Wararka Mudugonline


GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!

Casharkii XIII-aad

Kaddib markii ay wax badan ka ogaadeen waddooyinkii badda iyo degmooyinkii xeebaha ku yiil ee Soomaaliya, ayaa ganacsatadii iyo ragii sahanka ahaa ee reer Yurub waxay bilaabeen in ay u soo tallaabaan gudaha Soomaaliya Inland. Inkasta oo dalalkii la gumaystay ay inala qabeen falkan, misana dalkayaga waxay ku bilaabatay bilowgii qarnigii 19aad, gaar ahaan markii uu Ingiriisku Cadan degay sanadkii 1839-kii. Markaas oo noloshii reer miyigii Soomaaliyeed ay ku soo korodhay raadadka ay reebeen raggii hoggaaminayay arahyadii reer Yurub, kuwaas oo aanan degaanka ka helin marti-soorkii iyo soo dhowayntii laynagu yiqiin ee dhaqanka inoo ahaa. Sabatuna waa iyaga oo la dareensaday oo ujeeddadooda ayaa ahayd mid aanan hagaagsanayn.

Waxaa xusid mudan, wixii ka horeeyay sanadkii 1870-kii in dadka Soomaalida ahi ee ku nool geeska Afrika ay ahaayeen kuwo noloshoodu ay ka madax-bannaanayd fara-gelin shisheeye. Ganacsatada carbeed ee xilligaas degaanka iman jiray ma eeyan lahayn damac ka baxsan ganacsiga uga socday degaanka, sidaa darteed maahayn kuwo ay Soomaalidu u arkayeen in ay yihiin dad shisheeye ah. Inkasta oo qaar badan oo ganacsatadaas kamid ah ay degaanka ku lahaayeen sandaqado ganacsi iyo aqallo, misana waxay ahaayeen kuwo ogaal u lahaa halka uu asalkoodu yahay. Ganacsatadaasi waxay guryo ku lahaayeen degmooyin ay kamid yihiin Kilwa, Mombasa, Malindi, Baraawe iyo Xamar. (East Africa a Century of Change 1870-1970. W.E.F. Ward & L.W.White. p. 29).

Socotada reer Yurub ayaa waxay ahaayeen kuwo ka muuqaal duwanaa ganacsatada carbeed, Soomaaliduna ay u arkayeen in ay ahaayeen dad shisheeye ah. Socotadaasi oo ay ujeeddadoodu ahayd in ay u gogol xaaraan barnaamijka gumaysi oo ay dowladahoodu damacsanaayeen ayaa waxay la iman jireen suŽaalo badan oo ay dadka waydiin jireen. Arrimaha ay xiisayn jireen waxaa kamid ahaa ilaha waaweyn ee biyaha laga cabo sida webiyada, harooyinka iyo ceelasha. Waxaa kale oo ay raadin jireen buuraha iyo degmooyinka ay dadku ku badan yihiin. Raggaas socotada ahaa oo badankoodu ay ahaayeen rag wax ka yiqiin aqoonta bulsho-baradka social science, ayaa waxay xiisayn jireen sida ay beeluhu isu xigaan, arimaha ay isku khilaafsan yihiin iyo waxa ay ka midaysan yihiin, taariikhaha colaadeed ee beelaha ka dhexeeya iwl. Raggaasi waxaa u caado ahayd in ay siteen alaabo badan oo ay ka ganacsanayeen, qayb kamid ahna waxay hadiyado u siin jireen duqayda beelaha ay dhulkooda d! ! hex-marayaan si ay nabadgelyo uga helaan. Raggaasi oo ku dadaali jiray in eeyan marna u muuqan rag colaad ama xumaan u socda ayaa sida badan ku guulaysan jiray ujeeddada socdaalladooda.

Haddaanu wax ka xusno ragga safka hore kaga jiray barnaamijyadii sahameed ee gun-dhigga u ahayd is-beddelka noloshii soo-jireenka ahayd ee dalkayaga, waxay ahaayeen raggan hoos ku xusan :

1. Rouche Araico Wuxuu u dhashay dalka Faransa, dowladdiisii ayaa u dirtay in uu sahmiyo degaanka Boqortooyada Shawa. Ninkaas oo arahdiisaas ay ku beegnayd sanadkii 1839kii, ayaa maagalada Qaahira ka soo amba-baxay 22-kii bishii febraayo, isla sanadkaas. Tajuura ayuu ka soo degay dabadeed wuxuu sii dhex-maray dhulka ay Cafarta iyo Soomaalidu degaan. Rouche Araico oo muddo labo toddobaad ku sugnaa degaanka Jabuuti ayaa si tafaf-tiran uga war-bixiyay noloshii iyo cimiladii degaanka. (Barkhat. 1972. 185.).

