Wararka Mudugonline


GOORTII DHULKAYAGII LA QAYBSADAY! [MOL, 14 Jun 2002]

Casharka IV-aad
Adeer ! dagaalkan oo la magac baxay Shimbira-kore wuxuu dhacay sanadkii 1529-kii, wuxuuna ahaa kii ugu muhiimsanaa oo ay soomaalidu ku gaareen guulihii is-daba joogay oo ay Aksum ku qabsadeen. Markaas oo boqorkii Abasiiniyiinta uu baxsaday, illaa laga dilayna wuxuu hadba ku dhuumanayay dhulka buuralayda ah ee galbeedka Itoobiya. Markuu dhintay dabadeed, waxaa taladii Xabashida la wareegay wiilkii boqorka oo la oran jiray Gladiolus. Adeerow intaanan Boqorka la dilin wuxuu dhambaallo calaacal ah u dirsaday baadarigii xilligaas ugu weynaa masiixiyiinta iyo boqorkiii Bortuqiiska King Jhon III. Adeerow Bortuqiiska oo xilligaas ahaa dowladda dunida ugu xooga weyn ayaa boqorkoodii wuxuu markiiba ka soo jawaabay dhambaalkii uu ka helay boqorkii Xabashida. Boqorku wuxuu farriin degdeg ah u soo diray wiil uu dhalay oo wakiil uga ahaa mustacmarad uu xilligaa! ! s Bortuqiisku ku lahaa dalka Hindiya. Wiilkaas waxaa la oran jiray De Gama. Boqrku wuxuu wakiilka soo faray in uu si degdeg ah ciidan ugu diro dagaalka ka socda geeska Afrika, kuna dadaalo in uu ka badbaadiyo dagaalka iyo dabka ay muslimiintu ku wadaan dadka masiixiga ah ee halkaas ku nool, dalkoodana uga xoreeyo ciidamada shisheeyaha ah ee ka qabsaday. Xilligaas dagaalku wuxuu socdey 12 sanadood.

Adeer ! wakiilkii Hindiya fadhiyay markiiba waa uu ka soo jawaabay farriintii aabihiis. Wuxuu diyaariyay ciidan tiradoodu dhanyahay 450 nin oo hub casri ah sita. Wakiilku wuxuu ciidanka masuul uga dhigey nin la yiraahdo Christopher de Gama. Waxaa dhalay bad-mareenkii caanka ahaa Vasco de Gama. Ciidankaasi oo badda ku soo safray iyaga iyo hubkii ay siteenba, waxay ka soo degeen magaalada dekadda ah ee la yiraahdo Masawac dabayaaqadii sanadkii 1541-kii, iyada oo uu weheliyo nin la yiraahdo Sebla Wangel oo ka tirsanaa caa´iladda reer boqor ee Xabashida.

Ciidamadii Burtuqiisku dhabarka ayay soomaalidii kaga yimaadeen. Hubka ay siteen wuxuu ahaa mid eeyan soomaalidu u babac dhigi karin. Kaddib markii ay labadii ciidan isku heleen agagaarka balliga Taana ayaa soomaalidii khasaaro badan la gaarsiiyay, laguna khasbay in ay dib uga laabtaan degaamadii ay Xabashida ka qabsadeen. Dagaalkaasi wuxuu dhacay bishii abriil sanadkii 1542-kii. Afar bilood dabadeed, soomaalidii waa ay soo rogaal celiyeen, halkaasna waxaa lagu jebiyay ciidamadii Bortuqiiska. Hoggaamiyahoodii ahaa Christopher de Gama nolol ayaa lagu qabtay, dabadeedna waa la dilay.

Adeer ! Imaam Axmad Gurey wuxuu ku shahiiday dagaal dhacay markay taariikhdu aheyd 25/ 2- 1544-kii, halkaasna dhaawac ayaa ka soo gaaray kacdoonkii uu hormoodka ka ahaa. Imaamka dabadiis waxaa halgankii sii waday wiil uu abti u yahay oo la yiraahdo Imaam Nuur bin Mujaahid. Kaddib markii ay soomaalidii soo tabar yareeyeen ayaa Imaam Nuur wuxuu ciidamadiisii ku ururiyey difaaca magaalada Harar. Dagaal ay xabashidu soo qaadeen 23/ 3- 1567-kii ayaa Imaam Nuur wuxuu ku diley boqorkii xabashida ee la oran jirey Gladiolus. Imaam Nuur wuxuu dhintey sanadkii 1567-kii, wuxuuna ku aasan yahay magaalada Harar, illaa iyo haatanna qabrigiisu waa macruuf. Halkaasna waxaa ku af jarmay taariikhdii dowladdii Awdal.

