|
GOORTII
DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!
Casharkii
XVI-aad
 |
| S. Enow |
Dadka
Soomaaliyeed, iyaga oo tiradoodu ay ahayd dhowr boqol oo kun
oo keliya, ayaa waxay nasiib u yeesheen in ay xigsadaan dhulka
ballaaran oo ay maanta ku nool yihiin. Isla markaas waxaa u
suurogashay in beel kasta ay dhankeeda ka ilaaliso afkii iyo
dhaqankii ka dhexeeyay. Arintaas, Eebe ka sokow, mahaddeeda
waxaa iska leh geel-jirteenii hore, kuwaas oo dadaal badan kula
tacaalay si ay calaf iyo biyo ugu helaan xoolaha ay dhaqan jireen.
Waxaa xusid mudan, markii ay gumaystayaashu damceen in ay ina
gumaayaan, horaankiiba waxay inaga soo galeen labada degaan
ee xeebaha cirifyada ku yaal. Kuwaas oo kala ah koonfur iyo
waqooyi-galbeed. Sababtuna waxay ahayd degaamadaas oo xiriir
toos ah la lahaa xarumihii wax ka hoggaaminayay ilbaxnimadii
degaanka tiil. Xarumahaasi waxay ahaayeen jasiiradda Sensibaar
iyo degmada Harar. Inkasta oo damaca gumeystayaashu uu mid ahaa
misana soo kala horeyntooda waxaa sababab u ahaa say u kala
dowlad-sanaayeen. Dhanka Sensibaar waxaa inaga soo gala! ! y
Ingiriis, Talyaani iyo Jarmal. Damaca Harar waxaa ku yimid Faransiis,
Ingiriis, Talyaani iyo Xabashi.
Haddaan
ku hor marno Faransiiska, waxaanu helaynaa in xilligaas uu si
muuqata inoola soo dersay. Sanadkii 1862-kii ayuu calankiisii
suray degmada Obokh. Taasina waxay ka dambaysay heshiisyadii
uu la dhigtay Beelaha Cafarta ah ee degaanka ku nool. Wixii
muddadaas ka dambesyay Faransiisku wuxuu kordhinayay dhaqdhaqaaqa
ay doonyihiisa ka wadeen degmooyinka xeebta ku yaal ee Waqooyiga
Soomaaliya ee u dhexeeya labada degmo ee Obokh iyo Xiis. Degmooyinkaasi
waxay xilligaas hoos imanayeen maamulkii Turkida. Taasi waxay
kalliftay, xiriirka uu Faransiisku la samaynayay dadyowgii degaanka
in uu si qarsoodi ah u dhaco. Waayo wuxuu ka cabsanayay xoogagga
Yurub ee degaanka kula hardamayay in ay ka hooshaan hantida
badan ee ka tiil dhulalkii uu maxmiyadaha ka samaystay ee ku
yiil qaaradaha Afrika iyo Aasiya. Sidaas buuna ku awoodi waayay
in xilligaas uu kaga dhawaaqo wax maxmiyad ah gobollada Soomaaliya
ee uu lugta kula jiray.
Muddadii
11-ka sano ahayd oo Masaaridu ay ka talinayeen meelo kamid ah
Soomaaliya, Faransiiska iyo qorshaha uu ka lahaa degaanka ayaa
mar walba soo dhowayn ka helayay saraakiishii Masaarida ahaa
ee ku sugnaa degaanka. Inkasta oo arintaasi ay ahayd fursad
qiimeynteeda lahayd, misana ma noqon mid Faransiiska u hiilisa,
waayo waxaa jiray carqalad hor taagnayd mashruuca uu Faransiisku
ku dedejinayay in uu gumaysto gobollada Soomaaliyeed ee uu isha
ku hayay. Carqaladdaasi ayaa waxay ahayd dhibaato siyaasadeed
oo ka haysatay gudaha dalkiisa, taas oo sababteedu ay lahayd
khasaaro baaxad weyn ee ciidamadii Nepoleon-kii III-aad ka soo gaadhay duulaan
uu ku qaaday dalka Meksiko sanadkii 1862-kii. Dagaalkaas oo
lagu magacaabo The Battle of Puebla ayaa waxaa isaga hor
yimid 6000 oo ciidan Faransiis ah iyo 2000 oo u badan beeralaydii
ku dhaqnayd tuulada Puebla. Guul-darradii ku t! ! imid ciidamadii Faransiiska, waxay
sababtay in uu dalka Faransa ka dhaco gadood dad-wayne. Arimaha
ay dhacdadani dhaawaca u gaysatay ayaa waxaa kamid ahaa damicii
Faransiiska ee xowliga ku socday oo gumeysi-doonka ahaa ee ku
wajahnaa geeska Afrika. Waxaa xusid mudan, xilliga uu dhacay
dagaalkan oo ku beegan 5-tii bishii mey, ayaa dalka Meksiko
waxaa looga dabaal-degaa si aanan loogu dabaal-degin maalintii
madax-bannaanida. Khilaafka labada dal wuxuu ka dhashay Meksiko
oo bixin diiday lacago dayn ah oo lagu lahaa (Cingo di Mayo by Esmeralda Pulido).
