Casharkii XX-aad
Waxaan ogaysiinayaa akhristayaasha sharafta leh in ay
ka raali ahaadaan, khaladaadka aanan sidaas u buurayn oo ka
dhex-muuqda qoraalada casharradan. Midka aan maanta idin ku
baraarujinayo wuxuu yahay ninka inoo jilaya casharka caawa
oo aan dhowr jeer oo hore magaciisii ku khalday magacii aabihiis.
Ninkan oo ah Menelik ayaa magaciisa runta ah wuxuu ahaa
Sahle Mariam. Magaca aan
siiyay oo ahaa Haile Malakut waa magicii aabihii. Haddaba hadday
idiin suurogal tahay, intii kaydsatay, iska beddela magaca
qoraalladii hore.
Casharkii XX-aad
Tobankii sano ee qarnigii 19-aad ugu dambeeyay, qowmiyaadka
masiixiga ah ee ku noolaa dhulka buuralayda ah ee ku beegan
galbeedka Soomaaliya, ayaa waxay ku soo biireen xoogaggii
gumaystayaasha ahaa ee hooshka inoogu yimid. Damaca gumeysi-doonka
ah ee qowmiyaadkaasi waxaa loo aaneeyaa in uu ka dambeeyay
boqorkii gobolka Shawa Menelik II,
kaas oo mar qura qaatay calan diimeed iyo mid qowmiyadeed
si uu maamulkiisa ugu baahiyo geeska Afrika. Boqokaasi oo
markiisii hore ka talinayay gobolka Shawa oo keliya ayaa xuduuddiisa
eeyan soo dhaafsiisnayn 100 km. bariga Addis-ababa. Menelik
waa kan gaarsiiyay xuduudda dalka Itoobiya, muuqaalka ay maanta
leedahay. Sida aanu arki doonose wuxuu doonayay dhul intaa
ka badan.
Menelik (1844 - 1913)
waxaa iska dhalay boqorkii Shawa Haile
Malakut iyo gabadha la yiraahdo Woizero
Ijigayehu. Guurka odayga iyo habarta ayaa wuxuu
dhacay Menelik oo saddex jir ah, sidaas buu wuxuu
ku ahaa wiil aanan nikaax ku dhalan. Awoowihiis boqor Sahle Selassie wuxuu ahaa ninka asaasay boqortooyada
Shawa, isaga ayaana saadaaliyay in wiilka wiilkiisu dhalo
uu noqon doono Menelik II.
Tan iyo sanadkii 1889-kii, Menelik
wuxuu watay magacii loogu wal-qalay ee ahaa Sahle Mariam. Magaca Menelik ayaa wuxuu ka soo jeedaa wiil khayaali
ah, oo sida ay Xabashidu sheegtaan, nebi Sulaymaan uu ka dhalay gabar madow oo xaasaskiisii
kamid ahayd. Wiilkaas oo magaciisa la oran jiray! ! Menelik
ayaa Xabashidu waxay rumasan yihiin in ay ka soo farcameen.
Sidaas buu Sahle Mariam isugu magacaabay Menelik II, iyada oo laga dhadhansanayo in
uu doonayay in uu noqdo aabihii labaad ee Xabashida. Marakanse
mahayo dhalasho ina nebi ah oo uu waalid ku noqdo, sidaa darteed
buu wuxuu tilmaansaday in uu aragtida qowmiyadeed ku horseedo
hagar-daamada dadyowga la deriska ah, sidaasna uu ku gaaro
maqaamkii uu higsanayay ee waalidninada ahaa.
Xaaladda qowmiyadaha masiixiga ah ayaa bartamihii qarnigaas
waxay ahayd mid cakiran. Colaado hor leh ayaa waxay bilowdeen
kaddib markii boqorkii Tigrayga ee la oran jiray Asai Tewdros, uu ku jabay dagaalkii Arogi
sanadkii 1868-kii. Muddo dhowr sanadood ah ayaa waxaa jiray
shaki ah ninkii ku gacan-sarayn lahaa talada qowmiyadahaas.
