Mudugonline.com keeping you Informed.    

Wararka Mudugonline

Dr Enow
Dagaalkii Ogaadeenya
Casharkii VII-aad
Allaha u naxariistee Cabdirashiid oo si Farxad leh Xilkii Ra'iisal Wasaaranimo ugu Wareejinaya Cabdirasaaq xaaji Xaseen.
26-kii bishii maarso, 1964-kii ayay dhacday doorashadii barlamaanka Soomaaliyeed, iyada oo kululaanshihii dagaalku uusan weli qaboobin. Bil kadib, Dr. Cabdirashiid C. Sharmaarke ayaa madaxweynihii jamhuuriyadda ku wareejiyay xilkii ay dowladdiisu haysay. 7/ 6- 1964-kii, madaxweyne Aadan Cabdulle wuxuu ra'iisul-wasaare u magacaabay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, oo kamid ahaa halgamayaashii Leegada. Isla markaas madaxweynuhu wuxuu faray raŽiisul-wasaaraha cusub in uu soo dhiso xubnihii hoggaamin lahaa dowladda. Xilligaas qallafsan ayay labadii masuul (Cabdirashiid iyo Cabdirisaaq) isku dhaafsadeen xilkii ay hayeen si kalsooni iyo niyad-wanaag leh oo ka duwan anaaniyada maanta ku fitaaxday Soomaalida.

15/ 7- 1964-kii, raíisul-wasaare Cabdirisaaq Xaaji wuxuu barlamaankii u soo bandhigay dowladdii uu dhisay, taas oo markiiba ay waajahday dhibaato kaga timid gudaha, kadib markii ay weyday kalsoonidii xubnihii barlamaanka. Bil kadib ayaa dowlad labaad la soo dhisay, taas oo ku guulaysatay in ay hesho codka intii badnayd ee fadhiday barlamaanka taariikhdu markay ahayd 27/ 8- 1964-kii. Dabadeed dowladdii cusbayd ayaa sidaas lagu ansixiyay.

RaŽiisul-wasaaraha cusubi, wuxuu talada qabtay iyada oo qadiyadda dhulalka maqan ay goŽdoon tahay. Dowladdii Soomaaliyeed waxay marar badan isku deyday in ay taageero ka raadiso ururkii midnimada Afrika OAU. Sidii dowladdii ka horeysay ay ugu hungowday ayaa dowladdii Cabdirisaaq-na ay ugu hungowday. Taasina waxay ka dambeysay, dowladihii xubnaha ka ahaa ururka oo qaatay aragtidii ku salaysneed in xudduudaha Afrika sidooda loo dhaafo.

Waxaa xusid mudan in madaxweynihii Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan, uu ka qeyb galay fadhigii ugu horeeyay oo OAU-da ee lagu qabtay Addis-ababa sanadkii 1963-kii. Wuxuu halkaas ka jeediyay khudbad uu ku cadeynayo sida uu u diidan yahay in gobolka Ogaadeenya loo aqoonsado dhul Itoobiya leedahay. Wuxuu si xoog leh u naqdiyay aragtida oraneysa in xudduudaha Afrika loo daayo sidii uu gumeysigu kaga tegay. Madaxweynaha Soomaaliyeed wuxuu arintaas ku tilmaamay mid salka ku haysa siyaasad khaldan oo aanan cadaalad ku dhisnayn, taas oo tilmaameysa mowqif dib u gurasho ah oo looga dhuumanayo geesinimadii ku haboonayd in lagu waajaho dhibaatada uu gumeysigu kaga tegay Afrika iyo xal u-heliddeeda. Hadalladii uu madaxweynuhu halkaas ka jeediyay waxaa kamid ahaa :

" Aragtidaasi waxay muujinaysaa sida gaaban oo aanu u fekereyno, haddiiba uu ururku dhinac iska marinayo qadiyadaha inoo yaal oo matalaya nolosheena dhabta ah ". (Daahir Maxamuud Geelle, risaalad uu ku diyaariyay shahaado majisteer, Qaahira, 1995-kii, s. 64).

Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan, wuxuu dowladihii ururka ka codsaday in ay fiiro u yeeshaan dhibaatada gaarka ah oo dadweynaha Soomaaliyeed ka heysata xudduudaha la farsameeyay, kuwaas oo kala teeday shacab mid ah oo walaala ah.

