|
GOORTII
DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!
 |
| S.Enow |
Casharkii XVII-aad
Qarnigii 19-aad, waxaa jiray isbeddel wayn ee ku yimid hanaankii
noloshii dhaqan-dhaqaale ee bulshooyinkii reer Yurub, taas oo
raad ku yeelatay qaabkii wax soo-saarka iyo qaybsiga. Hanaankii
siyaasadeed ee fiyudaalka ahaa ayaa wuxuu yeeshay weji hanti-goosi.
Arintaasi waxay xowli-orod u yeeshay hor u mar ku yimaada taranka
dadka, dhaqaalah, cilmiga, farsamada tiknikada ah iyo teknolojiyada.
Waxaa isbedel kala wareeg ah uu ku dhacay hanaankii qorshaynta
iyo mulkiyada samaynta siyaasad dowlad-qomiyadeed, taas oo uu
la socday hanaanka kabitaalka. Arimahaas ayaa waxay buux-dhaaf
u keeneen mug-xuduudkii qaaradda Yurub iyo qowmiyadihii ku noolaa.
Sidaa darteed ayaa dadkeedii waxay u fateheen adduunka dibadda
meelihiisii ugu godnaa, kuwaas oo noqday Afrika iyo Asiya. Waxaa
xusid mudan, kacaankii wershadaha ee Yurub in laga dhaxlay hor
u mar laba wajiile ah (+ -),
kaas oo aanan isku si looga qiimayn caalamkii gumaystayaasha
iyo kuwii la gumaysanaya! ! y. Kacaankaasi oo Yurub u saamaxay
in ay noqdaan bulshooyin wax gumaysata ayaa Afrika iyo Aasiya
ka dhigay bulshooyin la gumaysto.
Jarmalka iyo Talyaaniga, xilli dambe ayay kamid noqdeen
bulshooyinkii gumaysatada ahaa. Labadaas bulshadood ayaa waxaa
arintan u saamaxay guushii ay ka gaareen siyaasadda urursan
oo ay ku mideeyeen maamulladii kala tagsanaa ee dalalkooda ka
jiray. Jarmalka ayaa sida Talyaaniga waxaa uu taariikhda ka
dhaxlay maamullo ku salaysan beelo, kuwaas oo kala madax-bannaan,
mid walibana ay lahayd boqor u gaar ah. Maamulladaas waxaa kamid
ahaa Prussia, Bayern, Saxony, Hanover, Hesses,
Bavaria, Baden
iyo Wurttemberg. Xilligii
ay is-weydaaranayeen labada qarni 18-aad iyo 19-aad, boqortooyada
Prussia ayaa waxay noqotay
hanaqaad. Waxaa u suurogashay in ay isku fidiso dhul wayn ee
ku teedan waqooyiga iyo bariga Jarmal, waqooyiga! ! Poland, dhul kamid ah bariga Ukrainia iyo dowladaha ku yaal galbeedka
badda Baaltiga. Arintaas ayaa sababtay in Prussia ay horseed u noqoto midnimada Jarmalka.
Waxaa kale oo xoojiyay midnimada Jarmalka dareenka qowmiyadeed
oo ay ka dhaxleen dagaalkii uu Napoleon
Bonaparte ku qabsaday dadyowgii Yurub iyo maamulladoodii.
Dagaaladii, bulshooyinkii Jarmalka ahaa, ay ku qaadeen ciidamadii
Napoleon, maahayn mid ay ku
dalbayeen oo keliya in ay isaga kiciyaan ciidamada ku habsaday
dhulkooda. Balse wuxuu ahaa mid ay ku diidanaayeen dhaqanka
Faransiiska ee fara-gelinta baŽan ku hayay bulshadooda. Rag
wax qora, filosofiin iyo kuwo suugaan tiriya oo Jarmal ah ayaa
ka qayb-qaatay tallaalka aragtida ay Jarmalku ku baadi-goobayeen
in ay qaran noqdaan. Raggaas oo aragtiyaalkoodii illaa maanta
jaamacadaha Yurub lagu derso, waxaa kamid ahaa Goethe, Schiller, Herder, Kant, Fichte iyo Hegel! ! . Dareenkii ay raggaasi reebeen ayaa wuxuu
dhaliyay in dad-waynuhu ku baraarugo baahida ay bulshadu u qabto
hor u mar dhaqaale iyo dowlad-dhexe oo siyaasad urursan leh.
