Casharkii XIX-aad
Muddo qarniyo ah, nolosha dadka Soomaalida ahi waxay ahayd
mid aanan wax wayn ku kala duwanyn, sababtuna waxay ahayd
dadka oo dhamaantood reer miyi ahaa. Noloshaas oo muddo qarniyo
ah uusan doorsimaad cayilan haleelin, ayaa qarnigii 19-aad
waxaa si wayn u soo if-baxayay raadadkii xiriirka ganacsigii
caalamiga ahaa uu ku yeelanayay qaar kamid ah beelihii reer
miyiga ahaa. Meelaha keliya oo ay ka muuqatay is-beddelka
noloshii soo jireenka ahayd waxay ahaayeen degmooyinkii xiriirka
la yeeshay ganacsigii caalamiga ahaa. Magaalooyinka waa ay
ku yaraayeen dalka, waxayna ku ekaayeen dhulka xeebaha ah.
Xoolaha ay dadkeenu dhaqan jireen (geela, loŽda, ariga, idaha
iyo fardaha) ayaa waxay saldhig u ahaayeen isu ekaanshaha
nolosha dhaqan-dhaqaale ee reer miyiga. Geedi-hayaanka xilliyada
oomanaha ah, ay qoysaska reer miyiga ahi ku baadi-goobayaan
ilaha laga cabo ayaa wuxuu ahaa hannaanka kallifayay, dhaqanka
ay wadaageen ka sokow, in Soomaalidu ay sheeko-wadaag noqdaan,
iskana war-qaba! ! an.
Xilliyadaas, Soomaaliya waxaa lagu tirin jiray degaanka ugu
khatarsan dunida. Sababtu maahayn oo keliya dhaca iyo bah-dilka
loo gaysanayay arahyada shisheeye ee dalka gudihiisa dhex
mushaaxayay, balse waxaa jiray colaado baahay oo qarnigaas
saameyn ku yeeshay noloshii Soomaalida idaylkood. Nin la yiraahdo
Maxamad Bulxan ayaa gabay ka tiriyay, uu kaga
sheekeynayo colaadaha xilligaas ka jiray dacallada Soomaaliya.
Gabayga Bulxan oo ku beegan dabayaaqadii
sanadihii 1870-aadkii, ayaa munaasabaddiisu waxay ahayd colaad
joogsan wayday oo ka dhex aloosantay labo jifiyood oo u dhashay
beesha Habar-Awal, kuwaas oo ay adkaatay in la heshiisiiyo.
Abwaanku wuxuu tilmaamayaa in xilligaas eeyan jirin, gobollada
dalka, meel nabad ah. Sidaa darteed eeyan layaab ahayn dabka
la damin laŽyahay ee ka dhex shidan labada reerood oo wayda
dhashay. Gabaygan oo la magac baxay Dal-dhameeye,
tixihiisii waxaa kamid ahaa s! ! idatan :
Barbaar jeedal sidataa ka nool labadii beeloode
Burcadii Ruguuda iyo Xiis waa banaantahaye
Batar kama tumaan Muusayaal barandihii Maydhe
Laas Qoray baqoolkii ma galo bedenki reer Suude
Boosaaso iyo Eylna waa laga baroortaaye
Burunjhii ka madhay Nuur Cismaan jarayay baanaha'e
Majeerteen is bahardaadintii kala banaan qaadye
Butiyaalo nimankii fadhiyay way ka baxayeene
Baxsoo Keenadiid wuxu u kacay beled shisheeyaade
Hobyo ugama baaqeen kuwii baho u waynaaye
Biyomaal Baraawiyo fadhiya webiga baaciisa
Ayana buude dabadeed ma cunin bur iyo iidaane
Bidoodkii kismaayoodna way is wada bog dooxeene
Boon iyo Xirsina haatan dhige bilic wanaagiiye Bulshadii
Garaad Faarax iyo Barina naafowye
Barkad iyo guryihii Bah Ararsame belel ka qiiqowye
