Wararka Mudugonline


GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!

Casharkii X-aad


Xoogaggii gumaysiga ee reer Yurub, inteeyan u hirgelin siyaasaddoodii ku wajahnayd Soomaaliya ee boobka ku dhisnayd, qowmiyadaha masiixiga ah ee Soomaalida la deriska ah waxay ahaayeen kuwo aanan urursanayn. Waxay lahaayeen maamul-goboleedyo kala madax-bannaan, kuwaas oo is-maandhaafka iyo colaaddu ay dhaqan u ahayd, taariikhahooduna waxaa ku xusan inbadana oo kamid ah dagaalada maato-dooxa ah oo ay isaga hor yimaadeen. Gobolladaasi, mid waliba wuxuu lahaa maamul u gaar ah, isla-markaasna waxaa mid waliba gudaheeda ka taagnaa khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.

Bartamihii qarnigii 19-aad, maamul-goboleedyadu waxay u dhisnaayeen sidatan :

1. Gobolka Tigray : Waa gobolka u xiga dhanka waqooyiga, waxaana ku noolaa dadka ugu badnaa uguna ilbaxsanaa. Waa gobolkaas halka laga soo abaabuli jiray duulaamadii Soomaalida kaga iman jiray dadyowga masiixiga ah. Dhismaha dhulkooduna waa mid sareeya oo buraly ah.

2. Gobolka Baqamaar (Amxaaro) : Waxaa loo yaqaan dhulkii casaa, sababtuna waa tira-badnida dadka Amxaarada ah ee lagu laayay dagaaladii ay la
galeen qowmiyadaha muslimka ah oo ay Soomaalidu kamidka tahay. Gobolku waa buralay, wuxuuna ku yaal koonfurta gobolka Tigray. Dhanka galbeed wuxuu xuduud la leeyahay Suudaan.

3. Gobolka Goojam : Macnaheedu waa dhulkii mdullada. Wuxuu ka hooseeyaa gobolka Baqamaar, waana dhul biyo badan oo waxaa ku yaal harada Taana iyo webiga Niilka Bey-madow (The Blue Nile). Dadka gobolkan waxay ku caan yihiin deeq iyo geesinimo.


4. Gobolka Wallo : Wuxuu ku yaal koonfur-bari gobolka Tigray, waxaana ku nool qowmiyado muslim ah. Gobolku wuxuu si joogto ah ula kulmi jiray
duulimaadyo kaga imanayay boqorrada masiixiga ah, kuwaas oo dadaal ugu jiray in ay gaaleeyaan dadka muslimka ah ee isgu jiray Oromada iyo Cafarta.


5. Gobolka Shawa : Degaanka gobolkan wuxuu ahaa halka ay ka curatay ilbaxnimadii dadkii reer Ayfaat ee ka horaysay tii reer Awdal. Ilbaxnimadaasi waxaa curiyay dadka muslimka ah ee geeska Afrika ku nool. Dagaalkii Axmad Guray dabadiis, markii la naafeeyay Soomaalidii, muddo nus qarni ah ka bacdi ayaa Xabashidu si tartiib ah ula wareegeen degaankan. Gobolkaasi wuxuu ku yaal bartamaha dalka Itoobiya, waana dhul sareeya oo roobabku ay ku badan yihiin.

Qowmiyaadkaas masiixiga ah horay (Taariikhda) uma yeelan maaml dhexe oo ay heshiis ku yihiin, balse waxaa u dhexeyn jiray dagaalo ay guushu kaltan u ahayd. Midnimada gobolladaasi iyo muuqaalka hanaanka dowliga ah oo Itoobiyada maanta ay haysato, tallaalkeedu wuxuu ka dambeeyay aragti siyaasadeed ee uu ku dhul fidsanayay ninka la oran jiray Kasai Haile, kaas oo bartamihii qarnigii 19-aad, gabood-fal badan dabadeed, kamid noqday ragga tilmaaman ee iska dhaxlay hoggaanka siyaasadeed ee qowmiyadkaas masiixiga ah.