Ogow oo arintani waa tusaale kale oo inoo bidhaaminaysa xubnaha
bulshada ee aragtida xambaarsani, in ay yihiin kuwa ummadaha
u tilmaama siday isu ururin lahaayeen.
Gobolka Prussia ayaa wuxuu
u muuqday midka calanka u siday madax-bannaanida Jarmalka. Taasina
mahaddeeda waxaa iska leh hoggaamiyayaal daacad ah oo gobolka
u kacay bilowgii qarnigii 19-aad. Waxaa kamid ahaa Karl vom Stein iyo
K. A. von Hardenberg. Inkasta oo shirkii lagu qabtay
Wien 1814-kii lagu gaaray
heshiis ay qaybo kamid ah dowladihii Jarmalka ku dhiseen Is-bahaysiga
Jarmal, misana ma noqon mid buuxiya aragtidii u muuqatay dadka
qowmiyiinta ahaa. Hor u markii wershadaha ayaa wuxuu khasbay
in sanadkii 1834-kii ay dowladihii Jarmalku samaystaan waddo
tariin ee xiriirisa degmooyinkooda iyo nadaam cashuur-qaadis
oo ay ka midaysan yihiin. Kaddib waxaa xoogaystay dhaqdhaqaaqa
qowmiyiintu ay ku dalbayeen Jarmal urursan oo mid ah. Waxaa
jiray dhacdooyin siyaasadeed iyo dagaallo ka dhacay Jarmalka
bartamihii qarniga. Arrimahaas oo sii xoojiyay ! ! isu lugo-duwashada
dadka Jarmalka ah ayaa waxaa kamid ahaa :
1. Kacdoonkii maarso 1948-kii oo ay dad-waynuhu ku doonayeen
in dowladaha is-bahaystay ay raadiyaan Jarmal mid ah.
2. Fal isku-day ahaa oo boqorkii Prussia ee la oran jira Fredrick Willhelm IV (1840-1861) uu sanadkii
1849-kii ku damcay in uu ku mideeyo Jarmalka, taas oo Jarmalka
ka dhigtay waqooyi iyo koonfur.
3. Dagaalkii toddobada toddobaad Sevsn
Weeks War, ee socday 14-kii juun illaa 26/ 7- 1866-kii.
Wuxuu dhex-maray Prussia oo
ay la socdeen bulshooyinkii ka jiray waqooyiga Jermaaniya iyo
Awsteriya oo ay la socdeen bulshooyinkii ka jiray koonfuta Jermaaniya.
4. Dagaalkii dhex-maray Jarmal iyo Faransa 1870-1871. Kaas
oo soo gunaanaday geedi-socdkii taariikhiga ahaa oo ay Jarmalku
ku doonayeen midnimo iyo madax-bannaani.
Otto von Bismark ee ahaa
hoggaamiyihii horseeday dowladda is-bahaysiga ah ee Jarmalka
maanta ka jirta, ayaa iyada oo uu dagaalkii weli socdo, bishii
janaweri sanadkii 1871-kii wuxuu ku dhawaaqay halhayskiisii
caanka noqday ee ahaa :
" Dadka Jarmalka ahi ma doonayaan barlamaano midaysan oo
keliya, ee dhiig iyo maskax mid ah ayay doonayaan ". (Swedish National Encyclopedia. 1993. Vol. 23 pp. 563-564).
18/ 1- 1871-kii ayaa loo aqoonsan yahay maalintii midnimada
Jarmaaniya. Maalintaas ayaa boqorkii Prussia
King Wilhelm waxaa loo magacaabay boqorkii boqorrada
Jarmalka, isla goobtaas ayaa loogu geliyay taajkii imbraadoornimada.
Hor u kacaas siyaasadeed ee xooga leh oo ay Jarmalku ku guulaysteen
waxaa u weheliyay hor u kac dhaqaale oo u suurogeliyay, iyaga
oo curdun ah, in ay kamid noqdaan xoogaggii gumastayaasha ahaa.