2. Lieutenant W. C. Baker : Sarkaal ka tirsanaa ciidamadii Ingiriiska ee fadhigoodu ahaa Hindiya. Wuxuu kamid ahaa raggii loo xushay in ay hoggaamiyaan arahyadii ugu horayay ee qarnigaas ay dowladda Ingiriisku ku baranaysay dhulka boqortooyada Shawa iyo waddooyinka loo sii maro. Lieut. Baker dhowr jeer ayuu degaankaas ku noqday. Sarkaalkan ayaa sanadkii 1840-kii wuxuu horseede ka ahaa arah lagu marayay dhulka Soomaaliyeed ee xeebta ah ee ku dhereran bad-yarada Cadan.

3. Lieutenant W. Christopher : Sarkaal kale oo Ingiriis. Wuxuu isna ka tirsanaa ciidamadii badda ee fadhigoodu ahaa Hindiya. Sanadkii 1843-kii ayuu isaguna hoggaamiyay arah ku socatay dhulka Soomaaliyeed ee xeebta ah ee ku sii jeeda bad-waynta Hindiya.

4. Lieutenant C. J. Cruttenden : Wuxuu ahaa sarkaalkii siyaasadda ee ciidamada Ingiriiska u fadhiyay Cadan. Ninkan oo ku socdaalay dhulka engegan ee ku sii jeeda bad-yarada Cadan, ayaa arahdiisii waxay la soo laabatay macluumaad qiimo ku fadhiya oo raggii ka horeeyay eeyan helin.

5. Charles Guillian : Sahmiye Faransiis ah, sanadkii 1848-kii ayuu gudaha Soomaaliya soo galay. Ninkaas oo qoraalo qiimo leh sameeyay, dadkayagii uu la kulmay oo uu sida wanaagsan uga war-bixiyay waxaa kamid ahaa noloshii boqortooyadii Gelledi.

6. Lieutenant Richard F. Bortun : Sahmiye Ingiriis ah, waa ninkii ugu horeeyay oo reer Yurub ah ee ku guulaystay in uu guda-galo magaalada taariikhiga ah ee Harar, isaga oo sii dhex-maraya dhulka ay Soomaalidu degaan, isla markaasna xaruntiisii ku soo laabta isaga oo nabad qaba. Magaaladaasi looma ogolaan jirin qof aanan muslim ahayn in uu gudaheeda galo.

7. John H. Speke : Wuxuu gacan yare u ahaa R. F. Burton oo uu la shaqaynayay. Ninkani goor dambe ayuu wuxuu noqday sahmiyaha ugu horeeya ee reer Yurub ee gaara halka ay ka soo bilowdaan biyaha webiga Niil. Sanadkii 1860-kii ayuu wuxuu ku soo degay dhul xeeb ah ee u dhow degmada Laas-qoray, isaga oo ujeeddadiisu ay ahayd in uu sahan ku gaaro dhulka uu maro togga Nugaal. Inkasta oo uu ahaa sahmiye reer Yurub kii ugu horeeyay ee gaara dhulka ayda ah oo ay degaan beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli, misana wuxuusan ku gulaysan ujeeddadii arahdiisa. Sabatuna waxay ahayd isaga oo dib u soo laabtay. Taasina waxay ka dambaysay markii uu ka baqay in la dilo . (S. Touvalli. Somali Nationalism. 1963. p. 31).

Sahamadii badnaa ee qarniga nuskiisii hore ay hoggaamiye-araheedyada reer Yurub ku bixiyeen geeska Afrika, labada nin ee guusha wayn ka soo hoyay waxay ahaayeen Rouche Araico oo si tafaf-tiran uga soo waramay boqortooyada Shawa iyo Richard Burton oo isna ka soo war-bixiyay degmada Harar. Haddaanu qoraaladoodii wax ka xusno, R. Araico wuxuu gaaray magaalo-madaxdii boqortooyadii Xabashida Andodo. Inkasta oo maamulkaas uu hoos imanayay boqorkii Tigrayga, misana Rouche Araico wuxuu la kulmay Sahle Selaesse oo Xabashida u oday ahaa. Waxaa xusid mudan in boqor Sahle uu ahaa Menelik aabihiis.

