|
GOORTII
DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!
Casharkii
XI-aad
Dowladda
Talyaaniga oo iyaduna uu damac ka galay in ay gumaysato qaybo
kamid ah dhulka Soomaaliyeed ayaa sahamadeedu waxay ka soo horeeyeen
ciidamadii Xabashida ee boobka iyo dhaca inoogu yimid dabayaaqadii
qarnigii 19-aad. Sahamadii Talyaaniga waxay degaanka soo gaareen
bartamihii qarnigii 19-aad. Dowladda Talyaaniga marka ay guddoonsatay
in ay ka qayb qaadato nadaamka boobka k dhisan ee gumaysiga,
ma eeyan lahayn qorshe cad oo ku saabsan dhulkii ay qabsan lahayd.
Sababtu waxay ahayd Talyaaniga oo aanan kamid ahayn dowladaha
ku gaamuray hanaanka siyaasadeed ee Imberiyaaliyadda, sida Ingiriiska
iyo Faransiiska. Balse waxaa jirtay, in markii uu inoo yimid
ay dowladda Talyaanigu curdan ahayd oo ay jirtay 10 sano oo
qura.
Waxaa
xusid mudan, taariikhda daŽda wayn oo Talyaanigu ku abtirsado
ee ka soo jeedda boqortooyadii Roman Impire, in ay dadkii Talyaaniga ahaa dhaxalsiisay, dabayaaqadii
qarnigii 18-aad, in ay u kala fadhiyaan dhowr dowladood oo kala
maamul ah, kuwaas oo qaybo kamid ah gobolladoodii ay haysteen
dowlado shisheeye oo la deris ah. Maamulladii xillgaas ka jiray
Talyaaniga waxay ahaayeen sidan :
1.
Boqortooyada Sardinia : Waxay ka talinayasay gobollada koonfureed, dhulka ka hooseeya
magaalada Roma. Waxaa kale oo ay ka talinaysay jasiiradda Sicilia iyo degmooyin ku yaal
waqooyi-bari ee dalka Talyaaniga. Waxaa maamulkan kamid aha
boqortooyadii Sardinia oo ka koobnayd saddex
gobol Piedmont, Liguria iyo Sardinia. Waxaa kale oo degmooyinkeeda
kamid ahaa Solfarino, Verona iyo Villa Franca.
2.
Boqortooyada Lombardia-Venetia : waxay ka talinaysay waqooyiga iyo waqooyi-galbeed.
Waxay ahayd boqortooyo awood ku lahayd badda, sidaa darteed
bay muddo dhowr qarni ah waxay hoggaaminayasay ganacsiga dunida.
Degmooyinkeeda waxay ahaayeen Venetia, Milan, Austa, Novara, Torino, iyo Genua.
3.
Boqortooyada Naples : Waxay ka hoosaysaa degaanka dowladda Papal-ka, waana gobol ku yaal
xeebaha galbeedka ee dalka Talyaaniga.
4.
Dowladaha Papal-ka : Waxay ku yiileen
bartamaha dalka Talyaaniga, waxayna ahayd dowlad ay baadariyadu
u taliyaan. Waxay caqabad ku ahayd halgankii lagu mideynayay
Talyaaniga tan iyo intii Roma laga qabsaday sanadkii
1870-kii.
5.
Dowladda Austria : waxay haysatay degmooyinka
Treuto iyo Bolzano oo ku yaal waqooyiga.
6.
Faransiisku wuxuu ka haystay gobolka Savoya ee ku yaal waqooyi-galbeed iyo degmo lagu
magacaabo Nizza.
Waxaa
kale oo jiray maamullo yaryar oo ka dhex muuqday degaanka Talyaaniga.
Waxaa kamid ahaa :
1.
Boqortooyada Perma-Piacenza, oo ka talinaysay labada degmo Perma iyo Piaceza.
2.
Boqortooyada Modena, oo iyaduna ka talinaysay labada degmo ee ah Modena iyo Massa.
