Soomaalidu inteeyan dayoobin,
qadiyadatan waxay ahay mid qalbigooda ku weyn oo safka
hore kaga jirtay himilada ummadeed oo ay tiigsanayeen.
Bulshadu waxay ahayd mid la dareen ah walaalahooda
ku haray gacanta gumeysiga. Sidaa darteed baa dadweyne
iyo dowladaba waxay diyaar ula ahaayeen in ay wax
kasta u huraan sidii ay dhibaatada uga bixi lahaayeen,
tabari meel-kasta ha dhigtee. Iyada oo ay jirto taageerid
laŽaan caalami ah oo diidanayd in Soomaalidu ay gaarto
hayaanka ay higsaneyso, ayaa misana aanan laga harin
sidii yoolkaas loo xaqiijin lahaa. Baadidaas inaga
maqan waxaa hadal-hayay qofkasta oo Soomaali ah. Dabaqadaha
bulshada oo qadiyaddu ay ka dami weyday illaa maantana
ku weyn tahay waxaa kamid ah abwaanada ku hodmay hal-abuurka.
Cabdulqaadir Xirsi Yam-yam, tix uu lahaa oo uu si wanaagsan ugu shaxnay
qadiyaddan ayuu ku yiri :
Adoonsigu dadkaa uu jebshee
juuqda laga dhowray
Jimicsigu mayeelee dadkaa nacabku jeer-jeershay
Jitaabada dadkaa looga dhigay hogagga jeex-jeexan
Afrikada dadkaa
aan ku jirin midaba waa jaade
Dadkaa jecel xornimo aan lahayn cid ugu jeeqaada
Dadkaa johoraddoodii la cunay ee jirraban caawa
Jeebada dadkaa lagu xiree
jilibku naafoobay
Dadkaa qodaxda jiiq-jiiq leh ee dhinaca loo jiifshay
Jirrabkuu Gurey baday dadkaa haatan laga jeebo
Ee jiirta dheer
lagu eryee jaanta lagu dheelo
Caruurtooda nimankaa la jaray uur ku jirahooda
Tallaabada dadkaa noo jiree ina jalleecaaya
Waxaa kale oo jirtay dabayl gobanimo-doon ah oo
xilligaas dunida ku haawanaysay. Waxay ahayd xilli
aanan laga been abuuri karin sharciga tilmaamayay
xaqa ay ummaduhu u leeyihiin in ay u halgamaan madax-bannaanidooda.
Iyada oo ay taasi jirtay ayaa dowladdii kacaanka ahayd
waxay si xoog leh isugu deyday in ay si nabad ah wax
kaga hesho dowladaha haysta dhulka Soomaalidu leedahay.
Hoggaamiyihii kacaanka, Jeneraal
Maxamad Siyaad, wareysi ay idaacadda BBC-da la yeelatay bilowgii
sanadihii 1970-aadkii ayuu arintaas ku tilmaamay.
Hadalkiisii waxaa kamid ahaa :
" Dalalka Soomaaliyeed
oo maqan horay baanu u sheegnay in aanu doonayno in
ay ku soo biiraan dalkii hooyo. Taasi wax qarsoon
maaha. Haddaba habka lagu doonayaa waa kee ?
Awalan, siyaasad keligeed
meel fariisan kartaa ma jirto. Siyaasaddu siyaasado
kale bay ama dhashaa ama ku xiran tahay. Siyaasadda
weyn oo aan anagu qabnaa waxaa weeye, meelo badan
baa Afrika laga gmeysanayaa. Afrikana, waxaanu is-leenahay,
xornimo siyaasi ah, wax uun waa ka haysataa. Laakiin
xornimada runta ahi siyaasad keliya maahan, wey ka
sii ballaaran tahay. Waxaa weeye dhaqaalaha, waxaa
weeye sancada, waxaa weeye macaamilka iyo isu-tagga,
waxaa weeye qeybta xaqa ah in ay ka qaadato aduunka
maamulka la maamulayo. Ayaan darro, kama qaadatee
waa loo taliyaa. Marba talo la goostay ayaa ku soo
finiinta.
Haddaba markii Afrikaanimo weyni ay nagu jirto,
waxa ka dhexeeya annaga iyo wixii jiiraankayaga ah
sidee loo maamulayaa weeye hadalku. Waxay taasi nagu
dhalinaysaa, awalan, dad ahaan iyo dowlad ahaan, ma
aaminsanin in dad Afrikaan ah, inta banaatiikh isugu
dhiibaan ajnabi ay isku baabaŽashaan. Dhiiga Afrikaanka,
intii la dhaqaaleyn karo in la dhaqaaleeyo ayaan qabnaa.