Aragtida Kasai Haile uu ku mideeyay gobollada ay masiixiyiintu degaan, ma eeyan dhaafsiisnayd xukun raadis. Ninkaasi wuxuu ku koray agoonimo. Aabihiis, Haile Giorges, wuxuu dhintay sanadkii 1827-kii, isaga oo Kasai uu wiil yar yahay. Hooyadiis waxay iibin jidhay daawo lagu magacaabi jiray Kooso oo Amxaarada ay isaga daween jireen dixiriga ka dhasha hilibka cayriinka ah oo ay cunaan. Isaga oo yar ayaa hooyadiis waxay u dirtay tuulo lagu magacaabo Dayr ee ku taal galbeedka gobolka Amxaarada, halkaas oo ay doonaysay in uu ku barto curaafyaysiga. Adeerkiis oo halkaas deganaa ayaa kafaala qaaday noloshii wiilka agoonka ah. Adeerku wuxuu oday u ahaa koox shufto ah oo boob iyo dhac ku hayay ganacsatada muslimka ah ee deganaa xuduudda Sudaan.

Kasai isaga oo wiil yar ah ayuu ku biiray kooxdii adeerkiis, waxaana xiiso geliyay nolosha shuftaysiga ah oo uu adeerku odayga ka ahaa. Kasai, muddadii uu shuftada la dhaqmayay ayuu wuxuu muujiyay geesinimo iyo xeel-dheeri dagaal, taas oo ay u bogeen kooxdii shuftada ahayd. Arrintaasi waxay sababtay in Kasai uu hoggaamiye u noqdo shuftadii kaddib markii uu adeerkiis geeryooday. Markaas buu bilaabay in uu kordhiyo boobkii iyo bililiqaysigii uu ku hayay dadyowgii la deriska ahaa ee isugu jira muslimiinta iyo Amxaarada.

Dhibaatooyinkii badnaa ee uu geystay darteed, Kasai wuxuu ku helay magac baxay. Boqoraddii xilligaas ka talinaysay gobolka Amxaarada Waizar, ayaa Kasai waxay u magacawday in uu oday ka noqdo ciidamadeeda, kaddib markii ay gabadheeda u guurisay. Dabadeedna af-gembi ayuu taladii kagala wareegay. Intaas gama harine wiil ay dhashay oo la oran jiray Raas Cali, ayuu Aashaca ku dilay sanadkii 1853-kii. Kasai wuxuu markiiba dagaal ku qaaday gobolka Goojam oo uu ku guulaystay in uu qabsado kaddib markii uu is-dhiibay boqorkoodii ahaa Ras Bayrogosh. Boqorku wuxuu u yimid Kasay isaga oo madaxa ku sida dhagax wayn si uu u muujiyo daciifnimo iyo is-dullayn. Guulahaas is-daba jooga ah ayaa sakhrad ku riday Kasai, markaas buu wuxuu ku fekeray in uu ku duulo boqortooyada daŽda wayn ee Tigray, taas oo hadduu ka guulaysto, hoggaankeeda diineed darteed, uu ku heli karo in uu degaanka ka noqdo Embraadoor. Kasai muddo badan kuma qaadan in uu isu diyaariyo duulaanka Tigray-ga. Dagaalkii dhexmaray labada qolo, Tigray-gii waxay ka muujiyeen geesinimo iyo aqoon dagaal. Hadduusan jireen boqorkooda Dedjakh Awbi oo daŽdiisu wayneed, waxaa adkaan lahayd in ciidamadooda la jebiyo. Dedjakh Awbi oo geed ku hoos nasanayay ayaa waxaa helay cidamadii Kasai, halkaas oo ay ku dileen. Ciidamadii Tigray-ga, markii ay ogaadeen in boqorkoodii la dilay waa ay kala furfurteen, dabadeedna halkaas ayay ku jabeen. Kasai, oo ahaa nin gacan adag wax ku maamula, ayaa geesiyaashii reer Tigray inta gumeeyay sidii addoomadii ula dhaqmay. Dabadeed wuxuu u dhaqaaqay gobolka Wallo oo aanan xilligaas lahayn tabar ay isaga caabiyaan ciidamada Kasai. Wallo oo ay degganaayeen dad muslimiin ah, ciidamadii Kasay, waxay ula dhaqmeen si ka qallafsan gobolladii kale. Dhaca iyo dilka naxariis-darrada ah waxaa u weheliyay in lagu khasbo in ay diintooda beddelaan oo ay gaaloobaan.

