Adeer
! ciidamadii Burtuqiiska duulaankoodii ayay wadeen, iyaga
oo raacayay xeebta bad-waynta Hindiya. Waxay gaareen magaaladii
Xamar oo sidii kuwii ka horeeyay ay u galeen. Copland
oo arintaas xusay ayaa wuxuu qoray sidatan:
"
Dabadeed waxay u gudbeen Xamar, oo sida la´ogyahay ahayd
magaalada ugu camiran, ugu taajirsan uguna ciidan adag marka
la´eego magaalooyinkii ku yiil xeebaha bariga Afrika.
Waxaa xeebta Xamar ka buuxay ciidamo ay badankoodu fardo saarraayeen.
Shaki kuma jiro dhibaatadii Baraawe gaartay mid aanan ka yarayn
in ay Xamarna taabatay ".
Sidaas
baa magaaladii Xamar iyo dadkeedii ay qayb uga heleen halaagii
soo gaaray dayowgii ku noolaa xeebaha bariga badwaynta Hindiya.
Dadkii magaalada ku noolaa waa ay ka qaxeen, hantidoodiina
wax la dhaco iyo wax la gubo ayaa laga yeelay. Adeerow ogow
oo maahayn marka keliya ee magaalada Xamar iyo dadkeeda uu
ku habsado halaaga noocaas ah.
Burtuqiisku
waxay dabkoodii gaarsiiyeen degmooyin ay kamid ahaayeen Xaafuun,
Suqadara iyo Cadan. Magaalooyinkaas oo dhamaantood ahaa kuwo
aad u camiran ayay dab qabad siiyeen, dadkoodiina ay qaxooti
ka dhigeen. Ciidamadaasi waxay raadinayeen waddo cusub oo
loo adeegsado ganacsiga ka dhaxeeya qaaradaha Aasiya iyo Yurub,
taas oo loolan la gasha Waddada Xariirta. Sababaha ciidamada
Burtuqiisku ay degmooyinka xeebaha ah la gubayeen waxay ahayd
in maraakiibta ganacsiga ee ka soo weecanayay hirarka qallafsan
oo ay cimilada baduhu leeyihiin (gaar ahaan cimilada bad-waynta
Hindiya), ay amaan ku maraan biyaha xeebaha dhulka u dhow.
Adeerow ogow oo siyaasaddaas illaa maanta waa jidhaa oo waa
tan dalalka ay Soomaaliya kamid tahay loogu tilmaamay argagixiso
iyada oo ay ujeeddadu tahay in la bannaysto adeegsiga badahooda.
Waxaa in la xuso mudan Waddada Xariirta The
Silk Road oo ahyad mid horay u jirtay ayaa xilligii
qarniyadii dhexe waxaa gacanta ku hayay dadyowgii reer
Venetia ee degganaa waqooyiga dalka Talyaaniga.
Waddadaas oo markeedii hore ku bilaabatay adeegsi siyaasad
iyo mid ciidan ayaa goor dambe waxay isku beddeshay mid ganacsi.
Adeerow waxaad ogaataa in adeegsiga waddadaasi ay bilaabatay
qarnigii 2-aad c.h. xilligaas oo dhulka shiinaha ay ka jirtay
boqortooyo hanaqaad ah oo gaamurtay, dadkeedase kula kici
jidhay gabood fal badan. Boqortooyadaas oo magaceedu ahaa
Xiongnu ayaa waxay caadaysatay
in ay gulufyo colaadeed u dunto umadihii la deriska ahaa oo
ay ka itaalka roonayd. Ujeeddadu waxay ahayd boob iyo bililiqaysi.
Sanadkii 206-aad c.h. ayaa bariga Shiinaha waxaa ka unkamay
maamulkii boqortooyadii la oran jiray
Han. Nin la yiraahdo Wudi oo kamid ahaa boqorradii
reer Han ayaa waxaa wal-wal
ku abuuray fara-gelinta ay maamulkiisa ku hayeen boqortooyada
ka xoogga badan ee Xiongnu.
Wuxuu ergey u dirsaday dadyowgii ku noolaa bartamaha Aasiya
si ay isga-kaashadaan dulmiga reer Xiongnu. Ergeygii la diray
oo magaciisa la oran jiray Zhang
Qian ayaa socod badan ku maray degaamadaas, kaas
oo ujeedadiisu ahayd in uu gaarsiiyo maamulladii halkaas ka
jiray fariintii boqorkiisa. Inkasta oo Zhang
Qian uu ku hungoobay risaaladii uu siday misana
dadaal uma yarayn. Sababta uu hiilka u waayay waxay ahayd
dadyowga uu u tegay oo ku qanacsanaa noloshii ay markaas haysteen.
