|
GOORTII
DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!
Casharkii X-aad
Xoogaggii gumaysiga ee reer Yurub, inteeyan u hirgelin siyaasaddoodii
ku wajahnayd Soomaaliya ee boobka ku dhisnayd, qowmiyadaha masiixiga
ah ee Soomaalida la deriska ah waxay ahaayeen kuwo aanan urursanayn.
Waxay lahaayeen maamul-goboleedyo kala madax-bannaan, kuwaas
oo is-maandhaafka iyo colaaddu ay dhaqan u ahayd, taariikhahooduna
waxaa ku xusan inbadana oo kamid ah dagaalada maato-dooxa ah
oo ay isaga hor yimaadeen. Gobolladaasi, mid waliba wuxuu lahaa
maamul u gaar ah, isla-markaasna waxaa mid waliba gudaheeda
ka taagnaa khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale.
Bartamihii qarnigii 19-aad, maamul-goboleedyadu waxay u
dhisnaayeen sidatan :
1. Gobolka Tigray : Waa gobolka
u xiga dhanka waqooyiga, waxaana ku noolaa dadka ugu badnaa
uguna ilbaxsanaa. Waa gobolkaas halka laga soo abaabuli jiray
duulaamadii Soomaalida kaga iman jiray dadyowga masiixiga ah.
Dhismaha dhulkooduna waa mid sareeya oo buraly ah.
2. Gobolka Baqamaar (Amxaaro)
: Waxaa loo yaqaan dhulkii casaa, sababtuna waa tira-badnida
dadka Amxaarada ah ee lagu laayay dagaaladii ay la
galeen qowmiyadaha muslimka ah oo ay Soomaalidu kamidka tahay.
Gobolku waa buralay, wuxuuna ku yaal koonfurta gobolka Tigray.
Dhanka galbeed wuxuu xuduud la leeyahay Suudaan.
3. Gobolka Goojam : Macnaheedu
waa dhulkii mdullada. Wuxuu ka hooseeyaa gobolka Baqamaar, waana dhul biyo badan oo waxaa ku yaal
harada Taana iyo webiga Niilka Bey-madow (The Blue Nile). Dadka gobolkan waxay ku caan
yihiin deeq iyo geesinimo.
4. Gobolka Wallo : Wuxuu ku yaal
koonfur-bari gobolka Tigray, waxaana ku nool qowmiyado muslim
ah. Gobolku wuxuu si joogto ah ula kulmi jiray
duulimaadyo kaga imanayay boqorrada masiixiga ah, kuwaas oo
dadaal ugu jiray in ay gaaleeyaan dadka muslimka ah ee isgu
jiray Oromada iyo Cafarta.
5. Gobolka Shawa : Degaanka gobolkan
wuxuu ahaa halka ay ka curatay ilbaxnimadii dadkii reer Ayfaat
ee ka horaysay tii reer Awdal. Ilbaxnimadaasi waxaa curiyay
dadka muslimka ah ee geeska Afrika ku nool. Dagaalkii Axmad
Guray dabadiis, markii la naafeeyay Soomaalidii, muddo nus qarni
ah ka bacdi ayaa Xabashidu si tartiib ah ula wareegeen degaankan.
Gobolkaasi wuxuu ku yaal bartamaha dalka Itoobiya, waana dhul
sareeya oo roobabku ay ku badan yihiin.
Qowmiyaadkaas masiixiga ah horay (Taariikhda) uma yeelan
maaml dhexe oo ay heshiis ku yihiin, balse waxaa u dhexeyn jiray
dagaalo ay guushu kaltan u ahayd. Midnimada gobolladaasi iyo
muuqaalka hanaanka dowliga ah oo Itoobiyada maanta ay haysato,
tallaalkeedu wuxuu ka dambeeyay aragti siyaasadeed ee uu ku
dhul fidsanayay ninka la oran jiray Kasai
Haile, kaas oo bartamihii qarnigii 19-aad, gabood-fal
badan dabadeed, kamid noqday ragga tilmaaman ee iska dhaxlay
hoggaanka siyaasadeed ee qowmiyadkaas masiixiga ah.
