|
GOORTII
DHULKAYAGII LA QEYBSADAY!
Casharkii XVIII-aad
 |
| S. Enow |
30-kii sano ee qarniga ugu dambeyay (1870-1900) ayaa waxaa
lagu tilmaamaa wakhtigii uu laba-kacleyay kacaankii wershadaha
ee Yurub The Second Industrial Revolution.
Hor u markii ay ka gaareen adeegsiga xooga korontada iyo isku-dhafka
walxaha kiimikada ah ayaa waxay ahayeen sababaha ka dambeyay
kacaankan. Arimahan ayaa kamid ahaa waxyaabaha xowli-orodka
u kordhiyay dhaqdhaqaaqii ay gumaysatadu ka wadeen dhulka guudkiisa.
Qaaradda Afrika oo ay ummado badan deganaayeen ayaa gumaystayaashu
miciyaha u soofaysteen. Dowladaha howshan safka hore kaga jiray
oo ahaa Ingiriis, Faransiis, Jarmal, Burtuqiis, Beljiika, Isbaanish,
Jarmal iyo Talyaani ayaa qaaradda waxay u arkayeen meel ay u
doontaan hantida dabiiciga ah oo ay wershadahoodu ku shaqeyaan,
isla markaasna ah suuq wayn oo ay u iib-geyaan waxyaabaha ay
soo saaraan. Xilligaas, qaaradda Afrika inteeda badan waxaa
ka bilowday maamulladii gumaysiga, kuwaas oo mar walba dadaal
ugu jiray in ay is bal! ! laariyaan.
Talyaaniga ayaa sida Jarmalka, isaga oo dowladdiisii ay
curdun tahay, ku soo biiray bulshooyinkii gumaysatada ahaa.
Sidaanu soo aragnay, bartamihii qarniga ayuu Talyaanigu ku guulaystay
in uu dalkiisa ka dhiso dowlad siyaasaddeedu urursan tahay.
(Ku
noqo Casharkii XI-aad. Goortii ..........).
Laakiin wuxuu ka liitay xagga dhaqaalaha. Sanadkii 1870-kii,
maraakiibta reer Yurub ee ka gudbay biya-mareenka Suways, Talyaanigu
wuxuu ku lahaa tiro ka yar 2%. Sanadkii 1913-kii, tirada maraakiibta
Talyaaniga oo Suways gudubtay waxay dhamayeen 101 markab, halka
tirada maraakiibta Ingiriiska ay dhamaayeen 3000 oo markab.
(The Somali Experience. Politics, Lnguage
and Thought. David D. Laitin. 1977).
Dhaqaale-xumida haysatay awgeed, suurogal uma ahayn dowladdii
Talyaaniga in ay mashruuc gumaysi-doon ah ka hirgeliyaan dhul
ka fog. Waxaase mar walba dhiiri gelin iyo taageero ay ka heysteen
Ingiriiska oo isagu doonayay dowlad la maslaxad ah oo ay is
xulufaystaan.
Marka laga hadlayo taariikhda mashruuca gumaysi ee Talyaaniga,
waxaa lagama maarmaan ah in la tilmaamo dhibaatada dowladda
ka haysatay dalka gudihiisa, taas oo kallifaysay in qaar kamid
ah ciidamadeeda ay dalka dibadda uga saarto. Dhibaatadu waxay
ahayd sidii ay isugu ururin lahayd qowmiyadaha kala duwan ee
talada urursan lagu mideyay. Waxaa xilligaas dalka gudihiisa
ku xoogganaa aragtida qowmiyadeed nationalism.
Ninka ku tallaalay Talyaaniga aragtida gumaysi waxaa la
yiraahdaa Cristofro Negri,
kaas oo magaalada Florence,
sanadkii 1867-kii ka abuuray jamciyad la yiraahdo Societa
Geografica Italiana. Ninkan ayaa ujeeddadiisu ahayd
in jamciyaddu ay hor-mood ka noqoto danaha ganacsiga dibadda
ee Talyaaniga iyo waddooyinkii loo mari lahaa. Jamciyaddu waxay
soo saari jirtay wargays aqooneed oo lagu magacaabo II Bolletino. Muddadii u dhexaysay 1867-1875,
jamciyaddu waxay soo saartay 45 qoraal oo ay Afrika ka soo diyaarisay.
