|
GOORTII
DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!
Casharkii XIV-aad
Bilowgii qaybtii labaad ee qarniga, isbeddel xoog wayn oo
kamid ah isbeddellada deegaan-siyaasadeed geopolitic ayaa ku yimid degaankayagii kadib
markii la furay biya-mareenka Suweys Suez Canal sanadkii 1869-kii. Markaas oo
badda Cas ay noqotay waddada ugu milgaha clus ee isku xidha
qaaradaha dunida, halkaas oo ay maraan maraakiibta ganacsiga
iyo kuwa kale ee u kala gooshaya Yurub, koonfur Aasiya, bariga
fog, bariga Afrika, qaaradda Awstraaliya iyo galbeedka Ameerika.
Biya-mareenkan ayaa wuxuu sababay is-beddel wayn oo ku yimid
noloshii dadkii Soomaaliyeed. Taasina waxay ka dambaysay ummadihii
badnaa oo ku soo qulqulay biya-mareenka ayaa dalkayagii wuxuu
u noqday marin muhiim ah oo ay kuna nastaan, sahayna ka qaataan.
Haddaanu milicsano sheekada biya-mareenkan, waxaanu heleynaa
in fikradda iyo qorshaha lagu qoday uu lahaa nin Faransiis ah
oo la yiraahdo Ferdinand de Lesseps.
Biya-mareenkaas oo ku dhaca waqooyi-bari ee dalka Masar ayaa
wuxuu xuduud u yahay lama-degaanka Siinay iyo dhulka Masar intiisa
kale. Wuxuu u dhexeeyaa magaalada Buur-Saciid ee xigta afka
waqooyi ee iya-mareenka, kuna taal xeebta badda Dhexe iyo magaalada
Suweys (Buur -Towfiiq) oo
iyadu xigta afka koonfureed, waxayna ku taal xeebta badda Cas.
Biya-mareenkaasi oo dhererkiisu yahay 171 km. 105
miles, ayaa qodistiisu waxay qaadatay 10 sanadood
(1859 -1869). Howshaas qallafsan, ujeeddada laga lahaa ayaa
waxay ahayd in la helo waddo ka dhow tii hore ee uu ganacsigu
mari jiray marka loo kala socdaalayo qaaradaha Yurub iyo Aasiya.
Sida uu biyo-mareenkani u sahlay dhaqdhaqaaqii ganacsigii caalamiga
ahaa waxaanu ka garanaynaa! ! masaafada uu isu soo dhoweeyay
socdaalka labada magaalo ee London
(Ingiriis) iyo Colombo (Siri Laanka). Furitaankii biya-mareenka
dabadeed socdaalka labada magaalo wuxuu noqoday 7.000 oo km.
taas oo hortii ahayd 18.000 km. Sidaas bay ku muuqataa in waddadii
uu ganacsigu marijiray ee ka soo leexanaysay raaska lagu magacaabo
cape of good hope, ay is-dhintay
masaafo dhan 39 %. (Swedish National
Encyclopedia. 1993. Vol. 14 p. 400).
Qiimaha wayn ee biya-mareenku uu ku soo kordhiyay dhaqdhaqaaqii
ganacsiga caalamiga ah ayaa degaankii geeska Afrika waxay ka
dhigtay degaan ay umaduhu si gaar ah u milicsadaan. Dhulka ay
Soomaalidu degaan waxaa u kordhay xiisayn ay xoogaggii jiray
ku damcaan in ay cagta la helaan meel gobolladiisa kamid ah.
Waxaa xusid mudan qodidda biya-mareenkani oo ay ku halaagsameen
dad gaaraya 125.000, oo kamid ahaa dadkii ka shaqaynayay ee
dhamaa 1.5 melyan oo nin, ayaa halaag midkaas ka wayn u gaystay
dadyowgii ku noolaa bariga Afrika, gaar ahaan Soomaaliya. Sanadihii
ugu horeeyay ee biya-mareenka la furay ayaa biyihiisa waxaa
soo raacay xoogaggii gumaysiga ahaa, kuwaas oo ku duulaan ahaa
dalka, dadka, diinta iyo dhaqanka Soomaalida. Halkaasna waxaa
ku dhaxal wareegay xiriirkii ganacsi ee xorta ahaa oo ay Soomaalidu
la lahaayeen dalalka bariga dhexe iyo bariga fog. Isla markaasna
waxaa doorsoomay cimiladii marin-adeeg oo ay dekadahayagu lahaayeen.