Boos Cali iyo reer Gorodna way kala birdhiiteene
Rawax maalintii lagu bulmay beden coloobeene
Buuhoodle laga waa waxay beri ku haysteene
Reer Sugulle goodiga bankuu baalcaddii dhigaye
Ayana baarax uma soo shiraan beri samaadkiiye
Waa beeyo Habar Yoonistii bu'aha waalayde
Waa taa laftoodii balaqan booran loo qodine
Arab wuxuu la balawaasayaa boogtadii shalaye
Waa tii Bah Deylana la dhigay bacadkii sheedyaaye
Makaahiilku boogaa ku yaal waa bukaa weliye
Xagoodii biyood reer Biniin kuma bariistaane
Boqor iyo ka hoosow ma jiro nimaan budhaysnayne
Dadka nimaan baduugaa mar noqon buuga laga waaye
Ninka baxaya buuraha jinkaa loo bidh-bidhiyaaye
Booraamo meleg buu ilays uga bidhaamaaye
Balaayada aduun weli ma iman bohoradeediiye
Buuray ku joogtaa intay reero baabiŽine
Hadba qolada bocor haysataa loo bayimiyaaye
Badhaadhiyo sabool baysu jira laba bidhaamoode
Banka xoolo lagu foofiyaan biid ka soo hoyane
Waxa lagu bilkaydshaa raggii bohosha kaa yiile
Ayagoo barkaadaa la dilay Biliyo DaaŽuude
Boqorada la wada laayay iyo bilista ooyaysa
Dadka wada bakhtiyay Adaribaan badhi ka noolayne
Baashaha la soo sheegayee baladdadii
qaatay
Baaruddan layskaga cayimay beerka iyo laabta
Beri Carabna wax laga sheegayaa baashayaal xidhane
Sida gabaygan ku xusan, dhacdooyinka xilligaas taariikhda
galay ee xiisaha leh oo ay waayeelka Soomaaliyeed ka sheekeeyaan
waxaa kamid ah khilaafkii siyaasadeed ee soo dhex-galay maamulkii
boqortooyadii Majeerteen iyo baxsadkii uu Yuusuf
Cali ku fariistay Hobyo, dabadeedna u suurogelisay
in uu asaaso dhismo maamul dowladeed. Haddaanu isku deyno
in aanu wax ka xusno taariikhda khilaafkan, waxaa lagama maarmaan
ah in aanu dib u milicsano maamulkii boqor Maxamuud
Xawaadane. Boqorkan ayaa maamulkiisii, sidaanu soo
xusnay, wuxuu ka ballaarnaa kana dhaqaale badnaa kuwii awoowayaashiis,
sababtuna waa labo arimood :
1. Siyaasaddii dibadda oo dhex-mushaaxday ganacsigii caalamiga
ahaa.
2. Siyaasaddiisii gudaha, oo cadaaladda iyo xaq-soorka bulshada
dhexdeeda ah ay dhidibo u noqdeen.
Boqorkan ayuu ahaa ninkii ka dambeeyay xeerka ay boqorrada
Majeerteen kula qaybsanayeen diyada dilka kamaŽa ah ee uu
geysto ninkasta oo beelaha Daarood u dhashay. Xeerku wuxuu
ahaa qodob uu isku laasimiyay boqorkan, kaas oo xusaya in
boqorku uu bixiyo 34 halaad oo kamid ah 100-ka halaad oo diyada
ah ee laga rabo qofka wax dilay. 33-na waxaa bixinayay qoyska
boqorka, 33-ka haray waxay u daayeen in ay bixiyaan reerka
dilka gaystay. Waxaa xusid mudan, boqor kasta oo ka dambeeyay
Maxamuud Xawaadane, in uu ku dadaalay
ilaalinta dhaqan gelinta xeerkan. Waxaa xusan sheekooyin iyo
suugaan ka sheekaynaya rag ka yimid cirifyada ugu fog Soomaaliya
oo xoolahaas wax ka qaatay.
