Wararka Mudugonline


GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!
S.Enow

Casharkii XV-aad

Waxaa jiray qodob kale oo aanan ka miisaan yarayn kan biya-mareenka Suways oo sababayay hooshka ku dhacay dadkayagii iyo dalkayagii dabayaaqadii qarnigii 19-aad. Qodobkaasina waa dhawaaqa qowmiyadaha masiixiga ah ee nala deriska ah ay ugu gacan haadinayeen xoogaggii gumaysiga. Taas oo xambaarsanayd mashruuc siyaasadeed oo ay ku dahsoon tahay beer-laxawsi diineed. Ujeeddaduna waxay ahayd damaca daŽda wayn oo ay ku doonayeen in ay noqdaan awooda keliya absolute power ee degaanka ka jira. Qowmiyadahaas ayaa qarnigii 19-aad waxaa u kacay maamullo ay hoggaanka u hayeen niman ruug-caddaa ah oo garanayay sida looga faaŽiidaysto xaaladaha la soo dersay degaanka. Nimankaas waxaa laga xusi karaa labada boqor ee kala ah Kasai Haile (Theodorus II) iyo Haile Malakut (Menelik II). Waxay xilliyadoodii ku guulaysteen in ay! ! xiriir wanaagsan la yeeshaan caalamkii masiixiga. Dadaalkii ay ku bixiyeen in ay helaan xiriirka dowladaha reer Yurub ayaa waxaa kamid ahaa wufuud joogto ah oo ay u dirayeen dhamaan caasimadihii Yurub. Xiriirka ay ku guulaysteen labadaas boqor ayaa wuxuu yahay qodob aan la ilaawi karin marka laga hadlayo taariikhda madow ee lagu kala dhantaalay dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo burburka dhaqan-wareega leh ee helay caadooyinkii daŽda waynaa oo ay qarniyada badan awoowayaal ku macaasheen.

Xiriiradii badnaa oo ay Xabashidu la yeesheen dowladihii Yurub waxaa kamid ahaa xiriir ay la yeesheen boqortooyadii dalka Ruusiya. Haddaanu mataal u soo qaadano xiriirkaas, waxaanu helaynaa kaalmada hagar laŽaanta ah oo ay Xabashidu meelaha kala duwan ka heleen, taas oo sababtay in ay ka qayb qaataan gumayntii ummadaha la deriska ahaa oo ay Soomaalidu ugu horeeyaan. Xiriirkan oo ku yimid gacan-haadis ayaa wuxuu bilowday mar wafdi wadaaddo ah oo matalayay kaniisadaha Abasiinya ay booqasho ku tageen magaalada Beyt Al-Maqdis Juresalem, iyaga oo ujeeddadoodu ahayd in ay soo barakaystaan kaniisadda muqaddaska ah ee halkaas ku taal oo ay leeyihiin dadka aaminsan caqiidada Orthodox-iga. Dabadeed waxay meeshaas kula kulmeen baadari wayn oo Ruush ah oo la yiraahdo Uspensky, kaas oo dhankiisa ka hoggaaminayay wafdi baadariyaal ahaa oo ka socday dalkiisa. Kulankaas oo dhacay sanadkii ! ! 1848-kii, ayaa wuxuu dhaliyay in wada-hadalkii ay yeesheen labada kooxood uu sabab u noqdo in ay isku mowqif ka qaataan khilaaf ka taagnaa baadariyadii kaniisadda oo ku saabsanaa hoggaanka maamulka kaniisadda. Kaddib markii wadaaddadii Ruushka ay codkoodii siiyeen wadaaddadii matalayay kaniisadaha Abasiinya, ayaa hoggaankii kaniisadda waxaa qabtay baadari Amxaar ah.

Uspensky wuxuu ahaa nin aragti sare leh, markii uu socdaalkii ka laabtay, wuxuu dowladdiisii kula taliyay in ay taageerto boqortooyada Xabashida si ay geeska Afrika ugu faafto diinta Krishtaanka ah, gaar ahaan mad-habta Orthodox-iga, taas oo looga hor tegi karo awoodda boqortooyada Cismaaniyadda ee Islaamka ah ee ku xooggan degaanka. Baadarigu wuxuu wafdigii Xabashida ka qaatay aragti ah in dalkoodu yahay saldhig ilbaxnimo xambaarsan oo ay Ruushku u baahanyihiin si ay Afrika ugu faafshaan caqiidadooda, isla markaasna u noqon karta saldhig siyaasadeed iyo mid ciidameed ee dabiici ah.