Xilligaas waxaa jiray, sidaan horay u soo xusnay, saddex xoog
oo kala ahaa sidatan :
1. Boqortooyada Amxaaro oo uu hoggaaminayay Dejazmatch Meshesha Mercha waa ina Tewdors.
2. Boqortooyada Tigray oo uu hoggaaminayay Takla Giorgis.
3. Boqortooyada Shawa oo uu hoggaaminayay Sahle Mariam (Menelik).
Xoogaggaas oo ahaa kuwo kala madax-bannaan ayaa in ay
is-faduushaan caado u ahayd. Xiisad ayaa ka dhex aloosantay
boqorkii Tigray iyo kii Amxaaro, taas oo mid waliba uu doonayay
in uu kan kale muquuniyo oo uu maamulkiisa hoos keeno. Boqorka
Shawa ayaa xilligaas ka gaabsaday in uu dhex cararo colaadaha
ka socday gobollada ka xigay waqooyiga. Gaba-gabadii, sanadkii
1871-kii, waxaa laga adkaaday boqorkii Amxaarada, markaas
oo degaankiisii la qabsaday. Dabadeed, bishii koowaad, sanadkii
1872-kii, ayaa boqorkii Tigraygu, magaaladii Aksum ku saartay
taajkii Embraadoorka, isaga oo la baxay Emperor
Yohannis IV. Taariikhda Itoobiya, waxaa boqorkan
looga yaqaan magaca ah suufigii askariga ahaa the
monk and the soldier. Sababtuna waa isaga oo kaniisadaha
aad ugu xirraa iyo isaga oo dalkiisa ka caabiyay dagaalo dhowr
ah oo kaga yimid dhanka Masar xilligii Ismaaciil
Al-Khadawi uu is fidinayay ! ! sanadihii 1974 - 1876.
Muddadii uu maamulka hayay ayuu embraddor Yohannis IV, wuxuu la baxay boqorkii boqorrada.
Taasina waxay ka dambeysay markii uu Amxaaradii jebiyay ayaa
boqorkii Shawa Menelik wuxuu
oggolaaday in uu hoos yimaado maamulka embradoorkan cusub.
Kaddib labada boqor waa ay xidideen markii ay oggolaadeen
in ay isu guuriyaan Araya Selassie oo ah wiilkii Yohannis iyo Zauditu
oo ah gabadhii Menelik. Wiilka ay qoyskan iska dhaleen oo lagu magacaabo Ilyaas
ayaa taariikh qurxoon ku yeeshay Soomaaliya. (Kala soco casharrada dambe).
Dagaaladii is ree-reebka ahaa, oo qaybtii danbe ee bartamihii
qarnigii 19-aad, ay boqorradii qowmiyadaha masiixiga ah ugu
tartamayeen hoggaanka degaanmadooda, ayaa Menelik wuxuu nasiib u yeeshay in uu ugu
danbayntii ku soo baxo, dabadeedna uu yeesho magacii boqorkii
boqorrada Abasiinya. Waxaa xusid mudan, reeraha Xabashida
ah ee la yiraahdo Abeto Yacob
ee uu ka soo jeedo Menelik,
waxaa ka dhashay boqorkii la oran jiray Libne
Dingel ee qarnigii 16-aad u soo qaxay gobolka Shawa,
iyaga oo ka soo baxsaday dagaaladii Axmad
Guray.
Haddaanu milicsano qaabka uu Menelik ku hantiyay awoodda sare ee qowmiyaadkaasi,
waxaanu helaynaa in uu dareen iyo aqoonba ka helay 10 sano
oo uu la noolaa boqorkii ugu itaalka roonaa degaanka, kaas
oo ah Teodors II. Sanadkii
1853-kii, ayaa ciidamadii boqorkani ku soo duuleen gobolka
Shawa. Boqorkan oo ka talinayay gobolka Amxaaro ayaa wuxuu
dilay boqorkii Shawa Haile Malakut.
