Casharkii XIII-aad
Kaddib markii ay wax badan ka ogaadeen waddooyinkii badda
iyo degmooyinkii xeebaha ku yiil ee Soomaaliya, ayaa ganacsatadii
iyo ragii sahanka ahaa ee reer Yurub waxay bilaabeen in ay
u soo tallaabaan gudaha Soomaaliya Inland. Inkasta oo dalalkii la gumaystay
ay inala qabeen falkan, misana dalkayaga waxay ku bilaabatay
bilowgii qarnigii 19aad, gaar ahaan markii uu Ingiriisku Cadan
degay sanadkii 1839-kii. Markaas oo noloshii reer miyigii
Soomaaliyeed ay ku soo korodhay raadadka ay reebeen raggii
hoggaaminayay arahyadii reer Yurub, kuwaas oo aanan degaanka
ka helin marti-soorkii iyo soo dhowayntii laynagu yiqiin ee
dhaqanka inoo ahaa. Sabatuna waa iyaga oo la dareensaday oo
ujeeddadooda ayaa ahayd mid aanan hagaagsanayn.
Waxaa xusid mudan, wixii ka horeeyay sanadkii 1870-kii
in dadka Soomaalida ahi ee ku nool geeska Afrika ay ahaayeen
kuwo noloshoodu ay ka madax-bannaanayd fara-gelin shisheeye.
Ganacsatada carbeed ee xilligaas degaanka iman jiray ma eeyan
lahayn damac ka baxsan ganacsiga uga socday degaanka, sidaa
darteed maahayn kuwo ay Soomaalidu u arkayeen in ay yihiin
dad shisheeye ah. Inkasta oo qaar badan oo ganacsatadaas kamid
ah ay degaanka ku lahaayeen sandaqado ganacsi iyo aqallo,
misana waxay ahaayeen kuwo ogaal u lahaa halka uu asalkoodu
yahay. Ganacsatadaasi waxay guryo ku lahaayeen degmooyin ay
kamid yihiin Kilwa, Mombasa, Malindi, Baraawe iyo Xamar. (East
Africa a Century of Change 1870-1970. W.E.F. Ward & L.W.White.
p. 29).
Socotada reer Yurub ayaa waxay ahaayeen kuwo ka muuqaal
duwanaa ganacsatada carbeed, Soomaaliduna ay u arkayeen in
ay ahaayeen dad shisheeye ah. Socotadaasi oo ay ujeeddadoodu
ahayd in ay u gogol xaaraan barnaamijka gumaysi oo ay dowladahoodu
damacsanaayeen ayaa waxay la iman jireen suŽaalo badan oo
ay dadka waydiin jireen. Arrimaha ay xiisayn jireen waxaa
kamid ahaa ilaha waaweyn ee biyaha laga cabo sida webiyada,
harooyinka iyo ceelasha. Waxaa kale oo ay raadin jireen buuraha
iyo degmooyinka ay dadku ku badan yihiin. Raggaas socotada
ahaa oo badankoodu ay ahaayeen rag wax ka yiqiin aqoonta bulsho-baradka
social science, ayaa waxay
xiisayn jireen sida ay beeluhu isu xigaan, arimaha ay isku
khilaafsan yihiin iyo waxa ay ka midaysan yihiin, taariikhaha
colaadeed ee beelaha ka dhexeeya iwl. Raggaasi waxaa u caado
ahayd in ay siteen alaabo badan oo ay ka ganacsanayeen, qayb
kamid ahna waxay hadiyado u siin jireen duqayda beelaha ay
dhulkooda d! ! hex-marayaan si ay nabadgelyo uga helaan. Raggaasi
oo ku dadaali jiray in eeyan marna u muuqan rag colaad ama
xumaan u socda ayaa sida badan ku guulaysan jiray ujeeddada
socdaalladooda.
Haddaanu wax ka xusno ragga safka hore kaga jiray barnaamijyadii
sahameed ee gun-dhigga u ahayd is-beddelka noloshii soo-jireenka
ahayd ee dalkayaga, waxay ahaayeen raggan hoos ku xusan :
1. Rouche Araico Wuxuu
u dhashay dalka Faransa, dowladdiisii ayaa u dirtay in uu
sahmiyo degaanka Boqortooyada Shawa. Ninkaas oo arahdiisaas
ay ku beegnayd sanadkii 1839kii, ayaa maagalada Qaahira ka
soo amba-baxay 22-kii bishii febraayo, isla sanadkaas. Tajuura
ayuu ka soo degay dabadeed wuxuu sii dhex-maray dhulka ay
Cafarta iyo Soomaalidu degaan. Rouche
Araico oo muddo labo toddobaad ku sugnaa degaanka
Jabuuti ayaa si tafaf-tiran uga war-bixiyay noloshii iyo cimiladii
degaanka. (Barkhat. 1972. 185.).