Jamciyaddu waxay dowr wayn ka cayaartay in dad-waynaha Talyaaniga
ay xiiso u yeeshaan in ay dibadda u soo baxaan oo ay ka qayb
qaataan loolanka ummadaha wax gumaysta.
Xilliga uu Talyaanigu u soo baxayay in uu wax gumaysto,
20 sano oo qura ayay dhisnayd dowladda ay gobolladiisu ku midoobeen.
Haddaba si loo adkeeyo midnimada qowmiyadeed ayaa waxay is tusiyeen
in ciidamadooda dibadda looga saaro dalka, ayna ka qayb qaataan
hardanka dowladaha waawayn. Taasi waxay kaalmo u noqonaysaa
in Itaalya ay ahaato dal is-haysta. Cristoforo
Negri ayaa wuxuu kamid ahaa ragga aragtidaas hor-moodka
ka ahaa oo dowladdu ay ka talo qaadato. Ninkaasi oo ahaa taariikhyahan,
dhaqaaleyahan, diblomaasi isla markaasna wax ka yiqiin culuumta
degaamada geography, ayaa sanadihii 1850-aadkii wuxuu
diraasaad ku sameyay qaabkii uu Talyaanigu uga qayb-qaadan lahaa
loollankii imberiyaaliga ahaa. Aragti uu ku gunaanaday diraasaadkiisii
ayuu u gudbiyay dowladdii Talyaaniga. Dowladdu waxay soo dhoweysay
aragtidii Cristoforo Negri,
waxayna markiiba bilowday in ay rag sahamo ah! ! u kala diraan
qaaradihii tartanka loogu jiray ee ahaa Afrika iyo Aasiya. (S.
Touvalli. Somali Nationalism. 1963. p. 40).
Xilliga ay dowladdu guddoonsatay arinkan, ma eyan lahayn
qorshe cad oo ku saabsan dhulkii ay qabsan lahayd. Waxaase jirtay
aragti u muuqatay qaar kamid ah ragga guddoonka siyaasadeed
wax ku lahaa, taas oo ay ku xiisaynayeen degaamo kamid ah bariga
qaaradda Afrika. Cristoforo Negri,
qudhiisa waxaa uu dowladda u tilmaamay qiimaha istraateejiga
ah ee uu leyahay dhulka ku heeran badda Cas, iyo xeebaha geeska
Afrika, gaar ahaan kuwa ku wajahan bad-weynta Hindiya ee xilligaas
hoos imanayay maamulkii suldaankii Sensibaar Sayid
Barqash bin Saciid. Waxaa kale oo uu tilmaamay gobollada
bariga iyo bartamaha Somaliya oo ay ka talinayeen salaadiintii
Majeerteen.
Waxaa iyana jirtay shirkad gaadiidka maraakiibta oo u kala gooshi jirtay Talyaaniga iyo Hindiya.
Shirkaddaas oo la oran jiray Societa Navigazione Italiana.ayaa waxaa lahaa
nin Talyaani ah oo la oran jiray Rubbotino. Ninkaas oo u baahday guule ama saldhig marakiibtiisa
uu ka dhuxulaysto isla markaasna ka sahay qaato, ayaa wuxuu
heshiis la galay sanadkii 1869-kii boqor Cafar ahaa oo la oran
jiray suldan Rehiet Beregon.
Suldaanku wuxuu Talyaanigii ka iibiyay dakadda Casab iyo dhulkii
ku xeernaa. Toban sano dabadeed, sanadkii 1879-kii, dhulkaas
iyo dakaddii Casab waxaa rasmi ahaan ula wareegay dawladdii
Talyaaniga. Tallaabadaasina waxay ahayd tii ugu horaysay oo
uu ku gumaystay dadyowgii geeska Afrika.
Kaddib markii uu biya-mareenka Suways sababay is-beddelkii
xoogga lahaa ee ku yimid waddooyinkii ganacsiga ayaa dowladdii
Talyaaniga waxaa ay goŽaansatay in ay dedejiso mashruuca ay
ku doonaysay in ay Afrika ka hesho dhul ay gumaysato, si ay
u xoojiso midnimadeeda, isla markaasna ay u kobciso ganacsiga
ay dibadda la leedahay.