Biya-mareenku wuxuu xowli geshey arahyadii ay dowladaha
damaca lahaa u soo dirayeen gudaha Soomaaliya. Waxaa xilligaas
xusan ganacsato iyo hoggaamiye-araheed badan oo lagu dilay Soomaaliya,
kuwaas oo dhalashadoodu ay isugu jidhay Ingiriis, Faransiis,
Talyaani iyo Giriig. Arintaasi waxay Soomaaliya ka yeeshay in
lagu magacaabo meesha dunida ugu khatarsan. Inkasta oo dabayaaqadii
qarniga, guud ahaan la xiisaynayay degaamada gudaha ah ee galbeedka
Soomaaliya, misana waxaa muuqatay sida gaarka ah oo ay arahyadu
baadi-goobka ugu jireen halka ay ka soo bilowdaan biyaha labada
webi ee koonfurta Soomaaliya mara Juba iyo Shabeelle. Sanadihii
1880-aadkii, hoggaamiye-araheedyada lagu dilay galbeedka Soomaaliya
waxaa kamid ahaa Count Porro
oo u dhashay Talyaani. Ninkan oo la dilay bishii abriil 1885-kii,
wuxuu dhintay isaga oo aanan ka guul gaarin ujeeddaduu u socday.
Waxaa ka nasiib wacnaa hoggaamiye-araheedkii Ingiriiska ahaa
ee la oran jiray F. I. James, kaas oo isla sanadkaas
ku guulaystay in uu soo sahmiyo halka ay ka bilowdaan biyaha
webiga Shabeelle. Ninkan oo sii dhex maray dhulka howdka ah
ee Ogaadeenya ayaa nabad ku soo gaaray halkii uu markii hore
ka soo kicitimay oo ahayd magaalada Berbera. (S.
Touvalli. Somali Nationalism. 1963. p. 32).
Waxaa kale oo jiray nin dhalashadiisu ahayd Jarmal oo isna
isku deyay in uu sahan ku gaaro dhulka buuralayda ah oo ay ka
soo rogmadaan biyaha webiga Juba. Ninkan oo magaciisa la yiraahdo
Karpf, ayaa sanadkii 1885-kii
wuxuu socdaalkiisii ka soo bilaabay degmada Kismaayo. Wuxuu
isku deyay in uu ku socdaalo biyaha webiga dushooda. Nasiib-darro
ayaa heshay oo markii uu marayay magaalada Baardheere ayaa la
dilay.
Xilligaas waxaa si xooggan isu beddelay aragtidii reer Yurub
ay ka qabeen, guud ahaan, qaaradda Afrika. Halkii markii hore
loo arkay qaarad madow oo khatar miiran ah, waxay noqotay meel
xiiso leh oo si aad ah looga helo. Inkasta oo ay lahayd khatarteeda,
misana waxaa suurogal ahayd, socdaallada lagu aado in laga helo
faaŽiido badan. Sanadkii 1870-kii, waxaa la helay dhulka dheemanka
laga faagto ee Kimberly, sanadkii
1886-kii waxaa la helay dhulka dahabka laga faagto ee Rand. Inkasta oo gobollada macdantaas laga
helay ay ku yiileen koonfur Afrika, misana arimahan ayaa kamid
ahaa in ganacsatadii Ingiriiska iyo Faransiiska ay u soo tartamaan
degaamada ku yaal qaaradda dacalladeeda.