Baadarigaas oo aanan arintii intaa kaga harin ayaa wuxuu bilaabay in uu qoraallo ka sameeyo boqortooyadii Abasiinya, taas oo uu dadkiisa ku barayo ahmiyadda diineed iyo midda istraateeji oo ay u leedahay dalkooda iyo diintooduba. Qoraalladaasi oo ahaa kuwo aad u qiimo badan, ayaa waxay saldhig u noqdeen wixii ahaa dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo mid ciidameed oo ay maamulladii boqorradii Ruushka iyo dowladdii shuuciga ahayd ay ka sameeyeen geeska Afrika. Taasna waxaa muujinaya markii laŽeego tallaabooyinka siyaasadeed ee aanan is beddelin oo maamulladii kala duwanaa, ee Ruushka soo maray, ay ka qaateen dhacdooyinka kala duwan oo ay la kulmeen dadyowga ku nool geeska Afrika. (Web-ka SomaliNet Magazine, kala soco casharrada dagaalkii 1977-kii iyo mowqifkii dowladdii USSR).

Xiriirkii Ruushka iyo Xabashida ee bilowday wuxuu keenay kalsooni ah in 1855-kii boqorkii Xabashida Imbraadoor Thewdor II uu waraaq u diro qeysarkii Ruushka ee laŽoran jiray Alexander II oo uu ku codsanayo in dagaal lagu qaado magaalada Qudus oo laga xoreeyo gacanta dadka muslimka ah, kaas oo ay howlihiisa iska kaashadaan ciidamo isugu jira Xabashi iyo Ruush. Qeysarka Ruushku xilligaas diyaar uma uusan ahayn dagaal baaxad wayn oo meel dalkiisa ka dheer uu ka galo, waayo waxaa dalkiisa ka socday dagaalkii buuralayda Kafkaas oo ay wadeen kacdoonyahanno reer Jejniya ahaa ee uu hoggaaminayey shiikhii caanka ahaa Shiikh Shaamil. Waxaa kale oo kaalmada Ruushka xayirayay fogaanshaha waddada uu wax u marin lahaa, waayo xilligaas weli lama furin biya-mareenka Suways.

Imbraadoorkii Xabashida mar kale ayuu qeysarkii Ruushka waraaq u soo diray sanadkii 1862-kii, laakiin markan waxay ahayd codsi ku saabsan in loo fidiyo taageero ciidan oo uu ku difaaco boqortooyadiisa, waxaase dhacday in aanan looga jawaabin, waayo Ruushka xilligaas dagaalkii Cremean War ayuu Turkida kula jiray.

Inkasta oo Ruushku uusan Xabashidii waxtarin, misana waxaa uu mar kasta la socday xaaladda ay boqortooyada Abasiinya ku sugnayd. Dhacdooyinka waaweyn ee Aasiinya ka dhacana waxaa lagu soo qori jiray wargeysyadii xilligaas dalka Ruushka ka soo bixi jiray. Dhacdooyinka ay wargeysyadaas soo qoreen waxaa kamid ahaa dagaalkii la magac baxay Arogi oo ciidamo Ingiriis ahi ay boqortooyadii Xabashida ku burburiyeen kuna qabsadeen Maqdalla oo magaalo-madax ahayd. Waxaa xusid mudan in Ruushku uu ahaa dowladda horseedka ka ahayd ololihii Ingiriiska Yurub lagaga qaaday oo looga soo hor jeeday in uu gumaysto dhulka uu Xabashida kaga qabsaday dagaalka Arogi. (Ku noqo casharkii X-aad ee Goortii ...........).

Muddadii u dhexesay 1847-1906, Ruushku wuxuu geeska Afrika u soo diray 14 arahood oo isugu jiray cilmi-baaris iyo jaajuusnimo. Hadafka uu ka lahaa waxay ahayd in boqortooyada Ruushka ay hanato kalsoonida boqorradii Xabashida, gaar ahaan Menelik II. Ujeeddada dhabta ah oo arintan ka dambaysayna waxay ahayd in uu gumeysto Abasiinya iyo ku xeeraneheeda. Laakiin wuxuu watay tab u gaar ah oo ka duwan tabtii dowladihii Yurubta galbeed ee degaanka ku sugnaa. Ruushku wuxuu Xabashida u muujiyay caadifad diineed iyo iskaashi " walaalnimo ", wuxuu ugu mar-marsiinyooday cilmi-baaris degaan iyo dad, isaga oo taageero u fidinayay dad-weynihii reer Abasiinya.