Geeridii boqorka Shawa ayaa waxaa ku burburay xoogii maamulkii
gobolka ka dhisnaa, sidaasna awoodii waxaa kula wareegay Teodors II oo markaas noqday boqorkii boqorrada
Emperor Teodors II. Maxaabiistii
uu Teodors II ka kexaystay
Shawa waxaa kamid ahaa Menelik oo sagaal jir ah. Waxaa weheliyay
islaan aayadiis ahayd oo la yiraahdo Tidenekialesh! ! iyo oday adeerkiis ah Derge
Sahle Selassie. Maqdalla oo ahayd magaalo-madaxdii
Amxaarada ayaa la geeyay. Emperor Teodors II, xushmad wayn ayuu siiyay
qoyskii uu soo qafaashay, gaar ahaan wiilkii agoonka ahaa
Menelik oo uu ula dhaqmay
sidii wiil uu dhalay oo kale. Markii uu waynaaday wuxuu ku
daray gabadha keliya ee uu dhalay ee la yiraahdo Alitash. Degmada Maqdalla ayuu Menelik wuxuu kula kulmay oo ku bartay dad
badan oo ka soo jeeda qoysaskii iska soo dhaxlay maamulladii
soo maray qowmiyaadkaas. Socdaallo badan ayuu la galay boqorka.
Menelik wuxuu la saaxiibay wiil uu dhalay
boqorka oo la oran jiray Dejazmatch
Meshesha Tewodros, kaas oo eeyan odayga aabihiis
ah isku wanaagsanayn. Wiilkan oo aabihiis mucaarad ku ahaa
ayaa sanadkii 1865! ! -kii wuxuu Menelik
ku kaalmeeyay in uu ka baxsado xerada odayga, taasina waxay
dhacday mar ay habeenimo ahayd oo uu ka furay albaabkii waynaa
ee laga geli jiray magaalada Maqdalla. Menelik
oo markaas 20 jir ahaa ayaa wuxuu la baxsaday qaar kamid ahaa
qoyskiisii qafaalada loo haystay. Waxaa kamid ahaa adeerkiis
Derge Sahle Selassie. Markii
ay gaareen dhulkii reer Shawa, wax badan kuma qaadan in wiilkii
dhallinyarada ahaa ay boqor u caleema-saartaan. Waxaa mashruucan
gacan ka gaystay adeerka oo markaas waayeel ahaa.
Menelik wuxuu markiiba dhex cararay khilaafkii
dhex maray Ingiriiska iyo boqorkii Amxaaro Teodors
II. Wuxuu la xiriiray Ingiriiska oo uu u sheegay
in uu kaalmo u fidinayo dagaalka ay kula jiraan boqorkan.
Halkaas wuxuu ka helay hubkii ugu horeeyay ee soo gaara ciidamadiisii.
Kaddib markii uu boqorkii Amxaarada ku dhintay dagaalkii Arogi, waxaa taladii reerka la wareegay wiilkiisii
Dejazmatch Meshesha Tewodros.
Boqorkii Shawa Menelik, culays kuma noqon in uu maamulkiisa
hoos keeno boqorkan oo ay horay isu yiqiineen.
Bishii abriil 1883-kii, Menelik
wuxuu guursaday gabadha la yiraahdo Taitu Bitul oo uu dhalay Ras Bitul Haile Mariam. Wuxuu la dhashay
Dejazmatch Wube Haile Mariam
oo ahaa ninka hoggaanka Amxaarada ku haystay Tewodros II. Boqorka Shawa wuxuu u dooray
in damaashaadka guurkiisu uu ka dhaco dhulka sare ee deexda
ah ee ku yaal bartamaha gobolka Shawa, halkaas oo hawadeedu
wanaagsan tahay, dhir waawayn iyo biyo badanna leh. Meesha
ay ku taal magaalada Addis-ababa ayuu degay, halkaas oo uu
ku aqal galay. Xaaskiisa ayaa degaankii u bixisay Addis-ababa
oo macnaheedu tahay Ubixii Cusbaa. Halkaas ayaa sanadkii 1887-kii
waxay si rasmi ah u noqotay magaalo-madaxdii Itoobiya.
Sanadkii 1887-kii, Yohannis oo ahaa boqorkii
Tigray ayaa wuxuu ku dhaawacmay dagaal wayn oo ay ciidamadiisii
isaga hor yimaadeen ciidamadii Mahdiga Suudaan. Dagaalkaas
oo lagu jebiyay Tigraygii ayaa boqorkoodiina uu la dhintay
dhaawacii ka soo gaaray. Intuusan dhiman buu wuxuu taajkii
u magacaabay wiil uu dhalay oo la yiraahdo Ras Mengesha. Maamulkii
wiilkan ayaa waxaa fashiliyay Menelik oo sanadkii 1889-kii
sheegtay in uu isgu yahay boqorkii boqorrada Itoobiya. Menelik
wax wayn kuma qaadan in uu dhaawac u gaysto ciidamadii Ras
Mengesha, si uu maamulkiisa ugu fidiyo dhulka Tigrayga iyo Amxaarada.
