|
GOORTII
DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!
Casharkii XII-aad
Xilligii iswaydaarkii labada qarni ee 18-aad iyo 19-aad,
ilaa iyo bartamihii qarnigii 19-aad, dhaqdhaqaaqii ganacsi iyo
kii ciidameed oo ay dowladaha shisheeye ka wadeen xeebaha badaha
iyo xuduudda dhulka engegan ee Soomaaliya, ma noqon mid gayaysiiya
in ay ina gumeeyaan. Inkasta oo ujeeddada dhaqdhaqaaqu uu ahaa
damac gumaysi-doon, misana waxaa hor taagnaa jahliga ay kaga
sugnaayeen nolosha gudaha ah ee Soomaalidii xoolo-dhaqatada
ahayd.
Ma jiraan qoraalo cayilan oo si faahfaahsan inoogu sawira
noloshii siyaasadeed oo ay lahaayeen dadkayagii Soomaaliyeed
ee xilligaas noolaa. Waxaase jira sheekooyin dhaxal-gal ah oo
ay wariyeen da´waynta Soomaaliyeed, kuwaas oo buuxinaya qoraalada
wax ka tilmaamaya xaaladihii ay dadkayagu ku sugnaayeen wakhtigaas.
Xilligaas, dalka Soomaaliya gudihiisa, waxaa ka hana-qaaday
maamul beeleedyo ay reer miyigayagii la kufaa-kacayeen si ay
ugu gaaraan mudasho dowlad-goboleed ama mid qaran. Waxaa maamuladaas
laga xusi karaa :
1. Maamulkii Garaad Xirsi oo
ku magac dheeraa Wiil-waal (Bartire).
2. Maamulkii Imaamadii Abgaal, sida Cismaankii II-aad, Maxamadkii
II-aad iyo Axmadkii III-aad.
3. Suldaan Xirsi Amaan (Habar-Yoonis).
4. Suldaanadii Gelledi, sida suldaan
Maxamud, suldaan Yuusuf, iyo suldaan Axmad.
5. Boqorkii Majeerteen Maxamuud Yuusuf
(Maxamuudkii IV-aad) oo ku magac dheeraa Maxamuud Xawaadane.
Inkasta oo bulshooyin kuwaas lamid ah, oo isu habeeyay qaab
beeleed, ay xilligaas dacallada Soomaaliya ka muuqdeen, misana
labo beelood oo qura ayaa ku guulaystay in ay xiriir la yeeshaan
dhaqdhaqaaqii ganacsiga caalamiga ahaa ee xilligaas jiray. Beelahaasi
waxay ahaayeen beesha Gelledi oo iyagu xiriirkoodu uu sii marayay
maamulkii Xamar ka dhisnaa iyo beelaha Majeerteen oo iyagu si
toos ah ula xiriiri jiray xarumihii ganacsiga caalamiga.
Haddaanu wax ka xusno labadaas maamul, waxaa jira in Suldaan Axmad Yuusuf (1848-1878) uu ahaa suldaankii
ugu dambeeyay xilliyadii wacnaa oo ay taariikhda ku yeelatay
boqortooyadii Gelledi. Suldaanku wuxuu ku dhintay kacdoon ay
Biyamaalku kaga cabanayeen cadaadiskii siyaasadeed ee maamulkii
suldaanku uu ku hayay bulshadii degaanka. Dagaalkaas lagu dilay
suldaanka wuxuu ka dhacay meel la yiraahdo Aw-Shaafac oo ku dhow degmada Marka, sanadkii
1847-kii. Suldaan Axmad wuxuu xiriir
siyaasadeed iyo mid ganacsiba la lahaa suldaankii Sensibaar
oo markaas ka talinayay Xamar. Xiriirkaas oo uu ku helay kaalmo
dhaqaale iyo mid ciidan ayaa sababay xasilloonidii maamulkii
aabihiis iyo kii awoowihiis. Waxaa kale oo jiray ciidamo reer
Sensibaar ah oo ku sugnaa degmooyinka Xamar iyo Marka, kuwaas
oo dhinacooda ka cadaadin jiray dadka Soomaalida ah. Heesaha
dhaqan galay ee inoo muujinaya cadaadiskaas siyaasadeed ! !
waxaa kamid ah tixdan ay Biyamaalku tiriyeen xilligaas :
Inta askar, inta Axmad
Allow Ilaahoow
Intee aadsaheynaa.