Damacii Talyaanigu ka lahaa badda Cas iyo dadyowga ku deegaanka
dhow ayaa wuxuu noqday mid sugan sanadihii 1870-aadkii, markaas
oo uu xoogoobay dhaqdhaqaaqii uu Talyaanigu ka waday degaanka
Eriteeriya iyo xeebaha badda Cas. Taasi waxay u gogol xaaraysay
damaca gaarka ah ee uu ku doonayay xeebaha Soomaaliya ee ku
jeeda bad-weynta Hindiya, taas oo howl-galkeedii uu bilawday
sannadihii 1880-aadkii.
Ingiriiska ayaa mar walba dhiiri-gelinayay in Talyaaniga
ay u tallaabaan badda Cas, gaar ahaan degmada Masawac oo ay
ku yaraanaysay awooddii Turkida iyo Masaarida. 5/ 2- 1885-kii,
ciidamo Talyaani ah oo ka kooban 807 nin ayaa waxay qabsadeen
degmada Masawac. Ciidamadaas oo uu hoggaaminayay
Col. Tancredi Saletta,
waxaa taageero siinayay rag hantiilayaal ah oo u dhasahay dalka
Talyaaniga. Qabsashada Masawac ayaa waxay Talyaanigu u furtay
irridaha uu bariga Afrika ku soo galay. Maalintaas ayuuna kamid
noqday dowladihii gumaysatada ahaa.
Talyaanigu wuxuu kamid ahaa dowladihii lagu casumay fadhigii
Berliin, laakiinse aanan la awood ahayn dowladihii gumaysiga
kaga horeyay. Inkasta oo siyaasaddiisa dibaddu ay difaacaysay
heshiisyadii dowladaha Yurub ay ku gaareen shirka, misana majirin
dhul cayilan oo dowladihii xoogga lahaa ay u ballan qaadeen
Talyaaniga in ay Afrika ka siiyaan. Wasiirkoodii dibadda Pasquale Stanislao wuxuu madashii kala tegay
iyada oo loo aqoonsaday xeebaha Soomaaliyeed ee ku sii jeeda
bad-waynta Hindiya iyo xeebaha Eriteeriya. Waxaa u weheliyay
ballan-qaad ku eg in la xushmeeyo danaha uu ku leyahay badda
Dhexe Mediteranean Sea. (C. Zaghi, La conquista dellaŽ Africa. Vol. 1 p. 192).
Waxaa jiray nin ganacsato ah oo u dhashay dalka Talyaaniga
magaciisana laŽoran jiray Vincezo Filonardo,
oo degganaa Sensibaar. V. Filonardo wuxuu si buuxda ula socday dhaqdhaqaaqa
ay Jarmalka iyo Ingiriisku ka wadeen bariga Afrika. V.
Filonardo dhowr jeer buu dowladdii Talyaaniga ku
abuuray dareen, isaga oo warbixinno u diray si uusan Talyaanigu
uga qadin sayladaha waawayn ee degaanka ka jira. Talooyinkii
uu Filonardo u soo jeediyay
dowladdiisii, dhowr sano kadib ayay mira-dhal yeesheen. Sanadkii
1884-kii dowladdii Talyaaniga waxay guddoon-satay in ay howlo
sahmin ah ka bilaabaan jasiiradda Sensibaar iyo gobollada koonfureed
ee Soomaaliya (Juba iyo Benaadir). (Raffaele Ciasca : Storia coloniale della Italia Contemporanea.
Raffaele Ciasca. pp. 15 - 28, 183 - 188. 1938).
Xilligaas, saddex xoog oo gumaysi ayaa isugu yimid Sensibaar.
Xoogaggaas oo kala ah Ingiriis, Jarmal iyo Talyaani, ayaa waxay
bilaabeen in ay hooshaan hantidii qoyskii reer Sayid Siciid ee muddada qarniga ah ka talinayay
degaanka. Halkaas oo jasiiraddii Sensibaar ay ku noqotay meeshii
ugu horaysay ee u dhaawacanta boobkii gumaysiga ee bariga Afrika.