Furitaankii biya-mareenka Suweys dabadeed, Ruushkii waxaa u soo dhowaatay waddadii uu kala xiriiri lahaa boqortooyadii Xabashida. Xilligaas waxaa geeska Afrika ku loolantamayay xoogag gumeysi oo reer Yurub ah sida Ingiriiska, Fransiiska, Talyaaniga iyo Jarmalka. Ruushka oo ujeeddadiisa gumaysi-doonka ah ku qarinayay midda xiriirka diineed ee Abasiinya ayaa kordhiyay arahyadii uu geeska Afrika u dirayay. Kaniisadaha Ruushka ayaa taakulo u fidin jiray ragga socdaalka ku aadayay Abasiinya. Ragga xilligaas ka qaybqaatay socdaaladii noocaas ahaa waxaa kamid ah dal-mareen la yiraahdo N. I. Ashinov, kaas oo markii ugu horeeysay yimid Abasiiniya sanadkii 1885-kii. Ashinov oo socdaalkii uu galay dartiis ku helay magac iyo sharaf ayaa markii uu dalkiisii ku soo laabtay wuxuu noqday shakhsiyad muhiim ah. Nin oday ka ahaa golaha sare ee baadariyada Ruushka, ayaa wuxuu Ashinov la xiriir! ! iyay qeysarkii xilligaas ka talinayay Ruushka Alexander III. Sanadkii 1888-kii, qeysarkii Ruushka ayaa Ashinov wuxuu hoggaamiye uga dhigay mashruuc uu ku doonayay in uu ku dadaalo in uu saldhig mustacmaradeed kaga helo meel kamid ah xeebaha badda Cas. Ashinov wuxuu soo hoggaamiyay arah ay xubnaheeda kamid ahaayeen baadariyaal siyaasiyiin ah, waxaana lagu daray nin ka tirsan qoyska reer boqor, kaas oo qeysarka walaalkiis ahaa lana oran jiray Sergei.

Bishii disember 1888-kii ayaa arahdaasi waxay ka soo baxeen magaalada Odessa ee ku taal badda Madow. Raggaasi waxaa weheliyay qaybtii ugu horreysay ee kamid ahayd 175 doonyood oo kuwa shiraaca ah oo isugu jiray kaalmo ku socotay Abasiinya iyo qalab ciidan oo uu qeysarku ku doonayay in uu degaanka wax kaga hoosho.

Markii ay doonyihii gaareen xeebta Tajuura, ayaa maamulkii Faransiiska oo xilligaas degaanka ka jiray dhibsaday falka Ruushku ku kacayo. Waxaa horay u jiray arin ay dowladaha wax boobayay ku heshiiyeen, taas oo ahayd, qoladii meel ku habsata in aanan lagu qabsan. Sidaa darteed, ayaa bishii febraayo 1889-kii, Faransiisku wuxuu ka fursan waayay in uu bambooyin la dhaco halkii uu Ruushku damacsanaa in uu mustacmarad ka dhisto. Dhacdadaas maŽeeyan xumayn xiriirkii wanaagsanaa ee ka dhexeeyay Ruushka iyo Fransiiska. Kaddib markii ay xiisaddii qabowday ayaa dowladdii Fransiiska waxay oggolaatay, arahdii Ruushka iyo kaalmadii ay wadeen in ay u gudbaan Abasiinya. Waxaa kale oo ay ka cudurdaaratay falkii dhacdada, iyaga oo si rasmi ah Ruushkii saamaxaad u weydiistay. Wasaaraddii arrimaha dibadda ee Ruushka waxay eedeeyeen Ashinov oo ahaa ninkii socdaalka hoggaaminayay. Eedda uu Ruushku Ashinov dusha ka saaray waxaa ! ! u sabab ahayd isaga oo u baahnaa xiriirka Faransiiska, waayo xilligaas wuxuu ku jiray dagaalkii Cremean-ka, Ingiriiska ayaa ka dhinac ahaa, sidaa darteed ayuu Faransiiska ugu baahnaa. Waxaa kale oo iyaduna Ruushka khasbayay in Faransiisku fadhiyay irida keliya ee uu Abasiinya u soo maro.