Waxaa
xusid mudan, inteeyan howl gelin saraakiishii iyo siyaasiyiintii
u halgamay midaynta dowladahan iyo abuurka dowlad dhexe, waxaa
jiray niman aragti dheeraa Idealists ee u dhashay Talyaaniga,
kuwaas oo reebay tallaalkii qowmiyadeed iyo kii midnimo. Taasina
waxay ka dambaysay fikradihii dhaxal-galka ahaa oo ay dad-waynaha
u reebeen, taas oo ay ku fahmeen qiimaha dowladnimada iyo qarannimadu
leedahay. Maqaawiirtii reebay aragtidaasi, saddexda nin ee u
waawaynaa waxay ahaayeen :
Ludovico
Antonio (1672 - 1750) : Wuxuu ahaa taariikhyahan, wadaad mad-habta Roman Catholic, macallin. Wuxuu ku noolaa
magaalada Modena, halkaas oo uu kaga tegay aragtidiisii qowmiyadeed.
Alfieri
Vittorio Conte (1749 - 1803) : Wuxuu ahaa gabyaa ka dhashay qoys hanti leh. Wuxuu
socdaal ku tegey dalal badan oo Yurub kamid ah mddadii u dhexeysay
1767 - 1772. Wuxuu halgan u galay in uu kobciyo dareenka qowmiyadeed
iyo midka waddaninimo ee dad-waynaha Talyaaniga ah. Wuxuu isu
haystay in uu yahay nebi loo soo diray in uu dib u soo nooleeyo
ruuxdii qowmiyadda Talyaaniga.
Genovesi
Antonio (1712 - 1769) : Wuxuu ahaa filosoof, dhaqaalyahan. Wuxuu horseede
ka ahaa in dad-waynaha Talyaaniga ay afkooda qortaan, halka
ay adeegsanayaan qoraalka afka laatiinka.
Aragtidii
ay raggaasi reebeen ayaa Talyaanigii waxay gaarsiisay in muddo
gaaban (1851 - 1861) ay ku guulaystaan in ay xal u helaan khilaafaadkii
siyaasadeed ee dhex yiil dowladihii kala tagsanaa dabadeedna
ay ku midoobaan dowlad dhexe. Ogow oo in la hor mariyo ragga
hal-aburka leh ee aragtida xambaarsan waa arrin ay ku khasban
yihiin ummad waliba oo doonaya in ay dowlad noqdaan. Waana arrinta
ay soomaalidu isugu luga duwan laŽyihiin
Talyaaniga,
markii ay sugeen qarannimadoodii oo ay noqdeen dowlad Yurub
laga xushmeeyo ayay kamid noqdeen saamilaydii adduunka boobka
ku hayay, gaar ahaan geeska Afrika. Haddaanu muuqaal ka bixinno
xaaladdii qallafsanayd ee uu Talyaanigu ku jiray intuusan inoo
iman, waxaanu helaynaa sidatan.
Sanadkii
1796-kii dagaalkii baaxadda waynaa ee Napoleon Ponabarte uu ku qaaday ummadihii
ku noolaa qaaradda Yurub, maamulladii ku jabay dagaalladaas
waxaa kamid ahaa boqortooyadii Sardinia, markaas oo boqorkoodii uu is-dhiibay. Napoleon Ponabarte oo doonayay in uu Yurub
dhamaanteed gacan ku dhigo ayaa markiiba wuxuu u tallaabay maamulladii
kale ee Talyaaniga iyo dhulkii laga haystay, gaar ahaan Leobardi iyo Venetia. Markii uu Napoleon Ponabarte iyo ciidamadiisii ay u
tallaabeen Afrika (Masar) ayaa ciidamadii Austria, iyaga oo ay weheshaan
ciidamo ka socday dalka Russia waxay dagaal ku soo qaadeen gobolladii
Talyaaniga, halkaas oo ay soo celiyeen dhamaan maamulladii horay
u jiray. Napo! ! leon markii uu Yurub ku soo
laabtay, dowladihii uu ku duulay waxaa kamid ahaa kuwii ay Austria ka dhiseen dalka maamullada
oo ay kamid ahaayeen kuwii Talyaaniga. Dagaal ka dhacay meel
la yiraahdo Marenga, sanadkii 1800, ayaa lagu jebiyay ciidamadii Austria. Sidaas ayaa Talyaanigii
mar kale wuxuu kamid noqday maamulkii Faransiiska. Waxaa jiray
gadood uu dad-waynuhu ku diidanaa qaar kamid ah maamulladii
ka jiray Talyaaniga, kuwaas oo mar kasta la caburin jiray. Waxay
fursad heleen xilligii ay socdeen dagaalladii Napoleon. Markii ay ciidamadii Napoleon gacanta ku dhigeen gobolladii
Talyaaniga. Nimankii gadoodka ahaa ayaa waxay horseedayaal ka
noqdeen maamullo ay Faransiisku ka dhiseen qaybo kamid ah degmooyinkii
Talyaaniga. Maamulladaas waxaa kamid ahaa kuwo laga dhisay waqooyiga
Itaalya, sida Liguri, Salpini iyo Cispandani.