Boqor Maxamuud wuxuu ahaa ninka
qaybiyay dhulka xijida laga gurto oo siiyay beelaha tirada
yar. Wuxuu dalka Hindiya ka soo dhoofin jiray alwaaxda doonyaha
laga sameeyo, kuwaas oo uu u qaybin jiray saboolka dan-yarta
ah si ay uga sameystaan doonyo ay ku shaqaystaan, kana qayb
qaataan hor u marinta degaanka. Waxaa jira sheekooyin badan
oo ku baahsan degaanka, kuwaas oo ka waramaya cadaaladdii
maamulkii boqor Maxamuud Xawaadane. Waxaa kamid ah sheekadan
:
" Waxaa jiray nin waayeel ah oo aan caruur lahayn, kaas
oo ari badan ku haystay baadiyaha degaankii uu boqorku ka
talinayay. Maalin baa nin tuug ah, odaygii ka dhacay laba
neef. Markaasuu yiri : War xanuun baan ku ogaaye, ma Maxamuud
Xawaadane ayaa xabaal galay ". Isaga oo ula jeeda,
boqorka oo nool inaan xoolihiisa la dhaceen. Sida la wariyayna,
boqorku ma noolayn xilligaas oo waa dhintay. (Wareysi : Xaaji Siciid Aw-Muuse).
Boqorkan ayaa wuxuu awoowe u ahaa labada nin ee khilaafku
dhex maray ee ah suldaan Yuusuf Cali
iyo boqor Cismaan Maxamuud. Boqor
Maxamuud Xawaadane wuxuu lahaa caruur 15 wiil
ah oo saddex bahood kala ahaa (Bah-Yaaquub,
Bah-Leelkase iyo Bah-Dir).
Bahdii wayneed oo boqorka kula noolaa magaalada Xaabo ayaa
waxaa u suurogashay in ay goor hore wax ka maareeyaan maamulkii
boqortooyada. Labada bah oo kale waxaa degaankoodu ahaa baadiyaha.
Xanuunkii geerida markuu taabtay odeygii, ayuu wuxuu u batay
baadiyihii iyo xaggii bahdii yarayd. Mar ay wiilashii bahdii
wayneed soo booqdeen odayga, ayaa goor ay habeen tahay soo
xadeen odaygii oo xanuunsan. Ujeeddadoodu waxay ahayd in odayga
agtooda ku dhinto si ay dhaxlkiisa u yeeshaan. Waxaa xusid
mudan in labada bah oo wayni ay ku heshiiyeen in markuu odayga
geeryoodo ay boqradaan Yuusuf ! ! Maxamuud (Keenadiid awoowihiis) oo ahaa curadkii odayga.
(Cabdullaahi Xaaji Dayib).
Beelihii Majeerteen iyo kuwii Harti ee talo-wadaagta ku ahaa
maamulka boqortooyada, iyaga oo tix-raacaya dhaqan soo jireen
ah ayay u hiiliyeen bahdii yarayd (Bah-Dir).
Inkasta oo odaygii xanuunsanaa lagu ceshay baadiyihii iyo
bah-yarta agteedii, misana markii uu geeryooday waxaa lagu
aasay degmada Xaabo. (Xaaji Siciid
Aw-Muuse).
Hinaaskii damaca ku dhisnaa ee dhex-maray wiilashii walaalaha
ahaa ayaa wuxuu u soo gudbay facihii danbe. Waana halkaas
meesha ay salka ku hayso khilaafka dhex-maray suldaan Yuusuf Cali Yuusuf Maxamuud iyo boqor Cismaan Maxamuud Yuusuf Cismaan Maxamuud.
Boqor Cismaan Maxamuud, wuxuu
ku dhashay Baargaal oo ka tirsan degmada Caluula sanadku markuu
ahaa 1849-kii. Waxaa lagu boqray meesha la yiraahdo Noobir
ee u dhexaysa Iskushuban iyo Beyla sanadkii 1860-kii. Sida
ay caadadu ahayd, waxaa ku caana-qubay nin u dhashay beesha
Cali Saleebaan. Boqorku wuxuu ahaa nindka uguna cimri dheeraa
uguna berya-samaad wacnaa maamulladii soo maray Majeertiinya.