Runtii, qadiyaddii Soomaali weyna waa joogtaa. Marka
siyaasaddayadu waxaa weeye in aanu ku wadno (nabad)
illaa aakhiro laxda. Waana aan ka guul gaareynaa aad
baanu ugu kalsoon nahay, si sharaf leh, dawaaŽilkaas,
dalalkii Soomaaliyeed qaarkood haysta. Si aan iyagana
ceeb ku ahayn, annagana aan dilan nagu ahayn in aanu
wax u qeybsano. Oo aanu gaarno in caqliga Afrikaanka
taliyo, intii uu qoriga talin lahaa, iyo ninka isticmaarka
ah oo daaqadda taagan. Hase taliyee in uu ku taliyo
mid roon oo ay u aayaan ilmaha Soomaaliyeed ee danbe
". (Waxaa laga sii daayay BBC-da, barnaamijkii Waxaan
u Soo Joogay. 2/ 11- 2003-dii).
Sida
ku cad hadalka Jeneraal
Siyaad, aragtidaas nabadeed
ayay dowladda kacaanka ahi dooratay in ay ku howl-gasho.
Tallaabooyinkii diblomaasiyadeed oo ay xilligaas qaaday
waxaa ugu weynaa martiqaadkii ay u fidisay fadhigii
caadiga ahaa oo ay isku arkayeen madaxweynayaasha
ururka midowga Afrika. Xilka ay Soomaaliya ku qabatay
kal-fadhigaasi waxaa la filayay in uu ku cuslaan doona,
markii dhowr meelood laga eego. Dhaqaalaha ku baxaya
fadhiga, sugidda nabadgelyada wufuudda ka soo qeyb-gelaysa
iyo qalabka loo adeegsanayo farsamada socodsiinta
fadhiga. Waxaase dhacday in Soomaaliya ay si wanaagsan
ugu guuleysatay habsamidii uu shirku u dhacay. Magac
iyo sharaf ayaa halkaas ka raacay dadkii Soomaaliyeed
iyo maamulkii kacaanka.
Golihii Sare waxay ku dadaaleen
in dowladaha shirka isugu imanaya ay ka helaan qaar
ku gacan siiya qadiyaddooda. Intuusan fadhigu dhicin,
sida caadadu ahayd, wasiirkii dibadda ee Soomaaliya
Cumar Carte Qaalib
wuxuu socdaal dheer ku soo maray magaalo-madaxda dowladaha
qaaradda. Ujeeddadu waxay ahayd in uu madaxweynayaasha
dalalka Afrika uu u geeyo waraaqda casumaadda ah oo
ay shirka ka soo qeyb galaan, si uu fadhigu u noqday
mid sharaftiisu buuxdo. Madaxda dalalka uu wasiirku
booqday ayaa dhamaantood waxay ahaayeen kuwo kacaan
ah. Waxaa kale oo wasiirka Soomaaliyeed uu isku deyay
in uu madaxdaasi ku qanciyo taageerada qadiyadda Soomaaliyeed.
Misana fadhigii ay madaxda isugu yimaadeen, qadiyaddii
Ogaadeenya gacan waa ay ka weyday. Sababta waxaa loo
aanaynayaa socdaal gaaban oo boqorkii Itoobiya uu
ku tegay Yurub, kaas oo ka danbeeyay socdaalkii wasiirka
Soomaaliyeed.
Soomaaliya xilligaas waxay
ahayd dal si wanaagsan isu ururiyay oo ku socda xowli
dheereynaya. Siyaasadda dalka waxay afka qabsatay
qaaradda Afrikada madow ee saxaraha ka hooseysa. Taasi
waxay keentay aqoonsi xoog badan oo caalamka laga
helo. Ururka Midowga Afrika, waxaa u caado ahayd,
hoggaamiyaha dalka martida loo yahay, in sanadkaas
uu odey ka noqdo ururka. Sidaas baa Jeneraal Maxamad
Siyaad uu ku noqday odeygii sanadkaas ee ururka. Waxaa
taas u weheliyay oo ay Soomaalidu damceen in ay qaataan
xoghayaha guud ee ururka. Kartida siyaasadeed oo ay
la maxfal timid darteed, ayaa keentay in wasiirkii
dibadda Cumar Carte Qaalib
uu isu taago in uu qaato darajadaas. Waxaase arintaas
hor istaagay labadii dowladood oo ugu daŽda weynaa
ururka. Itoobiya waxay ku diiday in aanan loo adeegsan
iyada. Masar ayaa iyana ku diiday Ruushka aan wadanay
awgiis, iyaguna ay isku xumaayeen.
Boqorkii Itoobiya Xayle
Selassie, isaga oo daŽdiisu
ay dhaaftay 80 jir ayuu Xamar yimid isaga oo ka soo
qeybgalay kal-fadhiga. Urursanaanta iyo siyaasadda
hana-qaadka ah oo ay Soomaalidu ku guuleysteen ayaa
cabsi weyn ku abuurtay boqorka iyo dowladdiisii. Taas
ayaa kaliftay in uu socdaalkan culus soo galo.