Waxaa kale oo ay taariikhdu reebtay, markii Suldaan Axmad la dilay dabadeed, sheeko dhex
martay gabar uu suldaanku dhalay iyo nin Biyamaal ah. Gabadha
suldaanku dhalay ayaa magaalada Marka waxay ku aragtay nin Biyamaal
ah, markaas baa iyada oo aabaheed waydiinaysa, ayay hees waxay
ku tiri :
Shucbaale aan kuu gadaa aad shuun
ku xiiratee
Shaqo aan kuu xiraa aad ku shoobtidee
Shood bun aan kuu tumaa aad sharuursatee
Aabow Shooblahayga ma ii sheegi kartaa.
Ninkii Biyamaal, isaga oo gabadhii u jawaabaya ayuu wuxuu
yiri :
Shucbaalahaaga ad shuun ku xiiro
Shuqadaada adlee ku shoob
Shantaada bun adlee sharuurso
Aabow shooblahaaga an kuu sheego
Aw-shaafac aa shufta looga gooyey
Humbow waraabaa hambuuqahaayay
Haad boorraa hirrigey ku haayay
Hablahaynaa har-haraatihaayay
Hirka maanyaa hab-dhabow ku haayay.
Boqortooyada waqooyi-bari ayaa markii ay beelihii Harti
degaan ku kala keceen waxay ku hartay beelaha Majeerteen, waxayna
kaga duwanayd tan Gelledi, iyada oo ahayd mid gun ah oo salka
ku haysa degaan xiriir da´wayn la lahaa ilbaxnimooyinkii ka
abuurmay dunida cirifyadeeda, sida Afrika, Hindiya, Shiino,
Beershiya, Babilyon, iyo kuwii Carabta sida Yemen, Suuriya iyo
Masar (Peter A. Clayton 1997. pp. 1-120). Haddaanu
dib u milicsano xiriiradaas, waxaanu helaynaa raad xoog badan
oo ilbaxnimooyinkaasi ay ku reebeen degaanka. Magacyadii degaanka
loo yiqiin waxaa kamid ah dhulkii ganacsiga, dhulkii udgoonka,
dhulkii hodantinimada, dhulkii caanaha iyo malabka. Masaaridii
hore ayaa iyaguna degaankaas u yiqiin dhulkii Eebe ee barakaysnaa
(Ibid. pp. 106 - 7).
Majeerteenku, waxay dhaxleen boqortooyadii Harti ee qarniyadii
dhexe ku guulaysatey dhismo maamul talo-wadaag ah, hanaankiisa
siyaasadeedna ay urursanayd, kaas oo lahaa xeer iyo kala danbayn.
Boqortooyadan oo ay hoggaaminayeen oday-dhaqameedyo ayaa waxaa
ku bahoobay beelo isir-wadaag ah. Shareecadda diinta Islaamka
ayaa u xeer ahayd, boqorka iyo xaashaadiisuna (ag-joogayaashiisu)
waxay matalayeen mu´asasadda ugu saraysay ee dowladda. Nadaamkoodu
wuxuu ahaa nadaamka dowlad-ummadeed Nation
- State, taas oo beel kasta iyo xubnaheedu ay dhankooda
ka xoojinayeen danaha guud. Boqorku wuxuu lahaa la-taliyayaal
ka yimid beelaha kala duwan iyo duqay la yiraahdo Gar-cas, kuwaas oo ka xaajooda arrimaha la soo
dersa noloshooda. Magaca Gar-cas
wuxuu ka taagan yahay garka oo xinni lagu caseeyo.
Kasokow nadaamka dhaqaale ee sakada (iyo sadaqada) oo ahaa
hanaan ay la wadaageen dadyowga islaamka ah, gaar ahaan Soomaalida
xoolo-dhaqatada ah, ayaa waxaa u dheeraa xoolo laga soo ururin
jiray beelaha xilliga brwaaqadu jidho oo lagu magacaabi jiray
Sedo ama Ammaan. Xoolahaasi
waxay ahaayeen waxa ugu fudud oo xoolo-dhaqatadu ay xilliga
barwaaqada ah ku taageeraan dowladda. Waxaana kamid ahaa hargaha
xoolaha iyo subaga. Xoolahaasi inta la ururiyo ayaa la dhoofin
jiray, markaasaa lagu soo beddelan jiray waxyaabaha ay boqortooyadu
uga baahan tahay dibadda.
