Adeer
! waxaad ogaataa in baduhu ay yihiin xuduud dabiici ah oo
u dhexeeya umadaha dunida ku nool. Waa teet eeyan a tallaabi
karin kuwa aanan aqoon u lahayn adeegsigeeda. Isla markaas
waa irido u furan oo ay caalamka kala xiriiraan dadyowga garashada
u leh adeega gaadiidka biyaha. Geeska Afrika wuxuu ku yaal
meel dunida u dhexaysa, isla markaasna xeeb dheer ku leh labo
badood oo caalami ah (badda Cas iyo bad-waynta Hindiya). Sidaa
darteed ayaa degaanku goor hore wuxuu kamid noqday baraha
kulmiya dhaqdhaqaaqyada ganacsiga dunida. Geeska Afrika waxaa
xiiseeyay dhamaan mammulladii abuuray wixii ilbaxnimo ahaa
ee dunida soo maray. Sababaha loo xiisaynayay, adeerow, waxay
isugu jireen mid diineed, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed.
Maamulladii boqortooyadii reer Fircoon ee ka jiray dalka Masar
muddo 5.000 oo sano horteed ayaa iman jiray geeska Afrika
iyaga oo gobollada waqooyi-bari ka guran jiray mydiga. Magaca
ay degaanka u yiqiineen wuxuu ahaa Dhulkii Uduga Puntland.
Adeer
! dadyowgii ahaa Giriigii hore ayaa iyaguna kamid ahaa dadka
socdaalada ku iman jiray dhulkayaga. Magaca ay degaanka u
yiqiineen wuxuu ahaa Geeska The
Horn.
Dadka degaanka ku noolaana waxay u yiqiineen Breber.
Adeerow waxaad ogaataa in magaca magaalada Berbera uu yahay
raadka keliya oo ka haray magacii loo yiqiin dadkeenii hore.
Magaalada Xamar ayaa iyana ah degmo ku xusan qoraalada taariikheed
ee laga dhaxlay dadkii hore. 1000 sano horeetd, magaaladu
waxay kamid ahayd degmooyinka ku yaal bad-waynta Hindiya kuwoodii
ugu camirnaa. Magaca Geeska wuxuu ku xusan yahay qoraalladii
ay ka tageen dal-mareenadii Giriiga ahaa ee iman jiray geeska
Afrika. Waxaa kamid ah qoraal lagu magacaabo The
Periplus of Erythrean Sea,
kaas oo uu dhigay nin bad-mareen ahaa markay taariikhdu ahayd
60 sano c.d.
Adeer
! bad-mareeno iyo ganacsato Shiinees ah ayaa kamid ahaa dadka
xilliga hore socdaalada ku yimid geeska Afrika. Xilliyada
uu socdaalkooda ku beegnaa waa qarnigii 8-aad, kii 12-aad
iyo kii 13-aad. Qoraaladii ay raggaasi ka tageen waxay ku
xuseen in dadkeenii hore ee degganaa Geeska ay ahaayeen dad
xoolo-dhaqato ah.
Bartamihii
qarnigii 8-aad, ganacsato isugu jira Carab iyo Beershiyaan
ayaa waxay soo degeen degmooyinka xeebta ah ee ku yaal koonfurta
Soomaaliya (Xamar, Marka iyo Baraawe).
Adeer
! markii ay diinta Islaamku soo if-baxday oo ay Carabtii badowda
ahayd noqdeen kuwo hoggaamiya ilbaxnimadii adduunka, waxaa
bilaabatay in dal-mareenadii carbeed ay si joogto ah u yimaadaan
geeska Afrika, wax badana ay ka qoraan. Adeerow ! ragga socdaaladaas
ka dhex muuqda waxaa kamid ah :
1. Al-Yacquubi
wuxuu soo booqday geeska Afrika qarnigii 9-aad.
2. Al-Mascuudi
wuxuu soo booqday geeska Afrika sanadkii 933-kii c.d.
3. Al-Istakhri
wuxuu soo booqday geeska Afrika sanadkii 960-kii c.d.
4. Ibnu-Howgal
wuxuu
soo booqday geeska Afrika sanadkii 977-kii c.d.