Biya-mareenku, waxaa kale oo uu degaanka ku soo kordhiyay
hardan xoog leh, is bara-bixis iyo siyaasado ku dhisan khiyaano,
taas oo dhex-tiil xoogaggii gumaysiga ahaa iyo maamulladii degaanka
ka jiray, gaar ahaan Sensibaar iyo Masar. Ingiriiska oo qarniga
bilowgiisii degaanka ka muujiyay siyaasad qun-yar socod ah oo
taxadarku uu caynaanka u hayay ayaa waxay u jeeddadiisu ahayd
kaadsasho uu suganayay in uu si wanaagsan u barto dhulka iyo
dadkiisa. Furitaankii biya-mareenka dabadeed, wuxuu soo dedejiyay
siyaasaddii gumaysiga lagu yiqiin ee ahayd qaybi dabadeed isku
dir si xoogoodu u wiiqmo oo aad u xukunto. Kaddib markii uu
ku guulaystay in uu ka fogeeyo maamulkii Turkida ayuu wuxuu
colaad dhex-dhigay labadii maamul ee ka jiray Masar iyo Sensibaar.
Hoggaamiyihii Masar Ismaaciil Al-Khadawi
oo kamid ahaa ragga ugu maamul adkaa ee soo mara dalka Masar,
ayaa wuxuu talinayay muddadii u dhexaysay 1863-1879. Wuxuu heshiis
adag la lahaa dowladihii gumaysiga, gaar ahaan Ingiriiska. Wuxuu
maamulkiisii u dooray siyaasaddii awoowihiis Maxamad Cali Baasha oo ahayd in la kala teedo
Masar iyo maamulkii boqortooyada Cismaaniyiinta. Falalkii siyaasadeed
oo Ismaaciil Al-Khadawi uu ugu dhowaanayay
dowladihii reer Yurub, gaar ahaan Ingiriiska, waxaa kamid ahaa
xayiraad uu ku soo rogay sayladihii ganacsiga addoomada ee dalka
Suudaan gudihiisa, isaga oo ciidamo u diray dalal ku yaal bariga
Afrika (Suudaan, Eriteriya iyo Soomaaliya), iyo isaga oo kamid
ahaa ragga mala-awaalay biya-mareenka Suways. Siyaasaddiisii
dhaqaale oo liidatay darteed ayaa dowladdiisii waxaa lagu yeeshay
lacago badan oo dayn ahaa. Taasi waxay dhalisay in Ingiriiska
iyo Faransiiska oo ahaa! ! dowladaha daynka laga qabay ay fara-gelin
ku sameeyaan maamulkii dowladeed ee uu Al-Khadawi odayga ka ahaa.
Waxaa jiray heshiis Turkida iyo Masaaridu ay kala saxiixdeen
sanadkii 1865-kii, kaas oo sheegayay in Turkidu ay Masar uga
hareen maamulka labo degmo ee ku yaal badda Cas. Kuwaas oo ah
Masawac iyo Sawaakiin. Markii ay bilaabatay in maraakiibtii
socdaalada fog u gooshayay ay ku soo qulqulaan biyo-mareenka
Suways, ayaa Masaaridii waxay bilaabeen in ay sheegtaan dhamaan
degmooyinka ku yaal xeebaha badda Cas, laga bilaabo degmada
Suways ills degmada raaska Gardafoy ee ku taal bariga Soomaaliya.
(S. Touvalli. Somali Nationalism. 1963.
p. 34).
Sanadkii 1870-kii, Ismaaciil Al-Khadawi
ciidamo ayuu u diray koonfurta webiga Niil, kuwaas oo uu hoggaaminayay
sarkaal calooshiisa u shaqayste ah, dhalashadiisuna ay ahayd
Ingiriis. Ninkaas oo magaciisa la yiraahdo Samuel
Baker, wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyay oo reer Yurub
ah ee gaaray harada la yiraahdo Lake Albert. Kaddib markii uu ku guulaystay
in uu qabsado degaanka Juba ee koonfurta Suudaan, ayuu degaankaas
masuul uga noqday dowladda Masar tan iyo sanadkii 1873-kii.