Dowladdii cusbayd oo uu Cabdirisaaq dhisay, sidii middii ka horaysay, waxaa gacanta sare ku lahaa xisbigii SYL. Cimilada qallafsan ee dowladda ka haysatay siyaasadda dibadda waxaa u weheliyay culayska ka haystay gudaha. Taas oo ka timid xisbigii Leegada markii uu noqday awood ballaaran, wuxuu waayay xoog ku mucaarad ah oo talada kula loolama. Markaas, sida caadadu tahay, waxaa bilaabatay in dhexdiisa uu ka abuurmo mucaarad. Arintaas waxay sababtay in madaxweynihii Soomaaliya iyo raŽiisul-wasaarihiiba ay ka cudur-daartaan ka qeyb-galka fadhigii OAU-da ee ka dhacay Qaahira bishii juun 1964-kii. Wafdigii Soomaalida uga qeyb galay shirkaas waxaa hoggaamiyay wasiirkii arimaha dibadda Axmad Yuusuf Ducaale. Waxaa wafdiga lama filaan ku noqday, qodob uu golaha si kedis ah u keenay madaxweynihii Tansaniya Julius Nyerere, taas oo oranaysay in loo codeeyo aragtida ah in xudduudaha Afrika loo dhaafo sidii uu gumeysigu kaga tegay. Xubnihii fadhiga yimid, intoodii badnayd, waxay u codeeyeen in xudduudaha aanan la fara-fareyn. Wafdigii Soomaaliduna wax u bannaanaa oo kale ma jirin, aanan ka ahayn in ay mowqif diidmo ah ka istaagaan aragtidan ay ku dulmanaayeen. Inkasta oo dowladda Masar oo martida loo ahaa ay u muuqatay mid garab taagan qadiyadda Soomaalida, misana waxay u codeysay in xudduudaha sidooda loo daayo. Csimaan Yuusuf Keenadiid baa wuxuu lahaa tix oraneysay :

Arki maysid sebenkaan wixii aaddanaan jiraye
Axdi kaad la dhigataan hadhow loogu imanayne
Inkastood ikhyaar tahay nimaad aamintaan jirine

Kadib markii Soomaalidii looga adkaaday dagaalkii diblomaasiyadeed ee qaaradda gudaheeda, iyaga oo weli curdan ah ayay isku deyeen in ay gacan ka raadiyaan saaxiibo ka baxsan qaaradda Afrika oo ay u kaashadaan qadiyaddooda. Taladaas ayay ku timid fadhigii dowladaha Islaamka ee lagu qabtay Xamar bishii disember 1964-kii. Fadhigaasi, Soomaalidu si wanaagsan bay ugu soo bandhigeen dhibaatada ka haysata xuduudda, iyaga oo codsaday in gacan laga siiyo arintaas. Xubnihii matalayay dowladda Suuriya oo keliya ayaa arintii booriyay oo dowladaha fadhiga yimid ku dhiiri geliyay in ay qadiyaddan taageeraan. Waxaase jirtay in arintii laga gaabsaday.

Sanadba sanadka xigay, waxaa soo if-baxayay farqiga weyn ee ku kala jiray siyaasaddii barlamaanka Soomaaliyeed ee shacabka lagu hoggaaminayay iyo mowqifka caalamiga ah ee diidan in uu debec u muujiyo Soomaalida iyo qadiyaddooda. Sidaa darteed ayaa raŽiisul-wasaare Cabdirisaaq X. Xuseen iyo dowladdiisii waxay ku dadaaleen in ay ka baaxaan siyaasadda ciriiriga ah ee dibadda ka haysatay. RaŽiisul-wasaaruhu, isaga oo aanan ka tanaasulin qadiyaddii dhulka inaga maqan, ayuu misana debciyay siyaasaddii ku dhisnayd caadifadda Soomaalinimo. Bishii oktoober 1965-kii, dowladdu waxay heshiis la dhigatay Itoobiya ku saabsan in dicaayadaha la joojiyo.