Laakiin wuxuu daayay maamulladii ka jiray halkaas iyo boqorradoodii.
Bishii maarso 1889-kii, boqorkii Shawa wuxuu la baxay
boqorka boqorrada, embraadoorka Itoobiya, Menelik II. Embradoorkan
cusubi, Menelik ayaa wuxuu boqorrada hore kaga duwanaa
tilmaamaha uu kulan saday. Wuxuu ahaa nin geesi ah, hoggaamiye
ciidameed, damac badan, maamulka wax ka garanayay, fursadahana
ka faaŽiidaysta. In kasta oo uu gumaysi-doon ahaa, wuxuu ahaa
nin ay ku tallaalan tahay waddaninimo. Wuxuu ahaa siyaasi
aragti dheer leh, oo goŽaamo hufan. Qaybtii hore ee dagaalkiisa waxaa ka muuqday
is-difaac gobonimo u halgan ah oo uu ku diidanaa in dhulkiisa
uu gacanta u geliyo gumaystayaasha yimid. Madax-bannaanida
qaaradda Afrika, wuxuu u horseeday guul aanan horey loo arag
iyo tusaale wacan. Laakiin guushaan ayaa dhanka kale isu baddeshay
ama gumaysi u adeeg noqotay, markii uu saf kala soo jeestay
gumaystayaashii Talyaaniga, Ingiriiska iyo Fa! ! ransiiska
ee boobka u yimid degaanka. Markaas oo uu kula heshiiyay qaybsiga
iyo xoog ku maquuninta qowmiyadihii ka tabarta yaraa ee deriska
la ahaa.
Menelik, markii uu
embraadoorka isu caleema saaray, wuxuu bilaabay tallaabooyin
diblomaasiyadeed ee ku aaddan xiriirkiisa dibadda. 2/ 5- 1889-kii,
wuxuu heshiis la dhigtay dowladdii Talyaaniga. Heshiiskaas
oo lagu magacaabo Ucciali, ayaa wuxuu lahaa labo qoraal. Mid
lagu qoray af-talyaani iyo mid kale oo lagu qoray af-amxaaro.
Ras Mokonnen oo heshiiskaas
dabadiis booqasho ku tegay Talyaaniga ayaa waxaa la soo siiyay
hub ay kamid ahaayeen 28 madfac iyo 38.000 oo qori. Muuqaalka
wanaagsan oo uu heshiisku ku bilowday, ma noqon mid raaga.
Taasina waxay ka dambaysay khalad jiray oo ku xusnaa qoraaladii
heshiiska.
Qodobka VII-aad ayaa wuxuu yahay midka sababay is maan-dhaaf
xoog wayn oo ka dhex abuurmay Talyaaniga iyo Xabashida. Ergadii
heshiiska ayaa qodobkan waxay u kala rogteen labo mecno oo
kala duwan. Talyaanigu wuxuu u rogtay qodobka in dowladdiisa
ay xil-qaadayso wax kasta oo xiriir ah oo Itoobiya ay la yeelanayso
dowladaha dibadda, sidaa darteedna dalka Itoobiya uu yahay
dhul maxmiyadihiisa kamid ah. Amxaaraduna waxay macnaha qodobka
u rogteen in ay dhici karto in Talyaanigu uu xil-qaado wax
kasta oo xiriir ganacsi ah oo Itoobiya ay la yeelanayso dowladaha
dibadda.
Talyaanigu markaas waxay aaminsanaayeen in Itoobiya ay
iyagu u taliyaan . Embraadoor Menelik
marna kuma qanacsanayn in Talyaani uu dusha ka maamulo boqortooyadiisa.
