Wararka Mudugonline


GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!

Casharkii XI-aad

Dowladda Talyaaniga oo iyaduna uu damac ka galay in ay gumaysato qaybo kamid ah dhulka Soomaaliyeed ayaa sahamadeedu waxay ka soo horeeyeen ciidamadii Xabashida ee boobka iyo dhaca inoogu yimid dabayaaqadii qarnigii 19-aad. Sahamadii Talyaaniga waxay degaanka soo gaareen bartamihii qarnigii 19-aad. Dowladda Talyaaniga marka ay guddoonsatay in ay ka qayb qaadato nadaamka boobka k dhisan ee gumaysiga, ma eeyan lahayn qorshe cad oo ku saabsan dhulkii ay qabsan lahayd. Sababtu waxay ahayd Talyaaniga oo aanan kamid ahayn dowladaha ku gaamuray hanaanka siyaasadeed ee Imberiyaaliyadda, sida Ingiriiska iyo Faransiiska. Balse waxaa jirtay, in markii uu inoo yimid ay dowladda Talyaanigu curdan ahayd oo ay jirtay 10 sano oo qura.

Waxaa xusid mudan, taariikhda daŽda wayn oo Talyaanigu ku abtirsado ee ka soo jeedda boqortooyadii Roman Impire, in ay dadkii Talyaaniga ahaa dhaxalsiisay, dabayaaqadii qarnigii 18-aad, in ay u kala fadhiyaan dhowr dowladood oo kala maamul ah, kuwaas oo qaybo kamid ah gobolladoodii ay haysteen dowlado shisheeye oo la deris ah. Maamulladii xillgaas ka jiray Talyaaniga waxay ahaayeen sidan :

1. Boqortooyada Sardinia : Waxay ka talinayasay gobollada koonfureed, dhulka ka hooseeya magaalada Roma. Waxaa kale oo ay ka talinaysay jasiiradda Sicilia iyo degmooyin ku yaal waqooyi-bari ee dalka Talyaaniga. Waxaa maamulkan kamid aha boqortooyadii Sardinia oo ka koobnayd saddex gobol Piedmont, Liguria iyo Sardinia. Waxaa kale oo degmooyinkeeda kamid ahaa Solfarino, Verona iyo Villa Franca.

2. Boqortooyada Lombardia-Venetia : waxay ka talinaysay waqooyiga iyo waqooyi-galbeed. Waxay ahayd boqortooyo awood ku lahayd badda, sidaa darteed bay muddo dhowr qarni ah waxay hoggaaminayasay ganacsiga dunida. Degmooyinkeeda waxay ahaayeen Venetia, Milan, Austa, Novara, Torino, iyo Genua.

3. Boqortooyada Naples : Waxay ka hoosaysaa degaanka dowladda Papal-ka, waana gobol ku yaal xeebaha galbeedka ee dalka Talyaaniga.

4. Dowladaha Papal-ka : Waxay ku yiileen bartamaha dalka Talyaaniga, waxayna ahayd dowlad ay baadariyadu u taliyaan. Waxay caqabad ku ahayd halgankii lagu mideynayay Talyaaniga tan iyo intii Roma laga qabsaday sanadkii 1870-kii.

5. Dowladda Austria : waxay haysatay degmooyinka Treuto iyo Bolzano oo ku yaal waqooyiga.

6. Faransiisku wuxuu ka haystay gobolka Savoya ee ku yaal waqooyi-galbeed iyo degmo lagu magacaabo Nizza.

Waxaa kale oo jiray maamullo yaryar oo ka dhex muuqday degaanka Talyaaniga. Waxaa kamid ahaa :

1. Boqortooyada Perma-Piacenza, oo ka talinaysay labada degmo Perma iyo Piaceza.

2. Boqortooyada Modena, oo iyaduna ka talinaysay labada degmo ee ah Modena iyo Massa.

Waxaa xusid mudan, inteeyan howl gelin saraakiishii iyo siyaasiyiintii u halgamay midaynta dowladahan iyo abuurka dowlad dhexe, waxaa jiray niman aragti dheeraa Idealists ee u dhashay Talyaaniga, kuwaas oo reebay tallaalkii qowmiyadeed iyo kii midnimo. Taasina waxay ka dambaysay fikradihii dhaxal-galka ahaa oo ay dad-waynaha u reebeen, taas oo ay ku fahmeen qiimaha dowladnimada iyo qarannimadu leedahay. Maqaawiirtii reebay aragtidaasi, saddexda nin ee u waawaynaa waxay ahaayeen :

Ludovico Antonio (1672 - 1750) : Wuxuu ahaa taariikhyahan, wadaad mad-habta Roman Catholic, macallin. Wuxuu ku noolaa magaalada Modena, halkaas oo uu kaga tegay aragtidiisii qowmiyadeed.

