Wararka Mudugonline

GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!
S. Enow
R.Galkacyo

"Dalkayaga labadii qarni ee u dambeeyay (kii 19-aad iyo kii 20-aad) gumaysatyaasha Yurub iyo Xabashida (Euro-Abassinian Colonialism) ayaa inta qaybiyay misana sii qaybiyay. Qiimo muuqda oo uu dalkayagu lahaa maahayn arinta sababtay in dhulkayaga la boobo. Maxaa yeelay qallafsanaanta ay leedahay noloshayada xoolo-dhaqatada ah maahayn mid dhiirri gelinaysay raggii ina soo weeraray. Raggaasi waxay nolosha u qiimeeyeen si aanu annagu u qiimayn. Waxay horay u degeen dhul hodan ah oo beeraha ku fiican, hawadiisuna ay wanaagsan tahay. Ujeedooyinka laynoo qabsaday waxaa ka faalooday falalkii ay gumaystayaashu mar danbe sameeyeen. Falalkaasi waxay ahaayeen siyaasadihii anaaniga ahaa oo ay xoogaggii gumaystayaashu nagula keceen. Taas oo ay ka dhigteen waddo ay raacaan, iyaga oo aanan u aaba yeelin masaalixda dad-waynaha soomaaliyeed". Qudbad uu allaha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharmaarke ka jeediyay barlamaankii Soomaaliya 1962-kii.

"GOORTII  DHULKAYAGII  LA  QEYBSADAY, waa casharro taxane ah oo inoo tilmaamaya milicsi soo-jireenkeenii hore iyo muuqaallo ku saabsan fiisiko ahaan sidii loo bur-buriyay noloshii dhaqan-dhaqaale iyo cimiladii hiddo-siyaasadeed ay dadkayagu lahaayeen intuusan haleelin hooshkii gumeysiga. Dhacdadaasi, waxay af-gembi ku keentay taxane fil-weyn oo kumanyaal sano la daŽ ah. Dabadeed waxay bara-bixisay sii wadiddii noloshii caadiga ahayd ee bulshadii xoolo-dhaqatada ahayd ee Soomaaliyeed.

Waa casharro ina xusuusinayaa sida shisheeyaha danaha ka leh lahaansheheena uusan marna u ilawin una ilaawidoonin tabahoodii isu-kaashiga ahaa lahaanshaha ummadaha ay gumeeyeen, qaybi oo xukun, qarda jeexsiin, dhalan-rog iyo maquunin dhaqan-dhaqaale, hiddo-siyaasadeed, mid aqooneed iyo mid ciidan.

Inkasta oo doolkii ina bara-bixiyay uu weli waddada inoo fadhiyo, inkasta oo il-duuf badan uu ka muuqdo bulshada dhexdeeda, inkasta oo laga sad roonaadey bulsho-weynta Soomaaliyeed, misana dadkayagu weli kama hakan dareenka ah in ay soo ceshadaan  waddada noloshii laga fara-maroorsaday si ay jiritaankooda u ilaashadaan.

Waa casharro inagu dirqinaya miyir-doorasho, masuuliyad iyo ka lib-keen waajibaadka qofeed iyo kan bulshadeed ee ina hor yaal. Waa meel aanu ka heleyno tamar inoo suuro gelisa mindidnimo diidan dhaxal wareejin, midnimo diidan qaybin inaga iyo lahaansheheena, inoo maskax iyo gacan banaysa tiigsasho aaya wacan leh, kana caagan guryo noqosho murug aan ur lahayn, nuxur ahaan sababta aan isugu dayeyno in aan wax ka qorno guud ahaan dhacdooyinkii la soo gudbay, gaar ahaan kuwa dhulkeena iyo dadkeena waa iskudayga dhismaheena iyo dhaqashadeena maanta iyo barashada ma dhaafaanka wanaagsan". Dr.  Cumar Cabdi  Barre

=>Casharka 1-aad =>Casharka 2-aad
=>Casharka 3-aad =>Casharka 4-aad
=>Casharka 5-aad =>Casharka 6-aad

=>Casharka 7-aad

=>Casharka 8-aad
=>Casharka 9-aad =>Casharka 10-aad
=>Casharka 11-aad =>Casharka 12-aad
=>Casharka 13-aad =>Casharka 14-aad
=>Casharka 15-aad =>Casharka 16-aad
=>Casharka 17-aad =>Casharka 18-aad
=>Casharka 19-aad =>Casharka 20-aad
=>Casharka 21-aad =>Casharka 22-aad
=>Casharka 23-aad =>Casharka 24-aad
=>Casharka 25-aad =>Casharka 26-aad
=>Casharka 27-aad =>Casharka 28-aad
=>Casharka 29-aad =>Casharka 30-aad
=>Casharka 31-aad =>Casharka 32-aad
=>Casharka 33-aad =>Casharka 34-aad
=>Casharka 35-aad =>Casharka 36-aad
=>Casharka 37-aad  
Dhamaad

    Wixii tafaasiil ah, dhiiri galin, aaraah iyo dhaliilba fadlan la xiriir qoraaga.

    Qore:Saadiq Enow drsaad84@hotmail.com (enow2@hotmail.com) (New Email is dr_saadiq@hotmail.com)


    - Halkankii Cusman Yuusuf Keenadiid ee Fartii Cusmaaniyada
    - Macallinkii I-aad
    - Onkod, Hillaac iyo Biriq

    Mudugonline.com
    Contact: webmaster@mudugonline.com
    Copyright © Mudug Online 2001