Jarmalka oo ku socda heshiisyadii Barlin lagu gaaray oo u saamaxayay
in dhulka xeebaha ah ee ku yaal bariga Afrika uu si xor ah ganacsigiisa
u maro iyo Talyaaniga oo dhowaan yimid isaga oo damac wado ayaa
waxay bilaabeen in ay suldaan Barqash u hanjabaan, kaddib markii uu khilaaf
dhex-maray iyaga iyo suldaanka.
Qorshihii Jarmalka ee gumaysi-doonka ahaa kuma hakan dhambaalkii
suldaanku diray. Balse wuxuu xoojiyay barnaamijkii uu ku doonayay
in uu bariga Afrika ku gumaysto. Bishii febrawer 1885-kii, dal-mareen
Jarmal ah oo la yiraahdo Wells
ayaa wuxuu heshiis la dhigtay suldaan Axmad
Samaal oo Soomaali ah, degaankiisuna yahay Wiito. Bishii
agosto isla sanadkaas, dal-mareen kale oo la yiraahdo Johlik ayaa isaguna 10 heshiisyo ah la dhigtay
duqayda qabaaŽilka sawaaxiliga ah ee ku nool agagaarka buurta
Kilimanjaro.
Kaddib markii uu Jarmalku cagaha la helay degaankii gudaha
ahaa ee Afrikada-bari, waxaa ku dhalatay in uu boobo meelo kamid
ah dekadaha badan ee uu suldaanka Sensibaar bilaashka ku haysto.
Sababtuna waxay ahayd in, maamulkiisa gumaysi ee uu ka dhisay
gudaha qaaradda, uu u helo irrido ay dunida kala xiriiraan.
Jarmalkii ayaa ciidamo ku bixiyay jasiiraddii isaga oo mar-marsiinyo
ka dhiganaya in uu edeb u yeelo Barqash
si uusan mar danbe ugu dhiiran in uu boqorkooda waraaq canaan
ah u soo diro.
Waxaa ciidamada hoggaaminayay nin la yiraahdo Comodor Bashin. Waxay dalkooda ka soo amba-baxeen
11/ 8- 1885-kii. Markii ay soo gaareen Sensibaar, waxay suldaanka
u dhiibeen qoraal digniin ah oo ay ku xusan tahay in suldaanku
uu ka laabto qoraalkii gilgilashada ahaa ee uu u qoray boqorka
Jarmalka iyo in uu oggolaado in si madax-bannaani leh uu ganacsiga
uga gudbo dekadaha ku yaal degmooyinka uu suldaanku maamulo.
Ciidamada Jarmalka markii ay soo baxayeen waxay horay u
soo wateen gabar la yiraahdo Salma bintu
Siciid oo la dhalatay Barqash.
Gabadhaas oo horay ula baxsatay sarkaal Jarmal ah ayaa waxay
dalbaysay in ay qayb ka hesho dhaxalkii aabaheed Sayid Siciid. Suldaankii waxaa u muuqatay khatarta
ku soo korodhay maamulkiisii. Ingiriiskii uu isku halaynayayna
waa uu ka gaabsaday in uu gacan siiyo. Wuxuu markiiba isku dhiibay
saraakiishii Jarmalka ee duulaanka ahaa. Laakiin wuxuu diiday
in uu dekadaha u saamaxo maamulka Jarmalka ama wax ka siiyo
amaba ka ijaaro, hadba sidii ay doonayaan iyagu. (Barkhat : 1974. p. 421).
Ingiriiska qudhiisu, dhankiisa ayuu suldaanku ka khasbayay
oo culays saaray si uu u oggolaado dalabka Jarmalka. Sidaas
daraadeed ayaa suldaankii ula saxiixday Jarmalkii heshiis ay
qodobadiisu ka mid ahaayeen :
1. Aqoonsi, maxmiyadaha Jarmalku uu ku yeeshay degaanka
gudaha ah.
2. In ganacsigu uu si madax-bannaan u maro dekadaha suldaanku
maamulo iyo in mid kamid ah dekadahaas la siiyo Jarmalka, iyadoo
la ilaalinayo xushmadda maamulka sare ee suldaanka.