5. Al-Baruuni
wuxuu soo booqday geeska Afrika sanadkii 1030-kii c.d.
6. Al-Idriisi
wuxuu soo booqday geeska Afrika sanadkii 1154-kii c.d.
7. Al-Yaaquuti
wuxuu soo booqday geeska Afrika sanadkii 1226-kii c.d.
8.
Ibnu-Batuuta
wuxuu soo booqday geeska Afrika sanadkii 1331-kii c.d.
9. Al-Haaruuni
wuxuu soo booqday geeska Afrika sanadkii 1334-kii c.d.
10. Ibnu-Siciid
wuxuu soo booqday geeska Afrika sanadkii 1344-kii c.d.
Waxaa
kale oo jiray nin eeyan taariikhdu magaciisu xusin, kaas oo
geeska Afrika ka qoray buug uu ku magacaabay Kitaab Al-Sinji.
Adeer
! dhul-mareenka la yiraahdo Ibnu-Siciid
oo sanadkii 1344-kii wax ka qoray noloshii dadkeenii ku noolaa
geeska Afrika, wuxuu xusay magac kamid ah magacyada odeyada
ay ku ab-tirsadaan qaar kamid ah beelaha soomaaliyeed. Dal-mareenkaasi
wuxuu tilmaamay in koonfurta Soomaaliya ay degganaayeen bulsho-wayn
xoolo-dhaqato ah, kuwaas oo magacooda la yiraahdo Hawiye.
Marka degaanka baadiyaha laga reebo, qoraagu wuxuu sheegay
in dadkaasi ay ku noolaayeen tuulooyin ay tiradoodu gaarayso
konton tuulo, kuwaas oo degmada Marka ay magaalo-madax u ahayd.
Adeer
! Ibnu-Batuuta
oo booqashadiisii ay 13 sano ka dambeysay tii Ibnu-Siciid
ayaa wuxuu booqday degmooyinka Saylac iyo Xamar. Qoraalkiisii
wuxuu ku xusay noloshii dadkeenii ku noolaa degaamadaas, kuwaas
oo uu ku magacaabay Berber. Afka ay ku hadlayeena wuxuu yiri
waa af-berber. Adeerow ! halkaas waxaa ka muuqata in dadkayaga
soomaalida ahi ay goor hore ahaayeen dad af- iyo dhaqan-wadaaga.
Adeerow
waxaad ogaataa in qarnigii 15-aad iyo kii 16-aad ay geeska
Afrika ka unkameen ilbaxnimo ay hor-mood u ahayd maamulkii
boqortooyadii ay dhiseen dadkayagii reer Awdal. Maamulka saldanadaas
waxaa degaan u ahaa dhulka u dhexeeya degmooyinka Saylac iyo
Harar. Waxay soo gaarsiisnayd illaa dhulka Howdka ah ee degaanka
Jigjiga. Saylac waxay ahayd magaalo camiran oo dekad leh.
Waxaa laga dhoofin jiray hargaha iyo xabagta. Waxaa jiray
colaado si joogto ah, reer Awdal kaga imanayay dhanka boqortooyadii
reer Tigray oo saldhiggeedu ahaa degmada Oksum. Arintaasi
waxay markasta sabab u noqonaysay dagaalo dhexmara ciidamada
labada maamul. Sanadkii 1420-kii, dagaal ay Tigreygu ku jebiyeen
ciidamadii soomaalida ayaa boqorkii Tigrayga
Negash
Yeshaq (1414 - 1429) wuxuu ka tiriyay gabay uu ku tilmaamayay
guusha wayn ee uu helay. Gabaygiisaas waxaa kamid ahaa meel
uu ku tilmaamayo in uu soomaalidii
ka adkaaday. Gabaygaas waa raadka ugu da´da wayn ee
uu magaca Soomaali ku xusan yahay. Sheekadan waa mid taariikhda
soomaalida xiiso gaar ah u leh. Waayo waxay muujinaysaa in
soomaalidu eeyan ahayn qowmiyad goor dambe ku soo biirtay
dadyowgii degganaa geeska Afrika, bal ay yihiin qowmiyad da´
wayn oo raad hore ku leh degaanka.