Kasai ma uusan cafin gobolka Shawa ee ka haray degaankii masiixiyiinta, balse sida uu kuwii kale ugu soo duulay ayuu iyadana xoog ugu qabsaday, halkaas oo uu ku dilay boqorkii Shawa Sahle Salaese oo ahaa Menelik aabihiis. Menelik oo markaas la oran jiray Haile Malakut, isaga oo 10 jir ah ayaa maxbuus ahaan loo ka xaystay. Kasai markii uu ku guuleystay in uu hanto gobolladii masiixiyiinta dhamaantood iyo weliba dhul siyaado ah oo ay lahaaeen muslimiin ah reer Oromo, ayuu markay taariikhdu ahayd 7/ 2- 1855-kii wuxuu isa saaray taajkii
Embraadooiyadda. Markaas buu wuxuu la baxay Empire Asai Tewdros (Tewdros II). Sidaas buu Embraadoor ku noqday wiilkii agoonka ahaa, shuftada ahaa, aqoonta keliya oo uu lahaana ay ahayd curaafyaysi. (Barkhat : 1972. 521-524).

Asai Tewdros, gacantii adkayd oo uu wax ku maamlayay darteed ayuu wuxuu ku waayay in taariikhdiisii loo qiimeeyo sida boqorrada kale ee iska
dhaxlay maamulladii soo maray degaanka maanta Itoobiya loo yaqaan. Waxaase la hubaa in uu dhisay xoog ciidan oo hanaanka urursanaantooda ay saraysay. Dadka tirada badan oo uu dagaallada ku laayay ka sokow, Asai Tewdros wuxuu laayay dad badan oo rayid ahaa kana mid ahaa dadwaynihii uu odayga u ahaa. GoŽaamo uu boqorkaasi soo jeediyay ayaa waxaa kamid ahaa in la reebo ganacsiga adoonsiga iyo in dowladdu ay la wareegto dhulka beeraha ku wanaagsan oo ay kaniisaduhu lahaayeen. Hirgelintii goŽaamadaasi ayaa dadka badankood lagu laayay. Bahalnimadii boqorkan waxaa tilmaamaya, 2000 oo qof oo uu aano ahaan u dilay mar ay niman shufto ahi dileen qonsulkii Ingiriiska u fadhiyay magaalo-madaxdi boqorka Maqdella Sir. Walter G. Bladown, sanadkii 1862-kii. Boqork, ganaaxa intaa leŽeg ee uu u gaystay dadkiisii wuxuu ku doonayay
in uu wanaag u muujiyo Ingiriiska si uu kaalmo ciidameed uga helo.

Asai Tewdros, bilowgii xukunkiisa waxay dhambaallo iswaydaarsadeen boqoraddii Ingiriiska ee caanka ahayd Queen Victoria, iyaga oo hadiyado isu diraya isla markaasna is-dhaafsaday ereyo macaan oo ay ku xoojinayeen saaxiibtinimada labada qoys iyo labada maamul. Qoraal kamid ah kuwii uu Asai u diray boqoradda ayaa sidatan ahaa :

" Magaca aabaha, wiilka iyo ruuxda dahiran. Ilaah keliya oo saddex muuq ah.

Ka socota : Midka la soo saaray isaga oo harsanaya naxariista Eebe, boqorkii boqorrada, Embraadoorkii Itoobiya.

Ku socota : Victooriya-da sareysa, boqoradda Ingiriiska.

Aabayaashaya waxay ilaaween abuurahoodii, markaas buu awooddii ka wareejiyay gacantoodii oo wuxuu ku wareejiyay Gaalla iyo Turki. Laakiin Eebe aniguu i helay oo dhulka iga soo qaaday, taladii Embraadooriyaddana anuu ii gacan geliyay si aan u xukumo. Eebe wuxuu igu manaystay awood xaggiisa ka ahaatay, taas ayaa ii suuragelisay in aan soo ceshado dhulkii aabayaashay ............. ". (The Blue Nile. by Alan Moorhead).

Qoraalladaa quruxda badn ayuu boqorku ku waydiistay boqoradda in laga kaalmeeyo xagga dhismaha ciidamada. Wuxuu si gaar ah u codsaday rasaas iyo rag khubaro ah oo aqoon u leh culuumta dagaalka, isaga oo ku beer-laxawsanaya, sidii boqorradii ka horeeyay iyo kuwii ka dambaayayba, in ay ku hareeraysan yihiin ummado muslimiin ah. Waraaqahaasi ma noqon kuwo isu soo dhoweeya labadii maamul. Sababtu waxay ahayd, boqorka Amxaarada wuxuu doonayay in uu dekadda Masawac ku duulo oo qabsado si uu u helo irid uu dunida kala xiriiro. Ingiriiska arintaas ma doonayn, waayo wuxuu dhowrayay heshiiska wanaagsan oo uu la lahaa Turkida iyo Masar. Waxaa xusid mudan in xilligaasi uu ahaa intaanan weli la furin kanaalka Suweys. Inkasta oo Ingiriisku uu fariisin ku yeeshay Cadan, Faransiiskuna Obokh, misana dowladaha Turkida iyo Masar ayaa ku gacan sareeyay degaamada ay maraan biyaha badda Cas. Sidaa darteed, xafiiskii Ingiriiska u qaabilsanaa siyaasadda dibadda maŽuusan siin wax qiimo ah codsigii boqor Kasai.