Sidaa darteed ayuu si toos ah wuxuu ula xiriiray qaar kamid
ah dowladihii reer Yurub oo ay kamid ahaayeen Faransiis, Ruush
iyo Ingiriis. Xiriirka noocaas ah wuxuu caro geliyay dowladdii
Talyaaniga oo iyadu isu haysatay in ay tahay midda xaqa u
leh maaraynta siyaasadda dibadda ee Itoobiya.
Sanadkii 1890-kii Menelik
waraaq buu u diray boqoraddii Ingiriiska Queen Victoria. uu ku codsanayo in ay yeeshaan
xiriir wanaagsan. Boqoraddii ayaa jawaab diidmo ah ku soo
celisay kaddib markii ay u sheegtay in wixii xiriir ah oo
dhex-maraya Itoobiya iyo Ingiriiska uu dhacayo iyada oo Talyaanigu
uu ka wakiil yahay Itoobiya. Sababta ay boqoraddu sidaas u
tiri waxay ahayd, Talyaaniga oo gaarsiiyay qodobadii heshiiskii
Uccialli, kaas oo dhigayay in Itoobiya dhamaanteed
ay tahay degaan ah maxmiyad uu dusha ka maamulo Talyaaniga.
Arintaas ayaa booo Menelik si aad ah uga caraysiisay.
M. Ilg
oo ahaa gacan-yarihii Menelik,
injineer u dhashay dalka Swiss
ayaa wuxuu reebay qoraal uu kaga waramayo dhacdadan :
" Menelik, qadarin wayn
ayuu u hayay dowladda Ingiriiska iyo boqoradda. ............
Wuxuu si aad ah u rabay xiriir saaxiibtinimo oo uu la yeesho
Ingiriiska. Laakiin wuxuu xanuun ka qaaday raŽyigii dowladda
(Ingiriiska) ee ku qornaa waraaqdii jawaabta ahayd ee uu ka
helay boqoradda Victoria ........... Taas oo boqoraddu ay ku
sheegtay in ay ka xun-tahay in eeyan oggolaan xiriirkiisa.
Balse uu usoo mari karo dowladda Talyaaniga......... Menelik ( markii loo akhriyay waraaqdii boqoradda)
wuxuu yiri :
Maxay tahay arintan ! Ma waxaan ahay adeege, marka
ay boqoraddu sidan iigu soo jawaabayso ?.
Menelik ayaa xog-heyntiisii
ka dalbaday in ay eegaan macnaha jawaabta caynkan ah ee ka
timid boqoradda. Waxaa loo sheegay in cilladdu tahay heshiiskii
Uccialli ". (The Somali Peninsula,
Government of the Somalia 1962. p. 33).
Markaas buu Menelik wuxuu bilaabay in uu jebiyo heshiiskii uu Talyaaniga
la dhigtay. Boqoraddii Ingiriiska ayuu wuxuu u diray sawir
uu ka sameeyay qoraaladii is maan-dhaafka abuuray. Laakiin
wasiirkii arimaha dibadda ee Ingiriiska Sir.
Salsberg, wuxuu mar walba qiimeynayay xiriirka
diblomaasiyadeed ee ka dhexeeyay dowladdiisa iyo Talyaaniga,
isaga oo gaarsiinayay Talyaaniga in eeyan laŽaantood la xiriireyn
Xabashida.
" Waraaqda Wareegata.
Ka : Embradoor Menelik.
Ku : Madaxda dowladaha Yurub.
Waxaan doonayaa in aan ogaysiiyo saaxiibadayada xoogagga
madaxa-bannaan ee Yurub, xuduudda ay Itoobiya leedahay. Taas
oo aanu idiin soo raacinay, mudnaantiinaŽe, waraaqdan.
Xuduuddii Itoobiya waa sidan :-
Laga bilaabo xuduudda Talyaaniga ee Arafale, taas oo ku taal badda, xariiqda soo
aadda dhulka deexda ah (Meda) ee
Gegra, dabadeedna Mahio, Halai, Digsa iyo Gura, illaa
iyo Adibaro. Laga bilaabo Adibaro laga gaaro labada webi ee kala ah Mareb iyo Arated.
Xariiqda ka soo kacda dhibicdaas ee soo aadda koonfurta
illaa iyo labada webi ee ah Adbara
iyo Setit,halkaas oo ay ku taal degmada loo yaqaan
Tomat.