2. Lieutenant W. C. Baker
: Sarkaal ka tirsanaa ciidamadii Ingiriiska ee fadhigoodu
ahaa Hindiya. Wuxuu kamid ahaa raggii loo xushay in ay hoggaamiyaan
arahyadii ugu horayay ee qarnigaas ay dowladda Ingiriisku
ku baranaysay dhulka boqortooyada Shawa iyo waddooyinka loo
sii maro. Lieut. Baker dhowr
jeer ayuu degaankaas ku noqday. Sarkaalkan ayaa sanadkii 1840-kii
wuxuu horseede ka ahaa arah lagu marayay dhulka Soomaaliyeed
ee xeebta ah ee ku dhereran bad-yarada Cadan.
3. Lieutenant W. Christopher
: Sarkaal kale oo Ingiriis. Wuxuu isna ka tirsanaa ciidamadii
badda ee fadhigoodu ahaa Hindiya. Sanadkii 1843-kii ayuu isaguna
hoggaamiyay arah ku socatay dhulka Soomaaliyeed ee xeebta
ah ee ku sii jeeda bad-waynta Hindiya.
4. Lieutenant C. J. Cruttenden
: Wuxuu ahaa sarkaalkii siyaasadda ee ciidamada Ingiriiska
u fadhiyay Cadan. Ninkan oo ku socdaalay dhulka engegan ee
ku sii jeeda bad-yarada Cadan, ayaa arahdiisii waxay la soo
laabatay macluumaad qiimo ku fadhiya oo raggii ka horeeyay
eeyan helin.
5. Charles Guillian
: Sahmiye Faransiis ah, sanadkii 1848-kii ayuu gudaha Soomaaliya
soo galay. Ninkaas oo qoraalo qiimo leh sameeyay, dadkayagii
uu la kulmay oo uu sida wanaagsan uga war-bixiyay waxaa kamid
ahaa noloshii boqortooyadii Gelledi.
6. Lieutenant Richard F. Bortun
: Sahmiye Ingiriis ah, waa ninkii ugu horeeyay oo reer Yurub
ah ee ku guulaystay in uu guda-galo magaalada taariikhiga
ah ee Harar, isaga oo sii dhex-maraya dhulka ay Soomaalidu
degaan, isla markaasna xaruntiisii ku soo laabta isaga oo
nabad qaba. Magaaladaasi looma ogolaan jirin qof aanan muslim
ahayn in uu gudaheeda galo.
7. John H. Speke : Wuxuu
gacan yare u ahaa R. F. Burton
oo uu la shaqaynayay. Ninkani goor dambe ayuu wuxuu noqday
sahmiyaha ugu horeeya ee reer Yurub ee gaara halka ay ka soo
bilowdaan biyaha webiga Niil. Sanadkii 1860-kii ayuu wuxuu
ku soo degay dhul xeeb ah ee u dhow degmada Laas-qoray, isaga
oo ujeeddadiisu ay ahayd in uu sahan ku gaaro dhulka uu maro
togga Nugaal. Inkasta oo uu ahaa sahmiye reer Yurub kii ugu
horeeyay ee gaara dhulka ayda ah oo ay degaan beelaha Dhulbahante
iyo Warsangeli, misana wuxuusan ku gulaysan ujeeddadii arahdiisa.
Sabatuna waxay ahayd isaga oo dib u soo laabtay. Taasina waxay
ka dambaysay markii uu ka baqay in la dilo . (S.
Touvalli. Somali Nationalism. 1963. p. 31).
Sahamadii badnaa ee qarniga nuskiisii hore ay hoggaamiye-araheedyada
reer Yurub ku bixiyeen geeska Afrika, labada nin ee guusha
wayn ka soo hoyay waxay ahaayeen Rouche Araico oo si tafaf-tiran uga soo waramay
boqortooyada Shawa iyo Richard Burton
oo isna ka soo war-bixiyay degmada Harar. Haddaanu
qoraaladoodii wax ka xusno, R. Araico
wuxuu gaaray magaalo-madaxdii boqortooyadii Xabashida Andodo.
Inkasta oo maamulkaas uu hoos imanayay boqorkii Tigrayga,
misana Rouche Araico wuxuu la kulmay Sahle Selaesse oo Xabashida u oday ahaa.
Waxaa xusid mudan in boqor Sahle
uu ahaa Menelik aabihiis.