Boqorkii Amxaarada, wuxuu ka xumaaday sida loo yasay, iyadoo xataa aanan wax jawaab ah lagu soo celin. Haddaba si uu culays u saaro Ingiriiska, isuna muujiyo in uu dowlad yahay, ayuu wuxuu xabsiga u taxaabay dad Ingiriis ahaa oo ku noolaa dalkiisa. Waxaa kamid ahaa qunsulkii Ingiriiska u fadhiyay Maqdella Cap. Charles Cameron, isaga oo markaas ka soo laabtay dalka Masar oo uu howl ugu maqnaa. Ingiriiskii iyaga oo ka xumaaday falka boqorka Xabashida ayuu wuxuu diyaariyay ciidan ku duula dowladda uu boqorku dhistay. Diyaargarowga ciidankaan, taariikhda gumaystayaasha laguma xusin mid la nooc ah, waayo Ingiriiska cududdiisii ayuu dibadda soo dhigay. Ciidamadaas oo tiradoodu ay ka badnayd 33.000 oo nin waxaa hoggaamiye looga dhigay nin kamid ahaa saraakiisha Ingiriiska kuwoodii ugu qiimaha badnaa. Ninkaasi oo magaciisa la yiraahdo Sir. Robert Napier, wuxuu ahaa sarkaal sare, wuxuuna horay uga qayb galay in badan oo kamid ah dagaaladii waawaynaa ee ciidamada Ingiriiska ay ku galeen Hindiya iyo Shiinaha.

Ciidamadaasi dhamaantood waxaa laga keenay dalka Hindiya, waxayna isugu jireen Hindi iyo Ingiriis. Inkasta oo 280 doonyood ay ka qayb qaateen daad-guraynta ciidanka, misana mddo dhowr bilood ah ayay qaadatay. Dabayaaqadii bishii disember 1868-kii ayaa horaankii ciidamadaasi waxay
ka soo kaceen magaalada Bombay ee dalka Hindiya, kuwaas oo bishii maarso 1869-kii ka soo degay dekadda magaalada Sowla oo dhanka koonfureed ka xigta Masawac. Kooxahaasi hore ee ciidmada, waxay isugu jireen injineero iyo farsamo-yaqaano loogu tala galay in ay habeeyaan waddooyinkii ay ciidamadu sii mari lahaayeen. Jeneral Napier, intuusan wax duulaan ah qaadin, dhambaal ayuu u diray boqorkii Xabashida, wuxuuna ku yiri sidatan :

" Boqoradda saraysa ee Ingiriiska ayaa waxay i amartay in aad si dhakhso ah u soo daysaan dadka aad xirateen oo wax xuquuq ah aydnaadan ku lahayn. Dadkaas oo nabad qabana waa in aad soo gaarsiisaan xeryaha ciidamada Ingiriiska. Haddii aydnaadan ka jawaabin arinkan, waxaa lay siiyay amaro kale oo aan ku soo hoggaamiyo ciidan soo fara gelinaya dalkiina. Howlaha ciidamaduna joogsan maayaan illaa aan dhamaystiro muhimadda aan u imid. Boqoraddayda doonimayso in ay idin ka hor istaagto xuquuqda aad u leedihiin hantidiina, mana doonayso in ay baabiŽiso boqortooyadiina. Waxaase muuqata, natiijada aanan laga fursanayn ee ah dagaalka la filayo in uu dhaco ay caynkaas tahay. Mudnaantaada ! waxaad awooddaa in aad ka dheeraato khatarta noocaas ah haddii aad maxaabiista, iyaga oo nabad qaba, si degdeg ah ku soo dayso. Haddiise iyaga oo nabad qaba aadan soo dayn, haddii dhibaatada aad ku haysid ay sii socoto ama si ay kahdaan loola dhaqmo, idinka ayaa arinka ka masuul noqonaya, mana dhacayso in mar kale lays cafiyo ". (The Blue Nile. pp. 385-386).