Isaga oo daŽdiisu eeyan 20 gaarin ayuu boqor noqday, 80 jirna
waa uu ku geeryooday. Taas ayaa keentay in uu la kulmo umuuro
xiiso u yeelay taariikhda maamulkiisa. Waxaa kamid ah :
1. Khal-khalkii siyaasadeed ee ku yimid maamulka kaddib markii
ay bilaabatay mucaaradadii Yuusuf Cali.
2. Is-dareensiga dhex-yiil maamulkiisii iyo kuu Yuusuf Cali ka dhisay Hobyo.
3. Colaadihii gudaha oo ay ugu wayneed kuwii uu la galay
Daraawiishta.
4. Colaadihii dibadda, gaar ahaan gumaysigii Talyaaniga oo
iridaha u xiray taariikhihii taxnaa ee maamulkaas.
Waxaa kale oo jiray abaaro laga sheekeeyo oo degaanka u gaystay
dhaawac adag xilligii boqor Cismaan.
Abaarahaas oo kamid ah bugtada toban sanaalayda ah ee ku timaada
cimilada geeska Afrika, ayaa is-dhin xoog leh u keentay dadkii
iyo duuyadii degaanka.
Waxaa iyana in la xuso mudan in degaanka boqortooyadu uu
xilligaas ahaa isha ugu wayn oo maamulkii Ingiriiska ee Cadan
fadhiyay uu ka heli jiray raashinka, gaar ahaan hilibka. Taasina
waxay qayb xoog leh ka qaadatay kobcidda dhaqaalihii degaanka.
Maamulku wuxuu sii xoojiyay xiriiradii diblomaasiyadeed ee
uu la lahaa xarumihii ganacsiga caalamiga. Waxaa jiray boqoro
ka dhisnaa dalalka ay la lahaayeen xiriirka ganacsi, kuwaas
oo boqortooyadu ay xiriir diblomaasiyadeed la lahayd. Waxaa
halkaas socdaallo ku tegi jireen danjirayaal wareega oo boqortooyadu
lahayd. Danjirayaasha boqortooyadu waxay yiqiineen afafka
Hinduuga, Carabiga, Ingiriiska iyo Talyaaniga. Waxaa u caansan
ninka la yiraahdo Shirwac Cismaan, oo isagu kamid ahaa danjirayaashii
Nuur Cismaan. Sheeko kaftan ah
oo faaftay ayaa waxay tilmaamaysaa mar uu Nuur Cismaan (oo boqor ku meel-gaar ahaa, walaalkiisna
ahaa) u raacay magaalada Cadan ! ! ee dalka Yaman. Nuur
nin aad u madow ayuu ahaa. Markay la kulmeen suldaankii
ay u socdeen oo uu is baray labadii boqor, ayuu boqorkii Yaman
hadal kaftan ah yiri oo macnaheedu ahaa :
" Haddii iftiinkiinu caynkan yahay, mugdigiinu sidee noqon
".
Xaaji Cismaan Xaaji Yuusuf oo
ahaa la taliyaha boqor Cismaan, ayaa ka sheekeeyay mar uu wafdi ahaan
ku tegay degmada Mukulli isaga oo dhambaal ka siday boqor
Cismaan. Mukulli waxay xilligaas xarun u ahayd
suldaankii Xadramuut oo magiciisa la oran jiray suldaan Gaceyti, kaas oo xiriir wanaagsan ay la lahaayeen.
Wafdigan oo ujeeddada socdaalkoodu ahaa in ay suldaanka kala
soo xaajoodaan in uu qiimo jaban kaga iibiyo hub ay doonayeen
in ay ka iibsadaan. Xaaji Cismaan
wuxuu yiri :
" Waxaa la ii diray Mukulli si aan hub u soo iibiyo. 600
oo wan ayaa doon la ii saaray. Saddex lool oo dahab oo uu
garaamkoodu ku qoran yahayna boqorka ayaa ii dhiibay. Lacag
melyan gaaraya oo isugu jirta Qirish iyo Rubiyad ayaa kiishado
la iigu guray.Waxaa kale oo la ii dhiibay waraaq uu igu yiri
gaarsii suldaan Gaceyti. Doonidii baan ku dhacay. Markay Mukulli
gaartay baan askartii ku iri : Arigan suldaanka ayaa lehe
ha layga dejiyo.