Samuel Baker iyo ciidamadiisii waa ay ku
dhiciwaayeen in ay ku sikadaan dhulka howdka ah ee gobolka Juba
ka xiga bari iyo koonfur, cabsi ay ka qabaan in taakulaynta
ka goŽdo awgeed. Markii uu Qaahira ku soo laabtay warbixintii
uu dhiibay ayaa Al-Khadawi waxay
ku dhalisay in uu dhanka Soomaaliya kaga yimaado ilaha biyaha
Niil, sidaasna uu ku dhul-fidsado.! !
Sanadkii 1875-kii, ciidamo Masaari ah oo xooggan ayaa waxaa
loo soo diray waqooyiga Soomaaliya. GoŽaankan waxaa dowladda
Masar la qabay Ingiriiska oo ujeeddadiisu ahayd in uu Turkida
ka fogeeyo degaanka, gaar ahaan geeska Afrika oo ay soo if-baxday
qiimaha istraateejiga ah oo ay leedahay. Waxaa kale oo uu doonayay
in ciidamada Masar uu ku sahansado degaanka. Ingiriiska ma uusan
doonayn in marka hore uu ciidamadiisa u diro geeska Afrika,
oo wuxuu ka baqayay gadood kaga yimaada dadyowga muslimka ah
ee degaanka ku nool, sidaba dhici doonta bilowga qarniga 20-aad.
Sidaa darteed ayuu adeegsaday siyaasadda la muuqaalka ah boojada
labada dhagax laysku saaro. Taas oo u hirgashay markii uu Masaarida
hormariyay si uu Turkida uga banaysto degaanka.
Bilowgii sebtember 1875-kii ayaa ciidamada Masar ay kasoo
baxeen dalkooda iyaga oo uu hoggaaminayay nin la yiraahdo Maxamad RaŽuuf Baasha, kaas oo la soo faray in
uu xoog ku qabto degmooyinka Harar iyo Saylac. Ciidamadaas oo
hub casri ah sitay ayaa waxay ka soo degeen dekadda Saylac markay
taariikhdu ahayd 22/ 9- 1875-kii, waxay markiiba u dhaqaaqeen
dhanka degmada Harar. Inkasta oo ay jireen dagaallo ay Soomaalidu
abaabuleen oo ay ku diidanaayeen ciidamadan Harar u socda, misana
waa laga awood roonaaday. Sabatuna waxay ahayd hubka wanaagsan
oo ciidanka Masaaridu ay ku qalabaysnaayeen. Amiir
Maxamad bin Cali bin Cadishukuur oo ahaa odaygii ka talinayay
Harar, markuu arkay in Masaaridu ay ka goŽan tahay in ay Harar
qabsadaan ayuu wuxuu guddoonsaday in uu si nabadgelyo leh ugu
wareejiyo talada, isaga oo ka cararayay in dad muslimiin ah
ay colaadi u dhex-marto xukun laysku qabsaday darteed oo uu
isagu dhinac yahay. Inkasta ! ! oo amiirku uu ogaa ragga uu
isu dhiibayo waxa ka suurooba, misana wuxuu ku adkaystay inuusan
diririn ee isagu dusha u dhigto dhibaatadii gaari lahayd dadka
iyo degaanka.