Alfieri Vittorio Conte (1749 - 1803) : Wuxuu ahaa gabyaa ka dhashay qoys hanti leh. Wuxuu socdaal ku tegey dalal badan oo Yurub kamid ah mddadii u dhexeysay 1767 - 1772. Wuxuu halgan u galay in uu kobciyo dareenka qowmiyadeed iyo midka waddaninimo ee dad-waynaha Talyaaniga ah. Wuxuu isu haystay in uu yahay nebi loo soo diray in uu dib u soo nooleeyo ruuxdii qowmiyadda Talyaaniga.

Genovesi Antonio (1712 - 1769) : Wuxuu ahaa filosoof, dhaqaalyahan. Wuxuu horseede ka ahaa in dad-waynaha Talyaaniga ay afkooda qortaan, halka ay adeegsanayaan qoraalka afka laatiinka.

Aragtidii ay raggaasi reebeen ayaa Talyaanigii waxay gaarsiisay in muddo gaaban (1851 - 1861) ay ku guulaystaan in ay xal u helaan khilaafaadkii siyaasadeed ee dhex yiil dowladihii kala tagsanaa dabadeedna ay ku midoobaan dowlad dhexe. Ogow oo in la hor mariyo ragga hal-aburka leh ee aragtida xambaarsan waa arrin ay ku khasban yihiin ummad waliba oo doonaya in ay dowlad noqdaan. Waana arrinta ay soomaalidu isugu luga duwan laŽyihiin

Talyaaniga, markii ay sugeen qarannimadoodii oo ay noqdeen dowlad Yurub laga xushmeeyo ayay kamid noqdeen saamilaydii adduunka boobka ku hayay, gaar ahaan geeska Afrika. Haddaanu muuqaal ka bixinno xaaladdii qallafsanayd ee uu Talyaanigu ku jiray intuusan inoo iman, waxaanu helaynaa sidatan.

Sanadkii 1796-kii dagaalkii baaxadda waynaa ee Napoleon Ponabarte uu ku qaaday ummadihii ku noolaa qaaradda Yurub, maamulladii ku jabay dagaalladaas waxaa kamid ahaa boqortooyadii Sardinia, markaas oo boqorkoodii uu is-dhiibay. Napoleon Ponabarte oo doonayay in uu Yurub dhamaanteed gacan ku dhigo ayaa markiiba wuxuu u tallaabay maamulladii kale ee Talyaaniga iyo dhulkii laga haystay, gaar ahaan Leobardi iyo Venetia. Markii uu Napoleon Ponabarte iyo ciidamadiisii ay u tallaabeen Afrika (Masar) ayaa ciidamadii Austria, iyaga oo ay weheshaan ciidamo ka socday dalka Russia waxay dagaal ku soo qaadeen gobolladii Talyaaniga, halkaas oo ay soo celiyeen dhamaan maamulladii horay u jiray. Napo! ! leon markii uu Yurub ku soo laabtay, dowladihii uu ku duulay waxaa kamid ahaa kuwii ay Austria ka dhiseen dalka maamullada oo ay kamid ahaayeen kuwii Talyaaniga. Dagaal ka dhacay meel la yiraahdo Marenga, sanadkii 1800, ayaa lagu jebiyay ciidamadii Austria. Sidaas ayaa Talyaanigii mar kale wuxuu kamid noqday maamulkii Faransiiska. Waxaa jiray gadood uu dad-waynuhu ku diidanaa qaar kamid ah maamulladii ka jiray Talyaaniga, kuwaas oo mar kasta la caburin jiray. Waxay fursad heleen xilligii ay socdeen dagaalladii Napoleon. Markii ay ciidamadii Napoleon gacanta ku dhigeen gobolladii Talyaaniga. Nimankii gadoodka ahaa ayaa waxay horseedayaal ka noqdeen maamullo ay Faransiisku ka dhiseen qaybo kamid ah degmooyinkii Talyaaniga. Maamulladaas waxaa kamid ahaa kuwo laga dhisay waqooyiga Itaalya, sida Liguri, Salpini iyo Cispandani.