Markii suldaankii la war-geliyay, wuxuu ku soo jawaabay in
arigana layga qabto, aniga iyo ragga ila socdana nala marti-geliyo.
Doonidana ay halkeeda inoo joogto. Daar dabaq ah oo ay martida
geeyaan ayaa layna dejiyay. Suldaanku, wuxuu raggiisii faray
in layna wanaajiyo, raashinkana noocii aanu doono leynoo keeno.
Daartii saddex maalmood baa inoogu dhamaatay. Kaddib ayuu
suldaankii inoo yeeray. Waxaan horay u soo qaatay loolkii
dahabka ahaa iyo waraaqdii aan suldaanka u waday. Waxaan u
imid isaga oo fadhigii iyo kuraatsiiba hagaajiyay. Wuxuu ku
lebistay qamiis culus oo oogada dahab ku leh. Taaj dahab ah
buu madaxa saaray. Isaga iyo nin wasiir u ahaa ayaa meel halkoo
ah ka soo jeeda. Waxaa ley baneeyay kursi suldaanka dhiniciisa
ah. Markaan soo galnay ayaa nin dhawaaqay oo dadkii ku yiri
: Istaaga.
Suldaankii baan hor istaagey oo aan gacan-qaaday. Dabadeed
wasiiradiisii iyo askartii ayaa i salaamay. Kaddib, fariiso
ayuu i yiri. Dahabkii ayaan meel agtiisa ah dhigay. Markaasaan
fariistay. Waraaqdii ayaan suldaankii u gudbiyay. Dabadeed
nin wasiiradii kamid ah ayuu inta u dhiibay ku yiri : Akhri
oo ku dheereyso hadalka.
Suldaanku madaxa ayuu ridayay intii waraaqda la akhrinayay
oo wuxuu la yaabanaa ereyada carabiga ah oo ku qoran waraaqda.
Markii la dhameeyay buu yiri : Ii dhiib waraaqda.
Waa loo dhiibey. Markaasuu jeedaashey waraaqdii. Misana
Xaaji Cismaan buu jeedaashey ".
Xaajigu wuxuu ahaa nin dherer badan oo midab furan, quruxna
loo dhameeyay.
" Suldaankii baa marna Xaajiga eega, marna dahabka hortiisa
yaal, marna waraaqda gacantiisa ku jirta. Kaddib Xaajigii
ayuu suŽaalay oo ku yiri : Ma nin Carab ah baa soo qoray waraaqda
?
Xaaji Cismaan : Maya, waxaa qoray nin Soomaali ah oo gacan-yare
u ah boqorka.
Suldaankii : Ma nin Soomaali ah baa sidatan wax u qoray oo
farta caynkan ah dhigay !.
Markuu suldaankii furay hadalkii, ayuu Xaajigii yiri : Waxaanu
kaa dooneynaa inaad inoo jebiso qiimaha aad hubka inooga iibiso,
waayo hub badan ayaanu qaadaneynaa.
Suldaankii : Waayahay, intaa waan yeelayaa. Halakan hubku
mayaal. Wuxuu yaalaa Shixir.
Dabadeed wuxuu sheegay qiimo wax badan ka jaban kii hore,
wuxuuna yiri : Waraaq baan iyana u dirayaa, idinna idiin qorayaa
oo waan ku siinayaa. Haddaba dhaqaalaha aad wadato wixii ay
kuu gooyaan oo hub ah iibso.
Suldaankii : Goormaad tegeysaa ?
Xaaji Cismaan : Beri subax.
Suldaankii : Waxaan doonta kuu saarayaa 30 sanduuq oo saanad
ah iyo 300 oo qori oo aad hadiyad ugu geyso boqor Cismaan.