7/ 10- 1875-kii ayaa calankii dowladda Masar la suray qalcaddii
amiirku deganaa ee Harar ku tiil. Dabadeed amiirkii ayaa waraaq
diray, taas oo uu isaga sasabayo dowladdii Masar. Waraaqdaas
oo illaa hadda ilaashan ayaa waxay u qoran tahay sidatan :
" Waxaan leeyahay, aniga oo ah amiirkii degmada Hara
Maxamad bin Cali, oggolaanshaha Eebe iyo adeegihiisa,
dabadeed, oggolaanshaha ninkan wayn oo Islaamka iyo muslimiintuba
amaaneen ee u gargaaray shareecada uu la yimid kii ugu khayrka
badnaa adeegayaasha Eebe, Maxamad RaŽuuf
Baasha, ciidankiisu ha guulaystee, darajadiisuna Eebe
kor haka yeelee, ididiiladiisuna ha u dhabowdee, kaas oo ka
hoos shaqeeya deeqsiga wayn, masuulka sharafta leh ee u saaxiibka
ah furashada joogtada ah ee meel walba iyo cirif kastaba gaadhay,
kaas oo huwan wakhti ayaamuhu qurxiyeen, odaygayaga Ismaaciil Al-Khadawi ee ka farcamay odaygayaga
Ibraahim kaas oo xidigihii uu fuulayay
ay weli dadka wax daalacda u muuqdaan, ciidamadiisii xooga waynaana
ay sidii u duman yihiin. Aniga oo madax-bannaan, xasuus iyo
caafimaad qaba, ahna muslim wax kala garanaya, oggolaanshahayga,
kii qoyskayga ayaan boq! ! ortooyadayda ugu wareejiyay reer
Al-Khadawi. Waxaan Eebe uga rajaynayaa in uu
sharaftooda mid raagta ka dhigo. Waxaan doonayaa in aan ku hoos
noolaado maamulka dowladda Al-Khadawi ayna
ii nabad geliyaan naftayda, caruurtayda iyo hantidayda. Waxaan
rajaynayaa deeqda ay leeyihiin reer Al-Khadawi darteed in ay saaxiibtinimo wanaagsan
iigu abaal-gudaan. Inta aan ahay nin run ku hadlaya, arinka
aniyo carurtayda waa caynkaas.
Eebe dalabkayga ha i waafajiyo.
Waxaa saxiixay Amiir Maxamad bin
Cali bin Cabdishukuur ". (Barkhat
: 1974. 190-191).
Wanaagaas uu sameeyay amiirkii Harar kuma uusan helin wanaag
loogu abaal-guday. Maxamad RaŽuuf Baasha
ayaa ceego ku dilay. Waxaa kale oo la dilay 25 nin oo
kamid ahaa labeentii degmada, kuwaas oo isugu jiray duqay iyo
culimadii diinta. Sababta dadkaa loo laayay waxay ahayd iyaga
oo laga baqayay in ay dad-waynaha kiciyaan. (Ibid
: p. 191).
Kaddib markii ay ciidamadii Masar ku xasileen degaankii,
ayaa maamulkii Al-Khadawi wuxuu heshiis
la dhigatay dowladdii Ingiriiska, iyaga oo uu u saxiixay labo
degmo oo ay Soomaalidu leeyihiin. Degmooyinkaasi oo ah Bullaxaar
iyo Berbera, ayaa Masaaridu waxay saxiixeen in loo daayo Ingiriiska
si uu uga ganacsado, cashuurtana uga qaato. Heshiiskaas oo dhacay
8/ 11- 1877-kii, ayaa wuxuu Ingiriiska u oggolaaday in uu degmooyinka
keeno rag Ingiriis ah oo masuul ka noqoda. Waxaa kale oo heshiisku
dhigayay, wixii ka baxsan labadaas degmo in ay hoos imanayaan
maamulka reer Al-Khadawi. Dhulkaasina
waa Jabuuti, waqooyiga Soomaaliya intiisa badan iyo Harar.
Isla sanadkaas, ciidan kale oo Masaari ah ayaa u gudbay
xeebaha koonfureed ee Soomaaliya. Ciidamadaas oo ka soo tallaabay
biyaha badda Cas ayaa waxay soo abbaareen halka webiga Juba
uu biyaha kaga shubo bad-waynta Hindiya. Waxay xarumo ka samaysteen
degmooyinka Baraawe iyo Kismaayo.
Dhaqdhaqaaqii ay ciidamada Masaarida ka bilaabeen koonfurta
Soomaaliya wuxuu dareen geliyay boqortooyadii Sensibaar. Waxaa
xusid mudan, Barqash bin Siciid in
uu xilligaas ahaa boqor. Wuxuu talada la wareegay sanadkii 1870-kii,
markaas oo uu geeryooday suldaan Maajid
bin Khaaklid bin Siciid oo ahaa suldaankii Sensibaar.