Damaca gumaysi-doonka ah ee Jarmalka, markiisii hore, maahayn
guddoon istraateeji ah oo ay dowladdu qaadatay, bal wuxuu ahaa
dareen uu la gaar ahaa nin Jarmal u dhashay oo la oran jiray
Karl Peters, kaas oo ku caan
ahaa aragtida embriyaaliyadda. Ninkaas oo xambaarsanaa ruux
gumaysi, ayaa bilowgii sanadkii 1884-kii, wuxuu dalka Jarmalka
ka asaasay Jamciyadda Gumaysiga ee Jarmal
Society for German Colonization. Bishii sebtember,
isla sanadkaas, wuxuu soo gaaray jasiiradda Sensibaar, isaga
oo u socday in uu sahmiyo meelo kamid ah dhulka gudaha ah ee
bariga Afrika. Karl Peters oo hor-moode ka ahaa shirkad
uu isagu goor danbe aasaasi doono, ayaa markii uu wax ka ogaaday
xaaladda siyaasade! ! ed, midda ganacsi iyo tan cimilo ee jasiiradda,
wuxuu u gudbay dhulka gudaha ah ee dalka Tansaaniya. Wuxuu la
kulmay duqayda qowmiyadaha Afrikaanka ah ee halkaas ku noolaa,
kuwaas oo ka caraysnaa maamulkii suldaanka Sensibaar iyo hannaankiisa
ganacsi ee iibsiga adoomada. Waxaa u suurogashay in uu 12 heshiis
la dhigto dad degan dhul lagu qiyaasay 60.000 km square, kaas oo u dhexeeya harada Tanganika
iyo degmada Neosagara illaa meel ku dhow degmada Dar
es Salaam. Inkasta oo heshiisyadu ay ku yimaadeen
dareen uu Karl Peters la gaar
ahaa, misana qoraalkoodii ayaa waxay u muuqdeen qaabkii lagu
yiqiin heshiisyada ay dowladihii gumaystayaasha ahaa la dhiganayeen
dadyowgii ay gumeeyeen. Sida ay heshiisyadaasi dhigayeen, duqayda
Afrikaanka ah ayaa waxay oggolaadeen in dhulkoodu uu noqdo maxmiyad
ay ilaaliyaan Jarmalku.! ! Waxay muujiyeen in eyan wax xiriir
ah la laheyn suldaanka Sensibaar, iyaga oo isla markaas ballan-qaaday
in eyan wax heshiis ah la dhigandoonin dowlado shisheeye ah.
Heshiisyadaasi waxay dhaceen bilihii nofember iyo disember 1884-kii.
Karl Peters ayaa dalkiisii ku laabtay,
halkaas oo sida caadadu ahayd, si diiran loogu soo dhoweeyay.
Kaddib markii uu la kulmay hoggaamiyihii Jarmalka O.
von Bismark, ayuu wuxuu u bandhigay wax-qabadkiisii.
Dabadeed, dowladdii ayuu ka codsaday in ay aqoonsato heshiisyada
uu dadyowga Afrikaanka ah la soo galay. Dowladdu, markii ay
oggolaatay barnaamijikii uu Karl Peters
la yimid, ayaa waxay soo saartay qaraar ay arintan ku taageerayso.
Nuqulkii qaraarkuna wuxuu ahaa sidatan :
" Annaga, nicmadda Eebe dabadeed, embraadoorka Jarmal, boqorka
Prussia, waxaanu cadeyneenaa oo aanu
amreynaa sidan :
Iyada oo la tix-raacayo codsi ka yimid hoggaamiyaha Jamciyadda
Gumaysiga Jarmalka, ee ku saabsan ilaaladeena dhulka ay Jamciyaddu
ka heshay bariga Afrika ee ku beegan galbeedka boqortooyada
Sensibaar, kana baxsan maamul dowlad kale leedahay.
Iyada oo la tix-raacayo ballamada uu dhowaan Karl Peters kula heshiiyay duqayda Bozagara, Angaro,
Yoxango, iyo Bakomi 11/ 12- 1884-kii. Taas oo ay ku xusnayd
in degaamadaas ay la wareegtay Jamciyadda.