Boqor Maxamuud Yuusuf (Maxamuud-kii
IV-aad) oo ku magac dheeraa Maxamuud
Xawaadane, oo xilligii maamulkiisu uu ku beegan yahay
1796 - 1815, ayaa wuxuu guulo ka muujiyay hanaankii dhaqan-dhaqaale
ee boqortooyada. Taasina waxaa sababay xiriirkii ganacsiga caalamiga
ahaa oo boqortooyadu ay toos ula fal-gashay. Dalalka ay xiriirka
la lahayd oo doonyaha boqortooyada sida tooska ah uga ganacsan
jireen waxaa kamid ahaa Xijaas (Jidda),
Yaman (Cadan), Cumaan (Masqad), Ciraaq (Basra), Hindiya (Goa), Sensibaar (Sensibaar) iyo degmooyinka Afrikada Bari sida
Mombasa iyo Laamo. Hor u kaca uu gaaray ganacsigii beelaha
Majeerteen ayaa wuxuu sababay in xilligaas uu kamid noqdo xilliyada
ay taariikhda boqortooyadaasi ugu baraa! ! re iyo beryasamaad
wacnayd. Degmada Xaabo oo ahayd magaalo-madaxdii
maamulka ayaa si xoogan u camirantay. Xilligaasi waa wakhtiga
ay baxday maahmaahdii sawaaxiliga ahayd oo oranaysay (Laamo
kamaa Xaabo) taas oo ganacsatada reer Laamo
ay ku faanayeen in degmadooda ay lamid tahay degmada Xaabo.
Qasiido diini ah oo geeridii boqorka dabadeed uu tiriyay
Xaaji Cali Majeerteen ayaa inoo tilmaamaya xoolaha uu
maamulkii boqor Maxamuud-kii IV-aad
ka helay xiriirkii ganacsiga caalamiga ahaa. Xaajigu wuxuu yiri
:
Aaway Xaawiyo Aadan xeryahay degaayeen
Xandulliyo maxaa laayey Xirsi Faaraxii
hore
Maxamuud Xawaadane sow Xaabo lama
dhigin
Aaway xoolihiisii xeryagaaladuu dhalay
Waxse lagama xaaleyn xor kafniino maahee.
Xiriirka ay la lahaayeen degaanka Xijaas, waxaa ganacsiga
u weheliyay xiriir diini ah oo adag. Sida laga wariyay da´wayntii
beelaha, boqortooyadu waxaa u dhaqan ahayd, sida ummadahii islaamka
ahaa ee xilligaas noolaa, in ay sanad walba xilliga xajka ari
badan u qaadaan dhulka barakaysan oo ay xujaydu isugu imanayaan.
Ujeeddadu waxay ahayd in laga qayb qaato soo dhowaynta dadka
soo xajinaya. Xiriirkaas adag ayaa wuxuu dhaliyay in goor hore
ay degaanka boqortooyadu ku faafto aragtidii diniiga ahayd ee
lagu bandhigayay hufnaanta kelinimada Eebe ee uu Shiikh
Maxamad Cabdi-wahaab odayga ka ahaa. Waana arrintaas
sababta gobolladaas ay xilliyadaas hore ugu yaraayeen aragtida
diineed ee khuraafiga ah. Waxaa jira gabay uu Sayid
Maxamad Cabdulle Xasan tiriyay ee uu ku caayayo Boqor Cismaan, tixihiisii waxaa kamid ahaa mid
uu cuskinayo arintan, waxayna ahayd :
Awal-buu Wahaabi iyo ahaa weled najaaseede.
Maxamuud Xawaadane iyo Boqor Cismaan, waxaa u dhexeeyay
saddex boqor oo labo kamid ah la dilay, sidaan bayna isugu xigeen
:
Maxamuud-ka IV-aad 1796 - 1815
Cismaan-ka II-aad 1815 - 1842
Yuusuf-ka IV-aad 1842 - 1844
Maxamuud-ka V-aad 1844 - 1860
Cismaan-ka III-aad 1860 - 1927.