Isla markaas dowladdu waxay gacan siisay raggii qadiyaddatan u halgamayay. Waxaa ay howlahooda u gacan baneysay wasaarad ay lagu magacaabay Danaha Soomaaliyeed, taas oo wasiir looga dhigay Shiikh Maxamuud Maxamad Faarax (Maalin-guur). Shiikhu wuxuu kamid ahaa halgamayaashii magaca weyn ku lahaa ururkii Leegada. RaŽiisul-wasaare Cabdirisaaq Xaaji, mar uu la kulmay xubnihii madaxda ka ahaa Jabhaddii Xoreynta Soomaali Galbeed, wuxuu si toos ah ugu sheegay in nabadgelyada qarannimada Soomaaliyeed ay halis ku jirto, sidaa darteed ay mudan tahay in loo kaadsado howlaha halganka oo lala sugto xilli kale. (National and Class Conflict in the Horn of Africa, Jhon Markakis, 1987, p. 180).

Cabdirisaaq X. Xuseen wuxuu kamid ahaa halgame ku soo caan baxay dhaq-dhaqaaqii ururkii Leegada. Sida uu BBC-da ka sheegay, madaxda Soomaaliyeed waxaa lagu doortay in ay ahaayeen hormoodkii ururkaas oo xilligii gobanimo-doonka, mana eeyan lahayn khibrad siyaasadeed oo ay kaga tallaabsadaan qodxaha diblomaasiyadeed ee hor-tiil. Isla markaas Soomaalidu malahayn dad reer magaal ah oo iyaga ka waaya-aragsan. Dadaal bay ka ahayd in ay la kufaa-kacaan hoggaanka talada dalka, iyada oo eeyan jirin cimilo siyaasadeed iyo qowmiyado la caadifad ah oo u hiiliya. RaiŽiisul-wasaaraha kama uusan tanaasulin qadiyaddii Ogaadeenya, laakiin wuxuu qabay in laysu diyaariyo xilli ay kaga haboon tahay in la halgamo. Xilligii Cabdirisaaq bay ahayd markii magaalada Garoowe laga furay xero ay ku tababartaan dhallinyaro jabhad ah, kuwaas oo laga soo ururiyay gobolka Ogaadeenya. Tirada ragga halkaas isugu yimid waxay gaarayeen 1.200 oo nin. (Ibid, p. 181)

Siyaasaddii gudaha, raŽiisul wasaaruhu wuxuu ku jaheeyay in uu xooga saaro wax ka qabadka hannaanka dowladda iyo muŽasasaadkeeda. Wuxuu ku dadaalay in uu la dagaalamo anshax-xumida maamulka iyo xafiisyada dowladda oo ay kamid tahay eexda, qabyaaladda iyo laaluushka. Inkasta oo ay soo waajahday dhibaatooyin siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale, misana Cabdirisaaq waxaa lagu amaanaa in uu isku deyay in uu dhiso muŽasasaad ay dowladdu ku caga-dhigato.

Dowladdii Midowga Soofyeeti ayaa dhankeeda mar kasta ka sii kordhinaysay kaalmada ciidan iyo midka dhaqaale oo ay u fidinaysay Soomaalida. Danta uu Soofyeetigu ka lahaa arintan maahayn mid dhaafsiisan istraateejiyadii ahayd in uu Soomaaliya ka dhigto albaab uu Afrika ka galo, si uu qaaradda meel weyn uga helo uu kula loolamo reer galbeedka. Sidaa darteed ayuu wuxuu qorsheeyay in uu Soomaaliya ka abuuro cimilo mustaqbalka u hiilisa sidii dalka looga heli lahaa kawaadir badan oo ku qanacsan aragtida shuuciyadda, kuwaas oo wax ka hogaamiya talada dalka.

Sanadkii 1967-kii, dagaalkii la magac baxay Dagaalkii Lixda Maalmood ee dhex maray dowladda IsraaŽiil iyo qaar kamid ah dowladihii carabta, ayaa quus ku kordhiyay qadiyaddii Soomaaliyeed. Taasina waxay ka dambeysay markii dagaalka looga adkaaday dowladihii Carbeed ee Soomaalida la saaxiibka ahaa. Niyad-jabka ay qadiyadda Soomaaliyeed ka dhaxashay dagaalkaas waxaa weheliyay, dhaawac dhaqaale oo dagaalku uu ku reebay dowladda. Dagaalku wuxuu xiray biya-mareenkii Suweys. Waxaa wareeg dheer, oo saddex jibaar ku dhow, uu galay waddadii lagu dhoofin jiray muuska oo ahaa halbowlaha walxaha ay Soomaalidu dibadda u dhoofin jireen. Waxaa kale oo guud ahaan hoos u-dhac ku yimid dhameystirka mashaariicdii hor u marinta dhaqaale ee ku jaan goŽnaa qorshe-dowladeedkii shanta sano ahaa oo ay dowladdu horay u dejisay. Sidaa darteed ayaa dowladdu waxay goŽaansatay in muddo saddex sano oo dheeri ah (1967-1970) la siiyo mashaariicdaas. (National and Class Conflict in the Horn of Africa, Jhon Markakis, 1987, p. 228).