Aragtida Kasai Haile uu
ku mideeyay gobollada ay masiixiyiintu degaan, ma eeyan dhaafsiisnayd
xukun raadis. Ninkaasi wuxuu ku koray agoonimo. Aabihiis, Haile Giorges, wuxuu dhintay sanadkii 1827-kii,
isaga oo Kasai uu wiil yar
yahay. Hooyadiis waxay iibin jidhay daawo lagu magacaabi jiray
Kooso oo Amxaarada ay isaga
daween jireen dixiriga ka dhasha hilibka cayriinka ah oo ay
cunaan. Isaga oo yar ayaa hooyadiis waxay u dirtay tuulo lagu
magacaabo Dayr ee ku taal galbeedka gobolka Amxaarada,
halkaas oo ay doonaysay in uu ku barto curaafyaysiga. Adeerkiis
oo halkaas deganaa ayaa kafaala qaaday noloshii wiilka agoonka
ah. Adeerku wuxuu oday u ahaa koox shufto ah oo boob iyo dhac
ku hayay ganacsatada muslimka ah ee deganaa xuduudda Sudaan.
Kasai isaga oo wiil yar
ah ayuu ku biiray kooxdii adeerkiis, waxaana xiiso geliyay nolosha
shuftaysiga ah oo uu adeerku odayga ka ahaa. Kasai,
muddadii uu shuftada la dhaqmayay ayuu wuxuu muujiyay geesinimo
iyo xeel-dheeri dagaal, taas oo ay u bogeen kooxdii shuftada
ahayd. Arrintaasi waxay sababtay in Kasai
uu hoggaamiye u noqdo shuftadii kaddib markii uu adeerkiis geeryooday.
Markaas buu bilaabay in uu kordhiyo boobkii iyo bililiqaysigii
uu ku hayay dadyowgii la deriska ahaa ee isugu jira muslimiinta
iyo Amxaarada.
Dhibaatooyinkii badnaa ee uu geystay darteed, Kasai wuxuu ku helay magac baxay. Boqoraddii
xilligaas ka talinaysay gobolka Amxaarada Waizar, ayaa Kasai waxay u magacawday in uu oday ka noqdo
ciidamadeeda, kaddib markii ay gabadheeda u guurisay. Dabadeedna
af-gembi ayuu taladii kagala wareegay. Intaas gama harine wiil
ay dhashay oo la oran jiray Raas Cali,
ayuu Aashaca ku dilay sanadkii 1853-kii. Kasai wuxuu markiiba dagaal ku qaaday gobolka
Goojam oo uu ku guulaystay in uu
qabsado kaddib markii uu is-dhiibay boqorkoodii ahaa Ras Bayrogosh. Boqorku wuxuu u yimid Kasay
isaga oo madaxa ku sida dhagax wayn si uu u muujiyo daciifnimo
iyo is-dullayn. Guulahaas is-daba jooga ah ayaa sakhrad ku riday
Kasai, markaas buu wuxuu ku
fekeray in uu ku duulo boqortooyada daŽda wayn ee Tigray, taas
oo hadduu ka guulaysto, hoggaankeeda diineed darteed, uu ku
heli karo in uu degaanka ka noqdo Embraadoor. Kasai muddo badan kuma qaadan in uu isu diyaariyo
duulaanka Tigray-ga. Dagaalkii
dhexmaray labada qolo, Tigray-gii waxay ka muujiyeen geesinimo iyo
aqoon dagaal. Hadduusan jireen boqorkooda Dedjakh Awbi oo daŽdiisu wayneed, waxaa adkaan
lahayd in ciidamadooda la jebiyo. Dedjakh Awbi oo geed ku hoos nasanayay ayaa waxaa
helay cidamadii Kasai, halkaas
oo ay ku dileen. Ciidamadii Tigray-ga, markii ay ogaadeen in boqorkoodii
la dilay waa ay kala furfurteen, dabadeedna halkaas ayay ku
jabeen. Kasai, oo ahaa nin
gacan adag wax ku maamula, ayaa geesiyaashii reer Tigray inta
gumeeyay sidii addoomadii ula dhaqmay. Dabadeed wuxuu u dhaqaaqay
gobolka Wallo oo aanan xilligaas
lahayn tabar ay isaga caabiyaan ciidamada
Kasai. Wallo oo
ay degganaayeen dad muslimiin ah, ciidamadii Kasay, waxay ula
dhaqmeen si ka qallafsan gobolladii kale. Dhaca iyo dilka naxariis-darrada
ah waxaa u weheliyay in lagu khasbo in ay diintooda beddelaan
oo ay gaaloobaan.
Kasai ma uusan cafin
gobolka Shawa ee ka haray degaankii masiixiyiinta, balse sida
uu kuwii kale ugu soo duulay ayuu iyadana xoog ugu qabsaday,
halkaas oo uu ku dilay boqorkii Shawa Sahle
Salaese oo ahaa Menelik
aabihiis. Menelik oo markaas la oran jiray Haile Malakut, isaga oo 10 jir ah ayaa maxbuus
ahaan loo ka xaystay. Kasai markii uu ku guuleystay in uu hanto
gobolladii masiixiyiinta dhamaantood iyo weliba dhul siyaado
ah oo ay lahaaeen muslimiin ah reer Oromo, ayuu markay taariikhdu
ahayd 7/ 2- 1855-kii wuxuu isa saaray taajkii
Embraadooiyadda. Markaas buu wuxuu la baxay Empire
Asai Tewdros (Tewdros II).