Sanadkii 1804-tii, Napoleon wuxuu isa saaray taajkii Embraadoorka, ku xigeenkiisii wuxuu u doortay wiil ay xaaskiisu dhashay oo la yiraahdo Eugene de Beaharnais. Itaalya oo maamulkiisii kamid ahaydna wuxuu waali uga dhigay Joseph Ponabarte. Sanadkii 1815-kii, ciidamadii Napoleon waxaa lagu jebiyay dagaalkii Waterloo, boqorkii Austria ayaa wuxuu fadhi u qabtay dad matalayay dhamaan maamulladii Talyaaniga horay uga jiray iyo kuwii gadoodka waday oo Napoleon gacan-saarka la lahaa. Fadhigaasi wuxuu ka dhacay Vienna magaalo-madaxdii Austria. Fadhigii waxaa ka soo baxay sidatan :

Victor Emanuel II oo ahaa boqorkii Sardinia, wuxuu helay dhamaan dhulkii uu ka talin jiray.

Boqorka Austria wuxuu helay Lombardia iyo Venetian.

Baadarigii u talinayay dowladdii Papal-ka, wuxuu helay magaalada Roma iyo qayb kamid ah dhulka ku yaal bartamaha Itaalya.

Fernand I, wuxuu isna boqor ka noqday koonfurta Itaalya iyo jasiiradda Sicilia.

Nimankii kacaanyahanka ahaa waxay lumiyeen maqaamkii siyaasadeed oo ay tiigsanayeen kaddib markii ay ku qadeen fadhigii. Markaas baa waxaa bilawday in uu soo shaac baxo dhaqdhaqaaq abuurmay xilligii ay ciidamada Napoleon ka talinayeen degaanka, kaas oo la oran jiray Carbonari oo la macna ah Dhuxulley. Dhaqdhaqaaqan oo ay ku bahoobeen dad-wayne u badan dabaqadda dhaexe, gaar ahaan saraakiisha ciidamada iyo ragga ka shaqeeya xafiisyada dowladaha, ayaa wuxuu dalbanayay in dalku yeesho dastuur lagu dhaqmo iyo in dadka Talyaaniga ahi ay yeeshaan dowlad mid ah.

Kacdoonkii dalka Spania, sanadkii 1820-kii, ayaa wuxuu xoojiyay dhaqdhaqaaqii Carbonari. Taasi waxay xasilooni darri ku keentay qaar kamid ah maamulladii Talyaaniga, gaar ahaan kuwii waaweynaa sida Sardinia iyo Neaple. Boqorradii labadaas maamul waxaa lagu khasbay in ay dastuur sameeyaan. Sanadkii 1821-kii, boqortooyadii Austria ayaa faraha la soo gashay arrimihii gudaha ee labadan maamul si ay u badbaadiyaan nadaamkii dhisnaa. Waxaa halkaas lagu muquuniyay kacdoonkii iyo raggiisii. Sanadihii xigay waxaa dalka Talyaaniga ka dhacay gabood-fal badan oo lagu cadaadinayay xubnihii ururka. Qaar badan oo kamid ahaa waa la laayay, kuwo kalena dalka ayay isaga carareen. Waxaa arrintaa weheliyay hoos u dhac dhaqaale sababtay in saboolnimadu ay ku baahdo degaanka. Sanadkii 1830-kii waxaa dhacay kacdoonkii la magac ba! ! xay july revolution, oo ay horseedayaal ka ahaayeen Carbonari. Waxaa uu xasilooni darri ku riday degmooyin ay kamid tahay Emilia oo uu baadarigu ka talinayay. Ciidamadii boqortooyada Austria ayaa mar kale maquniyay kacdoonkii.