Subaxdii baan doonidii soo aaday, mase rasaastii iyo qoryihii
waxay diyaar ku yihiin xeebta. Doontii baa ley saarey, dabadeed
Shixir ayaanu tagney. Waa nalagu soo dhoweeyay. Waxaa leynoo
sheegay in waraaq ka timid suldaankii, sidaa darteed in leynoo
jebinayo sicirka ". (Xaajiga waxaa
ka weriyay Maxamuud Aw-Yuusuf).
Waxaa xusid mudan, waraaqda uu suldaanku la yaabay ereyada
iyo qoraalka ku yiil, ninka qoray wuxuu ahaa Xaaji
Jaamac Bilaal, oo boqorka xoghayn u ahaa. Jaamac Bilaal wuxuu wax ku soo bartay dhulka
Carabta. Wuxuu ku noolaa Cadan oo uu Ingiriiska iyo Carabigaba
ka bartay. Wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyay ee Soomaaliya ka
asaasa dugsi hoose oo ay caruurta Soomaaliyeed wax ka bartaan.
Caruurtii ugu horeysay ee dugsigiisa ka qalin-jebisay waxaa
kamid ah jeneraal Cabdullaahi Hoolif.
Dugsigaas oo loogu magac-daray Jaamac Bilaal, waxaa la oran
jiray Macallin Jaamac, wuxuuna ku yiil bartamaha Xamar.
Yuusuf Cali, oo marna adeer u
ahaa boqorka marna sodog, ayaa muranka dhex-maray isaga iyo
boqor Cismaan waxaa sababay, is qaadan-waa ka dhexeeyay
ag-joogayaashii boqorka iyo Yuusuf oo damcay in uu ka maroorsado maamulka.
Arimaha la tilmaamo waxaa kamid ah, ag-joogayaasha oo ka hinaasay
dadnimada loo hibeeyay Yuusuf.
Waxaa kale oo jiray Yuusuf oo khasnaji
u ahaa boqorka, ayaa dhaqaale badan oo damac geliyay ka ka
helay howshii uu hayay. Cadaadis badan oo kaga yimid dhankii
xaashida boqorka, dabadeed Yuusuf
wuxuu bilaabay in uu asaaso unugii ugu horeeyay ee mucaarad
ku ah maamulkii boqor Cismaan. Wuxuu gacan ka haystay labadii bahood
oo waawaynaa (ilma Maxamuud Xawaadane)
iyo reerka la yiraahdo Yuusuf Cawlyahan (Siwaaqroon) oo reer
abtigiis ah. Yuusuf waa l! ! a
xiray, hantidiisiina waa lala wareegay. Mar inta la uleeyay
uusan wax ficilo jawaab ah ka bixin ayuu kula baxay magaca
Keenadiid. Taasina waxay ka dambeysay markii
uu boqorku yiri : " Iska daaya, kani waa Keene
- diide " oo uu ula jeeday in uusan oggoleen in
uu hoggaansamo.
Yuusuf ayaa muddo kaddib ku guulaystay
in uu uruiyo xoog ciriiri geliyay maamulkii boqortooyada.
Bilowgii sanadihii 1870-aadkii, Yuusuf
wuxuu caddaystay mucaaradnimo maamulka. Boqortooyadii ayaa
waxay ku sigatay in dagaal sokeeye ka aloosmo, kaas oo sigay
in dhiig badan daato haddii uusan soo dhex-galeen nin maal-qabeen
ahaa oo Cadan ka yimid. Ninkaas oo laŽoran jiray Harti
Bile, wuxuu u dhashay beesha Siwaaqroon, wuxuuna abti
u ahaa Yuusuf Cali. Maal-qabeenkaasi
wuxuu ku guulaystay in uu Yuusuf ku qanciyo in uu dibadda u dhoofo, kaddib
markii uu siiyay xoolo uu ku ganacsado.
Muddo toban sanadood ku dhow ayuu Yuusuf ka ganacsanayay dalalka Khaliijka Carabta.
Sanadkii 1878-kii wuxuu ku soo laabtay dalka. Laakiin markan
wuxuu la soo laabtay aragti ka duwan tii hore ee uu qabay.