Iyada oo la tix-raacayo oggolaanshaha duqayda degaanka in ay
hoos yimaadaan maamulkayaga.
Waxaanu ku dhawaaqaynaa in aanu aqbalnay maamlkaasi iyo
in ay (dadyowgaasi) ahaadaan maganta Embraadooriyadda, annaga
oo naftayada u ilaalinayna xaqa aanu u leenahay in aanu maamullada
kale ka goyno, hadday sharciga ku sugan tahay. Jamciyaduna waxay
fursad siinaysaa maamulka wax kasta oo xuquuq ah oo ka ratibmaya
ballamadii lagu heshiiyay iyo fulinta xeerarka, iyo in xubnaha
fulinaya ay noqdaan dad u dhashay Jarmal ". (Barkhat
: 1974. p. 419-420).
Bismark markiisii hore wuxuu
doonayay in uu Afrika u daayo Ingiriiska. Wuxuu ogaa in Ingiriisku
uu u saamaxayay dadka Jarmalka ah in ay ka ganacsadaan meel
kasta oo calan Ingiriis suran yahay. Sidaa darteed ayaa Jarmalku
wuxuu kaalmo ka gaystay in Ingiriisku qabsado dalka Masar sanadkii
1882-kii. Sanadihii 1883-kii iyo 1884-kii, Jarmalku waxay Ingiriiska
u muujiyeen rabitaan ay ku doonayeen in ay nasiib ku yeeshaan
dhulka Afrikaanka laga boobayo. Laakiin Ingiriisku waa uu ka
gaabsaday in uu jawaab ka bixiyo arinkan. Qodob kale ayaa jiray
oo isna Jarmalka ka caraysiiyay, kaasina wuxuu ahaa mar ay damceen
in ay Koonfur-Afrika ka samaystaan xarumo ganacsi, markaas ayay
Ingiriiskii war-geliyeen si ay oggolaansho uga helaan. Taasna
Ingiriiskii waa uu ka aamusay. Dhacdadan ayaa waxay isu soo
dhowaysay Jarmal iyo Faransa, halkaasna waxaa ku hagaagay xiriirkii
muddada murugsanaa ee labada dowladood. Jarmalkii ayaa Faransiiskii
ka codsaday in ay dhan uga soo wada jeestaan! ! Ingiriiska.
Arrimaha ay ku heshiiyeen baa waxaa kamid ahaa in ay aqoonsiga
Koongo kala noqdaan Ingiriiska iyo Burtuqiiska. Waxay wada-jir
ugu dhawaaqeen in dhulka Koongo uu yahay mid u baahan in xoogagga
Yurub ay fadhi ka yeeshaan. Burtuqiiska oo ka baqayay in uu
isku-dhac yimaado ayaa wuxuu ku taliyay in xoogagga embriyaaliayadda
ah ay iska arkaan howlaha mashaariicda gumaysiga oo ay dunida
ka wadaan. (East Africa a Century of
Change 1870-1970. W.E.F. Ward & L.W.White. p. 31).
Faransiiska iyo Jarmalka ayaa la yimid shirka in qayb ay gumaystaan
laga siiyo gudaha Afrika, gaar ahaan Koongo iyo Nayjer. Isla
markaas waxay mucaaradeen dalab Burtuqiiku soo jeediyeen oo
ahaa in gumaysiga dalka Koongo, iyaga loo daayo. Waxaa kale
oo ay mucaaradeen in Ingiriiska uu ganacsi ka bilaabo dhul uusan
gumaysan. Xubnihii fadhiga yimid waxay calaamadeeyeen meelo
ay tilmaameen in dhamaantood ay ka ganacsadaan. Waxaa kamid
ahaa Koongo, Keenya, Ugaandha, Tansaaniya iyo Soomaaliya. Wafdigii
Baljiika ayaa diiday in Koongo ay ahaato meel xor u ah ganacsiga
dowladaha Yurub. Faransiiskuna, dhankiisa wuxuu culays saaray
Ingiriiska in uu Nayjer ka dhigo meel ganacsigeedu xor tahay.