Adeer ! qarigii 17-aad, waxaa degaankeena ka jiray labo bulshadood oo ku guulaystay in ay habeeyaan hanaanka siyaasadda urursan centralized states, kuwaas oo xilligaas midna ay hanaqaad ahayd midna ay curatay. Saldanada Ajuuraan oo degaankeedu ahaa bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa loo yiqiin boqortooyadii Cagaarayd. Taasina waxay ka dambaysay markii ay hor u marisay nadaamka beero falashada. Beerihii, ay reerka Ajuuraan, ka beerteen daamanka webiga Shabeelle ka sokow, waxay hor u mariyeen farsamada ceelasha lagu qoto. Taasina raadkeeda wuxuu ka muuqdaa ceelashii ay ka qodeen dhulka oomanaha ah, kuwaas oo qaar kamid ah illaa iyo hadda laga cabo. Adeerow waxaa la rumeysan yahay in markii ugu dambaysay Tuulada Buur-Cukur (Qalaafe iyo Feer-feer dhexdooda) ay ahayd xarunta saldanaddaasi. Waxba lagama hayo raadkoodii, laakiin sheekooyinka laga soo gaaray da´wayntii soomaaliyeed waxay xuseen in saldanadaasi lagu burburiyay colaad baax! ! ad wayn oo ay beelaha Hawiye ku soo qaadeen. Waxaa jira oraah oranaysa

" Sagaalka Ajuuraan, sagaalka Samaale ayaa kiciyay "

Farsamadii reerka waxaa inoo tilmaamaya sheeko laga wariyay oday Ajuuraan muddo 70 sano laga joogo. Odaygaas oo da´diisu ay 100 sano kor u dhaaftay waxaa lagu waraystay degmada Kismaayo, wuxuuna yiri :

" Ajuuraan wuxuu lahaa digsiyo maar ah oo geela afar jirka ah marka la gowraco oo la harag-siibo inta cagaha kor loo jeedsho dhabarka loo gelin jiray dabadeedna halkaas ciidamada loogu karin jiray raashinka ee weli mala helay ? ".

Waxaa loogu jawaabay maya.

" Ajuuraan wuxuu lahaa ceel ku yiil degaanka Ceel-Buur oo geela ka caba uu saddex jir ku ilmo qaadi jiray ee weli mala helay ? ".

Waxaa loogu jawaabay maya.


" Ajuuraan wuxuu yiqiin geed ay dhacaankiisa u adeegsan jireen sunta fallaaraha afka laga mariyo. Shimbiruhuna markii ay dushiisa marayaan waa ay soo daadan jireen ee weli mala helay ? ".

Waxaa loogu jawaabay maya. Markaas buu yiri :

" Ajuuraan iyo farsamadiisii waa ay is-raaceen ".

Adeerow waxaa jiray rag dal-mareeno ahaa oo bartamihii qarnigii 16-aad soo gaaray dhulkii uu Ajuuraanku ka talinayay. Dalmareenadaas waxaa kamid ah Don Santos oo u dhashay dalka Bortuqiiska. Ninkaasi wuxuu reebay qoraal uu kaga waramayo qaabkii ay u noolaayeen dadkeenii halkaas ku dhaqnaa. Waxyaabaha uu xusay waxaa kamid ah wiilal da´doodu tahay 7 iyo 8 jir, kuwaas oo madaxa ku sitay duubab lagu xabkeeyay. Sida dhaqanku ahaa, wiilashaasi duubka laga furi maayo illaa ay inta dagaal ka qayb galaan ay nin cadow ah dilaan. Weliba shardi ayaa la jira oo waa in ninka la dilay madaxiisii la hor keeno odayga reerka. Halkaas buu darajo kaga helayaa beesha, loona saamaxayaa in uu guursado. Adeer ogow oo sheekooyin noocaas ah waxaa laga helaa dhaqanka reeraha Masayda iyo qaar kamid ah Oromada, kuwaas oo labaduba kamid ah bah-waynta ku hadla afka Kuushiitiga.

Saldanadii beelaha Harti ayaa iyana kobocday wakhti lagu qiyaasayo bartamihii qarnigii 16-aad. Taasina waxay ka dambaysay markii uu Boqor Maxamuud Yuusuf Maxamuudkii 1-aad ku guulaystay in uu nadaam urursan u sameeyo beelaha Hartiga ah ee degaankoodu yahay xeebaha waqooyi-bari ee Soomaaliya. Boqor Maxamuud wuxuu hor u mariyay dhismo ciidan iyo nadaam ganacsi oo dibadda la xiriira. Waxaa la qiyaasayaa in burburkii ku yimid saldanadii Awdal uu iridaha u furay nadaamkan cusub ee ka abuurmay gobolka waqooyi-bari ee Soomaaliya. Degmada Xaafuun oo xilligaas uu camiray dhaqdhaqaaqii ganacsiga caalamiga ahaa, ahaydna degmada ugu wayneed degaanka ayaa la rumaysan yahay in ay magaalo madax u ahayd maamulkii saldanadda. Inkasta oo ay madaxa la soo kacday, misana saldanadaasi dagaal sokeeye oo xooggan ayaa u diiday in ay hanaqaad noqoto. Taasina waxay ka dambaysay markii uu boqorkii dhintay ayaa wiilashiisii waxay u kala safteen baho iyaga oo isku af-garan wa! ! ayay ninkii ay caleema saari lahaayeen. Dabadeed dagaalo baahay oo ay beelihii kala saftaan ayaa muddo 30 sano ah ka socday degaanka. Ragga dagaaladaas lagu dilay waxaa kamid ah saddex wiil oo uu boqorku dhalay. Waxaa magacooda la yiraahdaa Cumar Maxamuud, Maxamad Maxamuud iyo Warfaa Maxamuud.