Sida uu R. Araico xusay
wuxuu u yimid boqorka isaga oo sariir ku fadhiya, hareerihiisana
ay taagan yihiin 300 oo nin kuwaas oo gacanta ku haya shumac
ifaya. Raggaasi waxay taagnaanayeen 12 saacadood oo xiriir
ah. Inkasta oo R. Araico uu ahaa nin takhtar ah, misana
suŽaashii ugu horaysay ee uu boqorka ka dhegaystay waxay ahayd
farsamada lagu sameeyo qoryaha iyo sida loo riiqo baaruuda.
Markaas buu R. Araico wuxuu
boqorkii u hadiyeeyay dhowr qori iyo aalad lagu riiqo baaruuda.
Boqorkii aad buu ugu farxay hadiyadda qiimaha leh ee uu helay.
Halkaas buu ninkii martida ahaa ku guddoomiyay biladda libaaxyada.
Markii uu R. Araico ka soo amaba-baxayay Shawa, wuxuu
horay u soo qaaday dhambaal iyo hadiyado uu boqor Sahle Selaesse u dirayay boqorkii Faransa.
Qoraalkii dhambaalkaas waxaa kamid ahaa :
" Ka : Nagashi,
boqorka hagaagsan ee Shawa.
Ku : Luise Philip,
boqorka Faransa.
Waxaan idiin soo dirayaa dhambaalkaygan, kaddib markii
uu Rouche iiga waramay waynankiina ayaa qalbigaygii
u iishay xagiina. Waxaan dalbayaa saaxiibtinimadiina. Sida
caadadu tahay, hadiyaduhu waa waddada ugu horeysa ee xiriirisa
saaxiibada kala fog. Sidaa darteed baa waxaan idiin soo dirayaa
alaabo kamid ah waxyaabaha dhulkayaga laga helo. Taas oo ah
gaashaan, seef, kaatun qalin ah, lebis dagaal, harag Shabeel
madow, labo kitaab oo midka hore magaciisa la yiraahdo Sankisaar midka kalena Furashadii Nagashi. Ma malaynayo in alaabatan
ay laaqi u tahay waynankiina, laakiin waa raad-taariikheed
oo qofkii doonaya uu daawan karo.
Ma awoodo in aan idin dhaafsado hilowga ka dhasha is-araga
iyo wada-hadalka. Sidaa darteed baa waxaan ku gaabsanayaa
in aan idiin soo gudbiyo hilow qoraal ah. Waayo khadda iyo
qalinka waxdhaafsiisan oo aad iiga dhex muuqataan baan jirin.
Carrabka Rouche mid aan ahayn oo aan idinkula hadli karo
ma jiro. Ninkaas oo dhab ahaantii aan ka codsaday in uu idiin
sheego aragtiyaalka aan qabo. Waxaan rajaynayaa in aad u oggolaataan
in uu xaggayaga dib ugu soo laabto. Wixii aad u baahan tihiin
oo dhulkayaga laga helo u soo sheega, markaas waxaan u degdegi
doonaa wixii maslaxaddiina ah. Rouche-na
isaga oo nabad qaba ayuu idinku soo noqon doonaa.
Barakada Rabiga aabaha ah iyo wiilka daacadda ah ayuu
wada-jirkayagu ku ahaanayaa.
Xoghaynta Nagashi-ga hagaagsan.
Sahle ". (Unknown
Africa by ...........).
Sidaas ayay ku bilaaatay xiriirkii uu Sahle la yeeshay Faransiiska. Xiriirkaas
oo qarniga dabayaaqadiisa uu dhaxlayo Menelik, wuxuu ahaa
mid eeyan Soomaalidu mahadin.
R. F. Burton ayaa isaguna
ahaa nin kale oo si wanaagsan uga guul keenay ujeeddadii arahdiisa.
Ninkan oo magaalada Cadan ka soo amba-baxay 29.10.1854, ayaa
wuxuu Harar soo gaaray 3.1.1855. Magaalada Harar waxaa uu
joogay 10 cisho oo qura. Isaga oo nabad qaba ayuu ku soo noqday
magaalada Cadan markay taariikhdu ahayd 9.2.1855. Burton
wuxuu ogaa in aanan sahmiye Yurub ka socda oo Harar tegay
kuna badbaaday uusan hortiis jirin. Ragga u dhintay booqashada
Harar waxaa kamid ah Major Gordon Laing
oo magaalada booqday sanadkii 1826kii, dabadeedna lagu dilay.
Waxyaabaha u suurogeliyay arahdiisa ayaa waxaa ahaa isaga
oo sheegtay in uu islaam yahay. Ninkaasi oo aqoon u lahaa
diinta islaamka ayaa magaciisii beddelay oo la baxay Cabdalla.
Burton waxaa kale oo uu si wanaagsan u yiqiin
afka iyo suugaanta carabiga. Waxaa intaa u weheliyay isaga
oo booqday labada degmo ee xurmadd! ! a leh Maka iyo Madiina.