Adeerow
sidii ay reer Han ka cabsi
qabeen, ciidamadii reer Xiongnu
ayaa ku soo duulay degaamadoodii. Taariikhdu waxay xustay
Zhang Qian in nolol lagu
qabtay. Dabadeedna uu 10 sano xabsi ku jiray. Kadib markii
uu soo baxsaday ayuu Zhang Qian
wuxuu ku soo laabtay degaankii Aasiyada dhexe iyo dhulkii
uu horay u maray. Halkaas ayuu ka bilaabay ganacsi, maadaama
uu degaamada horay u yiqiin. Ninkaasi, shaygii ugu horeeyay
ee uu ka ganacsan jiray waxay ahayd xariirta. Inkasta oo dhulka
uu aad u kala fogaa, misana waxaa degaankaas soo gaari jiray
ciidamadii Beershiyaanka iyo kuwii Roomanka. Dadka Shiinaha
ah waxay ahaayeen kuwo ku horeeyay farsamada xariirta, taas
oo aqoonteeda ay ku yarayd umadihii kale. Sidaa darteed ayaa
ganacsigii xariirta waxaa xiiseeyay dadyowgii reer Beershiya
iyo kuwii Roomanka oo ahaa labo ilbaxnimo ee deris ah, xuduudna
w! ! adaaga. Sidaasna waxaa ku furmay waddo lagaga ganacsado
xariirtii laga keenayay Shiinaha. Markii ay soo if-baxaday
baahida xariirta looga qabo bartamaha iyo galbeedka qaaradda
Aasiya, geddisley badan ayaa bilaabay in ay ka ganacsadaan
xariirtii Shiinaha. Sidaas bayna ku bilaabatay waddadii, sanadaha
badan, halbowlaha u ahayd ganacsiga adduunka intaanay waddooyinka
baduhu furmin. In kasta oo waddadii ay qaadatay magaca xariirta,
misana markii ay hanaqaad noqotay waxaa mari jiray ganacsi
noocyo badan leh.Waxaa in laxuso mudan in geela uu ahaa gaadiidka
qura oo ay ganacsatadu adeegsan jireen. Waddadaas oo ahayd
mid cabsi badan, ganacsiga marayana uu halis u ahaa in la
dhaco ayaa ganacsatadii mari jirtay waxay hadba isu ekaysiin
jireen degaanka ay marayeen dadkii ku noolaa. Degaan walbana
waxaa jiray dad ay ganacsatadu xiriir la lahaayeen, kuwaas
oo laaluush qaadan jiray, sidaasna ay ku hor kici jireen illaa
ay ka gudbiyaan xadka degaanka ay u dhasheen. Adeerow waddadu
waxay ku dhamaan jirtay labo degmo oo ay midi tahay degmada
Xi´an oo ku taal
galbeedka Shiinaha, halkaas oo ay ka curatay ilbaxnimadii
Shiinaha ee hore. Midda kalena waa degmada
New Delhi oo ku taal waqooyiga Hindiya, oo iyana
ah halkii ay ka curatay ilbaxnimadii Hindiya. Waddadu waxay
sii mari jidhay degmooyin ay umado kala duwan lahaayeen, waxayna
ahayd sidatan :
1. Venetia
(Itaaliya), Ankara (Turkiya),
Dimashaq (Suuriya), Baqdaad
(Ciraaq), Tehraan (Iiraan),
Mashahad (Kasaakhistaan),
Al-ma´ta (Kasaakhistaan),
Urumqi (Shiino), Duhhuang
(Shiino), Yumen (Shiino),
Lanzhou (Shiino), Xi´an
(Shiino).
2. Venetia
(Itaaliya), Ankara (Turkiya),
Dimashaq (Suuriya), Baqdaad
(Ciraaq), Tehraan
(Iiraan), Mashahad (Kasaakhistaan),
Kashbagar (Shiino), Aksu
(Shiino), Korla (Shiino),
Dunhuang (Shiino), Jiayuguan
(Shiino), Lanzhou (Shiino),
Xi´an (Shiino).
3. Venetia
(Itaaliya), Ankara (Turkiya),
Dimashaq (Suuriya), Baqdaad
(Ciraaq), Tehraan (Iiraan),
Mashahad, Lahore (Bakistaan),
New Delhi (Hindiya).
Adeerow
waxaad ogaataa, dhaqdhaqaaqii ganacsi ee caalamiga ahaa ee
adeegsanayay waddadaasi in uu ahaa mid marna taariikhda ka
muuqda marna ka maqnaada. Dadka adeegsanayay iyo waxyaabaha
ay is-dhaafsanayeena, taariikhda waa ay ku kala duwanaayeen.