Dhaqdhaqaaqii
Faransiiska ee xeebaha waqooyiga Soomaaliya ayaa dhowr sano
dabadeed caadigiisii ku soo noqday kaddib markii ay dowladdii
ka soo kabatay khasaarihii kaga yimid dagaalka. Howlaha uu xilligaas
Faransiisku ka waday waqooyiga Soomaaliya wuxuu daah uga dhigayay
mashruc shirkadeed oo muhimaddeedu tahay ganacsi. Mashruucaas
waxaa markiisii hore bilaabay nin dal-mareen ahaa oo la yiraahdo
Denis de Rivoure, kaas oo isku deyay in uu shirkado ka aasaaso
gobolka. Caqabadihii siyaasadeed ee dalka gudihiisa ka jiray
awgeed ayuu Denis wax gacan ah uusan kaga
helin dhankii dowladda. Sidaas buu arrinku u xayirraa illaa
uu dhacay heshiis kale oo dhexmaray dowladdii Turkida iyo dowladdii
Masar. Heshiiskaas oo labada maamul ay kala saxiixdeen 15/ 7-
1874kii, ayaa wuxuu caddaynayay in Turkida ay degaanka waqooyiga
Soomaaliya uga hareen maamulka dowladda Masar. Taasina waxay
ku dhaafsadeen in Masaaridu ay sanad wal! ! ba ku soo shubaan
khasnadda dowladda Turkiya qaraami gaaraya 16.000 oo geniga
Masar ah. (Barkhat : 1974. p. 479).
Denis
de Rivoure oo ahaa nin karti badan, ayaa dadaalkii qof-ahaaneed ee uu bixiyay
wuxuu dhaliyay in Faransiisku ay Obokh ka sameeyaan labo shirkadood
markuu sanadku ahaa 1881-kii. Waxay kala ahaayeen Compagnie Franco -Ethiopienne iyo Societe Francaise
d´ Obock. Isla markaas Obokh waxay xarun u noqotay ganacsigii ka dhexeeyay
dowladdii Faransiiska iyo Boqortooyadii Abasiinya. (S. Touvalli. Somali Nationalism.
1963. p. 39).
Waxaa
isna jiray Arthur Rimbaurd oo ahaa gabyaa caan ah, kaas oo sanadkii 1980-kii
u tegay Menelik, isaga oo ujeeddadisu ahayd ganacsi. Ninkaasi
wuxuu doonayay in uu iibsado qaxwe iyo xabag, kuwaas oo uu ku
doonayay in uu Menelik kaga beddesho qoryo iyo
rasaas. Waxaa xusid mudan, qoryaha kumanyaalka ahaa oo uu ninkani
bixiyay in ay kamid ahaayeen waxyaabaha Menelik u sahlay in uu Soomaalida ka qabsado dhulka
baaxada wayn ee lagu magacaabo Ogaadeenya. (Obokh 1862-1891. By Josef
Kessel).
Sanadihii
1882-kii iyo 1883-kii, waxaa jiray xiisado siyaasadeed oo ka
aloosmay meelo kamid ah dhulkii uu Faransiisku gumaysanayay,
gaar ahaan kacdoon ka dhacay Indo-china iyo dagaalo ka aloosmay
Madagaskar.
Arrimahaas
ayaa waxay kallifeen baahida xooga leh oo Faransiisku uu u qabay
in uu saldhig ciidan ku yeesho meel u dhexeysa Faransa iyo Indo-china, haklaas oo uu ka taakuleeyo
ciidamadiisa jira bariga-fog iyo Madagaskar. Wixii muddadaas
ka horeeyay ciidamada Fransiiska waxay adeegsanayeen saldhigga
ay ciidamada Ingiriisku ku lahaayeen magaalada Cadan. Taasina
Fransiiska waa uu ku khasbanaa mooyee maahayn arrin uu ku qanacsanaa.