Intuusan Harar u socdaalin muddo saddex bilood ah ayuu ku
noolaa degmada Saylac isaga oo Soomaalidu ay u arkayeen nin
Shiikh ah. Markuu Harar aadayay wuxuu huwanaa kalsoonida culimadii
Soomaaliyeed ee fadhiday Saylac iyo duqaydii degmadaas, kuwaas
oo nooloshiisa hayay muddadii uu martida u ahaa. Safarkiisu
wuxuu ku beegi jiray lixda bisha safar
oo islaamku jecel yahay in ay bilaabaan safarka. Arahdii R.
F. Burton waxaa ka dambeeyay hayŽadda la yiraahdo
The Royal Geographical Society, ujeeddaduna
waxay ahayd in la furo dhabo ganacsi oo loo maro Harar iyo
in laysku balaariyo dhulka xeebta ka fog ee gudaha ah, si
dabadeed degaanka loogu martiyo Ingiriiska. Waxaa xusid mudan
in Harar ay markaas ahayd jasiirad ka hartay ilbaxnimo daŽwayn.
(Omar Abdi Bare Ph.D. Holder for Pre - Colonial Somali
History).
R. F. Burton wuxuu
magaalada ku tilmaamay qalcad hor-taagan in maamulka Xaashidu
uu ku baaho degaanka. Qoraalkii uu ka sameeyay waxaa kamid
ah sidatan :
" Harar weli lama booqan, magaalo la jaad ah dunida
maanta waa ay ku yar tahay. Iridaheeda waawayn weli looma
furin arahyada ka imanaya Yurub. Waa magaalo daŽ wayn, ilbaxnimona
ay ka muuqato. Waxaa ku nool hal dad oo aanan la wehelin.
Dadka sida joogtada ah u degan waa dadka degaankoodu yahay
geeska Afrika. Magaaladaas oo uu derbi ku weegaaran yahay,
waxaa dhexdeeda fadhiya wadaaddo laga barto diinta Islaamka.
Aqallada magaaladu waa dhagax, waxay leeyihiin maamul madax-bannaan
oo uu ka taliyo nin amiir ah. Dadkeedu waa kuwo aanan horay
loo arag, waxay ku hadlaan af aanan la garanayn, waxay leeyihiin
cumlad u gaar ah. Waa xarunta qaxwaha coffee,
taliska ganacsiga addoomada, meesha ay ka bilaabatay tallaalka
dhirta qaadka. Waxay leedahay wershad wayn ee hagaajisa cudbiga
dharka laga sameeyo. Dhab-ahaana waa ay mutaysatay in ay la
colowdo arahyada ka imanaya Yurub ". (S.
Touvalli. Somali Nationalism. 1963. p. 31).
Waxaa xusid mudan waraaqdan uu Burton
qoray in ay tahay mid Soomaalida uga khatarsan waraaqda ay
inbadan ka calaacaleen ee uu Menelik u qoray dowladihii
reer Yurub sanadkii 1896-kii. Waraaqda Burton waxay
kalliftay sida aanu casharada soo socda ku arki doono in Harar
ay noqoto barta ay tilmaansadeen oo ay ku tartamayeen xoogagga
gumaysiga isu soo bahaystay ee Xaashida iyo Yurubta. Magaaladaas
oo dareenka diiniga ah ka sokow, muslimiinta ku nool bariga
Afrika ula maqaam joogta halka ay Qudus ka joogto dadka Carabta
ah.
Dhowr bilood kaddib, R.F. Burton
ayaa markale isku deyay in uu arah ku soo hoggaamiyo degmada
Harar. Wuxuu Cadan ka soo dhoofay 7/ 4- 1855-kii, isaga oo
ay weheshaan 42 nin. Gaadiid ahaan wuxuu u kaxaystay 26 Rati
oo u rarnaa. Laakiin markan duqaydii beesha Habar-Awala ayaa
uga digay in uu socdaal ku aado Harar, waxayna ku yiraahdeen
: " Dib u laabta !, haddii kale dagaal ayaad nagaala kulmaysaan
". Burton, ayaa socdaal isu xirxiray kaddib markii
uu dhayalsaday hadalkii duqayda. Bishii abriil, habeenkii
u dhexeeyaya maalmihii 18-aad iyo 19-aad ayaa dhalinyaro u
dhashay beesha Habar-Awal waxay ku soo duuleen xaruntii uu
ku lahaa magaalada Berbera. Waxaa halkaas ku dhintay Lieutenant
Stroyan, waxaana ku dhaawacmay Burton iyo gacanyarihiisii
Speke, kuwaas oo ku guulaystay in ay baxsadaan. Dabadeed
dib a! ! yay Cadan ugu laabteen.
Saadiq Enow