Adeerow ogow oo tan iyo sanadkii 1507-dii, markaas oo uu Vasco de Gama ka soo laabtay raaska lagu magacaabo Cape of Good Hope ee koonfur Afrika, badaha Soomaaliya waxay noqdeen waddo muhiim ah oo doonyaha reer Yurub ay u maraan dalka Hindiya iyo bariga fog. Burtuqiiska oo ahaa reerkii ugu horeeyay oo waddadaas mara ayaa waxay xoog ku degeen koonfur-bari dalka Hindiya, gaar ahaan degmada Goa. Xoogaggii reer Yurub ayaa mid waliba goonidiis ugu dadaalay in uu qayb ka helo dhulka Hindida. Qolo waliba waxay gacan-saar la yeesheen maamulladii kala duwanaa oo ay la haayeen qowmiyadaha reer Hindiya. Waxaa xusid mudan in xilligaas ay Hindiya ka jireen dagaalo sokeeye oo xooggan. Dagaaladaas oo u qaab eg kuwa dalkeena ka taagan ayaa waxay ahaayeen kuwo xukun lagu raadinayay. Taasi waxay sababtay in hadba ay kooxo is-xulufaystaan si ay gacanta sare u yeeshaan. Ciidamadii reer Yurub ay! ! aa waxay dhex boodeen xoogaggii is-xulufaysanayay ee Hindiga ahaa. Aritaasina waxay fursad siisay xoogaggii reer Yurub oo si sahlan u dhex qaaday Hindiya iyo dadkeedii. Xilligaas ahmiyadda ay xeebaha soomaaliyeed lahaayeen waxay garab socotay hadba sida ay u soo kordhayeen dhaqdhaqaaqa doonyaha ka imanayay Yurub kuna sii qulqulayay Hindiya.

Adeer ! sanadkii 1741-kii, nin la yiraahdo Axmad bin Siciid oo dhalashadiisu tahay Yaman ayaa maamulkii Cismaaniyiinta ka eryay degaanka koonfur-bari ee khaliijka (Cumaan). Axmad wuxuu halkaas ka dhisay maamul saldanadeed oo uu isagu oday ka yahay. Waana maamulkaas midka ay ku abtirsadaan salaadiintii isaga dambeeyay talada dalka Cumaan. Saldanadaasi waxay xiriir ganacsi oo xoog badan la lahayd jasiiradda Sensibaar iyo degmooyinka ku yaal xeebaha bariga Afrika. Dadka reer Cumaan goor hore ayay ku guulaysteen farsamada adeegsiga gaadiidka badaha. Adeerow xus in socdaalkii Vasco de Gama qofka hagayay uu ahaa bad-mareen Cumani ah oo la oran jiray Axmad bin Majiid. Saldanadii waa ay hanaqaaday, waxayna ku caan baxday hanti, xasillooni siyaasadeed iyo ciidan xoog badan oo badaha ku duula. Waxaa u magaalo-madax ahayd degmada Masqad ee dalka Cumaan.

Dabayaaqadii qarnigii 18-aad, khalkhal ku yimid saldanadii Cumaan ayaa adeerow raad ku yeeshay xasilloonidii degaanka xeebaha koonfureed ee Soomaaliya iyo kuwa la deriska ah. Sanadkii 1784-kii, nin la dhashay suldaan Busaydi (suldaankii Cumaan) ayaa wuxuu isku dayay in uu dagaal ku qaado xeebaha bariga Afrika, si uu halkaas uga abuuro imaarad uu isagu oday ka yahay, kana madax-bannaan saldanada walaalkiis. Wuxuu qabsaday jasiiradda Sensibaar iyo degmada la yiraahdo Kilwa ee ku taal xeebta koonfureed ee Tansaaniya. Degaankaasi wuxuu ahaa meel ahmiyad gaar ah u leh taliska saldanadda. Suldaan Busaydi oo arintii ka xumaaday ayaa ciidan ku bixiyay degmooyinkii uu walaalkiis qabsaday, wuxuuna ku guulaystay in uu ka dhigo kuwo madax bannaan.


Dib ugu noqo Bogga casharada....

 

Qore :Saadiq Enow.

 


Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001