Sababtuna waa lacagaha badan oo cashuurta looga qaadayay iyo
sida xun oo loola dhaqmayay. (S. Touvalli. Somali Nationalism.
1963. p. 39).
Dowladdii
Fransiiska waxay guddoonsatay in ay degmada Obokh ka dhigato
saldhig ciidameed oo ay ka taakuleyso dhulalka gudaha ah oo
ay doonaysay in ay gaarsiiso maamulkeeda. Ninka howshan fulinteeda
loo xil saaray waxaa la oran jirey Leonce Lagarde. Ninkaasi oo isaguna ahaa
nin isku darsaday karti iyo hal-abuur, ayaa dadaalkii uu galay
wuxuu mira-dhal yeeshay sanadihii 1884-kii iyo 1885-kii, markaas
oo uu heshiisyo la sameyestay Suldaankii Gobad iyo Suldaankii
Tajuura isaga oo ka codsanaya in eyan ciiddooda u oggolaan cid
aanan ahayn Fransiis, kuwaas oo ilaalin doona suldaanka dadkiisa
iyo dhulkiisa. Xilliga uu Faransiisku ku jiray dadaalka noocaas
ah, waxaa jiray dayac-xumi ay ku sugnaayeen ciidamadiisa degaanka
joogay. Waxaa arintan inoo tilmaamaya A. Rimbaud oo kamid ahaa ganacsatadii Obokh. 10/ 9- 1884-kii, ayuu A. Rimbaud xaaskiisa waraaq u diray.
Waxaa qoraalkiisii kam! ! id ahaa :
"
Obokh waxaa ku sugan markab kamid ah kuwa ciidamada ee Faransiiska.
65 kamid ah 70-ka askari ee saaran waxay la xanuunsan yihiin
qandho daran. Sarkaalkii hoggaaminayay
shalay ayuu dhintay ". (Obokh 1862-1891. By Josef
Kessel).
Sanadkii
1881kii, Faransiisku wuxuu damcay in uu degmada Obokh ku wareejiyo
maamulkii dowladda Masar, dabadeedna uu aqoonsi u raadiyo. Markii
ay arintan soo shaac baxday ayaa Ingiriiskii wuxuu ka baqay
in wareejintan ay dhaawac u gaysato saldhiggii uu Cadan ku lahaa
iyo waddooyinka ku yaal gudaha Soomaaliya oo ay u soo maraan
sahayda uu ku raashimo ciidamada u fadhiya Cadan iyo shaqaalaha
la socda doonyaha badan ee halkaas u maraya.
Damaca
ay dowladda Masar muujisay oo ay ku doonaysay in ay dhul maxmiyad
ah ka hesho Soomaaliya wuxuu ka caraysiiyay dowladdii boqortooyada
Ingiriiska. Ingiriisku waxay soo saareen baaq ay ku caddeynayaan
in ay la noqonayaan aqoonsigii ay Turkiya siiyeen ee ahaa in
la xushmeeyo madaxbannaanida qabaa´ilka soomaaliyeed ee dega
gobollada waqooyi-bari iyo waqooyi-galbeed. (The map of Africa by treaty,
third edition, ed. Sir Edward Hertslet. Vol. II. Pp. 614-617
Lndon 1909).
