagaallada qaaradda Afrika. Ciidanmadii Soomaaliyeed is-maqiiq iyo is-miidaamin geesinimo weheliso ayay ku galeen dagaalka, taas oo la'aanteed eeyan u suuro-gasheen in ay gaaraan guusha taariikhiga ah oo ay ka soo hoyeen dagaalkaas.

Is-miidaansha saaka aad gubteen mariya deerkiise

Magowdaye haddaan Eebaheen naga madoobeynin

Libta iyo inaanu maadsannaa waa inoo madale

Inaga maaha fulay meersada oo dib u majiirtaaye

Makhribkii inoo weerar iyo mowjad kicis weeye

Saqda maax gudoodiga dhulkaan mee is-niri weeye

Intaan milicdu soo bixin durbaba gaar maddada weeye

Ku madkeeya shiin iyo madane oo mar-mari weeye

Maaleeye dhiig kaga quba oo goo majaha weeye

Miciyaha inaan kaga ridnaa qoom mindi leh weeye

Midka fiiga daayoo inaan murugsanaa weeye

Mas liq yiri biciid weyn sidii how mergado weeye

Gorayadu muriyaddey cuntoo sow matagi weeye

Musuqa iyo waxay maasuqeen oo mag-dhabi weeye

Maatadana gushii la helo uga madiix weeye

Ha midowdo Soomaalidii kala maqnayd weeye

Saadiq Enow

Saadiq Enow

Waa socotaa.... Gadaal ugu noqo casharadii hore

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.