Sanadkii 1815-kii, geeridii boqor Maxamuud
Xawaadane dabadeed, beelihii talo-wadaagta ahaa waxay
ku heshiiyeen in ay caleemo saartaan Cismaan
Maxamuud oo kamid ah wiilashii boqorka. Waxaa xusid mudan
in Cismaan uusan ahayn curadkii odayga
dhintay, doorashadiisuna ay salka ku haysay raacid dhaqan da´wayn
oo ay beeluhu la wadaagaan qabaa´ilka Daaroodka ah. Taas oo
ah in mudnaanta siiyaan wiilka ay ku curato gabadha u dhalatay
beelaha Dir.
Xilligii boqor Cismaan-ka II-aad
waxaa baahday xasilloonidii siyaasadeed gudaha degaamadii uu
ka talinayay. Xasilloonidaas ayaa dad-waynihii beelaha waxay
siisay fursad ay ku abuuraan mashaariic ay kula tacaalayaan
hor u marinta noloshooda dhaqaale. Waxaa kamid ahaa kobcinta
farsamada kalluumaysiga. Kalluunkii badnaa oo sanadahaas la
jillaabtay ayaa wuxuu dhaliyay in degaanka uu ku hor maro aqoonta
farsamada lagu qallajiyo kalluunka si loo kaydiyo. Dabadeed
qayb kalluunkaas kamid ah waa ay dhoofin jireen, qayb kalena
waxay ka iibin jireen bad-maaxyadii la socday doonyihii badnaa
ee ku soo shiraacan jiray dekadaha dabiiciga ah oo ay degmooyinku
leeyihiin.
Iyaga oo ka faa´iidaysanayay addoomadii laga soo iibsanayay
ganacsatadii reer Cumaan, ayay dhulka biyaha leh, sida dooxada
Dharoor, ka fuliyeen mashaariic beero. Inkasta oo xilligaas
la beeray haruur badan, misana timirta ayaa waxay ahayd jaad
cusub oo abuurkeeda aanan dhulka Soomaalida horay looga aqoon.
Timirtii uga baxday abuurkii ay kala yimaadeen dalka Ciraaq,
ayaa raadkeedii wuxuu si xoog badan uga muuqdaa degmooyinka
xeebta ah oo xilligaas la deganaa sida Murcanyo, Geesalay, Xaabo,
Baargaal iyo Caluula. Waxaa in la xuso mudan 34-ka tuulo oo
hoos yimaada degmada Caluula, badankoodu in ay ku tallaalan
yihiin dhir badan oo ka farcamay beerihii timirta ee xilligaas
la abuuray. Oday degaamadaas ku nool oo la waraystay ayaa wuxuu
yiri :
" Dhirta timirta ah ee degmooyinkaas ka baxa, miraha
ka daata ee aanan la anfacsan, haddii la habeeyo waxay ku filaan
lahaayeen Soomaaliya oo idil ".
Waxaa kale oo xilligaas ku beegan hal-abuur mashruuc biya-xireen
ahaa oo uu fikraddeeda iyo naqshaddeeduba lahaa oday kamid ahaa
odeyaashii beelaha Majeerteen, kaas oo la oran jiray Catoosh Cigaal Aadan. Mashruucan oo kamid ahaa
mashaariicdii dhaqaale oo xilligaas ay Majeerteenku fuliyeen
ayaa waxaa laga hir-geliyay gobolka Mudug, gaar ahaan ceelka
Roox ee degmada Gaalkacayo kaga beegan dhanka
waqooyi-galbeed. Mashruucu wuxuu xambaarsanaa fikrad lagu xakameynayo,
dabadeedna looga faa´iidaysanayo biyaha badan ee ka soo dhaca
dhulka la yiraahdo Oogo ee ku soo
qubanaya togga Dhoodaalay, kuna libdha
dhulka la yiraahdo Ciid. Sidaa darteed
qorshaha Catoosh oo ahaa ujeeddo
badan ayaa wuxuu isugu jiray mid lagu keydinayo biyaha si loona
cabo, beerana loogu waraabsado. Dhan kale, waxaa naqshadda mashruucan
kamid ahaa in la ! ! baneeyo ciidda u dhexeysa meesha ay biyaha
toggu ku dhamaadaan iyo dhulka daaqsimaha ku wanaagsan ee ku
yaal bariga gobolka. Inkasta oo howlihii mashruucu ay si wanaagsan
u bilowdeen, misana waxaa hakiyay Catoosh
qudhiisa. Taasina waxay ka dambeysay markii loo sheegay hadal
uu yiri nin kamid ahaa howl-wadeenadii mashruuca. Sida da´waynta
beesha laga wariyay, hadalka uu ninku yiri wuxuu ahaa :
" Ilaah iyo Catoosh baa nagu diriray, dhanka Catoosh
baanu u badanay ".