Bartamihii
sanadkii 1882-kii, Ingiriisku wuxuu qaaday tallaabo adag oo
uu kula dirirayo raadadkii dahsoonaa oo Faransiisku uu kaga
shaqaysanayay degaanka waqooyiga Soomaaliya. Qodobkan ayaa wuxuu
xoojiyay in Ingiriisku qabsado gebi ahaan dalka Masar. Arrinta
u saamaxday howshan ayaa waxay ahayd kacdoon hubaysan oo dowladdii
Masar kaga yimid dhankii dad-waynaha. Kacdoonkaasi waxaa hoggaaminayay
sarkaal la yiraahdo Axmad Al-Curaabi. Ujeeddaduna waxay ahayd in Masar laga
xoreeyo maamulka khariban oo ay qoysaska ajnabiga ahi (Baashawaat) iska dhaxlaan. Sidaasna
waxay ka muuqataa hal-hayska ah Dalka Masar waxaa leh dadka
reer Masar, kaas oo ah mid ay adeegsanayeen saraakiishii
horseedayaasha ka ahaa kacdoonka. Dhaqdhaqaaqii Al-Curaabi ayaa wuxuu wiiqay xooggii ciidamadii dalka. Xilligaas
waxaa Masar boqor ka ahaa Towfiiq Al-Khadawi oo ahaa! ! curadkii Ismaaciil Al-Khadawi. Towfiiq wuxuu hoggaanka dalka
qabtay 26/ 6- 1879-kii. Waxaa xusid mudan in xilligaas, tiro
badan oo kamid ahaa ciidamada Masar ay dalka dibaddiisa jireen,
oo waxay ku yaacisanaayeen dalalka la deriska ah sida Suudaan,
Eriteeriya iyo Soomaaliya. Sababtaas ayay dowladdii Masar isaga
caabiyi weyday kacdoonkii Al-Curabai. Dabadeed dowladdii ayaa
taageero ciidameed ka codsatay Ingiriiska iyo Faransiiska.
Dowladdii
Ingiriiska oo fursad qaali ah u araktay codsiga taageero-doonka
ah, ayaa ciidamo u dirtay Masar, kuwaas oo horraankoodii ay
bambooyin la dheceen magaalada Aleksandriya markay taariikhdu
ahayd 12/ 8-1882-kii. Maalintaas ayay Masar u bilaabatay taariikhda
gumaysiga ee uu cimrigeedu ahaa 74 sano. Sidaas ayaa maamulkii
Towfiiq Al-Khadawi uu iridaha ugu ooday maamulkii uu dhisay awoowihiis Maxamad Cali Baasha. Inkasta oo Ingiriisku
uu soo celiyay maamulkii Towfiiq Al-Khadawi, misana wuxuu ahaa mid maqaar-saar ah, oo taladii
dalka waxaa si toos ah gacanta ugu dhigay nin Ingiriis ah oo
la yiraahdo Evelyn
Baring, kaas oo horay u qaabilsanaa howlaha la xiriira maal-gelinta mashaariicdii
ay Ingiriiska iyo Faransiiska ka wadeen Masar. Ingiriiska oo
ujeeddooyinkuu dalkan u qabsaday ay kamid ahayd in uu Soomaaliya
ka soo saaro ciidamada ! ! Masar ayaa markiiba soo saaray ciidamadii
galay waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya. (Swedish National Encyclopedia. 1993. Vol. 5, p.
301).
Markii
ay Masar ka baxday xeebihii Soomaaliya, waxaa kordhay damacii
dowladdii Ingiriiska oo xilligaas fadhi ku lahayd Cadan. Bishii
july 1884-kii Ingiriisku wuxuu si isdaba joog ah u qaaday tallaabooyin
diblomaasi ah oo uu ku qorshaynayo qabsashada waqooyiga Soomaaliya.
Wuxuu bilaabay in uu dib uga laabto xushamaddii diblomaasiyadeed
ee uu u hayay sheegashada maamulka Cismaaniyadda degaamada soomaaliyeed
ee ku yaalla badda Cas. Isla markaas Ingiriisku wuxuu Turkida
ogaysiiyay in uu xushmaynayo salaadiinta iyo maamullada ka jira
degaamadaas. Turkida dhankooda, markii hore kuma eyan qancin
fara-gelinta siyaasadeed oo degaanka ku soo korodhay. Sidaa
darteed baa waxay istusiyeen in ay lagama maarmaan tahay in
ay qaadaan tallaabo ay arrinkan kaga jawaabayaan. Ingiriiska
oo mar walba ka tallaabadiisu ahayd midda horeysa ayaa inteeyan
Turkidii wax tallaabo ah qaadin, wuxuu ku guulaystay in uu maamullo
ka sameeyo qaar kamid ah degmooyinka Soomaaliyeed ee ku yaal
badda Cas, gaar ah! ! aan Seylac iyo Berbera. Turkidu markii
ay arkeen in Ingiriisku ay ka go´an tahay hanashada degaankan,
waxay door bideen in ay dhankooda ka debciyaan xiisadda oo ay
Ingiriiska uga haraan degaanka. Sababtuna waxay ahayd dagaallada
badan oo xilligaas dibad iyo gudaba ka haystay maamlkii Cismaaniyadda,
kuwaas oo wiiqay dhaqaalihii iyo siyaasaddii dalkooda. Halkaasna
waxaa ku baaqday awooddii wayneed oo degaanka looga heybeesanayay.