Labadaas fashilaad ee ku timid ururkii Carbonari ayaa sababtay in ururkii uu baabaŽo bartamihii sanadihii 1830-aadkii. Wuxuuse u xuub siibtay urur cusub oo la yiraahdo Dhallinyarada Talyaaniga Giovane Italia, kuwaas oo uu oday ka ahaa Giuseppe Mazzini oo kamid ahaa dhuxllaydii. Ururku wuxuu xoog saaray xagga dicaayadda, maadaama ay ku fashilmeen gacan ka hadalkii. Waxaa dhinac socday dhaqdhaqaaq kale oo ay rag muxaafid ahi abaabuleen, waxaana oday ka ahaa Vincezo Gioberti. Nikaas oo isaga qudhiisu qabay aragtida midnimada Itaalya ayaa wuxuu kuwa kale kaga duwanaa, baadariga wayn oo uu u arkay in uu yahay nin ay dad-waynaha Talyaaniga isugu iman karaan. Aragtida V. Gioberti iyo raggiisii ayaa xoogowday sanadkii 181846-kii, markaas oo duqa baadariyada loo doortay Pius IX, kaa! ! s oo wax badan debciyay sharciyadii diinta. Magaca baadarigan ayaa wuxuu kamid noqday halheysyada qaranka, markaas oo ay hanaqaaday hal ku dheggii ahaa (Vivo Pio Nono). Dhaqdhaqaaqyadaas oo ka turjumayay baraarugii siyaasadeed ee lagu mideeyay Talyaaniga ayaa lagu magacaabaa Risorgimento (dib u noolaansho).Waxaa kale oo eraygan la oran jiray wargays uu soo saari jiray xilligaas nin kamid ahaa dhuxllaydii lana oran jiray Camillo di Cavour. Daabacaadda wargayskan waxaa la bilaabay 1847-kii,0 wuxuuna xambaarsanaa aragtida baraaruga dib u noolaanshaha siyaasadeed.

Sanadkii 1848-kii, kacaanyahanadii ayaa tallaabo siyaasadeed horay u qaaday, taasina waxay ahaatay markii ay ku gulaysteen in ay fadhiyo ka helaan maamulkii dowladaha iyo kaniisadda. Camillo di Cavour ayaa bishii julay ee sanadkaas wuxuu kamid noqday barlamaankii Piedmont, halkaas oo uu uga gudbay in uu oday ka noqdo dowladdii Sardinia. Wuxuu markiiba bilaabay in uu ka shaqeeyo hor u marinta dhaqaale ee Sardinia. Waxaa kale oo uu ku dadaalay in uu dowladdiisa ka dhigo mid sugan, isaga oo ay isku aragti noqdeen xubnaha barlamaanka ee muxaafidka is-beddel doonka ah. Siyaasadii dibadda, wuxuu ku guulaystay in uu cunaqabateeyo dowladdii Austria. Taasina waxay dhacday markii uu ciidamo u diray dagaalkii Kremean War, isaga oo la dhinac ahaa dowladaha galbeedka Yurub. Kalsoonidii ! ! uu halkaas ka helay ayaa waxay dhalisay in uu la kulmo boqorkii Faransiiska Napoleon III, kaas oo u ballan qaaday in uu kaalmo buuxda la garab is-taagayo haddii Sardinia ay xoog ku soo ceshato dhulka kaga maqan Austria. Boqorku wuxuu hiiladaas ku tilmaamay mid cadaalad ah markii lagu eego indhaha diblomaasiyada. Waxaa kale oo uu u sheegay in aragtida dad-waynaha Faransiiska ah iyo kuwa Yurubna ay sidaas tahay, weliba ay ka sii xag-jiraan. Waxaa kale oo boqorku ballan qaaday in uu uga kacayo gobolka Savoya ee Faransiisku haystay iyo degmada Nizza. Sanadkii 1859-kii ayaa ciidamadii Sardinia, iyada oo ay weheliyaan ciidamo Faransiis ah, waxay ku duleen Austria. Dagaalo lagu goŽay ayaa waxay ka dhaceen Magenta, San Martino iyo Salferino. Natiijadii dagaaladaas ayaa ahayd in ciidankii Austria ay jabaan.

Markii guushaasi la helay ayaa ciidamadii Faransiiska si lama filaan ah ay uga baxeen dagaalkii, iyaga oo heshiis xabad-joojin ah la dhigtay Austria. Faransiisku ma doonayn in dalka Talyaanigu is raaco. Khiyaanadii uu Faransiisku ku sameeyay Sardinia ayuu Camillo di Cavour isla casilay.