Bishii oktoober 1889-kii waxaa Abasiinya yimid wafdi uu hoggaaminayo Leut. Col. V.F.Mashkov oo ka socday dowladdii Ruuhka. Wafdigu waxay la kulmeen boqorkii Xabashida Menelik II, kaas oo ay la yeesheen wada- hadallo sir ah oo aad loo ilaashay, taasina waxay u muuqaal egtahay wada hadalladii ay yeesheen saraakiishii Itoobiya ka talinayay iyo dowladdii Soofyeetiga bartamihii sanadihii 1970-aadkii. ( The Horn of Africa from War to Peace, p. 65 - 68. Paul B. Henze. London. 1994).

Col. Mashkov markii uu ku laabtay dalkiisii, bilowgii sanadkii 1891-kii, ayaa waxaa lagu maamuusay billad sharaf uu siiyay qeysarkii. Waxaana mar kale loo doortay in uu hoggaamiyo arah Ruush ah oo u socdaalaysa Abasiinya. Arahda waxaa marakan la socday baadari la yiraahdo Tikhon oo ka tirsan golaha sare oo ay lahaayeen baadariyada Ruushka. Mashkov wuxuu sii qaaday qoryo badan iyo rasaastoodii si uu ugu hadiyeeyo Menelik. Markii uu Abasiiniya yimid, Mshkov waxaa u suuragashay in uu ku nagaado illaa iyo bartamihii 1892-kii. Muddadaas ayuu wuxuu diraaseeyay fursadaha ganacsi ee dalkaa ka jira. Mashkov waxaa uu oggolaaday codsi ka yimid boqorkii Xabashida ee ahaa in ciidamada loo tababaro. Muddadii ay joogeen wafdigan Ruushka ah, waxaa ay kulamo la yeesheen baadariyadii Orthodo! ! x-iga ee degaanka ka wadaaddada ahaa. Col. Mashkov iyo raggii la socday, si joogto ah ayay dalka ugu dhex safreen iyaga oo diraaseynayay wax kasta oo nolosha dadka Reer Abasiinya ay ku salaysnayd. Dowladihii gumeysiga ahaa ee degaanka ku tartamayay, kagana soo horeeyay Ruushka ayaa il gaar ah ku eegayay dhaqdhaqaaqa Mashkov iyo raggiisu ay ka bilaabeen degaanka. Laakiin Mashkov ayaa mar walba ku andacoonayay in dhaqdhaqaaqiisu uusan ku saleysnayn wax gumaysi-doon ah, balse socdaalkoodu uu yahay cilmi-baaris oo qura. Markuu Mashkov ku laabtay dalkiisii wuxuu bilaabay in uu qoraallo ka sameeyo Abasiinya. Qoraalladaasi waxay ku bixiyeen qeysarkii Ruushka in ay Abasiinya noqoto qayb kamid ah istraateejiyada siyaasadeed ee dowladdiisu leedahay.

Sanadkii 1893-kii, sarkaal Ruush ah oo la yiraahdo A. V. Eliseev ayaa wuxuu ku soo dhex dhuuntay ciidamadii Mahdigii Suudaan. Sarkaalkaas ayaa intuu lebiska carbta qaatay wuxuu ku guulaystay in uu isu ekeysiiyo daraawiishtii Mahdiga. Muddo aanan badnayn dabadeed ayuu ku khasbanaaday in uu dib u laabto isaga oo ka baqay in uu fashilmo dabadeedna la dilo. Inkasta oo Eliseev uusan gaarin magaalada Umdarmaan oo ahayd xaruntii Mahdiga, misana muddadii yarayd ee uu ku dhex jiray ciidamada Mahdiga waxaa u suurogashay in uu soo ururiyo akhbaar ku saabsan xaaladdii ay ku sugnaayeen ciidamada Mahdiga. Wuxuu tilmaamay in ciidamada Mahdiga eeyan ahayn kuwo ku guuleysan kara in ay dowlad dhisaan. Eliseev markii uu ka baxsaday daraawiishtii, ayaa isaga iyo rag la socday waxay ka tallaabeen xuduudda Abasiinya. Waxay gaareen magaalada Harar oo xilligaas ka wareegtay gacantii mslimiinta, uu! ! na ka talinayay hoggaamiyihii ciidamada Xabashida Ras Makonnen. Kaddib markii magaalada si wanaagsan loogu soo dhoweeyay arahdii, ayaa Ras Makonnen wuxuu ragga martida ah u sheegay in Menelik uu xiiseynayo xiriir adag oo uu la yeesho dowladda Ruushka, weliba uu doonayo in uu wafdi u dirsado dalka Ruushka. Eliseev oo si wayn u xiiseeyay khabarka ka soo yeeray saraakiisha Xabashida, ayaa markiiba wuxuu guddoonsaday in uu dalkiisii dib ugu laabto si uu dowladdiisii u gaarsiiyo arrinkan, isaguna uu noqdo xiriiriyaha labada dal. Raggii la socdayna wuxuu u diray in ay Addis-ababa aadaan iyaga oo uu oday uga dhigay sarkaal kale oo la yiraahdo Cap. Leontiev.