Sida ku xusan sheekooyinka Soomaalida, Yuusuf
Cali wuxuu ka soo degay meel kamid ah xeebta magaalada
Hobyo. Degmadu waxay lahayd ceel biyo macaan iyo Khoori dabiici
ah, taas ayaa waxay sabab u ahayd in ay marar ku soo leexdaan
doonyaha degaanka maraya. Yuusuf
wuxuu hoggaaminayay tiro doonyo ah oo ay la socdeen dadkii
isaga la xulufada ahaa. Waxaa kale oo weheliyay farsamo yaqaano
Carab ah (Meheri). Doonyaha waxaa
u saarnaa hub, qalab dhismo, raashin iyo alaabo hadiyado ah.
Yuusuf oo dhowr jeer oo hore, degmada yimid ayaa
markan odeyaashii degaanka la dhigtay heshiis uu ku doonayay
in si ku meel-gaar ah uu degaanka ugu noolaado. Ujeeddada
Yuusuf Cali ayaa markii hore ahayd in uu cashuuro ka qaato
doonyaha halkaas imanayay. Yuusuf ayaa mashruuciisa ka qarsaday beelihii
Hawiye (Habar - Gidir) ee degaanka ku noolaa. Waxaa dhacday
in beeluhu ay dareensadeen markii uu isku deyay in uu qalcad
wayn ka dhiso degmadii Hobyo. Muddo gaaban kaddib, waxaa bilowday
kacdoon ay beelihii degaanku kaga hor imanayeen mashruuca
Yuusuf Cali uu damacsanaa in uu halkaas ka hirgeliyo.
Kaddib markii uu hiilo ka helay beelaha Daarood, gaar ahaan
kuwa Majeerteen ee degaanka ka ag-dhowaa, ayuu Yuusuf Cali ku guulaystay in uu muquuniyo kacdoonkii
beelihii Hawiye. Dabadeed wuxuu halkaas ka asaasay saldanaddii
Hobyood ee uu suldaanka ka noqday, dabadiisna uu wiilkiisii
Cali Yuusuf dhaxlay. Saldanaddaas
oo cimrigeedu ahaa 49 sano, waxaa burburiyay Talyaanigii,
sanadkii 1927-kii.
Taariikhyahannada wax ka sheega maamulkan, xoogaaga ay ka
qoreen waxay ku tilmaamaan in Yuusuf Cali
uu ku guulaystay dowladdii ugu salka ballaarnayd ee Soomaaliya
ka soo if-baxda muddadii u dhexeysay burburkii boqortooyadii
Awdal iyo maamulkii gumaystayaasha. Xuduudda maamulkan ayaa
wuxuu ahaa sidatan :
1. Xadka waqooyi - Togga Nugaal.
2. Xadka koonfur - degaanka degmada Ceel-buur.
3. Bariga - xeebta bad-waynta Hindiya.
4. Galbeedka . degmooyinka Goldogob iyo Gallaadi.
Muddo gaaban ayuu wuxuu ku dhisay ciidamo kala-danbayn leh.
Wuxuu yeeshay calan doonyihiisa lagu garto iyo danjirayaal
wareega. Maamulkii Yuusuf Cali
wuxuu lahaa lacag dahab ah oo ka shaqayneesay degmooyinkii
uu ka taliyay. Taasi waxay dhalisay, sida inoo iman doonta,
in uu kamid noqdo xoogaggii laga aqoonsanaa degaanka.
Dhacdada uu Yuusuf Cali ku degay
degmada Hobyo ayaa ahmiyad gaar ah waxay u leedahay taariikhda
Soomaaliya, waana midda xudunta u ah khilaafka gaamuray ee
dhex yaal beelo badan ee Soomaaliyeed. Nasiib darro, weli
lama hayo aqoonyahanno is-xilqaamay oo diraasaad iyo baaritaan
aqoon ku salaysan inta sameeya soo bandhiga taariikh ay Soomaalidu
ka faaŽiidaysto. I. M. Lewis
oo ah nin ku xeel-dheer aqoonta Soomaali-baradka ah, wuxuu
xusay in taariikhda Soomaaliyeed ay dhaawacan tahay inta ay
dhacdadan ka maqantahay qoraalada aqooneed ee taariikhda dalkeena.