Sidaas buu Embraadoor ku noqday wiilkii agoonka ahaa, shuftada
ahaa, aqoonta keliya oo uu lahaana ay ahayd curaafyaysi. (Barkhat : 1972. 521-524).
Asai Tewdros, gacantii adkayd oo uu wax
ku maamlayay darteed ayuu wuxuu ku waayay in taariikhdiisii
loo qiimeeyo sida boqorrada kale ee iska
dhaxlay maamulladii soo maray degaanka maanta Itoobiya loo yaqaan.
Waxaase la hubaa in uu dhisay xoog ciidan oo hanaanka urursanaantooda
ay saraysay. Dadka tirada badan oo uu dagaallada ku laayay ka
sokow, Asai Tewdros wuxuu
laayay dad badan oo rayid ahaa kana mid ahaa dadwaynihii uu
odayga u ahaa. GoŽaamo uu boqorkaasi soo jeediyay ayaa waxaa
kamid ahaa in la reebo ganacsiga adoonsiga iyo in dowladdu ay
la wareegto dhulka beeraha ku wanaagsan oo ay kaniisaduhu lahaayeen.
Hirgelintii goŽaamadaasi ayaa dadka badankood lagu laayay. Bahalnimadii
boqorkan waxaa tilmaamaya, 2000 oo qof oo uu aano ahaan u dilay
mar ay niman shufto ahi dileen qonsulkii Ingiriiska u fadhiyay
magaalo-madaxdi boqorka Maqdella Sir. Walter G. Bladown, sanadkii 1862-kii.
Boqork, ganaaxa intaa leŽeg ee uu u gaystay dadkiisii wuxuu
ku doonayay
in uu wanaag u muujiyo Ingiriiska si uu kaalmo ciidameed uga
helo.
Asai Tewdros, bilowgii
xukunkiisa waxay dhambaallo iswaydaarsadeen boqoraddii Ingiriiska
ee caanka ahayd Queen Victoria, iyaga oo hadiyado isu diraya
isla markaasna is-dhaafsaday ereyo macaan oo ay ku xoojinayeen
saaxiibtinimada labada qoys iyo labada maamul. Qoraal kamid
ah kuwii uu Asai u diray boqoradda
ayaa sidatan ahaa :
" Magaca aabaha, wiilka iyo ruuxda dahiran. Ilaah keliya
oo saddex muuq ah.
Ka socota : Midka la soo saaray isaga oo harsanaya naxariista
Eebe, boqorkii boqorrada, Embraadoorkii Itoobiya.
Ku socota : Victooriya-da
sareysa, boqoradda Ingiriiska.
Aabayaashaya waxay ilaaween abuurahoodii, markaas buu
awooddii ka wareejiyay gacantoodii oo wuxuu ku wareejiyay Gaalla
iyo Turki. Laakiin Eebe aniguu i helay oo dhulka iga soo qaaday,
taladii Embraadooriyaddana anuu ii gacan geliyay si aan u xukumo.
Eebe wuxuu igu manaystay awood xaggiisa ka ahaatay, taas ayaa
ii suuragelisay in aan soo ceshado dhulkii aabayaashay .............
". (The Blue Nile. by Alan Moorhead).
Qoraalladaa quruxda badn ayuu boqorku ku waydiistay boqoradda
in laga kaalmeeyo xagga dhismaha ciidamada. Wuxuu si gaar ah
u codsaday rasaas iyo rag khubaro ah oo aqoon u leh culuumta
dagaalka, isaga oo ku beer-laxawsanaya, sidii boqorradii ka
horeeyay iyo kuwii ka dambaayayba, in ay ku hareeraysan yihiin
ummado muslimiin ah. Waraaqahaasi ma noqon kuwo isu soo dhoweeya
labadii maamul. Sababtu waxay ahayd, boqorka Amxaarada wuxuu
doonayay in uu dekadda Masawac ku duulo oo qabsado si uu u helo
irid uu dunida kala xiriiro. Ingiriiska arintaas ma doonayn,
waayo wuxuu dhowrayay heshiiska wanaagsan oo uu la lahaa Turkida
iyo Masar. Waxaa xusid mudan in xilligaasi uu ahaa intaanan
weli la furin kanaalka Suweys. Inkasta oo Ingiriisku uu fariisin
ku yeeshay Cadan, Faransiiskuna Obokh, misana dowladaha Turkida
iyo Masar ayaa ku gacan sareeyay degaamada ay maraan biyaha
badda Cas. Sidaa darteed, xafiiskii Ingiriiska u qaabilsanaa
siyaasadda dibadda maŽuusan siin wax qiimo ah codsigii boqor
Kasai.