Bishii maarso 1967-kii, madaxweynihii cusbaa Dr. Cabdirashiid Cali Sharmaarke wuxuu Maxamad Ibraahim Cigaal u doortay raŽiisul-wasaare hoggaamiya dowladda cusub. Inkasta oo Cigaal loo arkay hoggaamiye geesi ah oo ka danbeeyay midnimadii labada gobol ee Soomaaliyeed, misana masuuliyaddii uu qabtay waxay noqotay mid ay Soomaalidu dood badan geliyaan. Waayo waxay hoos u dhigtay rajadii loogu halgamayay qadiyaddii dhulalka Soomaalida ka maqan. RaŽiisul wasaaraha cusubi wuxuu isku deyay in uu debciyo xiriirka sii xoogoobaya oo Soomaalidu ay la yeeysheen USSR, halkiisana ay galaan dowladaha reer galbeedka, gaar ahaan Mareekanka. Wuxuu qaaday tallaabooyin uu ku qaboojinayo kuleylkii dhex-yiil Soomaaliya iyo dowladaha deriska ah (Keenya iyo Itoobiya). Waxaa la xiray xeradii tababarka ka socday ee Garoowe. Wasaaraddii Danaha Soomaaliyeed waxaa lagu magacaabay nin la yiraahdo Maxamad Shiikh Yuusuf oo ku magac dheer (Derbi), kaas oo ahaa siyaasi lagu yaqaan mowqif aanan is rog-rog lahayn inflexibility. RaŽiisul wasaaruhu isaga oo hoggaaminaya wafdi Soomaaliyeed ayuu fadhi OAU-du ku lahayd magaalada Kambala (Ugaandha) uu kaga khudbeeyay in dowladdiisu ay xushmeynayso xuduudda Keenya, isla markaasna ay ilaalinayso isu-socodka lagaga tallaabsanayo xadka. (Ibid, p. 181 & 185).

Arintaasi waxay ku dhamaatay heshiiskii degmada Caruusha (Tansaaniya) ay ku gaareen raŽiisul-wasaaraha Soomaaliyeed Maxamad I. Cigaal iyo madaxweynihii Keenya Jomo Kenyatta. Qodobka koowaad oo ah midka ugu hilan cuslaa ayaa lagu qeexay in labada dowladood ay is-dhaafsadaan xushmad mid walba loogu aqoonsanayo urusanaanta dhulkeeda iyo is-heysashada gobolladeeda. Tanaasulka ay dowladda Soomaalidu samaysay waxna kagama eeyan beddelan dowladdii Keenya.

RaŽiisul-wasaare Maxamad I. Cigaal, isaga oo arintan ka waramayay ayuu wuxuu ka sheekeeyay waxa ku khasbay goŽaanka uu qaatay. Wuxuu ka waramay mar uu niman madax ah oo u dhashay dalka Ingiriiska uu weydiiyay sababta ay NFD ugu dareen gobollada Keenya. Waxay ugu jawaabeen sidan :

" Soomaaliya waxay ku tagtay in ay gowrac u noqoto danaha dowladaha waaweyn ". (Daahir Maxamuud Geelle, risaalad uu ku diyaariyay shahaado majisteer, Qaahira, 1995-kii, s. 67).