Hadalkaas wuxuu ka dambeeyay xilli ay wakhtigii salaaddu
gashay oo ay howl-wadeenadii damceen in ay tukadaan, markaas
baa Catoosh ku yiri :
" Hadhow baanu tukanaynaaye, howsha wada ".
Catoosh markii la gaarsiiyay hadalkii ninku yiri,
wuxuu guddoonshay in shaqada halkeedaas lagu joojiyo, isaga
oo ka xumaaday in Eebe la garab dhigo. Mashruucaas oo hindiskiisa
iyo fulintiisaba qiimo wayn ku fadhiyay ayaa sidaas ku hakaday.
Buur u dhexaysay toga iyo ceelka Roox
oo la jebiyay ayaa waxay tahay raad muuqda ee lagu xuso shaqadii
adkayd ee mashruucaas.
Sanadkii 1842-kii, boqor Yuusuf Cismaan (Yuusuf-kii IV-aad), ayaa talada kula wareegay
guddoon ay isku raaceen beelihii talo-wadaagta ku ahaa nadaamkan,
taasina waxay ka dambaysay markii uu aabihiis dhintay. Maamulkii
boqor Yuusuf ma raagin oo sanadkii 1844-kii ayaa meel u dhow
degmada Geesalay lagu dilay isaga oo keligiis soo baxay. Sida
la wariyo, dilkaasi maahayn mid siyaasadeed, balse waxaa la
tilmaamaa in ay sababtu ahayd is-quursi labo beelood oo isir
wadaag ah. Xilliga boqor Yuusuf la dilay, Maxamuud oo ahaa curadkiisii
waa uu yaraa. Sidaa darteed ayaa beelihii waxay isku raaceen
in inta Maxamuud uu ka qaan-gaarayo, adeerkiis oo ah Nuur
Cismaan uu boqortinimada sii hayo. Muddo shan sano dhan
dabadeed, Maxamuud Yuusuf ayaa gaaray xilligii uu ku hanan lahaa
taajkii aabihiis. Munaasabaddii boqor Maxamuud Yuusuf (Maxamuud-kii V-aad) lagu caleema-saarayay ayaa
waxaa ka gabyay nin boqorka adee! ! r u ahaa oo la oran jiray
Cumar Maxamuud Yuusuf. Isaga oo tilmaamaya khalad
siyaasadeed oo uu ku arkay maamulkii aabihiis, ayuu Cumar Maxamuud wuxuu uga digay in uu maamulkiisa
ka ilaaliyo rag aanan tayo lahayn, kuwaas oo hunguri maahee
aanan wax kale ula socon. Gabaygii Cumar
Maxamuud waxaa kamid ahaa tixdian :
Maxamuud hadal igu laf ah luqunta
ii jooga
Oo adiga kaa laalanoo aan la ladi
waayay
Majeerteenku ways wada luroo waa is
laariyaye
Libiqsiinadaaduu arkaa laab qabowsiga´e
Allow laaca kici buu lahaa laba lugoodluhuye
Ma goortaad laxaad yeelataa lumay
islaameedku
Laqamada ka soo leexo iyo nimanka
looyaane
Hadday talada kuu soo legdaan dhowr
nug laba leexi
La´da jeer ay soo joogsadaan loolka
ha u qaadin
Oo boqor gun baa lagu laraye hayska
kala liijin.
.Casharadii hore
Saadiq
Enow
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
|