Ingiriiska ayaa Barqash ka keenay magaalada Bombay (Hindiya)
oo uu musaafuris u jiray. Barqash
oo ahaa suldaanka adeerkiis ahaa ayaa halkii lagu boqray. Inkasta
oo suldaan cusub la magacaabay misana xilligaas jasiiradda waxaa
si buuxda uga talinayay Ingiriiska. (East
Africa a Century of Change 1870-1970. W.E.F. Ward & L.W.White.
p. 31).
Ingiriisku wuxuu la wareegay noloshii suldaan Barqash, wuxuu u diiday in uu wax xiriir
ah la yeesho dalka dibaddiisa. Xataa shakhsiyaadkii caaqillada
ahaa iyo kuwii culimada ahaa ee reer Sensibaar waa uu ka fogeeyay
suldaankii. Suldaanka iyo la taliyayaashiisii Ingiriiska ahaa
ayaa waxay dhiseen ciidamo tiradoodu ay dhanyihiin 10.000 oo
nin. Waxay isugu jireen Ingiriis iyo reer Cumaan. Ciidamadaas
ayaa jasiiradda u ciidan ahaa, waxaana dusha ka xukumay sarkaal
Ingiriis ah oo la yiraahdo Lowed William Matheus. Ingiriisku wuxuu kula
taliyay Barqash in uu howl
geliyo saraakiil isugu jira rayid iyo ciidan si ay u buuxiyaan
baahida maamulka boqortooyada ee xagga ciidamada cashurta ururiya
iyo kuwa nabad sugidda. Boqorku waxaa kale oo uu oggolaaday
mashruuc uu soo jeediyay nin Ingiriis ah oo la yiraahdo William Bekinz. Mashruucaasi wuxuu ku saabs!
! anaa abuuro shirkad saamilay ah oo uu boqorku oday ka yahay,
kaas oo dadka Ingiriiska ah siinayay xuquuq ay ku degaan ugana
shaqaystaan degmooyinka geeska Afrika, gaar ahaan dhulka uu
ka taliyo oqorka. Qodobadii mashruuca waxaa kamid ahaa :
1. In suldaanka uu ku baaqo abuur shirkad ka shaqaysa guud
ahaan hantida boqortooyadu leedahay, taas oo ay ku urursan yihiin
guddoomiyaha iyo qaadiga ka talinaya degmo walba. Magacaabiddooduna
waxaa xaq u leh boqorka.
2. Shirkadda waxaa u bannaan in ay heshiisyo la dhigato
duqayda beelaha iyo dowladaha la deriska ah. Waxaa kale oo u
bannaan in ay cashuur ururiso si ay u buuxiso baahida dhaqaale
ee la xiriira maamulka iyo ciidamada nabad-sugidda.
3. Shirkaddu waxay xaq u leedahay in ay webiyada dushooda
ku socdaasho, in ay fagato macdanta dhulka laga helo iyo in
ay dhisto waddooyin la maro iyo kuwa is-gaarsiinta.
4. Shirkaddu sidii ay doonto bay u xayiraysaa ganacsiga
hubka iyo waxyaabaha maanka dooriya.
5. Waxaa shirkadda u bannaan in ay ku habsato dekaddii ay
doonto iyo in ay degmadii ay doonto ay cashuur ka qaaddo.
6. Suldaanka oo kamid ah saamilayda, isla markaasna ah aasaasihii
shirkadda, ayaa wuxuu leeyahay 20 % wixii faaŽiido ah oo ay
shirkaddu hesho. FaaŽiidaduna waa u kordhaysaa markasta oo ay
kororto faaŽiidada shirkadda.
7. Heshiiakaasi wuxuu soconayaa muddo 70 sanadood ah. (Barkhat : 1974. 415-416).
.Casharadii hore
Saadiq
Enow
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
|