Boqorkii Amxaarada, qoraal uu arintan kaga jawaabayay ayaa waxaa kamid ahaa sidatan :

" Boqoraddaadu waxay ku siin kartaa amar aad ku soo booqato kuwa cadowgayaga ah, dabadeedna aad dib ugu laabato Masawac. Laakiin, mayeeli karto in ay warqaddaydii ay si rayid ah uga soo jawaabto. Idiin siidayn maayo inta aan jawaab ka helayo ".

Markii uu boqorkii Amxaarada ka madax adaygay codsigii Ingiriiska ayaa ciidamadii ku soo dhaqaaqeen xaggiisii. 21-kii bishii maarso, ciidamadii
waxay soo degay meel buuro dushood ah, halkaas oo ay uga muqatay magaaladii Maqdella. Sagaalkii bishii abriil ayaa labadii ciidan waxay isku heleen meel lagu magacaabo Arogi, halkaas oo loogu magac daray dagaalkaas.

Ciidamadii Xabashida oo goostay in ay iyagu bilaabaan dagaalka ayaa weerar soo qaaday. Taasi waxay noqotay mid eeyan mahadin oo dhaawac xooggan ayaa ku yimid. Sababtuna waxay ahayd, hubkii casriga ahaa oo ay ciidamada Ingiriisku wateen ka sokow, waxay gacan ka heleen qowmiyadihii uu boqorku horay u qabsaday Oromo, Tigray iyo Shawa. Hiilada noocaas ahina waa arrin lagu yaqaan maamullada ku dhisan hanaanka yeeriska (dictation) ah, kaas oo bisleeya miro (shacab) ay gurtaan cid kasta oo mucaarad ah. Xabashidii waxaa maalintaas laga dilay 500 oo nin, dhaawacooduna wuxuu ahaa kumanyaal. Halka Ingiriiska laga dhaawacay labo sarkaal iyo 27 askari. Ciidamadii Ingiriiska iyo Hindida waxay galeen Maqdella 15-kii maarso. Saddex cisho dabadeedna magaaladii oo idil, wixii aanan kaniisadaha ahayn, dab ayay qabad siiyeen. Sidaas baa magaal-madaxdii Xabashida ay ku noqotay habaas ay dabayluhu hadba dhan u afuufaan. Embraadoor Asai Tewdros, intaanan la qaban ayuu bastoolad uu
sitay madaxa isaga toogtay. Ogow oo nolosha foolxumadaas ku ebyoota, waxaa boqorka la wadaaga ninkasta oo addoomada Eebe ku gabood-fala. Sidaasna waxaa ku dhamaaday taliskiisii. Ciidamadii Ingiriiskii iyo Hindida kuma eeyan daahin Maqdella iyo dhulkii Xabashida ee si degdeg ah ayay uga baxeen, iyaga oo ku laabtay dalka Hindiya. Sababtu waxay ahayd, ururadii kaniisadaha addunka ayaa ku kacay iyaga oo ku dacwaynaya in Ingiriisku burburiyay dowladda qura ee masiixiyadda aaminsan ee ka jidha bariga Afrika.

Markii uu jabay Asai Tewdros, Ingiriiskiina uu baxay, mar kale ayaa gobolladii waxaa ka bilawmay xasillooni laŽaan siyaasadeed. Taas oo ay sababeen saddex xoog oo ku hardamayay hoggaankii degaanka. Mid wuxuu ahaa Kasa Merkha oo boqor ka ahaa gobolka Tigraay, midna wuxuu ahaa Takla Giorgis oo boqor ka ahaa gobolka Amxaarada, midka kalena wuxuu ahaa Haile Malakut (Menelik) oo boqor ka ahaa gobolka Shawa. Waxaa xusid mudan, in Haile Malakut, isaga oo 20 jir ah uu ka soo baxsaday xaruntii boqorkii Maqdella sanadkii 1865-kii. Halkaas oo 10 sano uu maxbuus ahaan ugu noolaa. Haile markii uu gaaray degaankii Shawa oo awoowayaashiis ay ka talin jireen, si wanaagsan ayaa loo soo dhoweeyay. Dabadeed waxaa loo caleemo saaray in uu boqor ka noqdo. Boqorka Tigrayga Kasa Merkha oo ku xoog roonaaday maamulkii gobollada ayaa markay taariikhdu ahayd 1972-kii wuxuu isu caleema saaray Embraadoor, halkaas oo uu kula baxay Yohannis IV.

Saadiq Enow

 

.Casharadii hore

Saadiq Enow


Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001