Tomat ka soo kac, xuduudda
dumaysa gobolka Qadaarif, kor u jac tan iyo Karkoj iyo webiga Niilka
Bey-madow (Blue Nile). Laga
bilaabo Karjok, xariiqdu waxay
maraysaa halka ay ku kulmaan webiga Sobat
iyo Niilka Cad (White
Nile). Bartaas ayay xariiqdu ka kacaysaa iyada oo raacaysa
webiga Sobat, waxay dheeheysaa
dhulka AboreŽ, Galla,
waxay gaaraysaa harada Samburu.
Dhanka bari, waxaa kamid ah xuduudda degaanka Booran, Gaalla iyo
Caruusha. Kor u kac iyo dhulka
ay Soomaalidu degaan oo ay kamid tahay xuduudda Ogaadeenka.
Dhanka waqooyi, khadda xuduudda waxaa ku jira Habar-Hawaash, Gadubursi iyo Ciisaha Soomaalida ah ". (The Somali Peninsula, Government of the Somalia 1962.
p. 81).
Gabagabadii, Menelik
wuxuu ku soo af-jarayaa hadal xambaarsan caadifad adag oo
uu ku soo jiidanayo dareenka iyo kal-samida madaxda uu waraaqda
u diray. Wuxuu isku deyayaa in uu danqiyo caadifadda diineed
ee dadyowgaas, taas oo wax-tar ka gaysan jirtay hiillada siyaasadeed
ee dowladihii xilligaas. Menelik
wuxuu qoray :
" Xiiligan maanta ah oo aan sawir ka bixiyay xuduudda
dhabta ah oo boqortooyadayda ay leedahay, waxaan dadaal u
gelayaa, hadduu Eebe i siiyo nolol iyo itaal, sidii aan u
xasilin lahaa xuduudihii hore (Tributaries)
ee Itoobiya, laga bilaabo Khartoum
illaa iyo harada la yiraahdo Lake Nyanza
oo ay la socdaan dhamaan (dhulka)Gaalla (Oromo).
Itoobiya, muddo afar iyo toban qarni ah ayay ahayd
jasiirad ku dhex-taal bad sanamyo-caabud ah. Haddaba haddii
xoogagga naga fog ay u yimaadeen hadafka ah in ay Afrika iyagu
qaybsadaan, goŽaankaygu ahaan-mayo in aan noqdo daawade dhex-dhexaad
ah.
Sida uu Awood-badanuhu (Eebe), illaa iyo maanta, u
ilaaliyay Itoobiya, ayaan ku kalsoonahay in uu u ilaalin-doono,
oo uu fidin doono xuduuddeedana mustaqbalka. ................
.
Xilli hore, xuduudda Itoobiya waxay ahayd badda. Awood
ku filan ayaa hareeraysay, wax kaalmo ahna kama helin xoogagga
masiixiga ah, xuduuddayadii badda xeebaheeda ahaa waxay gacanta
u galeen xooggii muslimka.
Xilligan hadda ah, ma nihin kuwo guddoonsaday in xuduuddeenii
hore ee badda ahayd aanu xoog ku soo ceshano, laakiin waxaanu
ku kalsoonahay xoogagga masiixiga ah, ee tilmaamaya badbaadadayada,
in ay inoo soo ceshaan xadkii xeebaha badda ahaa oo aanu lahayn,
qiimo kasta ha ku bexee, meel uun xeeb ah ". (Ibid : p. 81).
Taladii urursanayd ee qowmiyadihii masiixiga ahaa oo gacanta
u gashay iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee uu ku guulaystay
in uu la yeesho xoogaggii jiray ayaa Menelik waxay u suurogelisay in uu hirgeliyo
aragtidiisii ahayd baahinta maamulkiisa. Wuxuu bilaabay in
uu isku fidiyo dhulalka ka fog oo ay deggan yihiin qowmiyaadka
muslimka ah. Hub tiro iyo tayo leh ayuu ka iibsaday ganacsato
reer Yurub ah. Ganacsigaas oo muddo sanooyin ah socday ayaa
qaxwuhu wuxuu ahaa waxa ugu wayn oo dhankiisa ka baxayay.
Saadiq Enow
.Casharadii hore