Ingiriisku
markii uu arkay tanaasulka siyaasadeed ee dhinaca Turkida, wuxuu
bilaabay in uu ciidan u soo diro waqooyiga Soomaaliya oo kamid
ahayd meelaha u calaamadeysnaa. Bishii augosto sanadkii 1884-kii,
magaalada Saylac waxaa ku soo xirtay markab ay saaran yihiin
ciidamo Ingiriis ah, kuwaas oo ahaa ciidankii ugu horeeyay ee
gumaysiga cusub . Bishii disember isla sanadkaas Fransiiska
ayaa wuxuu qabsaday Tajuura, Talyaaniguna Casab. Majirin wax
tallaabo siyaasadeed ah oo Turkidu ay ku muujinayeen mowqifka
ay siyaasaddoodu kaga beegan tahay boobkan ka bilowday degmooyinka
Soomaaliyeed oo horay uga tirsanaa maamulkooda. Sidaas baa Ingiriiskii
waddada ugu furantay, wuxuuna bilaabay in uu isku fidiyo degaanka.
Dabayaaqadii sanadkii 1884-kii heshiisyo isdaba joog ah ayuu
la dhigtay qabaa´ilkii soomaaliyeed ee degaankoodu ahaa bariga
degmada Seylac. Beelaha uu xilligaas heshiisyada la dhigtay
waxay ahaayeen : Habar-Awal, Gadabuursey, Habar-Toljeclo, Habar-Gerxajis
iyo Ciise. Hesh! ! iisyadaasi waxay dheceen muddadii u dhexaysay
bishii julaay 1884-kii iyo bishii janaayo 1885-kii. Dhammaan
heshiisyadaasi waxay xambaarsanaayeen ballan-qaad ay cuqaashii
beelahaasi siiyeen Ingiriiska, kaas oo lagu soo koobi karo sidatan
:
"
In eyan marnaba tanaasul oggolaan, eyan iibin, eyan rahan
qaadan, ama sabab kaleba eyan maamul gumaysi u oggolaan qayb
yar oo dhulkooda kamid ah, iyo in dowladda Ingiriiska ay dusha
ka ilaaliso ". (British and foreign papers
Vol. 76 pp. 101-107. The Triets William Ridgway, London 1893).
Faransiiskii
ayaa isaguna dhankiisa wuxuu ka qaaday tallaabo diblomaasiyadeed
oo uu kula heshiinayay duqaydii reer Obokh, si uu u xigsado
meel degaanka kamid ah. Heshiiskaas oo dhacay 22/ 8- 1885-kii,
ayaa qodobadii uu xanbaarsanaa ay ahaayeen sidatan :
1.
Saaxiibtinimo dhex-marta Faransiiska iyo beelaha reer Obokh.
2.
Suldaan Xaamid oo hantiduu lahaa hoos geeyay Faransiiska.
3.
Dowladda Faransiiska oo aanan xaq u lahayn in ay wax ka beddesho
xeerarka looga dhaqmo degaanka.
4.
Suldaan Xaamid iyo ragga dhaxalkiisa leh oo ballan qaaday in
ay Faransiiska gacan ka siinayaan haddii uu u baahdo in uu guryo
ka dhisto iyo hadduu degaan u baahdoba.
5.
Suldaan Xaamid oo ballan qaaday in uusan wax heshiis ah la dhigan
dowlado shisheeye ah isaga oo aanan ogaysiin guddoomiyaha Faransiiska
ee degmada Obokh.
6.
Suldaan Xaamid wuxuu helayaa lacag abaal-marin ah oo gaarsiisan
500 oo farankaha Faransa ah, 80 farankana wasiirkiisa ayaa leh.
7.
Haddii labada dhinac ay isku khilaafaan fahamka qoraalkan, waxaa
dhaqan-gelaya qoraalka Faransiiska iyo fahamkiisa.
Leonce
Lagarde.
Saxiixa
sludaanka Tajuura
Xaamid
bin Axmad
22/
8- 1885. (Barkhat
: 1974. p. 480).