Waxaa jiray rag badan oo kamid ahaa dhaqdhaqaaqii gobanimo- iyo midnimo-doonka ahaa, kuwaas oo ku mitiday aragtidii ay qabeen. Waxaa raggaas kamid ahaa Giuseppe Garibaldi, kaas oo masuul sare ka noqday ciidamadii Mazzini sanadkii 1949-kii. G. Garibaldi, sanadkii 1850-kii, wuxuu urursaday rag naftooda hurayaal ah oo tiradoodu ay ahayd 1070 nin. Wuxuu duulaan ku qaaday Sicila, halkaas oo muddo labo toddobaad ah uu ku qabsaday. C. di Cavour oo xilligaas ku soo laabtay hoggaankii siyaasadda Sardinia ayaa ka aamusay weerarka Garibaldi iyo xasillooni darrida ay ku keentay noloshii Sicilia. Dhowr maalmood dabadeed markii uu G. Garibaldi haystay jasiiraddii S! ! icilia ayuu wuxuu u muuqday nin yeershe (dictator) ah oo hantay hoggaankii Sicilia. Bishii agosto 1860-kii, Garibaldi wuxuu ku soo duulay Neaple, halkaas oo ay ciidamadiisii si baŽan u bililiqaysteen. Camillo di Cavour, oo ka walwal qaba falka Garibaldi iyo xasillooni darida ay degaanka ku keeni karto, ayaa ku gulaystay in uu ogolaysiiyo boqorkii Sardinia (Victor Emanuel II) in la mideeyo ciidamada boqortooyada iyo kuwa Garibaldi ee iskaa wax u qabsada ah. Bishii oktoober, ciidamadii isku-dhafka ahaa ayaa waxay ku duuleen bartamaha Itaalya. Markii ay hanteen Sicilia iyo gobolladii dhexe ayaa Victor Emanel II loo caleemo saaray in uu yahay boqorkii Itaalya. Dhowr bilood dabadeed waxaa dalka oo idil ka dhacay afti loo codeynayay midnimada Itaalya. Labo degmo ayaa ka maqnaa aftidaas, waxayna ahaayeen Roma oo uu baadarigu fadhiyay iyo Venetia. Mmarkay taariikhdu ahayd 17/ 3- 1861-kii ayaa si rasmi ah barlamankii oo fadhigiisu ahaa magaalada Torino looga dhawaaqay midnimada Itaalya. Dabadeed Camillo di Cavour iyo raggii dowladda kula jiray ayaa Garibaldi kala wareegay howlihii ciidamada. Waxaase jirtay in Cavour uu markiiba geeryooday. Sanadkii 1866-kii, dagaal ayaa wuxuu dhexmaray Itaalya iyo Austria. Inkasta oo ciidamadii Talyaaniga la gaarsiiyay dhaawac xun, misana dagaalkaas ayay ku hanteen degmada Venetia. Degmada hartay oo Roma ahayd ayaa wakhti dheer qaadatay in ay soo raacdo maamulkii dhexe ee Talyaaniga. Sababtu waxay ahayd baadariga oo halkaas fadhiyay iyo Faransiiska oo ciidamo ku taakulaynayay. Garibaldi ayaa markale soo urursaday ciidamo naftooda hurayaal ah. Xagaagii 1870-kii, ciidamadaasi waxay ku soo duuleen Roma. Inkasta oo ay difaac wanaagsan muujiyay ciidamadii baadariga oo dacallada magaalada fadhiyay, misana ugu danbaytii difaacoodii waa la jebiyay. Baadarigii waynaa, kaddib markii uu diiday in uu ka qayb qaato difaaca magaalada, ayuu wuxuu u baxsaday Vatican. Halkaas oo uu ka soo jeediyay iftadiisii ahayd, dadka aaminsan mad-habta Catholic in eeyan cod bixin, kana qayb qaadan howlaha siyaasadda. Iftadaasi ayaa dowladda waxay uga darnayd in uu baadarigu dagaalamo, waayo arrintan ayaa muddo wax! ! ay hor taagnayd in lagu guulaysto sidii loo heli lahaa xisbi siyaasadeed oo dalka taladiisa lagu wareejiyo.

(Count. C. Arrivabene. Italy nder Victor Emmanuel. 1862. I:349-353) iyo (Swedish National Encyclopedia 1993. Vol. 10 p. 28-31)

 

.Casharadii hore

Saadiq Enow


Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001