Muddo gaaban dabadeed, markii uu taabo-gal noqday maamulkii
Yuusuf Cali, ayaa degmada Hobyo waxay noqotay
mid la mataan ah Baargaal oo markaas ahayd magaalada ugu camiran
degaanka. Labadaas degmo oo magaalo-madax u ahaa labadii maamul,
ayaa xilligaas waxay ahaayeen xarumo siyaasad, ganacsi, aqoon
iyo dhaqan. Kasokow xubnaha labada maamul ee halkaas fadhiyay,
waxaa labada degmo ku sugnaa rag kamid ah culima-diinkii Soomaalida
kuwoodii ugu aqoonta badnaa. Ragga wax ka degay magaalooyinkaas
ee aqoonta diinta laga baran jiray waxaa laga xusi karaa shiikh
Cumar Axmad Al as-hari oo ahaa ninkii ugu horeeyay
oo Soomaali ah ee ka soo baxa Jaamacadda Al as-har, kaas oo muddo fadhiyay degmada Hobyo.
Sidoo kale Baargaal waxaa fadhiyay shiikh la oran jiray shiikh
Qudubi. Shiikhan oo kamid ahaa
ragga wax ku soo bartay magaalada Harar ayaa tacliin joogto
ah siin jiray dadka degaanka! ! , Waxaana loola tegi jiray
wixii masaaŽil diini ah.
Waxaa kale oo degmooyinkaas ku urursanaa abwaano heer qaran
ah oo suugaantii ay curiyeen laga qiimeeyay gobollada Soomaaliyeed
intooda badan. Abwaanadaas ayaa gabeyo is-shaafsan jiray iyda
oo mid waliba uu difaacayo maamulkii uu la joogay. Waxay suugaantooda
la beegsan jireen hadba dhacdada xiisaha leh ee kolkaas taagnayd
iyo gabeyada looga soo tiriyo xarumihii laysaga tebin jiray
suugaanta. Ragga suugaanta ku caanka ah ee xilligaas ku noolaa
labadaas degmo, waxaa laga xusi karaa : Faratol
Yuusuf Sharmaarke, Muuse Yuusuf
Sharmaarke (Muuse Dhiidhi)
iyo aabahood Yuusuf Sharmaarke Cismaan,
Maxamuud Axmad Aw-Xuseen (Il-dab), Cismaan Yuusuf Keenadiid,
Faarax Axmad Aw-xuseen, Cali
Sharmaarke, Cismaan Sharmaarke, Xaaji Gooni, Axmad
Busur, iyo kuwo kale.
Maxamad Cabdulle Xasan ayaa tilmaan wacan ka bixiyay noloshii
ay xilligaas ku sugnaayeen degmooyinka maamulladaas. Isaga
oo ka waramaya hodantooyada ka muuqatay noloshii xarumahaas
iyo intii la hal-maalaysay, ayuu mariyay gabey ay tixihiisii
kamid ahaayeen sidatan :
Waa nimanka deeqii hambaday hibo Ilaaheeye
Waa niman intay hodan yihiin hoo ku sii daraye
Waa niman gob baa lagu hirtaa lagu hagaagaaye
Waa nimaka daaraha hurdiyo harac dallaal weyne
Waa niman xariira huwanoo huga ku laafyoone
Waa nimanka haashaarka gole marada haafeyne
Waa nimanka doonyuhu Hindiga uga hirtaaniine
Waa niman haruur iyo bariis hoyga loo dhigaye
Waa nimanka haanfuuqayee timirtu hoos taalle
Waa niman haleeliyo hor-weyn heel ka buuxsadaye
Waa niman adduun lagu huroo maal hareerimine
Waa niman intay wada habceen heeshiguun dhicinye
Waa niman hub iyo dowladnimo haystay weligoode
Waa niman u heynseen fardaha halabsigoodiiye
Waa niman hal-qooqaha rogaal heegma weligoode
.Casharadii hore