Adeer
! qarnigii 14-aad iyo kii 15-aad waxaa si muuqata u kordhay
xiriirkii ganacsi ee caalamka, kaas oo dadyowga dunida ku
nool ay isku dhaafsanayeen waxyaabaha nolosha loo kaashado.
Dadyowga reer Yurub waxay aad ugu baahdeen waxyaabaha raashinka
lagu maceeyo, lagu dhanaaniyo, lagu carfiyo iyo kuwa lagu
kaydiyo sida sokorta, cusbada, xawaajiga iyo filfisha. Waxaa
kale oo ay u baahdeen waxyaabaha maanka dooriya iyaga oo ay
u adeegsanayeen daawo ahaan. Waxaa kale oo ganacsatada reer
Yurub ay xilligaas qiimaynayeen cudbiga. Waxyaabhaas oo laga
heli jiray qaaradaha Afrika iyo Aasiya ayaa waxay kalliftay
in ay socodoodii iyo socdaalladoodiiba ay ku bataan waddadii
la oran jiray Waddadii Xariirta The
Silk Road. Adeerow ogow oo waddadaasi waxay
isku xiri jidhay deegaamadii laga curiyay ilbaxnimada dunida
ka jirtay sida dhulka Shiinaha, Hindiya, Beershiya, Carabta,
waqooyiga Afrika iy! ! o Yurub. Dadyowgii Carabta oo xilligaas
lahaa ilbaxnimo hanaqaad ah oo ay ka dhaxleen diinta Islaamka
ayaa waxay ahaayeen kuwa gacanta ku hayay meelaha ugu muhiimsanaa
oo ay waddadaasi mareysay. Bad-waynta Hindiya oo ahayd fagaare
qiimo gaar ah u lahayd ganacsiga lays dhaafsanayay ayaa ganacsatada
carabeed waxay ahaayeen kuwo kaga gacan sareeyay umadaha kale.
Adeer
! Soomaalidu xilligaas waxay kamid ahaayeen dadyowgii camiray
dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee ka socdaydegaanka bad-waynta Hindiya.
Degmooyinka Saylac, Xaafuun, Baraawe iyo Xamar ayaa kamid
ahaa meelaha laga yiqiin caalamkii ganacsiga ee qarniyadii
dhexe. Waxaa xusid mudan in waxyaabaha Yurub loo dhoofin jiray
xilliyadaas, in kala bar ka badan ay ahayd cusbada. Meelaha
ay ka qaadan jireena waxaa kamid ahayd degmada Xaafuun oo
ganacsigeeda uu si toos ah ugu xirnaa magaalada Xims ee ku
taal Shaam (Suuriya),
taas oo ku tiil qalbigii Waddadii Xariirta.
Dabayaaqadii
qarnigii 15-aad iyo bilowgii kii 16-aad, dhaqdhaqaaqii ganacsiga
ee ka socday bad-waynta Hindiya waxaa ku soo biiray dowladihii
Burtuqiiska iyo Isbaanishka, kuwaas oo jebiyay gacan sarayntii
ay carabtu ku lahaayeen badwaynta Hindiya. Arintaasi, adeerow,
waxay ka dambaysay markii ay degaanka u soo direen doonyo
badan oo ciidamo hub casri ah sita ay saaraayeen. Kuwaas oo
dagaalo ku qaaday degmooyin badan ee ku yiil xeebaha badwaynta
Hindiya. Duulaamadaas, Soomaaliya, waxay soo gaareen sanadkii
1506-dii, markaas oo ciidamo Burtuqiis ah ay soo weerareen
degmooyin ku yiil xeebaha koonfureed ee Soomaaliya. Ciidamadaas
oo tiradoodu dhamayd 6000 oo nin ayaa la socday doonyo, waxayna
siteen hub casri ah. Magaalooyin badan oo bariga Afrika ku
yaal ayay ciidamadaas horay u soo mareen oo ay soo gubeen,
dadkoodiina ay qaxiyeen. Markii ay soo gaareen degmada Baraawe,
dagaal adag oo eeyan horay u arag ayay kala kulmeen dadkeenii
halkaas ku noolaa. Nin la yiraahdo Copland oo taariikhdan
wax ka qoray ayaa tilmaamay sidaas. Adeerow qoraalkiisii waxaa
kamid ahaa sidatan :