Shirkii madaxda Afrika waxaa
ka soo baxay waraaq ay ku magacaabeen Bayaankii Muqdisha
Mogadishu Declaration. Kaas oo lagu xusay in
xuduudaha Afrika loo daayo sidii uu gumeysigu kaga
tegay. Halkaasna waxaa ku guuldareystay qadiyaddii
ay Soomaalidu doonayeen in loogu hiiliyo. Jeneraal
Maxamad Siyaad oo ka waramaya sababta ay Soomaaliya, Afrika
dhexdeeda uga weyday wax qadiyaddooda ku taageera,
wuxuu yiri :
" Waxaa jirey nin madaxweyne
Afrikaan ah oo aannu saaxiib aheyn, kaas oo dalkiisu
uu dhowaan madax bannaanidiisii qaatey. Ninkaasi markii
uu ku jiray halganka gobanimo-doonka ah, aad baan
u taageeray. Fadhi kamid ah fadhiyadii ururka O.A.U.
baa waxaan ka codsaday in aan la kulmo. Laakiin waa
uu i diiday in uu ila kulmo. Iyadoo fadhigii uu socdo
ayaa waxaan ku kulanay meel dibadda ka ah aqalkii
lagu shirayay. Gacantaan kasoo qabtay oo meel gees
ah intaan la aaday baa waxaan weeydiiyay : Maxay tahay
sababta aad u diiday in aad ila kula-nto?
Waa uu i eegay isaga
oo didsan, waxuuna iigu jawaabay : Waad ogtahay in
aan ahay mid ku xiran taageerada aan dibadda ka helo.
Sidaa darteed waxaa layga mamnuucay in aan wax kula
qabsado, halis iskama aan gelin karo kaalmada la isiiyo.
Tabtaas ayuu iila hadlay. Sidaas baad ku aamini
kartaa in dowladaha Afrikaanka ahi eeyan xor ahayn.
Dal xoroobaa ma jiro inta uusan cagahiisa ku istaagin.
Sidaas beeyan u jirin dal Afrikaan ah oo Soomaaliya
ay taageero ka heshay . Waa ay ina ayidi lahaayeen
haddii ay dowladaha xoogga leh ay farta ugu fiiqi
lahaayeen. Haddase waa ay naga fogaanayaan waayo dowladaha
waaweyn ayaa sidaas raba ". (I Somalia, Bo Bjelfvenstam, 1982. p. 141).
Afrikada Ilaahow maxaa laga abuuraayay
Allahayow alhuum iyo maxaad iinta ugu reebtay
Allayahow awood iyo maxaad aalad ugu diiday
(Ibraahim Shiikh Saleebaan).
Waxaa bilaabatay diyaargarow,
qofkii wax-garad ahaa uu dareemi karo. Waxaa la furay
xaruntii loo bixiyay Xalane. Halkaas oo lagu tababari
jiray shaqaalaha dowladda iyo ardayda ka baxa dugsiyada
sare ee dalka. Tababarku wuxuu ahaa mid dhan oo ciidameed.
Waxaa kale oo halkaas lagu soo xereyn jiray ardayda
ka baxa dugsiyada dhexe, kuwooda loo tababarayay macallinnimo.
Tacliinta ay qaadanayeen waxaa kamid ahaa mid ciidameed.
Waxaa la furay mashruuc loogu tala-galay in uu shan
sano socdo, kaas oo loogu magac-daray degmadii uu
ka fulayay mashruuca ee ahayd tuulada Ceel-jaalle.
Ardayda dugsiyada sare ee Xamar, saddexda bilood oo
ay dugsiyadu u xiran yihiin ayaa halkaas waxay ku
qaadan jireen tababaro ciidan oo uu dab-ridku kamid
yahay. Waxaa xusid mudan in tababarradii Ceel-jaalle
uu gudoomiye ka ahaa Cabdullaahi
Xasan Maxamuud oo xilligaas
kamid ahaa saraakiishii wasaaraddii waxbarashada.
Dhan kale dowladdu waxay
kordhisay tirada ciidamada biliiska iyo kuwa asluubta.
Sidoo kale waxaa la kordhiyay tirada iyo tayada jaadadka
ciidanka xooga dalka (Cir, dhul, bad iyo difaaca cirka).
Guluf iyo colaad dunidu
waa laysu goodiyiye
Gantaashii cirkiyo saanad baa laysu ganayaaye
Waxa Xalane loo gelahayaa gogol-dhig weeyaane
Gumeystuhu ka baqay niman
haday dhab u gahayraane
Gaashaanka waa loo tuntaa cadow ku gees yaale
Godobtaada maaqan maalin baad gudo tiraahdaaye
(Cali Cilmi - Af-yare)