Ingiriiskii si cad ayuu u diiday arintan. Markaas ayaa shirkii
wuxuu qaatay weji hor leh oo ka duwan kii laysugu yimid. Waxaa
bilaabatay in si toos ah loo qaybsado dhulalkii ay lahaayeen
dadyowgii Afrikaanka ahaa. Weliba iyaga oo aanan la war-gelin,
la abuuro diilimo lagu kala teedo dhulalkoodii, ! ! taas oo
aanan wax masaalix ah u lahayn noloshii soo jireenka ahayd oo
ay facahoodii hore ka dhaxleen iyo aayahooda dambe toona. Sidaas
ayay ku gumoobeen dadyowga Afrika, qaaraddoodiina loogu magacaabay
qaaraddii madoobayd. Markii la naqshadeeyay joqraafiga ay Afrika
yeelanayso ayaa fadhigii wuxuu qaatay magaca Berlin Act. Bayaankii heshiiskaasi wuxuu
soo baxay 26/ 2- 1885kii. (East Africa
a Century of Change 1870-1970. W.E.F. Ward & L.W.White.
p. 31-32).
Qodobka 34-aad ee heshiisku wuxuu qorayay sidan :
" Dowlad kasta ee Yurub ah ee saldhig ku yeelata xeebaha
Afrika ama isku magacawda in ay maxmiyad ku leedahay, waxaa
ku waajib ah in ay soo ogaysiiso dowladaha wax ka saxiixay heshiiska
Berliin. Haddii eyan sidaas yeelin, sheegashadooda la aqoonsan
maayo ".
Qodobka 35-aad ayaa isna wuxuu qorayay sidan :
" Dowladdii saldhig ku yeelata meel xeeb ah, waa in ay muujisaa
in ay si isku-filaansho ah ay u maamuli karto degaanka, si ay
u xigsato xuquuqda ay ku yeelanayso ee ah mid ganacsi iyo mid
gaadiid ".
Qodobadaas ayaa waxay ahaayeen kuwa sharciga u siiyay dowlad
kasta oo gumaysatada kamid in ay boobto intii awooddeedu gaadho
ee dhulka qaaradda ah, dabadeedna loo sameeyo xuduud lagu saleeyay
masaalixda dowladaha Yurub, iyada oo aanan lagala tashan dadkii
dhulka lahaa. Ujeeddada ka danbaysana ay ahayd in la bililiqaysto
hantida dabiiciga ah oo ay hibada u heleen, iyaga oo aanan waxna
loo celin. (Hinsley, F.H., The New Cambridge
Modern History Vol XI, Cambridge University Press, London, 1962).
Nuxurkii shirku waxaa lagu tilmaami karaa madal ay ku dan-fushadeen
Jarmal, Faransiis, Ingiriiska, Ruushka iyo Talyaani. Dalalka
kale ee yurub ee markaa xorta ahaa, waxay ahaayeen weheliyeyaal
u sacbiya kuwa kor ku xusan, waxaana laga sixiixay dhamaantood
in ay qayb ka ahaayeen dowladaha shiray iyo in ay siduu yahay
u qaataan una fulinaayaan. Aduunkii loo heshiiyay waxaa loo
qaybiyay saddex :
1. Ddalal madax-bannaan oo is-maamula, sida Laybeeriya, Masar
iyo Itobiya.
2. Dowlado madax-bannaani dhantaalan haysta, kuwaas oo dusha
laga maamulo laakiin is-maamul hoosaad leh, sida qowmiyadihii
turkiga ka hoos-baxay (Carabaha intoodabadan).
3. Dalal aan nina sheegan without owner,
sida Afrika inteedii badnayd.
Soomaaliya waxaa qayb u helay 3- dii dal ee gaystay,
cadaynta inay dhulkaas xukunkooda ku hoos jirro - ingiriis,
faransiis iyo talyaani. Jarmalku wuxuu heshiiska ku darsaday
qodob muhiim ah oo u saamaxayay in maamullada ay dowladaha Yurub
ka sameeyeen dhulka xeebaha ah ee bariga Afrika, ay ganacsiga
Jarmalka u saamaxaan in uu si madax-bannaan ugu tallaabo dhulka
gudaha ah ee qaaradda.
.Casharadii hore
Saadiq
Enow
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
|