3. In cashuur-qaadku uu caadigiisa u socdo, iyada oo
xadka ugu sareya ee la qaado ay noqonayso 5 %.
Kaddib markii uu suldaankii is-dhiibay ayaa dowladaha Ingiriiska,
Jarmalka iyo Faransiiska waxay magacaabeen guddi u habeya sidii
ay u qaybsan lahayeen dhulkan beylahda ah oo ay muddada ilaashanayeen.
Xubnaha Jarmalka uga qayb-galay guddigaas waxaa hoggaaminayay
Smith oo ahaa qunsulkii u
fadhiyay Qaahira. Ingiriiskana Ketchinr
oo ahaa hoggaamiyaha ciidamadii Suudaan ka fadhiyay, Faransiiskana
Patromino oo ahaa qunsulkii
u fadhiyay Beyruut. Guddigu wuxuu howshiisii ka bilaabay Sensibaar
bishii disember 1885-kii. Faransiiska wuxuu damac ka lahaa in
uu maamulkiisa ku fidiyo Madagaskar iyo jasiiradaha Comoro oo uu horay u haystay. Suldaan Barqash bin Siciid waxaa loo aqoonsaday maamulka
jasiiradda Sensibaar iyo dhulka xeebta ah ee ku beegan jasiiradda.
Xuduudda waqooyi ee maamulka suldaanku waxay ku egtahay webiga
Taa! ! na. Waqooyiga webiga oo ah dhul ay Soomaalidu wax ka
degaan, waxaa loo aqoonsaday Jarmalka. (Ibid
: p. 422).
9/ 6- 1886-kii, Jarmalkii iyo Ingiriiskii ayaa heshiis hor
leh dhigtay, kaas oo ay ku ciriiryayaan maamulkii suldaanka.
Labada dowladood, waxay isla oggolaadeen, degmooyinka hoos yimaada
maamulka suldaanku, wixii ka hooseya webiga Taana, in uu ku
leeyahay 10 km oo wareeg ah
oo keliya. Wixiise ka koreya webiga, uu ku leyahay 5 km oo wareeg ah oo keliya. Wixii dhul ah
oo intaa ka baxsan, waxay u bannaan tahay dowlad kasta oo Yurub
ah in ay gumaysato.
Bishii sebtember, 1886-kii, guddoomiyihii degmada Laamo
ayaa wuxuu xabisay nin u shaqaynayay nin Jarmal ahaa. Jarmalkii
ayaa arintaas ka faaŽiidaystay oo ciidan ku hareereyay xeebihii
jasiiradda, si ay mar kale u edbiyaan suldaanka. Arintaas waxaa
ka dhashay in hantidii suldaanka iyo maamulkiisiiba ay qayb-sadaan
Jarmal iyo Ingiriis. 26/ 10- 1886-kii, labada dowlad waxay isla
gaareen heshiiskan :
1. Labada dowladood waxay aqoonsadeen, suldaanka Sensibaar
iyo jasiiradaha u dhow, in uu ka taliyo dhulka xeebta ah ee
u dhexeya webiga Mangabi (koonfur) iyo degmada Laamo (waqoyi)
masaafo gudaha ah ee dhan 10 mail.
Degmooyinka Kismayo, Baraawe, Marka iyo Xamar wareeg dhan 10
mail. Degmada War-shiikh, wareeg dhan 5 mail.
2. Ingiriisku wuxuu oggolaaday in dekadda Dar es Salaam
laga ijaaro shirkadda German East Africa
Company oo ay iyadu cashuuraha ururiso.
3. In labo loo qaybiyo dhulka xeebta ah ee u dhexeya
webiga Taana iyo webiga Rofma, kaas oo uu kala baro webiga Awmbaah.
Qaybta koonfurta ah oo ay kamid yihiin degaamada Kilimanjaro,
Shaaja iyo Tabiina, waxay hoos imanaysaa maamulka Jarmalka.
Qaybta waqooyi ee ku eg harada Victoria,
waxaa nasiib u yeeshay Ingiriiska. Labada dowladood waxay ku
ballameen in eyan midoodna midda kale ku soo dhul-fidsan.