Raggaa Ingiriiska ah waxay sheegeen in boqorkii Itoobiya uu ku calaacalay dowladda Mareekanka isaga oo ka baqaya haddii NFD ay Soomaaliya raacdo, in Ogaadeenya iyo Jabuutina ay raacayaan. Dabadeed Madaxweynihii Mareekanka J. F. Kennedy  ayaa Ingiriiska ka codsaday in NFD aanan Soomaaliya la raacin. Si kastaba ha ahaatee, heshiiskii Caruusha wuxuu ahaa mid aanan soo dhoweyn ka helin dad-weynihii Soomaaliyeed. Waxaase jirtay in heshiiska laga ansixiyay barlamaanka 22/ 11- 1967-kii.

Waxaa kale oo xilligaas jiray shiddo dowladda Soomaaliyeed ka haysatay gudaha oo ahaa dagaallo sokeeye oo ay beelaha reer miyiga ahi isku baabiŽinayeen. Kaas oo ku baahay dhulkii ay ka talinaysay jamhuuriyadda madaxa bannaan. Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa colaad 40 jirsatay oo ka dhex aloosnayd beelaha Abgaal iyo Murursade, taas oo baaluq noqotay xilligii dowladdii Cigaal. Waxaa xoog ku qaboojiyay ciidamada la wareegeen talada dalka. Dagaallada xilligaas socday ee ku faafay inta badan gobollada Soomaaliya, ayay ahaayeen kuwuu ka gabyay Cabdullaahi Suldaan (Timacadde) markii uu lahaa :

Ubadkiinii waad daadiseen waadna dubateene
Dubaaxdiisi waad wada cunteen duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyay waa lagaa dedaye
Darajada Ilaahay ninkii doonayaa helaŽe
Nin ka duday dastoorkiyo waxyiga diinta ka carowye
Dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Tallaabadii uu qaaday raŽiisul-wasaare Cigaal, ee ahaa aqoonsiga xudduudaha, waxay rajo weyn ku abuurtay dowladdii Mareekanka. Waxay arintaasi kaga jawaabtay in ay Soomaaliya u soo dirto madaxweyne ku xigeenkoodii Hubert Humphrey, kaas oo Xamar yimid bishii janaweri 1968-kii. Qiimeyntii masuulka martida ah siiyay tallaabooyinkii ay dowladda Soomaaliyeed qaaday ayaa dhalisay in raŽiisul-wasaarihii Soomaaliya uu bishii maarso ee sanadkaas u kicitimo magaalada Washington. M. I. Cigaal, socdaalkiisii kama uusan soo helin kaalmadii dhaqaale oo uu rajeynayay. Sababtuna waxay ahayd, dowladdii madaxweyne Lyndon B. Jhonson oo ku mashquulsanayd howlaha samafalka ah welfarism oo dalka gudihiisa laga hirgelinayay iyo qorshayaasha dagaalka warfarism ee Fiyetnaam. Soomaaliyana xilligaas maahayn degaan kamid ah meelaha istraateejiga ah oo Mareekanka uu ahmiyadda siinaysay. Waxaa taas wehelisa caadifadda u janjeerta Itoobiya ayaa dowladda weyn waxay u diidaysay in ay Soomaaliya u fidiso kaalmo ay ku caga-dhigato.

Sidaas baa dowladdii Soomaaliyeed ay ku weyday qadiyaddoodii iyada oo uu soo food saaray xilli uu dhaqaalihii hoos u dhacay, khilaafkii qabiilkuna uu cirka isku shareeray. Odey Soomaaliyeed oo ka quustay hanaankii ay siyaasiyiintu wax ku wadeen ayaa doorashadii ugu danbeysay tix afar beyt ah ka tiriyay. Odeygaas oo magaciisa la yiraahdo Cali Aadan Ciye ayaa diiday in uu dhameystiro gabeygaas. Wuxuuse ballan qaaday in haddiiba uu gaaro doorashada danbe, uu markaas dhameystirayo gabeyga. Dhowr bilood dabadeed waxaa dhacay afgembigii ay ciidanku talada kula wareegeen. Tixdii Cali Aadan waxay ahayd sidan :

Haddaan woodka woodkiisa kale weyda lagu raagin
Nin wanaagsanaan jiray hadduu midab waraaboobin
Ninkii wiil ahaan jiray hadduu waabta ka adeegin
Meeshiyo wareegsane haddaan Galowgu wiireynin

Waa socotaa.... Gadaal ugu noqo casharada

Dr. Saadiq Enow
enow2@hotmail.com


Mudugonline.com
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
Mudugonline.com keeping you Informed.