Bishii
maarso sanadkii 1885-kii L. Lagarde wuxuu heshiisyo kuwaa
hore lamid ah la dhigtay cuqaashii qabiilka
Ciise
ee Soomaalida ah. Dhulkii la oran jiray French Somaliland (Jabuuti), maalintaas
ayuu qaatay wejiga uu maanta leeyahay. Fransiiska waxaa uu qabsaday
dhulka xeebta ah ee u dhexeeya Raas -Demeyra iyo Ambado. Waa
uu jeclaa in uu qaato xeeb intaa ka dheer, waxaase hortaagnaa
oo uu ilaalinayay heshiis horay loo dhigtay oo ka dhexeeyay
dowladihii wax gumeysanayay. (E. Rauard de Card, Les Traies
de Protectorat Conclus Par la France en Afrique, 1870-1895.
(Paris. A. Daurand et Pedone-Lauriel, 1897) pp. 38-43, 162-164).
Sanadkii
1886-kii, Faransiisku wuxuu dhisay qalcadda ku taal waddada
u dhexaysa Obokh iyo Raas Bir, halkaas oo uu ugu talagalay in
uu ka ilaaliyo degmada. Arintaasina waxay ka dambaysay markii
ay korodhay tirada Faransiiska rayidka ah ee degaan ka samaystay
magaalada. Isla sanadkaas, waxaa dekadda Obokh ka soo degay
doon ganacsi oo uu shixnaddeedu lahaa A. Rimbaud. Doonta waxaa saarnaa
2000 oo qori iyo rasaas badan. Inkasta oo muddo la hakiyay misana
markii danbe waa la sii daayay. Taasina waxay ka dambaysay markii
ay kulmeen A. Rimbaud oo xoolaha lahaa iyo L. Lagarde oo degmada madax ka ahaa.
Hubkaas oo lagu raray awr tiradoodu ay 100 dhaaftay ayaa markiiba
waxaa loo gudbiyay dowladdii Menelik. (Obokh 1862-1891. By Josef
Kessel).
Sanadkii
1888-kii, maamlkii Faransiiska ee Tajuura fadhiyay ayaa xaruntii
u soo raray Jabuuti. Sababtuna waxay ahayd iyada oo Jabuuti
ay leedahay ceelal biya macaan iyo xeeb gumuceedu weyn yahay.
Waxaa kale oo L. Lagarde u muuqatay in Jabuuti
ay mustaqbalka loolan la geli karto degmada Seylac oo ahayd
dekadda qura oo looga adeego magaalada Harar. Aragtidaas ayaa
waxay ahayd sababta uu Faransiisku kaga haray in uu ku loolantamo
Harar, mar haddii uu iridda u fariistay, halkaasna uu ka xukumo
ganacsiga u socda iyo midka ka soo baxaya degaanka gudaha ah
oo ay Aasiinya kamid tahay. Inkasta oo L. Lagarde uu sanadkaas soo raray
maamulkiisii, misana 50 ganacsato reer Yurub ah oo xilligaas
Tajuura deganaa ayaanan soo raacin oo dhowr sano ka dambeeyay.
Sababtu waxay ahayd shaki ka galay sida uu u guulaysanayo mashruucan.
Saddex sano dabadeed, degmada Jabuuti waxaa ku noolaa 1000 qof
oo ajnabi ah, kuwaas oo isugu jira! ! y ganacsato, farsamo-yaqaano
iyo shaqaale.
Bilowgii
sanadkii 1888-kii ayaa waxaa dhulkayagii ku bilowday in loo
sameeyo diilimihii kala-teedka (Soohdimo) ee lagu dhantaalay
degaankayagii is-haystay. Waxaa la abuuray xuduuddii ugu horaysay
ee dhex-marta dhul Soomaalidu leeyihiin. Arinkaas ayaa wuxuu
kamid ahaa caadooyinka gumaystayaashu ay ku dabreen ummadaha
ay hoosheen si ay ugu reebaan raad ay facahooda dabme la dhutiyaan.
Soomaaliduna maalintaas ayuu taabtay dhaawaca ay maanta la istaagi
la´yihiin.
Ingiriiska
iyo Faransiiska ayaa bishii febraayo 1888-kii waxay isu gudbiyeen
nuqul uu ku qoran yahay heshiis ay ku xariiqeen diilinta u dhexaysa
degaanka Jabuuti iyo goollada waqooyi ee Soomaaliya.