Bilowgii bishii mey 1895-kii, Eliseev wuxuu ka helay qeysarkii oggolaansho ah in uu la kulmo wafdi Xabashi ah oo la sugayay in ay booqasho ku yimaadaan dalka Ruushka. Xilligaas waxaa dalka qeysar ka ahaa Nicholas III. Dhowr maalmood dabadeed Eliseev si kedis ah ayuu u dhintay. Geeridaasi ma noqon mid hakisa dhaqdhaqaaqii diblomaasiyadeed ee tallaalka u ahaa xiriirka Ruushka iyo Aasiinya.

Bishii Juun 1895-kii waxaa dalkii Ruushka ku soo noqday Leontiev oo uu weheliyo baadari weyn oo kamid ahaa kuwii horay ula socdaalay, kaas oo la yiraahdo Efrem. Waxaa kale oo weheliyay wafdi ballaaran oo ka socday boqorkii Xabashida Menelik. Ninka hoggaaminayay waxaa la yiraahdaa Raas Damtew. Inkasta oo xubnaha wafdiga dowladda Menelik ay isugu jireen baadariyaal iyo saraakiil sare oo rayid iyo ciidanba leh, misana waxaa muuqatay, saldhigga socdaalka wafdigu in ay ahayd adkaynta xiriirka diineed ee labada maamul. Kaniisaddii Ruushka ayaa baadariyadii Xabashida, iyada oo u muujinaysa maamuus heerkii ugu sareeyay, waxay siisay darajo mudnaan diineed ah ee mad-habta la yiraahdo Slavophils. Wafdigii waxaa loo daawasho geeyay meel ay ciidamada ku sameynayeen dab-rid. Waxaa kale ! ! oo loo daawasho geeyay qaar kamid ah wershadihii hubka u soo saari jiray dowladda boqortooyada. Wafdigii, dhowr jeer ayay la kulmeen saraakiishii sare ee ciidamadii boqortooyadii Ruushka.

30/ 6- 1895-kii wafdigii Xaashida waxay la kulmeen qeysarkii Ruushka Nicholas III, halkaas baa Raas Damtew wuxuu qeysarkii ku guddoonsiiyay dhambaal uu uga siday Menelik. Sidaas baa boqortooyadii Xabashida waxaa ugu suurto gashay in ay xiriir toos ah ula yeelato dowladdii Ruushka.

Wafdigii markuu laabanayay, boqortooyadii Ruushka ayaa waxay ku dartay Cap. Leontiev, si uu uga mid noqdo la-taliyayaasha boqorka Xabashida Menelik. Sarkaalkaas ayaa markiiba wuxuu kamid noqday gole uu Menelik u magacaabay in ay qorsheeyaan qaabkii loo soo afjari lalahaa khilaaf taagnaa oo ka dhexeeyay boqortooyadiisa iyo Talyaaniga. (Sheekada Khilaafkan, casharada danbe kala soco).

Dabayaaqadii sanadkii 1895-kii, waxaa kordhay khilaafkii ka dhexeeyay Talyaaniga iyo Xabashida. Waxaa xusid mudan in Talyaanigu uu xilligaas ku sugnaa degaanka oo Eriteriya uu fariisimo ku lahaa. Markaas baa waxaa bilowday dagaallo goosgoos ah oo dhexmara ciidamada Talyaaniga iyo kuwa Xabashida. Dagaalladaas waxay ku dambeeyeen jabkii Talyaaniga kaga dhacay dagaalkii taariikhiga ahaa ee Cadawa 2/ 3- 1896-kii. Menelik oo guul wayn ka helay dagaalkaas ayaa markiiba ogeysiiyay qeysarkii Ruushka iyo madaxweynihii Fransiiska. Dhambaalladuu u diray ayuu ku qoray sidan :

" Sidaas saaxiibayaal noogala qayb qaata farxadda guushayada ".