Sanadkii
1804-tii, Napoleon wuxuu isa saaray taajkii Embraadoorka, ku xigeenkiisii wuxuu
u doortay wiil ay xaaskiisu dhashay oo la yiraahdo Eugene de Beaharnais. Itaalya oo maamulkiisii
kamid ahaydna wuxuu waali uga dhigay Joseph Ponabarte. Sanadkii 1815-kii, ciidamadii
Napoleon waxaa lagu jebiyay dagaalkii Waterloo, boqorkii Austria ayaa wuxuu fadhi u qabtay
dad matalayay dhamaan maamulladii Talyaaniga horay uga jiray
iyo kuwii gadoodka waday oo Napoleon gacan-saarka la lahaa. Fadhigaasi wuxuu ka dhacay
Vienna magaalo-madaxdii Austria. Fadhigii waxaa ka soo
baxay sidatan :
Victor
Emanuel II oo ahaa boqorkii Sardinia, wuxuu helay dhamaan dhulkii uu ka talin
jiray.
Boqorka
Austria wuxuu helay Lombardia iyo Venetian.
Baadarigii
u talinayay dowladdii Papal-ka, wuxuu helay magaalada Roma iyo qayb kamid ah dhulka
ku yaal bartamaha Itaalya.
Fernand
I, wuxuu isna boqor ka noqday
koonfurta Itaalya iyo jasiiradda Sicilia.
Nimankii
kacaanyahanka ahaa waxay lumiyeen maqaamkii siyaasadeed oo ay
tiigsanayeen kaddib markii ay ku qadeen fadhigii. Markaas baa
waxaa bilawday in uu soo shaac baxo dhaqdhaqaaq abuurmay xilligii
ay ciidamada Napoleon ka talinayeen degaanka,
kaas oo la oran jiray Carbonari oo la macna ah Dhuxulley. Dhaqdhaqaaqan oo ay
ku bahoobeen dad-wayne u badan dabaqadda dhaexe, gaar ahaan
saraakiisha ciidamada iyo ragga ka shaqeeya xafiisyada dowladaha,
ayaa wuxuu dalbanayay in dalku yeesho dastuur lagu dhaqmo iyo
in dadka Talyaaniga ahi ay yeeshaan dowlad mid ah.
Kacdoonkii
dalka Spania, sanadkii 1820-kii, ayaa wuxuu xoojiyay dhaqdhaqaaqii Carbonari. Taasi waxay xasilooni
darri ku keentay qaar kamid ah maamulladii Talyaaniga, gaar
ahaan kuwii waaweynaa sida Sardinia iyo Neaple. Boqorradii labadaas maamul waxaa lagu
khasbay in ay dastuur sameeyaan. Sanadkii 1821-kii, boqortooyadii
Austria ayaa faraha la soo gashay
arrimihii gudaha ee labadan maamul si ay u badbaadiyaan nadaamkii
dhisnaa. Waxaa halkaas lagu muquuniyay kacdoonkii iyo raggiisii.
Sanadihii xigay waxaa dalka Talyaaniga ka dhacay gabood-fal
badan oo lagu cadaadinayay xubnihii ururka. Qaar badan oo kamid
ahaa waa la laayay, kuwo kalena dalka ayay isaga carareen. Waxaa
arrintaa weheliyay hoos u dhac dhaqaale sababtay in saboolnimadu
ay ku baahdo degaanka. Sanadkii 1830-kii waxaa dhacay kacdoonkii
la magac ba! ! xay july revolution, oo ay horseedayaal ka ahaayeen Carbonari. Waxaa uu xasilooni darri
ku riday degmooyin ay kamid tahay Emilia oo uu baadarigu ka talinayay.
Ciidamadii boqortooyada Austria ayaa mar kale maquniyay
kacdoonkii.