Nuqulkii
heshiiska waakan :
"
Waxaa sharaf ii ah wada-hadalka aan la yeeshay mudanayaashiinan,
ee ku saabsan xuquuqda Faransa iyo Ingiriiska ay ku leeyihiin
gacanka Tajuura iyo xeebaha Soomaaliyeed, taas oo ku salaysan
rabitaanka dowladda Imbraadooriyadda ah ee Faransa iyo dowladda
weyn ee Imbraadooriyadda ah ee Ingiriiska.
Kaddib
markii jawi gacaltooyo iyo saaxiibtinimo leh aanu isku dhaafsanay
aragtiyaalka aanu qabno ayaa waxaa inoo suuragashay in aanu
ku heshiino arimaha soo socda :
1.
Aqoonsi, laga bilaabo diilinta taagga ah ee ka bilaabata xeebta
dhibicda ku beegan Harta illaa Habaas-weyne. Iyada oo bartaas
inta laga kaco la raacayo waddada ay awrtu maraan ee ku dhamaata
Biya-qaoobe, dabadeedna ku dhacaysa Harar. Waddadaasi in ay
ahaato diilinta u dhaxaysa dhulka maxmiyadda Faransiiska ah
iyo kan ah maxmiyadda Ingiriiska.
2.
Dowladda Ingiriiska, waxay aqoonsan tahay maxmiyadda Faransiiska
ee ka dhisan gacanka Tajuura ee galbeedka ka xiga diilinta la
soo xusay, taas oo ay ku jidho jasiiradda Muuse iyo Al-Baab
oo ay degaan qabiilooyinka iyo jifiyada horay loo soo xusay.
Sidaas oo kale ayuu faransiiskuna u aqoonsanayaa maxmiyadda
Ingiriiska ee ku taal bariga diilinta illaa tuulada Bender Siyaad,
iyo qabiilooyinka iyo jifiyada dega halkaas.
3.
Dowladda Faransiisku waxay ballan-qaadaysaa in ay reebto wax
kasta oo fara-gelin ah oo loola yimaado degaanka bariga ka xiga
diilinta. Sidoo kale ayuu Ingiriisku ballan-qaadayaa howl taas
lamid ah oo ku wajahan galbeedka diilinta.
4.
Labada dowlad waxay ku heshiiyeen in eyan middoodna isku deyin
in ay Harar qabsato ama ay maxmiyad ka dhigato, iyo in ay labada
dowladood xoog uga hor tagaan isku-day kasta oo ay dowlad shisheeye
ah ku damacdo in ay Harar ku qabsato ama sheegato in ay magaalada
ku leedahay wax xuquuq ah.
5.
In labada dowladood iyo dadka degaanka ay si xor ah uga ganacsadaan
waddada awrtu ku fusho ee u dhexeeysa Saylac iyo Harar.
6.
Labada dowladood waxay ku ballameen in ay tallaabo haboon ka
qaadaan ganacsiga addoomada iyo soo dhoofinta hubka (degaamada
maamulkooda hoos yimaada).
7.
Dowladda Ingiriiska waxay ballan-qaaday in ay xushmad kula dhaqanto
dadka hoos yimaada maamulkeeda ee ama hoggaamiyayaal ah ama
xubnaha beelaha ah, kuwaas oo horay uga tirsanaa maxmiyadda
Faransiiska. Sidoo kale ayuu Faransiisku u ballan-qaaday in
uu dhankiisa ka xushmeeyo dadka raciyadda ah iyo qabaa´ilka
ku hoos nool maxmiyaddiisa ".
Ninka
qoraalkan diyaariyay oo ahaa danjirihii Faransiiska u fadhiyay
London Waidington, ayaa wuxuu qoraalkiisii
raaciyay sidan :
"
Haddii ay dhacdo in aad waafaqdaan qoraalkan, waxaan ahaan
mid idiinka mahad celiya in aad ku soo dhowaataan, mudnaantiina,
miin-guuriska heshiiskan oo aanu soo saxiixnay annaga oo ka
wakiil ahdowladdayada sharafta leh.
9/
2- 1888
Wasaaradda
dibadda
Danjire
Waidington ". (Barkhat : 1974. 181-182).
Qoraalkan
waxaa waafaqay oo isagoo aanan xaraf laga beddelin saxiixay
wasiirkii arrimaha dibadda ee Ingiriiska Sir Salsberg. (Ibid : 183).
.Casharadii hore
Saadiq
Enow
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
|