4. Ingiriisku, saldanadda Wiito iyo xeebaha ku beegan
dhulkooda ayuu u aqoonsaday in ay kamid yihiin maamulka Jarmalka.
5. In suldaanka lagu daro dowladaha saxiixay heshiiskii
Berliin.
Heshiiskan oo ahaa kii lagu qaybsaday maamulkii Barqash ayaa taariikhdu markay ahayd 22/ 12-
1886-kii, labada dowlad waxay ku khasbeen in Barqash qudhiisu in uu kamid noqdo ragga saxiixay.
Kahor inteyan heshiin Jarmalka, ayaa suldaanka iyo Talyaaniga
waxaa dhex-maray sheeko midaan u muuqaal eg. Sheekadaasi waxay
bilaabatay mar uu dhamme Cechi
codsaday in uu la kulmo suldaanka. Waxaa xusid mudan in suldaanku
uu xilligaas weli sheegto in uu ka taliyo qaybo kamid ah degaamada
ay ku socdeen arahda Talyaanigu. Cechi suldaankii wuxuu u gudbiyay codsi ah
in ay heshiis ganacsi yeeshaan, iyo in ay dowladda Talyaaniga
qunsul ka furato Sensibaar. Talyaanigii iyaga oo aanan weli
jawaab ka helin dalabkii Cechi,
ayaa waxay misana codsadeen in dekadda Kismayo looga kaco si
ay ula wareegaan, haddii kalese la siiyo dekad kasta oo kale
oo ku taal agagaarka webiga Juba. Ujeeddada uu Talyaanigu marakan
lahaa waxay ahayd in uu isku xiro dekadda Casab oo uu markaa
haystay iyo dekadda Kismayo. Suldaankii Sensibaar aad buu uga
carooday codsiga Cechi! ! , wuxuuna ku sigtay in uu is hortaago
dhammaan codsigii Talyaaniga oo idil. Si uusan wada-hadalku
u fashilmin, waxaa soo dhex-galay qunsulkii Ingiriiska u fadhiyay
Sensibaar oo laŽoaran jiray Sir. Kirk.
Qunslku wuxuu ahaa nin takhtar ah, baadari ah, dal-mareen ah,
in muddo ahna wuxuu deganaa Sesibaar. Sir. Kirk wuxuu ku dadaalay in uu is af-garad
ka dhex abuuro suldaanka iyo Cechi. Ugu-dambayntiina wuxuu ku guulaystay
in uu heshiis ka dhex abuuro suldaankii iyo kabtankii, kuwaas
oo qodobadii ay ku heshiiyeen ay sidatan ahayd :
1. In Talyaaniga la siiyo xoriyad uu dhulka Soomaaliya
kaga ganacsado iyo ruqsad uu ku ijaaran karo dhulka, guryaha
iyo dukaamada ganacsiga.
2. In dadka Soomaalida ahi eyan xaq u lahayn in ay galaan
guryaha dadka Talyaaniga ah.
3. In laŽammaan siiyo dadka u shaqeynaya Talyaaniga.
4. In irridaha loo furo socdaalka ay dadka Talyaaniga
ahi ku imanayaan kagana dhoofayaan Soomaaliya.
5. Haddii ay is-qabtaan dad Talyaani ah iyo kuwo reer
Yurub ah in arrintooda loo gudbiyo maxkamad.
6. Haddii ay wax dhex-maraan nin Talyaani ah iyo nin
Soomaali ah, qunsulka Talyaaniga wuxuu xaq u leeyahay in uu
dhexgalo haddii uu ninka ashtakoonaya uu Soomaali yahay ,haddiise
ninka ashtakoonaya uu Talyaani yahay dacwadda waxaa goobjoog
ka ahaanaya Suldaanka ama ruux ka wakiil ah.
Taariikhda uu heshiiskaasi dhacay
waxey ahayd 28/ 5- 1885-kii.
Heshiiskii dabadeed, dowladdii Talyaaniga qunsul ayay ka
furteen jasiiraddii, waxayna u soo magacaabeen ninkii ganacsadaha
ahaa Vincezo Filonardo.
.Casharadii hore
Saadiq
Enow
Contact: webmaster@mudugonline.com
Copyright © Mudug Online 2001
|