Labadaas
fashilaad ee ku timid ururkii Carbonari ayaa sababtay in ururkii
uu baabaŽo bartamihii sanadihii 1830-aadkii. Wuxuuse u xuub
siibtay urur cusub oo la yiraahdo Dhallinyarada Talyaaniga Giovane Italia, kuwaas oo uu oday ka
ahaa Giuseppe Mazzini oo kamid ahaa dhuxllaydii. Ururku wuxuu xoog
saaray xagga dicaayadda, maadaama ay ku fashilmeen gacan ka
hadalkii. Waxaa dhinac socday dhaqdhaqaaq kale oo ay rag muxaafid
ahi abaabuleen, waxaana oday ka ahaa Vincezo Gioberti. Nikaas oo isaga qudhiisu qabay aragtida midnimada
Itaalya ayaa wuxuu kuwa kale kaga duwanaa, baadariga wayn oo
uu u arkay in uu yahay nin ay dad-waynaha Talyaaniga isugu iman
karaan. Aragtida V. Gioberti iyo raggiisii ayaa xoogowday
sanadkii 181846-kii, markaas oo duqa baadariyada loo doortay
Pius IX, kaa! ! s oo wax badan
debciyay sharciyadii diinta. Magaca baadarigan ayaa wuxuu kamid
noqday halheysyada qaranka, markaas oo ay hanaqaaday hal ku
dheggii ahaa (Vivo Pio Nono). Dhaqdhaqaaqyadaas oo
ka turjumayay baraarugii siyaasadeed ee lagu mideeyay Talyaaniga
ayaa lagu magacaabaa Risorgimento (dib u noolaansho).Waxaa kale oo eraygan la oran
jiray wargays uu soo saari jiray xilligaas nin kamid ahaa dhuxllaydii
lana oran jiray Camillo di Cavour. Daabacaadda wargayskan waxaa la bilaabay 1847-kii,0
wuxuuna xambaarsanaa aragtida baraaruga dib u noolaanshaha siyaasadeed.
Sanadkii
1848-kii, kacaanyahanadii ayaa tallaabo siyaasadeed horay u
qaaday, taasina waxay ahaatay markii ay ku gulaysteen in ay
fadhiyo ka helaan maamulkii dowladaha iyo kaniisadda. Camillo di Cavour ayaa bishii julay ee sanadkaas wuxuu kamid noqday
barlamaankii Piedmont, halkaas oo uu uga gudbay in uu oday ka noqdo
dowladdii Sardinia. Wuxuu markiiba bilaabay in uu ka shaqeeyo hor u marinta
dhaqaale ee Sardinia. Waxaa kale oo uu ku dadaalay in uu dowladdiisa ka dhigo
mid sugan, isaga oo ay isku aragti noqdeen xubnaha barlamaanka
ee muxaafidka is-beddel doonka ah. Siyaasadii dibadda, wuxuu
ku guulaystay in uu cunaqabateeyo dowladdii Austria. Taasina waxay dhacday markii uu ciidamo
u diray dagaalkii Kremean War, isaga oo la dhinac ahaa dowladaha galbeedka
Yurub. Kalsoonidii ! ! uu halkaas ka helay ayaa waxay dhalisay
in uu la kulmo boqorkii Faransiiska Napoleon III, kaas oo u ballan qaaday in uu kaalmo buuxda
la garab is-taagayo haddii Sardinia ay xoog ku soo ceshato dhulka kaga maqan
Austria. Boqorku wuxuu hiiladaas
ku tilmaamay mid cadaalad ah markii lagu eego indhaha diblomaasiyada.
Waxaa kale oo uu u sheegay in aragtida dad-waynaha Faransiiska
ah iyo kuwa Yurubna ay sidaas tahay, weliba ay ka sii xag-jiraan.
Waxaa kale oo boqorku ballan qaaday in uu uga kacayo gobolka
Savoya ee Faransiisku haystay
iyo degmada Nizza. Sanadkii 1859-kii ayaa ciidamadii Sardinia, iyada oo ay weheliyaan
ciidamo Faransiis ah, waxay ku duleen Austria. Dagaalo lagu goŽay ayaa
waxay ka dhaceen Magenta, San Martino iyo Salferino. Natiijadii dagaaladaas
ayaa ahayd in ciidankii Austria ay jabaan.
Markii
guushaasi la helay ayaa ciidamadii Faransiiska si lama filaan
ah ay uga baxeen dagaalkii, iyaga oo heshiis xabad-joojin ah
la dhigtay Austria. Faransiisku ma doonayn
in dalka Talyaanigu is raaco. Khiyaanadii uu Faransiisku ku
sameeyay Sardinia ayuu Camillo di Cavour isla casilay.