Inkasta oo taariikhdu eeyan xusin, misana qaar kamid ah aqoonyahannada wax ka qoray taariikhda dagaalkan ayaa waxay tilmaameen in ay suuragal tahay in Cap. Leontiev uu ka qayb qaatay naqshaddii ay Xaashidu ku galeen dagaalkii Cadawa, taasina ay kamid ahayd sababihii uu Talyaanigu ku jabay. Markii uu dagaalkaasi dhacay, Menelik wuxuu Cap. Leontiev siiyay billad sharaf uu ku magacaabey Dejazmach, dabadeedna dib ayuu u soo diray si uu qeysarkii Ruushka u gaarsiyo codsi ah in uu dhex-dhexaadiyo isaga iyo Talyaaniga. Saraakiisha Ruushka ayaa xilligaas waxay Xabashida siin jireen hub. Waxay u fureen xeryo ay ku taababaraan ciidamada Menelik. Waxay ku kaalmeeyeen dejinta kaarto cusub ee ah dhulka uu boqorku doonayay in uu boobo, kaas oo xuduuddiisu tahay soohdinta Itoobiyada maant! ! a.

Sanadihii u dhexeeyay 1893-1899, khuburadii Ruushku waxay hormood ka ahayeen boobkii ciidamada Menelik II ay u geysteen dadyowgii ku noolaa gobollada Yambo, Kaffa, Jimma, Caruusa, Booran, Sidaamo iyo Ogadeenya. Markii uu wax ka dhisay kaartada Itoobiya, Ruushku intaa ugama harin ee isaga oo adeegsanaya kanaaladiisa diblomaasiyadeed ayuu wuxuu ku dadaalay in dowladaha Yurub ay aqoonsadaan xuduudda Itoobiya. Ololahaas oo uu Ruushku qaaday sanadihii 1897-1899 ayaa wuxuu ahaa mid soo dhoweyn helay. Ruushka oo biyaha badihiisu ay qabowyihiin ayaa baahi wayn wuxuu u qabay in uu cagaha la helo xeebaha biyaha kulul leh. Ragga u naqshadeynayay guddoonka siyaasadeed ayaa waxaa u muuqatay fursadda wanaagsan oo hadday hantaan ay isku fidin karaan degaankan kulansaday badda Cas, bad-waynta Hindiya, webiga Niil iyo harada Lake Victoria, daadeedna ay halkaas Afrika kag! ! a tallaabaan.

Bilowgii sanadkii 1897-kii, Ruushka iyo Fransiiskuba waxay Addis-ababa u soo dirsadeen rag diblomaasiyiin ah oo halkaas si joogto ah u fariista, kuwaas oo matala xiriirka dalalkooda. Ruushku waxaa kale oo uu Itoobiya u soo diray koox caafimaad oo ka socota Laan-khayrta Cas Red Cross, kuwaas oo ay la socdeen shan nin oo saraakiil ah oo uu ugu sarreeyay nin ay darajadiisu ahayd Sarreeye Guuto. Kooxda Laan-khayrta Cas ayaa muhimaddoodu ahayd sahan ay ugu gogol-xaarayeen isbitaal uu Ruushku ka furayay magaalada Addis-ababa.

Bishii juun, isla sanadkaas ayaa waxaa Addis-ababa yimid 50 qof oo kamid ahaa shaqaalihii caafimaadka ee dalka Ruushka, kuwaas oo ahaa kooxdii ugu horaysay ee shaqaale caafimaad ee Yurub ka socda kana howl-gala magaalada Addis-ababa. Isbitaalkii ay shaqaalahaasi ka howl-galeen waxaa si rasmi ah loo furay sanadkii 1898-kii. Nin kamid ah takhaatiirtii halkaas ka shaqeynayay ayaa wuxuu qoray qaamuus caafimaad kii ugu horreeyay ee lagu qoro afka Amxaariga. Shan nin oo Xabashi ahna waxaa loo soo qaaday caasimaddii Ruushka St: Petersburg si ay u qaataan waxbarasho caafimaadka ah, kuwaas oo soo laabtay sanadkii 1901-dii iyaga oo ay weheshaan diblomaasiyiin Ruush ah.