Sida uu R. Araico xusay wuxuu u yimid boqorka isaga oo sariir ku fadhiya, hareerihiisana ay taagan yihiin 300 oo nin kuwaas oo gacanta ku haya shumac ifaya. Raggaasi waxay taagnaanayeen 12 saacadood oo xiriir ah. Inkasta oo R. Araico uu ahaa nin takhtar ah, misana suŽaashii ugu horaysay ee uu boqorka ka dhegaystay waxay ahayd farsamada lagu sameeyo qoryaha iyo sida loo riiqo baaruuda. Markaas buu R. Araico wuxuu boqorkii u hadiyeeyay dhowr qori iyo aalad lagu riiqo baaruuda. Boqorkii aad buu ugu farxay hadiyadda qiimaha leh ee uu helay. Halkaas buu ninkii martida ahaa ku guddoomiyay biladda libaaxyada. Markii uu R. Araico ka soo amaba-baxayay Shawa, wuxuu horay u soo qaaday dhambaal iyo hadiyado uu boqor Sahle Selaesse u dirayay boqorkii Faransa. Qoraalkii dhambaalkaas waxaa kamid ahaa :

" Ka : Nagashi, boqorka hagaagsan ee Shawa.

Ku : Luise Philip, boqorka Faransa.

Waxaan idiin soo dirayaa dhambaalkaygan, kaddib markii uu Rouche iiga waramay waynankiina ayaa qalbigaygii u iishay xagiina. Waxaan dalbayaa saaxiibtinimadiina. Sida caadadu tahay, hadiyaduhu waa waddada ugu horeysa ee xiriirisa saaxiibada kala fog. Sidaa darteed baa waxaan idiin soo dirayaa alaabo kamid ah waxyaabaha dhulkayaga laga helo. Taas oo ah gaashaan, seef, kaatun qalin ah, lebis dagaal, harag Shabeel madow, labo kitaab oo midka hore magaciisa la yiraahdo Sankisaar midka kalena Furashadii Nagashi. Ma malaynayo in alaabatan ay laaqi u tahay waynankiina, laakiin waa raad-taariikheed oo qofkii doonaya uu daawan karo.

Ma awoodo in aan idin dhaafsado hilowga ka dhasha is-araga iyo wada-hadalka. Sidaa darteed baa waxaan ku gaabsanayaa in aan idiin soo gudbiyo hilow qoraal ah. Waayo khadda iyo qalinka waxdhaafsiisan oo aad iiga dhex muuqataan baan jirin. Carrabka Rouche mid aan ahayn oo aan idinkula hadli karo ma jiro. Ninkaas oo dhab ahaantii aan ka codsaday in uu idiin sheego aragtiyaalka aan qabo. Waxaan rajaynayaa in aad u oggolaataan in uu xaggayaga dib ugu soo laabto. Wixii aad u baahan tihiin oo dhulkayaga laga helo u soo sheega, markaas waxaan u degdegi doonaa wixii maslaxaddiina ah. Rouche-na isaga oo nabad qaba ayuu idinku soo noqon doonaa.

Barakada Rabiga aabaha ah iyo wiilka daacadda ah ayuu wada-jirkayagu ku ahaanayaa.

Xoghaynta Nagashi-ga hagaagsan. Sahle ". (Unknown Africa by ...........).

Sidaas ayay ku bilaaatay xiriirkii uu Sahle la yeeshay Faransiiska. Xiriirkaas oo qarniga dabayaaqadiisa uu dhaxlayo Menelik, wuxuu ahaa mid eeyan Soomaalidu mahadin.

R. F. Burton ayaa isaguna ahaa nin kale oo si wanaagsan uga guul keenay ujeeddadii arahdiisa. Ninkan oo magaalada Cadan ka soo amba-baxay 29.10.1854, ayaa wuxuu Harar soo gaaray 3.1.1855. Magaalada Harar waxaa uu joogay 10 cisho oo qura. Isaga oo nabad qaba ayuu ku soo noqday magaalada Cadan markay taariikhdu ahayd 9.2.1855. Burton wuxuu ogaa in aanan sahmiye Yurub ka socda oo Harar tegay kuna badbaaday uusan hortiis jirin. Ragga u dhintay booqashada Harar waxaa kamid ah Major Gordon Laing oo magaalada booqday sanadkii 1826kii, dabadeedna lagu dilay. Waxyaabaha u suurogeliyay arahdiisa ayaa waxaa ahaa isaga oo sheegtay in uu islaam yahay. Ninkaasi oo aqoon u lahaa diinta islaamka ayaa magaciisii beddelay oo la baxay Cabdalla. Burton waxaa kale oo uu si wanaagsan u yiqiin afka iyo suugaanta carabiga. Waxaa intaa u weheliyay isaga oo booqday labada degmo ee xurmadd! ! a leh Maka iyo Madiina. Intuusan Harar u socdaalin muddo saddex bilood ah ayuu ku noolaa degmada Saylac isaga oo Soomaalidu ay u arkayeen nin Shiikh ah. Markuu Harar aadayay wuxuu huwanaa kalsoonida culimadii Soomaaliyeed ee fadhiday Saylac iyo duqaydii degmadaas, kuwaas oo nooloshiisa hayay muddadii uu martida u ahaa. Safarkiisu wuxuu ku beegi jiray lixda bisha safar oo islaamku jecel yahay in ay bilaabaan safarka. Arahdii R. F. Burton waxaa ka dambeeyay hayŽadda la yiraahdo The Royal Geographical Society, ujeeddaduna waxay ahayd in la furo dhabo ganacsi oo loo maro Harar iyo in laysku balaariyo dhulka xeebta ka fog ee gudaha ah, si dabadeed degaanka loogu martiyo Ingiriiska. Waxaa xusid mudan in Harar ay markaas ahayd jasiirad ka hartay ilbaxnimo daŽwayn. (Omar Abdi Bare Ph.D. Holder for Pre - Colonial Somali History).