Waxaa
jiray rag badan oo kamid ahaa dhaqdhaqaaqii gobanimo- iyo midnimo-doonka
ahaa, kuwaas oo ku mitiday aragtidii ay qabeen. Waxaa raggaas
kamid ahaa Giuseppe Garibaldi, kaas oo masuul sare ka
noqday ciidamadii Mazzini sanadkii 1949-kii. G. Garibaldi, sanadkii 1850-kii, wuxuu
urursaday rag naftooda hurayaal ah oo tiradoodu ay ahayd 1070
nin. Wuxuu duulaan ku qaaday Sicila, halkaas oo muddo labo toddobaad ah uu ku qabsaday.
C. di Cavour oo xilligaas ku soo laabtay hoggaankii siyaasadda
Sardinia ayaa ka aamusay weerarka Garibaldi iyo xasillooni darrida
ay ku keentay noloshii Sicilia. Dhowr maalmood dabadeed markii uu G. Garibaldi haystay jasiiraddii S! ! icilia ayuu wuxuu u muuqday nin
yeershe (dictator) ah oo hantay hoggaankii Sicilia. Bishii agosto 1860-kii,
Garibaldi wuxuu ku soo duulay Neaple, halkaas oo ay ciidamadiisii
si baŽan u bililiqaysteen. Camillo di Cavour, oo ka walwal qaba falka
Garibaldi iyo xasillooni darida ay degaanka ku keeni karto, ayaa ku
gulaystay in uu ogolaysiiyo boqorkii Sardinia (Victor Emanuel II) in la mideeyo ciidamada
boqortooyada iyo kuwa Garibaldi ee iskaa wax u qabsada
ah. Bishii oktoober, ciidamadii isku-dhafka ahaa ayaa waxay
ku duuleen bartamaha Itaalya. Markii ay hanteen Sicilia iyo gobolladii dhexe ayaa
Victor Emanel II! ! I> loo caleemo saaray in uu yahay boqorkii
Itaalya. Dhowr bilood dabadeed waxaa dalka oo idil ka dhacay
afti loo codeynayay midnimada Itaalya. Labo degmo ayaa ka maqnaa
aftidaas, waxayna ahaayeen Roma oo uu baadarigu fadhiyay iyo Venetia. Mmarkay taariikhdu ahayd
17/ 3- 1861-kii ayaa si rasmi ah barlamankii oo fadhigiisu ahaa
magaalada Torino looga dhawaaqay midnimada Itaalya. Dabadeed Camillo di Cavour iyo raggii dowladda kula
jiray ayaa Garibaldi kala wareegay howlihii ciidamada. Waxaase jirtay
in Cavour uu markiiba geeryooday. Sanadkii 1866-kii, dagaal ayaa wuxuu
dhexmaray Itaalya iyo Austria. Inkasta oo ciidamadii
Talyaaniga la gaarsiiyay dhaawac xun, misana dagaalkaas ayay
ku hanteen degmada Venetia. Degmada hartay oo Roma ahayd ayaa wakhti dheer qaadatay in
ay soo raacdo maamulkii dhexe ee Talyaaniga. Sababtu waxay ahayd
baadariga oo halkaas fadhiyay iyo Faransiiska oo ciidamo ku
taakulaynayay. Garibaldi ayaa markale soo urursaday ciidamo
naftooda hurayaal ah. Xagaagii 1870-kii, ciidamadaasi waxay
ku soo duuleen Roma. Inkasta oo ay difaac wanaagsan muujiyay
ciidamadii baadariga oo dacallada magaalada fadhiyay, misana
ugu danbaytii difaacoodii waa la jebiyay. Baadarigii waynaa,
kaddib markii uu diiday in uu ka qayb qaato difaaca magaalada,
ayuu wuxuu u baxsaday Vatican. Halkaas oo uu ka soo jeediyay
iftadiisii ahayd, dadka aaminsan mad-habta Catholic in eeyan
cod bixin, kana qayb qaadan howlaha siyaasadda. Iftadaasi ayaa
dowladda waxay uga darnayd in uu baadarigu dagaalamo, waayo
arrintan ayaa muddo wax! ! ay hor taagnayd in lagu guulaysto
sidii loo heli lahaa xisbi siyaasadeed oo dalka taladiisa lagu
wareejiyo.
(Count.
C. Arrivabene. Italy nder Victor Emmanuel. 1862. I:349-353)
iyo (Swedish National Encyclopedia 1993. Vol. 10 p. 28-31)
.Casharadii hore
Saadiq
Enow
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
|