Bartamihii sanadkii 1897-kii, Menelik ayaa sarkaalkii Ruushka ahaa Cap. Leontiev u magacaabay guddomiyaha gobolka koonfur-galbeed ee Itoobiya. Gobolkaas oo kamid ah dhulkii uu ka boobay dadyowga la deriska ah ayaa waxaa deggan dad cawaan ah. Guddoomiyaha waxaa la raaciyay saraakiil Ruush iyo Fransiis ah si ay halkaas uga dhisaan maamul hoos yimaada boqortooyada Menelik.

Bishii oktoober 1897-kii , Leontiev wuxuu ku soo laabtay Ruusiya, isaga oo soo hoggaanshay wafdi kale oo Amxaaro ah, kuwaas oo kulan la yeeshey qeysarkii Ruushka. Leontiev ayaa markan ujeeddadiisu waxay aheyd in uu Afrika gudaha u sii galo. Wuxuu qorsheynayay in uu dowladda ka helo oggolaansho iyo taageero si uu dabayaaqada sanadkaas u hoggaamiyo arah cusub oo uu gudaha Afrika ku gaaro. Laakiin dowladdii Ruushka arrinkaas kuma eeyan qanacsanayn. Wasaaraddii arrimaha dibadda ee Ruushka waxay u aragtay dhaqdhaqaaqii Leontiev mid xadkii loogu tala-galay dhaafay. Dowladdii Ruushka, oo ka aamin-baxday Leontiev ayaa sarkaal cusub soo magacawday in uu oday ka noqdo howlihii ay ku taageerayeen boqorka Xabashida. Sarkaalkaas oo la yiraahdo P. M. Vlasov ayaa la soo faray in uu la socdo dhaqdhaqaaqa uu Leontiev ka wado degaanka. P. M. Vlasov wuxuu Abasiinya yimid bishii sebtember 1898-kii.

Xilligaas waxaa jiray saraakiil badan oo Ruush ah oo howlo kala duwan u hayay boqortooyadii Abasiinya. Waxaa saraakiishaas kamid ahaa A. R. Bulatovich, kaas oo ciidamada Abasiinya dhufeysyo uga dhisay waddada isku xirta Addis-ababa iyo harada la oran jiray Lake Rudolf ee goor danbe loo bixiyay harada Turkaana. Mashruucaas ayuu sarkaalka Ruushka ah billad-sharaf kaga helay Menelik. Waxaa isna xusid mudan sarkaalka magaciisa la yiraahdo Col. L. R. Artamonov ee la-taliyaha u ahaa ciidamadii Abasiinya ee boobka ku qabsaday gobollada koonfureed ee Baali iyo Siidaamo. Ciidamadaas oo uu hoggaaminayay Ras Tessema ayaa sarkaalka Ruushka ah iyo hubkii ay Ruusiya ka heleen laŽaantood eeyan ciidamadiis u suurogasheen in ay muddo gaaban ku hantaan dhulka baaxaddaas leh.

Waxaa xusid mudan arahda Ruushka in ay si taxane ah ugu socotay geeska Afrika muddadii u dhexeysay 1847-1906. Waxaa hakiyay arimaha ay kamidka yihiin dagaalkii 1904-5 ee dhex maray Rushka iyo Jabaan, kacdoonkii siyaasad, dhaqaale iyo bulsho ee ka jiray dalka Ruushka gudihiis sanooyinkii 1903-1917, isbadalkii hab dhaqan-dhaqaale ee dalkii boqortoyadii Ruushka ka dhacay sanadkii 1917 iyo dagaalkii 1-aad ee adduunka.

Ogow oo muddadii uu nadaamka shuuciga ahi ka talinayay Ruushka, xiriirkii ay Abasiinya la lahaayeen waxba iskama beddelin. Taasina waxaa inooga filan khudbad uu jeediyay wasiirkii Arrimaha dibadda ee dowladdii Midowga Soofyeetiga Andrej Gromyko :

" Muddadii ka dambeysay markii uu guuleystay kacaankii oktoober ee weynaa ee hanti-wadaagga ahaa, dowladda Soofyeetiga iyo dadweynaha dalkaba, waxay si wax kuŽool ah u taageerayeen dadka

reer Itoobiya ah xaalad kasta oo ay higsanayeen …...... ". (The Horn of Africa from War to Peace. P. 74. Paul B. Henze. London. 1994.).

.Casharadii hore

Saadiq Enow


Contact: webmaster@mudugonline.com

Copyright © Mudug Online 2001