Boqorkii Amxaarada, wuxuu ka xumaaday sida loo yasay, iyadoo
xataa aanan wax jawaab ah lagu soo celin. Haddaba si uu culays
u saaro Ingiriiska, isuna muujiyo in uu dowlad yahay, ayuu wuxuu
xabsiga u taxaabay dad Ingiriis ahaa oo ku noolaa dalkiisa.
Waxaa kamid ahaa qunsulkii Ingiriiska u fadhiyay Maqdella Cap. Charles Cameron, isaga oo markaas ka
soo laabtay dalka Masar oo uu howl ugu maqnaa. Ingiriiskii iyaga
oo ka xumaaday falka boqorka Xabashida ayuu wuxuu diyaariyay
ciidan ku duula dowladda uu boqorku dhistay. Diyaargarowga ciidankaan,
taariikhda gumaystayaasha laguma xusin mid la nooc ah, waayo
Ingiriiska cududdiisii ayuu dibadda soo dhigay. Ciidamadaas
oo tiradoodu ay ka badnayd 33.000 oo nin waxaa hoggaamiye looga
dhigay nin kamid ahaa saraakiisha Ingiriiska kuwoodii ugu qiimaha
badnaa. Ninkaasi oo magaciisa la yiraahdo Sir.
Robert Napier, wuxuu ahaa sarkaal sare, wuxuuna horay
uga qayb galay in badan oo kamid ah dagaaladii waawaynaa ee
ciidamada Ingiriiska ay ku galeen Hindiya iyo Shiinaha.
Ciidamadaasi dhamaantood waxaa laga keenay dalka Hindiya,
waxayna isugu jireen Hindi iyo Ingiriis. Inkasta oo 280 doonyood
ay ka qayb qaateen daad-guraynta ciidanka, misana mddo dhowr
bilood ah ayay qaadatay. Dabayaaqadii bishii disember 1868-kii
ayaa horaankii ciidamadaasi waxay
ka soo kaceen magaalada Bombay ee dalka Hindiya, kuwaas oo bishii
maarso 1869-kii ka soo degay dekadda magaalada Sowla oo dhanka
koonfureed ka xigta Masawac. Kooxahaasi hore ee ciidmada, waxay
isugu jireen injineero iyo farsamo-yaqaano loogu tala galay
in ay habeeyaan waddooyinkii ay ciidamadu sii mari lahaayeen.
Jeneral Napier, intuusan wax duulaan ah qaadin, dhambaal ayuu
u diray boqorkii Xabashida, wuxuuna ku yiri sidatan :
" Boqoradda saraysa ee Ingiriiska ayaa waxay i amartay
in aad si dhakhso ah u soo daysaan dadka aad xirateen oo wax
xuquuq ah aydnaadan ku lahayn. Dadkaas oo nabad qabana waa in
aad soo gaarsiisaan xeryaha ciidamada Ingiriiska. Haddii aydnaadan
ka jawaabin arinkan, waxaa lay siiyay amaro kale oo aan ku soo
hoggaamiyo ciidan soo fara gelinaya dalkiina. Howlaha ciidamaduna
joogsan maayaan illaa aan dhamaystiro muhimadda aan u imid.
Boqoraddayda doonimayso in ay idin ka hor istaagto xuquuqda
aad u leedihiin hantidiina, mana doonayso in ay baabiŽiso boqortooyadiina.
Waxaase muuqata, natiijada aanan laga fursanayn ee ah dagaalka
la filayo in uu dhaco ay caynkaas tahay. Mudnaantaada ! waxaad
awooddaa in aad ka dheeraato khatarta noocaas ah haddii aad
maxaabiista, iyaga oo nabad qaba, si degdeg ah ku soo dayso.
Haddiise iyaga oo nabad qaba aadan soo dayn, haddii dhibaatada
aad ku haysid ay sii socoto ama si ay kahdaan loola dhaqmo,
idinka ayaa arinka ka masuul noqonaya, mana dhacayso in mar
kale lays cafiyo ". (The Blue Nile. pp. 385-386).