R. F. Burton wuxuu magaalada ku tilmaamay qalcad hor-taagan in maamulka Xaashidu uu ku baaho degaanka. Qoraalkii uu ka sameeyay waxaa kamid ah sidatan :

" Harar weli lama booqan, magaalo la jaad ah dunida maanta waa ay ku yar tahay. Iridaheeda waawayn weli looma furin arahyada ka imanaya Yurub. Waa magaalo daŽ wayn, ilbaxnimona ay ka muuqato. Waxaa ku nool hal dad oo aanan la wehelin. Dadka sida joogtada ah u degan waa dadka degaankoodu yahay geeska Afrika. Magaaladaas oo uu derbi ku weegaaran yahay, waxaa dhexdeeda fadhiya wadaaddo laga barto diinta Islaamka. Aqallada magaaladu waa dhagax, waxay leeyihiin maamul madax-bannaan oo uu ka taliyo nin amiir ah. Dadkeedu waa kuwo aanan horay loo arag, waxay ku hadlaan af aanan la garanayn, waxay leeyihiin cumlad u gaar ah. Waa xarunta qaxwaha coffee, taliska ganacsiga addoomada, meesha ay ka bilaabatay tallaalka dhirta qaadka. Waxay leedahay wershad wayn ee hagaajisa cudbiga dharka laga sameeyo. Dhab-ahaana waa ay mutaysatay in ay la colowdo arahyada ka imanaya Yurub ". (S. Touvalli. Somali Nationalism. 1963. p. 31).

Waxaa xusid mudan waraaqdan uu Burton qoray in ay tahay mid Soomaalida uga khatarsan waraaqda ay inbadan ka calaacaleen ee uu Menelik u qoray dowladihii reer Yurub sanadkii 1896-kii. Waraaqda Burton waxay kalliftay sida aanu casharada soo socda ku arki doono in Harar ay noqoto barta ay tilmaansadeen oo ay ku tartamayeen xoogagga gumaysiga isu soo bahaystay ee Xaashida iyo Yurubta. Magaaladaas oo dareenka diiniga ah ka sokow, muslimiinta ku nool bariga Afrika ula maqaam joogta halka ay Qudus ka joogto dadka Carabta ah.

Dhowr bilood kaddib, R.F. Burton ayaa markale isku deyay in uu arah ku soo hoggaamiyo degmada Harar. Wuxuu Cadan ka soo dhoofay 7/ 4- 1855-kii, isaga oo ay weheshaan 42 nin. Gaadiid ahaan wuxuu u kaxaystay 26 Rati oo u rarnaa. Laakiin markan duqaydii beesha Habar-Awala ayaa uga digay in uu socdaal ku aado Harar, waxayna ku yiraahdeen : " Dib u laabta !, haddii kale dagaal ayaad nagaala kulmaysaan ". Burton, ayaa socdaal isu xirxiray kaddib markii uu dhayalsaday hadalkii duqayda. Bishii abriil, habeenkii u dhexeeyaya maalmihii 18-aad iyo 19-aad ayaa dhalinyaro u dhashay beesha Habar-Awal waxay ku soo duuleen xaruntii uu ku lahaa magaalada Berbera. Waxaa halkaas ku dhintay Lieutenant Stroyan, waxaana ku dhaawacmay Burton iyo gacanyarihiisii Speke, kuwaas oo ku guulaystay in ay baxsadaan. Dabadeed dib a! ! yay Cadan ugu laabteen.

Saadiq Enow

 

.Casharadii hore

Saadiq Enow


Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001