Bilowgii qarniyadii dhexe waxaa waddada adeegsanayay ganacsato
ah reer Venetia. Dadkaasi
waxay lahaayeen nadaam ay isku maamulayeen, kaas oo ka haray
hanaankii siyaasadeed oo ay lahayd boqortooyadii Roomanka,
wakhti uu raadkii boqortooyadaasi, muddo 400 oo sano ah, ka
maqnaa dunida guudkeeda. Waxay ahaayeen maamulka qura ee ka
haray Roman Empire ee xilligaas taagnaa. Dadyowgii reer Yurub
waxay wakhtigaas ku jireen xilliyadii mugdiga The
Dark Ages. Arintaasi ayaa magaalada Venetia
waxay siisay fursad ah in magaaladu ahaato albaab muhiim ah
oo qaaradda Yurub ay dunida kala xiriirto. Dadka reer Venetia
waxay ku dadaaleen in waddada sir u ahaato oo eeyan dadyowga
reer Yurub u sheegin si ay iyagu u ahaadaan kuwa keliya ee
ka faa´iida, taasna dhowr qarni ayay ku macaasheen.
Adeer
! nin la yiraahdo Marko Polo
(1254 - 1324) oo u dhashay Venetian
ayaa wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee sirtaas bixiya. Marko
Polo waddadaas ayuu ku safray isaga oo baadi-goobayay
aabihiis Niccolo Polo
iyo adeerkiis Maffeo Polo oo
intay dhulka Shiinaha u socdaaleen dib u soo laaban waayay.
Marko Polo markii uu
soo noqday, wuxuu ka qayb qaatay dagaal ay reer Venetian
la galeen reer Verbania,
halkaas oo Marko Polo
lagu qabtay, dabadeedna 10 sano oo xabsi ah lagu xukumay.
Nin xabsiga kula jiray oo ay saaxiibeen oo reer Verbania
ahaa ayuu uga sheekeeyay waddadii. Adeerow sidaas bay dadyowgii
kale ee reer Yurub ku ogaadeen adeegsiga Waddadii Xariirta
oo ay reer Venetian muddo
ku gumaysanayeen.
Adeerow
ogow in reerahaasi Venetian-ka
ah, ay ahaayeen kuwii ka dambeeyay noloshii ku dhisnayd khuraafiga
oo ay reer Yurub ku sugnaayeen xilliyadii mugdiga The
Dark Ages. Waxay ahaayeen kuwii ka dambeeyay hanaanka
wadaaddada wax cafiya ee lagu magacaabo Indulgences,
taas oo ah bidco ay diintoodii ku kordhiyeen, ceeb iyo foolxumo
badanna ku kordhisay taariikhda Yurub. Waxay ahaayeen kuwii
ka dambeeyay baahi dunida ka dhacday sanadihii 1441 - 1453,
markaas oo dadka baahidaas u dhintay ay tiradooda gaaraysay
130 melyan oo qof. Waxay ahaayeen kuwii ka dambeeyay dagaaladii
lagu soo qaaday umadaha islaamka ah ee kala ahaa kii saliibiga
ee bilowday dabayaaqadii qarnigii 11-aad iyo kii tataarka
ee bilowday bilowgii qarnigii 13-aad, kuwaas oo adeerow ujeeddadoodu
ahayd in la wiiqo xoogga bulshooyinka muslimiinta ah ee degganaa
dhulka ay waddadu marto. Waxay ahaayeen kuwii ka dambeey!
! ay dil iyo cadaadis loo gaystay rag badan oo aqoonyahanno
ahaa, kuwaas oo markii ay wax ku soo barteen dugsiyadii uu
islaamku ka furay magaalada Qurduba, qaadan waayay khuraafiga
ay wadaaddadu ku faafinayeen bulshada dhexdeeda. Adeerow raggaas
waxaa ugu caansan Giordano Bruno
oo ay kaniisaddu iftootay in la gubo iyo Galileo
Galilei oo isna loo iftooday in uusan dadka la
hadlin.
Adeer
! Venetian-ku waxay qabeen
aragti oranaysay It is better to
be a king in a disaster world, than to be a citizen in a civilized
world. Taas oo macnaheedu yahay inaad madax ka
ahaato duni lagu halaagsamay ayaa waxay ka wanaagsan tahay
inaad muwaadin ka ahaato duni ilbaxnimo iyo hor u mar taal.
Adeerow maxaa isaga eg aragtidii raggaas iyo aragtida dagaal
oogayaasha soomaaliyeed !.
Adeer
! aanu dib ugu laabano´e duulaankii ay Burtuqiisku ku
soo qaadeen degaamadeenii sanadkii 1506-dii waxay ka dambaysay
14 sano oo qura markii nin u dhashay dalka Isbaaniya ee la
yiraahdo Christopher Columbus
uu gaaray qaaradda Ameerika (1492-kii). Ogow oo muhimadda
socdaaladaas mid bay ahayd oo waxaa lagu baadi goobayay waddo
ka duwan kana amaan badan Waddadii Xariirta ee uu ganacsigu
mari jiray.