Boqorkii Amxaarada, qoraal uu arintan kaga jawaabayay ayaa
waxaa kamid ahaa sidatan :
" Boqoraddaadu waxay ku siin kartaa amar aad ku soo booqato
kuwa cadowgayaga ah, dabadeedna aad dib ugu laabato Masawac.
Laakiin, mayeeli karto in ay warqaddaydii ay si rayid ah uga
soo jawaabto. Idiin siidayn maayo inta aan jawaab ka helayo
".
Markii uu boqorkii Amxaarada ka madax adaygay codsigii Ingiriiska
ayaa ciidamadii ku soo dhaqaaqeen xaggiisii. 21-kii bishii maarso,
ciidamadii
waxay soo degay meel buuro dushood ah, halkaas oo ay uga muqatay
magaaladii Maqdella. Sagaalkii bishii abriil ayaa labadii ciidan
waxay isku heleen meel lagu magacaabo Arogi, halkaas oo loogu magac daray dagaalkaas.
Ciidamadii Xabashida oo goostay in ay iyagu bilaabaan dagaalka
ayaa weerar soo qaaday. Taasi waxay noqotay mid eeyan mahadin
oo dhaawac xooggan ayaa ku yimid. Sababtuna waxay ahayd, hubkii
casriga ahaa oo ay ciidamada Ingiriisku wateen ka sokow, waxay
gacan ka heleen qowmiyadihii uu boqorku horay u qabsaday Oromo, Tigray iyo
Shawa. Hiilada noocaas ahina waa
arrin lagu yaqaan maamullada ku dhisan hanaanka yeeriska (dictation) ah, kaas oo bisleeya miro (shacab)
ay gurtaan cid kasta oo mucaarad ah. Xabashidii waxaa maalintaas
laga dilay 500 oo nin, dhaawacooduna wuxuu ahaa kumanyaal. Halka
Ingiriiska laga dhaawacay labo sarkaal iyo 27 askari. Ciidamadii
Ingiriiska iyo Hindida waxay galeen Maqdella 15-kii maarso.
Saddex cisho dabadeedna magaaladii oo idil, wixii aanan kaniisadaha
ahayn, dab ayay qabad siiyeen. Sidaas baa magaal-madaxdii Xabashida
ay ku noqotay habaas ay dabayluhu hadba dhan u afuufaan. Embraadoor
Asai Tewdros, intaanan la
qaban ayuu bastoolad uu
sitay madaxa isaga toogtay. Ogow oo nolosha foolxumadaas ku
ebyoota, waxaa boqorka la wadaaga ninkasta oo addoomada Eebe
ku gabood-fala. Sidaasna waxaa ku dhamaaday taliskiisii. Ciidamadii
Ingiriiskii iyo Hindida kuma eeyan daahin Maqdella iyo dhulkii
Xabashida ee si degdeg ah ayay uga baxeen, iyaga oo ku laabtay
dalka Hindiya. Sababtu waxay ahayd, ururadii kaniisadaha addunka
ayaa ku kacay iyaga oo ku dacwaynaya in Ingiriisku burburiyay
dowladda qura ee masiixiyadda aaminsan ee ka jidha bariga Afrika.
Markii uu jabay Asai Tewdros,
Ingiriiskiina uu baxay, mar kale ayaa gobolladii waxaa ka bilawmay
xasillooni laŽaan siyaasadeed. Taas oo ay sababeen saddex xoog
oo ku hardamayay hoggaankii degaanka. Mid wuxuu ahaa Kasa Merkha oo boqor ka ahaa gobolka Tigraay,
midna wuxuu ahaa Takla Giorgis oo
boqor ka ahaa gobolka Amxaarada, midka kalena wuxuu ahaa Haile
Malakut (Menelik) oo boqor ka ahaa gobolka Shawa.
Waxaa xusid mudan, in Haile Malakut,
isaga oo 20 jir ah uu ka soo baxsaday xaruntii boqorkii Maqdella
sanadkii 1865-kii. Halkaas oo 10 sano uu maxbuus ahaan ugu noolaa.
Haile markii uu gaaray degaankii
Shawa oo awoowayaashiis ay ka talin jireen, si wanaagsan ayaa
loo soo dhoweeyay. Dabadeed waxaa loo caleemo saaray in uu boqor
ka noqdo. Boqorka Tigrayga Kasa Merkha
oo ku xoog roonaaday maamulkii gobollada ayaa markay taariikhdu
ahayd 1972-kii wuxuu isu caleema saaray Embraadoor, halkaas
oo uu kula baxay Yohannis IV.
Saadiq Enow
.Casharadii hore
Saadiq
Enow
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
|